Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-14052020-ww.mp3 View the full article
  2. (SLT-Beijing)-Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyey inay ku gefayaan kadib markii Washington ay sheegtay in kooxo internet-ka jabsada oo Shiinees ah ay isku dayeen inay xadaan cilmi-baaris la xidhiidha horumarinta talaalka cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in kooxahan internet-ka jabsada ay isku dayeen inay helaan xog la xidhiidha tallaalka iyo daweynta coronavirus, ayaga oo ka digay isku dayadan oo ay ku lug leeyihiin kooxo ku xiran dowladda Shiinaha. FBI-da Mareykanka iyo Hay’adda Amniga Internet-ka ayaa sheegay in dadaallada Shiinaha “ay halis muuqata” ku yihiin jawaabta Mareykanka ee COVID-19. “China waxay si xooggan u muujineysa ayna ku qanacsaneyn, kana soo horjeedoo gefka noocan ah,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian, oo shir jaraa’id ku qabtay Beijing. Zhao ayaa sheegay in Beijing ay guulo u gaar ah ka sameysay dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus. Si kastaba, Zhao ayaa sheegay in ficil kasta oo Online ah oo lagu waxyeeleynayo dadaallada socda ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 ay tahay in la cambaareeyo. Mareykanka iyo Shiinaha, oo horey ay uga dhaxeysay xiisad dhanka ganacsiga ah ayaa marar badan hadallo kulul isku dhaafsaday cudurka Coronavirus. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa ayaa horey Beijing ugu eedeeyey inay qarisay xogta cudurkan, taasi oo sida ay sheegeen gacan ka gaysan lahayd in cudurka laga hortago inta uusan ku faafin caalamka, eedeyntaas oo Beijing ay beenisay. Source
  3. The Somali health ministry on Wednesday confirmed 49 new cases of COVID-19, bringing the total of infections to 1,219. Fawziya Abikar, the health minister said four people recovered from COVID-19, raising the total number of people who had been discharged from hospitals to 130. The minister said no person succumbed to the disease as the death toll remained at 52. The minister said 38 of the latest cases are male while 11 others are female. The spike in the COVID-19 cases comes at a time Somalia is facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  4. The novel coronavirus is likely to stick with us for a while, much like HIV has, the World Health Organisation (WHO) has said as it warned people that they may have to learn to live with it. Source: Hiiraan Online
  5. The federal government of Somalia has asked its citizens living in Kenya and willing to be evacuated at own cost to file their contact details as soon as possible. Officials at the Somali Embassy in Nairobi issued a notice asking anyone ready to buy a ticket out of Kenya to send their information via an online platform to be helped out of the country. The flight booking will be ongoing until on 17th May 2020, according to the embassy. One of the conditions issued said only Somali citizens will be evacuated as long as they can pay their own ticket. Those citizens will have to prove they are free from the novel coronavirus disease (Covid-19), which means they will have to be certified by the Kenyan authorities before they are flown back to the country. The decision to evacuate citizens comes amid increasing public pressure both at home and among the diaspora community for the government to rescue those stranded in the wake of the novel coronavirus pandemic. Meanwhile, Somalia sees a spike in the covid-19 cases amid the country facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights.
