-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-18072020.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaa caawa ku wada sugan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka. Kadib markii uu gelinkii dambe ee maanta magaalada Dhuusamareeb gaaray Madaxweyne Farmaajo, waxaa soo dhaweeyey xubno ay hor ka cayeen Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed. Maadaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa markii ay garoonka ka baxeen toos u aaday guriga Gobolka oo la dejiyey Madaxweynaha, waxayna halkaas ku yeesheen kulan ay albaabadu u xiranyihiin. Illaa hada kulankii u bilaawday madaxdan, soo dhaweyntii madaxweynaha kadib ayaa weli u socda, waxaana faahfaain dheeraad ah laga heynin waxyaabaha ay ku gor feynayaan kulankooda. Waxaa xusid mudan in kulankaan ay ka maqanyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo caawa ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Garowe. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, halkaas oo caawa uu ku hoyanayo, halka madaxweyne Puntland Saciid Deni uusan weli ka soo bixin Garowe. Labadan madaxweyne ee dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegayaa inay ka cusleysteen ka qeyb galka soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa in berrito ay soo gaaraan Dhuusamareeb. Magaalada Dhuusamareeb saacadaha nasoo aaddan waxaa la filayaa in uu ka furmo wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaana shirkaas lagu lafa-gurayaa arrimaha ku geedaaman geedi-socodka siyaasadda dalka oo ay ugu horeyso doorashada soo socota ee 2020-2021.
-
London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa markale ku celisay digniintii safarka ee Soomaaliya, iyada oo ka reebtay deegaano ka tirsan Somaliland, midaasi oo ay ku sheegtay qoraal ku socday muwaadiniinteeda. Xafiiska Arimaha Dibada ee Ingiriiska ayaa shaaciyey inay markale dowladdoodu ay dib u cusbooneysiisay xayiraadihii safarka ee ay ku joojisay in muwaadiniinteedu ay tagaan gudaha Soomaaliya. UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay tagista Soomaaliya, oo ay ku sheegtay in weli ay ka taagan tahay qatartii ay hore uga joojisay inay ugu safraan, taasi oo aheyd saddex sanno ka hor. Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay weeraro argagixiso wajaheyso, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta UK, oo dowladdu ay sheegtay inay mas’uul ka tahay. “Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyadoo ay jirto qatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah” ayaa lagu yiri qoraalkaasi Xafiiska Arimaha Dibada ee UK. Waxaana ugu dambeyntii qoraalkaasi lagu sheegay in muwaadiniinteeda u safraya Hargeysa iyo Berbera, ay muujiyaan feejignaan dheeriya, midaasi oo ka dhigaysa in xanibaada safarka muwaadiniinteeda ee Soomaaliya aysan ku jirin Somaliland. Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa amni ahaan ka fiican gobolada kale, taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay kala saarista dadban ee uu Ingiriisku sameeyay. Xanibaada safarada muwaadiniinta UK ee ku aadan gudaha Soomaaliya ayaa soo socotay sanadihii u dambeeyay, iyada oo Ingiriisku uu sanad walba dib u cusbooneysiiyo, isagoona ka boorinayey muwaadiniintiisa u safrida dalkeena.
