Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maalinta Cuntada Adduunka, oo la xuso 16-ka Oktoobar sanad walba, waxay ku beegan tahay maalintii la aas-aasay Barnaamijka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) sanadkii 1945. Munaasabaddan caalamiga ah ayaa loogu talagalay in lagu wacyigeliyo bulshooyinka caalamka ee ku saabsan muhiimadda cunnada, iyo sida looga hortagi karo cunto yaraanta, gaajada, iyo nafaqo-darrida ka jirta meelo badan oo dunida ah. Sidoo kale, xuskan wuxuu hoosta ka xariiqaa muhiimadda beeraha iyo sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka gudaha. Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Dhibaatada Cunto Yarida. Dhinaca kale, 16-ka Oktoobar sidoo kale waxaa loo aqoonsaday maalinta lagu xuso Beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara sugnaanta cunnada dalka. Beeraha Soomaaliya ayaa ahaa isha ugu weyn ee dalka uu cunto uga helayay sanado badan, iyada oo gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan, iyo Jubbooyinka ay ku caanbaxeen wax-soo-saar ballaaran oo kaalin weyn ka qaadan jiray amniga cunnada. Si kastaba ha ahaatee, beeraleyda Soomaaliyeed waxay weli la daalaa dhacayaan caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin: Doorka Xukuumadda: Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay doorkeeda ku aaddan taageeridda beeraha. Ma jirto siyaasad qaran oo cad oo beeraleyda ka caawinaysa horumarinta wax soo saarka. Beeraleydu waxay la tacaalayaan dhibaatooyin sida helitaanka tababarro casri ah, qalabka wax soo saarka, iyo agabka beeraha, iyagoo inta badan ku tiirsan juhdiga gaarka ah ee bulshadooda. Saameynta isbedelka cimilada: Isbedelka cimilada oo sababay abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday ayaa si weyn u dhaawacay wax soo saarka beeraha. Tan ayaa horseedday hoos u dhac ku yimaada isku filnaanshaha cunnada dalka, iyadoo beeraha badankood aysan la qabsan karin cimilada beddalka ah oo aan saadaalin karin. Hoos u dhac ku yimid tirada beeraleyda: Tirada beeraleyda Soomaaliyeed ayaa hoos u dhacday sanadooyinkii u dambeeyay, taas oo ugu wacan dhulalka beeralayda oo noqday kuwo colaado iyo abaaro ku dhaceen, iyo dhalinyaradii oo u hayaamay magaalooyinka ama qurbaha si ay shaqo u raadsadaan. Tani waxay sii kordhisay dhibaatada wax soo saarka gudaha. Xalka iyo Fursadaha Soomaaliya: Xoojinta Taageerada Beeraleyda: Dowladdu waa inay dejisaa qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu horumarinayo beeraha iyo kaabayaasha ay u baahan yihiin beeraleyda. Tababarro farsamo iyo taageero dhaqaale ayaa muhiim u ah sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka cuntada gudaha. Dhiirrigelinta Ganacsiyada Yaryar iyo Greenhouse-yada: Waxaa loo baahan yahay in si gaar ah loo taageero ganacsiyada yaryar ee beeraha iyo hirgelinta Greenhouse-yada si kor loogu qaado wax-soosaarka, gaar ahaan meelaha ay saamaynta cimilada iyo xaaladaha colaadeed culayska ku hayaan. Ka-hortaga Abaaraha iyo Isbedelka Cimilada: Dowladdu iyo hay’adaha caalamiga ah waa inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saamaynta isbedelka cimilada, sida soo celinta nidaamka waraabka iyo dhismaha kaydka biyaha. Dhiirrigelinta Suuqyada Maxalliga ah: Waxaa loo baahan yahay in la abuuro suuqyo furan oo beeraleyda Soomaaliyeed ay ku iibsan karaan wax-soosaarkooda, iyadoo la xoojinayo ganacsiga beeraha. Wada shaqaynta Dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah: Dowladda Soomaaliya waa inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo hubiyo in taageerada la siiyo beeraleyda ay tahay mid waxtar leh oo waqti dheer lagu shaqayn karo. Gabagabadii, iyadoo Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo dhanka beeraha ah, haddana waxaa looga baahan yahay qorshe cad iyo taageero joogto ah si loo gaaro iskutashi cunnada ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo, taasoo si gaar ah u caawinaysa beeraleyda iyo bulshada ka soo barakacday abaaraha iyo colaadaha. Maalinta Cuntada Aduunka iyo xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed waa fursad loo adeegsan karo in lagu baraarujiyo xaaladda cakiran ee dhinaca cunnada iyo wax soo saarka, iyadoo loogu baaqayo dowladda iyo hay’adaha inay gacan ka geystaan xal waara oo loo helo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  2. Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun Quwadda laga dhaliyo Cadceedda taasi oo laga dhisayo Jabuuti. Heshiikani oo lagu kala saxiixday shir fogaan-arag ah ayaa waxa mashruuciisa hirgelineysa islamarkaana maalgelineysa dowladda Masar waxaana la doonayaa in xarunta quwadda laga sameeyo gudaha magaalada Jabuuti. Heshiiskan ayaa waxaa Masar u saxiixay Wasiirka Korontada iyo Tamarta la Cusbooneysiin karo Maxamuud Essmat halka uu Jabuuti u saxiixay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti Yoonis Cali Guuleed. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa sida ay labada dal xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo. Jabuuti ayaa hadda inta badan korontadeeda waxay ku xiran tahay Itoobiya oo dhanka galbeed ay deris ka yihiin balse waxaa Jabuuti looga baahnaan doonaa inay la timaaddo hannaan ay uga bixi karto in ay dal kale ku tiirsanaato. PUNTLAND POST The post Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis heerkiisu sarreeyo appeared first on Puntland Post.
  3. Koox hubeysan ayaa Saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen ganacsato ku leh dukaamo xaafadda Zoonakey ee degmada Hodan ku toogtay halkaasi sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Dukaamada ayaa la sheegay in ay ku dhex jireen ragga la dilay. waxaana falkaan loo aaneeyay in ganacsatadaan dhawaan ay xirteen Kaamirooyinka amniga. Laba ka mid ah dadka la toogtay ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen markii isbitaalka la geeyay. Dukaamada uu falku ka dhacay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo isku dhagan. Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay iyadoo halkaasi ay gaareen Ciidanka Ammaanka Soomaaliya. Ciidanka Ammaanka ayaa soo furtay Kaamirooyinkii ku xirnaa dukaanka si loo aqoonsado Kooxda falka geysatay. Source: goobjoog.com
  4. O Xoghayihii golaha dhexe ee Kulmiye Mustafe Waxdad oo is casilay kuna biiray Waddani iyo Xoghayihii hore ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid . Dhanka kale waxa jira xubno xilal ka haya xukuumadda Muuse Biixi oo wada hadal uu u socdo xosbiga Waddani kuwaasi oo lagu waddo in ay dhawaan ku soo biiraan xisbiga Waddani Qaran News
  5. Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayaa ku baaqay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan golaha dhexe ee Ururkaasi. Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayuu ku ballamiyay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadan dhammaan xubnaha golaha dhexe ee ONLF. Fadhiga oo qabsoomi doona 26 bishan October ayaa dib loogu qiimayn doonaa heshiiskii dhexmaray ONLF iyo Itoobiya lix sano ka hor oo ku beegnayd sannadkii 2018. Fadhiga ayaa sidoo kale dib loogu qiimayn doonaa xaaladda guud ee Itoobiya iyo tan Geeska Afrika iyo in laga doodo istiraatiijiyaddii ONLF ee mustaqbalka gobolkaas ee ay ku hawlgali lahayd. Halkan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Golaha dhexe ee Ururka ONLF oo dib u qiimaynaya Heshiiskii ay kula jireen dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan dalka imaanayaan wefdi ka socda Masar oo uu hoggaaminayo wasiirka dekadaha, islamarkaana ay weheliyaan qaar kamida madaxda shirkadaha waaweyn ee dalkaasi. Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Beena-beene ayaa sheegay in wefdigani ay Soomaaliya kala xaajoon doonaan inay maalgshadaan dekadaha dalka, asagoo sheegay inay dhankooda qorshahaas aad u soo dhaweynayaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xiisad xooggan badda ku saabsani ay kala dhexayso maamulka Abii Axmed ee hoggaanka u haya Itoobiya, islamarkaana Masar ay la safantahay dhinaca Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  7. Hargeisa (HOL) — Somaliland Electoral Commission has imposed a fine of 10 million Somaliland Shillings each on the Kulmiye and Waddani political parties for beginning their election campaigns ahead of the official start date. Source: Hiiraan Online
