-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimadda Online) Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday hawlgallada ay ku sugayaan amaanka deegaanka, waxeyna markaan ka hortageen sida ay sheegteen weeraro ay Daacish la damacsanaayeen iney ka fuliyaan magaalada Boosaaso. Wararka la helayo waxey sheegayaan in ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan xubnahii loogu talagalay iney fuliyaan dhibaatada, sidoo kale waxey gacanta ku dhigeen agab la rabay in lagu sameeyo qaraxyo. Taliska ciidanka Amaanka Puntland ayaa baraha bulshada ku faafiyay qoraal ay ku xaqiijinayaan hawlgalka ay sameeyeen iyo waxyaabahii ay kusoo qabteen, wuxuuna u qornaa sidaan: “Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada #PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso; Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan” Bilowgii todobaadkaan ayey aheyd markii ciidamada Amaanka Puntland ay isla magaalada Boosaaso ku fashiliyeen weerar ay Daacish damacsaneyd, iyagoo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan oo markii dambe la ogaaday inuu yahay madaxii Amniyaadka kooxdaan ee gobolka Bari. Qoraalka lasoo dhigay bogga ay ciidamada amaanka Puntland ku leeyahiin Puntland, laguna faalleeyay xaqiiqada hawlagalka ayaa la raaciyay: “Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray” “Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish,shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,Haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388,” Si kastaba qoraalka xaqiijinta ah ayaan lagu caddeyn hadii ay ciidamada Ammaanka Puntland wax dhibaato ah soo gaartay, waxaana muuqaneysa in hawlgallada isbuucaan ay sameeyeen ay ka gaareen guulo la taaban karo.
-
Ilhan Omar iyo Senator Bernie Sanders oo codsaday in deymaha laga cafiyo wadamada aad u saboolka ah Senator Bernie Sanders iyo Ilhan Omar waxay hogaaminayaan koox xildhibaano ah oo ka kala yimid laba iyo toban dal, iyagoo ugu yeeray Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka inay iska cafiyaan deynta dalalka ugu saboolsan adduunka ayna kor u qaadaan taageeradooda. ’’Jadwalka bixinta deynta ee ay ku dhawaaqday bishii hore kooxda 20 kuma filna in loo oggolaado waddammada in ay wax ka qabtaan dhibaatada, xildhibaannada, oo uu ku jiro U.K. Jeremy Corbyn, ayaa ku sheegay warqad Arbacadii. Tallaabooyinkaan ayaa ah kuwa ugu yar ee ay tahay in hay’adahan lacageed ay sameeyaan si looga hortago koror aan la qiyaasi karin oo saboolnimo ah, gaajo, iyo cudur halis gelinaya boqolaal milyan oo qof,” ayuu Sanders ku sheegay hadal uu soo saaray. Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen IMF iyo World Bank inay baaqooda kagasoo jawaabaan muddo 15 maalmood ah. Qaran News
-
Arrimaha la xiriira xoga Covid 19 ee Soomaaliya waxaa ay galab weliba dad la wadaaga xaaladaha dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. Haddaba, waxaa soo baxeysa in xogta ay arbacadii sheegtay dowladda federaalka ah ayaa ka duwan midda dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruu Dhankeeda, Puntland ayaa soo bandhigtay shax middaas ka duwan oo sheegeysa iney diiwaan geliyeen ilaa 13 bukaan oo cusub Source: goobjoog.com
-
