-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Howlgal ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanno u dhexeeya degaanka Janaale iyo degmada qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay ku dileen sarkaal dagaalamayaasha Al shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooleey iyo degaanada hoosyimaada, waxaana sidoo kale mileteriga Soomaaliya uu sheegay inay dileen 5 dagaalame oo kale. Sarkaalkan ay ciidamada xoogga howlgalka ku dileen ayaa waxa ay magaciisa ku sheegeen Cabdi Muxsin Shiikh Xuseen ( Abuu bakar) sida uu Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir. Degaanada ciidanka xoogga dalka howglka ay ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Kabtan Laas oo ah meel isgooys ah iyo tuulada Buulo Sheekh oo u dhexeeysa Janaale iyo dgmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose. Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay weerada iyo howlgalada kadhanka ah dagaalamayaasha Al shabaab tan iyo inta ay dhalatay bisha barakeeysan ee Ramadaan. Ma jirto dhankooda Al shabaab wax war ah oo ka soo baxaa oo ay uga jawaabayaan sheegashada dowladda ee ah in sarkaal iyga ka tirsan iyo 5 dagaalme ay ku dileen Shabeellaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLTHaweeney 113 sanno jir ah ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee dalka Spain ka bogsada Cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Maria Branyas oo 113 jir ah ayaa ka baxday Cisbitaalkii lagula tacaalayay ee Santa Maria del Tura Care oo ku yaalla magaalada Olot ee bariga dalka Spain. Haweeneydan ayaa asalkeeda ku dhalatay magaalada San Fransisco ee dalka Mareykanka 4-ta bisha March sannadkii 1907, waxaana ay ku nooleyd dalka Spain sanadihii 1918-1919 oo Adduunka ku dhiftay hargab saf-mar ahaa oo tirada dadka ku dhintay lagu qiyaasay 50 milyan. Maria ayaa waxaa loo tixgaliyaa inay tahay qofka ugu da’da weyn dalka Spain, marka loo eego diiwaanka kooxda caalamiga ee cilmi baadhista dalka Spain ee Gerontology oo ah koox raad-raac iyo kormeer ku sameysa dadka da’dooda gaadhay 110 sanno. Si kastaba ha ahaatee warbixino hore loo shaaciyay ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 ay u dhintaan dadka da’dooda u ka sareeya 40-60 sano, waxaana haatan soo baxaya dad da’dooda intaa ka weyn oo si layaab leh uga badbaaday cudurkan. Source
-
Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo dhanka cirka oo ay fuliyeen diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, kuwaasi oo duqeeyey gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah. Dhowr gantaal ayaa la sheegay in ay ku dheceen deegaano hoostaga gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo la sheegay inay khasaare ka dhasheen. Mid ka mid ah darawallada gaadiidka la duqeeyey oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay jiraan khasaare soo gaaray qaar ka mid ah dadkii saarnaa baabuurtaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cada.mp3 View the full article
-
Shabeelada Hoose (Caasimadda Online) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyahiin deegaanka Lambar 60. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka, hadana waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay halkaas ku dagaalamayeen in ku dhaw saacad. Dadka deegaanka oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay iney si xoog leh u maqlayeen dhawaqa rasaasta kooxaha dagallamay, balse aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha kala gaaray. Weerarka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegteen iney halwgallo ay ku fuliyeen Shabeelada Hoose ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab. Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka la sheegay inuu maanta ku dhexmaray deegaanka lambar 60.
