Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. NAIROBI, Kenya - At least three mortar blasts sent sports fans in Somalia ducking for cover Tuesday evening, hours after the Mogadishu Stadium reopened following years of instability. Source: Hiiraan Online
  2. The post Dhagayso Khudbadii Madaxweyne Deni ee 60 guuradii Xoriyada Soomaaliya ee Xafladii Gaalkacyo appeared first on . Source
  3. The post Dhagayso Khudbadii Madaxweynihii hore Pl Cabdiwali Gaas ee Xaflada Gaalkacyo ee Sanad guuradii 60aad appeared first on . Source
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Talaado ah xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ku xigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka. Dib u dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyay Midowga Yurub iyo dolwadda Norway. Waayihii uu soo maray Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa markii ugu horreysay la dhisay 1978-dii, waxaana dhisay oo maalgaliyay Shiinaha, wuxuuna qaadaa in ku dhow 50 kun oo qof, waxaana bari-samaadkii lagu tabtay kulmo iyo bandhig faneedo taariikhi ah . Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamo kale duwan oo dalka u yimid siyaabo kala duwan, maadaama uu dhulka baaxad leh ku fadhiyo, sidoo kale uu ku yaallo goob istiraatiiji ah. Markii ugu horreysay Sagaashamaadkii wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamadii Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan. Markii labaad ciidamada Itoobiya ayaa saldhig ka dhigtay markii ay galeen Muqdisho xiligii Cabdullaahi Yuusuf, waxayna daganayeen muddo sanado ah. Markii saddexaad Al-shabaab ayaa la wareegtay oo xarun tababar, xabsi iyo goob toogasho ka dhigtay, waxayna ka baxeen 2011. Markii Afraad Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa la wareegay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo fariisin ciidan oo lama galaan ah ka dhigtay. 7 sano kadib, Agoosto 2018 dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala wareegtay AMISOM, kadibna ku bilowday dhismaha dib u dhiska ee maanta xariga laga jaray. Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho oo hadda qaab casri ah loo dhisay ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dib u soo noolaynta ciyaaraha kubbadda cagta dalka. PUNTLAND POST The post Dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho iyo waayihii uu soo maray appeared first on Puntland Post.
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaan caan ah. “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew. Endeshaw Tasew ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaraxyada, hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in sidoo kale sarkaal boolis lagu dilay iska horimaad dhex-maray booliska iyo dibad-baxayaasha. Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm. Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018. Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan. Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed. “Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.
  6. Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kana soo jeeda Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Konfur Galbeed ayaa sheegay in Xaq u raadinta [...] The post Daawo Xildhibaan Afraale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed : – Maqaam raadinta Muqdisho ma noqon karo wax naloogu hanjabo ama noolugu handado. appeared first on . Source
  7. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-30062020.mp3 View the full article
  8. (SLT-China)-Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dillaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka. Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaadhaya 500 kun oo qof. Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhakhaatiirtu sheegeen in hadda ayna jirin khatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka werwersan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto. Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baadhis lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa eeSwine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilaamay dalka Mexico. Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhar baaxo kulul ku dhuftay xubno masuuliyiin ah oo ka socday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay dhulka Somaliland. Kuwaasoo socdaan qarsoodi ah maanta ku soo galay deegaanka Karin-dabayl weyn oo ka tirsan gobolka Sool. Hase yeeshee ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisinka ku leh aaggaasi ayaa isla markiiba si deg deg ah uga jawaabay xad-gudubka ay ku soo galeen xubnahaasi deegaamo ka tirsan dhulka Somaliland. Iyadoo ay ciidamadda qaranka Somaliland xoog kaga saareen deegaanka Karin-dabayl weyn xubnahan ka socday Puntland, kuwaasoo iyagoo firxad ah ku noqday dhinaca meeshii ay ka yimaadeen. Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo telefanka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugnaa magaaladda Laascaanood. Badhasaabka Sool oo ka warbixinayay sidii hawl-galkaasi u dhacay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta ka saarnay deegaanka Karin-dabayl weyn ee gobolka Sool, xubno ka tirsan maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya. Raggan, oo kala ahaa wasiirkooda caafimmaadka, wasiirka waxbarashadda iyo xubin xildhibaan baarlamaan, ayaa deg-deg uga haleelay halkay ka yimadeen. Kadib markii ay ka hawl galeen ciidammadda heegganka ugu jira sugidda xuduudaha jamhuriyada Somaliland”. Badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in aanay Somaliland mar naba ogolaanaynin cid kastoo ku soo xad-gudubta dhulkeedda. “Kama ogolin cid ku soo xad-gudubta xuduudka jamhuuriyada somaliland. Gor-gortan mar na kama gelayno, in lagu soo xad-gudbo xuduudaha dastuuriga ah ee Somaliland, ee ka tirsan ciidda gobolkan aan hoggaanka ka ahay ee Sool, isla markaana ajande siyaasadeed oo kan Somaliland ka baxsan, lalama iman karo, kama na dhex shaqayn karo” ayuu yidhi C/qani Jiidhe. Geesta kale guddoomiyaha Sool ayaa uga digay maamul goboleedka Puntland in ay ka waan toobaan faro gelinta ay ku hayaan dadka iyo deegaamadda gobolka Sool. Waxaanu yidhi, “Waxaan uga digayaa maamulka Puntland inay ka waan toobaan qorsheyaasha Hagaaska ah ee dadkan iyo deegaamadan xilli hore ka tashaday, dantooda na gartay ay uga soo dul dhacayaan. Iyagoo wax dan ah aan u ahaynin. Waxaanan hoosta ka xariiqayaa haddii aanay joojin Puntland inay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo aysan mahadin doonin”. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool ayaa u mahad celiyay ciidamadda qaranka Somaliland sidii deg-dega ahayd ee ay uga hawl-galeen tallaabadana uga qaadeen xubnihii ka socday Puntland ee ku soo xad-gudbay Carradda Somaliland. Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad cellinayaa, Ciidammada Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo si deg-dega arrintan uga hawl-galay, xilli walba-na u taagan ilaalinta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland”. Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn usoo dhaweeyey ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay horumar la gaaray, sidoo kalana wuxuu u mahad celiyey Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya oo arrintaan juhdi badan ku bixisay. Prof. Geedi ayaa dhanka kale si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland haddana kamid ah Aqalka Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Cabdirisaaq Faroole ee ku saabsanaa xaq siinta Gobolka Banaadir. Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Geedi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin dano gaara leh oo kasoo jeeda Puntland inay lasoo istaagaan saxaafadda in Gobolka banaadir aanu mudneyn metelaad, isagoo si toos ah u tilmaamay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Jurille. “Waa nasiib drro Siyaasiyiin dan gaara leh oo ay kow ka yihiin siyaasiyiinta kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Puntland saaxiibaday senator Faroole iyo Jurille iyo kuwa la hal maala inay saxaafadda ka soo istaagaan gobolka Banadir ma mudna wax metalaad ah,” ayuu yiri Geedi. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hubo In fakarka ay qabaan siyaasiyiinta Puntland aysan wakiil uga aheyn Shacabka Puntland. “Waxaan hubaa shacabka Puntland inaysan wakiil uga ahayn fekerkaas, ma garan karo waxa ku kalifay inay sidaas u dhaqmaan,,. waxaana kula talinayaa inaysan ka harin geedi socodka..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Halkaan hoose ka daawo hadalka Prof. Geedi oo dhameystiran
  11. Madaxweynaha dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Bangeelle ee dhaca duleedka magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaana ka mid ahaa wafdiga, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid . Madaxweyne (Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa kasoo amba baxay magaalabada Cabdud-waaq ee gobolka galgaduud waxaana uu qeybo badan uu ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Mudug oo kusoo maray safarka socdaalka nabada uu madaxweynuhu ugu talagalay dib u hishiisinta bushlada galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor oo soo dhaweynta ka dib bulshada la hadlay ayaa ka hadlay muhiimada safarka socdaalka waxaana uu sheegay in safarkaan uu yahay mid ay kula tashanayaan bulshada si loo ogaado baahiyaha ka jira si wax looga qabto, waxaana sidoo kale uu uga mahadceliyaya soo dhaweynta ay sameeyeen. “Waxaa soo dhaweyn nala kugu sameeyay magaalada Bangeele ee Gobolka Galgaduud,Socdaalkaan ayaa qeyb ka ahaa safarka Nabada, wadatashiga iyo xog ogaal unoqoshada Deeganada Galmudug.”Ayuu ku daray hadalkiisa Madaxweyne (Qoor Qoor). Ugu dambeynta Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono dhamman bulshada isla markaana ay ka go,antahay in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha ka jira deegaanka. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xaflada Sanad guurada 60aad ee Xoriyada Gobolada Koonfireed ee Soomaaliya ayaa waxay iminka si toosa uga socotaa Magaalada Gaalkacyo, Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa la sugayaa [...] The post Live From Gaalkacyo, Toos u daawo Xaflada 1 Luuliya 60 guurada Xoriyada Soomaaliya appeared first on . Source
  13. Wakiilka Midowga Reer Yurub u jooga Somaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in dayactirka Gegida Muqdishu Stadium ay tahay Hadyad Midowga Yurub u hibeeyey munaasabad 60-guurada [...] The post Beentii Nabar iyo Naxdin oo la soo afjaray iyo Madaafiic Caawa lagu garaacay Garoonka : – Wakiilka Midowga Yurub oo sheegay in dib u dhiska Muqdishu Stadium ay tahay Deeq EU ku xusayaan 60-guurada Madaxbanaanida Dalka . appeared first on . Source
