Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaarisa (Caasimadda Online) – Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga soo sheegayaa in dagaal uu halkaas ku dhexmaray ciidamada ammaanka Kenya iyo xoogagga Al-Shabaab, kadin qarax halkaas ka dhacay. Nick Ndalana oo ah taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay iney dagaal kula galeen Al-Shabaab ismaamulka Gaarisa. Warbaahinta Kenya ayaa qirtay in qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaari ay wateen ciidamada amaanka dowladda Kenya, walow ay sheegeen ineysan waxba gaarin, kadibna wxaaa xigay iska horimaad dhacay. “Ciidmada waxey heleen macluumaad ku saabsan in kooxda ay halkaas joogaan, waxey ku jireen roondo, rasaas ayey kusoo fureen ciidanka markii ay ogaadeen in gaariga ka badbaaday qaraxa,” ayuu yiri taliyaha booliska. Taliyaha Booliska wuxuu sheegay ineysan soo gaarin khasaare nafeed, walow dadka deegaanka ay ka dhawaajiyeen iney waxyeelo ku arkeen gaariga ay wateen ciidamada oo sida la aaminsan yahay ay haleeshay rasaastii la is weydaarsaday. Daily Nation oo warkaan daabacday waxey sheegtay in weerarkaas uu ka dhacay wadada isku xirta deegaanada Burta east iyo Garissa. Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadkan.
  2. The US Supreme Court on Monday ruled that Sudan must pay hundreds of millions of dollars in punitive damages to some victims of the 1998 attacks on US embassies in Nairobi, Kenya and Dar es Salaam in Tanzania. Source: Hiiraan Online
  3. Police officers on patrol have engaged suspected Al-Shabaab militants in Garissa County in a shootout, North Eastern Regional Commissioner Nick Ndalana has confirmed. Source: Hiiraan Online
  4. President Trump announced Monday that he is taking the drug hydroxychloroquine as protection against the novel coronavirus, despite the lack of evidence that it prevents individuals from contracting the illness and warnings from physicians that it can have deadly side effects. Source: Hiiraan Online
  5. Hay’adda Caafimaadka aduunka ee magaceeda lusoo gaabiyo WHO ayaa maanta qalab caafimaad oo ka kooban maaska afka lagu xirti gacmo gashi iyo agabyo kale oo dhammaan looga hortago cudurka sarmarka ee Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka hirshabaale. Agabkaan oo maanta wasaaradda caafimaadka hirshabeelle kula wareegtay Magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe ayay hay’adda ugu talagashay in lagula dagaalamo cudurka Karoona madaama gobolka ay ka jiro biyo bax kaddib markii uu Wabiga shabeelle uu ku fatahay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda wHo deeqda ay soo gaarsiisay isagoo sheegay in xiligaan adag baahi badan ay u qabeen. “Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdaan agabka caafimaad oo ay inoo keentay maxaa yeelay waa waqti aan baahi qabno maadaama deegaano Hirshabeelle uu soo gaaray cudurkaan Covid-19 “ayuu yiri wasiirka Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Diyaarad sidda gurmad Caafimaad oo dowladda Soomaaliya u soo diyaarisay gobolka Sanaag taasi oo ka degi lahayd magaalada Badhan ayaa dib u dhac kooban ku yimid sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka soo jeeda Badhan. Diyaaradda oo la filayay in ay maanta tagto garoonka diyaaradaha Badhan ayaa dib u dhacday kadib ciriiri dhanka wakhtiga ah maadaama aysan habeenkii diyaarado ka degi Karin Airport-ka Badhan. Wararku waxay sheegaan in diyaaradda maanta uu wakhtigu ka dhacay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay isku dayeen in ay baajiyaan balse madaxda dhaqanka gobolka ay dib ka xalliyeen murankii ka dhashay isku daygaasi. Diyaaraddaas gargaarka sidda ayaa la filayaa in ay maalinta berriya gaarto magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaas oo ay gayn doonto gurmad caafimaad. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid diyaarad siday gurmad caafimaad oo dowlada Somalia u qorshaysay Sanaag appeared first on Puntland Post.
