Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Waxa taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhex dhalatay guddoomiyayaasha UCID Faysal Cali Waraabe iyo golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay guddoomiye Baashe inuu yahay caqabada hortaagan inay doorashadii golaha wakiiladu dalka ka qabsoonto, waxa kale oo uu eeddo u jeediyay guddoomiye Baashe iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalka Sool. Guddoomiye Baashe oo ka jawaabay eedaynta Faysal, ayaa isna soo qaaday weerar siyaasadeed oo kale, waxaanu guddoomiye Faysal ugu hanjabay in goluhu soo saari doono xeer murashixiinta madaxtinimo ee dalka ka mamnuucaya inay saddex goor u tartamaan madaxweynenimo. Guddoomiye Baashe, wuxuu yidhi “Faysal wuxuu ka hadlay doorasho, wuxuu yidhi Baashe wuxuu diiddan yahay in la diwaangeliyo Dadka Sool iyo Sanaag, Anigu doorasho ma diiddan oo waanu rabnaa, wayna dhacaysaa. Aniga iyo Faysal doorasho iskuma hayno, waxaanu isku haynaa wax aanan Anigu shaqo ku lahayn oo ah wax Golaha oo dhami qabeen, Xisbiyada mid walba 21 kun oo dollar baa la siinayey si Xisbiyada loo kobciyo, waxay ku soo beegantay markii Xanuunka Kuududiyuhu dalka haystay, markaa Xildhibaannada waxa u muuqatay inay Xisbiyada ku badan tahay in 21 kun oo dollar la siiyo, markaa Xildhibaannadu waxay garteen in Lacagtaa xisbiyada 50% looga gooyo Cisbitaallada, markaa ta uu faysal igu haystaa waataa, Anigu lacagta kama goynin ee Golaha oo dhan bay u taallay, haddii Ilaahay yidhaahdana Lacagtaasi Miisaaniyadda waa la wada jarayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) wuxuu ku fadhiyaa Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi waayo guddoomiye Faysal, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin.” Hanjabaada guddoomiye Baashe oo aan la garanayn inuu kaga *****n doono ayay dad badani la sugayaan furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada oo dad badani sugayaan in la furi doono badhtamaha bishan June. Si kastaba ha ahaate, haddii ay golaha wakiiladu hirgeliyaan xeerkaas murashixiinta madaxweynaha ka mamnuucaya inay saddex goor tartamaan, waxa siyaasadda Somaliland ku iman kara isbedel aan la filayn. Source
  2. Sheekaddi Dhex Martay Mr Mucaarid Iyo Mr Muxaafid. Laba nin oo midna muxaafid yahay midna mucaarid yahay oo weligood saaxiib ahaa ayaa iyagoo beryhaa is arag balamay si ay bal u wada qadeeyaan oo u sheekaystaan. Iyagoo makhaayaddaa cuntada fadhiya waxaa soo quud daraynaysa Bisad aad u dhuubatay ama caatoowday oo ay diif faro badani ka muuqato. Halkii sheeko xiiso lihi labaddii nin ku dhex maraysaa, waxaanay u dhacaysaa sidatan: Mr Mucaarid : Waaryaahee saaxiib ilaa Bisadihii ayaa dalkii ku bakhtiyey intii aad xukunka qabsateen. Mr Muxaafid: Waar imika barwaaqo ayaabu dalkii ku jiraa oo waa kuwan roobabku da’aye garan maayo halka Bisadan xumi ka timid. Malaha waa mid Muqdisho inagaga timidba. Mr Mucaarid: Horta Bisadahu ma dooga ayeey cunaan muxuu roobku u tarayaa haddii dadkii busaaradsan yahay oo aanay xoolaba qalaneynin. Kuwii horaaba idin dhaamayba. Mr Muxaafid: Waar dalku meel fiican buu marayaa ee idinku ma xafladihii iyo dhagax dhigii iyo indho sarcaadkii baad u haysataan horumar. Mr Mucaarid: Waar