Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Sabti ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug. Dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta Dowlada Galmudug ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan. Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo. Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taas oo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.
  2. Da’yarada kooxaha Midnimo iyo Fanka ayaa ciyaar saaxiibtinimo iyo is barasho ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana kulankan soo abaabulayay maamulka Midaynta oo u i staagay dhiirigelinta iyo kor u qaadida ciyaaryahanada kala duwan ee Soomaaliya. Kooxda Da’yarta midnimo waxaa ka soo baxay dhallinyaro badan oo saddexdii sano lasoo dhaafay qeyb ka ahaa xidigaha da’yarta Xulka Soomaaliya waxaana kulan saaxiibtinimo ka soo qeyb galay taageerayaal iyo sidoo kale guddoomiyaaasha ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir. Da’yarta kooxda Fanka waxaana maamula oo gacanta ku haya macallin Daa’uud Abshir oo ka mid ahaa tabarayaasha ka danbeyay sanadii 2018 in Xulka da’yarta Soomaaliya ayaa gaaraan markii ugu horeesay fiinalaha ciyaaraha tartankii 17 jirada ee ku qabsoomay Wadanka Burundi. Maamulka kooxda Midaynta ayaa mudooyinkii danbe magaalada Muqdisho ka waday baraanmijyo kala duwan oo lagu horomarinayo ciyaartooydii hore dalka iyo da’yarta soo koraysa,waxaana shaqooyinka horomarinta ugu mahad celiyay bahda isboortiga gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ciyaareedkii Saaxiibtinimo Ee Labada Koox https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-3.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. Cadaado (Cadaado) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ka soo amba-baxay magaalada Garoowe ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug. Ujeedka safarka Axmed Madoobe ayaa ah mid ugu kuur-galayo xaaladda magaaladaasi, isaga oo uga sii gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Sidoo kale inta uu joogo Cadaado, wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa Galmudug ee ku sugan halkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo Boolis ah la dhigay waddooyinka magaaladaasi, si ay u adkeeyaan amniga. Safarka Axmed Madoobe uu maanta ku tegay Cadaado ayaa ku soo aadaya, xilli galabta madaxweynaha Soomaaliya uu isna ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb oo ay is kala qeyb-gali doonaan shirka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. Si kastaba ha’ahaatee waxa ay noqon doontaa is-aragii ugu horreeyey iyo kulankoodii koowaad oo ka wada qeyb-galaan madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan markii dib loogu doortay doorashadii maamulka Jubbaland ee ka dhacday magaalada Kismaayo.
  4. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka bilowday dhammaan gobollada dalka Marka laga reebo Somaliland iyo Puntland. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalk oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda maanta Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka. Xarumaha Imtixanka lagu galayo ayaa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu talagay sugida amaanka xarumahaasi, waaxana sidoo kale jooga kormeerayaal lagu tala galay in ay ilaaliyaan Imtixanadka, kuwaasi oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada. Wararka kale ee laga helayo Goobaha Waxbarashada ayaa sheegaya in Shamso Maxamed Xaashi oo ah Ardayad Umushay Xiligii imtixaamka ay u fariisan lahayd ayay Dowladda Soomaaliya Imtixaamka Dugsiga Sare ugu geysay Cusbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho. Shamso iyada oo faraxsan ilmeheeduna u caafimaad qabo ayaa sariirta imtixaamka looga Qaaday. Galmudugna, Wasirrka Waxbarshada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furay imtixanka Qaranka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare sanad dusiyeedka 2019-2020 oo maanta halkaa ka furmay, waxaana u fariistay in ka badan 2,500 oo arday deegaanada Galmudug. View the full article
  5. Golaha Guud ee Garsoorka Dowlada Jubbaland ayaa baadigoob ugu jirta Garsoorayaal cusub oo Xirfad sharci leh kuwasoo ka howlgalaya Maxkamada Magaalada Kismaayo. Maxkamadu waxay raadineysaa [...] The post Maxkamada Kismaayo oo Garsoorayaal raadinaysa appeared first on . Source
