-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr.45 ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha maamulka Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxweynaha ayaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , xeerka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha *Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. * Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay qabeen Dablay hubaysan oo Buurta Siraadley kaga dhawaaqdey Jabhad la magac baxday Xaqdoon. Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa in todobaadyadii u danbeeyay uu wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon. Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel Afweyn. Qaran News
-
Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo inta badan magaalada caasimadda ka wada saareysa ciidamada Jeneral Khaliifa Xaftar. Muuqaallo lasoo dhigay online-ka ayaa muujinaya ciidamada dowladda taageersan oo gawaarida dagaalka ku dhex wada garoonka oo ay yaallaan diyaarado ay madaafiic ku dhaceen, islamarkaana sawirro isaga qaadaya. Qabsashada garoonka ayaa kaabeysa bil ay guulo badan gaareen ciidamada dowladda, oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga (Drones) ay ka caawiyeen in ciidamada Khaliifa Xaftar ee fadhigeedu yahay Bariga Libya laga sifeeyo waqooyiga galbeed ee dalka. Militariga dowladda ayaa sheegay in qabsadeen garoonka, islamarkaana ciidamada Khaliifa Xaftar ku riixeen degmada deriska la ah ee Qasr Ben Gashir. Ilo-wareedyo militari oo ku dhow Xaftar ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamadooda ay ka baxeen garoonka. Libya ayaan lahayn wax dowlad dhexe ah oo dalka oo dhan wada maamusha tan iyo 2011, waxaana ay u kala qeybsaneyd magaalooyin ay kala maamulaan dowladda caalamu aqoonsan yahay in kooxda Khaliifa Xaftar oo sidoo kale sheegata dowladnimo. Xaftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Ayada oo Xaftar inta badan laga saaray caasimadda, ayaa waxaa hadda dagaallada soo socda la filayaa inay ka dhacaan koonfurta iyo koonfurta bari ee Tripoli, gaar ahaan magaalada Gharyan oo ay haysato dowladda, iyo magaalada Tarhouna oo ay maamulaan ciidanka Xaftar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia will resume local flights next week, Transport ministry has said over a month since they were grounded in response to COVID-19 spread. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmahan aaladda muuqaalka Online-ka ee Zoom uga socday wakiillo ka socday Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu kala tegay kadib markii madaxtooyada ay ka cago jiiday dalab ka yimid qaar ka mid ah maamul goboleedyada. Shirkan ayaa yimid kadib markii dhowaan xoghayaha guud ee QM uu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu la hadlo madaxweynayaasha maamul goboleedyada, balse marka hore lasoo magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyad iyo Villa Somalia oo shir madaxeedkaas diyaariya. Dhinaca Villa Somalia ayaa waxaa kulankan ku matalayey agaasimaha madaxtooyada Nuur Fuursade, iyo nin lagu magacaabo Dr. Najiib. Puntland ayaa waxaa matalayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Galmudug waxaa ka socday Kamaal Daahir Guutaale, Jubaland waxay soo dirsatay wasiirka madaxtooyada Xirsi Gaani, gobolka Banaadir waxaa ka wakiil ahayd Sahra Daaduush, Koonfur Galbeed waxaa u joogay agaasimaha Madaxtooyada Ibraahim Maxamed Cabduqaadir Baafo, HirShabeelle-na Makaraan. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wakiillada maamul goboleedyada ayaa kulan ka horreeyey kii maanta oo dhacay dhowr maalmood ka hor, waxay ku dalbadeen in Villa Somalia ay go’aan kasoo gaarto inay kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada 10-ka illaa 15-ka June, go’aankaas oo maanta laga sugayey. “Waxaa kulanay afar jeer oo hore waxna sooma kordhin, annaga wakiilo un baa nahay, go’aanadana waxay ka go’aan madaxda, sidaa darteedn nooma muuqan inaan waqti ku lumino kulamadeenna, waxaana dalbanay in madaxda kulmaan,” ayuu yiri mid ka mid ah wakiilada kulanka ka qeyb galay oo codsaday inaan la magacaabin. Maamul goboleedyada ayaa rumeysan in Villa Somalia aysan daacad ka ahayn in la dhameeyo khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada iyo in arrimaha doorashada laga talo-geliyo maamul goboleedyada, sidaas darteedna ay ka cago jiideyso in madaxda ay kulmaan. “Waxaa noo muuqatay in kulamadan ay madadaallo yihiin, oo lagu qancinayo beesha caalamka iyo QM balse madaxweynaha uusan dooneyn inuu la kulmo madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri wakiil kale oo la hadlay Caasimada Online. Dowlad goboleedyada ayaa doonayey inay is arkaan madaxda, islamarkaana ka wada-hadlaan arrimaha doorashada ka hor 27-ka June oo ah xilliga ay baarlamanka hor-tageyso guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaran, waana taas sababta ay u dalbadeen in la kulmo 10-ka illaa 15-ka June. Si kastaba, markii maanta la isugu soo laabtay kulanka ayaa wakiilada ka socday Villa Somalia aysan la iman jawaabtii laga filayey ee kulanka madaxda sare, waxayna taas beddelkeed sheegeen inaan loo baahneyn in la deg dego, taasi oo keentay in kulanka lagu kala tago. Dowlad goboleedyada ayaa rumeysan in qorshaha Villa Somalia uu ahaa in maamul goboleedyada lasii madadaaliyo illaa 27-ka June, lana yareeyo cadaadiska beesha caalamka, ayada oo jirto cabsi ku saabsan in qorshe doorasho aysan soo gudbin dooni guddiga doorashooyinka. Waxaa sidoo kale caqabad loo arkay in madaxweyne Farmaajo uusan dooneyn inuu la kulmo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo hadda ka hor uu dhaar u maray inuu welgiis horfariisan doonin, balse ay ku qasbeyso beesha caalamka oo u muuqata inay u aqoonsan tahay madaxweynaha Jubaland.
-
(SLT-Ceerigaabo)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay Buuraha gobolka Sanaag u galleen Jabhad la magac baxday Xaqdoon. Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa in todobaadyadii u danbeeyay uu wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon. Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel Afweyn. Source
-
Wasiir ku xigeenka Cusub Hodon Siciid Xassan Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah wasiir ku xigeen cuusb u magacaabay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland, wuxuu Wasiir ku xigeeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha u magacaabay Hodon Siciid Xassan oo horay u ahayd Agaasimaha Waaxda Dimuqoraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. 22-kii bishii tagtay ee May 2020, Madaxweyne Deni ayaa xilkaasi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha u magacaabay Maxamed Axmed Xasan oo loo yaqaan (Heersare), balse ninkii la magacaabay ayaa diiday Booska. 13-Agoosto 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Hodon u magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimoquraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana ay xilkaasi haysay in ka badan sagaal bilood, ka hor intaan maanta laga dhigin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa oo maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq maasuqa ee lagu dhaqmi doono sanadaha 2020-ka illaa 2023-ka. Qorshahan ayaa waxa uu waqtigiisa inta badan saameyn doonaa xukuumadda soo socota ee beddeleysa tan hadda jirta. Sidoo kale kulankii maanta ayey goluhu ku meel mariyeen heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda. Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuq maasuqa, sidoo kalena sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda. Qeybtii hore ee kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xaaladda cudurka COVID-19, fulinta heshiiska IMF iyo DF iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhamaan wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Qeybihii dambe ee kulankii maanta waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya dib u soo kabashada dalka.