  6. Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah la wareegtay laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca (Helicopters), kuwaas oo ay ku deeqday dowladda Canada. Labadaas diyaaradood, ayaa loogu tala galay in Ayax looga buufiyo degaananda uu kaga habsaday Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland, Somaliland iyo Galmudug halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay uu fara ba’an ku hayay Ayaxa. Mashruucaas, waxa si wadajir ah u maalgelinaya Hay’adaha FAO iyo USAID, waxaana fulinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado hawada ka buufinaya Ayaxa appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Garoowe)-Tirada wasiirrada Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho. Laba kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka laba kalena ayna weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covid 19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay. Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degdeg ah kusoo aaday Garoowe. Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baadhitaanka cudurka. Puntland, cudurka covid19 ayaa gaadhay 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday degmooyinka ay rumeysan yahay in laga soo tuuro hoobiyeyaasha lagu beegsado xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyinkaas ay yihiin Wadajir, Dharkanley iyo Kaxda. Tuulax ayaa sheegay in dhowr jeer saddexdan degmo ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayna iminka wadaan howl-gallo amingooda lagu xaqiijinayo, loogana hortagayo falal amni darro oo ay ka fuliyaan Al-Shabaab. Tuulax ayaa hadalkan sheegay xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka saddexda degmo Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho. Inkasta oo Tuulax uu sheegay saddexdan degmo, haddana mid ka mid ah weeraradii hoobiye ee ugu dambeeyey waxaa laga soo qaaday degmada Kaaraan, sida ay xog gaar ah ku heshay Caasimada Online. Toddobaadyadii dhowaa, waxaa kordhay weerarada hoobiye ee Al-Shabaab ay ku beegsaneyso xarunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde, ayada oo mararka qaar ay toddobaad gudihiis fuliyeen laba ama saddex weerar. Dhinaca kale, Tuulax ayaa ugu baaqay laamaaha amniga Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga, islamarkaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga. Hoos ka dhageyso codka Tuulax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Tuulax.mp3
  9. Soomaaliland ayaa shaacisay in manta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 14 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 7 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 6 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 68 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu shaaciyay inay dib u habeyn ku sameeyeen sugidda amniga deegaannada maamulkaasi maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay ku jiraan feejignaan amni. Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim Goojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al shabaab ay doonayaan in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay weeraro ka fuliyaan deegaannada maamulkaasi waxa uuna xusay inay ka feejiganyihiin weeraradaasi. Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in amaanka magaalada Kismaayo haatan si aad ah loo adkeeyay isaga oo intaas ku daray in magaalada dhexdeeda aan loo ogolaan doonin qof aan ka tirsanayn ciidanka magaalada inuu hub ku dhex wato. “Dhamaan ciidamada Loogu talagalay sugidda amniga magaalada Gudaheeda waxaa ay Fareynaa in aysan ogolaan cid aan ciidamadooda kamid ahayn aanu la ogoleyn in qori uu ku dhex sito magaaalada dress ha wato amaba yuusan wadan”ayuu yiri Aaadan Goojaar taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland. Dhanka kale Taliye Goojaar ayaa digniin u diray dadka siyaabaha kale u suurad xumeynaya howlaha lagu sugayo amniga isaga oo sheegay in daadkaas ay u arki doonaan inay yihiin kuwa suurad xumeyna howsha amni waxa uuna mar kale yiri “cid kasta oo suurad xumeyneysa howshaas waxaan u aragnaa cid qal qal galineysa amniga,mana u dulqaadaneyno,waxaana laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga,waxaa lagama maarmaan ah kulana xisaabtameynaa,kana dooneynaa cid kasta oo howsha amniga suurad xumeyneysa,waxa ay ku suurad xumeyneyso cadeemaheeda ayaan ka rabnaa”. Jubbaland ayaa qeyb ka ah maamullada dagaalka kula jiro Al shabaab xilli caasimadda maamulkaasi ee Buáalle ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Bu’aale (Caasimadda Online) Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen saacadahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka. Sida warka lagu helay duqeymaha waxaa laga fuliyay goobo ay ka mid yahiin garoonka diyaaradaha magaalada Bu’aale oo la fahamsan yahay iney fariisin weyn ku leeyahiin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al-Qaacida. Sidoo kale deegaanada Jiira garoob, Sariiraha iyo Arabow ayaa la sheegaya iney duqeymaha ka dhaceen, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda hadii duqeymahaas ay khasaaro naf iyo maalba geysteen. Mudooyinkii dambe gobolada Jubooyinka waxaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysanayay ciidamada Mareykanka kuwaas oo caawinaad ka hela ciidamada Kenya iyo kuweea Soomaalida. Taliska Jubbaland iyo Al-Shabaab qudhooda ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay iney ka dhaceen deegaano dhaca Jubbada Dhexe, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli kooxda Al-Shabaab dhawr dagaalyahan looga dilay hawlgalo laga fuliyay gobolka Shabeelada Hoose.