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax goor dhow oo caawa ah ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa ayaana ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso,oo la dhigay wadada dhinaceeda. Qaraxa miino ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay meel u dhow maqaayadda Crems, markii uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa goobta marayey, gaari uu watay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga XFS Cabdinaasir Saciid Muuse. Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa uu dhaawac ka soo gaaray afar ruux oo shacab ah, kuwaas oo ka dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka si loogu dabiibo xaaladahooda. Wasiir ku-xigeenka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo watay gaari nuuca saarufta ayaa wax khasaare ah uusan ka soo gaarin qaraxa, mana jiro wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxamuud Maxamed Culusow oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku xadgudbay karaamada Weriye Cabdicasiis Gurbiye , sidaas darteedana laga rabo in uu bixiyo magdhaw ” Halkan Ka Daawo Maxamuud Maxamed Culusow Oo Ka Hadlay Arinta Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo oo wafdi uu hoggaamniyo ayaa galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo ku xigeennadiisa, xubno ka tirsan goleyaasha heer Federaal iyo heer dowlad foboleed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgalaya shirka wadatshiga dowlad goboleedyada iyo Federaalka oo maalmaha soo socda ka furmaya Dhuusamreeb, kaas oo looga hadli doono hannaanka geeddi socodka siyaasadda dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb inuu kulamo gaargaar ah la qaadan doono madaxda heer dowlad goboleed, waxgaradka degaanka iyo bulshada rayidka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo Xaaji-Baasto. Qaraxa ayaa ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay gaariga wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Saciid Muuse oo halkaas marayey. Wararka ayaa sheegaya in wasiirku uusan la socon gaariga xilliga qaraxaas lala beegsaday, waxaana ku dhaawacmay illaa afar qofood oo shacab ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Mudooyinkii dambe Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo intooda badan lala fiirsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabka ah. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.
-
Source
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state on Saturday afternoon. The head of state will join the Federal Member State leaders to discuss elections model. Prime Minister Hassan Ali Khaire led senior government officials and Galmudug state leaders who welcome the President upon his arrival in the city. His trip comes after a joint communique by the leaders called another inclusive model to be agreed upon by the Somali political leaders who are at loggerheads of the electoral model. View the full article
-
Maxamuud Maxamed Culusow oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku xadgudbay karaamada Weriye Cabdicasiis Gurbiye , sidaas darteedana laga rabo in uu bixiyo magdhaw ” Halkan Ka Daawo Maxamuud Maxamed Culusow Oo Ka Hadlay Arinta Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-18072020.mp3 View the full article
-
The post Daawo Sawirada Shirweynihii Ururka Mideeye iyo maanta appeared first on . Source
-
Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa safar aan la shaacin oo lama filaan ah ku tagay caasimada dalka Eritrea ee Asmara, xili dalkiisa ay ka taagan yihiin rabshado hor leh. Abiy Axmed ayaa waxa si weyn madaarka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyada oo noqoneysa booqashadiisi shanaad ee uu dalkaasi ku tago. Itoobiya iyo Eritrea ayaa xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan yeeshay kadib markii ay labada dal soo afjareen xiisadii ka dhex aloosneyd bishii Luulyo ee sanadkii 2018. Wararka aan ka helayno safarkaasi ayaa sheegaya in Abiy iyo Afwerki ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xiisada ka taagan Itoobiya, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn qaabka ay diirada u saareen. Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada-hadlay dadaalo lagu dar-dar gelinayo heshiiskii iskaashi ee ay kala saxiixdeen, kaasi oo soo afjaray khilaaf socday in ka badan labaatan sano. Kulanka Afwerki iyo Abiy ayaa lagu soo hadal qaaday xiisada ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar ee Nile-ka, xili ay dowladda Addis-Ababa ay bilowday buuxinta biyo-xiteenka uu muranka badan ka taagan yahay. Booqashada Abiy ee Asmara ayaa imanaysa xili ay dalkiisa ka taagan yihiin rabshado iyo qalaalase siyaasadeed oo ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan caan ah oo kasoo jeeday Oromada.
