Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jamaame (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay saqdii dhexe ka dhacay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Jubaland, duqeyntaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la duqeeyay degaano ka tirsan Shabeellada Hoose, Jubada Hoose iyo gobalka Baay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Duqeynta Shabeelada Hoose oo ka dhacday deegaanka Kuunya-barow ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Abuu Mucaad iyo ciidan la socday kadib markii uu haleelay gantaal ay diyaarad soo ritay. Sidoo kale duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee Jubada Hoose ayaa lagu sheegay in lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii duqeymo lagu garaacay dhowr fariisin oo degmadaasi ku yaalla. Wararka duqeynta ayaa sidoo kale soo warinaya in duqeyntii 3-aad laga fuliyay degaanka Buula-fulaay ee gobalka Bay, waxaana lala beegsaday xubno saraakiil u badan inkastoo aan la heynin khasaaraha rasmiga ee duqeynta Buula-fulaay. Duqeymaha saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ku soo aaday maalmihii la soo dhaafay ay kordheen duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo iyadoo loo dabaal dagayo maalmaha ciida bisha Shawaal.
  2. Ramallah (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka isticmaala baraha bulshadda ee Imaaraadka Carabta u dhashay ayaa si adag uga falceliyay diidmadii maamulka Falastiin ee kaalmo daawo ah oo uga timid Imaaraadka, taasi ay usoo marsiiyay Israel. Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uusan Falastiin kala shaqayn keenista daawada. Falastiiniyiinta ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in ay hogaamineyso dadaalladda lagu hagaajinayo xiriirka u dhaxeeya Israel iyo Carabta. Muranka ka dhashay kaalmadda daawada ah waxaa uu sii kordhiyay xiisada u dhaxaysa Imaaraadka iyo Falastiin. Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ayaa adkaa tan iyo markii Maxamed Dahlan oo laga eryay Falastiin uu u guuray Imaaraadka, sanadkii 2011. Maamulka Falastiiniyiintu waxay Dahlan xilligaas ku eedeeyeen musuq maaliyadeed iyo in uu ka shaqaynayo in xilka laga tuuro Maxamuud Cabbaas. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falasiiniyiinta ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post in dhacdada la xiriirta kaalmadda daawada ah loo nakhshadeeyay in lagu ceebeeyo Maxamuud Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta. Maalmihii lasoo dhaafay, muwaadiniin u dhashay Imaaraadka ayaa Twitter-ka u adegsaday in ay Maxamuud Cabbaas ku eedeeyaan in uu mas’uul ka ahaa diidmada kaalmadda dawada ah ee wadankoodu siiyay Falastiin. Waxay sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ee Falastiin Mai al-Kaila si carro leh ugu eedeeyeen in uu Imaaraadka ku eedeynayo guuldaradiisa ah in daawada toos loogu wareejiyo Dowladda Falastiin. Hamad Al-Mazroui, oo ka mid ah dadka siyaasadda u dhaq-dhaaqa ee u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa aad u eedeeyay maamulka Falastiin, waxaana uu soo qaatay sawirka Maxamed Dahlaan oo uu hoos uga qoray “Madaxweynaha Falastiin.” Mohammed Al-Hammadi, oo ah saxafi iyo qoraa u dhashay Imaaraadka, ayaa ku qoslay hadal uu wasiirka Caafimadka Falastiin ku sheegay in kaalmadda daawada ah ee loo soo mariyay Israel ay tahay “madaxbanaanidii Falastiin oo laga tanaasulay.” Al-Hammadi waxaa uu tilmaamay in maamulka Falastiiniyiintu uusan diidi jirin kaalmadda Turkiga ee uu soo marin jiray Israel. Mahmoud Al-Sahlawi, oo ah khabiir dhaqaale kana soo jeeda Imaaraadka, ayaa Twitter-ka ku qoray “Kaalmadda waa la diiday sababtoo ah waxaa loogu talogalay caafimaadka waxayna faa’iidu ugu jirtaa bukaanka. Haddii ay diyaaraddu sidi lahayd dollar, Mr. Cabbas waa uu qaadan lahaa.” Majed al-Raeesi, oo taxliiliya siyaasadda sidoo kalena kasoo jeeda Imaaraadka, ayaa qoraal ku yiri “ kalmadda dawadu muhiim maahan. Hadii kaalamadu ay lacag ahaan lahayd lama celiyeen. Ilaaheey ha ka caawiyo falastiiniyiinta maamulka tuugada ah ee Falastiiniyiinta.” Al-Raeesi waxaa uu sheegay in maamulka Falastiin uu kaalmadda u diiday cadaadis uga yimid Qatar iyo Turkiga. Eyad Nasir, oo ah afayeenka Maxamuud Cabbaas, ayaa si adag u cambaareeyay ololaha Imaaraadku ku cambaareynayo Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta. “Ololahaan nacaybka ah waxaa uu muujinayaa in laga tegay anshaxii iyo dhaqankii,” ayuu yiri Nasr.
