-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Masar waxay qorsheysay in ay kordhiso ku lug lahaanshaheeda militari ee Libya, taas oo marki hore ku xadidneyd tababar iyo qaabab kale oo taageero militari ah oo ay siineysay Khaliifa Haftar oo hogaamiyaha ciidanka LNA. Madaxweyne Cabdul Fitaax Al-Sisi oo u safray saldhigga cirka ee ku yaalla xuduudda galbeed ee Libya ayaa uga digay dowladda uu caalamka aqoonsanyahay in ay kasoo gudubto furinta u dhaxaysa Sirte iyo Jufra, halkaas oo uu ku tilmaamay khad cas. Dowladda ay Qaramadda Midoobay taageerto ayaa diiday hadalka telefeshinka laga baahiyay ee Sisi, iyadoo u aragta digniintiisa farogelin iyo “dagaal ay Masar iclaamisay”. Sidee u ekaan doontaa faro-gelinta Masar? ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Masar oo la hadlay The New Arab ayaa beeniyay suurta-galnimada in dhulka ama badda laga faro-geliyo Libya. Mar hore ayey Masar hub, tababar iyo taagero saanadeed siisay ciidanka uu Xaftar uu hoggaamiyo ee LNA. Ilo-wareedka la hadlay The New Arab ayaa sheegay in farogelintu ay noqon karto duqayn cirka ah si loo hakiyo horumarka ay sameynayaan ciidanka daacadda u ah Dowladda uu Turkigu taageero, waana xeeladdii ay u adeegsatay kooxda Islaamiyiinta ah ee bariga Libya 2015-kii. Maxaa u xiga Khaliifa Xaftar? Sida uu baahiyey wargeyska The New Arab ka hor hadalkii Sisi, kulan u dhexeeya saraakiil ka tirsan sirdoonka Masar, Dowladda fadhigeedu yahay Tabruok ee bariga Libya iyo qabaa’il maxalli ah ayaa ka dhacay Qaahira. Kulanka oo saraakiisha Masar ay faro-gelinta miiska soo saareen, ayaa odoyaasha Qabaa’ilku waxay dhankooda soo qaadeen in meesha laga saaro Khaliifa Xaftar. Taxliiliyeyaasha ayaa kalsoonida Masar ku qabto Xaftar u arka in ay markii horeba sii yaraaneysay. Tarek Megerisi oo xubin ka ah Golaha xiriirka Dibadda ee Midowga Europe ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Masar ay raadin doonto melo kale oo ay danaheeda ku xaqiijiso, iyadoo ay ku yaraaneyso hubaasha ah in uu Xaftar guuleysan doono. Masar iyo Ruushka waxay ka “wada shaqayn karaan siyaasad beddel u ah Xaftar taas oo laga yaabo in ay badbaadiso saameyntooda bariga Libya,” ayuu yiri Megerisi. Bedelaadda kale waxaa ka mid ah Aguila Saleh, oo ah Afayeenka baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga Libya. Iska hor-imaad ma dhex-mari karaa Masar iyo Turkey? Sida warbaahintu ku warantay, xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Libya ee quseeya heshiiska colaada Libya iyo bariga Mediterrenean awgiis, ilo-waredyo ayaa u sheegay The New Arab in Masar ay ka taxadari doonto in aysan dagaal toos ah la gelin Turkiga oo ah taageeraha ugu weyn ee Dowladda caalamku aqoonsan yahay. Xukuumadda Ankara waxay labo heshiis oo muhiim ah la saxiixatay xukuumada Tripoli, mid ka mid ah waxaa uu xaqiijinayaa taageeradda militari ee colaadda Libya, mid kalena waxaa uu ku saabsanyahay xadeynta xuduudda badda ee bariga Mediterranean-ka. Masar wax badan ayaa ka quseeya heshiiska Turkiga iyo Libya ee badda. Heshiis kale oo Turkiga kala dhaxeeya Giriigga ayey Masar waxay ku weyn doontaa 10,000km laba jibaaran ee badda Mediterranean-ka ee qayradku fadhiyo. Imaaraadka Carabta oo awoodda ku haya Sisi ayaa kuu riixaysa xukuumadda Qaahira in ay dagaal militari kala hortagto cadowgeeda gobolka ee Libya. Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadku uu la garab taaganyahay Masar tallaabo walba si ay u ilaaliso xasiloonideeda iyo amnigeeda, sida uu baahiyay Alcarabiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa war laga sii daayay wakaaladda wararka SPA waxaa uu ku sheegay in boqortooyadu ay Masar ku tageereyso xaqa ay u leedahay in ay difaacato xuduudaheeda iyo dadkeeda.
