-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay Shacabka u jeediyay Khudbaddiisa billaha ee “La-hadal dadweynaha” ayaa markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland uusan ka jirin Khilaaf sharciya iyo mid siyaasiya toona, balse ay jirto kala ra’yi duwanaan la xiriirta dhanka maamulka dowladda, taasi oo sida uu sheegay ay buun-buunin ku sameeyeen dad uu ku tilmaamay cadowga Puntland. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay in kala ra’yi duwanaantaas ay ka dhalatay, isbeddelo lagu sameeyay mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo ku saabsanaa dardar gelinta maamulka iyo tayaynta hay’adaha dowladda. Mudane Deni, wuxuu sheegay in mar kasta oo isbeddelo lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda ay ka dhalato kala ra’yi duwanaan maamulka dhexdiisa ah, maadaama aysan dadka oo dhan raalli gelin Karin isbeddelada yimaada. Ha yeeshee, wuxuu tilmaamay in shuruucda iyo Dastuurka Puntland ay yihiin kuwa sugan oo aan marnaba khilaaf iyo muran gelin, isagoo xusay in cid kasta sharcigu ka sarreeyo. Halkan ka daawo Hadalka madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Deni oo markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa degan dad ilaah xaalkooda ogyahay. Waxay aqbalaan wax kasta oo Soomaalida gobollada kale ee dalka aan lagu dayi karin, inay ogolaadaan iska daa’e. Waxay markii hore ogolaadeen in magaalada aysan wax matalaad ama saami ah ku yeelan hananaka siyaasadda dalka, ayada oo ay wakiil ka yihiin dad dadkooda ku iibsada dantooda shakhsiga ah (Adiga ayaan kaa hadlayaa Shariif Sheekh Axmed), kadibna kuwii xaqooqda la duudsiiyey kama dhiidhin. Waxay ogolaadeen inay dul degto dowlad aysan wax matalaad ah ku lahayn, oo qaadata dhammaan dakhliga gobolka soo gala, kadibna usoo celisa wax ka yar 15%, inta kalena ay kala qaataan dad ka yimid gobollada kale ee dalka oo magaalada ugu soo shaqo taga magaca dowladnimo Soomaaliyeed. Waxay ogolaadeen welina raali ka yihiin in Imaamyadooda iyo Ugaasyadooda ay noqdaan caado qaatayaal laga biilo Villa Somalia, oo qof kasta oo isku daya inuu u qeyliyo xuquuqda magaalada ayaga aamusiya, inta aanba la gaarin kuwa magaalada usoo shaqo taga ee ay dhibeyso inay maqlaan in laga hadlo xuquuqdeeda. Waxay ogololaadeen in qof ka yimid Puntland uu guddoomiye degmo ka noqdo Cabdcasiis oo dadka degan ay yihiin Mudullood, ayada oo jidkan ay uu jeexay siyaasi aan ka fakarin cawaaqibka mustaqbalka ka dhalan kara ficilladiisa (Adiga ayaan kaa hadlayaa Taabit Cabdi), inkasta oo uu Farmaajo ku cadaadiyey. Hadda Cabdicasiis waxay noqotay degmo sharciyan qof aan Puntland kasoo jeedin loo magacaabin karin, waxaana taas caddeeyey markii guddoomiyihii hore ee geeriyootay lagu beddelay mid kale oo ku beel ah. Waxay sidoo kale ogolaadeen in qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed loo magacaabo xogahayaha maamulka gobolka, inkasta oo markii dambe lagu beddelay qof reer Hiiraan ah. Waxaa hadda ku xigay in guddi isku dhaf ah oo ka socda labada Aqal ay Axaddii soo jeediyeen in 7 kursi lagu daro Aqalka Sare, kuwaas oo ka iman doona Muqdisho, ayada oo lagu qeybsan doono nidaamka 4.5, oo macnaheedu yahay in dad aan gobolka u dhalan ay matali doonaan danihiisa. Waxaa yaab leh in guddigan oo uu madax ka yahay Ibraahim Isaaq Yarow oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ay go’aaminayaan aayaha Muqdisho, halka kuwa u dhashay gobolka aysan wax talo iyo tusaale ah ku lahayn, oo ay diyaar u yihiin inay aqbalaan wixii ay usoo go’aamiyaan dad ay ka tiro, awood iyo dhaqaale badan yihiin intaba. Arrinta walaaca leh ayaase ah in qorshaha awood ku qeybsiga Muqdisho ee 4.5 uu yahay horudhaca hindise ka weyn oo soo socda. Waa tijaabadii ugu dambeysay ee la marsiinayo dadka aan damiirka iyo dadnimada lahayn ee magaalada dega. Waxaan shaki ku jirin in haddii qorshahan uu meel maro, oo aan laga hortagin inay xigi doonto inaad aragto in duqa Muqdisho loo magacaabo qof kasoo jeeda Puntland, ama Somaliland ama Gedo, oo aan Muqdisho u dhalan. Haddii 4.5 lagu qeybsado wakiilada Muqdisho ee Aqalka Sare, maxaa diidayda in xilka duqa Muqdisho uu noqdo mid wareegto ah oo beelaha u mara hab 4.5 ah? Dadka Muqdisho waxaa la marinayaa tijaabadii ugu dambeysay, baal aan aragno sida ay uga gudbaan.