-
Garowe (PP News Desk) — Garowe is hosting the first conference for Kaah, a political association of the incumbent Puntland State Government. Puntland President Said Abdullahi Deni, Speaker of Puntland Parliament and his deputies and Ministers attended the first day conference. Puntland Minister for Aviation, who is also the Chairman of Kaah, Ilyas Osman, delivered a speech. He described the political association as an inclusive political entity aiming to graduate to a political party after the pilot, local elections to take place in Puntland next year. Fu’ad Abshir, the Deputy Chairman of Kaah, gave a speech on the political programme, milestones the association has so far attained and tasks awaiting it ahead of local elections. Kaah aims to boost its membership through a campaign in the nine regions of Puntland where it has opened branches. Kaah faces stiff competition from several political associations including Mideeye, and Mustaqbal, into which three political associations merged two months ago. President Said A. Deni (right) and Puntland Parliamentary Speaker, Abdirashid Jibril (left) are members of Kaah Campaign finance is a key issue facing the Puntland democratisation process. Political associations rely on membership fees to campaign and organise annual conferences. There is widespread suspicion that Kaah is using the public purse to put other political associations at a isadvantage. Puntland President, the Vice President and Parliamentary Speaker hold senior leadership positions of Kaah. Transitional Puntland Electoral Commission has the mandate ”to create a level playing field for all electoral stakeholders, especially political actors.” TPEC will oversee the planned, pilot local elections for three districts in Puntland. © Puntland Post, 2020 The post A CONFERENCE FOR KAAH POLITICAL ASSOCIATION KICKS OFF IN GAROWE appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabduklaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Wafdiga uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona wajiga labaad ee shirkii dhawaan madaxda shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb. Madasha Dhuusamareeb waxaa ka maqan madaxweyne Axmed Madoobe oo booqasho ku jooga magaalada Cadaado kaas oo la filayo inuu caawa soo gaaro caasimadda, halka madaxweyne Deni la rajeynayo inuu berito soo gaaro.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday Xudeyfa Daa’uud Yuusuf, kaas oo laamaha ammaanka ay qabteen 25-kii bishii Nuvembar, sanadkii tagay 2019-ka, waxaana loo haystaa inuu ka mid ahaa Al-shabab, sida ay cadeystay xeer ilaalinta , makamadda ayaana ku xukuntay xabsi ciidan oo gaarayo 15 sano. Halkaan Ka Akhriso qoraalka maxkamadda Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayaa la sheegay inuu Alshabaab kaga biiray deegaanka Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose ka hor inta aysan gacan ku haynteeda la wareegin Ciidamada Xoogga Dalka. Mid ay ehel wadaag yihiin ayaa ku tashkiilay ku biiirista Alshabaab, waxaana la baray Sida gawaarida loogu Xiro Qaraxyada. Isku daygiisii ugu horreeyay waxa ay kaga fashilantay degmada Kaaraan, waxaana isku deygiisa labaad isaga oo ku dhajinaya Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe ay ku qabteen Ciidamada Amniga ee Ilaalada ka haya Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. 25-kii November sanadkii tegay ayaa lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA. Wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan. Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf 20-kii June bishii ina dhaaftay. Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan. Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed. Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo safar degdeg ah ku tagay Magaalada Asmara (Eritrea)+Sawirro Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta safar deg deg ah oon horey loo sii shaacin waxa uu ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eretria . Abiy Axmed iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki , waxaana loo galbiyay Abiy madaxtooyada dalkaasi uu kulamo gaar ah kula qaadan doono Madaxweynaha. Safarkan uu Asmara ku tagay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa mid deg deg ah oon horey looga sii warqabin, waxaana safarkan uu kusoo aadayaa xili gudaha Itoobiya gaar ahaan gobolada Oromada kasocdaan rabshado ka dhashay dilka Fanaan caan ahaa. Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa marar badan safaro kala duwan ku tagay dalka Eretrea , lamana oga safarkan hada uu ku tagay waxa uu daaran yahay iyo waliba waxa ay labada masuul kawada hadli doonaan. Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale banaan baxyada rabshadaha wata marka laga soo tago wajaheysa cadaadis kaga imaanaya dhinaca dowladaha Masar iyo Sudan ay isku hayaan biyo xireenka Wabiga Niil. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Galabta wuxuu gaaray Magaalada Dhuusamareeb . Raysal wasaaraha, Iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa halkaas [...] The post Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb lagusoo dhaweeyey appeared first on . Source
-
International Partners supporting #Somaliland’s democratization process welcome the Somaliland Political Parties agreement, signed on 12 July, to conduct Local Council and Parliamentary Elections in 2020 – Read full statement: https://t.co/fdyu9q7fjF pic.twitter.com/2Or8sl6Swl — UNSOM (@UNSomalia) July 17, 2020 Beesha caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland, kaasi oo xal looga gaadhay khilaafka doorashooyinka. Dalalka beesha caalamka ee sida weyn ula dhacsan nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, ee dhanka doorashooyinka ayaa garab istaag buuxa ugu muujiyey heshiiska cusub ee laga gaadhay qabsoomida doorashooyinka. Dalalkaasi oo ay kamid yihiin Mareykanka, Norway, Sweden, Canada iyo UK oo ay ku wehlinayaan hay’addo caalami ah oo ay hor kaceyso Qaramada Midoobay ayaa si wada-jir ah ugu sacabo tumay in doorasho loo dhan yahay ay ka qabsoomto Somaliland. “Saaxiibada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay soo dhaweeyeen heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee la saxeexay 12 Julay 2020 si doorashada baarlamaanka iyo deegaanka loo qabto 2020” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay si wada-jir ah usoo saareen in ka badan 15-dal iyo ururo caalami ah. Waxa kale oo lagu yidhi war-murtiyeedkaasi “Heshiiskan taariikhiga ahi wuxuu fursado cusub siinayaa in hore loo sii wado diyaar garowga doorashada waxaana looga baahanyahay guddiga doorashada inay 14 cisho gudahood waqti farsamo ee jadwalka ku keenaan oo ka bilaabmayay 12 Julay 2020”. Dalalkaasi ayaa sidoo kale heshiiska laga gaadhay khilaafka doorashooyinka Somaliland u arka mid si gar ah fursad u siinaya dhallinyarada haweenka iyo ragga leh ee aan weligood dooran wakiiladooda ay doortaan, maadama dhowr jeer loo muddo kordhiyey. Ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda, Baarlamaanka, guddiga doorashada iyo maxkamadda sare ugu baaqeen in dadka laga tirada badan yahay lagu daro inay codeeyaan oo ay murashixiin noqdaan, xili la isku af-gartay in wax badal lagu sameyn saamiga doorashada ee beelaha Somaliland. Qaran News
-
Halis ka soo fool leh markab taagan xeebta Yemen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u fadhiisanaya si uu uga xaajoodo halista ka soo fool leh markab saliidda qaada oo daxalaystay oo taagan meel ka baxsan xeebaha Yemen ee Badda Cas. Markabkaas oo la yidhaa FSO Safer ayaa sida in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid caydhiin ah waxaanay khubaradu ka dardaar werinayaan masiibo ku habsan karta deegaanka badda hadii marbkaasi burburo. Markabkan ayaan wax dayac tir ah helin tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka ba’an ee sokeeye ee Yemen shan sano ka hor. Fallaagada Xuutiyiinta ayaa