-
Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday saldhiga ciidanka Booliska degmada Baacadweyne ee Gobolka Mudug. Wasiirka waxaa kormeerkaan ku wehlinayey saraakiil katirsan ciidanka Booliiska oo uu horkacayey taliye Booliiska dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Taliska Booliiska degmada Baacadweyne iyo Guddoomiyaha degmada, iyadoo dhowaan Bacaadweyne uu ka dhacay qaraxa loo adeegsaday gaari. Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amnigu ay si rasmi uga howlgali doonaan deegaanka isla markaana la dhameystiri doona dhismaha qeybyada ee Saldhigga Booliiska Degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
EDITORIAL. Garowe (Puntland Post Editorial) — Egypt and Ethiopia, two countries that pride themselves upon being two ancient African civilisations, now seem unable to break the deadlock over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD ). The problem is that each country has a sound argument about an equitable use of the Nile water. In a rule-based world Ethiopia may be demonised for seeking to gain, through GERD, the upper hand in the use of Nile water. Prime Minister Dr Abiy Ahmed and President Abdel Fattah el-Sisi should look into options for joint management of GERD Ethiopia views the Anglo-Egyptian Nile agreements as defunct. It is not absurd to state that agreements that underpin many African countries’ sovereignty date back to agreements in which the British Empire was involved in one way or another. Old European rivalries still exist in different forms. There is no guarantee that a common stand of powerful countries on past agreements can emerge if Egypt submits its case against GERD to the United Nations for arbitration. At the United Nations GERD will become a political tussle with far-reaching consequences for Africans’ ability to resolve inter-state hostilities. A lesson from the genesis of the European Union contains a lesson about solving resource-based fear of a possible conflict. After the end of Second World War France was denied a role in talks over a new country, West Germany. Victors, USA and Britain, pushed France to seek a creative solution about its fears that a coal-rich region in West Germany could put Bonn on a path of rearmament. A Paris-Bonn agreement to jointly manage the coal production assuaged the fear of France and laid the foundation-stone of the European Union seven decades ago. Since the Nile water is important for development goals of Ethiopia and Egypt’s survival imperatives agreeing to a principle of joint management of GERD can break the deadlock. The GERD fear is less about lesser Nile water for Egypt. The Dam can set a precedent for other countries to seek an equitable use of the Nile water by stopping the flow of the water into other countries that depend on the Nile for economic and survival reasons. The case for joint management of GERD has never been stronger. © Puntland Post, 2020 The post HOW EGYPT AND ETHIOPIA CAN BREAK THE DEADLOCK OVER GERD appeared first on Puntland Post.
-
Daawo: Somaliland oo Qaadday Guud Ahaan Xayiraadda Covid 19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland ayaa war ka soo saartay xayiraado ay horay u soo rogtay sababo la xiriira xanuunka COVID-19, waxaana ay sheegtay in qaadista looga golleeyahay, sidii loogu fududeyn laha arrimaha bulshada iyo isku socodkooda, wax weliba sidoo hore lagu soo celinayo sida hore Guddoomiyaha guddiga ka hortagga Covid-19, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen xayiraaddii in sidoodii lagu soo celiyo waxbarashada, cayaaraha dhalinyarada iyo kulamada hoteellada iyo qodobo kale. Halkaan ka Daawo Halaka Guddoomiye Seylici Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo todobadkii hore ka furmay caasimada dalka Jabuuti. Puntland ayaa si adag uga hortimid in maamulka hawada go’aan looga gaaro wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadama aysan keligood ku koobneen, sida uu sheegay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa dood ka keenay in heshiis ay labada dhinac ka gaaran maamulka hawada, isagooan dalbaday in si siman loogu qeybiyo gacan ku haynta hawada Soomaaliya. Wasiirka ayaa si cad u sheegay inuusan maamulkoodu aqbaleyn waxkasta oo kasoo shirkaasi oo ku saabsan maamulka Hawada oo aysan qeyb ka aheyn Puntland. “Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yiraahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin” ayuu yiri Wasiir Lugatoor. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxaa muhiim ah hawada in si simaan lagu qeyb-saado shirka Jabuuti ka dhacaya ee loo balansan yahay”. Puntland ayaa hore u dalbatay inay qeyb ka noqoto wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, maadama ay dhul la wadaagto Somaliland, taas badalkeedana ay sheegtay inaysan aqoonsaneyn heshiis kasta oo kasoo baxa wada-hadalada labada dhinac.