-
Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgal ay ka fuliyeen inta u dhexeya Kabtan-Laas iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo shan xubnood oo kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la dilay uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray, Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen ( Abuubakar), sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ma sheegin khasaaro soo gaaray dhankooda, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dagaal xalay ciidan kawada tirsan dowladda federaalka ah ku dhexmaray magaalada Muqdisho kaas oo la tilmaamay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamo boolis ah iyo kuwo mileteri ah ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan waxaana sababta ka dambeysay dagaalkaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ciidan ay isku qabteen qaad si qarsoodi ah magaalada loo soo geliyo kaas oo sida la sheegay u socday ciidanka mileteriga ah balse xogta warkaas ay heleen booliska sidaasina uu dagaalku ku dhexmaray labadaasi ciidan. Sidoo kale warar kale ayaa tibaaxaya in labada ciidan uu isfahamwaa soo kala dhexgalay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 4 askari halka ay jiraan dhaawacyo aan la xaqiijin tiradooda waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay intaas ku dareen in dagaalku uu socday muddo ku dhow saacad. Xaaladda goobihii xalay lagu dagaalamay ayaa saakay ah mid degan waxaana dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan in dagaal kale uu halkaasi ka qarxo maadaama markasta qaad si qarsoodi ah halkaasi loo soo galsho kaas oo u yimaada mileteriga ku sugan xaafadda Soonakey ee magaalada Muqdisho. Muqdisho waxaa caadi ka ah in ciidamo kawada tirsan dowladda uu dhexmaro dagaal toos ah oo sababa khasaare kala duwan kaas oo waxyeelada ugu badan u geysta dadka rayidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka aan ka helayno deegaanka lambar 60 ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saacadihii la soo dhaafay uu dagaal aad u qaraar ku dhexmaray ciidanka AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen deegaankaasi waxaana intaas ka dib labada dhinac dhex maray dagaal socday in ka badan saacad. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen daryanka hubka nuucyaddiisa kala duwan, waxaana ay sidoo kale intaas ku dareen inaysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadii dirirtu dhexmartay. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo kala baxay saraakiisha AMISOM iyo dagaalamayaasha Al shabaab oo ay uga hadlayaan dagaalkan iyada oo ay xusid mudan tahay in mararka dagaallada caynkaan ah ay dhexmaraan labadaasi dhinac inay ka kala sheegtaan guulo. Al shabaab ayaa fariisimada ay AMISOM ku leeyihiin gobalka Shabeellaha hoose waxa ay ka geystaan weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay khasaaro ku gaarsiiyaan ciidankaas maadama Al shabaab ay wali ku xoogan yihiin Koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Haloow: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uj: Talo iyo Duco: Mudane Madaxweyne, Waxa Rasuulkeenna-SCW- ka sugnaatay in uu yidhi: “Saddex qof ducadooda lama celiyo – waa la aqbalaa- 1) Qofka soommani marka uu afurayo. 2) Madaxweynaha caadilka ah. 3) Oofka dulman ee laga gardaranyahay-(habaarkiisa). Mudane Madaxweyne, waxa aynnu u baahannahay in aynnu labada horena ducadooda hello, ka saddexaadna habaarkiisa ka badbaadno. Mudane Madaxweyne, waxa aynnu ku jirnaa maalmo khayr badan oo tobankii ugu danbeeyey ee Ramadaan ayaa inoo bilaabmaya caawa, wakhtigu wuu innagu adagyahay, ma lihin xoog iyo xeelad la isku hallayn karo oo aynnu kaga badbaadno dhibaatada caafimaad ee cudurkan faafaya (Covid-19), dhibaatada dhaqaale ee uu keenay iyo xaaladaha bulsho ee uu abuurayba, keliya waxa aynnu filaynaa samatabixinta Alle oo cidda