  14. Waa fadhigii 3aad ee dhageysiga 2aad ee dacwad musuq maasuq ah oo loo heysto 9 eedeysane oo ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Doorka fadhigaan oo ay lahaayeen xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu guddoomiyaha dacwadaan garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed ka codsaday xafiiska xeer ilaalinta inay soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan dadka ay ku soo eedeeyeen Falalkaan musuq maasuqa ah. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo isugu jira qoraalo wata sawiro muujinaya Dacwadaha ay ku soo oogeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyada oo sido kale ay soo bandhigeen buugaagta qaansheegadka iyo warqado lacag bixinta oo ay saaran yihiin saxiixa Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sida xeer ilaalinta sheegtay. Farxaan Xuseen Maxamed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaasha Cumputerada ay leeyihiin iyo xafiisyadooda laga soo helay warqado qaansheegad ah oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo ku yaala gudaha magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada Dalka isla markaana lacago badan looga qaatay Akoonada wasaaradda Caafimaadka. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sido kale soo bandhigay Cumputero isugu jira laptops oo ay lahaayeen qaar ka mid ah eedeysanayaasha, cumputer desktop ah, Hal printer iyo sido kale Stemps kala duwan oo wata Magac yo shirkado,hotelo iyo xarumo ganacsi kuwaa oo sida xeer ilaalinta sheegtay lagu lunsanayay lacago badan. Toddobo ka mid ah dadka la soo eedeeyay aya maanta la dhageystay dacwadooda waxaana Guddoomiyaha dacwada Garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed uu sheegay in labadda ruux ee dhiman la dhageysan doono maalmaha soo socdo cadeymahooda. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  15. Waa fadhigii 3aad ee dhageysiga 2aad ee dacwad musuq maasuq ah oo loo heysto 9 eedeysane oo ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Doorka fadhigaan oo ay lahaayeen xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu guddoomiyaha dacwadaan garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed ka codsaday xafiiska xeer ilaalinta inay soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan dadka ay ku soo eedeeyeen Falalkaan musuq maasuqa ah. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo isugu jira qoraalo wata sawiro muujinaya Dacwadaha ay ku soo oogeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyada oo sido kale ay soo bandhigeen buugaagta qaansheegadka iyo warqado lacag bixinta oo ay saaran yihiin saxiixa Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sida xeer ilaalinta sheegtay. Farxaan Xuseen Maxamed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaasha Cumputerada ay leeyihiin iyo xafiisyadooda laga soo helay warqado qaansheegad ah oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo ku yaala gudaha magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka isla markaana lacago badan looga qaatay Akoonada wasaaradda Caafimaadka. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sido kale soo bandhigay Cumputero isugu jira laptops oo ay lahaayeen qaar ka mid ah eedeysanayaasha, cumputer desktop ah, Hal printer iyo sido kale Stemps kala duwan oo wata Magac yo shirkado,hotelo iyo xarumo ganacsi kuwaa oo sida xeer ilaalinta sheegtay lagu lunsanayay lacago badan. Toddobo ka mid ah dadka la soo eedeeyay aya maanta la dhageystay dacwadooda waxaana Guddoomiyaha dacwada Garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed uu sheegay in labadda ruux ee dhiman la dhageysan doono maalmaha soo socdo cadeymahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno garoonka kumadda cagta ee Stadium Muqdisho waxa ay sheegayaan in hada ay ku bilaawdeen hoobiyeyaal, iyadoo ay ka socoto cayaartii ugu horeysay oo lagu furay gabal dhicii galabta. Laba kooxood oo lagu furay garoonka ayaa ku cayaareysay caawa, waxaana mar qura laga war helay hoobiyeyaal ugu soo dhacaya si isdaba joog ah, iyadoo ay durbadiiba hawada ka baxeen telefishinadii u tebinayey cayaarta sida tooska ah. Wararku waxa ay sheegayaan in dhowr madfac ay ku soo dhaceen garoonka iyo xaafadaha ku teedsan, welina lama oga khasaaraha ka dhashay, waxayna cabsi badan soo jawahday dadkii ku sugnaa garoonka oo cayaarta daawanayey, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin iyo dad shacab ah oo cayaarta u daawasho tegay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho, kadib markii lasoo gebagebeeyey dib u dayactir lagu sameeyay, maadaama garoonku ka mid ahaa goobihii danta guud ee burburka baahsan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka isla galabta ka daah furay cayaartii ugu horeysay oo ka dhacda mudo ku siman 16 sano kadib, waxayna dhex mareysay kooxaha Horseed iyo MCC Minishiibiyo, waana labada koox ee ugu sareeya heerka kala sareynta Horyaalka Soomaaliya. Dad ku sugan garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in intii ay socotay cayaartu ay garoonka ku soo bilaawdeen hoobiyeyaal, aan la garaneyn jihada ay kasoo dhacayaan. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
  17. Three people were killed and others were critically injured when protests erupted in Ethiopia on Tuesday after a prominent singer from the country’s largest ethnic group was shot dead, a doctor said. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna. Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.
