Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida ay xaqiijisay hay’adda Laanqeerta Cas ee Lubnan, ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga dalka Lubnan. Duqeynta ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Cayto oo ah halka ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshooyinka masiixiga Lubnaan ee dhinaca waqooyi. Wariyaasha ayaa sheegaya in aaggaasi ay aad uga fog yihiin xarumaha kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa ku xooggan dhinacyada koofurta iyo bariga Lubnan. Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib, markii weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbulah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal waqooyiga Israa’iil ay ku dileen afar askari oo dhammaantood ahaa 19 jirro. Weerarka oo sidoo kale lagu dhaawacay 7 kale, ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ay u geystaan Isra’il, tan iyo marki ay milatariga Isra’il billaabeen duullaanka dhulka ah ee ay ka wadaan waqooyiga Lubnan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay gooba ay ku badan yihiin Masiixiyiinta Lubnaan appeared first on Puntland Post.
  2. 463150362_2097095334018507_1244003942319905966_n Qaran News
  3. Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la kulmay xubno kamid ah maamulka degmada Afgooye, wuxuuna kala hadlay kiiska askartii habeen ka hor lagu laayey degmadaas ee ka tirsanaa nabad Sugidda Soomaaliya. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulka degmada ka dalbaday in aan la aasin meydka askartii lagu laayey Afgooye. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dilka askartaas ku eedeeyay ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana jira khilaaf culus u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Laftagareen ayaa maamulkiisa u sheegay in aan lagu kalsoonaan karin dowladda dhexe, lana aasi karin askarta dhimatay. Sidoo kale Laftagareen ayaa ehellada iyo maamulka degmada Afgooye ku qanciyey inuu socdo baaritaan, isla markaana lagu xisaabtami doono kiiskaan, inta baaritaankaasi uu socdo ayuu dalbaday in aan la aasin meydka oo isaga laga war sugo. Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA, sidoo kalena ahaa taliyihii amniga ee waaxda 21-ka Oktoobar ee degmada Afgooye ayaa habeen hore isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay gudaha magaaladaas. Gurigiisa ayaa saq-dhexe lagu weeraray, laguna dilay, weerarkaas waxaa geystay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, sida markii horaba ay sheegayeen xogaha hordhaca ah. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Anwar, waxaana lala dilay saddex kamid ahaa ilaaladiisa, falkaas ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay caro xoogan, waxaana degmada Afgooye gilgilay banaanbaxyo dadweyne. The post Laftagareen oo amray in aan la’aasin sarkaalkii la dilay iyo ilaaladiisa, kiis adagna ku furay DF appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU. Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira. Source: goobjoog.com
  5. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu wargeliyay maareeyaha dekedda muqdisho, shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan cadde, iyo maamulka furdada inaan dalka la soo gelin karin bacaha halka mar la isticmaalo ee loo yaqaanno “bac qafiifta”. Bacahan oo bedqabka deegaanka iyo noolahaba halis ku ah, islamarkaana waxyeello baaxad leh u geysta ayaa horay looga mamnuucay qaar kamida deegaannada Soomaalida. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) — Somali Upper House Speaker Abdi Hashi Abdullahi has reversed his decision to remove Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama from the Upper House of Parliament following accusations that Jama had failed to attend several parliamentary sessions. Source: Hiiraan Online