kuwii hore xataa Sheekh Aadan Siiro oo mucaarid weyn ku ahaa ayaa imika qiraya inay idin dhaameen oo uu dalku kala socday oo laba meelood saddex meelood ahaan ay dalka ku soo celin jireen. Idinka xataa kuwii wasiiradda idiin ahaa baa idinku dul bakhtiyaya. Ma waxaanay Bisadaasi bakhtiyin baa oo dadkii baa sideeda ku socdee. Malaha xaaladda dalkaba kama war haysaan. Mr. Muxaafid: Horta iyada Bisadani waa qaran dumis oo iyadda qaar qaranimadeena ka soo horjeedda ayaa ku adeegta ee sheekadeeda ee inaga daaya. Adeer dalka kuwii xoreeyey baa haystee la qabsadda. Mr Mucaarid: waar ileyn dalka kelidiin maydaan xoreyne kuwan aad leedahay waxbay xoreeyeen ma daacadnimay u xoreeynayeen mise way xoreysanayeen. Mida kale wixii laga dagaalamay sowtan dib loogu noqday. Qoladaynu la dagaalanay iskuulo bilaasha iyo caafimaad bilaasha iyo biyo bilaasha ayeeynu haysanaye, horta halkaynu ku soconay. Mr Muxaafid: waar horta maxaa marka mid anaga ahi uu xukunka u qabsado aad u waalataan. Adeer markiina suga raggii ina xoreeyey baa kursiga ku fadhiyee suga markiina. Mr Mucaarid: Uu wuxuba ma intanay ahayd? In kolba mid inaga ahi uu kolba ka atooreeyo oo dhalinyaradeenana qabyaalad lagu kala qaybiyo oo aynu kolba mid la safano oo la yidhaa maanta reer hebel baa haysta iyo waa reer hebel markoodii. Waar qaranimaddii aynu dadka dalkan inala leh ku lahayn aynu wada doonano ma waxay maraysaa in Bisadihii ay qaran dumis noqdaan. Dee malaha iyagana ha la soo xidho beri dhow baa ku xigta. Mr Muxaafid: Waar sowtii Layna laayey ee aynu ka dagaalanay ee aynu maanta Ilaahay mahadii dalkeenii haysano maxaa inaga maqan. Nimco ayeeynu ku jirnaaye. Mr Mucaarid: Hadda ogow 30 sano ku Koonfur baynu wax wada lahayn. 30 sano inagaa keligeen is xukumaynay oo rabnay inaynu dawlad noqono. Hadaba intii danbe dib baynu u soconaa. 30 sanadood in aynu meel fog ku gaadhno ayeey ahayd. Laakiin kula yaabi maayoo inaan kugu xiiqaba maaha oo dhalinyaraddii ayaa la kala qaybiyey oo nimankan ina haystaa waa ragaynu berigii dagaalka u baahneyn laakiin 30 sanadood ka dib maaha raggii aynu u baahneyn maanta ee dagaalkan cusub iyo caalamkan cusub ee aynu wax ka doonayno Rag ina hogaamin kara ayeeynu u baahan nahay sida ninka Itoobiya iyo xitaa Soomaalidan ina wareerisay sida Kheyre, Deni, Mustafe Cagjar, Farmaajo kuligood waa dhalinyaro dad ina hogaamin kari lahaa sidooda ayeeynu inaguna u baahan nahay haddii kale halkaasi ka dhaqaaqi mayno; Mr Muxaafid: Waar dalkan kuwii xoreeyey baa haysta maanta cid uga lexejeclo badana ma joogto oo dadkan qurbaha ka yimid baa dalkii waalaya ee kuwaa inala joogay ee garanaya waxaynu galno iyo waxaynu gudno inoo daaya. Mr Mucaarid: Horta dalkan waa laynala leeyahay ee reerkeenan oo keliyi ma laha mid usoo dagaalamay iyo mid aan u soo dagaalamin iyo mid dagaalkii dhinaca kale ahaaba. Ka adeer inala joogay ee aan caalamkaba garaneynin muxuu inooga soo goyni maba garanayo siduu caalamku uba shaqeeye. Waar dalkan Qurbo-joogga goormaynu ka yeelanay miyaanay ahayn kuwii ina soo biilinayey ee dalkan 30 sanadood xoogooda iyo dhididkooda ku dhisayey ee dagaalkiina afka, adinka iyo dhaqaalahaba ku dagaalamay. Malaha iyaguna waa qaran dumis sida bisadaasoo kale hadday yidhaahdaan dalka sidan ha laga daayo. Mr Muxaafid: waar qolooyinkiinan xaasidnimo ayaa idinku jirta dalkuna meel fiican buu marayaa, waanu garanaynaa adigoo miidhan oo xataa Xamar laga soo diray si aad dalka u burburiso. Mr Mucaarid: Waar bal intaanan qaran dumis aniguna noqon sida Bisadan oo aydaan ii xidhin aan iska aamuso malaha waxbaa ka salag lehe. Waar bal aakhiruun xasuusta anigu waanigan iskaba aamusaye. Source
