Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Xuska Kowda Agoosto, oo ku beegan Maalintii la aas’aasay Dowladda Puntland 1998-dii. Guddiga Qaban-qaabada iyo Diyaarinta Xuska Kowda Agoosto, ayaa loo magacaabay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan, sida ku cad Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland. Guddiga la magacaabay, oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ,waxaa sidoo kale xubno ka ah Wasiirka Haweenka Aaamina Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maxamed Xassan Ciise, Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamed Cabdulqadir Cusmaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Musadaq Maxamed. Sidoo kale, waxaa xubno ka ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf iyo Gen. Cabdi Xassan Xuseen Cabdi Yare iyo Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdiweli Cali Cabdulle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Kowda Agoosto appeared first on Puntland Post.
  2. Taliska ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowladda ay ka sameeyeen K/Soomaaliya. Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland, Janaraal Maxamuud Ibraahim (Koojaar) oo u warramay warnaahinta ayaa tilmaamay in howl-galladaasi ay ka fuliyeen deegaano hoosyimaada degmooyinka Kismaayo iyo Beled-Xaawo ee gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, kuna burburiyeen xarumo ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn taliyaha ayaa xusay in howl-galladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland View the full article
  3. Muqdishoi (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerida Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaraddaasi, kaas oo xalay ku dhintay qarax miino oo ka dhacay wadada Makka Al- Mukarrama, gaar ahaan dhinaca isgoyska Taleex. Ugu horreyn wasiirka cadaaladda ayaa tacsi diray ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in Ilyaas uu ahaa shaqsi Alle ku sifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo. “Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaa” ayuu yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo la dhigay wadada dhinaceeda lala eegtay gaariga wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Saciid Muuse oo xilligaas gaarigiisa uu marayey halkaas, walow isag uusan la socon.. Mudooyinkii dambe Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo intooda badan lala fiirsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabka ah.
  4. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah. Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in qaraxaasi lala eegtay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa oo dhacay xilli fiid hore ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada, kuwaas oo ay sheegataan dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article
  5. Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa ka digtay roobab dabeylo wata oo ay sheegtay inay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka. War ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaasi la filan karo in saacadaha soo socda ay ku dhuftaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose, gaar ahaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla, sida Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe. Sidoo kale wasaaradda ayaa ugu baaqday maamullada degmooyinkaasi inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonaaday, islamarkaana ay taageero u muujiyaan bulshada. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose ee maamullada Jubbaland iyo K/ Galbeed. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in deegaano ka mid ah saddexdaasi gobol ay ku soo wajahan yihiin roobab xoogan oo dabeylo wata. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaasi la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, islamarkaana loo baahan yahay feejignaan dheeri ah. Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa si gaar ah fariin ugu dirtay dadka degan magaalooyinka dhaca xeebaha, sida Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo dhammaan ka kala tirsan gobolladaasi. Dhinaca kale wasaaradda ayaa ugu baaqday maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed inay u diyaar garoobaan ka hortagga dabeylahaasi, si aysan u geysan khasaare xoogan. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warkeeda ku sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-19072020.mp3 View the full article
  8. Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wata oo kuso wajahan qaar ka mid ah Gobolada dalka. War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka DFS ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, sigaar ahna uga dhacaan degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose. Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan burbur hantiyadeed sida Guryaha ku dhow dhow deegaannada Xeebaha ah iyo doomaha kalluumeysi,waxaana ay ugu baaqday dadka degan deegaannada Xeebaha inay ka digtoonadaan khataraha ka dhalan kara dabeylahaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka digtay dabeylo ku soo wajahan qaar ka mid ah Gobolada Dalka appeared first on Puntland Post.