isku hallaysa ku filan. Haddaba si aynnu Alle qalbiyo nadiif ah oo isu laabxaadhan ugu barino, waxa innala gudboon in aynnu dulmanayaasha dulmiga ka dulqaadno oo habaarkooda ka baaqsanno. Waxa xabsiga weyn ee Hargeysa ku xidhan dadka falal denbiyo ah loo xukumay oo muddo dhawr iyo toban sannadood ahaa lagu xukumay, way dhammaysteen xukunkoodii, haddana sannado dheeraad ah ayay sii xidhan yihiin, wax ay u xidhan yihiinna cid sheegi kartaa ma jirto, lama yaqaanno wakhti ay xorriyaddooda helayaan, keliya waxa la hubaa haddii ay dhintaan in xabaal loogu beddeli doono xabsiga! Mudane Madaxweyne waxa aannu si xushmad leh kaaga codsanaynaa in aad arrinkaa gacangeliso oo dadkaas xorriyaddooda siiso, isla markaana u amarto in muddada ay xaqdarrada u xidhnaayeen magdhowga ay xaqa u leeyihiin la siiyo. Mudane Madaxweyne, hore waxa aan u dhegaystay adiga oo marar badan u doodaya dadka xukun la’aanta u xidhan, waxa jira dad badan oo muddooyin badan xukun la’aan ugu xidhan xarumaha wax lagu xidho, dadkaasi way dulman yihiin, denbiilayaalla ma aha ilaa xukun maxkamadeed ku dhacayo caddeyn ka dib, qaarkood muddo bilo badan ah ayay xidhan yihiin! Ugu danbeyn, mudane Madaxweyne, ummaddaada ku badbaadi CADDAALAD, SI DUCADAADA LOO AQBALO, HABAARKA DADKA DULMANNA INNAGA BAAJI si Alle dhibaatooyinka cudurkan iyo waxa uu wataba innooga badbaadiyo, bishan barakaysanna acmaasheenna loo aqbalo, Alle-na dhammaanteen inoogu naxariisto. Ilaahay waxa aynnu ka baryaynaa- waynnu soommanahaye – in uu aafooyinka iyo dhibaato oo dhan innaga dhawro, amniga inoo siyaadiyo, inta xanuunsanaysa caafimaad degdeg ah oo taam ah siiyo, inta caafimaadka qabtana cudur ka dhowro, inta dhimatay u naxariisto, culaysyada badan ee jirana dhammaantood innaga dulqaado – Aamiin yaa Rabbii. Waa talo muwaadin, waa soo jeedin lexejeclo, ma helin jid aan kan ahayn oo aan kuugu soo gudbiyo. ================================================= Qolyihii Madaxweynaha warka siin jiray hadday taladan siiyaan ku danbaabi maayaan, Madaxweynuhuna kuma diidi doono, waxa aan rajeynayaa in ay shaqa fiican u noqon doonto arrintaasi. Dr-Abdulqani Hussein Beder. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimadda Online) Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday hawlgallada ay ku sugayaan amaanka deegaanka, waxeyna markaan ka hortageen sida ay sheegteen weeraro ay Daacish la damacsanaayeen iney ka fuliyaan magaalada Boosaaso. Wararka la helayo waxey sheegayaan in ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan xubnahii loogu talagalay iney fuliyaan dhibaatada, sidoo kale waxey gacanta ku dhigeen agab la rabay in lagu sameeyo qaraxyo. Taliska ciidanka Amaanka Puntland ayaa baraha bulshada ku faafiyay qoraal ay ku xaqiijinayaan hawlgalka ay sameeyeen iyo waxyaabahii ay kusoo qabteen, wuxuuna u qornaa sidaan: “Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada #PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaso; Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan” Bilowgii todobaadkaan ayey aheyd markii ciidamada Amaanka Puntland ay isla magaalada Boosaaso ku fashiliyeen weerar ay Daacish damacsaneyd, iyagoo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan oo markii dambe la ogaaday inuu yahay madaxii Amniyaadka kooxdaan ee gobolka Bari. Qoraalka lasoo dhigay bogga ay ciidamada amaanka Puntland ku leeyahiin Puntland, laguna faalleeyay xaqiiqada hawlagalka ayaa la raaciyay: “Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray” “Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish,shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,Haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388,” Si kastaba qoraalka xaqiijinta ah ayaan lagu caddeyn hadii ay ciidamada Ammaanka Puntland wax dhibaato ah soo gaartay, waxaana muuqaneysa in hawlgallada isbuucaan ay sameeyeen ay ka gaareen guulo la taaban karo.