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan la qaatay Haweenka ku nool koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu mudnaanta kowaad siin doono hirgelinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in si lo helo Galmudug Xasiloon ay xukuumaddiisu Hubka dhigis ku samayn doonto cid kasta oo Hub ku dhex wadata Galmudug oo aan ka tirsanayn maamulkiisa cusub. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qaramaynayso malayshiya-beeleedyada hubaysan ee jira Galmudug isagoo tilmaamay in lagu dari doono ciidamada kala duwan ee maamulka si ay nabadda uga qayb-qaataan. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in uu Hub ka dhigis rasmiya ka samayn doono Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ayaa soo dhowaysay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muujiyay sida ay uga go’antahay in doorashada madaxtinimada dalku ay wakhtigeeda ku qabsoonto. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay madaxtooyada Garoowe ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul wasaaraha hadalkiisi ku aaddanaa in dalka ay ka dhacdo doorasho wakhtigeeda qabsoonta islamarkaana heshiis lagu wada yahay oo si xasilooni ah u dhacda. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadalkaasi Ra’iisul wasaare Khayre uu yahay hadal mug iyo miisaanleh balse u baahan in loo beddelo ficil iyo in laga dhabeeyo sidii doorasho loo dhanyahay oo xasilooni ay dalka uga dhici lahayd. Balse wuxuu ka digay in la qabto doorasho aysan heshiis ku ahayn dhammaan saamileeyda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya taasi oo uu sheegay in dowladda Puntland aysan marnaba aqbali doonin. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo Ra’iisul wasaare Khayre ku taageertay in doorashada wakhtigeeda la qabto appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal iyo dadaalo uu ku rabay inuu ku dhex-dhexaadiyo Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo ugu dambeyntiina ku dambeeyay fashil, sida uu shaaciyay wargeyska The Reporter. Wargeyska The Reporter ee kasoo baxa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa qoray in dadaaladii Abiy ay fashilmeen, xili ay ka caga jiidayaan labada dhinac inay si toos ah isugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Wargeyska ayaa xusay in maalmihii u dambeeyay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay hawada isku marinayeen hadalo kulul, midaasi oo uu ku tilmaamay bilowga fashilka qorshaha Abiy ee isku soo dhaweynta labada dhinac. The Reporter ayaa xiisada ka dhex oogan Dowladda federaalka iyo Somaliland ku macneeyay kuwo god madow kusii ridaya rajada laga lahaa inay wada-hadlaan, taasi oo meesha ka saareysa rabitaanka Itoobiya ee uu hogaaminayo Abiy Axmed. Sidoo kale waxa uu Wargeysku si cad u sheegay in labada dhinac ay gebi ahaanba diideen inay yeeshaan kulan, midkaasi oo gogol xaadh u noqon laheyd inay dib u furmaan wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira. Abiy Axmed ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal cusub oo ku wajahayo dib u furista wada-hadaladaasi, isagoo gacan ka helaya safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo ka dhan ahaa madax-banaanida ay ku doodo Somaliland. “Bilihii u dambeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay is dhaafsanayeen hadalo kulul, dhexdhexaadintii Abiye Axmed uu sameeyayna way fashilantay” ayaa lagu yiri warbixinta Wargeyska. Wuxuuna intaasi sii raaciyey “Labada dhinacba (Soomaaliya iyo Somaliland) waxay diideen inay si toos ah isu arkaan oo ay kulan yeeshaan”. Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa u muuqata mid sii fogeynaysa inay madaxda labada dhinac iskugu yimaadan miiska wada-hadalka.