  9. Dhusamareb (HOL) - Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in Dhusamareb on Saturday afternoon for consultative talks with Federal Member States (FMS) leaders. The president will chair the Consultative forum. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimad Online) – Waxaa la filayaa in uu magaalada Dhuusamareeb ka furmo shir ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalku, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimaha doorashooyinka. Mucaaradka qaarkood ayaa rumeysan inay suurta-gal tahay in wax walba sida ay u socdan iska badalaan, taasi oo ka dhigan in kala aragti duwanaanta Farmaajo iyo Kheyre ay noqon karto siyaasad lagu maaweelinayo mucaaridka. Farmaajo iyo Kheyre ayaa hore u muujiyey kala aragti duwanaan baaxad leh oo ku aadan qaabka ay u qabsoomeyso doorashada dalka ee 2020/2021. Kheyre ayaa sheegay inuu rabo in dalka ka dhacdo doorasho, si looga baaqsado muddo korodhsi horseedi kara qalaalase siyaasadeed, isla markaana loo qabto hanaan loo mideysan yahay, midaasi oo si cad uga hor imaneysa qorshaha Villa Somalia ee Farmaajo oo ah mid ‘qof iyo cod ah’, sidoo kalena ah xeelad muddo korodhsi. Kala aragti duwanaantaasi oo loo dhigay siyaabo kala duwan ayaa haddana mucaaradka qaarkood aysan weli si buuxda u wada aaminin, waxayna qaarkood u arkaan in qorshahaasi ay ku wada socdaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo muddo ka badan saddex sano uusan soo kala dhex-gelin wax khilaaf ah ama is-fahan waaya oo weyn. “Ujeedada u weyn ee warbaahinta loo marinayo kala aragti duwanaanta labada Mas’uul ayaa ah mid lagu indho sarcaadayo mucaaridka oo iyagu meel adag iska taagay muddo kordhin, balse ay Villa Somalia rabto in xeelad loo dhan-yahay ku shaaciso in dalka ka qabsoomi karin doorasho,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran. Si kastaba, Caasimada Online ayaa og in khilaafku yahay mid dhab ah, islamarkaana Kheyre ay ka go’an tahay in muddo kororsi aanu dalka ka dhicin. Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yarey ay ku sugan tahay magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la ogyahay inuusan jirin martiqaad rasmi ah oo uga imaaday ka qeyb-galka shirkaasi, oo sida uu qorshuhu ahaa ku koobna madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada. Villa Somalia ayaa u muuqata mid qorshaheedii muddo kordhinta u leexisay dhinac kale, iyada oo rabta in heshiis loo dhan yahay oo lagu shaacinayo ‘in muddada yar ee hadhay lagu qaban karin doorasho’ ka dhaco shirka Dhuusamareeb. Ilaa hadda ma cada qaabka ay Villa Somalia uga dhaadhicineyso madaxda maamulada dalka inay muddo kordhin dad-ban isla af-gartaan taasi oo ay qeyb ka tahay sheegashadii Xaliimo Yarey ee aheyd in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomeyn, howlo farsamo dartood oo hor yaala. Shirka Dhuusamareeb ayaa haddii laga soo saaro arrinkaasi oo lagu xoojinayo mowqifkii Xaliimo Yarey uu dhabar jab weyn ku noqonayo mucaaridka oo iyagu ku kaliyeysan doona diidmada mowqifkaasi,hase yeeshee ma muuqato taas, waxayna u badan tahay in shirkaas lagu kala tagi doono, maadaama Farmaajo aanu ka hari doonin mowqifkiisa muddo kororsi.