  6. Waxaa maanta bilowday imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiga sare ee fasallada Form 4, iyadoo ay jirto in ardada qaar ay waajahayaan dhibaatooyin farabadan. Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan ardayda gobollada dalka marka laga reebo Puntland oo si gaar ah u qabsaneysa imtixaanka. Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay iney imtixaanka u diyaariyeen 2000 oo askari oo sugaya amniga goobaha imtixaanka. Si kastaba, imtixaanka Shahaadiga ah ayaa sanadkan waxaa u fariistay arday kor u dhaafsiisan 35 kun oo arday oo imtiaxaanka ku galaya Dowlad Goboleeda Dalka. Iyadoo ay sanadkan tahay sanadkii 6aad ee si xiriir ah loo qabanayo imtixaanka midaysan. Halkan ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Imitaanka Dugsiyada Sare Goobjoog Edu Source: goobjoog.com
  7. The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) has come in support of the talks between Somalia and Somaliland initiated by the United States and hosted by Djibouti. At the 36th IGAD Summit attended online by the leaders of member states, development on the talks was discussed with all expressing hopes of a solution. “We commend the ongoing Talks between the Federal Government of Somalia and Somaliland, led by President Ismail Omar Guelleh and Prime Minister Abiy Ahmed, We look forward to receiving updates on the progress of the technical committees in negotiating a lasting solution. ” said a statement from IGAD. The video conference was attended by all IGAD leaders, who reported on progress made in resolving the conflict in South Sudan, the IGAD member states’ response to COVID-19 issues, and other issues related to cooperation and socio-economic integration in the region. The position by IGAD came just five days after a scheduled meeting between the federal government of Somalia and the Somaliland government was postponed. Reports from Djibouti indicated that the federal government of Somalia requested that the talks be delayed for a week. Somalia did not explain the reasons for their request for the postponement, but it emerged that the Somali government is currently facing mounting political pressure from both the opposition and the regional administrations over the impending elections. The Somali and Somaliland governments have already signed a preliminary agreement in Djibouti, but nothing has so far been formally adopted by both countries. Source: busiweek View the full article
  8. Urur Siyaasadeedka Kash oo shirweynohoodu uu maanta ka furmay Garowe ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne Deni. Shirweynaha Ayaa si rasmi [...] The post Sawiro- Madaxweyne Deni oo ka qayb galay Shirwaynaha US Kaah appeared first on . Source
  9. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo will leave Mogadishu for Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state on Saturday afternoon. The office of the President has released a statement to confirm the travel of Farmajo. He will join the Federal Member State leaders expected to discuss elections model. “President Farmajo will arrive in Dhusamareb this afternoon to attend a meeting between the Heads of the Federal Government of Somalia and the Member States to discuss cooperation between the two levels of government and the upcoming national elections.” Villa Somalia said in a statement. In a joint communique by the leaders last week, the regional leaders ruled out the possibility of one person, one vote elections in the country after days of meeting They have called for an inclusive model to be agreed upon by the stakeholders before the end of the current government’s mandate. View the full article
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Saraakiisha ammaanka magaaladaasi ayaa sheegay in xubnahaasi lagu qabtay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay halkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah xubnaha la qabtay ay ku sii jeedeen dhanka buuraleyda gobolka Bari oo ay ku xoogan tahay kooxdaasi. Ma shaacin saraakiishu tirada xubnaha gacanta lagu dhigay, balse waxa ay tilmaameen inay haatan ku hayaan baaritaano dheeraad ah, kadibna at ka warbixin doonaan. Howl-gallada oo laga sameynayo afarta xaafadood ayaa ah kuwa sii socda, waxaana lagu xaqiijinayaa amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Kooxda Daacish oo gacanta ku heyso deegaano hoostaga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro ka fulisa deegaanada maamulka Puntland.