-
Xisbiga Tigray-ga oo ku adkeystay mawqifkooda doorashada,Kuna Gacansaydhay hanjabadii Abiy Axmed Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka. Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF. “Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam. Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda. TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF. Qaran News
-
Mekelle (Caasimada Online) – Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka. Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF. “Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam. Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda. TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF.
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay islamarkaana mowqif aan la fileyn ka muujisay qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeyb ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan, waxaana ay imaneysa ayada oo lagu xanto in ayaga iyo Sacuudiga ee xiriir hoose la leeyihiin Yahuudda. Waxay horey uga aamuseen xadgudub badan oo Yahuudda ay kula kacaan Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan Qaran News
-
Wasiir ka tirsan Xukumada Somaliland oo shaaciyey in Xanuunka Coronavirus Haleelay+Xaaladuu galay Waxaan sameeyey Baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto #Somaliland #COVID19 — Mohamed Ahmed (Awad) (@CAWADAYN) June 1, 2020 Qaran News
-
Maqaamka Banaadir ay yeelanayso lagalama tashanaayo niman kayimid :- Gibilleey, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Ceel-barde. Lama waydiin doono nin aan kasoo jeedin Banaadir aayaheeda, ma goyn karo maqaankeeda, xaq uma lahan, waana riyo maalmeed kuwa ku haasaawaaya in maqaamka Muqdisho ay iyagu sameyn karaan. Sharci uma lahan nin deegaankii uu lahaa maamul iyo astaan usameystay in uu warbaahinta kayiraahdo dhaxalkii Muqdisho qaybteeda wax ku leeyahay. Dastuurka Kmg ee noo yaalla xittaa waxaa kaweyn jiritaanka dadkii lahaa dhulkaan ee dulqaadnimada ku aqbalay in umadda Soomaaliyeed leyskugu keeno, ee ogolaaday in kaligood canshuur laga qaado, ee ogolaaday in ganacsigoogada wixii laga canshuuro lagu dhiso gobolllada dalka. Muqdisho waa noolyihiin dadkii lahaa, waana meel ku caan ah in laga muuniyo midnimada Soomaaliyeed in ay muqaddas tahay, waa goobtii ogolaatay wadajirka iyo wada noolaashaha dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waa goobta kaliya ee aan leheyn in nin Soomaaliyeed lagu heyb sooco. Banaadir waa magaalo ka ilbaxsan magalooyinka kale ee dalka ee dadkeeduna aaminsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed. Muqdisho ma aqbali doonto keeyga anigaa leh, kaagana kula lihi, waana muhiim in aan fahamkaa ay wada yeeshaan dallaaleeyda rabta in ay wax duudsiiso dad soo jeeda.