-
Ilhan Omar iyo Senator Bernie Sanders oo codsaday in deymaha laga cafiyo wadamada aad u saboolka ah Senator Bernie Sanders iyo Ilhan Omar waxay hogaaminayaan koox xildhibaano ah oo ka kala yimid laba iyo toban dal, iyagoo ugu yeeray Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka inay iska cafiyaan deynta dalalka ugu saboolsan adduunka ayna kor u qaadaan taageeradooda. ’’Jadwalka bixinta deynta ee ay ku dhawaaqday bishii hore kooxda 20 kuma filna in loo oggolaado waddammada in ay wax ka qabtaan dhibaatada, xildhibaannada, oo uu ku jiro U.K. Jeremy Corbyn, ayaa ku sheegay warqad Arbacadii. Tallaabooyinkaan ayaa ah kuwa ugu yar ee ay tahay in hay’adahan lacageed ay sameeyaan si looga hortago koror aan la qiyaasi karin oo saboolnimo ah, gaajo, iyo cudur halis gelinaya boqolaal milyan oo qof,” ayuu Sanders ku sheegay hadal uu soo saaray. Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen IMF iyo World Bank inay baaqooda kagasoo jawaabaan muddo 15 maalmood ah. Qaran News
-
Arrimaha la xiriira xoga Covid 19 ee Soomaaliya waxaa ay galab weliba dad la wadaaga xaaladaha dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. Haddaba, waxaa soo baxeysa in xogta ay arbacadii sheegtay dowladda federaalka ah ayaa ka duwan midda dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruu Dhankeeda, Puntland ayaa soo bandhigtay shax middaas ka duwan oo sheegeysa iney diiwaan geliyeen ilaa 13 bukaan oo cusub Source: goobjoog.com
-
Maxaa Ilhan Cumar ku qasbay inay taageerto qorshe Urur Yahuudi ah wato? Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wajaheysa cambaareyn xooggan kadib markii ay saxiixday warqad maamulka Trump ku boorineysa inuu kordhiyo cuneqabateynta hubka ee saaran Iran. Warqadda, oo aan heysan sharciyad dhaqan-gal, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 380 xubood oo Aqalka congress-ka ah. Magaca Ilhaan ee warqadda ku sixiixan ayaa waxaa loo fahmay in ay xilligaan ka fallaagowday baqeedii hore ee ahaa in la qaado cuneqabateynta ka dhanka ah Iran. Waxa carada ka dhanka ah Ilhaan sii kordhinaya ayaa ah in warqadda uu gadaal ka riixayo guddiga udooda Yahuudda ee AIPAC ayna ka turjumeyso ajandihiisa sharci-dejinta. Sidoo kale waxaa warqadda soo qoray gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congres-ka Eliot Engel iyo Michael McCaul kuwas oo labadoodu safka hore uga jira marka ay timaado siyaasadda ka dhanka ah Iran. “Waxaan u malaynayaa in ay ogolaatay in lala xisaabtamo dadkuna ay muujiyaan sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabada ay qaaday, gaar ahaan kweena naftooda ka hormariyay sanadkii hore taageeradeedana ku bixiyay kharashkooda,” ayuu yiri Jinan Shbat oo ka tirsan ururka loo soo gabiyo ADC. Cambaareynta Ilhaan Carada ayaa billaabatay kadib maqaal ay daabacday jariidadda Al-Monitor oo markii ugu horreysay baahisay saxiixa Ilhaan Cumar. Waxaa sidoo kale wariyay Electronic Intifada, Fox News iyo warbaahinta Israel. Guddiga ka hortagga dagaallada, oo degan gobolka laga soo doorto Ilhaan Cumar ee Minnesota, ayaa ku baqay in ay warqadda ka saarto saxiixeeda, islamarkaana waxay dalbadeen in ay la kulmaan si arrinta ugla hadlaan. “Hadda ka hor, waxaan u malayneynay in aan fahannay aragtidaada, laakiin hada waxaan ka walaacsannahay in aad siyaasadaada ka tanaasuleyso si laguugu fahmo in aad dhex-dhexaad tahay, kuna biirtay kuwa u codeeya Yahuudda,” ayuu ururk ku sheegay war uu soo saaray. Marcus Montgomery oo ka tirsan xarunta carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in lagu jah-wareeray sababtaIlhaan Cumar ay sharciyad u siineyso warqada. Waxa uu hadalkiisa ku daray in Ilhaan ay cod fur-duran u ahayd doodda ka dhanka ah cune-qabateynta Iran. Horraantii sanadkaan, Ilhaan Cumar wxaa ay ka mid ahayd, sharcidejiyeyashii ugu horreeyay ee ku baaqay in cune-qabateynta laga qaado Iran, si loogu ogolaado Jamhuuriyada Islaamiga ah in ay la tacasho Coronavirus. “Hadana waxaa ay sixiixday warqad tageereysa siyaasadda maamulka. Waxaan ula jeedaa warqaddu waxay si faah-faahsan uga hadleysaa dhammaan qaybaha hubka cuneqabaeynta la saarayo iyo “dhaq-dhaqaaqyadda xun ee Iran” ayuu Montgomery u sheegay Middle East Eye. Cali Abunimah, oo wax ka aasaasay warbaahinta Electronic Intifada, ayaa dib uga riixay ilhaan weerada ka dhanka ah, inkastoo uu tilmamay in go’an xun ay ahayd in ay warqada saxiixdo. “Qaar ka mid ah fal-celinta aan arkayay waxay ahaayeen in la gatay ama ay maamuleen dadka kasoo horjeeda iyo wax la mid aha” ayuu yiri Cali Abunimah. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa inaan cambareyno khaladkeeda, laakiin aan dhiiri gelino shaqada wanaagsan ee ay qabatay.” Kala qaybinta taageerayaasheeda Ahmed Bedier oo u ololeya siyaasadda muslimiinta ee Maraykanka ayaa sheegay in ururka yahuudda u dooda ee AIPAC iyo warbaahinta garabka midig ay isku dayayaan in arrinta ka faa’iideystaan. “Waxay dhab ahaantii doonayaan in ay taagerayaasheeda kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay wargeyska Middle East Monitor. “Wax walba oo ka dhan ah Ilhaan, waa ay tageeri doonaan, xitaa haddii ay cadowgooda ka imaaneeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Bilo ka hor urur ku xiran Isreal ayaa bilaabay xayaysiin is bar-bar dhigeeysa Ilhaan Cumar, Rashida Tlaib iyo Betty McCollum iyo ururka Daacish. Ma laga yaabaa in Ilhaan Cumar ugu dambeyn u hoggaansantay cadaadiska Yahuudda? Qaran News
-
Suudaan oo ka biyo diidday hadal ka soo yeedhay Itoobiya Suudaan ayaa sheegtay iney aqbaleyn fikirka ay Itoobiya soo jeedisay ee ku saabsan qaabka loo buuxinayo biyaha biyo xireenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile. Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay iney dowladdiisu aqbaleyn fikirka Itoobiya ka soo yeedhay. Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalladi u dhaxeeyey ee xalka looga raadinayey muranka biya xireenka ka dhashay ayaa istaagay. Hasayeeshee, Masar ayaa toddobaadkan cabashadeeda ku aaddan Wabiga Nile ee Itoobiya kala dhaxeeyo u gudbisay qaramada midoobay. Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok diidmada fikirka Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin. Masar iyo Suudaan waxay cabsi aad u weyn ka qabaan biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso haddii lagu billaabo qabashada biyaha wabiga Nile iney biyo yari soo food saareyso. Dalka Itoobiya oo mashruucan balaayiinta doolar ku bixiyey si uu uga baxo baahida dhinaca korontada ka haysato wuxuu qorsheynayaa bisha July ee soo socota inuu billaabo keydinta biyaha biya xireenka uu u baahan yahay. Seddexda dal bilooyin ka hor shir ay si wadajir ay u soo qabanqaabiyeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay magaalada Washington ayay marki ugu dambeysay ku kulmeen balse kulankoodaasi uu ku soo gabagaboobay Natiijo la’aan. Gaar ahaanna dalka Itoobiya heshiiski ugu dambeeyey waxay ugu baxay iyada sheegtay heshiiska ay soo jeediyeen Mareykanka iyo Bangiga adduunka inuu u janjeero rabitaanka Masar sidaana ay heshiiska ku qaadacday. Dalka Masar oo qarniya badan biyaha ugu badan ee wabiga Nile isticmaalayey ayaa cabsi weyn ka qaba biyo xireenka Itoobya inuu saameyn u geysto ayaa bilooyinkii u dambeeyey ku howlaneed sidii ay Mareykanka iyo waddamada carabta ay taageero uga heli lahayd. Waddamada jaamacadda carabta oo baaq ay ku taageerayaan rabitaanka Masar soo saarayna waxaa diidday dowladda Suudaan. Go’aanka diidamada ee Suudaan ka qaadatay jaamacadda carabta wixi ay isku raaceen waxaa si weyn uga mahad celisay dowladda Itoobiya, halka ay dhinaca Masarna eed aad u weyn kala kulantay. Dowladda Itoobiya waxay dhankeeda soo jeedisay tala bixinno ay ku sheegtay mid ay danteeda ku jirto heshiis kama dambeys ahna looga gaari karo muranka seddexda dal muddada dheer u dhaxeeyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoogan ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu ahaa mid laga dareemay degmadaasi. Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu Xaafada Soonakey ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir ku dhex-maray Ciidamo ka kala tirsan Millateriga iyo Booliska Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Turkey-ga uu Tababaray ee Haram Cad. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyay dagaalka. Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday, halka Dadka deegaanka ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen inuu dagaalka ka bilowday Qaad si qarsoodi ah loo soo gelinayey Magaalada. Dagaalka oo socday wax ku dhow saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyooday 4 askari oo ka tirsan ciidamadii dagaalamay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in askarta dagaalka lagu dilay uu ka mid yahay Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, waxaana si weyn looga garanaayay Soona Key. Waxaa suurtagal ah in khasaaraha intaas uu ka bato maadaama rasaas habow ah ay ku dhaceysay Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Degmada Hodan ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku soo noq noqdeen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka ka wada tirsan. Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa inaanay mowqif adag ka qaadan dagaalada ku soo noq noqday Caasimadda Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamadeeda. Laamaha Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Dagaalkii Xalay ka dhacay Qaybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