-
Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta ka dagay Diyaarad siday Agab caafimaad oo ka yimid dhanka Dowlada Soomaaliya. Agabkaan oo nocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxa logu talagalay Dagmoyinka Balanbal iyo Cabudwaaq oo maalmahan u sameyn ku yeeshay caabuqa Covid19 Agabkan Caafimaad ayaa waxaa gudomay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Soomaaliya sida ay uga so jawaabtay codsigii ay u direen. Diyaaradda ayaa siday Dhakhaatiir, Daawo, iyo Agab kale oo loogaga hortagayo Xanuunka Safmarka ah ee ka dilaacay Degmada Caabudwaaq ee Covid 19. Qalabka ay wado diyaarada ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah, Ventilatorro loo isticmaalo Oxygen-ka ama Neef bixiyayaal oo gaaraya ilaa 10 L iyo PPE iyo Gloves iyo Face Mask Cloves, iyo Antiseptics, oo loogu gurmanayo shacabka ku nool Degmada Caabudwaaq iyo deegaanada ku xeeran. Waxaa wehliya daawada Dhakhaatiir dhawr ah oo bukaanada xanuunsan Samples ka qaadi doona si loo xaqiijiyo bukaanada xanunsan oo ay horay u soo gudbiyee Bahda Caafimaadka Degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey ee muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd oo dhulka yaalla, kaasi oo halkaas ku dhintay. Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka. Dilka loo geystay George Floyd ayaa sababay in magaalooyin badan ee wadanka Mareykanka ah ay ka dhacaan mudaharaadyo waaweyn kuwaas oo watay rabshado galay asbuucii 2aad dibad baxayaasha ayaana dalbanayey in askartii lwehilisay askariga dilka geystay in la soo xiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo inta badan magaalada caasimadda ka wada saareysa ciidamada Jeneral Khaliifa Xaftar. Muuqaallo lasoo dhigay online-ka ayaa muujinaya ciidamada dowladda taageersan oo gawaarida dagaalka ku dhex wada garoonka oo ay yaallaan diyaarado ay madaafiic ku dhaceen, islamarkaana sawirro isaga qaadaya. Qabsashada garoonka ayaa kaabeysa bil ay guulo badan gaareen ciidamada dowladda, oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga (Drones) ay ka caawiyeen in ciidamada Khaliifa Xaftar ee fadhigeedu yahay Bariga Libya laga sifeeyo waqooyiga galbeed ee dalka. Militariga dowladda ayaa sheegay in qabsadeen garoonka, islamarkaana ciidamada Khaliifa Xaftar ku riixeen degmada deriska la ah ee Qasr Ben Gashir. Ilo-wareedyo militari oo ku dhow Xaftar ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamadooda ay ka baxeen garoonka. Libya ayaan lahayn wax dowlad dhexe ah oo dalka oo dhan wada maamusha tan iyo 2011, waxaana ay u kala qeybsaneyd magaalooyin ay kala maamulaan dowladda caalamu aqoonsan yahay in kooxda Khaliifa Xaftar oo sidoo kale sheegata dowladnimo. Xaftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Ayada oo Xaftar inta badan laga saaray caasimadda, ayaa waxaa hadda dagaallada soo socda la filayaa inay ka dhacaan koonfurta iyo koonfurta bari ee Tripoli, gaar ahaan magaalada Gharyan oo ay haysato dowladda, iyo magaalada Tarhouna oo ay maamulaan ciidanka Xaftar. REUTERS + VOA
-
Caasimadda wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka waxaa wadooyinkeeda isugu soo baxay dad careysan kuwaas dalbanaayo in xabsiga laga sii daayo nin askari ah oo u la sheegay in uu u xiran yahay dowladda, dibad baxayaasha ayaa wadooyinka ku gubaayo Taayarro. Askariga xiran oo la sheegay inuu ahaa duulliye ayaa magaciisa lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiran yahay suuli aan nadaafadeeda aysan wanaagsaneyn sida muuqaalka ku yiri. Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamusha waxaana uu sheegay in badalkeeda uu ku muteystay xabsi la dhigay Fu’aad Yuusuf Xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay soo gelisay baraha bulshada ayaa shacabka Jabuuti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran yahay sida ay sheegtay. “Aniga oo Fu’aad Yuusuf Cali xaaskiisa ah waxaan shacab weynaha u sheegayaa Fu’aad maanta dhibka iyo halka uu ku jiro waa uu idiin tusay wax idinka qarsoon majirto Fu’aad maalintii uu hoygiisa ka baxayey dhimasho waa uu u bareeray markii uu dowladda farageliyey ama uu xaqiisa doontay nin xaqiisa doonta Jabuuti wuu ogaa in hoggaa iyo meel kale la gelinayo lakiinn waxaan idiin sheegayaa inuu geesi qaran yahay isaga oo suuli ku jiro ayuu muuqaal soo duubayaa waxaan u sheegayaa shacabka Jabuuti anigu gambada cad waan xirtaye adinku ma is xoreyseen” ayey tiri. Dowladda Jabuuti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya waxaana la ogeyn halka ay biyo shuban doonaan kacdoonka shacabka ee ka dhashay askariga sheegay in dulmi uu ka tirsanaayo dowladda. Madaxweynaha Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa, Guelleh, oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jibouti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016 waxaana dhammaan doorashooyinkaas ayaa lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Federal government of Somalia has