  3. MOGADISHU (HOL) - Two Kenyan registered airlines have been struck off the register of licensed companies to operate in Somalia after they illegally transported khat to Somalia against a government ban on the product. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (HOL) - Two Kenyan registered airlines have been struck off the register of licensed companies to operate in Somalia after they illegally transported khat to Somalia against a government ban on the product. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Hargeysa)-Ayax aad u fara badan oo beryahanba laga dayrinayay in uu ku faafo dalka ayaa laga soo sheegayaa in uu ku habsaday dhul baaxadiisu dhan tahay 12700 hector dhamaanba goboladda Somaliland. Ayaxasi oo ka dilaacay korontii uu dhalay Ayaxii bishii June ee sanadkii hore Somaliland oo dhan ku habsaday. Isagoo Ayaxu sida caadiga ah Ugaxaantiisa ku aasa meelaha xeebaha ah. Koronkorta uu Ayaxu dhalo waxay dilaacdaa soona baxdaa wakhtiga Gu’ga ama xiliga uu roobku da’ayo. Waana xiliga ay bilaabaan dadka beeralayda ahi u diyaar garoowga tabcashadda wax-soo-saarka beeraha. Waxaana sanadkan isku soo beegmay xiligii ay beeralaydu u diyaar garoobayeen tabcashadda dalagyadda wax-soo-saarka iyo Ayaxii oo dilaacay. Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay Ayaxani aafo dhibaato ku noqday wax-soo-saarkii beeralayda iyo dhul daaqsimeedkiiba. Waxaanu yidhi, “Todobaadkii u danbeeyay waxaa na soo gaadhaya fariimo ay noo soo dirayaan dadweynaha deegaamadda uu Ayaxu ku habsaday. Warbixinihii ugu danbeeyay ee laga helayo waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland ayaa tilmaamaysa in maanta uu Ayaxaasi ku fadhiistay dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 12700 hector, marka la isku geeyo guud ahaanba Somaliland oo dhan, meelahaasoo u badan meelihii wax-soo-saarka”. Wasiir Seed, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay goboladda ay ka tirsan yihiin meelaha uu sida daran u saameeyay Ayaxu. “Goboladda uu aadka u saameeyay waxaa ka mida gobolka Awdal, Maroodijeex, Gabiley, Togdheer, Daadmadheedh, Sool, Sanaag iyo Sarraar. Awdal meelaha uu aadka u saameeyay waxaa ka mida degmadda baki, Fiqi Aadan, Daba-dilaac, Xariirrad. Gobolka Maroodijeex meelaha uu aadka u saameeyay waxaa ka mida gegmadda Salaxley. Geesta kale dad badan ayaa is waydiinaya ka hor intii aanu Ayaxu sidan u faafin sababta ay wasaaradda beeraha iyo xukuumaduba uga diyaar garoobi waayeen ama qorshe uga yeelan waayeen, maadaama oo la saadaalinayay in ay korontii uu sanadkii hore Ayaxu ka tegay ay dilaacayso. Hase yeeshee wasiirka beeraha Somaliland oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa ku dooday in ay qorshe ka yeesheen ka wasaarad ahaan, balse heerka uu hadda Ayaxu marayaa ay tahay aafo aanay u maarro haynin. “Dhibaatadan