-
Degmada Warta Nabadda ayaa xalay u gudubtay wareega labaad ee tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka guuleysatay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxa ay guusho raacday tartamaayaashii matalayey Warta Nabadda. Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in degmada Warta Nabadda ay la timid 16 dhibcood, halka tartamayaasha Cabdicasiis ay keensadeen 12. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari oo ka tirsan gobolkaan Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsan group-ka D, waxaana giid ahaan u dambeeyey wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga ee dowladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inay isku qabteen arrimo la xariira Qaad, si qarsoodi ah loo soo galiyey magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ugu yaraan afar askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Dhamme Daahir Sheekh Axmed ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi. Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa saaka ah mid ah degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya. Dhowaan ayey aheyd markii dagaal kan la mid ah ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ku dhex-maray xaafadda Kaawo-Godey, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-140520.mp3 View the full article
-
Ciidanka Amniga Puntland ee loo yaqaanno PSF, ayaa shalay hawlgal qorshaysan ku qabtay saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaas qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso. Qoraal xalay ka soo baxay Taliska PSF, ayay ku sheegeen in hawlgal qorshaysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ka fuliyeen Boosaaso, in ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, oo qaraxyo ku diyaarinayay guryo ku yaalla gudaha magaalada. Qoraalka PSF, ayaa lagu xusay in qaraxyadaas ay ka koobnaayeen kuwa dhulka la geliyo ee miinooyinka ah iyo qaraxyada suumanka ee dadka ismiidaamiya ay isticmaalaan, balse faahfaahin kale ma bixin. Taliska PSF, ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari, si loo xaqiijiyo Amniga Boosaaso iyo guud ahaan gobolka. PUNTLAND POST The post Ciidanka Amniga Puntland oo Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo diyaarinayay appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay hawlgal gaar ah ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa malayshiyaadka Al-shabaab. Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa laga soo xigtay in horjooge Cabdi Muxsin Sheikh Xuseen (Abu-bakar) lagu dilay hawlgalkaas oo ka dhacay tuulada Buula-Sheikh oo u dhexaysa degaanka Jannaale iyo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose. Gen. Dirir ayaa sheegay in horjoogahaas uu ahaa xubin sare oo muhiim u ah malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose inkastoo uusan xusin xilka uu ka hayay gudaha Al-shabaab. Taliyaha ayaa tilmaamay in sidoo kale hawlgalkaas lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magaca horjooge sare oo ay ka dishay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Degmada Buurtine ee gobolka Nugaal Roobab dabaylo wata oo xalay ka da’ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa dhulk la simay guryo ka samaysan coosh oo ay degganaayeen barakacayaasha ku sugan degmadaasi. Dadweynaha magaalada, ayaa soo sheegaya in xaafaddii barakacayaasha Buurtinle uu Roobkkaasi khasaare xooggan gaarsiiyay, kadib markii uu dhulka la simay guryihii ay degganaayeen oo coohashado ka samaysnaa. Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo bannnaan tuban yihiin, oo aysan haysan wax hooy ah, maadaama guryahoodii cooshka ay xalay ku dumeen dabaysha Roobka halkaas ka da’ay. Sidoo kale, Roobkii xalay ayaa waxyeello gaarsiiyay guryo badan oo isu’gu jira degaan iyo ganacsi, kuwaas oo ay saqafyada ka qaadday dabaysha, iyadoo wararka qaar sheegayaan in sidoo kale waxyeello gaartay korontada magaalada. PUNTLAND POST The post Roob dabaylo wata oo waxyeello ka gaystay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post. -
For several years, Washington reverted to largely ignoring the ongoing Somali tragedy. Source: Hiiraan Online