-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (PP News Desk) — Three Puntland political associations have agreed to a merger plan. In a meeting held at Marti-soor Hotel in Garowe, Qarandoon, Xaqsoor and Daryeel agreed to unite under Mustaqbal, a new political association. The three political associations are already registered with Transitional Puntland Electoral Commission but have yet to meet the criteria to become political associations that will contest pilot local government elections in Puntland. The new political association will have to register with TPEC once the three political associations legally cease to exist. Mohammed Ismail Mohammed (aka Siibad): The Interim Chairman of Mustaqbal was elected for his political experience The three political associations elected Mohammed Ismail Mohammed, a Puntland Parliament MP, to become the Interim Chairman of Mustaqbal. Common political idealogy and goals have necessitated the unification of the three political associations. This strategy may boost the chances of Mustaqbal to become one of three associations that will graduate to a political party in Puntland State after the planned pilot local government elections take place. Born out of merger, Mustaqbal has revitalised Puntland democratisation process There is a growing interest to transform Puntland political landscape from a tradition-bound political system in which politicians from certain social groups take turns on Puntland presidency. The outcome from such political arrangements dating back to 1998, when Puntland was founded, has been political and economic stagnation, centralisation and resistance to political accountability. © Puntland Post, 2020 The post THREE PUNTLAND POLITICAL ASSOCIATIONS MERGE appeared first on Puntland Post.
-
Haweenay uu ku dhintay Cunug ay xaday oo dil toogasho ah lagu xukumay+ninkeeda oo….. G. maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo lagu helay in ay xadday ilmo sannad-jir ah kaas oo ku dhintay gurigeeda. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiraal ka tahay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay sabab kastaba ha u dhimatee. Sidoo kale sayga qaba haweeneydaas la xukumay oo magaciisu yahay Ismaaciil Cali Nuur ayay maxkamaddu ku xukuntay saddex sannadood oo xarig ah inkastoo aan lagu helin caddayn muujinaysa in uu qayb ka ahaa xatooyada ilmahaasi yar. Maxkamadda ayaa sheegtay in labada xukmane oo kala ah haweeneyda iyo saygeeda ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah. Qaran News
-
https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Xalka-Soomaaliya_1.mp4 Source: goobjoog.com
-
La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in bulshada kubbadda cagta ay doonayaan in ay is badal sameeyeen mas’uuliyeenta Xiriirka Kubbadda Cagta. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/web.mp4 Source: goobjoog.com
-
Janaraal Xaftar oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli Wararka ka imaanaya dalka Liibiya waxay sheegayaan in dagaalyahano taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto ee Liibiya inay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas laga saaray ciidammada Janaraal Khaliifa Xaftar oo horey halkaas gacanta ugu hayay. Waxaa in muddo ah hakad galay howlaha garoonkan balse dadka falaanqeeya siyaasadda waxay sheegayaan in arrintani ay tahay guul wey oo usoo hoyatay dowladda. Waxay arrintani imaaneysa xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xallinayo colaadda Liibiya, hogaamiyeyaasha ka tirsan labada dhinac waxay u safrayaan dalalka dibadda si ay ugu qeybgalaan wadahadallada. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda waxay ku sugan yihiin Ruushka, Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in Xaftar uu u safray dhinaca Masar Qaran News
-