-
Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade,Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabayay hadal kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Saleebaan Yusuf CaliKoore ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ina [...] The post Wasiirka Warfaafinta Puntland “ Puntland waxay Dagaal kula jirtaa Daacish iyo Al-Shabaab, Soomaaliland yay la dagaalamaan” appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, oo wareysi siiyey Idaacadda BBC, ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama la rumeysan yahay inay Dowladda ay ka dambeysay inuu kursigaas ku fadhiisto. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inay waajib tahay inuu la shaqeeyo Dowladda Dhexe ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay aad bay sax u tahay, dowladda dhexe kali ah ma aha ee dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe waan isku wada dhawnahay,” ayuu yiri madaxwaynaha Galmudug. Hadalka Qoor Qoor ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa ay soo baxeen warar sheegaya inuu diiday go’aan ka dhan ah dowladda oo madax goboleedyada ay soo saari lahaayeen. Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta shacabka. Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha doorashada dalka waxaana uu sheegay in doorashada ay tahay in ay ka tashadaan dhammaan dhinacyada ay quseyso. “Doorashada waxaa jira golayaal sharci dajin, waxaa jira dowlad goboleedyadii, waxa jira madaxdii qaranka, waxaan is leeyahay iyada oo la raacayo shuruucda dalka u dagsan iyo wixii la dhaafi waayo ayaa xal laga gaari doonaa, ” ayuu yiri. Qoor-Qoor ayaa xusay in dhawaan ay si fool ka fool isku soo hor fariisan doonaan madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka. Dhanka kale mudane Qoor Qoor ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay la daaladhacayaan dhibaatooyin bini’aadanimo oo dhan walba. “Waxay qabaan Shacabka Galmudugbaahiyo waliba kuwa noolasha bina’aadamka aysan ka maarmi Karin ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarshada iyo amniga, baahiyahaas ayaa ugu wayn waxa ay qabaan ayuu yiri,” ayuu yiri Qoor-Qoor.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa gaaray deegaanka Baxdo ee Gobalka Galgaduud, iyadoo siweyn loogu soo dhoweeyey halkaasi. Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qeyb qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan, madaxweynaha goob fagaaro ah kula hadlay dadka deegaanka, ayaa wuxuu uga mahad celiyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa. Madaxweynaha ayaa maalmihii tagay safarro kula bixinayey deegaannada Galamudug, kuwaas oo qeyb ka ah u kuurgalka xaalada ka jira, waana safarkii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay war-murtiyeedkii ay dowladda Jabuuti xalay kasoo saartay shirkii wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in war-murtiyeedkaasi ay ku jireen qodobo qalad ah oo aan looo meel-dayin, isla markaana aan kamid aheyn qodobadii saxda ahaa ee la isku af-gartay. Wasiirka ayaa qodobkaasi ku sheegay ‘wada maamulka hawada Somaliland’, kaasi oo kamid ahaa qodobada lagu baahiyey war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti, iyadoona ay sii baahisay Madaxtooyada Somaliland. Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay baahisay war-murtiyeedkaasi uu Wasiirku sheegay inuu qodobkaasi qaldan uu ku jirey, iyada oo aan wax dib u sixid ah ku sameyn ama iftiimin ah raacin. Faratoon ayaa sheegay in qodobkaasi uu yahay mid qalad ah, kaasi oo ay sameeyen xubnihii u xil saarnaa soo saarista war-murtiyeedkaasi, isla markaana ay kala hadleen ka xukuumad ahaan. Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in xubnaha dowladda Jabuuti u xil saartay soo saarista war-murtiyeedkaasi ay raali-gelin ka bixiyeen qaladkaasi, oo ay dib u sixidna ku sameynayaan. Somaliland iyo Soomaaliya ayaa isku af-gartay qodobo dhowr ah, sida lagu baahiyey war-murtiyeed kasoo baxay shirkii Jabuuti, iyada oo ay ugu muhiimsaneyd ‘in aan marnaba la carqaladeyn isku socodka iyo xidhiidhka labada bulsho’.