-
20:20 1June A music producer on a trip to Djibouti to listen the national radio station’s music archive discovered some of the country’s best musicians [...] The post Unlocking Djibouti’s ‘best kept secret’ appeared first on . Source
-
Madaxweyne, iga ogolow inaad wax yar i raacdo. Adiga oo raalli ah bal soo kac. Askarta iyo shaqaalahaagaba waan ka tagaynaa. Annaga oo maanta joogna ayaan safar gaaban shalay ku booqanaynaa. Waan ogahay inay howl badan kuu taal. Ha ka walwalin ma soo daahayno. Dhaqso waan soo laabanaynaa. Waxaad suuraysataa adiga oo jooga 2016. Xaggeed taagan tahay hadda? Ma qolka fadhiga ee gurigaaga? Ma meel Hotel ah oo aad rag kula showrayso? Mase baabuur ayaad keligaa ama adiga iyo qoyskaaga saaran tihiin? Kolleyba madaxtooyo ku ma jirtid. Kolleyba xafiiska bannaankiisa dad tiro badan oo inay kula kulmaan raba kuu ma taagna. Kolleyba shaqaale jadwalkaaga kala hagaya oo waqtiga aad quraacanayso iyo xilliga aad shaaha cabayso kuu kala sheegaya ma kula joogaan. Haa, waan hubaa in dharka aad hadda wadato aad gacantaada ku soo gashatay, ama ugu badnaan carruurtaada ama xaaskaaga qiimaha badan ay qaanadda kaaga soo saareen. Shaki iiga ma jiro in uusan kula joogin qof kuu qaabilsan xiritaanka iyo hagaajinta garabaatiga iyo suudka aad wadato. Ii sug oo ha na dhaqaajin aan wax yar halkeenna ku nasanee. Bal istus madaxtooyada Soomaaliya saacaddaan sida ay u taal iyo waxa yaal. Waxaa ku jira nin wax walba oo aad adigu gacantaada ku samaysatay ay isaga dad carbisan oo caabboon u sameeyeen. Waa nin aanan adiga kaa oday iyo itaal roonayn. Waa nin, sida adiga, siyaasi ah oo in uu meesha uu hadda joogo yimaado u soo galay tartan aad adigu hore u gashay, hadda ka dibna aad gali doonto. Mudane, aan hal su’aal ku weyddiiyo. Sannadka soo socda maxaad ku hamminaysaa? Isla aniga aan jawaabta kaa boobee, waxaan u malaynaa inaad inta ila yaabtay, niyadda iska leedahay “waxaan ma waalan yahay. Maxay tahay su’aasha rakhiiska ah ee uu kuula yimid. Ma oga miyaa inaad tahay musharrax madaxweyne oo doonaya inuu sannadka soo socda ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dalka?!” Waa run inaad musharrax tahay. Waxaa kale oo run ah in kursiga aad u ordayso ay sidoo kale u ololeynayaan dad badan oo uu xitaa ku jiro ninka hadda ku fadhiya. Su’aal kale aan kugu celiyee, ka warran haddii tartanka baas ee kursiga loogu jiro la iska dhaafo, oo ninka ku fadhiyo loo daayo? Maya maya, ha igu xanaaqin su’aal keliya ayaan ku weyddiiyay wax kale ma samaynine. Waa rune, maxaan horta tartan iyo dhibkiisa ka falaynaa? Muxuu dalkaan uga baahan yahay isbedbeddel joogta ah oo aan xasillooni wax lagu maamulo lahayn? Ka warran haddii aan madaxweynaha hadda jooga ka ogolaanno baaqiisa ah “Qabyo Ninkeedaa Dhammeystira”, oo aan ugu faataxayno in dib loogu doorto kursiga, si uu u dhammeystiro howlaha qabyada ka ah? Ma igu diidday? Ma waxaad i leedahay “nin wax qabyeeyay dhammeystir ka ma rabno, ee ha na dhaafo.” Ma waxaad i xasuusinaysaa in isbeddelka hoggaanka, qabashada doorasho caddaalad ah iyo xukun-isku-dhiibkaba ay yihiin dhaqanno wanaagsan oo ay dowladnimadu ku bullaasho? Waan kugu raacay intaasba, ee na wad aan dib kuugu celiyo xafiiskaagii madaxtooyada ee aan kaa soo waday. Marti badan ayaa ku sugaysa ee na dedeji bal. Waa kan xafiiskaagiye gal. Nabadgeliyo. Mudane waa aniga oo kugu soo laabtay. Waxaan illoobay inaan kuu sheego hal arrin oo markaan kaa tagay ka dib igu soo dhacday. Madaxweyne, meeshi aad joogi jirtay rag ayaa hadda jooga, oo meesha aad hadda joogto u soo socda. Haddii aadan dheeraad wanaagsan ku soo kordhin karin, xikmadda ugu yar ee ay dadkaasu kaa mudan yihiin waa intii aad adigu ninkii meesha kaaga horreeyay ka muteysatay oo ahayd “ha la ila tartamo, si aan u haysto ama la iiga helo!” Wax aanan shalay adiga ku qaban, maanta dad ha u quurin. Wax aanad shalay adigu qaadan lahayn, maanta lagaa ma qaadan doonee. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID19 haatanna ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twirterka. Wararka aanu helay waxa ay sheegayaan inay jiraan laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo laga helay cudurka halista ah ee COVID 19. Agaasimaha guud ee waasaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamad Cabdi Xergeeye, oo khadka taleefan kula hadlay wariye Nuuradiin, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in laba wasiir laga helay cudurka Covid -19. Dr. Xergeeye, waxa uu ii sheegay in aanay jirin wax wasiirro ah oo cudurka laga baadhay. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan wasiirro kale oo laga baadhay cudurka balse laga waayay. Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-Shabelle-010620.mp3 View the full article
