Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ayaa isaga baxa gudaha dalka, kadib markii ay dhameysteen muddo howleedkooda Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ciidamada dib ugu laabtay dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona lagu xareeyey xero ciidan oo ay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ay ku leedahay halkaasi. Sidoo kale guutadaan ka baxday Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Qilfat, waxaana ay ka howlgaleysay gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamadan ayaa safar dhulka ah uga baxay Koonfur Galbeed, iyaga oo ku gaaray gaaray dalka Itoobiya, gaar ahaan xeryaha loogu talagalay. Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool. Sanad kasta ayaa waxaa badal lagu sameeyaa askarta Midowga Afrika ee xiran koofida cagaaran ee muujineysa in ay u diiwaangashan yihiin howl-galka AMISOM Soomaaliya.
  2. (SLT-London)-Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska waxa lagu qabtay Munaasibad loogu dabbaal-degay Xuska lixdan Guurada Xornimada Somaliland, taasi oo Somaliland iyo guud ahaan Dalalka Dunida ee Shacabka Somaliland ku nool laga xusay Jimcihii la soo dhaafay. Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska. Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland. Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay. Xildhibaan Borus A. Nichols waxay sheegtay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Dal, iyadoo sidoo kalena ku hambalyeysay Somaliland, nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo Dawladnimadeeda “Lixdan sanadood ka hor ayay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Somaliland wakhtigaa waxa Aqoonsaday 35 Dawladood oo ay ka mid yihiin 5-ta Dawladood ee joogtada ku ah Golaha ammaanka, 5 Maalmood ka dib, Somaliland waxay la midowday Soomaaliya, wallow haddii aanu nahay Ingiriiska aanaan xilligaa jeclayn inay go’aankaa qaataan (midnimada)..” Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir,oo ka mid ah Culimada waawayn ee Soomaalida ayaa Bulshada u bayaamiyay sababta uu inta badan uga cudur-daarto hadii loo magacaabo xilal dawladeed ama xilal heer qaran ah. Barnaamijka macagiisu yahay “Sheekh Dirir iyo kulanka warbaahinta”oo habeenkii jimcihii lagu qabtay Masjidka Rusheeye ee caasimada Hargaysa waxa uu Sheekhu si guud uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in Saxaafada Somaliland iyo warbaahinta Soomaalidu ay mihnadooda shaqo ku saleeyaan mabaadiida guud ee islaamka,xoriyada iyo madax banaanid ay haystaan u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo dhaqanka islaamiga ah,xeerarka dalka iyo danaha guud ee bulshada,iyaga oo ka fogaanaya wax kasta oo danbi iyo ciqaab ALLE lagu mutaysan karo if iyo aakhiraba. Hadaba suxufi oo barnaamijkaa ka qayb galay oo kala ah Xasan Gallaydh,Badri Koosaar iyo Faysal Fifa,ayaa sheekh waydiiyay su,aalo kala duwan oo si khaas ah u khuseeya Sheekh Dirir iyo doorka uu ku leeyahay bulshada. Wariye Faysal Fifa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxa aad ka mid tahay culimada waawayn ee dalka ama Soomaalidaba,waxay dadku iswaydiinayaan inta badan xilalka dhanka dawliga ah ee laguu magacaabo waad ka cudur-daarataa,bal dadka u bayaami sababta aad xilalkaas uga cudur-daarato? Sheekh Dirir:- Xagga xilalka barigii ay jirtay dawaldii hore ee Kacaanka ayaa dadka waxa lagu eedayn jiray “ahna ahna ahna”macnuhu waxa weeyaan qofku xil ayuu hayaa hadana xil kale ayuu hayaa,hadana ku sadexaad ayuu hayaa,markaa eedaymaha laga caban jiray ayay ka mid yihiin dadkuna waxay ku fiican yihiin in ay takhasusaad kala yeeshaan oo qofba meel lagu ogaado. Horta waan ka cudur-daaranayaa taas aad tidhi culimada waawayn ayaad ka mid tahay ee anigu ardayda ayaan isku tiriyaa,waxa weeyaan in qofku uu naftiisa aqoonsado,marka uu qofku diin faafinayo ee uu dawadii isku dayayo in uu dadka wax ka gaadhsiiyo,madaama ay diintu daawo tahay,waxaana marar badan iska dhacda in wixii aad sheegaysay sidiisa loo qaato ay xilalka aad ka haysaa kaa hor yimaadaan oo waadiga arkay oo xilalkuna xasaasiyad badan ayay iska leeyihiin oo midiba meel ayuu ku yara calaamadsan yahay,markaa dhexdhexaadnimadii aad dhexdhexaad u noqon lahayd bulshada aad wax u sheegayso iyo sidii loo qaadan lahaa daawada aad gudbinayso ayay runtii carqalad ku noqotaa marar badan markaa qofka caadiga ahi waxa uu ku fiican yahay inuu dadkana dhex u noqdo iyo bulshadiisa aqoonta uu u gudbinayo loo qaadan karo si aan loo duri karin markaa taasi qayb wayn ayay runtii ka tahay,mararka qaarkoodna waxyaabo kale oo kusii xeeran oo xaga canaaqadda la xidhiidha ama in aad meeshii laguu magacaabay aad waxba ka qaban kari waydo iyaduna way jirtaa. Source