  8. Islamic finance, established in the 1960s, has gained global traction due to its universal ethical principles. Even in the United States, it has been widely embraced, thanks to favorable environments and political backing. The country, known for financial innovation and economic prowess, has seen a surge in Islamic finance, rooted in ethical principles and Sharia compliance. This alternative financial system has piqued the interest of both Muslim and non-Muslim communities across the nation. Of particular appeal are Sukuk (Islamic bonds), which can be utilized by American entities and the US government to raise funds for various business, social, and educational initiatives. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — Italy has pointed the finger at bureaucratic red tape for its abrupt halt in issuing visas to Somali nationals—a move that left many puzzled. Ambassador Pier Mario Daccò Coppi, in a rare candid statement, dismissed rumours of political maneuvering, attributing the freeze to administrative snags in the visa processing system. Source: Hiiraan Online
  10. Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa diidday codsi ay qareennada madaxweyne ku xigeenka Kenya ku doonayeen in golaha senate-ka laga joojiyo ka doodista mooshinka xil ka qaadistiisa. Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa Todobaadkii hore ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua kadib eedeymo loo jeediyay. Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua ayaa waxaa baarlamaanka ku ansixiyay 281-44 cod waxaana loo gudbiyay aqalka senate-ka kaasoo bilaabanaya maantaba. Gachagua ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dhan ah musuq maasuq iyo wax is daba marin kale oo ay ku jiraan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu taageeray mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bishii June. PUNTLAND POST The post Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo marxalad adag galay appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) — Hundreds of Somali migrants stranded in Libya are enduring extreme hardships, with many expressing deep regret for leaving their homeland in search of a better life in Europe Source: Hiiraan Online
  12. Lionel Messi turned in another vintage performance for Argentina, scoring three goals and adding two assists in a runaway win over Bolivia in South American World Cup qualifying on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia's special forces successfully neutralized several Al-Shabaab militants during a planned operation near the village of Qey'ad in the southern Mudug region, the Ministry of Defense announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. As African Union forces fighting al-Shabab plan to withdraw this year, Somalis seek accountability for civilian deaths. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Ethiopia is hosting its first-ever African Defense Ministers' Conference in Addis Ababa, a three-day event that comes at a pivitoal moment for the region. The conference, which opened on Tuesday at the Adwa Victory Memorial Museum, is themed "Africa: United in Peace, Strong in Security." The event, organized by Ethiopia's Ministry of Defense, has drawn defence leaders from across the continent to discuss terrorism, cybersecurity, and regional instability. Source: Hiiraan Online