  3. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, Ciidanka Qaranka, Asluubta AHU Taliye kuxigeenkii Ciidanka Asluubta JSL Sarreeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed [Fooxle] oo ku geeriyooday Hargeysa, si gaar ah tacsida dhammaan qoyska reer Liibaan yare iyo Dr Farxaan, samir iyo iimaan. pic.twitter.com/j59pSEdM9u — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) May 24, 2020 Qaran News
  4. Wasiirrada arrimaha dibedda Mareykanka iyo Shiinaha oo is gacan qaadaya Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa maanta oo Axad ah si dadban ugu eedeeyay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump in uu dagaal kale oo qabow gelinayo labadooda dal. Mr. Wang Yi oo aan soo hadal-qaadin magaca madaxweyne Trump ayaa sheegay in “xunbo siyaasiyiin ah” ay doonayaan in ay foodda isu geliyaan dagaal qabow labada dal ee saaxiibada ah ee Shiinaha iyo Mareykanka. Loollan in muddo ah soo jiitamayay oo dhinacyada ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha ayaa u dhaxeeyay labadaasi dal, balse waxaa ay xaaladdu ay cirka isku sii shareertay kaddib markii uu soo shaac baxay cudurka coronavirus oo ay labada dalba isku eedeeyeen in uu midba midka kale abuuray. Wang ayaa shir jaraa`idkiisan maanta ku sheegay in gudaga dalka Mareykanka ay sidoo kale ka socoto virus siyaasad ah marka laga soo tago coronavirus. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay cagta-cagta u saaray Shiinaha, waxaana uu la galay dagaal dhanka dhaqaalaha ah iyo waliba siyaasaddii Mareykanka ee ku aadaneyd Shiinaha oo uu wax weyn ka badalay markii uu xukunka qabsaday. Qaran News
  5. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka qarxa gudaha deegaanada Somaliland. Deni ayaa sidoo kale dowladda dhexe ku eedeyay inay cadaadis ku saareyso Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax uga baddelato, kuwaas oo aan u ‘wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya’. Madaxweyne Deni ayaa ka gaabsaday in uu cadeeyo waxa ay yihiin qorshayaashaas, waxuuna eedeyntan ku wajahan dowladda dhexe, kusoo bandhigay wareysi uu siiyey telefishinka BBC Somali. ”Waxaan maqleynaa inay xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan. Waxaa ka mid ah oonu ognahay inay gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale Deni ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso heshiis laga gaaro qaddiyadda Somaliland, balse dowladda federaalka ayuu tilmaamay inay wado, “Qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato, kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha” sida uu hadalka u dhigay. Deni waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo waxa ay qorshayaashaasi yihiin. ”Inaga ma rabno in aan qaadano doorka ay leedahay dowladda federaalka, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano in kastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay, balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.