Maxaa Ilhan Cumar ku qasbay inay taageerto qorshe Urur Yahuudi ah wato? Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wajaheysa cambaareyn xooggan kadib markii ay saxiixday warqad maamulka Trump ku boorineysa inuu kordhiyo cuneqabateynta hubka ee saaran Iran. Warqadda, oo aan heysan sharciyad dhaqan-gal, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 380 xubood oo Aqalka congress-ka ah. Magaca Ilhaan ee warqadda ku sixiixan ayaa waxaa loo fahmay in ay xilligaan ka fallaagowday baqeedii hore ee ahaa in la qaado cuneqabateynta ka dhanka ah Iran. Waxa carada ka dhanka ah Ilhaan sii kordhinaya ayaa ah in warqadda uu gadaal ka riixayo guddiga udooda Yahuudda ee AIPAC ayna ka turjumeyso ajandihiisa sharci-dejinta. Sidoo kale waxaa warqadda soo qoray gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congres-ka Eliot Engel iyo Michael McCaul kuwas oo labadoodu safka hore uga jira marka ay timaado siyaasadda ka dhanka ah Iran. “Waxaan u malaynayaa in ay ogolaatay in lala xisaabtamo dadkuna ay muujiyaan sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabada ay qaaday, gaar ahaan kweena naftooda ka hormariyay sanadkii hore taageeradeedana ku bixiyay kharashkooda,” ayuu yiri Jinan Shbat oo ka tirsan ururka loo soo gabiyo ADC. Cambaareynta Ilhaan Carada ayaa billaabatay kadib maqaal ay daabacday jariidadda Al-Monitor oo markii ugu horreysay baahisay saxiixa Ilhaan Cumar. Waxaa sidoo kale wariyay Electronic Intifada, Fox News iyo warbaahinta Israel. Guddiga ka hortagga dagaallada, oo degan gobolka laga soo doorto Ilhaan Cumar ee Minnesota, ayaa ku baqay in ay warqadda ka saarto saxiixeeda, islamarkaana waxay dalbadeen in ay la kulmaan si arrinta ugla hadlaan. “Hadda ka hor, waxaan u malayneynay in aan fahannay aragtidaada, laakiin hada waxaan ka walaacsannahay in aad siyaasadaada ka tanaasuleyso si laguugu fahmo in aad dhex-dhexaad tahay, kuna biirtay kuwa u codeeya Yahuudda,” ayuu ururk ku sheegay war uu soo saaray. Marcus Montgomery oo ka tirsan xarunta carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in lagu jah-wareeray sababtaIlhaan Cumar ay sharciyad u siineyso warqada. Waxa uu hadalkiisa ku daray in Ilhaan ay cod fur-duran u ahayd doodda ka dhanka ah cune-qabateynta Iran. Horraantii sanadkaan, Ilhaan Cumar wxaa ay ka mid ahayd, sharcidejiyeyashii ugu horreeyay ee ku baaqay in cune-qabateynta laga qaado Iran, si loogu ogolaado Jamhuuriyada Islaamiga ah in ay la tacasho Coronavirus. “Hadana waxaa ay sixiixday warqad tageereysa siyaasadda maamulka. Waxaan ula jeedaa warqaddu waxay si faah-faahsan uga hadleysaa dhammaan qaybaha hubka cuneqabaeynta la saarayo iyo “dhaq-dhaqaaqyadda xun ee Iran” ayuu Montgomery u sheegay Middle East Eye. Cali Abunimah, oo wax ka aasaasay warbaahinta Electronic Intifada, ayaa dib uga riixay ilhaan weerada ka dhanka ah, inkastoo uu tilmamay in go’an xun ay ahayd in ay warqada saxiixdo. “Qaar ka mid ah fal-celinta aan arkayay waxay ahaayeen in la gatay ama ay maamuleen dadka kasoo horjeeda iyo wax la mid aha” ayuu yiri Cali Abunimah. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa inaan cambareyno khaladkeeda, laakiin aan dhiiri gelino shaqada wanaagsan ee ay qabatay.” Kala qaybinta taageerayaasheeda Ahmed Bedier oo u ololeya siyaasadda muslimiinta ee Maraykanka ayaa sheegay in ururka yahuudda u dooda ee AIPAC iyo warbaahinta garabka midig ay isku dayayaan in arrinta ka faa’iideystaan. “Waxay dhab ahaantii doonayaan in ay taagerayaasheeda kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay wargeyska Middle East Monitor. “Wax walba oo ka dhan ah Ilhaan, waa ay tageeri doonaan, xitaa haddii ay cadowgooda ka imaaneeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Bilo ka hor urur ku xiran Isreal ayaa bilaabay xayaysiin is bar-bar dhigeeysa Ilhaan Cumar, Rashida Tlaib iyo Betty McCollum iyo ururka Daacish. Ma laga yaabaa in Ilhaan Cumar ugu dambeyn u hoggaansantay cadaadiska Yahuudda? Qaran News
-
