Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa ka fal-celiyey, hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulankii golaha wasiirada ka sheegay in waqtigeeda ay ku dhici doonto doorashada 2020 illaa 2021-ka. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysal wasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa yiri: Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed. Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka. Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin. Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa yiri: Si taxaddar leh ayaan u soo dhoweynayaa soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha ee ah in ay doorasho ay isla oggol yihiin saamaleyda inteeda badan ay ku dhacdo xilligeeda. Haddii uu Ra’iisal Wasaaruhu isla soo mutixi lahaa in doorashada dib loo dhigo, ugu yaraan waxaan hubaa in aad loo cambaareyn lahaa. Sidaa darteed, waxaan qabaa in ay siyaasiyiintu muujiyaan soo dhoweyn oraahdan Dastuurka waafaqsan ee ah in doorashada la qabto xilligeeda. View the full article
  2. Kwale (Caasimadda Online) – Ciidamada Amaanka Kenya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen xaafada Kibundani ee deegaanka Kwale ku dileen Aabe lagu tuhmay Al-Shabaabnimo iyo caruurtiisa, oo uu gabaad ka dhiganayay, xilli ciidamada ay hawlgal lagu sugayo amniga wadeen. Wargeyska Daily Nation, oo xiganaya warbixin kasoo baxday taliska ciidanka Booliska, ayaa sheegay in Mohamed Mapenzi uu bam gacmeed kusoo tuuray saraakiil ciidan oo gudaha u galay gurigiisa. Warbixinta waxay sheegtay in hawlgalka lagu dilay laba caruur ah uu dhalay shaqsiga la toogtay, maadaama uu gabaad ka dhigtay. Sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaal ka tirsan ciidankii hawlgalka waday uu ku dhaawacmay bamkii lagu soo tuuray. Waxaa la rumeysan yahay iney dhaawacmeen saddex caruur ah uu dhalay iyo xaaskiisa, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaana sheegay in la farmuuqay. Hawlgalkaan ayaa yimid kadib markii uu xogta bixiyay Saidi Chitswa oo loo yaqaano Ninja, kaas oo la xiray kadib markii la ogaaday qorsheyaal uu maleegayay. Dhanka kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay bam-booyin, dharka ciidanka iyo qoryo fudud laga soo saaray guriga uu daganaa Mapenzi oo xalay la toogtay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa sidoo kale xilli laba lagu tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo lagu toogtay magaalada Mombasa inta lagu jiray bishii April. Suleiman Ali Kodza iyo Kodza ayaa lagu sheegay tuhunsanayaasha la toogtay bishii Hore, waxaana xog la helay la leeyahay waxey ka tirsanaayeen shabakadda Mapenzi.
  3. Somaliland:Tirada Dadka 24 sacadood ee u danbeey uu haleelay Xanuunka Covid19+Tirada Dadka u dhintay Sagaal iyo Labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 23 qof waa rag, 6 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 11 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 2 qof) (50jir ilaa 59jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (90jir ilaa 99jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon (33) Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Sagaal iyo toban (19) Qaran News
  4. Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa isaga oo ku sugan Mareykanka wareysi uu siiyey Shabelle wuxuu kaga hadlay falkii lagu dilay 8 dhalinyaro ahaa oo lagu laayey deegaanka Gololey. Ismaaciil Daahir ayaa sheegay inay suura-gal tahay in dhacdadaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta amniga deegaanka oo uu la xariiray ay u sheegeen inay tuhmayaan in falkaasi ay geysteen ciidamada dowladda, kadib markii halkaasi lagula eegtay qarax ay ku dhinteen 10 askari oo ka tirsanaa milatariga Somalia. Ugu dambeyn taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa dowladda Soomaliya ka dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameyso dadkii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ahaa. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi.mp3 View the full article
  5. MINNEAPOLIS (HOL) - Somali traders in the strife torn city of Minneapolis in the US are counting losses as a result of the ongoing protests following the killing of unarmed black man by the police. Source: Hiiraan Online
  6. Police in Kwale shot and killed a terror suspect during a night raid. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-30052020.mp3 View the full article
  8. Mogadishu ( PPM ) — The Prime Minister of the Federal Government of Somalia Hassan Ali Khayre has clarified the position of the Federal Government on free and fair elections in Somalia. The Prime Minister’s remarks come in the wake of pressure from the EU for clarity on elections to take place in Somalia next year. Khayre urged Federal Government leaders to put their efforts into preparing Somalia for elections. “The cabinet members of the Federal Government of Somalia will devote their time and effort to prepare for elections in Somalia. Stakeholders will be involved” Khayre said. “Khayre has not clarified what he meant by stakeholders” says a political commentator in Mogadishu. Last year the President of the Federal Government of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo rejected the suggestion from Puntland State President Said A. Deni to create a National Leadership Council to form a consensus on the electoral model for Somalia. Such a council would reduce the input of the Federal Parliament and Upper House into one person, one vote