Ayaxa, ka hor intii aanu na soo gaadhin ayaanu rabnay in aanu ka sii tabaabulshaysano. Laakiin, imika waxaa yimid wax anaga awoodayadda ka wasaarad ahaan aad nooga badan” ayuu yidhi Axmed Muumun Seed. Dhinaca kale Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda in ay qaarkood ka soo jawaabeen dalabyadoodii. Waxaanu yidhi, “Hay’adahaasi oo ay ka mid tahay FAO, oo ah hay’adda keliya ee sida dhaw ula shaqaysa wasaaradda beeraha Somaliland, Bisha Cas oo laba gobol ee Sool iyo gobolka Awdal oo Xarriirad ah, iyo Fiqi-aadan iyo Daba-dilaac oo ay hadda ku jiraan. Hay’adda World Vision oo Oodweyne dhawaan ka shaqaysay. Hay’adda WHH iyad-na Awdal deegaamo ka tirsan ayay dhawaan ka hawl gashay, iyo Oxform oo iyad-na nala shaqaysa”. Source
  6. (SLT-Qudus)-Boqollaal qof ayaa ka soo qaybgalay aaska nin Falastiiniya oo xaalada Austismka qabay oo ay toogteen booliska Israa’iil xilli uu u socday goob uu ka helo waxbarasho gaar ah. Iyad Halaq, 32 jira ayaa sabtidii lagu dilay daanta bari ee qudus ee ay Israa’iil haysato isagoo ku socday dugsi dadka baahiyaha gaarka ahi ay tagaan Booliska Israa’iil ayaa sheegay inay ka shakiyeen in Halaq uu hub sitay isla markaana uu diiday amarkii la siiyey ee ahaa inuu istaago, kadibna la ogaaday inaanu hubaysnayn. Wasiiraka gaashaandhiga ee Israa’iil Benny Gantz ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dilkani. “Waanu ka xunnahay shilkaasi lagu toogtay Iyad Halaq, waxaanu la wadaagaynaa muragada qoyskiisa, waxaan hubaa in degdeg loo baadhi doono go’aamana laga soo saari doono ” sidaasi ayuu u sheegay golaha wasiirrada Israa’iil Axadii. Toddobaadyadan xaalada ayaa kacsanyeed kadib markii Raiisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu sheegay inuu fulin doono go’aankiisa ah iney Israa’iil ku darsato qaybo kamida dhulka daanta galbeed ee Falastiin oo ay haysato. Maamulka Falstiniiyiinta ayaa kaga jawaabay inaany u hogaansami doonin heshiisyadii ay Israa’iil iyo Mareykanka kula jireen . Maryakanka ayaa taagersan in Israa’iil haysto qayb kamida daanta galbeed oo ay ku jiraan kuwa xaga aminga khuseeya Iyad Halaq ayaa malin walba waxaa uu ku lugeyn jiray inta u dhexeysa gurigooda oo ku yaalla degaanka Wadi al-joz xaafda qadiimka ah ee Elwyn El Quds halkaas oo ay ku taalo xaruun adeegyo gaar ah ay ka helaan Source
  7. Hargeysa (Caasimada Online ) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in wasiiro ka mid ah xukuumadda Muuse Biixi laga helay cudurka Covid-19. Warbixin ka soo baxday wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in labo wasiir laga helay xanuunka, kadib markii lagu sameeyey baaritaano caafimaad. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay jiraan wasiiro kale oo Coronavirus laga baaray, balse laga waayey cudurka. Wasiirka maalgashiga Somaliland, Mudane Maxamed Axmed Cawad oo ka ka mid ah mas’uuliyiinta cudurka laga helay ayaa sheegay inuu isku arkay calaamadaha Covid-19, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuuna xusay inuu is-karantiilay. Cawad ayaa intaasi ku daray in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu ku jiro xaalad go’doon ah, si uusan feyruska ugu gudbin bulshada. Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah dalka.