Suudaan oo ka biyo diidday hadal ka soo yeedhay Itoobiya Suudaan ayaa sheegtay iney aqbaleyn fikirka ay Itoobiya soo jeedisay ee ku saabsan qaabka loo buuxinayo biyaha biyo xireenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile. Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay iney dowladdiisu aqbaleyn fikirka Itoobiya ka soo yeedhay. Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalladi u dhaxeeyey ee xalka looga raadinayey muranka biya xireenka ka dhashay ayaa istaagay. Hasayeeshee, Masar ayaa toddobaadkan cabashadeeda ku aaddan Wabiga Nile ee Itoobiya kala dhaxeeyo u gudbisay qaramada midoobay. Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok diidmada fikirka Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin. Masar iyo Suudaan waxay cabsi aad u weyn ka qabaan biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso haddii lagu billaabo qabashada biyaha wabiga Nile iney biyo yari soo food saareyso. Dalka Itoobiya oo mashruucan balaayiinta doolar ku bixiyey si uu uga baxo baahida dhinaca korontada ka haysato wuxuu qorsheynayaa bisha July ee soo socota inuu billaabo keydinta biyaha biya xireenka uu u baahan yahay. Seddexda dal bilooyin ka hor shir ay si wadajir ay u soo qabanqaabiyeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay magaalada Washington ayay marki ugu dambeysay ku kulmeen balse kulankoodaasi uu ku soo gabagaboobay Natiijo la’aan. Gaar ahaanna dalka Itoobiya heshiiski ugu dambeeyey waxay ugu baxay iyada sheegtay heshiiska ay soo jeediyeen Mareykanka iyo Bangiga adduunka inuu u janjeero rabitaanka Masar sidaana ay heshiiska ku qaadacday. Dalka Masar oo qarniya badan biyaha ugu badan ee wabiga Nile isticmaalayey ayaa cabsi weyn ka qaba biyo xireenka Itoobya inuu saameyn u geysto ayaa bilooyinkii u dambeeyey ku howlaneed sidii ay Mareykanka iyo waddamada carabta ay taageero uga heli lahayd. Waddamada jaamacadda carabta oo baaq ay ku taageerayaan rabitaanka Masar soo saarayna waxaa diidday dowladda Suudaan. Go’aanka diidamada ee Suudaan ka qaadatay jaamacadda carabta wixi ay isku raaceen waxaa si weyn uga mahad celisay dowladda Itoobiya, halka ay dhinaca Masarna eed aad u weyn kala kulantay. Dowladda Itoobiya waxay dhankeeda soo jeedisay tala bixinno ay ku sheegtay mid ay danteeda ku jirto heshiis kama dambeys ahna looga gaari karo muranka seddexda dal muddada dheer u dhaxeeyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoogan ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu ahaa mid laga dareemay degmadaasi. Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu Xaafada Soonakey ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan Millateriga iyo Booliska Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Turkey-ga uu Tababaray ee Haram Cad. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyay dagaalka. Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday, halka Dadka deegaanka ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen inuu dagaalka ka bilowday Qaad si qarsoodi ah loo soo gelinayey Magaalada. Dagaalka oo socday wax ku dhow saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyooday 4 askari oo ka tirsan ciidamadii dagaalamay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in askarta dagaalka lagu dilay uu ka mid yahay Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, waxaana si weyn looga garanaayay Soona Key. Waxaa suurtagal ah in khasaaraha intaas uu ka bato maadaama rasaas habow ah ay ku dhaceysay Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Degmada Hodan ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku soo noq noqdeen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ka wada tirsan. Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay mowqif adag ka qaadan dagaalada ku soo noq noqday Caasimadda Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamadeeda. Laamaha Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Dagaalkii Xalay ka dhacay Qaybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