  6. Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka Somalia inay colaad ka hurineyso Somaliland Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland. Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u “wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya”. Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da. ”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan”, ayuu yiri Deni. Mar BBC-du ay madaxweyne Dani weydiisay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yiri, ”Waxaa ka mid ah oonu ognahay in iney gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda{Somaliland}” Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”. Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiya waxa ay qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ”Inaga ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni. Khilaafka Waan isku daynay in aan jawaab ka helna dowladda federaalka oo ku aadan eedeyntani, balse wali inooma suraglin. Khilaaf xooggan ayaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo ku aadan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka ,amniga qeybsiga kheyraadka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay hagaajiyaan xiriirkooda kana wada shaqeeyaan hagaajinta amniga iyo dardargelinta qabsoomidda doorasho kalsooni lagu qabi kara oo aan daba marin xilligii loogu talagalay. Deni iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Wadahadallada Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhawaan sheegay in Somaliland ay cadow u aragta dowladda federaalka ee Soomaaliya. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka jeediyay sannad guurada 18-ka May oo ku beegan xilligii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana tahay dal madax bannaan. ”Xamar waxaanu u aragnaa cadaw sababtoo ah waxa ay diidan tahay qaranimadeena”. Waxa uu sheegay in mar walba mowqifkooda yahay mid cad oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah gobollada Soomaaliya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay tacaddiiyadii uu xukunkii Maxamed Siyaad Barre ka geystay waqooyiga. Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa bishii February ku kulmay Itoobiya Waxaa jiray in wadahallada u dhexeeya labada dhinac oo sanadihii dhawaa ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jibuuti. Wadahadallaadaasi ayaa hakad ku yimid dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo labada dhinac uu mdiba kan kale ku eedeynaya dib u dhaca wadahadallada. Ra”isal wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed ayaa bishii Febraayo magaalada Addis Ababa ku kulansiiyay Famraajo iyo Biixi. Wax faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin waxa ay ka wada hadleen. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay sii wadaan wadahadallada. Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la qabto kulan lagu xisaabinayo xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay Baaq xasaasi ahaa oo ay dhawaan soo saareen qaar kamid ah dadweynaha reer Somaliland, kaasi oo lagu dhaliilayey xukuumada Bixii iyo gaabis ku yimid dadaaladii baadi-goobka loogu jirey Ictiraafka. Faysal Cali Waraabe ayaa Baaqaasi ku tilmaamay mid loo baahna oo ay tahay in lagu daro ficil, si looga midho dhaliyo toosinta hogaanka ay saluuga ka muujiyeen. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la qabto Kulan isla xisaabtan ah, kaasi oo ka qeyb galaan Aqoonyahanka reer Somaliland ee dal iyo dibedba, kaasi oo lagu saleynayo aragti dan guud ah, siduu hadalka u dhigaye. “Intaaba waan idina La qaba, laakin waxaa loo bahanyahay in ficil lagu daro oo dadkiina dibada jooga aad gudaha dalka timaadaan. Ka bacadi la abaabula shir xisaabtan oo aragti dan guud leh” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuuna intaas kusii daray “Midkaasi oo uu salkiisuna yahay dhidib u taaga Dawlad waanaag Casri ah oo ku shaqeeysa sharci Iyo cadaalad oo loo wadda dhan yahay”. Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadaya xili uu gudaha Somaliland ka socdo kacdoon ka dhan ah hogaaminta Muuse Biixi, iyada oo laga deyrinayo hanaanka cadaaladeed ee garsoorka Somaliland.
  8. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha Somaliland ka waddo qalalaase sababi kara dagaal halkaasi ka dhaca. Madaxweyne Deni oo wax laga weydiiyay Wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay Somaliland cadaadis ku saareysa qorshayaal ay rabto in ay wax kaga baddelato kuwaas oo aan u wanaagsanayn xasiloonida dalka Soomaaliya. ”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan” ayuu yiri Deni. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maamulka Somaliland u gacan dhaaftay qaar kamid ah qabiilada halkaasi dega islamarkaana ay si hoose wada-hadallo ula waddo. Mudane Deni wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso in heshiis laga gaaro qaddiyadda Somaliland balse waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso Somaliland appeared first on Puntland Post.