announced that it will ease the ban imposed on domestic flights in the coming week. Government officials have confirmed. Somalia’s minister of Transport and Aviation, Mohamed Abdullahi Salad Omar said, domestic flights will resume later this week and that travelers are required to observe health guidelines issued by the health ministry to contain the spread of the deadly pandemic. The transport and aviation authority also urged the crews to follow the guidelines of the ministry on their service. Somalia suspended both domestic and international flights in March as part of the precautionary measures to control the spread of corona virus (COVID-19). The latest move come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system The country has so far 2,146 confirmed cases, with 79 fatalities and 406 recoveries, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. The disease has spread across the world since emerging in central China late last year, killing over 388,000 people, infecting over 6,500, 000 people and prompting a wave of travel restrictions worldwide. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogay Gobolka Sool ayaa waxa uu shalay Kulan gaar ah oo aan ujeeddiisa la shaacin la yeeshay odayaal iyo wax-garad ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kulankaasi oo aan warbaahinta wax xog ah laga siin. Kulankan ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Cuqaasha iyo waxgaradka ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxa uu ku dhex maray sida wararku sheegayaan deegaanka Bohol Waraabe oo dhanka Bari ka xigta Deegaanka Tukaraq oo u dhaw xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo muddo dhawr saacadood ah ay labada dhinac kulan fool ka fool ah ku yeesheen. Kulankan ay Cuqaal iyo waxgarad ka yimid Puntland ay deeganka Bohol-waraabe kula yeesheen waftiga ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hoogaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyi-galinta, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxey shirkaasi oo ka qabsoomay deegaan bannaan ah oo barwaaqo ah sida ay muujinayaan sawirrada shirkaasi laga soo qaaday oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu. Illaa hadda ma cadda ujeedada kulankan iyo waxa uu daarnaa, labada dhinacna warbaahinta ugama ay warramin waxa ay ahayd ujeedadiisu balse waxa uu kulankaasi ku soo beegmayaa wakhti xaaladda Gobolka Soo lee dhinaca xuduuddu in muddo ah iska daganayd oo aanay ka dhicin waxa shaqaaqo ama dagaal ahi balse dhinaca kale uu kulankaasi ku soo beegmayo iyada oo dadka deegaankaasi gaar ahaan kuwooda u janjeedhay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ay muddoba saluugsanaayeen siyaasadda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni iyo gaar ahaan siyaasadihiisa ku aaddan deegaamada Gobolka Sool. Source
-
Saint Paul (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo boolis ah ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwado la xiriira inay gacan ka gaysteen dilka George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo gacanta booliska Minneapolis ku dhintay, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota Keith Ellison. Derek Chauvin, oo ah sarkaalka afaraad, kaasi oo horey loogu eedeeyey darajada heerka saddexaad ee dilka iyo tan labaad ee dil aan ulakac ahayn, ayaa waxaa iminka sare loo qaaday dacwaddiisa ayada oo lagu soo oogay dacwad ah darajada heerka labaad ee dilka, sida uu sheegay Ellison. Darajada heerka saddexaad ee dilka ayaa waxaa lagu muteysan karaa ugu badnaan 25 sano oo xabsi ah, halka darajada heerka labaad ay keeni karto ugu bandnaan 40 sano oo xabsi ah. “Halkan ayaynu joognaa maanta, sababtoo ah George Floyd nalama joogo,” ayuu yiri Ellison oo ah dimoqraadi, isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada St. Paul ee caasimadda gobolka Minnesota. Ellison ayaa sheegay in maxkamadeynta saraakiishan ay qaadna karto bilooyin, wuxuuna ku booriyey shacabka inay dulqaad yeeshaan. “George Floyd wuxuu ahaa qof macno leh, wuxuu ahaa qof la jecel yahay. Wuxuu muhiim u ahaa qoyskiisa, noloshiisa qiimo ayay lahayd. Waxaana u raadin doonaa caddaalad isaga iyo idinkaba,” ayuu yiri. Ellison ayaa intaas ku daray in “aysan fudududaan doonin” in lagu guuleysto kiiska maxkamadda, iyo in dambiga lagu helo saraakiisha la eedeeyey.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Ahna Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Haya Talada Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa Markii ugu ugu Horeysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In uu Iska Casilay Xilkaasi. Qoraal Kooban Oo uu ku Baahiyay Degelka Uu ku leeyahay Twitterka ayaa Waxa uu ku duray Dadka Faafiyay Wararkaas Oo uu ku sifeeyay in ay been Yihiin “Wax aan dani ugu jirin bay gelin hore iyo gelin dambe u taaganyihiine may dantooda ku foofaan. Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye.” Ayuu Yidhi. Source