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa maamulka degmada Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed uu soo saaray amar uu ku kala direyo maamulka degmada. Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka uu ku kala diray maamulka degmada Xudur iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmadaas u yimid kadib wada-shaqeyn la’aan maamulka ah. Go’aanka kala dirista maamulka degmada Xudur ayaa waxaa si adag uga horyimid xubnaha la kala diray oo maanta warbaahinta la hadlay. Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah. Xiisadda ka taagan Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaneysa xilli ay weli go’doon ku jirto, islamarkaana ay bulshadeeda wajahayaan culeyso xooggan, maadaama ay kooxda Al-Shabaab ku hayso cadaadis horleh. Si kastaba, arimahan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe gashay jahwareer, iyada oo ay sii kordheen isku dhacyada siyaasadda, beelaha iyo xitaa masuuliyiinta xilalka haysa dhexdooda. The post Xiisadda XUDUR oo cirka isku shareertay kadib tallaabadii maamulka K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay u sheegayay saaxiibadiisa siyaasadda inuu rabo inuu aado doorasho dadban oo aan sii daahin. Wuxuu qaatay laba sano oo muddo kororsi ah, wuxuuna muddo xileedkiisi rasmiga ahaa ku eeka bishii December 2022. Mararka qaar waxaa afkiisa laga wariyay inuu raadinayo cid la qaadata go’aanka doorasho dadban. Haddii uu Axmed Madoobe u bareero go’aankaas aniguna waan ku raaci doona ayaa kamid aheyd kalmadaha ka tegay Lafta-gareen. Si lamid ah madaxda Galmudug iyo Jubbaland wuxuu sheegi jiray inuu rabo in uu dagaal siyaasadeed la galo Xasan Sheekh, balse labadii uu sheegi jirayba waa soo mareen Lafta-gareen muddo 30 cisho gudahood. Mid waa dagaal siyaasadeedkii, midna waa go’aanka doorasho dadban. Lafta-gareen isaga iyo Xasan Sheekh fooda ayey isdareen bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September, wuxuuna helay dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab ah oo ku taageersan arrintaas. Laakiin waa ku adkeysan waayey dagaalkiisa, wuxuuna dadkii uu dagaalka geliyay dhaafsaday farriinti loo soo dhibay Taliye Shub. Markale 2-dii bishaan October waxaa Muqdisho iskugu tegay madaxda maamullada iyo kuwa dowladda federaalka ah. Axmed Madoobe ayaa la yimid go’aan ah muddo kororsi iyo sharci darro kale ma rabo waxaana qabanayaa doorasho. Lafta-gareen oo la sugayay inuu arrintaas ku raaci doono Axmed Madoobe, ayaa dhinaca kale ka wareegay, waxaana isaga iyo Qoor-Qoor ay waqtigooda u badan geliyeen in Axmed Madoobe laga fujiyo go’aankiisa doorashada oo taas bedelkeeda la qaato hal sano oo cusub oo muddo kororsi ah. Ninkii raadinayay inay Xasan Sheekh isqabtaan, ninkii raadinayay qaab uu tareenka uga boodo, ninkii raadinayay cid u bilowda rabitaanka doorasho dadban, ayaa hal mar 1000 degree wareegay, wuxuuna hadda Qoor-Qoor la wadaaga ololaha muddo kororsi doonka ah. Axmed Qoor-Qoor isaga waa la fahmi karaa sababta uu u raadinayo muddo kororsi oo rag culus oo xoolo iyo xoogba aan kursiga laga qaadan karin ayaa tartan kula jira. Laakiin Lafta-gareen oo isagu sheegan jiray inay fursadiisa soo laabashadu 100% tahay inuu sidan oo dhan isku beddelo ayaa dad badan ka yaabisay. Si fudud hada waxaa jirta laba Lafta-gareen, mid dhiifoon markii uu banaanka joogo oo u muuqda nin horey u socon kara oo iswadi kara iyo mid la jooga Xasan Sheekh oo aan dookh siyaasadeed laheyn, kuna qasban wixii ay rabto Villa Somalia. Inkasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu badi ku suntan yihiin mowqif la’aan, hadana dhowr qof oo jili jirey inay mowqif leeyihiin ayaa hadda dib loo baranayaa. The post Lafta-gareen ‘oo si fudud isku baray’ dadkii ku jahwareersana siyaasaddiisa kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  9. Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeeyn xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, sida at sheegtay warbaahinta dowladdu. Deegaanada Ciidanku ay howlgallada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah, Doonka, Tixsiile, Warmaxan, Waraaboole iyo kuwa kale, waxaana Ciidanka ay Bur-Buriyeen goobo fariisimo u ahaa kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga dalka gaashaanle dhexe Axmed Cabdi Cali. Howgalkan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta oo kaashanaya xoogagga deegaanku. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Sen. Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ahaa ee u dhaxeeyay. Khilaafka labada masuul ayaa salka ku hayay kursiga #UH50 ee guddoomiya Cabdi Xaashi uu sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna uu ku waayay xubinnimada Aqalka Sare. Dadaallo loogu lala dab-qaadayay labada dhinac saacadihii u dambeeyay ayaa kusoo idlaaday isfaham, kadib markii ay soo fara-galiyeen xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafka labada nin. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo saaray warqad uu uga tanaasulayk go’aankiisa maamul ee kursigaasi uu ka soo saaray, taas oo ka dhigan inuu Senator Saalax Axmed Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo. “Markaan tixgelitay marxalada uu dalka ku sugan yahay, isla markaana garowsaday inay mudan tahay in loo turo dowladnimada cardunka ah ee ka jirta Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kana laabto go’aanka maamul ee kursigan,” ayuu Cabdi Xaashi ku yiri qoraalka. War-saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen, iyada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu ku sheegay in sida ugu haboon lagu dhameeyo ismaandhaafkii soo dhex-galay isaga iyo Cabdi Xaashi. “Waxa aan degaan doorashada aan metelo UH50 iyo ummadda Soomaaliyeed ugu sii shaqeyn doonaa xubinnimada Golaha Aqalka Sare,” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa. Hoos ka aqriso qoraalada labada masuul; The post Aqriso: Heshiis laga gaaray khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Saalax ee kursiga Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xegeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiis ka gaaray khilaafkii maalmahan ka dhex aloosnaa. War qoraal ah oo uu soo saaray Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu u tanaasulay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS ka dib talo-bixin uga yimid dhinacyo dhexdhaxaadiyaal ah, islamarkaana mudane Saalax Axmed Jaamac uu sii wadan doono shaqadiisa Senator-nimo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa war qoraal ah oo uu arrintan uga hadlay ku sheegay in khilaafkii asaga iyo guddoomiye cabdi Xaashi u dhexeeya la soo afjaray, wuxuuna u mahadceliyay masuuliyiintii dhexdhaxaadiyay labada dhinac. Khilaafka labada mas’uul ka dhashay tillaabo uu qaaday guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahayd in uu ku dhawaaqay in Senator Saalax Axmed Jaamac uu soo xaadiri waayay kalfadhiyadii Golaha sidaas darteedna xilka uu lumiyay oo kursigiisa loo dhaarinayo qofkii kula tartamayay xilligii doorashada, balse waxaa arrintaas ku biya-diiday mudaneyaasha golaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — Somali security forces in Jubbaland repelled an Al-Shabab attack on Buulo Haji village near Kismayo, a strategic area liberated from the militant group just months ago. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xilliga kulaylka ee dalku galay, waxaa ku lamaanan kulayl siyaasadeed iyo is jiid -jiid soo kala dhaxgalay dhinacyo badan oo isla haystay labadi sano ee lasoo dhaafay. Somaliland meel kasii fog meesheedi hore ayay gaartay. Puntland xilli hore ayay ka degtay tareenka Villa Somalia, hadana waxaa qarka u saran Jubbaland inay ka boodo tareenka. Koonfur Galbeed xaalkeedu ma fadhiyo, inta soo hartayna loogama baranin inay madaxtooyada kula loolamaan masiirka siyaasadda. Markii la iskala daalay hadallada siyaasadeed ee kulal, is dhaafsiga war-saxaafadeedyada iyo is dhaliiliddii tooska ahayd, waxaa la isla aaday in qaab suugaameysan loo wareejiyo dagaal afeedka siyaasadda. “Doraad dhiiraneydaa, Shaley diricsaneydaa, Maantana ku dabartoo, Dan baa kuu run sheegtee!” waa erayada uu Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur u xushay inuu kusoo dhaweeyo Cabdicasiis Laftagreen markuu Muqdisho kasoo degay horaantii bishaan. Wax qarsan ma ahan coaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada nin. Aadan Cabdinaasir oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo loo qaatay inuu jawaab siinayay wasiirka ayaa Abwaan Hadraawi kasoo amaahaday “Daray waarayaan ahay, Duufaanku ima lulo, Dulin hoose ima galo, Dardaraale ina rido, Digdig beena kuma ruqo, Cirka danab ka soo dhacay, Deli igama raarrido”. Maalin dhaweed markii ra’iisul wasaaare Xamsa Cabdi Barre sheegay inuu weli sii socdo shirkii wadatasahiga qaran, waxaa uu wasiirka warfaafinta Puntland ku tilmaamay xaalka Xamse labada hees ee tiraahda “nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee , caaway u darantee xageen baan cuskadaa” iyo “ Adigaa is lumiyoo, Isu loogay cadawgoo, Libintaada siiyee, Waadiganse liitee, Leexadu ku sidatee, Hadba laan cuskanayee, Maxaa lulay naftaadii”. Dhanka Somaliland waa tii fannaaniita Geesku waydiiyeen Biixi su’aal ahayd “Sool