-
Degmada Warta Nabadda ayaa xalay u gudubtay wareega labaad ee tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka guuleysatay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxa ay guusho raacday tartamaayaashii matalayey Warta Nabadda. Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in degmada Warta Nabadda ay la timid 16 dhibcood, halka tartamayaasha Cabdicasiis ay keensadeen 12. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsan group-ka D, waxaana giid ahaan u dambeeyey wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga ee dowladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inay isku qabteen arrimo la xariira Qaad, si qarsoodi ah loo soo galiyey magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ugu yaraan afar askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Dhamme Daahir Sheekh Axmed ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi. Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa saaka ah mid ah degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya. Dhowaan ayey aheyd markii dagaal kan la mid ah ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ku dhex-maray xaafadda Kaawo-Godey, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-140520.mp3 View the full article
-
Ciidanka Amniga Puntland ee loo yaqaanno PSF, ayaa shalay hawlgal qorshaysan ku qabtay saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaas qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso. Qoraal xalay ka soo baxay Taliska PSF, ayay ku sheegeen in hawlgal qorshaysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ka fuliyeen Boosaaso, in ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, oo qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada. Qoraalka PSF, ayaa lagu xusay in qaraxyadaas ay ka koobnaayeen kuwa dhulka la geliyo ee miinooyinka ah iyo qaraxyada suumanka ee dadka ismiidaamiya ay isticmaalaan, balse faahfaahin kale ma bixin. Taliska PSF, ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari, si loo xaqiijiyo Amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka. PUNTLAND POST The post Ciidanka Amniga Puntland oo Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo diyaarinayay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay hawlgal gaar ah ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa malayshiyaadka Al-shabaab. Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa laga soo xigtay in horjooge Cabdi Muxsin Sheikh Xuseen (Abu-bakar) lagu dilay hawlgalkaas oo ka dhacay tuulada Buula-Sheikh oo u dhexaysa degaanka Jannaale iyo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose. Gen. Dirir ayaa sheegay in horjoogahaas uu ahaa xubin sare oo muhiim u ah malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose inkastoo uusan xusin xilka uu ka hayay gudaha Al-shabaab. Taliyaha ayaa tilmaamay in sidoo kale hawlgalkaas lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magaca horjooge sare oo ay ka dishay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Degmada Buurtine ee gobolka Nugaal Roobab dabaylo wata oo xalay ka da’ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa dhulk la simay guryo ka samaysan coosh oo ay degganaayeen barakacayaasha ku sugan degmadaasi. Dadweynaha magaalada, ayaa soo sheegaya in xaafaddii barakacayaasha Buurtinle uu Roobkkaasi khasaare xooggan gaarsiiyay, kadib markii uu dhulka la simay guryihii ay degganaayeen oo coohashado ka samaysnaa. Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo bannnaan tuban yihiin, oo aysan haysan wax hooy ah, maadaama guryahoodii cooshka ay xalay ku dumeen dabaysha Roobka halkaas ka da’ay. Sidoo kale, Roobkii xalay ayaa waxyeello gaarsiiyay guryo badan oo isu’gu jira degaan iyo ganacsi, kuwaas oo ay saqafyada ka qaadday dabaysha, iyadoo wararka qaar sheegayaan in sidoo kale waxyeello gaartay korontada magaalada. PUNTLAND POST The post Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post. -