Shacabka Magaalada Garowe oo ka aragti dhiibtay xalinta khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed . https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Voxpop-Puntland_1.mp4 Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaba walaac badan oo ku saabsan in looga adkaado kiiska dacwadda badda ay Soomaaliya leedahay oo ay muranka galiyeen, waxaana lasoo sheegayaa inuu ku hawlan yahay qaab walba uu kaga hor imaan lahaa go’aan walba oo u janjeera dhinaca Soomaaliya. Wargeyska African Intelligence ayaa daabacay in Kenyatta uu mudooyinkii ugu dambeeyay aad ugu mashquulay qaab walba, oo uu kaga hor-iman karo go’aan ay maxkamadda cadaaladda adduunka ka gaarto badda Soomaaliya. Sooomaaliya ayaa sanadkii 2014 billowday dacwada badda ee ilaa iyo hadda la iska daba jiitamaayo, waxaana la isku heystaa dhulka saliidda hodanka ku ah ee u dhaw xadka labada dal ee dhanka badda, balse ka tirsan Soomaaliya. Xukuumadda hadda talada heysa ayaa dhaliil badan kala kulantay, waxeyna u muuqdaan kuwa aad uga gaabiyay iney xoogga saaraan kiiska yaalla maxkamadda sidii loo dar-dar galin lahaa, taasina waxey keentay in saddex jeer dib loo dhigo. 8-da bishaan Juun ayaa lagu balansanaa in la dhageysto dacwada, balse hadda waxaa dib loo dhigay 9 bilood taasoo ku beegan isku soo laabashada 15-ka Maarso 2021 Inkastoo loo arkay marmarsiyo raqiis ah, hadana dib u dhigista dambe waxaa loo cuskaday faafitaanka xanuunka dunida saameeyay ee COVID19. Wargeyska African Intelligence ayaa aaminsan in arintaas ay ku timid ololaha badan uu sameeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka walwalsan in looga adkaado muranka ay galiyeen badda ay leedahay Soomaaliya. In Kenyatta uu sanadkii 2019 u yeero qareenka guud ee Kenya Kennedy Nyabuti Ogeto ayaa caddeyn ugu filan qof walba sida uu kaga walaacsan yahay kiiska, wuxuuna qareenka ku guuleystay inuu dib u dhigo maxkamadda si Kenya ay mar kale isku diyaariso. Wargeyska wuxuu kashifayaa in Kenyatta uusan kalsooni ku qabin guusha kiiskaan, taas badalkeedana uu raadinayo wada xaajood uu la galo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Uhuru wuxuu aaminsan yahay in Kenya ay lumin doonto dhaqaale xad dhaaf ah hadii kiiska looga guuleysto, wuxuuna isku dayi doonaa wax walba uu guusha ku heli karo, sida la fahamsan yahay wuxuu isku dayi doonaa inuu cadaadis badan saaro kumanaanka qaxootiga ku ah dalkiisa ee u dhashay Soomaaliya. Intaas kaliya ma doonayo inuu ku ekaado, Kenyatta wuxuu isku dayi doonaa inuu ciidamada AMISOM kaga jira kala baxo si uu fursad u siiyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya.
-
G. maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo lagu helay in ay xadday ilmo sannad-jir ah kaas oo ku dhintay gurigeeda. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiraal ka tahay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay sabab kastaba ha u dhimatee. Sidoo kale sayga qaba haweeneydaas la xukumay oo magaciisu yahay Ismaaciil Cali Nuur ayay maxkamaddu ku xukuntay saddex sannadood oo xarig ah inkastoo aan lagu helin caddayn muujinaysa in uu qayb ka ahaa xatooyada ilmahaasi yar. Maxkamadda ayaa sheegtay in labada xukmane oo kala ah haweeneyda iyo saygeeda ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Boosaaso: Haweeney uu ku dhintay ilmo ay xadday oo dil lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay shir ay yeesheen wasiirada iyo xildhibaanada kasoo wada jeeda beesha Mogadishu Clan, wuxuuna ajandaha shirka ahaa maqaamka gobolka Banaadir iyo sida laga yeeli karo awood qeybsiga 4.5 ee la sheegay in lagu saleyn doono. Shirkaan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Senatoro, xildhibaanno iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana xubnaha ugu muhiimsan ee laga dhex arkayay shirka ka mid ahaa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Mogadishu Clan ee taageersan nidaamka hadda jira. Xubnahii ka qeybgalay shirkii xalay dhacay ayaa waxay ka mideysnaayeen qadiyadda maqaamka Gobolka Banaadir, waxeyna isku raaceen in la raadiyo xaqqa ka maqan dadka gobolka. Inkastoo ay hal meel wax u wadeen, haddana xubnaha ayaa inyar ku kala aragti duwanaaday in gabi ahaan la celiyo 7-da kursi ee la sheegay in la siinayo gobolka Banaadir maadaama ay tahay wax aan u qalmin dadka dagan halka qaarkoodna aysan saluugin 7-da kursi, balse ay kasoo horjeesteen in lagu qeybsado hanaanka 4.5 Waxey aheyd markii labaad oo ay beelaha Mogadishu Clan qabsadaan shir ay arintaan kaga hadlayaan, balse miisaan culus ayuu lahaa shirkii xalay ka dhacay Hotel Doorbin maadaama ay goob joog ahaayeen dad aad ugu dhaw xukuumadda hadda talada heysa. Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay kulanka waxey muujiyeen wadajir ay kaga soo horjeedaan hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha Guddigii wadajirka ahaa ee loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashada Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