  16. Qaar kamida ganacsatada iyo dadweynaha ku nool magaalada Qardho ee gobolka bari, dhanka Puntland u ah caasimadda gobolka karkaar ayaa sheegaya in kooxa ciyaal weero ah oo abaabulani ay halkaas ka dilaaceen. Ganacsatada magaalada ayaa Warbaahinta u sheegay in goobahooda ganacsigu ay ay wajahayaan weeraro joogto ah oo uga imaanaya kooxo ciyaal weero ah oo mindiyo ku hubaysan, waxayna baaq u direen laamaha nabad-gelyada Puntland. Kooxahan ciyaal weerada ah ayaa la sheegay inay xaafad xaafad isku beegsanayaan, islamarkaana ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo goobaha gabacsigaba si aan kala sooc lahayn weerarro u dhibaataynayaan. Hannaan burcadnimeedka ciyaal wareerada ayaa sanadihii 2022 iyo 2023 ka dilaacay magaalada Muqdisho, balse waxaa haatan muuqanaysa inuu ku baahayo gobollada dalka. Source: goobjoog.com
  17. Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dal ku galkii ama visihii la siin jiray dadka wata Baasaboorka Soomaaliya ee u socdaalaya talyaaniga. Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Peir Mario Docco Coppi oo la hadlay Warbaanhinta gudaha dalkaas ayaa sheegay inay hakiyeen dal ku galkii ay siin jireen dadka ku safraya Baasaboorka Soomaaliya . Danjiraha ayaa sheegay intaa ku daray in hakintani ay la xariirto arrimo farsamo, balse aanay wax siyaasad ah shaqa ku lahayn, asagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaanigu ay go’ankaas qaadatay. Tillaabadan ayaa saameyn taban ku yeelan doonta Soomaali badan oo dalkaas siyaabo kala duwan u tagi jirey, balse waxaa la naawilayaa in hakintaasi ay noqan doonto mid muddo kooban ah sida uu sheegay Danjiruhu. Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, led by the 14th October Battalion, launched a major offensive Tuesday morning, targeting 15 villages between Shalaanbood and Janaale in the Lower Shabelle region. The operation successfully dismantled Al-Shabaab hideouts, military officials confirmed. Source: Hiiraan Online
  19. Turkey's research ship, Oruc Reis, escorted by Turkish warships, set sail this month from Istanbul to Somalia to search for what are widely believed to be vast energy reserves. This deployment is part of an energy and security agreement between Turkey and Somalia, in what analysts say is an accelerating relationship. Source: Hiiraan Online
  20. Degmada Tana River, oo ka mid ah deegaanada ku yaalla xuduudda u dhexeysa Garissa iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, waxaa ka dhacay isku dhacyo hubaysan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dagaalladan waxaa ka qaybgalay labo beelood oo isku khilaafay arrimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo helitaanka kheyraadka sida biyaha, taasoo qayb ka ah isku dhacyada soo noqnoqda ee ka jira gobolkaasi. Iska hor-imaadkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 18 qof, iyadoo la sheegay inay jiraan dhaawacyo badan iyo dad barakacay. Xaaladda ayaa cabsi gelisay bulshooyinka ku nool xadka Tana River iyo Garissa, oo hore ugu soo jiray dagaallo beeleedyo salka ku haya dhul iyo xoolo-dhaqato, gaar ahaan xilliyada abaarta oo sii xumeeya isfahan la’aanta dhinacyada. Ururrada bulshada rayidka ah ee Waqooyi Bari Kenya ayaa ku baaqay in nabad la adkeeyo oo labada beel ay xal nabadeed ka gaaraan khilaafaadka jira. Waxay carrabka ku dhufteen muhiimadda ay leedahay wadahadal iyo dib-u-heshiisiin, si looga hortago in colaadaha sii fidaan oo ay saameeyaan deegaanada kale ee gobolka. Waxaa sidoo kale baaq loo diray mas’uuliyiinta dowladda si ay ugu dadaalaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa, islamarkaana loo caawin lahaa dadka ka barakacay guryahooda, kuwaas oo hadda wajahaya xaalado adag. Arrimahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobollada Waqooyi Bari ay weli la daalaa-dhacayso saameynta abaarta iyo nuglaanshaha kheyraadka dabiiciga ah. Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani. “Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho qaran. Source: goobjoog.com
  22. Egyptian military advisers, trainers and counter-terrorism commandos support Somali forces in fight against Al Shabab militants Source: Hiiraan Online