  11. Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Foreign Policy ee Mareykanka ayaa qoray in Ruushka ay ballaariyeen saameynta ay ku leeyihiin Soomaaliya, xilli ay safiir soo magacaabeen markii ugu horreysay muddo 30 sano kadib. Hase yeeshee arrinta walaaca leh ee wargeyska uu shaaca ka qaaday ayaa ah in xukuumadda Moscow ay xiriir qarsoodi ah la leedahay kooxaha xagjiriinta ee Soomaaliya, si ay u ugaarsadaan una dilaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda jooga Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah. Arrintan ayaa imaneysa, ayada oo dhowaan Wargeyska New York Times, uu daabacay in sirdoonka Mareykanka ay ogaadeen in Ruushka ay sanado u adeegsanayeen kooxda Taliban weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo xulufada NATO ee Afghanistan. Foreign Policy ayaa saraakiil ka kala tirsan wasaaradda difaaca, amniga, iyo amniga gobolka oo ku sugan Soomaaliya kasoo xigtay in sirdoonka Ruushka iyo kooxda Wagner Group – oo ah calooshood u shaqeystayaal u tababaran sida militariga islamarkaana xiriir la leh Moscow – ay ka howlgalaan Soomaaliya. Wagner Group, ayaa sida warbixinta ay sheegtay waxay xiriir hoose la leeyihiin Al-Shabaab, ayaga oo dhanka kalena isku dayaya inay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka u yaboohaan tababar iyo qalab. Wagner Group ayaa sidoo kale Ruushka uu adeegsadaa dagaalka dalka Libya, halkaasi oo ay taageeraan dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar. Labadii sano ee ugu dambeysay Ruushka iyo Iran ayaa muujiyey sida ay u danaynayaan Geeska Afrika, waxaana saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya laga soo xigtay in Ruushka ay Iran kala shaqeynayeen in Mareykanka laga saaro Soomaaliya. Warbiixnta Forign Policy ayaa si gaar ah u xustay in Ruushka uu daneynayo inuu dib ula wareego saldhigga Ballidoogle, oo ay horey u dhiseen militarigii Midowga Soviet, balse hadda ay degan yihiin ciidamada Mareykanka. Ruushka waxay sidoo kale daneynayaan dekedda Berbera. Saraakiisha ayaa rumeysan in weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ballidoogle 30-kii September 2019 ay kaalin ku lahaayeen Iran iyo Ruushka, balse weerarkaas ayaa la fashiliyey laguna laayey kooxdii soo weerartay. Halkan hoose ka aqriso warbixin si gaar ah uga hadleysa xiriirka Iran iyo Al-Shabaab.
  12. Amid the global debate about race relations, colonialism and slavery, some of the Europeans and Americans who made their fortunes in trading human beings have seen their legacies reassessed, their statues toppled and their names removed from public buildings. Source: Hiiraan Online
  13. One hundred thousand households in Somaliland in northwest Somalia have better access to water, protecting them not just from the ravages of climate change but also against the spread of COVID-19, Source: Hiiraan Online
  14. The Government of National Accord says it will recapture city of Sirte, a gateway to Libya's main oil terminals. Source: Hiiraan Online
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mushaarkii laga joojiyay laba Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa amar ku bixiyay in bishaan aan la siinin mushaarkooda laba kamid ah baarlamaanka maanulkaasi. Xildhibaanada mushaarka laga joojiyay ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Aadan Kaladire iyo Xildhibaan Geelle Isxaaq Warsame oo dhawaan iska casilay xilka wasiir ku xigeenka amniga HirShabelle. Ila wareedyo ka tirsan Madaxtooyada HirShabelle ayaa noo sheegay in mas’uuliyiintaan mushaarka looga joojiyay abaabulka Banaanbaxii bishii hore ka dhacag Beladweyne ee lagu taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, banaanbaxaas oo ay joojiyeen booliska Soomaaliya. Dhammaan Xildhibaanada HirShabelle ayaa qaatay mushaarkooda waxaana laga reebay labadaan mudane oo keli ah, waxaana sababta lagu sheegay in ay wadeen Banaanbax uusan ogoleyn maamulka, taas oo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya. Banaanbaxa ay abaabuleen labadaan Xildhibaan ayaa ahaa mid lagu taageerayo hadal uu Farmaajo ka jeediyay furitaanka Kalfadhigii 7-aad ee baarlamaanka oo ahaa 6-dii bishii June ee sanadkaan.