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa naqdiyay war-murtiyeedka laga soo saaray kulankii Jabuuti ku dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya “Guul beenadki Shacabka masaakinta ah lagu soo saarayey ee sidi ciyaartoyada koobabka soo qaada gawaadhida madaxa kala dhacayeen way beenowday maanta, Baarlamaanku waa in ay Madaxweynaha u yeedhaan oo wax ka weydiiyaan heshiishkan. Dalalka dunida marka ay midoobayaan waxaa shardi ah in is dhexgal fanneed, ciyaareed, aqooneed, ganacsi la sameeyo, Hawada la wada maamulaya wa ta Somaliland yaa wada maamulaya ayey su’aashu tahay? ” Umadda runta ha loo sheego oo beenta ha laga daayo shacabkuna waa in ay tashadaan. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Qaar ka mid ah shacabka magaalada Nairobi oo la hadlay Goobjoog ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xil ka qaadistii hoggaamiyihii aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale waxaana la kulmay wariyaha Goobjoog ee dalka Kenya Mohamed Arizona Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid Shacabka Magaalada Nairobi Oo U Waramay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-voxpop.mp4 Source: goobjoog.com
-
Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xilhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku mashquulsanaa ka doodista afar xeer ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka ayaa maanta meel mariyay mid kamid ah xeerarkaasi. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana maanta shir gudoominayay kulan ay soo xaadireen 168-Xildhibaan, waxaana kulankan looga doodayay xeerar kuraasta gobalada Waqooyi. Xildhibaanada ayaana dood dheer ay xeerkan ka yeesheen kadib cod u qaaday xeerkan, waxaana u codeeyay meel marinta xeerkan 167-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax Xildhibaan ah oo ka aamusay. Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa horey u meel mariyay xeer qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, waxa ayna hada ka doodayaan Xildhibaanada Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka sare. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd soo saartay go’aamo ay dib ugu fasaxayso dhamaan xayiradihii ay guddiga ka hortaga iyo u diyaar garowga Covid-19 ay hore usoo saareen. Somaliland ayaa si cad ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba qaaday xayiradahaasi oo ay kamid ahaayeen Duulimaadyada oo muddo badan hakad ugu jiray sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba huteeladii lagu caweyn jiray. C/raxmaan Saylici ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba la fasaxay duulimaadyadii, iyada oo sidii hore u shaqeyn doono madaarka Hargeysa ee Cigaal International. Saylici ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in qofkasta oo kasoo dagaya madaarka Hargeysa looga baahan yahay inuu sito waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah, midaasi oo uu ku sheegay taxadarka looga dhowrsanaanayo in qof qaba cudurkaasi uu gudaha u soo galo deeganadeeda. Madaxweyne kuxigeenka ayaa bulshada kula dar-daarmay in la muujiyo taxadar dheeraad ah, maadama ay noloshii sidii hore ku soo celisay xukuumada Muuse Biixi. Xayiraadahan ay xukuumada Somaliland qaaday ayaa si toos ah u dhaqan gali doona 30-ka bishan, sida uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland. Somaliland ayaa horaantii bishan sii kordhisay xayiraadaha kala duwanaa ee ay ka mid aheyd duulimaadyadu, midaasi oo ku eekeyd 30-ka bishan, iyada oo maanta sheegtay inay qaaday xayiradahaasi.
-
Dadka ka ganacsada Shidaalka ayaa sheegay sare kac uu samaynayo qiimihiisa, kaddib saameyntii uu ku yeeshay suuq-xiranka cudurka Cornavirous ama (COVID19). Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Sabsan Qiimaha Shidaalka Oo Hoos Dhac Ku Yimid https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/shidaalka.mp4 Source: goobjoog.com
-
NEW YORK (HOL) - The UN Security Council has extended the mandate of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) until August this year. Source: Hiiraan Online
-
Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan. Halkan Aqriso Dowladda Sacuudiga Oo Hakisay Xujeyda Ka Imaanaysa Dalka Dibadadiisa Dowladda Sucuudiga oo Sanadkaan Hakisay Xujeyda Ka Imaaneysa Dalka Dibaddiisa Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xujeyda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-xjka.mp4 Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Booliska Burco ayaa joojiyay Kulan loogu Baroor-diiqayay Rabbi haw-naxariistee Aqoonyahan Maxamed Baashe, oo ka socday Hotel ku yaalla magaalada Burco sida uu ku soo warramayaan wariyeyaasha magaalada Burco. Ilaa hadda lama oga sababta Xukuumaddu u joojiyay Tacsida loo samaynayay Marxuumka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday. Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada golahaas. Xeerka kuraasta gobollada waqooy ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.