For several years, Washington reverted to largely ignoring the ongoing Somali tragedy. Source: Hiiraan Online
-
Rome (Caasimadda Online) Warbaahinta Turkiga ayaa dhawaan baahiyay iney kaalin mug leh ka qaateen sii deynta haweeney sanadkii 2018 laga afduubay dalka Kenya balse lagu heystay gudaha Soomaaliya, waxaana la baahiyay in Talyaaniga ka codsaday dhigiisa Turkiga inuu gacan ka siiyo arintaas. Warbaahinta maxaliga ah ee TgCom24 ayaa baahisay in Talyaaniga ay beeniyeen sheegashada ka timid dhigooda Turkiga kuna saabsan arrinta sii deynta Silvia Romano. Sida lagu sheegay warbixinta Turkiga, wuxuu Turkigu faafiyay inuu haweeneydan ay ciidamadiisa siiyeen jaakad u muuqata midda aan xabadda karin, waana sawirka laga qaaday iyadoo saaran gaari, balse lama garanayo halka looga qaaday. Sirdoonka Talyaaniga ayaa been abuur ku tilmaamay sheegashadaas, waxeyna warbaahinta u sheegeen in jaakadaas ay ciidamadooda u geeyeen Silvia, sida uu sheegay talafashinka maxaliga ah ee TgCom24TV. Wararka hoose ee la helayo waxey sheegayaan in dowladda Qatar ay kiiskaan u qaabilsaneyd dhanka iyo wadaxaajoodka sii deynta haweneyda, balse ay sirdoonka Soomaalida, kan Turkiga iyo kan Talyaaniga ay iska kaashadeen arrinta. Talafashinka wuxuu qiray sidoo kale in talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga dhamaadka sanadkii hore, taasna waxaa ugu wacan inuu saameyn ballaaran ku leeyahay gudaha Soomaaliya. Inkastoo saxaafadda ay wariyeen in haweeneydaan samafalka u tagtay bariga Afrika lacag madax furasho ah lagu sii daayey, haddana ma jiraan jawaabo run ah oo arintaan laga bixiyay, qaar ka mid ah warbaahinta waxey wariyeen in lacag ku dhaw 4 Malyan oo Doolar lagu sii daayay. Mid ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Talyaaniga, oo ah wargeyska La Repubblica ayaa sheegay inuu wareysi la yeeshay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo qiray iney madax furasho ka heleen sii deynta haweeneyda. Qof walba wuxuu sugayaa wareysiga ay bixin doonto Silvia Romano oo muddo gacanta ugu jirtay kooxaha afduubayaasha ah, waxaana la rumeysan yahay iney wax badan ka hadli doonto.
-
Bigotry mars return of Italy hostage who converted to Islam
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ROME (AP) — A right-wing lawmaker in Italy was reprimanded Wednesday after he called a young Italian woman who converted to Islam while being held hostage in Somalia a “neo-terrorist.” Source: Hiiraan Online -
Flights carrying the mild stimulant khat have been banned from entering Somalia, leaving chewers of the leaves in a stew, write the BBC's Mary Harper and Bella Hassan. Source: Hiiraan Online
-