  7. Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan demmooyinka gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka cudurka Karoona Feyrus si dalka oo dhan loogala dagaalamo . “Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Maareeye Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan Covid-19. “Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti. Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka Karoona. Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan . “Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan covid-19 ee sameynta ku haaya dalka,waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “ ayuu ku celiyay wasiirka warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xiye Maareeye . Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolada dalka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Qaasim Carab aya ka warbixiyey dil maanta ka dhacay gudaha degmadaasi. Qaasim Carab ayaa sheegay in dilka oo ahaa mid qorsheysan loo geystay wade mooto Baajle ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in tiro dad ah oo lagu tuhmayo falkaasi toogashada ah gacanta lagu hayo, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeri ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Oke.mp3 View the full article
  9. Tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan gabagabo ku sii dhow ayaa waxaa caawa la guda geli wareega Sama-Final-ka oo ay isugu hareen illaa afar degmo oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Degmooyinka Wadajir iyo Hodan ayaa caawa ku ballansan lugta ugu horreysa ee wareegan, waxaana degmada badisa ay fariisan doontaa Final-ka tartanka. Sidoo kale waxaa wareegaan ku jira Howlwadaag iyo Waabari oo habeen dambe isku beegmi doono, waxaana degmada badisa ay iska xaadirin doontaa wareega u dambeeya, iyadoo ku dhici doonta degmada soo baxda caawa Wadajir iyo Hodan. Illaa 16 degmo ayaa sanadkaan ka qeyb-galayey tartanka, iyadoona daaqada laga saaray 12 degmo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Sh/Hoose Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  10. Iyadoo ay soo dhowdahay munaasabadda maalmaha Ciidul-Fidriga ayaa waxaa suuqyada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho laga dareemayaa mashquul aad u xoog badan. Meelasha sida daran saxmada looga dareemayo waxaa ka mid ah suuqyada dharka iyo goobaha lagu iiboyo waxyaabaha Mac-macaanka ah Dadka ayaa safaf dhaa-dheer ugu jira goobaha lagu sameeyo Xalwada iyo Buskudka oo si aad ah loo isticaamo maalmaha Ciida. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warka-safa-ciida.mp3 View the full article
  11. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka dan yarta ah ee ku nool Muqdisho. Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayay Mashruucaas kula kala saxiixdeen labada masuul. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si looga faa’iideyo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo saxiixay mashruuc lagu caawinayo dan yarta ku nool Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta kormeer ku tegay Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha tababarka Ciidamada. Dugsiyaas ayaa waxaa in muddo ah uu tababar uga socday Ciidamo Cusub oo loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan degaanada ay shabaab kaga sugan yihiin Galmudug. Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Qooje, Taliye ku-xigeenka qeybta iyo Taliyaha Dugsiga ayaa warbixin ka siiyay xaalada Ciidamada xeradan ku jira, Taliyaha Ciidamada Militariga iyagoo tilmaamey in lagu guulestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay. Taliyaha Ciidamada Militariga Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishooda kula dardarmaay in ay si toos ah u gutaan waajibaadkoosha shaqo, isla markaana ay ka faa’iideystan tababarka. PUNTLAND POST The post Taliye Odowaa oo kormeeray Xerada Tababarka Har-qaboobe ee Guriceel appeared first on Puntland Post.