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah lagu kulansiinaya xarunta Madaxtooyada Garoowe, si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye. Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay waday dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash, ayaa labada mas’uulba ku qanciyay in la is hor-fariisiyo, si loo dhammeeyo khilaafkooda. Isimada dhex-dhexaadinta waxaa kamid ah Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase. Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay, ka hor inta aysan ku ballamin kulanka Maanta oo Talaado ah la isku hor-fariisinayo labada mas’uul. Wixii Kulankaasi ka soo baxa kala soco Puntland Post The post Wararkii u dambeeyay dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni oo xalay Garoowe ugu warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Deni oo shaaciyey mowqifka maamulkiisa ee ku aadan doorashooyinkaasi ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada ee lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhammaan hanaanka doorashada Soomaaliya, haddii aan la tashi lagala sameynin. “Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ugu dambeyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashooyinka, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid. View the full article
  10. Ugu yaraan 5,600 oo qof ayaa lagu qabtay magaalooyin ku yaal dalka Mareykanka tan iyo markii ay bilowdeen banaan-baxyadda looga soo horjeeday geerida George Floyd. Sidda lagu sheegay Warbixin ay daabacday Wakaaladda AP dhammaan dadkaan ayaa waxaa xiray Ciidanka Ilaaladda Qaranka oo bilaabay howlgal ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan banaanbaxyadda. Qabqabashada ayaa imaaneysa iyadoo mudaaharaadyada magaalooyinka qaar ay noqdeen kuwo rabshado wata. Madaxweynaha Mareykanka ku booriyay booliiska iyo gudoomiyeyaasha in ay si xoog ah ku joojiyaan banaanbaxyadda. Magaalada Minneapolis, oo uu Floyd ku dhintey, ilaa 155 ayaa la qabtay. Qaar ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Mareykanka ayaa sameeyay qabqabasho tiro badan, oo ay ku jiraan ku dhawaad 800 magaalada New York iyo in ka badan 900 Los Angeles. View the full article
  11. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi siiyey Shabelle ayaa si weyn u dhaliilay kuraasta 7 xubnood ee loo qoondeeyey in Muqdisho ay ku yeelato Aqalka Sare ee BF Soomaaliya. Madaale ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay khalad hor leh oo laga galay caasimadda oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex million oo dad ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maqaam u sameynta Muqdisho ay noqon doonto caqabad ama xeen-daab aan laga gudbi karin, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-sakariye-1.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta madaxtooyada caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe halis ah, oo lagu marin-habaabinayo doorashada madaxtinimada dalka. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay, in mudadii ay jirtay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, haatana ay waddo qorshe halis badan oo dalka dib loogu celinayo doorasho ku dhisan hannaanka 4.5, taasina aysan Puntland marnaba aqbali doonin. Mudane Deni, ayaa sheegay in qorshahaas ay Villa Somalia waddo uu dalka u horseedayo, in dib loogu laabto wadadii Soomaaliya ku burburtay, islamarkaana uu sababi karo khilaaf ay adagtahay in dib dambe la isu’gu soo noqdo. Madaxweynaha ayaa sheegay, in heshiiskii 2016 dhexmaray Puntland iyo dowladda Federaalka lagu go’aamiyay, in aan mar dambe dib loogu laaban doorasho ku salaysan nidaamka 4.5, isagoo caddeeyay in aysan Puntland mar kale yeeli doonin nidaamkaas. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haddii lagu laabto hannaanka 4.5 uu dalka dib ugu celin doono khilaaf siyaasadeed iyo colaad keenta isku dhacyo hubaysan, oo waddanka dib uga bilowday, taasina aan sinnaba loo aqbali Karin. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Villa Somalia wado doorasho dalka ku celinaysa dagaal sokeeye appeared first on Puntland Post.