Axaddii aqbalay in ay koox ka socota Qaramada Midoobay u ogolaadaan in ay fuulaan markabkaas laakiin waxa muran ka taaganyahay sida loo iibinayo saliidda saaran. FSO Safer wuxuu shaqaynayey 45 sano waxaanu barroosinka dhigtay meel qiyaastii 60km u jirta dekadda Xudayday ee woqooyiga dalkaas ku taal oo ay fallaagadu gacanta ku hayaan. Biyo ayaa durba galay qolka matoorka markabka, waxaanay arintaasi sii kordhinaysaa halista ah inuu markabku dego ama laba u kala go’o. Waxa jira xal lagu furdaami karo laakiin Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in isku daygaasi keeni karo masiibo. Ka sokow in ay baabiin karto nolosha kalluunka badda ku jira hadii saliiddu ku daadato, waxa kale oo ay sidoo kale khasaare weyn gayeysiinaysaa dadka noloshoodu ku tiirsantahay kalluumaysiga. Urur u ololeeya daryeelka deegaanka Yemen oo la yidhaa Xulm Akhdar, ayaa ku qiyaasay tirada dadka ku shaqo beelaya hadii masiibadaasi dhacdo in ay ka badan tahay 126 000 oo qof. Bishii hore ayaa digniin uu soo saaray ururku waxa uu ku sheegay “Yemen waxay ku qaadan doontaa muddo dheer in ay nadiifiso dikhowga badda. Degaanka Badda Cas waxay ku qaadan doontaa 30 sano inuu ka soo kabto halista ba’an ee ku soo fool leh hadii saliiddaasi ku daadato”. Sidoo kale hadii saliidaasi ku daadato badda waxay sidoo kale xayiri doontaa mid ka mid ah marin biyoodada dunida kuwa kugu mashquulka badan waxaanay saamayn doontaa in badeecado gaadhaan dekadda Xudayda oo ah halka keliya ee loo mariyo gargaarka laba meeloodow saddex dadka reer Yemen. Dabayaaqadii bishii June, ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay walaac mug leh ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen “halista isa soo taraysa ee ka imanaysa markabka SFO Safer oo ku burburi kara badda isla markaana keeni kara masiibo deegaan iyo mid dhaqaaleba oo gaadha Yemen iyo dalalka ollogeeda ah”. Xulm Akhdar Waxay ugu baaqeen Xuutiyiinta in ay “si degdeg ah fursad aan shuruudi ku xidhnayn u siiyaan khubrao farsamo oo ka socota Qaramada Midoobay in ay soo qiimeeyaan xaaladda markabka oo ay eegaan sida ay suurto gal u tahay in si degdeg ah loo kabo markabkaas oo ay soo bandhigaan sida ugu habboon ee markabkaa saliidda looga rogi karo”. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay ka arinsanayso sida loo iibin karo saliidda markabkaa saaran oo lagu qiyaasay 40 milyan oo doolar ee loogu qaybin karo dakhligaas Xuutiyiinta iyo xukuumdda Yemen ee ay xufulada Sucuudigu hogaamiyo ee dalalka Carbeed ahi taageeraan. Haseyeeshee, Xuutiyiinta ayaa ku adkaystay in la aqbalo in ay iyagu saliidda markabkaa saaran xaraashaan. Qiimaha saliidda markabka saaran ayaa haatan taagan kala badh intii uu ahaa intii aan sicirka saliidda dunidu dhulka gelin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Walow uu xataa kaba sii hoosayn karo marka la eego tayada saliidda markaba saarani sida ay tahay haatan. Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa waxa la sheegaa in ay ku dhinteen 100,000 oo qof sidoo kalena uu sababay waxa ay Qaramada Midoobay ku sheegtay masiibadii aadamenimo ee ugu xumayd dunida. Qiyaastii 80% dadka dalkaas oo ka badan 24 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar iyo ilaalo la siiyo, waxaana la qiyaasay in laba milyan oo caruur ah ay hayso nafaqo darro ba’ani. Dalku waxa uu sidoo kale la daalaa dhacayaa fayraska korona. Lise Grande, oo ah isku duwaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Yemen, ayaa Isniintii yidhi “Yemen culayska haatan haysta in ka badan ma qaadi karto. Ma hayno dhaqaale nagu filan oo adeegyadii caafimaadka iyo biyuhu waa gabaabsi. Macaluul ayaa mar labaad dalka soo food saartay dadka dalka oo dhanna fayraska korona ayaa faro baas ku haya” Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug iyo Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya wejiga labaad ee shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,kaas oo diirada lagu saarayo hirgalinta doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin. View the full article