  13. Tehran (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Iran oo ku dhow ilaalada kacaanka ayaa werisay in ay jiri doonaan falcelin aan la mahdin haddii Dowladda Maraykanku ay “sida burcad badeed oo kale” ula dhaqanto Maraakiib Iran leedahay oo shidaal u sida Venezuela. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay Reuters in todobaadkii lasoo dhaafay Maraykanku uu ka fakarayey tallaabadii uu ka qaadi lahaa maraakiibta Iran ee shidaalka u sida dalka ay xasaraduhu la degeen ee Venezuela. Qeybaha Shidaalka ee Iran iyo Venezuela, oo ah dalal xubno ka ah ururka OPEC, ayaa waxaa saaran cuneqabateynta Maraykanka. Mas’uulka ka tirsan maamulka Trump waa uu diiday in uu sheego talaabooyinka la qiimiiyay in laga qaadayo maraakiibta Iran oo gaaray ilaa shan, lakiin wuxuu sheegay in arrimo dhowr ah loo bandhigi doono Trump si uu kula doorto. “Haddii Maraykanku sidii burcad badeedii uu ku talo galo in uu amni darro ka abuuro biyaha caalamiga ah, waxaa uu u bareeri doonaa khatar halis ah, hubaal ahaanna taasi ma dhici doonto fal-celin la’aan,” ayey werisay wakaaladda wararka Iran ee Nour. “Venezuela iyo Iran labaduba waa dalal madaxbanaan oo lahaan jiray yeelanna doona xiriir ganacsi,” ayey wakaaladdu kasoo xigatay afayeenka Dowladda Cali Rabiici. “Badeeco ayaan kasoo iibsanaa kana iibinaa. Waana in aan shidaalkeena ka iibinaa, waxaanna heli kartaan qaab aan uga iibino,” ayuu yiri Rabiici isagoo aan bixin faahfaahin ku saabsan markabka shidaalka qaadaya. Waaya aragnimadii laga helay markabkii Briatain. Aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Iran ayaa soo jeediyay in xukuumadda Tehran ay ka aargoonsan karto maraakiibta Maraykanka ee gacanka mara, haddii Maraykanku uu qaado tallaabo ka dhan ah markiibta Iran ee shidaalka u sida Venezuela. “Ciidanka Badda Maraykanka iyo xulifadiisa ee jooga gacanka Persia waxay khatari kasoo gaari kartaa nuuc kasta ee xadgudub ah ee ka dhan ah maraakiibta Iran ee sida sharciga ah ku maraya biyaha caalamiga ah,” ayuu twitter-kiisa kusoo qoray Mahdi Maxamaddi. “ka hor inta uusan go’aan qaadan, Donald Trump waa in uu saaxiibkiis Boris Johnson weydiiyaa waaya aragnimaddii markabkii Britain,” ayuu yiri. Iran ayaa sanadkii lasoo dhaafay la wareegtay markab sitay calanka Britain kadib markii ay ciidanka Britain qabteen Markab Iran leedahay oo lagu eedeeyay in uu saliid u siday Syria. Britain ayaa markii dambe sii daysay markabka Iran, ayadoo kadibna Iran ay fasaxday markabka Britain.
  14. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay deegaanka Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku wada sugan halkaasi. Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana goobaha lagu diriray gaaray mas’uuliyiin ka tegay Gaalkacyo oo ka kala tirsan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntlnad. View the full article
  15. Qiimaha lagu kala iibsado qudaarta nuucyadeeda kal duwan ee suuqyada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa kac ku yimid sare u kac ka dib markii uu saameeyay daadadkii ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle uu ka geystay deegaano hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar. Xiligaan oo kale waxa Beeraha jowhar kaso go,i jiray dalagyo kala duwan oo ay ku jirto qudaarta hayeeshee Roobkii gu’a iyo fatahaada wabiga oo is biirsaday ayaa sababay inay baaba,aan dalagyadii beernaa oo beeraleydu kaga faa’idi lahaayeen Bisha Ramadaann. Gobolka Shabeellaha dhexe waxa uu ka mid yahay kuwa ugu khayraadka badan marka loo eego wax soosaarka dalagyada ka baxa waxaa sanadiihi dambe soo wajahay caqabada badan ee uu ugu horeeyo wabiga shabeelle oo sanadaan waday xilli roobaabka uu ku fataho beeraha u dhawa wabiga iyo deegaanada ku teedsan. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-19052020.mp3 View the full article
  17. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool caasimadda. Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayay kula kala saxiixdeen labada masuul. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si looga faa’iideyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug. Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba looga shakisnaa inay ku sugnaayeen Al-shabaab . Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanyahay inuu ka tirsanyahay argagixisada kaddib markii loogu galay guri uu ka deggenaa deegaanka . Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidanka Danab ayaa ku dhaawacmay howlgalka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada. Deegaanka Wargalo ayaa qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howlgallo uga sameeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan demmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka Cudurka Karoona Feyrus si dalka oo dhan loogala dagaalamo . “Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19. “Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo caamir shakeeti. Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19. Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan . “Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan covid-19 ee sameynta ku haaya dalka,waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “Ayuu ku celiyay wasiirka warfaafin Maxamed Cabdi Xiye Maareeye . Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka Gobolka banaadir iyo gobolada dalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Hargeysa (PP News Desk) — On the occasion of the 29th anniversary of the proclamation of Somaliland as a self-declared Republic on May 18 1991, President of Somaliland Muuse Biihi Abdi pardoned 365 prisoners convicted of minor offences. A statement from Somaliland Presidency has clarified how Somaliland Attorney General will apply the presidential amnesty. “The amnesty decision will not affect civil claims and criminal record resulting from the offence” reads the decree. Plaintiffs will be able to pursue the pardoned prisoner in a civil court on such matters as theft or physical injury from violence. The hybrid legal system of Somaliland allows settlement of cases outside the court through the customary law. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT PARDONS PRISONERS appeared first on Puntland Post.
  21. Illaahay Janadii haka waraabiyee Ahmed Muuse Nuur-Yare Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee ay Argagixisadu khaarijiyeen, Siyaasada kasokow wuxuu ahaa Macalin wacdiya Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada Soomaaliyeed, [...] Source
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saldhig cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhoobley ay ku wareejiyeen ciidamada maamulka Jubbaland. Saldhigaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa qalabeeyey, islamarkaana maalgeliyey dowladda Denmark, iyadoo muddooyinkii dambe uu fariisin u ahaa ciidanka Kenya. Arrintaan ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha ay ciidamada AMISOM guud ahaan amniga dalka ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliyeed. Brigadier Paul Njema oo madax uga ah taliska AMISOM, Sector two ayaa wareejiyey saldhigga, wuxuuna sheegay in Dhoobley oo ka tirsan Jubbada Hoose ay noqotay magaalo weyn, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo nabad-gelyadeeda. Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.” Saldhigga ay haatan la wareegtay Jubbaland ayaa la sheegay inuu wax badan ka tari doonto amniga gobolka oo ay weli deegaano ka heysato kooxda Al-Shabaab. AMISOM oo la filayo inay guud ahaan dalka isaga baxdo marka la gaaro 2021-ka ayaa waxaa qorshaha ay Soomaaliya uga baxayso uu bilowday April sanadkii hore 2018-kii.
  23. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka. Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda. Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur. Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland. Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed. Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin. Source
  24. Unidentified gunmen have on Tuesday morning shot dead a government soldier in Afgoye district of Lower Shabelle region, 30KM south of Mogadishu. The victim, whose name has not been released yet, was gunned down by young men armed with pistols in the Lower Shabelle town, a witness said. The killers fled from the crime scene. Added the witness. Security officers have immediately reached at the scene to carry out investigations at the vicinity though the assailants disappeared. The movements of public vehicles and business activities in the area were halted down for a while for further investigations by the security forces. The motive of the attack was not immediately clear but similar incidents have been reported in the town in the past. No arrests have been made over the assassination. No group claimed responsibility for the attack. However, Al-Shabaab militants are often behind such attacks in the town and across the Horn of Africa nation. The attack comes just a day after the governor of Mudug region Ahmed Muse Nur alongside with his three bodyguards were killed in a suicide bombing in Galkacyo town, the headquarters of Mudug region in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The group was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighboring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government. .