  13. Laba ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ayaa laga helay cudurka faafa COVID-19 sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. Sidoo kale waxa lagu soo warramayaa inay jiraan wasiirro kale oo laga baaray Coronavirus, balse laga waayay xanuunka. Wasiirka maalgashiga Somaliland, Mudane Maxamed Axmed Cawad ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Covid-19, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay fiican tahay. Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19. View the full article
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyey Garoowe ayaa ka warramay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Siciid Deni ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada oo ay shaacisay in lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5, wuxuuna tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhamaan hanaanka doorashada Soomaaliya haddii aan la tashi lagala sameynin. “Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay xildhibaanada labada Aqal iyo golaha wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland aysan ku matalin hanaanka doorashada, maadaama aysan ku imaan doorasho shacab, balse lagu ay ku yimaadeen xulasho. Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashada, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid. “Marin habaabinta Xukuumadda waxa ay dhalin kartaa in lagu kala tago nidaamka Dowladda oo aan ognahay halka uu ka yimid, sidoo kale waxa ay dib u dhigeysaa dalka oo waxaa ka dhalan karo khilaaf ay adkaantoodo in dib la isaga yimaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.” ayuu markale yiri, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni). Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed, ka hor inta aan la guda gelin howlaha doorashooyinka, si looga hortago khilaafaadyo hor leh oo yimaada.
  15. To be frank I love politics. This is because politics is the battleground for ideas and discourse in order to engineer a good society. Unfortunately, the nation that brought me to this world has been in turmoil which decapitated the human capital. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-020620.mp3 View the full article
  17. Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Talaado ah ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib markii ay maalmihii u dambeeyay halkaasi isku ballaarinayeen ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaasi Sool. Somaliland ayaa gaadiid hubaysan soo dhoobtay jiidda u dhexaysa labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland waxaana ay saddexdii maalmood ee u dambaysay wadday dhaq dhaqaaqyo ka duwan kuwii hore inkastoo aan weli la ogaan ujeedkooda. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa soo sheegaya in Somaliland ay gaadiid hubaysan iyo ciidamo horleh ka keentay Taliska Gooja-cadde kuwaas oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray jiidda Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland. Wararku waxay intaas ku daraya in sidoo kale dhinaca Puntland ay saaka ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ku soo gurayso gudaha degaanka Tukaraq. Somaliland iyo Puntland ayaa marar hore ku dagaallamay degaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa balse mudooyinkii u dambeeyay xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeyay labada dhinac welina ma cadda sababta kicisay dhaq dhaqaaqyada ciidan. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan lagu taageerayay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aadan Jubaland loo dhanyahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. Waxaa kulanka soo qaban qaabisay beesha Dagoodiye oo ka mid ah beelaha dega Jubaland, waxaana kulanka goobjoog ahaa siyaasiyiin, waxgarad iyo dhalinyaro. Kulanka intii uu socday ayaa si qota dheer looga hadlay doorka dhaqanka ee dib-u-dhiska Jubaland iyo in lagu garabsiiyo dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan dhismaha Jubaland. Waxaana ugu dambeyntii beesha Dagoodiye kulankooda ay ka soo saareen qodobo dhowr ah , waxaana ugu muhiimsanaa: 1 – Beeshu waxay dowladda federaalka ugu baaqeysaa in ay sii laba jibaarto dadaalka dhismaha Jubaland loo dhanyahay, waxaana ku baaqeynaa in dowladda ay qabato Shir dib-u-heshiisiin ah oo dhammaan beelaha ay ka soo qeybgalaan si loo helo jubaland cadaalad ku dhisan. 2 – Beesha Dagoodiye marna ma ilaabi doonto dilkii arxandarada ahaa ee Axmed Madoobe uu u geestay nabadoon Maxamed Nuur Cismaan oo ahaa Nabadoonkii beesha ee Jubaland, iyo Barakicintii uu u geestay Beesha iyo Dhulboobka uu wali ku hayo beesha. 3 – In Beesha Dagoodiye aysan aqoon saneen maamulka rajiimka Axmed Madoobe: Marna beeshi ma aqbaleyso maamul ku dhisan eex, nin jecleysi ku tagri fal awoodeed iyo sad bursi oo qoriga uu sharci . 4 – In beeshu marn gorgortan kama gali doonto boobka uu Axmed Madoobe ka geestay Kismaayo iyo burburintii Xaafadii Buula Dagoodiye iyo Dhulkii uu sida sharciga baal marsan ku boobay, waxayna aaminsan tahay in cadaaladu mar un shaqeyn doonto, Axmed Madoobana loo maxkamadeyn doono arrintaas iyo gabood falkii uu u geestay waxgaradka beesha ee Jubooyinka iyo Gedo. 5 – Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay dhowrto wax wada lahaanshaha beelaha wada dega Jubaland. 6 – Waxa kaloo beesha Dagoodiye Beelaha kale ee dega Jubaland ugu baaqeysaa in la qadariyo dhaqanka rasmiga ah ee beelaha ee soo jireenka ah. 7 – waxaan uga digeynaa ragga leh damaca siyaasadeed in ay ka digtoonaadaan wax walba oo xasad iyo dhibaato ka dhex abuuraya bulshada deegaankaa. 8 – Ugu dambeyn waxaan ku baaqeynaa in duulaanka qaawan ee maleeshiyaad huwan shaati maamul ay ka wadaan Deegaanka Goryaale ay joojiyaan, oo aan la hurin colaad sokeeye oo uu dhiig ku daato, Dowladda Fereaalka Soomaaliya, Dowlad Deegaanka iyo maamulka KGS waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa in arrintaas joojinteeda ay qeybka qaataan oo masuuliyad ay iska saaraan inta uusan dhib dhicin.
  19. “Nine men who are blood brothers like us - Eight of them being from the same mother like you; And the other one has another mother like me - And the eight are deceiving the man like you; And the man is figuring out the tricks like me...” Source: Hiiraan Online
  20. MINNEAPOLIS — An independent autopsy commissioned by George Floyd’s family found he died of asphyxiation due to neck and back compression, the family’s attorneys said Monday. Source: Hiiraan Online
  21. In his first substantial comments since the killing of George Floyd, fiery Minneapolis police union president Lt. Bob Kroll blasted the city's handling of the ensuing riots in a letter to the rank-and-file, in which he told officers that they were being made "scapegoats" for the continued violence. Source: Hiiraan Online
  22. African refugees living in Minneapolis were already struggling with their "American dream" when George Floyd died in police custody. Source: Hiiraan Online
  23. Abdirahman “Abcos” Ahmed and his wife, Sagal Aden, have opened Afra Grill on Morse Road, bringing “African inspired, American made” food to the Northland area. Source: Hiiraan Online
  24. The only Somali foster carers in Bristol have called for others from the same background to join them. Source: Hiiraan Online
  25. China's Foreign Ministry called on the US on Monday to prevent racial discrimination against minorities following the death of George Floyd, an unarmed black man who died last week after being pinned down by a white police officer in the state of Minnesota. Source: Hiiraan Online