  12. The Kenya Defence Forces (KDF) has established pillars that will guide its withdrawal from Somalia after eight years. Source: Hiiraan Online
  13. Daraasad ay samaysay hay’adda caafimaadka aduunku (WHO), waxa ay daboolka ka qaaday in heerka faytamiin D ee bulshooyinka wadamada caalamka qaar kamid ahi—uu aad u yaraa; gaar ahaanna dadka waaweyn ee ku kala nool wadamada Spain, Italy iyo Swetzerland. Sidaasi darteed dadka waaweyni waa mujtamaca ugu nugul qaadista caabuqa Covid-19. Dhanka kale, dumarka dhiigga caadadu uu ka istaagay iyaguna waa kuwo u nugul caabuqa Covid-19, sababta oo ah waxa meesha ka baxa hormoonada Estrogen iyo Progesterone; waxana ay saamayn ku yeeshaan hanaankii uu jidhku u qaadan lahaa macdanta Kaalshiyam iyo dheelitiridda duxda jidhka ku jirta, sidaasi darteed, faytamiin D wuxuu jidhka u sahlaa nuugista macdanta kaalshiyam. Hadaanu faytamiin D jirin kaalshiyam lama nuugayo; waxana dhacaya lafo khafiif (oesteoposis). Si kastaba ha ahaato’e, isticmaalka faytamiin D waxay jidhka ka caawineysaa inuu soo nuugo kaalshiyam ku filan, waxa adkaanaya lafaha; waxana awoodeysanaya difaaca jidhka. Khubarada Hay’adda caafimaadka aduunku waxa ay ku taliyeen in lagu dedaalo isticmaalka Faytamiin D, si looga hortago caabuqa Covid-19. Muxuu Faytamiin D Jidhka U Qabtaa Ama U Faa’iideeyaa? 1) Faytamiin D waxa uu inaga caawiyaa in aan lafo-khafiif inagu dhicin (oesteoposis); waxaanu sahlaa in jidhku uu nuugo macdanta Kaalshiyam. 2) Sidoo kale wuxuu caawiyaa dareenwadayaasha. 3) Wuxuu caawiyaa sidoo kale shaqada muruqyada. Halkee Ayuu Inooga Yimaadaa Faytamiin D? Faytamiin D waxa aynu ka helnaa falaadhaha qoraxda boqolkiiba 90% oo aynu ka nuugno maqaarka jidhkeena, boqolkiiba tobanka soo hadhayna waxa aynu ka helnaa cuntada sida kaluunka, beedka, caanaha caadiga ah, caano fadhiga (yoghurt) khudaarta iwm. Sidoo kale waxa laga helaa daawooyinka sida Vitamin D3, iyo Cod liver oil (saliidda kalluunka badda). Shaqooyinka Vitamin D3 waxa kamida inuu qofkii ka ilaaliyo kansarka caloosha, buufiska, walwalka, dhiigkarka, xanuunada ku dhaca sambabada iwm. (Sambabadu waa meesha koowaad jidhka qofka ee Covid-19 uu weerarka ugu horeeya ku soo qaado). Xadi Intee Le’eg Oo Faytamiin D Ah Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Qofku Qaato? Xadiga caadiga ah ee loo baahan yahay qofka dhiigiisu inuu ku jiraa waa: <25ng/ml wixii ka yar wuu hooseeyaa, laakiin heerka caadiga ahi waa 25-59ng/ml waa intii loo baahnaa ee faytamiin D ah. Daraasad la sameeyey markii xanuunkan Covid-19 uu bilaabmay, waxa la ogaaday in dadka geeska afrika ka yimid ee dalka Sweden ku nool, gaar ahaan Soomaalida, in ay yihiin kuwa xadiga faytamiin D ee dhiigooda ku jiraa uu aad u yar yahay marka lala barbar dhigo, itoobiyaanka, eretariyaanka iyo kiinyaanka kula nool dalka Sweden. Markay noqoto rag iyo dumar, faytamiin D wuxuu aad ugu yar ayahay dumarka. Taasi waxa inoo cadayneysa 16-kii qof ee ugu horeeyey ee u dhintay caabuqa Covid-19 dalka Sweden in lix kamid ahi ay noqdeen Soomaali; waxana loo aaneeyey laba arrimood oo kala ah isdhexgalka iyo cimilada Xaga isdhexgalka Soomaalidu waa dad inta badan ku kulma meelaha bulshadu isugu timaado oo aad isugu duuban. Dhanka kale, xaga cimilada qofka cadaanka ah waxa loo ogol yahay inuu qoraxda taagnaado toban daqiiqo, halka qofka madaw uu u baahan yahay ugu yaraan sodon daqiiqo inuu qoraxda isku dhigo; sababtuna ay tahay jidhkiisa oo aan si fiican u soo nuugayn falaadhaha cadceedda iyo isla wadankaas Sweden oo ay cadceeddu ku yartahay oo kamida wadamada cadceedda ka fog. Yaa U Baahan Faytamiin D? 1) Dadka da’da ah (old). 2)Dadka qaba macaanka, dhiigkarka, kansarka, dadka duraygu ku soo noqnoqdo, dadka difaacoodu hooseeyo, Dadka HIV-ga qaba. 3) Dadka ku nool meelaha qoraxdu ay ku yartahay iwm. Dr.Maxamed Daahir Axmed Tell:252634164699 E-Mail: Maxamedtahir@gmail.com Source