  11. Jubaland state forces have arrested two alleged Al-Shabaab militants during an operation in Kismayo, the southern port city on Saturday. The regional police seized explosive devices, including grenades and other bomb-making materials such as wires and electronics, according to the local officials. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group is accused of planning attacks in the town, which serves currently as the interim capital of Jubaland state of Somalia. Last week, the city was hit by a grenade attack targeted a busy restaurant, killing at least two people and wounding several others, all civilians per police statement. Despite losing control of the key strategic areas in Somalia following an offensive by the Somali National Army backed by AMISOM forces and US air support. View the full article
  12. Warbixin uu soo saaray machadka Hiraal oo ka hadlayso amniga ayaa wax badan looga hadlay, iyadoo lagu sheegay inuu jiro hoos u dhac weerarada Al-shabab. Waxaa ay sidoo kale ay ku doodeen in ay hoos u dhaceen weerarada Al-shabaab ee bisha barakeysan ee Ramadan. Waxaa qoraalka ku jiray : Si kastaba ha noqotee, weerarada AQM ee sanadkan ayaa ah jajab ka mid ah wixii ay ahaayeen lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019 Weerarda Ramadaanwaxay ka dhaheen “weerarada kooxda ee Ramadaanta hoos ayay u dhacday”. Sidoo warbixinta ayaa lagu xusay sababta keenta in ay yaraadaan waxaana laga yiri” Maaddaama bartilmaameedyada laga yaabo inay joogaan guryahooda ama ay beddelaan jadwalkooda. Dhanka kale warbixinta ayaa lagu xusay in bartilmaameedyada weerarada Al-shabaab u badanaa ciidamada xoogga dalaka iyo AMISO waxaana laga yiri” Bartilmaameedka kooxda ayaa sii ahaanaya XDS iyo AMISOM. Dhinaca kale warbixntu waxay taabanaysaa weerarda qorsheysan ee Al-shabaab ay ku beegsadaan ciidamada amniga iyo shaqsiyaad gaar ah waxaana ay ka tiri” Booliska iyo dadka shacabka ah waxaa lagu bartilmaamedsadaa dilal qorsheysan oo loo adeegsado bastoolado iyo AMQ oo lagu dhejiyo gaadiidkooda. Halkaan hoose ka Akhriso warbixnta Machadka Hiraal Warbixinta-Ammaanka-Sanad-Badhka-ee-Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garoowe (Caasimada Onlline) – Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa maantamagacaabay guddiga doorashada xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha ee maamulkaasi. Kulan ay golaha wakiilada Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, islamarkaana uu guddoomiyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil guddoomiyaha golahaasi ayaana lagu magacaabay guddigan, kadib wareegto uu saaray guddoomiyuhu. Sidoo kale guddiga ayaa ka kooban illaa shan xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono doorashada xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland oo beri dhaceysa. Halkan hoose ka aqriso:- Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, MARKUU ARKAY: – Dastuurka DPL Qodobada 64-aad iyo 117-aad. MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 8-aad faqrada 11 -aad. MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada DPL. MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland. Wuxuu Magacaabay: Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. 1- Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye 2- Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin 3- Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin 4- Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin 5- Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, marka laga reebo Somaliland & Puntland. Imtixaankan oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa u fariisatay illaa 35 kun oo arday ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka. Sidoo kale waxaa imtixaankan lagu galayaa illaa 112 Xarumood oo la geeyey ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska, si ay sugaan ammaanka. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo imtixaanaadkan ka daah-furay caasimada ayaa guul u rajeeyey ardayda galeysa. Dhankiisa wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa fariin u diray dhamaan ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisatay imtixaanka qaran ee shahaadiga ah. “Annigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisatay u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaan”ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Goodax Barre. Waa sanadkii lixaad ee ay dowladda dhexe qaadeyso imtixaanka dugsiyada sare, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sanadkaan wasaaradda waxbarashadu ay sidoo kale ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore.