elections to be held in Somalia in 2021. Some analysts have interpreted Khayre’s comments as a sign that his relations with President Mohamed Abdullahi Farmajo are strained. Federal Member States and Federal Legislatures disagree on electoral model for Somalia In December 2019 the Federal Parliament of Somalia passed an electoral bill containing conditions under which the tenure of the incumbent Federal Government could be extended. Unlike 2017 elections, the planned 2021 elections are based on an electoral law ratified by both the Federal Parliament and Upper House. The role demanded by Somali political parties to build a consensus on the electoral model further complicates the march towards universal suffrage milestone in Somalia. The Federal Member States and the Federal Government of Somalia have prepared Somalia for 2017 enhanced elections. A similar consensus is hard to come by unless the role of federal legislatures (the Parliament and Upper House ) is relegated to that of a non-stakeholder. Prime Minister Khayre emphasised the importance of periodic elections held in Somalia as a factor that will boost political stability in Somalia, oblivious to the administrative and political powers the Federal Government has appropriated through the pact between him and President Farmajo. By diluting or bypassing the federal electoral bill Somalia will enter a new phase of uncertainty that may downgrade the Federal Government of Somalia to the status of a transitional government. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Khayre: The Federal Government is committed to free and fair elections appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay hadal ka soo yeeray ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/yusuf.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Raysal Wasaare Khayre Ee Ahaa Qabsoomida Doorashada Dalka. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/ww.mp4 Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Yagoori)-Saddex iyo toban qof ayaaa ku dhaawacmay Shil gaadhi oo saaka ka dhacay duleedka Degmada Yagoori ee gobolka Sool. Dadka dhaawaca ayaa la geeyey Cisbitaalka Magaalada Laascanood , Waxaanay wararku sheegayaan in ay culus tahay xaaladda dadka qaar ka mida . Ma aha shilkii ugu horeeyey ee degmada ka dhaca balse waxa hore uga dhacay shilal ay dad ku dhinteen. Source
  12. Muqdiisho (Caasimadda Online) Waxaa jirta hadal heyn xoogan oo la xiriirta in xukuumadda uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dooneyso muddo kororsi, mowduucaas ayaa noqday kan loogu hadal heynta badan yahay isbuucyadii lasoo dhaafay. Guuxa arintaas ku saabsan ayey hadal hayeen mucaaradka iyo dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya, balse Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay isha ku heyso in doorashada lagu qabto xilligeeda. Sida lagu qoray website-ka idaacadda adduunka la hadasha ee BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga, gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa aaminsan ineysan dhici doonin dib u dhac doorasho. Dib u dhaca ku yimid kalfadhiga Baarlamaanka ayaa dhaliyay walaac ku saabsan in dib u dhac uu ku yimaado doorashada, sidoo kale waxaa jirta in laga cabsi qabo saameynta xanuunka Coronavirus. Si kastaba Gudoomiye Mursal wuxuu diiday in dib u dhac doorasho dhacdo, wuxuuna aaminsan yahay in xal loo heli doono doorasho wakhtigeeda ku dhacda. “Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”. “Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha wuxuu meesha ka saaray in muddo kororsi ay helaan Baarlamaanka iyo madaxweynahaba. “Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
  13. The Security Council on Friday adopted resolutions to renew the mandates of peacekeeping or political missions in Somalia, Iraq and Sudan’s Darfur, and to extend sanctions against South Sudan. Resolution 2520 authorizes African Union member states to maintain, till Feb. 28, 2021, the current level of 19,626 uniformed personnel, including a minimum of 1,040 police personnel, for the African Union Mission in Somalia, to support security preparations for elections due at the end of 2020 or the beginning of 2021, and to conduct tasks in line with an updated Somali-led transition plan and the handover of security to Somali security forces. Resolution 2521 decides to renew for a year, till May 31, 2021, an arms embargo on South Sudan, and a travel ban and asset freeze against individuals. The Security Council decides to carry out a midterm review of the measures no later than Dec. 15, 2020, and expresses its readiness to consider adjusting the measures to respond to the situation. Resolution 2522 decides to extend the mandate of the UN Assistance Mission for Iraq till May 31, 2021. Resolution 2523 decides that the United Nations-African Union Hybrid Operation in Darfur (UNAMID) shall maintain its current troop and police ceilings till June 3, 2020, and that during this period UNAMID shall maintain all team sites for mandate implementation. The Security Council expresses its intention to decide by June 3, 2020, courses of action regarding the responsible drawdown and exit of UNAMID, and further expresses its intention to adopt a new resolution at the same time, establishing a follow-on presence to UNAMID. View the full article