  14. Cafiskii madaxweynaha ee soo baxay 1-dii April 2020 waxa loogu tallo galay in lagu yareeyo cidhiidhiga ka jira xabsiyada Somaliland loona xakameeyo fiditaanka coronavirus. 574 maxaabiis ah ayaa la cafiyey. Iyada oo ay ahayd tallaabo mudan in la bogaadiyo, hadana cidhiidhigii weli wuu jiraa sababtoo ah cafisku inta uu gaadhayo ayaa koobnayd. Kumay jirin dadka xukunku ku dhacay ee ku jira saldhigyada booliska ama maxaabiista aan dhammaysan ugu yaraan kala badh mudadii xukunkooda. COVID-19 wuu ku sii fidayaa Somaliland xabsiyadaa cidhiidhiga ahina waxa ay halis weyn ku hayaan caafimaadkii bulshada. Waxa aanu ku boorinaynaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu soo saaro cafis labaad oo intii hore ka ballaadhan. Cafiska labaad waxtarkiisu wuu ka ballaadhnaan doonaa kii hore haddii tixgelin la siiyo laguna daro: Dhammaan maxaabiista u qalma iyada oo aan loo eegeyn mudada ay ku jireen xabsiga. Cafiskii soo baxay 1-dii April waxa uu ka reebayey maxaabiista aan ugu yaraan kala badh xukunkooda dhammaysan. Waxa ay ka dhigan tahay haddii maxbuus lagu xukumay 2 sanno, waa in uu ugu yaraan ku qaataa xabsiga 1 sanno si loogu daro cafiska. Awoodda Madaxweynuhu lee yahay ee cafisku waa mid intaa aad ugu ballaadhan mana jiro xeer xaddidaya cafiska loo fidinayo maxaabiista kuwaas oo muddo gaar ah ku jiray xabsiga. Sidaa awgeed, cafiska labaad waa in aan lagu soo koobin maxaabiista dhammaystay kala badh xukunkooda. Dhammaan maxaabiista ay dhibaneyaashu ku leeyihiin mag, iyada oo aan loo eegeyn mudada ay ku jireen xabsiga. Cafiskii April waxa uu koobsanayey maxaabiista lagu leeyahay mag u dhiganta $ 10,000 ama ka yar. Maxaabiistaa waa la sii deynayaa balse waa in ay magta siiyaan dhibaneyaasha, taas oo caddaalad ah. Waxa aan caddaalad ahayn shardiga ku xidhnaa oo ahaa in ay dhammaysteen dhammaan mudadii xukunkooda si cafiska ay uga mid noqdaan. Arrintani waxa ay ka dhigan tahay in kaliya maxaabiista xabsiga ku qaatay dhammaan mudadii xukunkooda ee lagu leeyahay $10,000 ama in ka yar oo mag ah loo fidinayo cafiska. Cafiska labaad waa in uu meesha ka saaraa qodobkaa xaddidaya ee aan loo baahnayn loona fidiyaa cafiska dhammaan maxaabiista u qalma, ha dhammaysteen mudadii oo dhan ama yayna dhammaysane. Dadka xukuman ee ku xidhan saldhigyada booliska. Maadaama xabsiyada Somaliland ay hayaan in ka badan intii loogu tallo galay, dadka xukuman sidoo kale waxaa lagu hayaa saldhigyada booliska. Cafiskii 1-dii April kumay jiran ragga iyo dumarka ku xidhan saldhigyada, ciqaabtaas oo ay ku mutaysteen maadaama oo meel looga waayey xabsiyadii. Dhab ahaantii, marka ugu horreysa ee meeli ay ka bannaanaato xabsiga ayaa loo soo gudbiyaa, sida dhacday kadib cafiskii 1-dii April. In la xaqiijiyo in ay kamid noqdaan cafiska labaad waxa ay culayska ka yarayn doontaa xabsiyada. Waxa kale oo ay yarayn doontaa dadka ku xidhan saldhigyada booliska, taas oo ah arrin u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, maadaama oo ay isa soo tarayaan xadhiga dadka loo xidho xayiraadda lagu soo rogay Qaadku. In la