xaggeed geysay” taas oo u muuqatay hees ku dhaliileysa madaxweynaha dagaalkii Sool iyo inuu ku fashilmay, hogaaminta Somaliland. Villa Somalia waxaa barteeda Facebook ugu hardhan heesta tiraahda “ Maalmihi wacnaa way soo socdaan” waxayna dhaxtaal u ahaan jirtay qudbadaha Xasan Sheekh labadi sano ee lasoo dhaafay. Erayadan soo socda ee Maxamad Cumar Xuseen (Huryo), waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray Cabdiraxmaan Cadbishakuur oo caan ku ah dhaliisha siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh. “Seddax tirada guud, Gogushuu fadhiyey, Ruuxii ka guday, way soo gabtaa, garkaan iyo garkaa, Midna gaari waaye, Sow inuu gadaal, Labo guri dhexdood, Gabbal ugu dam yahay, Maan gorfaynin waa, Qalbi guran miyaa, Qosol lagu godlaa” Si kastaba ha ahaatee suugaanta ayaa loo arkaa inay gaari karto cabbir ka fog hadalka caadiga ah, waana sababta keeneysa inay siyaasiyiintu adeegsadaan iyaga oo la eeganaya xilliga ugu habboon. Soomaalidu waxay isagu jiraan dad wax tiriya ama dad xafidsan qaybo badan oo ka mid ah qaybaha suugaanta, waana sababta kale ee loo aanaynayo inay badato iswaaydaarsiga eradaya suugaanta ee micnaha badan abuuri kara. Dawan The post Kulaylka siyaasadda dalka oo gaaray meel sare – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkaan oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan ayaa wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dhawaan sare u kac sameeyay, kadib markii dakhliga gudaha uu kordhay sida lagu sheegay warbixin ay dawladda Soomaaliya soo saartay. Si kastaba, Soomaaliya ayaa 13-kii December ee sanadkii hore laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, taasi oo dhabaha u xaareysa inay hesho maalgashi horleh. The post Muxuu yahay shirka uu maanta R/W Xamza ka furay Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre. Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka ayaa Golaha faahfaahin ka siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda ay guddiga su’aalo ka weydiiyeen hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu u leeyahay da’yarta Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga laga doonayo in ay warbixinta akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka Xildhibaanada inta waafaqsan dastuurka, kuna soo celiyaan Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
  16. Democracy, rule of law, bureaucratic efficiency and visionary leadership are the hallmarks of good governance. The concept of governance can be traced to ancient Greek etymological thought, where the term was derived from the Latin verb "to steer." At the same time, in the 12th century, the English adopted it from the French term "gouvernance." Source: Hiiraan Online
  17. Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay kadib mudda haraad rabshado wata oo maanta ka dhacay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Xiisad ayaa ka taagan magaalada Badhan kadib markii ciidamada Puntland saaka is hor-taag ku sameeyeen ciidamo ay wateen rag sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre. Sidoo kale iska hor-imaad saaka degmada Badhan ka dhacay waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka Badhan. Wararka ayaa sheegaya in ay hadda gudaha degmada Badhan ku sugan yihiin raggii la baxay guddiga siyaasadda Maakhir ee uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre. Waxgaradka magaalada ayaa sidoo kale wada waan-waan ay ku dejinayaan xaaladda degmada Badhan islamarkaaana Labada dhinac weli ma jiro mid ka hadlay xiisadda. PUNTLAND POST The post Qof rayid ah oo ku dhintay xiisad iyo rabshado weli ka taagan degmada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkanu oo socon doona laba maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta furay Shirka Madasha Dhaqaalaha dalka appeared first on Puntland Post.
  19. 463187451_1095695455558578_2324900664295638321_n Qaran News
  20. Mogadishu (HOL) — Hackers siphoned over $350,000 intended for a Somali solar energy company in a brazen cyberattack that exposed critical vulnerabilities within the India-based International Solar Alliance (ISA). The funds, intended for Hayle Barise Energy Solutions—a company developing solar infrastructure in Somalia—were redirected to a bank account in the United Arab Emirates. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com