  14. (SLT-Addis Ababa)- Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu afduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo waajahay, sida uu hadalka u dhigay. Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi. “Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yidhi Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF. Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xidhiidh wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea. Source
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo markale lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayey duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxyada oo miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu kadib xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamadaasi iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaasi iyo dagaalka xigay uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weeraradaasi ayaa sheegtay in ugu yaraan illaa afar qarax ay la eegatay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM , islamarkaana ay ku gaarsiisay khasaare xoogan, sida ay hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarada ka horreeyey. Sidoo kale Arbacadii la soo dhaafay ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Itoobiya qaraxyo lagula eegtay duleedka Bardaale, xilli ay ka soo amba-baxeen degmadaasi. Al-Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  16. The federal government of Somalia has on Friday said it has evacuated more than 100 Somali citizens stranded by the coronavirus lockdown in Saudi Arabia. Passengers arrived at Mogadishu’s international airport on a special flight from Saudi, and were received by government officials. According to a video posted on the twitter handle of Somalia Ministry of information, passengers were seen stepping off from Daallo Airlines at the airport. The ministry said the nationals were evacuated following a directive by President Mohamed Abdullahi Farmajo. “A plane carrying 132 Somali nationals, majority of them being women and children who are part of the nationals directed to be evacuated from Saudi by the order of the president, had arrived at Adan Adde Airport,” the twitter post reads. Somalia suspended all international travel in mid March before it went into lockdown to curb Covid-19 infections. Somalia has in the past week evacuated dozens of Somalis citizens who were also stranded in Nairobi, The capital of Kenya due to coronavirus. According to the alert issued by the embassy in Nairobi, those who wished to return to Somalia had returned at their own cost. Meanwhile, Somalia has seen a spike in the covid-19 cases despite the country facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation and the World Health Organization said it has intensified response efforts for contact tracing in Somalia by deploying some 4,000 community healthcare workers across the country. The UN health agency has also warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care may overwhelm the country’s fragile health system. The disease has previously been declared as pandemic by the World Health Organization (WHO) after the disease caused by the new coronavirus spread to nearly every country. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has killed more than 360,000 people and infected more than 6 million, according to data compiled by Johns Hopkins University. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
  17. Nine health care workers were killed and their bodies dumped along a highway, officials said Thursday. “[Nine] health workers in Gololeey vicinity health clinic were abducted last night by unknown forces. Their bodies have been dumped on the highway near Gololeey. They have been slaughtered all. They were working for the Zamzam Humanitarian agency! So tragic indeed,” a Bal’ad district security official told Anadolu Agency on condition of anonymity. A police officer in the middle Shabelle region confirmed the incident to Anadolu Agency. “We received this horrific news and we don’t know who is behind this barbaric attack, but our police officials were deployed in the area and an investigation is underway,” Bashir Mohamud Hassan told the Turkish news agency. The workers were from Bal’ad, an agricultural town 40 kilometers (24 miles) from the capital, Mogadishu. No group has yet claimed responsibility. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee QM ayaa markale muddo kordhin cusub u sameeyey howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya, kadib kulan khadka Internetka ah oo ay yeesheen 29-kii bishaan. Xubnaha golaha ammaanka ayaa isku raacay in muddo 9 bilood oo hor leh loogu daro ciidanka AMISOM, si ay qeyb uga noqdaan howlaha lagu xoojinayo amniga dalka. Sidoo kale sababta ayaa waxaa lagu sheegay in lagu taageerayo muddo kordhinta loo sameeyey ciidamada AMISOM, amniga doorashooyinka Soomaaliya, taas oo lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkaan 2020-ka illaa sanadka xiga 2021-ka. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in muddadaas sagaalka bilood ah ay ciidamada AMISOM qaban-doonaan shaqooyin ay ka mid yihiin, in ay dib-u-habeyn ku sameeyaan howlaha lagu taageerayo qorshaha kala-guurka sida xaaladaha nabadgelyada; hagida iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya. AMISOM waxaa dalka ka jooga ku dhowaad 20,000 oo askari, waxuuna qaraarkan loogu sameeyay waqti kordhinta uu qeexayaa inay Soomaaliya ka bixi doonaan 2021-ka. Ciidamada AMISOM oo dalka jooga muddo ka badan 10 sani ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanda hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.