ballaadhiyo maxaabiista xaqa u leh cafiska labaad iyada oo meesha laga saarayo shardiga mudada uu maxbuusku xidhnaa, iyo in lagu daro maxaabiista xukuman ee ku jira saldhigyada boolisku, waxa ay gacan ka geysanaysaa dhimista cidhiidhigii xabsiyada. Waxa kale oo ay ixtiraamaysaa dhaqankii wanaagsanaa ee naxariista iyo cafiska ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Horizon Institute waxa ay ku ammaanaysaa Madaxweyne Biixi tallaabada uu illaa hadda qaaday. Waxa aanu ku boorinaynaa in uu soo saaro cafis bishan barakaysan ee Ramadanta oo koobsata dadka xukuman, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa dedaalkiisa uu ku illaalinayo maxaabiista, shaqaalaha xabsiga, saraakiisha booliska iyo bulshada lagagana hor tagayo coronavirus. Hay’adda Horizon oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka info@thehorizoninstitute.org. Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala soco Twitter @Horizon_SL iyo Facebook @HorizonInstituteSomaliland. Source
  15. (SLT-Laascaanood)-Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa qabtay raashin dhacay oo ay waaxda fayo-dhawrka iyo arrimaha bulshadda ka soo qabteen Bakhaarro ku yaalla magaaladda Laascaanood. Raashinkaasi oo noociisu yahay Daqiiq ayaa la sheegay in uu yahay mid dhacay, isla markaana dadkii ka ganacsanayay ay Jawaanadda ka bedeleen. Waxaana raashinkaasi gacanta ku soo dhigay waaxda arrimaha bulshadda dawladda hoose ee Laascaanood oo kaashanaysa ciidamadda booliska. Iyadoona la ogaaday kadib markii uu qiimaha caadiga ah ee Daqiiqda la siiyo wax ka dhimay dukaankii iibinayay. Taasoo ay dadkii iibsaday ku ogaadeen in ay dhacday, kadibna ay ku soo wargeliyeen waaxda arrimaha bulshadda dawladda hoose ee Laascaanood. Maayarka degmadda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa ka warbixiyay qaabkii loo soo qabtay Daqiiqdaasi dhacday. “Raashinka waxaa laga soo ururiyay magaaladda Laascaanood, waxaana laga bedelay Jawaanadda. Waana Daqiiq dhacday, oo Jawaano cusub la geliyay. Sanadkan 2020-ka ayaanay dhacday. Waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Laascaanood iyo ciidamadda booliska ayaa soo qabtay”. C/casiis Taarwale, waxa kaloo uu sheegay in Daqiiqdaasi dhacday lagu soo qabtay laba qof oo eedaysaneyaal, kuwaasoo sharciga la hor gayn doono. “Waxaana lagu soo qabtay laba qof oo eedaysaneyaal ah, sharciga ayaana la hor gayn doonaa. Waa hawl khatar ku haysay guud ahaanba bulshadda ku nool magaaladda Laascaanood. Maadaama ay Daqiiqdu ka mid tahay aadka u isticmaalaan dadka Sooman. Geesta kale maayarka Laascaanood ayaa uga digay ganacsatadda isku dayda in ay raashin dhacay magaaladda soo geliyaan in tallaabo sharciya laga qaadi doono. Waxaanu tilmaamay in dawladda hoose ee Laascaanood ay markasta diyaar u tahay la dagaalanka badeecooyinka dhacay. “Dawladda hoose waxay diyaar u tahay, wax kastoo fayo-dhawrka waxyeelaya, in ay tallaabo ka qaado, gacan Birr ahna ka qaado. Cidii kale ee isku deyaysa ama Laascaanood ku soo wadda raashin dhacay-na, kolay dariiqaas ayuun baa la marin doonaa. Waxaanan leenahay ka digtoonaadda” ayuu yidhi maayarka Laascaanood. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta shaacisay lix ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay dacwad rasmi ah ka gudbiyeen. Saraakiisha wasaaradda waxbarashada katirsan ee ka hadashay dacwadda ay wasaaraddu xeel ilaalinta u gudbisay waxa kamid ahaa Guddoomiye-yaasha Aagga Bari iyo Galbeed ee gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food cadde), Cabdiqaadir jeex kuwaas oo sheegay in 6-Iskuul ay dib u fureen goobahii waxbarasho iyadoo talaabadaasi bulshada ku keeni karta halis ah, inuu xanuunku faafo. Masuuliyiintu waxa ay sheegeen inay dacwad ka dhan ah Dugsiyadaas ay u gubiyeen xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex. Masuuliyiinta ayaa sheegay inay dugsiyadaasi sifo aan sharci ahayn ay dib ugu furreen goobahii waxbarashada ardaydii iyo waalidiintina isugu yeedheen, iyadoo wali ay jirto halista xanuunka dilaaga ah ee covid-19 oo ku faafi kara dalka. Source
  17. Howlgal ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanno u dhexeeya degaanka Janaale iyo degmada qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay ku dileen sarkaal dagaalamayaasha Al shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooleey iyo degaanada hoosyimaada, waxaana sidoo kale mileteriga Soomaaliya uu sheegay inay dileen 5 dagaalame oo kale. Sarkaalkan ay ciidamada xoogga howlgalka ku dileen ayaa waxa ay magaciisa ku sheegeen Cabdi Muxsin Shiikh Xuseen ( Abuu bakar) sida uu Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir. Degaanada ciidanka xoogga dalka howglka ay ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Kabtan Laas oo ah meel isgooys ah iyo tuulada Buulo Sheekh oo u dhexeeysa Janaale iyo dgmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose. Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay weerada iyo howlgalada kadhanka ah dagaalamayaasha Al shabaab tan iyo inta ay dhalatay bisha barakeeysan ee Ramadaan. Ma jirto dhankooda Al shabaab wax war ah oo ka soo baxaa oo ay uga jawaabayaan sheegashada dowladda ee ah in sarkaal iyga ka tirsan iyo 5 dagaalme ay ku dileen Shabeellaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLTHaweeney 113 sanno jir ah ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee dalka Spain ka bogsada Cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Maria Branyas oo 113 jir ah ayaa ka baxday Cisbitaalkii lagula tacaalayay ee Santa Maria del Tura Care oo ku yaalla magaalada Olot ee bariga dalka Spain. Haweeneydan ayaa asalkeeda ku dhalatay magaalada San Fransisco ee dalka Mareykanka 4-ta bisha March sannadkii 1907, waxaana ay ku nooleyd dalka Spain sanadihii 1918-1919 oo Adduunka ku dhiftay hargab saf-mar ahaa oo tirada dadka ku dhintay lagu qiyaasay 50 milyan. Maria ayaa waxaa loo tixgaliyaa inay tahay qofka ugu da’da weyn dalka Spain, marka loo eego diiwaanka kooxda caalamiga ee cilmi baadhista dalka Spain ee Gerontology oo ah koox raad-raac iyo kormeer ku sameysa dadka da’dooda gaadhay 110 sanno. Si kastaba ha ahaatee warbixino hore loo shaaciyay ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 ay u dhintaan dadka da’dooda u ka sareeya 40-60 sano, waxaana haatan soo baxaya dad da’dooda intaa ka weyn oo si layaab leh uga badbaaday cudurkan. Source
  19. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo dhanka cirka oo ay fuliyeen diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, kuwaasi oo duqeeyey gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah. Dhowr gantaal ayaa la sheegay in ay ku dheceen deegaano hoostaga gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo la sheegay inay khasaare ka dhasheen. Mid ka mid ah darawallada gaadiidka la duqeeyey oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay jiraan khasaare soo gaaray qaar ka mid ah dadkii saarnaa baabuurtaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cada.mp3 View the full article