Up to one million hectares of farm land need to be controlled and treated with pesticide if Eastern Africa and Yemen are to have a good chance of avoiding a food security crisis in the wake of an unprecedented plague of locusts expected in the next month, warns the UN’s Food and Agriculture Organization (FAO). Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wajaheysa cambaareyn xooggan kadib markii ay saxiixday warqad maamulka Trump ku boorineysa inuu kordhiyo cuneqabateynta hubka ee saaran Iran. Warqadda, oo aan heysan sharciyad dhaqan-gal, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 380 xubood oo Aqalka congress-ka ah. Magaca Ilhaan ee warqadda ku sixiixan ayaa waxaa loo fahmay in ay xilligaan ka fallaagowday baqeedii hore ee ahaa in la qaado cuneqabateynta ka dhanka ah Iran. Waxa carada ka dhanka ah Ilhaan sii kordhinaya ayaa ah in warqadda uu gadaal ka riixayo guddiga udooda Yahuudda ee AIPAC ayna ka turjumeyso ajandihiisa sharci-dejinta. Sidoo kale waxaa warqadda soo qoray gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congres-ka Eliot Engel iyo Michael McCaul kuwas oo labadoodu safka hore uga jira marka ay timaado siyaasadda ka dhanka ah Iran. “Waxaan u malaynayaa in ay ogolaatay in lala xisaabtamo dadkuna ay muujiyaan sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabada ay qaaday, gaar ahaan kweena naftooda ka hormariyay sanadkii hore taageeradeedana ku bixiyay kharashkooda,” ayuu yiri Jinan Shbat oo ka tirsan ururka loo soo gabiyo ADC. Cambaareynta Ilhaan Carada ayaa billaabatay kadib maqaal ay daabacday jariidadda Al-Monitor oo markii ugu horreysay baahisay saxiixa Ilhaan Cumar. Waxaa sidoo kale wariyay Electronic Intifada, Fox News iyo warbaahinta Israel. Guddiga ka hortagga dagaallada, oo degan gobolka laga soo doorto Ilhaan Cumar ee Minnesota, ayaa ku baqay in ay warqadda ka saarto saxiixeeda, islamarkaana waxay dalbadeen in ay la kulmaan si arrinta ugla hadlaan. “Hadda ka hor, waxaan u malayneynay in aan fahannay aragtidaada, laakiin hada waxaan ka walaacsannahay in aad siyaasadaada ka tanaasuleyso si laguugu fahmo in aad dhex-dhexaad tahay, kuna biirtay kuwa u codeeya Yahuudda,” ayuu ururk ku sheegay war uu soo saaray. Marcus Montgomery oo ka tirsan xarunta carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in lagu jah-wareeray sababtaIlhaan Cumar ay sharciyad u siineyso warqada. Waxa uu hadalkiisa ku daray in Ilhaan ay cod fur-duran u ahayd doodda ka dhanka ah cune-qabateynta Iran. Horraantii sanadkaan, Ilhaan Cumar wxaa ay ka mid ahayd, sharcidejiyeyashii ugu horreeyay ee ku baaqay in cune-qabateynta laga qaado Iran, si loogu ogolaado Jamhuuriyada Islaamiga ah in ay la tacasho Coronavirus. “Hadana waxaa ay sixiixday warqad tageereysa siyaasadda maamulka. Waxaan ula jeedaa warqaddu waxay si faah-faahsan uga hadleysaa dhammaan qaybaha hubka cuneqabaeynta la saarayo iyo “dhaq-dhaqaaqyadda xun ee Iran” ayuu Montgomery u sheegay Middle East Eye. Cali Abunimah, oo wax ka aasaasay warbaahinta Electronic Intifada, ayaa dib uga riixay ilhaan weerada ka dhanka ah, inkastoo uu tilmamay in go’an xun ay ahayd in ay warqada saxiixdo. “Qaar ka mid ah fal-celinta aan arkayay waxay ahaayeen in la gatay ama ay maamuleen dadka kasoo horjeeda iyo wax la mid aha” ayuu yiri Cali Abunimah. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa inaan cambareyno khaladkeeda, laakiin aan dhiiri gelino shaqada wanaagsan ee ay qabatay.” Kala qaybinta taageerayaasheeda Ahmed Bedier oo u ololeya siyaasadda muslimiinta ee Maraykanka ayaa sheegay in ururka yahuudda u dooda ee AIPAC iyo warbaahinta garabka midig ay isku dayayaan in arrinta ka faa’iideystaan. “Waxay dhab ahaantii doonayaan in ay taagerayaasheeda kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay wargeyska Middle East Monitor. “Wax walba oo ka dhan ah Ilhaan, waa ay tageeri doonaan, xitaa haddii ay cadowgooda ka imaaneeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Bilo ka hor urur ku xiran Isreal ayaa bilaabay xayaysiin is bar-bar dhigeeysa Ilhaan Cumar, Rashida Tlaib iyo Betty McCollum iyo ururka Daacish. Ma laga yaabaa in Ilhaan Cumar ugu dambeyn u hoggaansantay cadaadiska Yahuudda?