  19. Sagaal iyo Labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 23 qof waa rag, 6 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 11 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 2 qof) (50jir ilaa 59jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (90jir ilaa 99jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Saddex iyo Soddon (33) Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd 28 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Sagaal iyo toban (19) Source
  20. Qaar kamid ah isimada waaweyn ee Puntland ayaa maanta oo Sabtiya la kulmaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada mas’uul. Isimo ay kamid yihiin Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan madaxweyne Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash si ay u dhex-dhexaadiyaan muranka labada mas’uul. Isimada oo markii u horraysay u istaagay xallinta Isfaham-waaga Deni iyo Karaash ayaan la ogayn waxay kala soo kulmi doonaan labada dhinac oo khilaafkoodu gaaray heerkii u sarreeyay islamarkaana ku muransan awoodaha uu mid kasta Dastuurku siinayo. Waxaase xusid mudan in dadaallo hore oo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan si loo dhex-dhexaadiyo khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhammaantood fashil ku dambeeyeen kadib markii lagu guul-darraystay in la isu soo dhaweeyo labada mas’uul. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah isimada Puntland oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay hadal ka soo yeeray ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas. Guuleed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoomto islamarkaana laga talagaliyo dhamaan saamileyda siyaasadda taas oo uu tilmaamay inay horseedi karto xasiloono siyaasadeed. “Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Waxa uu intaas ku daray Mr Guuleed inuu ku adkeynayo Kheyre iyo xukuumaddiisa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aaddan arrinkan oo uu xusay inay hoseedi karto dalka uu la jaan qaado nidaamka dimuquraadiyeynta. “Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka”. Ugu dambeyn waxa uu sheegay maadaxweynihii hore ee Galmudug in xukuumadda hadda jirta haddii ay ka dhabeyso arrinkaas inay ku heli doonto amaan iyo bogaadin “Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin”. Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo wali ma cadda nuuca ay tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hawada laga saaray pagekii cusbaa ee uu dhawaan samaystay Madaxwayne ku xigaanka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash. Axmed Karaash ayaa BBC u xaqiijiyay in barta cusub ee uu Facebook ku lahaa hawada laga saaray. Waxaa uu sheegay in inta ogaalkiisa ah uu wali barta uu facbook ku leeyahay ay hawada ka maqantahay islamarkana ay baaritaano wadaan. ”Waa ka maqan yahay ayaa la igu yidhi waana baadhaynaa howshii, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yidhi Mr Karaash. Balse madaxwayna ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixin arrintan Madaxwayna ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan sameysay cinwaankan cusub ee Facebook ah ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani. Madaxwayna ku xigeenka ayaa horey u isticmaali jiray barta ay Facebook ku leedahay madaxtooyada Puntland. Source
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu aduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo wajahay, sida uu hadalka u dhigay. Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi. “Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yiri Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF. Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka & kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xiriir wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.
  24. Soomaaliland ayaa maanta oo ah sabti ah 30-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1193 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 bukaan, halka 48-dii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo dumar ahaa u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 33 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 19 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 286 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com