  9. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qarax oo la sheegay in uu ka dhacay goob ay ka socotay ciyaar Hiddaha iyo Dhaqanka ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Baydhabo ayaa inta la xaqiijiyay waxa ku dhintay saddex ruux oo laba carruur yihiin halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20 qof oo kale. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in qaraxaasi ahaa miino dhulka la sii geliyay kadibna Rimood loo taabtay inkastoo laamaha Amniga magaalada Baydhabo aysan weli kala caddayn nooca qaraxaas. Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi dadka shacabka ah waxyeelladu ka soo gaartay balse malayshiyaadka Al-sahbaab ayaa inta badan qaraxyo noocaas oo kale ah fuliya. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxays Khasaaraha qarax ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  10. Ururka Taalibaan ee ka dagaalama wadanka Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqay xabad joojin sii jiri doonta muddo seddax maalmood ah. Hogaanka ururkaas ayaa sheegay in maalmaha Ciidul-fitriga aysan dagaal qaadi doonin, waxayna xabad joojintaasi dhaqan gashay Shalay maanta. Taalibaan ayaa bilihii ugu dambeeyay aad u kor dhisay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda Afghaanistaan, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha. In kastoo Taalibaaniyiintu ay aad u yareeyeen dagaaladii ay ku qaadeyaan Ciidamada Ajanabiga ah ee dalkaasi jooga, hadana waxan jira heshiis ay galeen Taaliban iyo dowladaha quwada leh oo uu Mareykanku hor boodayo. Madaxweynaha Afgaanistaan Asharaf Afgaani ayaa si aad ah u soo dhaweeyay xabad joojinta uu ku dhawaaqay Ururka Taalibaan. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo xabad-joojin ku dhawaaqday appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Austria, Alexander Van der Bellen, ayaa raali-gelin siiyay shacabka dalkiisa kadib markii uu jebiyay xeer bandow la xiriira oo dalkaasi lagu soo rogay Fayraska Korona awgii. Hogaamiyaha ayaa ku daahay maqaayad ku taal caasimadda Vienna, isagoo kusii sugnaa ka gadaal saacadda uu billaabmayo bandowga dalkaasi saaran. Mr Van der Bellen oo 76 jir ah ayaa sheegay inuu arkay waqtigii oo la dhaafay xilli uu saaxiibbadii kula sheekaysanayay maqaayad ay leeyihiin dad Talyaani ah oo ku taal bartamaha caasimadda. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in booliska ay madaxweynaha ku arkeen maqaayadaasi saqdii dhexe ee Axadii hore. Sharci cusub oo ay soo saartay dowladda Austria ayaa dhigaya iyo maqaayadaha iyo baararka la xiro 11-ka fiidnimo. Maqaayaddaasi ayaa laga yaabaa in loo ganaaxo sharciga ay jebisay, balse madaxweynaha ayaa sheegay in uu qaadanayo mas’uuliyadda waa haddii milkiilaha goobtaasi ay khasaaro kasoo gaarto dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Austria oo raalli-gelin ka bixiyay bandow uu jebiyay appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Taliye Ku Xigeenkii Ciidaanka Asluubta Somaliland Cabdirahmaan Libaan Fooxle ayaa Caawa Ku Geeriyoodey Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeisa. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa tacsi u diray Taliye Fooxle waxaanu yidhi INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN: Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Asluubta. asxaabta iyo Shacabka JSL geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliye kuxigeenkii Ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Soomaalilaan Sarreeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed [Fooxle] oo goor dhaweyd xaqii ugu yimid Magaalada Hargeysa. Si gaar ah waxa aan tacsi ugu dirayaa dhammaan qoyska reer Liibaan yare, oo uu ka mid yahay Dr Farxaan Liibaan, waxa aan Ilaahay Marxuumka uga baryayaa in uu jannatul firdowsa geeyo, dambigiisana dhaafo, dhammaan qoyskii, eheladii iyo ciidankii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ka wada siiyo. Aamiin Source
  13. At least 4 people were killed and more than 20 injured when a bomb exploded at an internally displaced persons (IDP) camp north of Baidoa (Bay region) on Sunday, May 24. A witness who spoke to Caasimada Online said the blast which has resulted from a remote-controlled landmine detonated at around 17:00 while people were holding traditional Eid celebrations causing casualties. “The blast left at least 5 people dead and more than 20 injured, who have been admitted to a nearby hospital for medical treatment,” he said, adding that the casualties may rise as there were many people at the scene. Meanwhile, Southwest regional security forces have sealed off the scene afterward and carried out a manhunt. No group has so far claimed responsibility for the attack. The attack comes barely a day after a leading women rights activist, Barlin Haji Bule reportedly killed and several others wounded in a similar attack in Dinsoor town, Bay region. Somalia has been engulfed by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in early 1990s. Al Shabaab wants to install its own government based on its strict interpretation of Islamic law. The group’s campaign of violence typically targets the military and African Union-mandated peace keeping force AMISOM in Somalia The group has been waging insurgency for more than ten years in Somalia. Alshabab was driven out of Mogadishu capital in 2011, and have since lost many strongholds to Somali army and African Union troops. The al Qaeda linked group still holds large rural villages of the country and continue to wage a guerilla war against the Western-backed government of Somalia.