  16. Tripoli (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo Liibiyan ah ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad uu leeyahay militariga Imaaraadka Carabta, isla markaana siday qalab badan oo militari ay ka degtay garoonka ciidanka ee Al-Jufra todobaadkii lasoo dhaafay, sida uu daabacay wargeyska fadhigiisu yahay London ee Al-Caraby Al-Jadeed. Garoonka Al-Jufra oo ku yaalla bartamaha Liibiya waxaa maamula dagaalamayaal xiriir la leh shirkadda calooshood u shaqayteyaasha Ruushka ee Wagner, islamarkaana taageerada siisa dagaal-oogle Jeneral Khaliifa Xaftar. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhowaan uu Imaadraadku ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar siiyey shan diyaaradaha hubeysan ee aan duuliyaha lahayn ah. Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in Abu Dhabi ay ciidanka Jeneraal Xaftar siiyey seddax ka mid ah diyaaradaha dhuunta ee Israa’iil sameysay ee magacoodu yahay Heron, kuwaas oo awood u leh in ay qaadan xaddi badan oo qaraxyo ah. Diyaaradaha Heron TP2 ee aan duuliyaha lahayn waxaa howl-galladooda u adeegsada military-ga Israa’iil. Waxaa ay qaadi karaan tiro badan oo hub iyo qalabka xiriirka ah, waxaa lagu qalabeyn karaa gantaaladda dhulka lagu garaaco iyo bambooyinka la hago, waxay sidoo kale duuli karaan 30 saacadood, iyagoo ku socda xawaare ka badan 400 oo kilo-meter saacadiiba. Xukuumadda Abu Dhabi waxay sidoo kale ciidanka Jeneraal Xaftar siisay laba diyaaradood oo nooca CH5 ah, kuwaas oo uu Shiinuhu sameeyay, isla markana qaadi kara dagaalka iyo howgallada indho-indheynta ah iyo sidoo kale howlaha sirdoonka.
  17. Madaxweynaha Puntland oo xil cusub loogu doortay shirweyne ka dhacay Garowe+Sawirro Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay Shirweynaha urur Siyaasadeedka KAAH oo lagu qabtay magaalada Garowe. Deni ayaa shirweynahaas loogu doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Golaha dhexe ee Ururka ayaa sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash u doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa isna loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey sida bulshada Puntland ugu heelan tahay hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee Xisbiyada badan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb oo uu galabta gaaray Madaxweyne Farmaajo, si uu uga qeyb galo shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo halkaas ku furmaya maalmaha soo socda kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Qaran News
  18. Villa Somalia oo shaacisay cidda guddoomin doonta shirka Dhuusamareeb Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu guddoomin doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee ka furmaya Dhuusamareeb, xilli uu muran ka taagnaa arrintan. Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay tegitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.” Hadalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa imanaya iyada oo Galmudug ay horey ugu gacan saydhay dalab ka yimid Villa Somalia oo ahaa in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo madaxweynaha, mana cadda waxa isbedelay. Galmudug ayaa horey ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka. Si kastaba, maanta marka shirka uu si rasmi ah u furmo ayey kala caddaan doontaa cidda hoggaamineysa madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waddada KM4 ee aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xiran muddo todobaad ah kadib markii ay buux dhaafiyeen biyo wasaqeysan oo ka dhashay roobab xoog leh oo ka da’aya magaalada iyo qaar kamid ah gobalada kale ee Dalka. Laga soo bilaabo Kontaroolka Ciidamada NISA ee laga ilaaliyo garoonka ilaa guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa gooyay biyo wasaqeysan. Sidoo kale waxaa halkaas ku istaagay shaqada Shirkadda SAHAL oo xarun ku laheyd halka ay biyaha fariisteen. In waddada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho iyo shaqada garoonka diyaaradaha ay muddo Todobaad ah u go’naato biyo wasaqeysan oo fadhiya ayaa muujineysa dhibaatooyinka nadaafad darro ee ka jira magaalada Muqdisho. Sidoo kale Biyaha iyo Nadaafad darrada Muqdisho ayaa gooyay muddo maalmo ah wadada kale ee laga galo Airport-ka Muqdisho ee ku dhaw Xerada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliya. Biyahaan ayaa gooyay Al-baabka Xerada Ciidamada Cirka ilaa agagaarka Iskuulka Gen Kaahiye ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Qofkii raba inuu ka baxo ama ka soo daga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ku qasban inuu soo galo safar dheer oo dhanka degmada Waabari ah kana timaada KM4 iyo goobo ay buuxaan biyo halisyo amni oo badan leh. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah dadka maanta ka baxay Garoonka Muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaana khubarada amnigu sheegeen in laga haboonaa in waddo la dhaxmarayo biyo iyo wasaq tira badan in lagu safriyo Madaxweynaha Soomaaliya.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waddooyin ay biyo dhax-ceegaagaan, goobo ay dhax-buuxaan qashin nuucyo kala duwan isugu jira iyo laamiyo ay karkaarada jabeen ayaa gacmaha ku xaaqayaan Haweenka iyo Wiilasha ka diiwaan gashan gobalka Banaadir ee loo yaqaano Malaamileyda. Xiliyada qaar waxay la kulmaan xaalado halis oo ah in qaarkood la dumaan laamiyada qaar oo ay biyo maasheeyeen. Sidoo kale waxay howshaan ku jiraan iyada uu socdo roob xoogleh ugu yaraan saacadiiba mar ama laba gudaha magaalada Muqdisho. Shaqaalahan ma heestaan qalab ay shaqada ku qabtaan markii laga reebo Iskoobo, Badiil iyo Qashin Gure, kuwaas oo aan waxba ka gelin qashinka biyaha soo qaaday ee Fadhiya Laamiyada Muhiimka ah ee Muqdisho. “Waxaan dalbanay in nala fasaxo inta roobka ka istaagayo ama waddooyinka laga saarayo Biyaha fadhiya waana noola diiday, maxaan xaaqnaa hadda halkaan eeg, qashin iyo carro ayaa ku dhagan yaa ka fujin kara,” ayey Caasimada Online u sheegtay haweeney ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar. Xaaladahaan ayaa la sheegay in dadka ku shaqeeya ay halis badan ku jiraan islamarkaana ay qaadi karaan biyaha socda, ama ay dhaawacyo ka soo gaari karaan Gacmaha maadaama aysan heysan qalab wanaagsan.
  21. Is-barbar Dhig: Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Wadamada Africa Halkeebay Shirkada Telesom ee Somaliland kaga Jirta…?. Waxa aan Akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo gudbinayaa qormo kooban oo aan kaga hadli doono adeegyada isgaadhsiineed ee ay bixiyaan Shirkadaha Africa kuwa ugu wanaagsan iyo wadadamadooda. Waxaan safaro ku maray dhowr wadan oo ku kala yaala Bariga iyo galbeedka Africa, wadamada aan tagay waxay kala yihiin Somaliland, Itoobiya, Jabuuti, Kenya oo ah Bariga Africa iyo Nigeria iyo Niger, oo ah galbeedka fog ee Africa, intii aan ku kala sugnaa wadamadaas mid walba, Waxaan ka isticmaalay Simi-kaadh aan ka isticmaalayey adeega Enternetka iyo ku hadal. Akhristee wadamadaas qaarkood yihiin kuwa Africa ugu quwada badan, waxa aad u liita adeegyadooda isgaadhsiineed ee ay bixiyaan Shirkadaha Telefoonada iyo weliba Enternetka, waxana hooseeya oo aad u daciifa khadkooda, waanaad kar-haysaa markaad la hadli Kari-waydo Cidii aan khadka ka wici-lahayd. Hada waxaan jooga Nigeria, waxa adeega Enternetka bixiyaa laba Shirkadood oo lagu kala magacaabo Glo iyo MTM, labaas shirkadood isma adeeg dhamaan khadkooduna