  4. (SLT-Ankara)-Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xidhiidhinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xadhig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb millatariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xadhig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan. Source
  5. (SLT-Moscow)-Ruushka ayaa eedaymo uu Mareykanka u soo jeediyey ee ku saabsan inuu howlgeliyey maleeshiyaad xidhiidh la leh Taalibaan oo laaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nato ee Afghanistaan ku sugan, ku tilmaantay mid aan sal iyo baar toona lahayn. Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa daabacay warbixinno ay ku sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Mareykanka iney shegeen unugyo ka titsan sirdoonka millatariga Ruushka xidhiidh la leh iney sanadki hore ay isku dayayeen iney Yurub ka fuliyaan dilal qorsheysan. Safaaradda Ruushka uu ku leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay eeddaasi iney waxyeelleyso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal. Ururka Taalibaan wuxuu sida oo kale uu beeniyey heshiis noocaasi inuu la galay sirdoonka dalka Ruushka. Warbixintan ayaa imaneysa xilli uu Mareykanka uu doonayo inuu heshiis nabadeed uu ku soo afjaro dagaalka 19-ka sano ka socday dalka Afghanistaan. Source
  6. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalka Koonfur Afrika, kadib weerarro saacadii la soo dhaafay lagu qaaday goobooda ganacsi. Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah, ayaa magaalada East london ee gobolka Eastern Cape, waxaa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Axmed Jeete, xili lagu weeraray goobtiisa ganacsiga. Sidoo kale waxaa caasimada dalkaas ee Johannesburg ka dhacay, dhaawac loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii kooxo ay weerar ku qaadeen, ganacsada la dhawaacay ayaa lagu macaabaa Cumar Axmed Dhiblaawe. Kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka aya weerarradaas ay geysteen kadib isaga baxsaday goobtii ay weerareen, ciidamad Booliiska oo howlgal sameeyey ayaa ku guul dareystay soo qabashada kooxahaasi, inta badan ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u ganacsi tagay muddo ka hor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan ansixinta xeerka matalaadda gobolka Banaadir ee ay shalay meel-mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Ugu horreyn Taabid ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u mahadceliyey dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la rumeeyey qeyb ka mid ah riyadii shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay tahay tallaabo horey loo qaaday. Halkan hoose ka aqriso: Waxaa rumoobay qeyb ka mid ah riyadii Muqdishaawiyiinta oo mudo duudsaneyd taasoo ah matalaadda Aqalka Sare ee G/Benaadir. Waa tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay rumeynta sadka xaqa ah ee G/Benaadir uu maanta helay. Laga bilaabo maanta Muqdishaawiyiinta waxaa hortaalla in ay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho, caafimaad & maamul iskufilan oo dadka G/Benadir sitoos ah ugu adeega. Soomaaliya maadaama ay qaadatay hannaanka Federaalka, Maamul madaxbanaan in uu yeesho G/Benaadir waa mid dastuuri ah, hadii federaalku run naga yahay. Waxaa xusid mudan in Guddigii Dib-u-Eegista Dastuurka ee Barlamaankii 9aad ay isku raaceen in nooca maamul ee Benaadir/Muqdisho ay yeelan doonto uu noqdo Gobol Madaxbanaan oo isla markaana ah Caasimadda Dalka (City State), sida magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo federaal ah, waana nooca maamul ee uu mudan yahay G/Benadir.