-
Hoos u dhac ballaaran ayaa ku yimid heerka xanuunka COVID-19 ee degaanada Puntland waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya dadka laga helayo xanuunkaas ee ku sugan gudaha Puntland. Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 4 June 2020 waxaa gudaha Puntland cudurka Coronavirus-ka laga helay tiradii ugu yareyd oo ah laba ruux kuwaas oo kala ah nin iyo haween sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xanuunka maanta laga baaray 14 ruux islamarkaan laga helay keliya laba bukaan oo jooga caasimadda Garoowe. Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada guud ee kiisaska la diiwaan-geliyay ay gaartay 194 qof oo ay ku jiraan 6 dhimasho ah iyo 19 ruux oo ka bogsaday xanuunkaas. PUNTLAND POST The post Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid kiisaska xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad GoboleedkaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir khadka internetka ah la yeeshay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya. Shirka ayaa looga hadlay saameynta cudurka safmarka ah ee covid19 ku yeeshay Bulshada reer Galmudug iyo sidii loola tacaali lahaa, sidoo kale shirka ayaa diiradda lagu saaray Covid19 iyo saameyntiisa caafimaad, dhaqaale iyo midda waxbarasho. Waxaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ayaa waxaa kulamka ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada Galmudug sida Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Heavy fighting reported in Somalia’s Middle Shabelle region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Heavy fighting between Somali government forces and al-Shabab fighters erupted on Thursday morning in Somalia’s middle shabelle region, causing unknown casualties from both sides, officials have confirmed. The fighting took place in Bal’ad town, about 30 km north of the capital Mogadishu after Alshabab militants stormed a security checkpoint in the town prompting heavy clash between the two sides. Local residents said they were terrified by the heavy weapons exchanged by the two warring sides. “Al-Shabab fighters launched an attack on a security checkpoint used by government forces in the town, there was heavy fighting that lasted for a while.” said a local resident who declined to be named. At least two civilians were wounded by stray crossfire during the morning attack on the Somali forces with one of them in serious condition. Added the local resident. The injured civilians were transported to Mogadishu for medical treatment. Neither the Somali government forces nor al shabaab commented on the deadly clash. Reports from the town of Bal’ad in Middle Shabelle region indicate that the situation is calm and government forces are conducting operations. The assault comes barely a week after seven health workers and a civilian were killed in Gololey village, outskirts of Bal’ad town after they were abducted by unknown armed and masked men in military uniforms. The horrifying incident outraged local residents sparking protests in the town. The Somali government, African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UN Children’s Fund (UNICEF) in separate statements condemned the attack. -
Mombasa (Caasimadda Online) Muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayiran gudaha Soomaaliya loona diiday iney wadankooda ku laabtaan ayaa u gudbiyay makxmad sare uu ku taala magaalada Mombasa, waxaana la filayaa in maanta la dhageysto. Muwaadiniintaan waxey tabanayaan in dowladda ay jabisay xeerka xoyiyada dhaq-dhaqaaqa iyo daganaashaha iyagoo cuskanaya dastuurka dalkooda qodobka 39-aad. Sida laga soo wariyay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha muwaadiniintaan shaqada u joogay Kismaayo waxey ogolaansho ka heysteen xafiiska socdaalka dalkooda. Walaaca ugu weyn ee heysta wuxuu yahay in laga qaatay baasabooradooda isla markaana loo diiday iney gudaha u galaan wadankooda.