  15. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Casumaad ka helay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa Galabta wuxuu kusoo wajahan yahay Magaalada Dhuusamareeb . Madaxweynaha ayaa [...] The post Madaxweyne Farmaajo oo Galabta laga sugayo Dhuusamareeb appeared first on . Source
  16. Ciidamada Sirdoonka dowlad goboleedaka Jubbaland ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shaab, kadib howlgallo 24-kii saac ee tagay ay ciiodamadu ka wadeen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, waxlxaha qaraxyada ah ee la soo bandhigay ayaana u badnaa Bombooyinka gacanta laga tuuro. Qoraal ka soo baxay taliska sirdoonka Jubbaland ayaa lagu yiri” Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha” ayaa lahu yiri. Taliska ayaa sidoo kale sheegay intii uu howlgalku socday in la soo qabto rag ka tirsan Al-shabab sida ay hadalka u dhigeen “Sidoo kale ciidanka Nabad Sugidda hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen. ayaa lgu yiri qaraalka ka soo baxay Sirdoonka. Ciidamada sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa maamlmihii tagay howlgallo kala duwan ka waday xaadaha magaalada Kismaayo, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga iyo deegaanada hoos yimaada magaalaga kuna teedsan dhanka webiga Jubba ee gobolka Jubbada hoose, ciidamada ayaana xusay in howlgalkaan lagu xiijinayo amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-London)-Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadihii dhanka safarka ee ay ku joojisay Soomaaliya iyada oo muwaadiniinteeda ku boorisay in aysan u safrin Soomaaliya. Xafiiska Arimaha Dibada ee UK, ayaa ka digay in Soomaaliya aanay wali daganayn isla markaana ay qatar ugu jirto weeraro argagixiso. UK, waxay kula talisay muwaadiniinteeda tagaya Hargeysa iyo Berbera inay feejignaadaan. “Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya’ iyagoo intaas ku daray inay jirto khatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka. In ka badan seddex sano oo hor leh ayay Uk kordhisay xayiraadaha dhanka safarka Soomaaliya. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxdtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyey safar uu madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegayo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Cabdinuur ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu gelinka dambe ee maanta tegayo magaaladaasi, islamarkaana uu uga qeyb-galayo shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka oo dhowaan ka dhacaya halkaasi. “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Dhinaca kale waxaa haatan magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta loogu jiro wafdiga madaxweynaha Soomaaliya. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi. Shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo lagu soo aadiyey, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka siiba arrimaha doorashada 20/21.
  19. NAIROBI (HOL) - Sustained pressure from allied forces and impact of COVID19 on movement of populations has slowed down Al-Shabaab attacks but the group has switched from large scale bomb attacks to deployment of IEDs, a new report has said. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI (HOL) -Sustained pressure from allied forces and impact of COVID19 on the movement of populations has slowed down Al-Shabaab attacks, but the group has switched from large scale bomb attacks to the deployment of IEDs, a new report has said. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Hargeysa)-Dalalka iyo Ururrada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dhinaca Dimuqraadiyadda, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xisbiyada Siyaasadda Somaliland kala saxeexdeen 12kii Bishan July ee loogu diyaar garoobayo qabashada Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland sannad 2020ka gudihiisa. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay war murtiyeedka Beesha Caalamka, kaasi oo lagu sheegay in heshiiskaasi uu fursad u yahay qabanqaabada doorashooyinka, kaas oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku ay muddo 14 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa 12kii Bishan July ay ku soo gudbiyaan qorshahooda dhinaca farsamada ee lagama maarmasnka u ah Doorashooyinka. Dalalka iyo Ururtada Somaliland ka saacida hannaanka Dimuqraadiyadu, waxa ay xuseen inay reer Somaliland oo dhammi qayb ka noqdaan, iyadoo inta ugu badan da’yarta dalka oo wiilal iyo haweenba leh aanay qaarkood waligood soo dooran Wakiilladooda ama ay fursad u heli doonaan in iyagaba la doorto. Warmurtiyeedka beesha caalamka, waxa lagu iftiimiyey in doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanku ay muhiim u yihiin sumcadda Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo ay ku booriyeen Madaxweynaha, Xisbiyada, Baarlamaanka iyo Maxkamadda Sare in lagu daro qorshaha Doorashada qoondadii Haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay. Ugu dambeyn, beesha Caalamku waxa ay si xoog leh u bogaadiyeen horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay kaalin ka geystaan nidaamka Doorashooyinka Somaliland oo ay ka mid tahay ilaalinta Kootada Haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay. Dalalka war-saxaafadeedkan wadajirka u soo saaray, waxa ay kala ahaayeen Belgium, Canada, Denmark, Djibouti, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska, Maraykanka iyo Qarammada Midoobay. Source
  22. (SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda Somaliland, taas oo salka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool. Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lagala dhex-galo maleeshiyaadka diriraya ee ku sugan Sool. “Somaliland ayaa isku direysa Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sool, ujeedkoodu waa in ay ka qabsadaan dhinicii awood badiya ama Magaalada gacanta ku dhigo, Ciidamo ka socda Somaliland oo goobta ku sugan ayaa diiday in la kala dhexgalo.” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Puntland. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wada guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidan badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dawladda Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyey. Source
  23. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay safarka la filayo in maanta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku gaaro magaalada Dhuusamareeb Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u tegayo si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada-shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka dalka. “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan laga dareemayaa degmada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre. View the full article