  8. Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu soo gaba-gabeeyey shir gaar ah oo u dhexeeyey madaxweynayaasha Puntland iyo GalmuduG, kaas oo socday 26 illaa 27 bishan June. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarka dhaqaalaha. Sidoo kale war-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen illaa 7 qodob. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  9. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, si ay u taageeraan ansixintii xeerka matalaadda gobolka Banaadir. Dibad-baxan oo ah mid nabadeed ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey gobolka Banaadir, iyadoona ay ka qeyb-galayaan dad badan oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa in halkaasi ay tagaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, si ay qeyb uga noqdaan dibad-baxaasi. Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono illaa 13 xubnood. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka socda Muqdisho. Dibad-baxan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadira ayaa haatan ka bilowday taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ku sugan halkaasi. Sidoo kale waxaa banaan-baxan qeyb ka ah koox fanaaniin ah oo heeso madadaallo ah ka qaadayo goobta uu ka socda dibad-baxa. Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi tagaan mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo lagu wado inay la hadlaan dibad-baxayaasha. Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono illaa 13 xubnood.
  11. Waxaa saaka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka bilowday dibadbax lagu taageerayo, go’aankii golaha shacabka ee Baarlamaanka shalay uu ku meel mariyey 13 xubnood oo golaha Aqalka sare ku matalaayo gobolka Banaadir, Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka. Dibadbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galayo shacabka 17-ka degmo, Taaladda Daljirka Daah-soon ay ku sugan yihiin dadweyne farabadan iyo koox fanaanii ah oo goobta ka qaadaya heeso. Mas’uuliyiinka ka tirsan mamaulka gobolka, iyo xubno ka socda ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan oo ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Cumar Maxamuud Filish, waxaana la filayaa duqa magaalada in shacabka isku soo baxay caasimadda inuu la hadlo. Shacabkaan inta badan isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin Go’aankii 13-ka xubnood Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gobolka ayaa horay matalaad ugu lahaa goloha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. BBC Somali Service: The Decline of a Prestigious News Outlet The BBC Somali service was launched in 1957 for the listeners in the Horn of Africa to provide news and other variety programs for Somali people. Unlike the local radio stations, BBC Somali Service was the only news outlet for the entire region. It was reliable, truthful, accurate and unbiased in reporting news and delivering other social and entertainment programs. It was staffed with well respected professional cast members who were regarded as celebrities and loved by their listeners. Their professionalism and their dedication to produce a substantive educational programs and news items earned them respect in the community. People used to congregate in large numbers outside restaurants and shops during the news hours especial at five-thirty pm. It would be so quiet one could hear a needle drop during this thirty minute news broadcast. Unfortunately, today’s BBC Somali service has failed to deliver reliable news and other so- cial service programs in multiple areas of concern including poor linguistic proficiency in Somali language. It is common to see a cringe in one’s face or hear critiques by elderlies and other Soma- li language scholars during the broadcast disapproving the usage of certain terms wrongfully. Most anchors do not proofread the news script before they come to the microphone. One could tell from the stuttering and the hesitation when reading from the teleprompter. Besides the poor delivery techniques, it also failed in delivering unbiased news information, which is a violation of the journalism principles and professionalism. At times, it is hard to distinguish the BBC Somali Service news from that of a social media opinion-based platforms or a local national radio station from Mogadishu. In addition, during round table discussions, they limit themselves to a handful of so called expertise and predictable guest speakers. The political atmosphere of the Somali community, both in the region and abroad, is polar- ized due to the past and ongoing grievances amongst themselves; unfortunately, the BBC Somali Service failed to remain neutral. In fact, they are so biased they became the mouth-piece for So- malia Federal government by promoting its agenda and ridiculing opposition groups on certain penal discussions. Furthermore, they hardly cover or try fact-finding reports in certain portions of the region. Sometimes their bias reporting go beyond regional politics and it lands them at clan level. Sadly, social media has replaced BBC Somali service as it became irrelevant to vast majority of Somali listeners and viewers. I hope that the network would reinvent and redeem itself and earn back the respect of their loyal listeners and viewers again. By Mohamed Adan Samatar Madan.samatar01@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  13. Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya ayaa la sheegay iney dalka Sacuudiga ku ammaantay talaabada iyo go’aanka ah iney Xajka sanadkan ku koobeen inta ku sugan gudaha dalkaasi. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga in Soomaaliya ay sidoo kale ku ammaanay go’aanka loo qaatay sababaha Covid 19, iyada oo Muqdisho balanqaaday iney arrinkaas taageeryso, soona dhoweyneyso. Dalka Sacuudiga oo sanad walba u iman jireen 3 Milyan oo Xujey ah, kana heli jiray dalxdiis ahaan $12 billion ayaan sanadka la hakiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Waxaa saaka oo Axad ah Magaalada Muqdisho ka socda Bannaan-baxyo lagu taageerayo go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay ku ansixiyeen Xeerka Mataalada uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare. Qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho oo sida la sheegay dowladdu soo abaabushay ayaa Banaanbaxyo ka dhigaya Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Dadweynaha Bannaan-baxyada dhigaya waxay u badan yihiin Haween iyo Dhalinyaro laga soo abaabulay degmooyinka Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Matalaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Shacabku ansixiyeen. Golaha Shacabka ayaa Sabtidii Shalay ansixiyay in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 Xubnood si Gobolkaasi Aqalka uga helo Matalaad dhab ah waxaase weli su’aali ka taagantahay sida loo qaybin doono Xubnahaas. PUNTLAND POST The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Matalaadda Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socda appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee loo yaqaano Danab, oo muddooyinkaan howlgallo ka waday gobolada Jubbooyinka ayaa la wareegay, deegaanno dhaca gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al–shabab. Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray, deegaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, kana tirsan gobolka Jubbada hoose, oo muddooyinkii dambe ay maamulayeen Al-shabab. G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan inta ciidamdu ay gaarayaan guud ahaa deegaannada Jubbooyinka. Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabab ka waday gobolka Jubbada hoose, iyadoo dhowaan taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland uu warbaahinta u sheegay in uu bilowday howlgal lagu gaarayo magaalada caasimadda u ah maamulka ee Bu’aale ee jubbada dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Nabadoon Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Dhuusamareeb oo la hadlay Shabelle ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Dagaalladan oo ah kuwa soo noq-noqday ayuu sheegay in loo baahan yahay in xal-waara laga gaaro, si looga baaqsado in dhiig uu markale ku daato halkaasi. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda sare ee Galmudug inay si deg-deg ah ugu baxaan dagaalladaasi, islamarkaana ay kala qaadaan maleeshiyaadka weli is-horfadhiya. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo dhaliyey khasaare badan ay ka dhaceen waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka u tababaran Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkaasi kula wareegay deegaanada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaanada kale ee ka maqan dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  18. Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay dil iyo dhaawac u geysteen laba ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada ku sugan gudaha dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad uu ka dhacay magaalada East london, kaas oo lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray, Daahir Carte. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhex-dilay goobtiisa shaqada, iyadoona ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi. Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa deegaanka Devitown ee magaalada Johannesburg waxaa ay ku dhaawaceen muwaadin kale oo lagu magacaabo, Cumar Axmed Dhiblaawe. Ragga falkaasi dhaawaca ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meesha ay ka dhaceen dhacdooyinkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalka Koonfur Afrika. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Soomaalida loogu geystay gudaha wadankaasi. View the full article
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-subax-280620.mp3 View the full article