-
Somalia’s Al-Shabaab militants amputated the right hand of a man convicted for theft.Osman Manurey Mohamed, a resident of Don-Burale Village in Lower Shabelle region, was accused of breaking into a shop and stealing an estimated Sh24,000. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda caafimaadka Dawlada Goboleedka Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19, iyadoo deegaannada maamulkaasi uu ka jiro xanuunka. Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan isaga oo intaas ku daray in waqtigii loo baahnaa ee ay maanta u keeneen. Qalabka maanta la wareejiyay wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka ayaa ka koobanaa Gloves Mask, Faceshields iyo qalabka nadaafada xarumaha baaritaanka iyo karantiilka, qalabkaan ayaa loogu talagalay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa loona xakameyn inuusan ku dhex faafin bulshada dhexdeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadal, wax tallaabo oo cusubna aanay ka soo kordhin baadhitaankii ay toddobaadkan gaar ahaan maalintii Axaddii isku dayeen in ay ku sameeyaan Xafiiska socodsiinta Hawlaha ee Guddida Heer Qaran ee ka hor tagga iyo la tacaalidda Cudurka Karoona Fayras kaasi oo la sheegay in ay doonayeen in ay baadhitaan Hantidhawr oo sal iyo baar ah ku sameeyaan guddida. Wararka aanu ka helayno xaaladda Hantidhawrka ayaa tibaaxaya in Hanti-dhawrka qaranku baadhitaankoodan bilaabi doonaan Toddobaadkan iyada oo xogo gaar ahi noo sheegeen in Hanti-dhawrka oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ahi uu gaar ahaan taageero uga haysto tallaabadan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo doonaya in baadhitaan habboon lagu sameeyo nidaamka shaqo iyo dakhli ee guddidu ku hawl gashay taasi oo aan ka farxin xubnaha guddida gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka oo ah xubinta ugu sarraysa guddidan. Hanti-dhawrka qaranku wax war ah kama aanay soo saarin arrintan tan iyo markii ay qorsheeyeen in ay baadhitaankan wajahaan walina ma cadda wakhtiga rasmi ahaan ay tallaabadan waysada u biyaysan doonaan. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa dhaliilo culusi ka soo yeedhayeen Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyada oo Guddida la tacaalidda iyo ka hor tagga cudurka Karoona Fayras ee Heer qaran lagu dhaliilayo sida ay hawsha illaa imika u wadaan. Waxaana gaar ahaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu guddida ugu baaqay in ay is casilaan isaga oo ku eedeeyey in ay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen madaxweynahana ugu baaqay in uu gabi ahaanba guddidaasi kala diro. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Waxa isa soo taraya cabsida laga qabo in Hubkii fududaa iyo madaafiicdii dhawaan dawladda Masar ku caawisay dawladda ciidamada Afrika ilaaliyaan ee Soomaaliya uu gacanta u gali karo wakhti kasta kooxda Xarakada Alshabaab taasi oo sidii horeba u dhacday marar badan dawladda Soomaaliya ka hesha hubka iyo dirayska ciidamada oo ay farsamooyin badan ku helaan marka laga tago dagaalada tooska ah ee ay ku furtaan saanadda ciidanka iyo dirayska. Mid ka mid ah saraakiishii hore ee Nabad sugidda iyo sidroonka Soomaaliya ee NISA oo lagu magacaabo, Korneyl Macow Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inay suura-gal tahay in kooxda Al-Shabaab u gacan-galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday dawladda Soomaaliya. Korneyl Macow Cabdillaahi Cali oo wareysi siiyey Idaacadda Shabeelle ayaa tilmaamay in laba hab ay kooxda Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada kaga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay taasi dambe oo marar badan hore u dhacday. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkan oo ay ku jiraan kuwo culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya taasi oo beesha caalamku walaac weyn ka muujisay. Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka fud-fudud ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isagoo sheegay in midka culus loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan adag kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay gaar ahaan unitka la socodka cuno qabataynta hubka, iyagoona wax ka wey-diin doona hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya taasi oo maalmaha soo socda xog uun laga heli doono tallaabada ay UN tu ka qaadato tallaabadan xad-gudubta ah ee ay Masar samaysay. Hadalkan sarkaalka sirdoonka dalka Soomaaliya ee hore ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Dawladda Masar ugu deeqday Soomaaliya oo halis badan u leh amniga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi oo hadda muddo laba sano iyo dheeraad ah xilka haysay, ayaa dhawaan soo saartay war-murtiyeed ay ku faah-faahinayso labadii sano ee ugu horreeyey Muddo xileedkeeda Hantida ay Dowladu lahayd ee ay dib ugu soo celisay gacanta Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad ugu gacan gelisay qaab mugdi ku jiro oo ay ku naasnuujisay. Shacabka reer Somaliland, siyaasiyiinta,wax-garadka iyo aqoon-yahanka dalka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku amaanay Hantidaas uu lahaa Qaranka Somaliland ee ay dib ugu soo celisay dadkii gaarka ahaa ee ay Dowladii hore ee arxanka darnay ee Siilaanyo ay ku naas-nuujisay, haseyeeshee haddana weli fari kama qodan hantida Qaranka ee weli ku jirta gacmaha dad gaar ah oo ay Dowladii hore ee Siilaanyo u gacan gelisay,kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin Warshadiihii laydhka Dowlada ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyo Kaalintii shidaalka ee Dowdlada hoose ee Hargeysa iyo goobo kale. Warshaddii Laydhka Ee Magaalada Hargeysa 2015-Kii Bulshada reer Somaliland gaar ahaana dadka ku dhaqan magaalada Hargeys, siyaasiyiin ,Culimo ,Madax-dhaqameedka iyo aqoon yahanka, ayaa si weyn uga soo horjeestay markii ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay dhaxal wareejisay Warshadii laydhka ee magaalada Hargeysa,taasi oo ay ku wareejisay ganacsato manfac doon ah oo aan dan ka lahayn dalkan iyo dadkan,kuwaas oo ay qaab qarsoodi ah ugu wareejisay, iyadoo aan la garanayn waxay dhaafsatay ilaa hadda,waxaanay warshadaas ay gacanta ugu jirtaa hadda shaqsiyaadkii ay Dowladii Siilaanyo ku naas-nuujisay,balse shacabka reer Somaliland ayaa weli waxay dhawrayaan inay warshadaasi ay mar uun dib ugu soo noqon doonto gacanta Dowlada Somaliland. Dowlada Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa markii ay curatay u doonyeystay inay dib Qaranka ugu soo celiso Hanti kale duwan oo uu Qaranku lahaa, taas oo ay Dowladii Siilaanyo shaqsiyaadka u gacan gelisay,haseyeeshee shacabka reer Somaliland ayaa waxay Madaxweyne Biixi iyo Dowladiisa ka sugayaan in sidda ay hantidaa kale ee Qaranka ay dib ugu soo celisay Gacanta Dowlada inay iyana u soo celiso Warshadii laydhka Dowlada ee Magaalada Hargeysa, taas oo mihiim u ahayd guud ahaan-ba Qaranka Somaliland. Warshadii Korantada Ee Berbera 2015 Xukuumaddii arxanka darnay ee Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamin jiray ,ayaa siddaas si lamid ah ganacsato macaash doon ah ugu wareejisay warshadii korantada ee Magaalada Berbera,taas oo aan loo geli wax tartan ah,balse qol madow ay hoostii ugu dhaxal wareejisay shaqsiyaad ay soo dhabar taabatay,wallow ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland qaybaheeda kale duwani ay ka soo horjeesteen tallaabadaasi,haddana muu noqon mawqifkoodii diidmada ahaa mid ka hor-joogsaday Dowladii manaxaanka ahayd ee Siilaanyo wareejintii Warshadaasi,waxaanay ilaa hadda gacanta ugu jirtaa shaqsiyaadkii lagu naas-nuujiyey. Xukuumadda Madaxweyne Biixii oo labadii sano ee ugu horreeyey muddo xileedkeeda ku guulaysatay inay dib gacanta Dowlad ugu soo celiso Hanti kale duwan oo mihiim u ahayd Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii arxanka darnayd ee Siilaanyo ku wareejisay shaqsiyaad, haseyeesha waxay bulshadda reer Berbera iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ay ka naawilayaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay sidda ay Hantidaa kale ee Qaranka dib ugu soo celisay gacanta Dowlada in ay iyana dib ugu soo celiso Warshadii korantada ee Magaalada Berbera,balse waxa laga sugayaa ilaa hadda Madaxweyne Biixi inuu ku dhiirado soo celintaa Warshadaas uu lahaa Qaranku . Dareenkii Ay Bulshadda Reer Somaliland Ka Bixiyeen Sanadkii 2015kii Wareejintii Warshadihii Laydhka Ee Hargeysa Iyo Berbera. Ummadda reer Somaliland qaybaheeda kale duwan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabooyinkii ay Dowladii manaxaanka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad macaash doon ah ugu wareejisay Warshadii korantadda ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,balse dhawaaq-yaddii bulshadda may noqon kuwa ay Xukuumaddaas ku