  14. Light to heavy rains fell in different parts across the UAE on Sunday the first day of Eid Al Fitr, while strong and sand-stirring winds blew on the country, causing the horizontal visibility to drop to less than 200 metres and to zero sometimes. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir ayaa goor dhaw degmadaas ku toogtay laba nin oo sida la sheegay dadka shacabka ah dhac u geysanayey. Sarkaal ka tirsan ciidanka fuliyay howlgalkaas ayaa sheegay in ragaas mid kamid ah ay dileen, halka kan kelana ay dhaawac ku qabteen. Sidoo kale waxa uu sheegay labadaas nin ay xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag dadka uga furanayeen taleefanada iyo agabyadooda kale, isla markaana ay wateen dariiska ciidamada dowladda iyo laba qori. Midkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay salkaalkan inay gacanta ku hayaan, halka kii kale meydkiisa loo qaaday xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da. Labada nin ayaa sida la sheegay waxa ay wateen mooto Bajaaj, dadka deegaanka ayaana ku war geliyay ciidamada booliska, taas oo fududeysay inay ka howlgalaan. sida uu noo xaqiijiyay sarkaalkaas. Xaafado badan oo ka tirsan Muqdisho xilliyada habeenkii ah waxaa sidaan oo kale dadka shacabka ah loogu geystaa dhac, iyadoo kooxaha falalkaas geysanayana la sheegay inay badankood wataan dareyska ciidamada dowladda.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Muqdisho 20-kii bishaan ku yeesheen guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada xoojinaya sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo hadallo kulul. Kulanka Arbacadii la soo dhaafay dhacay ayaa waxaa hareeyay doodo kulul islamarkaana sababay iney si kulul oo anshax aheyn iskula hadlaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya. Dooda iyo hadalada kulul ee dhaxmaray mas’uuliyiintan ayaa sababay in dhamaan muuqaaladii laga tir-tiro weriyaal xarunta ku sugnaa iyo kuwa muuqaalada duuba oo xarunta baarlamaanka ka tirsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay isku khilaafeen arrimo quseeyo doorashooyinka Soomaaliya iyo muddo kordhin ay dalbadeen guddiga warbixinta laga dhageysanayay. “Ma jirto wax muddo kordhin ah oo la sameynayo, Mursal iyo Cabdi Xaashi, dalkaan idinka ayuu idinka socon la’yahay, guddiga howshiisa uma madax banaana, sharciyada sidaan ka dhig ayaa 24 saac dhahdaan, iney doorasho dhacdo ma rabtaan waxaa ka shaqeyneysaan dib u dhac ee yaan dadka been loo sheegin,” ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey. Hadalka Muudeey ayaa sababay dood kulul iyo eedeyn la isu jeedo, taas oo markii dambe keentay in weriyaasha laga tir-tiro muuqaalladii ay qabsadeen iyo in hadalo kulul la isu adeegsado. Lama oga halka ay ku dambeyn doonto doorashada Soomaaliya oo aan wali go’aan rasmi ah laga gaarin balse waxaa muuqaata iney ku kala fogaan hogaanka Soomaaliya oo aragtiyo kala qaba siyaabo kala duwana u raadinaya in doorashada loo qabto. Guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada ayaa la filayey 27-ka bisha ay soo gudbiyaan sharciga doorashooyinka, oo ay kusoo dareen qodobada ka dhiman, balse waxaa lagu warramayaa in waqtiga loo kordhiyey.