  20. Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB, ayaa lagu soo warramayaa in ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa laga soo xigtay in Ciidamada ay la wareegeen degaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe oo dhammaantood ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa sii socda,isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka. Maalmo ka hor, Ciidamada Kumaandoosta DANAB waxay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen Degaano ay haysteen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kumaandooska DANAB oo Al-shabaab kala wareegay Degaano ka tirsan Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  21. Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika, kadib markii ay toogteen koox hubaysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah. Marxuumka la dilay waxaa lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, isagoo ahaa Ganacsi Caan ka ahaa East london ee Gobolka Eastern Cape. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay halkaas ka sameeyeen howlgal ay ku raadinayaan ragii burcada ahaa ee dilka geystay, inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin. Dhinaca kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa isna xalay waxaa rag hubeysan oo burcad ah ay ku dhaawaceen degaanka Devitown ee hoostega Magaalada Johannesburg. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi, kadib markii ay weerareen kooxo burcad ah. Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobtiisa shaqo ku weerareen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhaawacay deegaanka Devitown oo hoostaga magaalada caasimada ah ee Johannesburg. Ruuxa la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cumar Axmed Dhiblaawe, iyadoona ay sidoo kale baxsadeen raggii ka dambeeyey dhaawacaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Booliska ay tageen goobaha ay ka dhaceen falalkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baariraano dheeraad ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah u soo badanayey weerarada Soomaalida loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika, iyadoona aysan jirin illaa iyo hadda wax laga qabtay dhibaatooyinka iyo tacadiya kale ee loo geysto ganacsatadaasi.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in laba kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay Xildhibaanada laga soo doortay degaanada ay maamulaan ugu hanjabeen in aysan ku raasta ku soo laaban doonin haddii aysan sameynin abaabul ka dhan sharcigii ay ansixiyeen Golaha shacabka ee matalaadda Gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay teleefon kula hadleen Xildhibaanada laga soo doorto degaanadooda, islamarkaana ay ugu baaqeen in ay sameeyaan wax kasta oo arrintaasi lagu burin kara iyo doodo kale oo gudaha dowladda ah. Xildhibaan Maryam Haaruun oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay wadaan fowdo iyo abaabul islamarkaana ay Xildhibaanada laga soo doorto ugu hanjabeen in aysan kuraasta ku soo laaban doonin haddii ay Muqdisho matalaad hesho. “Waxaan ogahay in Deni iyo Axmed Madoobe ka dambeeyaan xildhibaano kutlad sameystay, waxaa loogu hanjabay in aysan soo laaban doonin haddii ay fowdo ku sameynin mataaladda gobalka Banaadir balse hadda waa ku guul dareysteen” ayey tiri Maryam. Wali waxay u muuqataa in ay isa soo tarayaan wararku saabsan Matalaadda gobalka Banaadir islamarkaana ay jiraan Xildhibaano isu abaabulaya sidii ay muran u gelin lahaayeen arintaan oo aad loo dhowrayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ugu dambeynna lagu guuleystay. Waxaa yaab leh in Puntland iyo Jubaland oo markii hore xubnaha Aqalka Sare ku sad bursaday, islamarkaana beelo la dega aysan siin wixii ay xaqa u lahaayeen inay hadda isku dayayaan inay dadkii deganaa caasimadda dalka u diidaan xuquuqdooda, ayada oo ay jiro in dowladda dhan ay ku nooshahay canshuurta dalkaas.
  24. Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacday dalkaas Doorashada ayuu uga guuleystay madaxweynaha haya talada dalkaas Peter Mutharika, iyadoona codadka la tiriyay 58.57% uu uga hormaray. Sidaasi waxaa ku dhawaaqay guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka Malawi. Bishi Febaraayo Maxakamadda dastuuriga ee dalka Malawi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guul uu madaxweynaha wadankaasi ka gaaray doorasho dhacday bishii May 2019-kii iyadoo amartay in lagu celiyo doorashada. Dalka Malawi ayaa noqonaya wadankii labaad oo Afrikaan ah oo doorashadiisa lagu celiyo marka laga tago Kenya oo ay sidan oo kale ka dhacday sanadkii 2017-kii. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha mucaaradka Malawi oo ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas appeared first on Puntland Post.
  25. On Thursday, every single Black member of the House of Representatives voted in favor of the George Floyd Justice in Policing Act, which passed 236 to 181. Source: Hiiraan Online