-
Nin soo qabashadiisa oo keliya loo hawlgeliyey 2,500 oo askari? In kabadan 2,300 oo boolis ah ayaa loo howlgeliyey howlagalka lagu soo qabanayey ‘Rambo’ Booliska dalka Jarmalka ayaa xiray nin la magacbaxay ‘Rambo’ oo ay muddo shan maalmood ah ka baadi goobayeen dhul keymo ah. Yves Rauchm oo ay da’diisu 31 jir tahay ayaa ku dhuumaaleysanayey keymaha Oppeanau oo ku yaalla galbeedka dalka Jarmalka, kaddib marki uu Axaddi afar askari oo boolis ah weerar ku soo qaaday bistooladihi ay siteenna uu ka uruursaday. Soo qabashada ninkaasina waxaa loo howlgeliyey boolis tiro badan oo ay wehliyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo eeyda wax urisa uu boolisku adeegsado. Booliska waxay sheegeen iney howlgalkan ay ka qayb qaateen 2,530 askari. Ninkan falkaasi looga shakisan yahay ayaa keymaha ku dhuumaaleysanayey isaga oo hub sitay booliskana la dagaallamay, sida uu sheegay taliyaha booliska ee gobolkaasi Jureger Riger oo warfidiyeennada u warramay. Mr Rausch ayey boolisku soo qabteen isaga oo dhawaac ah kaddibna waxaa loo qaaday isbitaal si dhaawaciisa loogu dabiibo. Soo qabashada ninkaasina waxaa booliska gacan ka siiyey oo xog la wadaagay nin waraaqaha boostada dadka u qaybiya. “Aad ayaan u faraxsanahay, maadaama la soo afjaray xaaladdii soo wajahday magaaladeenna yar”, ayuu yiri Maayar Uwe Gaiser oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. Yves Rausch waxaa lagu qabtay guri ku yaalla meel ku dhaw keynta Oppenau Siduu ku billawday isku dhaca booliska iyo ninkan dhexmaray? Booliska ayaa marka hore lagu soo wergeliyey inuu jiro nin looga shakiyey inuu isdaldalo uu ku sugan yahay keyn ku dhaw Oppenau. Booliski marka ay goobta tageenna waxay la kulmeen Mr Rauch oo keynta ku sugan, ninka laga shakisan yahay ee ay booliska soo qabteenna marki hore wuxuu iska dhigay nin diyaar u ah inuu amarka booliska u hoggaansamo wuuna iisu jilciyey, isaga oo marki dambe bistoolad la soo baxay afar askarina hubki ay siteen ka uruursaday. Mr Rauch marka uu falkaasi sameeynayey wuxuu xirnaa tuuta ciidan oo qafilan oo la mid ah kan ay dadka buuraha fuula xirtaan. Warbaahinta oo ninkan ugu yeertay naaneysta ah ‘Rambo’ wuxuu ka qaatay filimkii lagu matalayey dagaalkii dhexmaray Vietnam iyo Mareykanka oo ay shirkadda Hollywood sameysay. Maxaynu ka naqaannaa ‘Rambo’ Booliska waxay sheegeen ninkan inuu muddo dheer uu ku noolaa magaalada Oppeanau, aqoon durugsanna uu u lahaa keynta magaaladaasi ku dhaw. Booliska Jarmalka ayaa shaaciyey sawirka ninka howlgalkan lagu soo qabtay Hooyadii waxay sheegtay guriga uu kirada uu ku degganaa in sanadkii hore laga saaray. Balse hooyadu ma aysan sheegin halka uu wiilkeeda ku noolaa marki uu gurigi uu degganaa laga saaray iyo ilaa uu booliska weerarka u geysto. Hooyadii waxay intaa ku dartay, iunuu muddo kooban uu ku noolaa guri ay eeddadii leedahay ka hor inta uu billaabiin inuu keynta uu ku noolaado. “Wuxuuna iisu arkayey nin si dabeeci ah ku nool oo xor ah kaddibna billaabay keynta inuu ku noolaado” ayey tiri. Keynta inta uu ku noolaana wuxuu soo saaranayey khudaarta uu cuno, isaga oo sida oo kale qoryo iyo xaabo uu keyntaasi ka soo guro iibin jiray. Hooyadii waxay sheegysaa 8-ddii bishii July iney kula kulantay goob lagu qaxweeyo markaasina uu ula muuqday “qof caadi ah”. Toban sano ka horna ninkan wuxuu galay faldambiyeed iyada oo maxkamad ay ku riday xukun seddex sano ah markii lagu soo eedeeyey inuu haweeney uu xabbadeeyey. Sanadkii tagay, waxaa lagu arkay isaga oo sita sawirro carruur qaaqaawan ay ku jiraan, isla markaana baraha internetka ka baaraya macluumaad ku saabsan waxyaabaha qarx Qaran News
-
NAIROBI (HOL) - The international community in Somalia has welcomed the agreement by political parties in Somaliland to hold elections this year end vicious delays which has seen the parliament fo unelected for about 15 years. Source: Hiiraan Online