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah, oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Michael Rubin ayaa sheegay in qorshaha uu ku sheegay ‘midnimada qasabka ah’ uu wado Danjire Yamamoto oo isagu kaashanaya Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ku tilmaamay ‘hogaamiyo aan waayo arag aheyn’, xili uu muddooyinkii dambe waday qorshayaal uu dib ugu furayo wada-hadalada labada dhinac, inkasta oo ay weli hakad ku jiraan. Rubin ayaa si weyn uga hor-yimid hadalkii dhowaan uu jeediyay Donald Yamamoto, kaasi oo ku dalbanayey heshiis midnimo iyo in maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan si loo gaaro guulo wax ku ool ah. Aqoon-yahankan Mareykanka ah ayaa ku doodaya inaysan suurtagal aheyn midnimo dambe oo Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexmarta, xili ay ku doodo inay xoriyadeeda dib ula soo laabatay muddo ku siman 30-sano, walow ay helin aqoonsi caalami ah. “Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya Ra’iisal wasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa” ayuu yiri Michael Rubin. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland”. “Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro. Dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991-kii”
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah la gaarsiiyo degaannada ay saameeyeen Faahaadaha. Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo amray in gurmad deg deg ah lala gaaro degaanada ay saameeyeen Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay buug cusub oo loogu magac daray Dagaal Nabadeed: Militariga Kenya ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, 2011-2020, waxaana qoray sida lasoo wariyay taliyihii hore ciidamada difaaca Kenya Samson Mwathethe. Buugaan waxaa lagu qeexay qorshaha ay ciidamada Kenya ee ka mid ah hawlgalka midowga Africa ee AMISOM uga baxayaan gudaha Soomaaliya, wargeyska Daily Nation ayaana qiray in dhamaadka 2021 ay ka bixi doonaan sida goor hore lagu cadeeyay qorshaha kala guurka. Kadib sideed sano oo ay ciidamada Kenya hawlgallo aan guulo badan laga gaarin ka wadeen gudaha Soomaaliya waxaa hadda bilaabanaya qorshaha ay ku bixi lahaayeen. Sida uu baahiyay wargeyska shuruudaha ka bixitaanka AMISOM waxey abuuri doontaa dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo awood loo siin doono iney sameeyaan hawlgallo ay nabad waarta uga dhaliyaan guud ahaan dalka, sidoo kale wargeyska wuxuu qiray iney xigi doonto nabad iyo daganaasho ka dhalata deegaanada Jubbaland. Talyihii hore ciidamada Kenya Samson Mwathethe wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaankooda gudaha Soomaaliya ay xaqiijin doonto amaan buuxa oo laga dhaliyo deegaanada Jubbaland, sidoo kale wadooyinka loo maro xadka labada wadan sida (Liboi, Gherille, Mandheera, Ceel-waaq iyo kaynta Boni). Meesha kama uusan saarin fursadda loo heli karo dakadaha ku teedsan badweynta Hindiya ee ay ka midka yahiin Ras Kamboni, Kudhaa, Kismaayo iyo Baraawe. Inkastoo wakhtigaas ka soke la rajeynayo hadana talyihii hore wuxuu aaminsan yahay in ka bixitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya ay keeni karto heshiis dhexmara Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. In la furo xafiisyo socdaal oo laga furayo magaalooyinka xuduudda labada dowladood ayuu ka dhex arkaa taliyaha iney abuurmi karaan. Ugu dambeyntii waxaa la ogyahay in ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM kuna sugan deegaanada Jubbaland aysan wax tallaabo weyn ah kusoo kordhin deeganadaas, sidoo kalana guul kama gaarin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