-
Qoryooley (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa deegaan lagu magacaabo Doon-Buraale oo dhaca duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay goob fagaare ah gacanta Midig uga jareen nin ka tirsanaa dadka deegaanka. Ninka ay Al-Shabaab gacantiisii midig ka jareen waxaa lagu magacaabaa Cismaan Manuurey Maxamed, waxuuna ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Doon-Buraale, iyagoo ku eedeeyeen in geystay fal xatooyo ah. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ninka gacanta looga jaray ka hor sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi oo ku yaalla deegaanka, kaas oo sida uu sheegay uu ka qaatay lacag dhan lix malyan oo Shilin Soomaali ah. Maalin ka hor Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla duleedka isla degmadan Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen nin oday ahaa. Ninkaas ay dileen Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar ayaa ahaa 50-sano jir, waxayna ku eedeeyeen in uu ahaa saaxir shantii sano ee lasoo dhaafay. Marar badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab, waxay siyaabo kala duwan deegaanada ay maamulaan uga fuliyeen xukuno ay u badan tahay toogasho, waxayna dadkaas badankood u soo jeediyaan eedo ay ka mid tahay basaasnimo.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ah oo horay maamulka uusan u laheyn kuwaas oo dhwaanahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tabareysay Muqdisho. Munaasabad Ciidamadaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ku sugnaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo madax kale ,waxaana Ciidamadaas loogu talo sugida amniga deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana la filaayaa in maanta wixii ka dambeeyo ay u wareegaan DGKG Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay fuliyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay sigaar ah uga howlgelayaan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana uu Ciidamada iyo saraakiishooda uu ugu baaqay inay si wanaagsan Shacabka ula dhaqmaan waxaan uu yiri. “Dad dhalinyaro ah oo soo tababartay oo tababr fiican soo qaatay oo deegannadooda u soo tababartay in ay wax u qabtaan ayaa tihiin, waxaad jeceshihiin in la idiin howlgeliyo xarumihii la idinka soo qoray aad tagtaan oo annagana aan jeceleen maanta ayey diyaar tahay sida ugu dhaqsiyaha badan waan u baxaynaa waa la diyaar garoobaayaa” Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo niyad wanaagsan oo u diyaar ah howlgallo,isaga oo sirasmi ah ugu wareejiyay dodlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaana uu yiri. ” Ciidan uruursan oo sidaas u joogay xaruntooda in muddo ah waaye waxaan ku amaanaya taliyihii gacanta ku haayey in sida uu kuu sheegayo ay ka dhab tahay, ciidan howlgal u diaar ah niyad wanaagsan soo shaqo tagay oo u baahnaa in ay dhaqaaqaan oo howlgaan u baahan waaye oo dhalinyaro ah samir iyo dulqaadna muujiyey intii loo maqnaa waxaan ku talo galnay maanta in ciidankaan mas,uuliyadiisii aan ku wareejino maamuka Koonfur Galbeed” Cabdullaahi Xaamud wasiirudowlaha xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay in si wanaagsan ay u shaqeeyaan waxaana uu xusay in ay heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda sida uu hadalka u dhigay. “Waa inaad howshiinna qabsataan oo nabadda keentaan waa lama huraan, annagana dowlad ahaan dowladd dhexe ama Koonfur Galbeed ha ahaato wixii saacidaad ah oo idiin sameyn karno inaan idiin samayno inaan waa waajib ina saaran adinkana waajibkiina aad ka soo baxdaan annagana aan waajibkeenna aan ka soo baxno”ayuu yiri Xaamud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Health minister announced on Monday evening that the country’s number of coronavirus cases had risen to 2023. In a press briefing, Dr Fawzia Abikar Nur said that over the past 24 hours, the central laboratory in Mogadishu had recorded 47 positive cases, 38 of the patients being male and 9 female. The minister added