waa 3G, aadbaan u hooseeya adeegoodu, intaa badan dadka kama waco Calka, hase-yeeshee waxaan u duuba fariimo cod ah, iyo qoraal. Hadaba, waxaan ogaaday in wadamaas aan soo sheegay ay xaga adeega isgaadhsiineed ka wanaagsan tahay, isla markaana ka horumarsan tahay Shirkada Telesom oo sanaad ka hor aan isticmaali jiray adeegeeda Telefoonka sida ku hadalka iyo weliba Enternetka. Waxaan isticmaali jiray adeega 4G, oo aan waqtiga u haystay inuu liitay, hase-yeeshee imika aan u darsaday, waxanan maanta Halkan ka cadaynaynaa in wadamo badan Somaliland ka horumarsan tahay xaga adeega isgaadhsiineed ee Enternetka, waana Ilahay Mahadii. Guulaha qaran ahaaneed we Somaliland ku talaabsanaysaa waa kuwo dhinac walba ah oo Koraya, isla markaana dhaafay kuwo Wadamada Aqoonsiga haystaa ee weliba Africa ugu awooda badan, tusaale ahaan Somaliland waxay ka adeeg Isgaadhsiin wanaagsan tahay Nigeria iyo Itoobiya oo ah wadamo boqolaal Milyan oo dad ahi ku nool yihiin sanooyin badana ayaa dawlado xadaarad sheegta, markaa waxaan odhan karnaa sida ay Somaliland u korayso hadii Insha Allah ay hesho aqoonsi way dhaafaysa wadamada Africa, waxanay la tartamaysaa kuwa Yurub Idin Alla. Guntii iyo gebo-gebadii Soomalidu waxay ku maahmaahda Nin aan dhul marini Dhaayo’la, waxaan uga socda Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Somaliland gaar ahaan Shirkada Telesom waxay umada u qabatay wax aad loogu boggaadiyo, tusaale ahaan waxay bixisaa adeegyo waaweyn oo aan aamin sanahay in lagu boggaadiyo, waxana kamid ah adeegyadaas, Adeega Saad iyo Enternetka xawaarihiisu sareeyo ee ay Telesom bixiyaan. Alla Mahad leh. Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur. Qaran News
  22. Markaan arkay Madaxweynahayga Mudane Muuse Biixi Cabdi, markaan arkay golihiisa wasiiradda iyo la taliyaashiisa, markan arkey Hay’adaha amaanka, markaan arkey Xaaladda nabadeynta ee degmada Ceelafweyn, markaan arkay Leydhka nabadda, markaan arkey quruxda shacabka khaasatan dhalinyarada iyo waayeelkaba ee Degmada Ceelafweyn; waxaa dareenkeygu i siiyey inaan kaalinteyda ka qaato oo ugu deeqo ROOG CAGAARAN, garoonka kubadda cagta ee Ceelafweyn. Raga aqoonta leh ee hogaamiya caalamku, waa sheegeen waxayna saadaaliyeen in mudo yar Somaliland noqon doonto dal loo soo shaqo doonan doono, majarahana u qabanayso, siyaasad iyo xag dhaqaalaba geeska Afrika. Waxaad fahantaan dhalinyarooy waqtigeynu soo marney, halka aynu taagan yahay, waxa ina sugaya, Hadaba, hadaad intaa fahantiin, waxa indhihiinu arkayaan caalamku aragtida leynagu xanto ee ah, guusha NABADA IYO BARWAAQADA PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) Qaran News
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu guddoomin doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee ka furmaya Dhuusamareeb, xilli uu muran ka taagnaa arrintan. Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay tegitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.” Hadalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa imanaya ayada oo Galmudug ay horey ugu gacan seertay dalab ka yimid Villa Somalia oo ahaa in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo madaxweynaha, mana cadda waxa isbedelay. Galmudug ayaa horey ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka. “Annaga waan caddeynay, haddii madaxweynaha lagu qanacsan yahay markii horeba shirka laguma qabteyn Dhuusamareeb, ee waxaa la tagi lahaa Muqdisho, marka ma dhici karto inaan taas aqbalno,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaan la magacaabin. Si kastaba, maalinta berri ee shirka uu si rasmi ah u furmi doono ayey kala caddaan doontaa cidda hoggaamineyso madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.