joojiso dhaxal wareejintii labadaa warshaddood, waxaana kamid ahaa dhawaq-yaddii Cahdigaas ee bulshada kuwan “Waxaan doonayaa inaan Baaq dhiilo ah u diro dhamaan Bulsho weynta Somaliland,Baaqaasi waxa weeye hantidii dhamayd ee Umaddu wada lahayd ayaa la wareejiyay ama lagu hayaa Boob aan caadi ahayn,Waxa ugu dambeeyay Hantida Ummadda ee la wareejinayo Warshadii Laydhka Berbera oo aad ka war haysaan inay tahay Xeebtii ugu Kululayd oo aan ku taageersanahay siday dadku uga dhiidhiyeen ay arrintaas u diideen.sida Warshadda Laydhka Hargeysa oo kale oo si Tuugo ah loogu wareejiyay dadkii Hantida Umadda iyagu horeba u boobay ee qaybtoodii iyo qayb kale oo aanay lahayn ba qaatay, Waxaan soo maray Warshaddii Laydhka, Shaqaalihii waxay yidhaahdeen waxaa nalagu wargaliyay inaanu shaqada ka dareero, waliba Askar baa naloo keenay bay yidhaadheen.”ayuu yidhi Boqor Raabi. Dhanka kalena Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna kamid ahaa Cahdigaas dadkii ka dhiidhiyey qaabka loo wareejiyey labada Warshadood ee korantada ee magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera ayaa sheegay isna siddan”Horta aduunka way ka dhacdaa in hanti ummadu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cida lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladu hantidaasi ku wareejisaa, Laakiin waxaan aduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo in la yidhaa hebel intaas siiya hebalna intaas kale siiya, isla markaana shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-daro.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Wareejintii Kaalinta Shidaalka Dowlada Hoose Ee Hargeysa 2016kii Sanadkii 2016kii bilowgiisii ayeyXukuumadda arxanka darnayd ee Siilaanyo ay Kaalintii shidaalka ee Dowlada Hoose ee Hargeysa ay si muquuno ah ama siin ah qofba sidda uu u yaqaano ugu dhaxal wareejisay Ganacsade ay xigto iyo ehel ay yihiin afadii Madaxweyne Siilaanyo,kaas oo si qarsoodi ah loogu dhaxal wareejiyey Kaalintaas iyo dhismaheediiba,balse shacabka reer Somaliland ayaa ka soo horjeestay oo ka dhiidhiyey arrintaas, haseyeeshee Xukuumaddii Siilaanyo ayaan dheg-jalaq u siin dhawaq-yaddii bulshada,iyadoo ay qaaday jidkaas aan la mahadin ee ay ku dhaxal- wareejisay Kaalintaas iyo dhismaheediiba. Haddaba tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi tallada qabtay ee uu dhex-da u xidhay soo celinta Hantidii Dowlade ee gacmaha dad gaar ah la geliyey cahdigii Dowladii Siilaanyo, ayaa ilaa hadda waxay shacabka reer Somaliland ka sugayaan Madaxweyne Biixi inuu dib gacanta Dowlada ugu soo celiyo Kaalintii shidaalka ee Dowlada hoose ee Magaalada Hargeysa, taas oo ilaa maanta gacanta ugu jirta shaqsi ay ugu deeqday Dowladii Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo ay ehel yihiin Marwo Aamina Waris. Gebo-gebaddi Bulshada reer Somaliland ayaa ka sugaysa Madaxweyne Biixi inuu sidda uu Hantidaa kale ee Qaranka uu dib ugu soo celiyey gacanta Dowlada inuu iyana dib ugu soo celiyo gacanta Qaranka labadan Warshadood iyo kaalintaas oo uu ka soo wareejiyo ashkhaastaa sifaha sharciga ka baxsan loo siiyey, waxaynu dhawraynaa waa inuu Madaxweyne Biixi uu ku dhiirado soo celinta labadaa warshadood iyo kaalintaas iyo inuu ka muquurto iyo in kale . Source
-
Magaalada Jibouti ee caasimadda waddanka Djibouti, ayaa saaka oo Khamiis ah waxaa ka bilowday, dibax-baxyo lagu dalbanayo in xabsiga laga sii daayo nin askariya oo u xiran dowladda. Askariga xiran oo duulliye ah, magaciisana lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiranyahay suuli aad u nadaafad-xun oo bahalo galeen ah. Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamula, balse taas beddelkeeda, isagii xabsi suuliya lagu illaaway halkaasna uu silic iyo dayac ku haysto. Sidoo kale, xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay, ayaa shacabka Djibouti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran. Dowladda Djibouti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya. Madaxweynaha mudada dheer maamulayay Djibouti ee Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa. Mudane Guelleh, oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jibouti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016 waxaana dhammaan doorashooyinkaas lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay. PUNTLAND POST The post Kacdoon ka dhashay maxbuus oo ka bilowday Djibouti appeared first on Puntland Post.