one patient succumbed to the deadly virus, bringing the total number of fatalities to 79. The minister also said 13 more people have recovered, bringing the total number of recoveries to 361. The health minister added that the majority of the cases were recorded in the self-declared region of Somaliland which has 28, Banadir nine while Puntland and Jubaland have five cases each. “I urge you to adhere to orders and advice given by State institutions,” the minister also said, noting that it was possible to contain the spread of the virus. The federal government has recently provided facilities to help infected people in Mogadishu and delivered equipment and other supplies to some member states with a promise for the same for the rest. The Horn of African nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19, including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights to combat the spread of COVID-19 which has wreaked havoc across the world, affecting the global economy, killing over 370,000 people and infecting over 6 million worldwide.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xaafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa lagu soo bandhigay shuruudo laga doonayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas, isla markaana doonaya in dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Safaaradda ayaa qoraalkan ku sheegtay in codsi la xariira in dalkooda dib loogu celiyo uu ka soo gaaray midowga ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan iyo muwaadiniinta kale. Safaaradda ayaa qoraalkan ku soo ban dhigatay illaa afar qodob oo shuruud looga dhigay qofkii doonaya in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo lagu wargeliyay dadka in waqtiga ay heystaan uu aad u kooban yahay. Shuruudaha laga doonayo dadkaas oo lagu soo koobay afar qodob ayaa kala ah: Waa in uu yahay qof ku xaniban dalka Sudan. Copy baasaboor aan dhacsaneyn bogga hore eek u qoran macluumaadka shakhsiga iyo Visa-hiisa oo aan dhacsaneyn ka hor COVID-19. Qofku waa in uu iska bixin karaa tikidhka. Haduu arday yahay waa in uu dhameystay Jaamacadda, isla markaana uu keenaa cadeyn muujineysa. Ugu dambeyntii qoraalka safaaradda Soomaaliya ee Khartum waxaa lagu yiri, “Qof Walba markuu buuxiyo shuruudaha kor ku xusan, waxaa laga doonayaa in uu iska soo baaro maalmo ka hor safarkiisa cudurka Coronavirus, si loo hubiyo badqabkiisa.”
-
Agaasimaha guud ee waasaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamad Cabdi Xergeeye, oo aan hadda taleefan kula xidhiidhay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in laba wasiir laga helay cudurka Covid -19. Dr. Xergeeye, waxa uu ii sheegay in aanay jirin wax wasiirro ah oo cudurka laga baadhay. Source
-
A cargo plane carrying humanitarian aid dispatched by the government of Djibouti has arrived in the central town of Beledweyne, the regional capital of Hiiraan on Monday The humanitarian supplies were meant to assist hundreds of people displaced by floods in the region. Djiboutian troops serving under AMISOM handed over the supplies to the leader of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Ware for distribution. Mohamed Barqad, a military commander of the Djiboutian troops along with the regional leader, members of the regional parliament and cabinet discussed ways to deliver the supplies to the families badly affected by the floods. President, Mohamed Abdi Ware expressed gratitude to the government of Djibouti for the good gesture they made during these difficult times. “I want to express our deep gratitude to the president of Djibouti, Ismael Omar Gelle, the people of Djibouti and its troops serving under the AMISOM peacekeeping mission for providing a continuous humanitarian support.” Waare added that his administration via the Federal Republic of Somalia also received USD 600,000 earlier this year to mitigate the effects of flash floods in the central town of Beledweyne and its neighboring towns. Beledweyne is a town in central Somalia with high-rise buildings and a vibrant commercial activity. Although it is frequently affected by seasonal rains, this year was different. The Shabelle River was so swollen with water from the highlands of neighboring Ethiopia that, in late October, its banks burst and almost completely flooded the town leaving thousands of people homeless.