  17. BAIDOA (HOL) - At least four people were killed and 23 others injured Sunday in a bomb explosion in Baidoa, southwestern Somalia during Eid celebrations. Source: Hiiraan Online
  18. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay halkaas galinkii dambe, kaas oo sababay khasaare soo gaartay dad shacab ah sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku ugan magaalada Baydhabo . Qaraxa oo ahaa mid dhulka la geliyey ayaa ka dhacay xero ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magalada Baydhabo halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay socday cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo dad isugu yimid ay ugu dalbaal-degayeen munaasabadda maalmaha ciidda. Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan khasaaraha dhabta ah. Weriyeyaal ku sugan magaalada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in 5 ruux ay geerriyootay halka dadka dhaawaca ahna ay ku dhow yihiin 30 ruux sida ay xaqiijinayaan wararkii ugu dambeeyey ee soo baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray goob ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka lagu ciyaarayay oo ku taalla magaaladaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 3 qof oo 2 ka mid ah ay caruur ahaayeen, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inuu ka dhashay bam-gacmeed lagu tuuray halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka ag-dhowdahay xero ay ku nool yihiin qoysas badan oo barakacayaal ah. Ammaanka magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa mid degan. View the full article
  20. Benghazi (Caasimada Online) – Taliyaha xoogagga mucaaradka Libya dagaal-oogel Khaliifa Xaftar ayaa ciidankiisa ugu baaqay in ay isu arursadaan sidii ay ula dagaali lahaayeen Turkiga oo Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee ay Hafter is-hayaan ka caawiyay in ay caasimadda ka weeciyaan hirka colaadda militari Horumarkii ay dhowaan sameeyeen ciidanka Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee ay ku qabsadeen saldhigga ciidanka cirka, ayaa hakiyay guluf sanad jiray oo ay wadeen ciidanka Khaliifa Xaftar ee loo yaqaan LNA (Libya National Army). Ciidanka Dowladdu waxay sidoo kale yareeyeen halistii xoogagga Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar ay ku qaadi lahaayeen weerar cirka ah. Sabtigii todobaadkii tegay, ciidanka dowladda caalamku aqoonsanyahay waxay horay ugu siqeen degmooyin ka tirsan magaaladda Tripoli halkaas oo ay sheegeen in ay kasoo saareen miinooyin iyo qaraxyo ay geliyeen Ciidanka Xaftar. Ciidanka Xaftar waxa ay sheegeen in ay dib uga gurteen goobo dhowr ah, laakiin ay sidoo kale weerar ku qaadeen xeradda militariga ee Yarmouk ayna dileen islamarkana qabteen kuwii kasoo horjeeday. Farriin maqal ah oo uu soo duubay Xaftar ayuu ciidankisa ugu sheegay in ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray gumeysiga Turkiga ilaa iyo ay ka adkaadan, waxaana uu soo qaatay taraiikhda mar ay Cusmaaniyiintii maamuli jireen Liibiya. “Waxaad abuureysaan heybad inta aad la dagaalameysaan gumeysiga damciyay kheyraadkeena,” ayuu yiri Xaftar “Dagaalna ku ekeeya dhammaan kuwa idinka soo horjeeda, dagaal aysan ka dhalan waxaan guul ka ahayn.” Hadalka Xaftar waxaa la bahiyay iyadoo Madaxweyne Trump uu codsaday in si deg-deg ah loo damiyo xiisadda dagaalka Liibiya isagoo la hadlay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalkiisu uu badelay dagaalkii Libya islamarkaana uu ka weeciyay dagaal sokeeye. “Xalka keliya ee Libya waa xal siyaasadeed, Xaftar-na waxaa uu u baahan yahay in uu taas fahmo,” ayuu yiri wasiirka. Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo afjarmay Bandowgii ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii ah wixii ka dambeeyo 8:00 pm (habeenimo). Caasimada Online ayaa hubisay in ugu yaraan 4-tii habeen ee la soo dhaafay magaalada ka jirin Bandow, islamarkaana magaalada ay gaadiidka si weyn u shaqeynayeen ilaa saqda dhexe ee habeenkii ah. Sidoo kale Caasimada Online waxay tagtay goobihii ay joogi jireen ciidamada booliska ee Bandowga kuwaas oo aan imaanin wax ku dhaw todobaad. Goobaha ay gaadiidka iyo dadweynaha sida weyn ugu shaqeeyaan islamarkaana aan ciidan lagu arag waxaa kamid ah Xamarweyne, Maka Al-Mukarama, KM4 iyo xaafadaha Muqdisho oo dhan oo qaarkood aan marnay halka kuwa kalane aan la hadalnay dad ku sugan. Ma jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay kaas oo lagu qaadayo Bandowga magaalada hase yeeshee waxaa muuqata in dowladdu fasaxday xayiraadii magaalada. Meelaha qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo boolis ah oo dadka lacag uga qaadanayo haddii ay diidaan dib ugu celinaya halkii ay ka yimaadeen iyagoo sabab uga dhigaya Bandow balse ay ujeedku yahay iney wax helaan. Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata inuu aad ugu sii yaranayo COVID-19 taasina ay sabab u tahay in Bandowga uu soo gaba gaboobmo inkastoo aysan dowladdu shaacin arrimahaan