  20. Shabeelada Hoose (Caasimadda Online) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyahiin deegaanka Lambar 60. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka, hadana waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay halkaas ku dagaalamayeen in ku dhaw saacad. Dadka deegaanka oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay iney si xoog leh u maqlayeen dhawaqa rasaasta kooxaha dagallamay, balse aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha kala gaaray. Weerarka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegteen iney halwgallo ay ku fuliyeen Shabeelada Hoose ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab. Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka la sheegay inuu maanta ku dhexmaray deegaanka lambar 60.
  21. Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgal ay ka fuliyeen inta u dhexeya Kabtan-Laas iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo shan xubnood oo kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la dilay uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray, Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen ( Abuubakar), sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ma sheegin khasaaro soo gaaray dhankooda, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  22. Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dagaal xalay ciidan kawada tirsan dowladda federaalka ah ku dhexmaray magaalada Muqdisho kaas oo la tilmaamay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamo boolis ah iyo kuwo mileteri ah ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan waxaana sababta ka dambeysay dagaalkaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ciidan ay isku qabteen qaad si qarsoodi ah magaalada loo soo geliyo kaas oo sida la sheegay u socday ciidanka mileteriga ah balse xogta warkaas ay heleen booliska sidaasina uu dagaalku ku dhexmaray labadaasi ciidan. Sidoo kale warar kale ayaa tibaaxaya in labada ciidan uu isfahamwaa soo kala dhexgalay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 4 askari halka ay jiraan dhaawacyo aan la xaqiijin tiradooda waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay intaas ku dareen in dagaalku uu socday muddo ku dhow saacad. Xaaladda goobihii xalay lagu dagaalamay ayaa saakay ah mid degan waxaana dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan in dagaal kale uu halkaasi ka qarxo maadaama markasta qaad si qarsoodi ah halkaasi loo soo galsho kaas oo u yimaada mileteriga ku sugan xaafadda Soonakey ee magaalada Muqdisho. Muqdisho waxaa caadi ka ah in ciidamo kawada tirsan dowladda uu dhexmaro dagaal toos ah oo sababa khasaare kala duwan kaas oo waxyeelada ugu badan u geysta dadka rayidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wararka aan ka helayno deegaanka lambar 60 ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saacadihii la soo dhaafay uu dagaal aad u qaraar ku dhexmaray ciidanka AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen deegaankaasi waxaana intaas ka dib labada dhinac dhex maray dagaal socday in ka badan saacad. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen daryanka hubka nuucyaddiisa kala duwan, waxaana ay sidoo kale intaas ku dareen inaysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadii dirirtu dhexmartay. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo kala baxay saraakiisha AMISOM iyo dagaalamayaasha Al shabaab oo ay uga hadlayaan dagaalkan iyada oo ay xusid mudan tahay in mararka dagaallada caynkaan ah ay dhexmaraan labadaasi dhinac inay ka kala sheegtaan guulo. Al shabaab ayaa fariisimada ay AMISOM ku leeyihiin gobalka Shabeellaha hoose waxa ay ka geystaan weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay khasaaro ku gaarsiiyaan ciidankaas maadama Al shabaab ay wali ku xoogan yihiin Koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Haloow: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uj: Talo iyo Duco: Mudane Madaxweyne, Waxa Rasuulkeenna-SCW- ka sugnaatay in uu yidhi: “Saddex qof ducadooda lama celiyo – waa la aqbalaa- 1) Qofka soommani marka uu afurayo. 2) Madaxweynaha caadilka ah. 3) Oofka dulman ee laga gardaranyahay-(habaarkiisa). Mudane Madaxweyne, waxa aynnu u baahannahay in aynnu labada horena ducadooda hello, ka saddexaadna habaarkiisa ka badbaadno. Mudane Madaxweyne, waxa aynnu ku jirnaa maalmo khayr badan oo tobankii ugu danbeeyey ee Ramadaan ayaa inoo bilaabmaya caawa, wakhtigu wuu innagu adagyahay, ma lihin xoog iyo xeelad la isku hallayn karo oo aynnu kaga badbaadno dhibaatada caafimaad ee cudurkan faafaya (Covid-19), dhibaatada dhaqaale ee uu keenay iyo xaaladaha bulsho ee uu abuurayba, keliya waxa aynnu filaynaa samatabixinta Alle oo cidda isku hallaysa ku filan. Haddaba si aynnu Alle qalbiyo nadiif ah oo isu laabxaadhan ugu barino, waxa innala gudboon in aynnu dulmanayaasha dulmiga ka dulqaadno oo habaarkooda ka baaqsanno. Waxa xabsiga weyn ee Hargeysa ku xidhan dadka falal denbiyo ah loo xukumay oo muddo dhawr iyo toban sannadood ahaa lagu xukumay, way dhammaysteen xukunkoodii, haddana sannado dheeraad ah ayay sii xidhan yihiin, wax ay u xidhan yihiinna cid sheegi kartaa ma jirto, lama yaqaanno wakhti ay xorriyaddooda helayaan, keliya waxa la hubaa haddii ay dhintaan in xabaal loogu beddeli doono xabsiga! Mudane Madaxweyne waxa aannu si xushmad leh kaaga codsanaynaa in aad arrinkaa gacangeliso oo dadkaas xorriyaddooda siiso, isla markaana u amarto in muddada ay xaqdarrada u xidhnaayeen magdhowga ay xaqa u leeyihiin la siiyo. Mudane Madaxweyne, hore waxa aan u dhegaystay adiga oo marar badan u doodaya dadka xukun la’aanta u xidhan, waxa jira dad badan oo muddooyin badan xukun la’aan ugu xidhan xarumaha wax lagu xidho, dadkaasi way dulman yihiin, denbiilayaalla ma aha ilaa xukun maxkamadeed ku dhacayo caddeyn ka dib, qaarkood muddo bilo badan ah ayay xidhan yihiin! Ugu danbeyn, mudane Madaxweyne, ummaddaada ku badbaadi CADDAALAD, SI DUCADAADA LOO AQBALO, HABAARKA DADKA DULMANNA INNAGA BAAJI si Alle dhibaatooyinka cudurkan iyo waxa uu wataba innooga badbaadiyo, bishan barakaysanna acmaasheenna loo aqbalo, Alle-na dhammaanteen inoogu naxariisto. Ilaahay waxa aynnu ka baryaynaa- waynnu soommanahaye – in uu aafooyinka iyo dhibaato oo dhan innaga dhawro, amniga inoo siyaadiyo, inta xanuunsanaysa caafimaad degdeg ah oo taam ah siiyo, inta caafimaadka qabtana cudur ka dhowro, inta dhimatay u naxariisto, culaysyada badan ee jirana dhammaantood innaga dulqaado – Aamiin yaa Rabbii. Waa talo muwaadin, waa soo jeedin lexejeclo, ma helin jid aan kan ahayn oo aan kuugu soo gudbiyo. ================================================= Qolyihii Madaxweynaha warka siin jiray hadday taladan siiyaan ku danbaabi maayaan, Madaxweynuhuna kuma diidi doono, waxa aan rajeynayaa in ay shaqa fiican u noqon doonto arrintaasi. Dr-Abdulqani Hussein Beder. Qaran News