-
Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog faahfaahsan ka heshay Kulan saacado qaatay, oo Maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ku dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii dhex-dhexaadinayay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka. Kulanka oo ku bilowday, Qado Sharaf Madaxweynuhu u sameeyay Isimadii dhex-dhexaadinta, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo geba-gaboobay casar liiqi Galabta, sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo ku sugan Madaxtooyada Garoowe. Madaxweyne Deni, ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka uga warramay, Arrimaha ay ku muransan yihiin isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka, oo ku salaysan Awoodaha Dastuurku siinayo mid kasta iyo sida ay tahay in loo wada ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka. Mudane Deni, ayaa sheegay in uu ixtiraam la’aan ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka, taasi oo ay dheertay ku xad-gudubka Dastuurka iyo Nidaamka Dowladiga ah, oo ay waajib tahay in la wada-ilaaliyo, xataa haddii khilaaf kasta jiro. Deni ayaa tusaale u soo qaatay, Dikreetooyin ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo sida uu sheegay Xad-gudub iyo Fowdo ku ahaa Nidaamka Dowliga ah, isagoo xusay in aysan Dastuurka iyo Shuruucda meelna ka soo gelin in Dikreeto Madaxweyne uu buriyo Madaxweyne ku xigeen. Kadib markii uu Hadalkiisa dhammaystay, ayay Isimadu Madaxweyne Deni ku war-geliyeen, in ay Maalinta Berri Xarunta Madaxtooyada ku wada-hadal siin doonaan isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, si loo dhammeeyo Khilaafkooda. Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa markii ay Madaxtooyada ka baxeen sii maray Guriga Madaxweyne ku xigeena, waxaana ay u sheegeen in uu Maalinta Berriya yimaado Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo lagu wada-hadalsiin doono isaga iyo Madaxweyne Deni. Deni iyo Axmed Karaash, ayaa labaduba aqbalay Kulanka Isimadu soo jeediyeen, waxaana ay caddeeyeen in ay ku qanci doonaan wixii Isimadu go’aamiyaan. PUNTLAND POST The post Deni iyo Karaash oo Maalinta Berriya lagu wada-hadal siinayo Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo ayaa la wareegay gargaar caafimaad oo ay Dowladda Federalka ugu talagashay ka hortagga faafidda cudurka safmarka ee COVID-19 oo ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisalwasaare Kheyre iyo Wasaaradda Caafimaad oo maanta gaaray magaaladaasi. Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey iyo Wafdiga ka socday dowladda federaalka ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka Guud ee magaalada si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee magaalada Garbahaarey ka jirto. Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi ayaa dowlada federalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqdan caafimaad ee maanta la soo gaarsiiyay oo loogu talagalay ka hortagga faafidda cudurka COVID-19, isagoo intaa ku daray inay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay agabka la soo gaarsiiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali health ministry on Monday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total number of people who have tested positive to 2,023. Fawziya Abikar, the health minister said the majority of the cases were recorded in the self-declared region of Somaliland which has 28, Banadir nine while Puntland and Jubaland have five cases each. Abikar said 13 patients recovered from the respiratory disease, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 361. The minister said one patient died in the last 24 hours, bringing the total number of fatalities since the pandemic was reported in the country to 79. She said 38 of the latest cases are male while nine others are female. The Horn of African nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19, including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article