  19. Somali PM Hassan Ali Khaire has held a meeting with Qatari deputy prime minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani in Doha on Tuesday. “It was an honor to have a fruitful meeting with the Deputy Prime Minister of the Qatar government Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. We discussed strengthening bilateral relations, economic co-operation, and security.” The PM said. The two officials have discussed ways to boost already existing diplomatic and defence cooperation between Somalia and Qatar. Since the Gulf crisis began in 2017, Qatar developed close ties with the Somali government and pledged funds to develop projects which include roads and education activities. View the full article
  20. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray Garoonka kubbadda Cagta Stadium Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay tan iyo markii ay Dowladda kala wareegtay Ciidamada Amisom 27-Auguts 2018. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,wasiiro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlaamanka iyo ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa ka qeyb galay daah furka garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium. Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa 16-sano ka dib wada dheelay furitaanka garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana guusha 2-1 ku qaatay xidigaha ciidanka xoogga dalka ee Horseed,iyadoo goolkii ugu horeeyay mudo ka dib garoonka uu dhaliyay laacibka Horseed Xasan Xasaasi. Si kastaba bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre kaga mahad celiyay dib u soo celinta gegida Muqdisho Stadium. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-30062020.mp3 View the full article
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa goordhoweyd ka jawaabay eedeymo culus oo ay maanta u jeediyen guddiga joogtada ah ee Golaha wakiillada Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale maanta xasaanadii ka xayuubiyey guddoomiye Faysal, maadama ay gebi ahaanba ay guddoomiyaha kala laabteen kalsoonidii. Faysal Cali Waraabe ayaa eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inuusan jabin qodob dastuuri ah, sida ay saaka sheegen guddigaasi joogtada ah. Faysal Cali oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland la xiriiray kadib markii ay saaka eedeymahaasi usoo jeediyeen guddigaasi, uuna u balan qaaday inuu kala qeyb qaadan doona jiritaankooda. Guddoomiye Faysal ayaa xildhibaanada xanaasada ka xayuubiyay ku tilmaamay kuwo raadinaya wado ay ku sameystaan muddo kororsi aan sharci aheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa saaka war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inay gebi ahaanba kalsoonidii kala laabteen guddoomiye Faysal, iyagoona ka dalbaday guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada inay si rasmi ah uga qaadan xasaanada. Caasimada Online ayaa ogaatay in xasaanad ka qaadista iyo eedeymaha uu wajahayo guddoomiye Faysal ay ka dambeeyan xiisad hoose oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo uu dhowr jeer u geystay weerar afka ah. Faysal Cali ayaa inta badan warbaahinta mariya hadalo aan loo meel-dayin, kuwaasi oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar amni iyo tafaraaruqa bulshada reer Somaliland.
  23. Golaha Shacabka Jubbaland ayaa kulankoodii maanta waxay si caro leh ugasoo horjeesteen Qodobada ay Ansixiyeen Baarlamaanka Federaalku iyo Qodobada horyaal oo uu kamid yahay kuraasta [...] The post Breaking News— Baarlamaanka Jubbaland oo qaadacay dhamaan Qodobadii ay Ansixiyeen, iyo kuwa horyaal Baarlamaanka Federaalka appeared first on . Source
  24. Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo ahaa wasiir doowlihii hore Kaluumaysiga Puntland ahna cilmi baare ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog sheegay in uu aad u liito dhismaha Hay’addaha Dowliga ee Kalluumeysiga. Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinaca Skyp-ka Uu Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Xildhibaano ka tirsaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Su’aalo kala duwan waydiiyay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,isagoo u akhrinayay Xeerka Shirkadaha aan dowliga ahayn. Halkan Ka Daawo Jawaabihii Uu Bixiyay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan Source: goobjoog.com