-
Balcad (Caasimadda Online) Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saakay bar koontorool oo ku taala degmada Balcad, sida wararka lagu helayana waxeyu iska caabin xoog leh kala kulmeen ciidankii dowladda ee halkaas joogay. Sida dadka deegaanka ay ku warameen ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen ay ku dhaawacmeen laba caruur oo wada dhashay kuwaas oo rasaas habow ah ay gurigooda ugu tagtay. Dhaawaca caruurta oo mid ka mid ah uu daran yahay ayaa lasoo wariyay in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, weerarka ayaana kusoo aadaya xilli guddi ku sugan Balcad ay baarayaan dil wadareedkii loo geystay shaqaalahii caafimaadka ee ku sugnaa Gololey. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaan ka hadlin wixii dhacay, sidoo kale dhinaca dowladda ma jiro masuul ka hadlay oo ka waramay wixii meeshaas ka dhacay. Walina lama oga khasaaraha labada dhinac kala gaaray.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi, ayaa diiday ergo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland oo madaxweynaha ugu tegay sidii uu shaqadooda ugu fasaxi lahaa labadan shirkadood oo hore xukuumaddu u joojisay in ay ka hawlgalaan Garoomada Somaliland Madaxweyne Biixi, ayaa Ergadan u sheegay in aan labadan shirkadood waddanka ku joogin Sharci balse sarkaal ka tirsan hay’adda Duulista ayaa sheegay in shirkadahani waddanka ku joogaan sharci kuwaas oo la mid ah sharciga ay waddanka ku joogaan Ethiopian Airline iyo Air Jabuuti. Labadan Diyaaradood ayaa hore Duullimaadyadooda u joojiyay kadib markii Dawladda Imaraadka Carabtu joojisay dhammaan Duullimaadyada Caalamiga ah ee waddankaasi balse hadda waxa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Biixi, doonayo in shirkadahan uu lugta u qabto shirkadda Ethiopian Airline oo tartan weyni kala dhexeeyo FLY DUBIA iyo Air Arabia. shirkadda Ethiopian Airline oo uu wakiil ka yahay Wiil uu abti Ruma u yahay madaxweyne Biixi, oo lagu magacaabo Cabdiqafaar, ayaa doonaysa in ay si fiican uga faa’idaysato suuqa Duullimaayada oo Kooto uu madaxweyne Biixi ugu xidho sida Ilo xogogaal ah xaqiijiyeen. Labadan Diyaaradood ayaa hore u diiday dalab uga yimi Dawladda Soomaliya oo ahaa in ay Muqdisho ka hawl-galaan halka Ethiopian Airline aqbashay oo ay hadda ka hawlgasho. FLY DUBIA iyo Air Arabia ayaa door muhiim ah ka qaatay kobaha Dhaqaalaha Somaliland sidoo kalena haddii madaxweyne Biixi, ku adkaysto go’aankiisa waxa suuragal ah in ay si weyn u dhaawacdo Cilaqaadka Somaliland iyo Imaraadka Carabta iyo weliba mashaariicda waa weyn ee Imaraadku ka wado Somaliland sida Berbera Corridor iyo DP World oo maalgelinaysa dekedda Berbera. Labadan shirkadood ayaa waxa iska leh Dawladda Imaraadka Carabtab waxana ay u muuqataa in madaxweyne Biixi, cilaaqaadka Imaraadka Carabta ka doorbidayo Lacag gaar ah ee ka soo gasha Diyaaradda uu wakiilka ka yahay wiilka uu Abtiga u yahay ee Ethiopian Airline. Labadan shirkadood ayaa Somaliland waxa uga hawlgalayay shaqaale badan kuwaas oo weli u xanniban amarka madaxwyne Biixi. Sidoo kale waxa labadan shirkadood la shaqaynayay ilaa 40 shirkadood oo waddaniya kuwaas ah kuwa Tigidhada jara oo iyana weli xidhan maadaama oo ay ku tiirsanaayeen Duullimaadyada FLY DUBIA iyo Air Arabia. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa taageeray mudaharaadyada lagaga soo horjeedo dilkii George Floyd ee dalka Mareykanka. Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu ku yidhi: “Anigoo ku hadlaya magaca shacbiga Somaliland, waxaan tacsi tiiraanyo leh iyo u dirayaa qoyskii iyo asxaabtii walaal George Floyd. Madaxweynaha ayaa isticmaalay Hashtagta #BlackLivesMatter. Source