-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay qeyb ka noqoneyso dadaalada lagu rabo in lagu soo afjaro xiisada ka dhaxeysa Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile-ka. Somaliland ayaa sheegtay inay Itoobiya iyo Masar la leedahay xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, isla markaasna ay midaasi u saamaxeyso inay qeyb ka noqoto daminta xiisadaasi oo muddooyinkii dambe sii xoogeysatay. Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa isagu si cad u sheegay rabitaanka Somaliland ee ku aadan dhex-dhexaadinta labadaasi dowladood, xili ay dhawaan xiriir diblumaasiyadeed oo adag la sameysatay Masar. Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in Somaliland ay qeyb ka qaadan karto dhex-dhexaadinta xiisada biyo-xireenka, maadama uu ku doodayo in labada dhinac uu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsani kala dhaxeeyo. Wafdi ka socda dowladda Masar ayaa dhawaan socdaal ku tagay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi. Safarka wafdigaasi ayaa la rumeysan yahay inuu abuuray xiisad kale, iyada oo ay taagan tahay tii biyo-xireenku, maadama ay Itoobiya xasaasiyad gaar ah ka qabto dhaq-dhaqaaqa Masar ee gobolka. Waxaana xusid mudan iyaduna in dadaalo badan oo la rabay in lagu xaliyo xiisada biyo-xireenka ay kusoo dhamaadeen fashil, mana cada sida ay Somaliland qeyb uga noqon karto dhex-dhexaadinta xiisadaasi, iyada oo aan haysan aqoonsi caalami ah.
-
Muqdisho waa magaallo xeebeed ku taal badweynta hindiya boqolaal sano ayey caan ku ahayd ganacsi, xadaarad, diin iyo ilbaxnimo. Muqdisho deegaankeedu waxaa ka talin jiray saldanado is xig-xigey illaa suldaan Saciid Barqash laga soo gaaray, kaas oo dowladii Talyaaniga ka gatay magaalada Muqdisho. Talaayniga markii uu la wareegay Magaalada muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya wuxuu caasimad ka dhigtay magaalada Muqdisho oo ahayd magaallo is-taraateeji ah isla markaana uu go’aansaday in Soomaaliya uu halkaas uga taliyo. Xaaladda waxay is bedeshay wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad ee dunida iyo jabkii Daraawiishta. Wixii xilligaas ka danbeeyey Mustacmarkii Ingiriiska & Talyaaniga waxay go’aan ku gaareen in Saldanadaha Daarood la bur buriyo. 1920-kii wuxuu Ingiriisku soo qabtay Suldaan Maxamuud Cali Shire markab ayaa looga soo qaaday Laasqorqay waxaa la geeyey Barberra kaddibna Cadan kaddib Bombay- India, aakhirkiina waxaa loo sii gudbiyey Jaziirada Seychelles Gabi ahaan Ganacsigii iyo Noloshii Boqortooyada Maakhir siddaas ayaa dhulka loogu duugay. Waxaa ku xigay Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo loo soo taxaabay Muqdisho, waxaa dhanka kale Garaacis lagu bilaabay Xeebaha Qaw,illaa Eyl in kabadan 30 magaallo oo ku teedsanaa Xeebaha Badda cas iyo Badweynta Hindiya oo uu ka talinayey Boqor Cusmaan ayaa dhulka la dhigay waxaana ku nafwaayey dad kor u dhaafaya 30.000 oo qof.. Ugu danbeyn waxaa la soo qabtay Boqor Cusmaan Waxaana Xabsi dowlo loo keenay Muqdisho. Gebi ahaan deegaanadaas waxaa laga mamnuucay Ganacsigii iyo isu socodkii doonyaha waxaana la soo barakiciyey Haldoorkii deegaanadaas. Muqdisho markaan taariikhda dib ugu noqono waxaa deggenaa dadkii Banaadiriga ahaa iyo Soomaalidii Xaabada keeni jirtay magaalada oo baadiyaha degenaa, waxaana kusoo kordhay Saldanado xaadaradahooda wata, waa halka ay ka bilaabatay Waxbarashada cusub ee Soomaaliya ee uu aabaha u ahaa Macalin Jaamac Billaal; waxaaba markiiba bilowday Halgankii SYL ee uu hormuudka ka ahaa Yaasiin Cusmaan Sharmaarke. Laga soo bilaabo doorashadii 1956 ee xukunkii daakhiliga ahaa Muqdisho waxay yeelatay Golle deegaan waxaana duqii ugu horreeyey ka noqday Maxamed Sheekh Jamaal. Saddexdii doorasho ee ku xigtay 1959,1964,1969, intaba Muqdisho waxay yeelatay Gole deegaan iyo Duq magaallo, waxaana ugu danbeeyey 1969-kii waxaa duq magaallo ka noqday Dr. Maxamed Shariif Caydaruus kuxigeen waxaa ka noqday Maxamed Cali Faarax (Badhaa). Doorasho iyo Dimoraadiyadba meeshaas ayaa ugu danbeeysay waxaana yimi Kacaankii iyo Burburkii Soomaaliya ka dhacay 1991-dii. Hadda Muqdisho waxay u baahan tahay Golle deegaan oo ay dadka soo doortaan kuwaasna ay markooda doortaan duqa magaalada laakiin dood waxay ka taagan tahay yaa deegaan ah? Ma kii 1969-kii ka horeeyey Muqdisho ayaa muwaadin ah mise 1991-kii kii ku habsaday ayaa deegaan ah? Aqalka sare markay noqoto sida ku cad dastuurka federaalka Soomaaliya qodobkiisa 72-aad Muqdisho xaq ayey u leedahay Metelaada Aqalka sare sida ay xaq ugu leeyihiin gobolada kale ee Soomaaliya. Aqalka sare maanta waxaa fadhiya 54 xubnood oo matalaya 18ka gobol ee Soomaaliya. Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay 18kii gobol ee Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay 3 xubnood in ay ka helaan aqalka sare, markaa ma la is weydiiyey Kuraastii Muqdisho xageey ku maqan tahay? inta aan loo jabin dastuurka dalka oo haddii la jebiyo ama lagu xadgudbo keeni kara tafaraaruq iyo kala tag hor leh Sikastaba,sidda aan ku xusnay taariikhda aan kor aan kusoo sheegnay Haddii Muqdisho ay Saldanado baddan soo martay oo qollo walba leh, maanta ma la dhihi karaa hal qoys oo Soomaaliyeed ayaa Muqddisho Sheegan kara? Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan Waxaa diyaariyey Cali Jama The post Muqdisho Maqaam iyo Matelaad (Taariikh kooban) appeared first on Puntland Post.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Liibiya u diray dagaalamayaal ku dhashay Siiriya, kuwaas oo tiradoodu u dhaxayso 3,500 illaa 3,800 seddaxdii bilood ee u horreysay sanadkan, sida uu warbixin cusub kusoo gaba-gabeeyay baaraha guud ee Gaashaandhigga Mareykanka. Warbixinta seddax biloodka ah ee Pentagon-ka Mareykanka oo ku saabsan argagixiso la dirirka qaaradda Afrika ayaa sheegaysa in Turkigu uu mushaar siiyay, isla markaana uu dhalasho usoo bandhigay kumanaan calooshood u shaqeytayaal ah oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyaad fadhigoodu yahay magaaladda Tripoli oo kasoo horjeeda Jeneraal Khaliifa Hafter. Kasokoow warar la faafiyay oo ku saabsan in dagaalamayaashu ay xiriir la leeyihiin argaggixisada, warbixintu waxay sheegtay in military-ga Maraykanku uusan caddeyn u helin in calooshood u shaqaysteyaashu ay xiriir la leeyihiin urur xagjir ah ama Al-Qacidda. Waxay warbixintu sheegtay in lagu qanciyey lacag, balse aan lagu qancin aragti ama siyaasad. Warbixintu waxay soo koobtay rubacii u horeeyay ee sanadkaan keliya, waxay ku egtahay dhamaadka bishii March, laba bilood kadib markii ay billowdeen guulaha Turkigu taageerayay ee ciidanka Dowladda Liibiya ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Jeneral Khaliifa Hafter, isla markaana ay ka qabsadeen duleedka caasimadda, Tarhuna iyo garoomo diyaaradeed oo ku yaalay galbeedka Wadanka Libya. Dib u gurashadda Jeneraal Hafter iyo taageerayaashiisa shisheeye oo ay ka midyihiin Masar, Ruushka, iyo Imaaraadka Carabta waxay tooshka ku ifisay doorka sii balaaranaya ee Turkigu uu ku leeyahay dagaalka Liibiya. Warbixintaan u dambeysay waxaa ay sheegtay in xoogga Turkigu geeyay Liibiya ay kordhiyeen guusha ay ciidanka Tripoli gaareen bishii May. Waxaa ay soo xiganeysaa Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo sheegaya in 300 oo falaago reer Siiriya ah uu Turkigu kasoo dejiyay Liibiya horraantii bishii April. “Turkigu dagaalyahanada tiro aan la ogeyn ayuu geeyay Liibiya bilihii u horreeyay ee sanadkan” ayuu baaraha guud warbixintiisa ku sheegay. Baaraha guud waxaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu boqolaal calooshood-u-shaqaysteyaal ah geeyay Liibiya si uu ugu taageero go’adoonkii uu Hafter mudada dheer ku hayay magaaladda Tripoli. Shirkad gaar loo leeyahay oo ku xiran Kremlin-ka magaceedana loo yaqaano Wagner ayaa markii ugu horeeysay Liibiya geysay shiishyahano xirfad leh iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo hubeysan. Sanadkaan, Kooxda Wagner oo ka jawaabaya dagaalamayaasha Siiriya ee Turkigu geeyay Liibiya ayaa kordhiyay dagaalamayaasha shisheeye ee ay ku daabulayaan Liibiya, waxaana lagu qiyaasay in ay u dhexeeyaan 800 illaa 2,500 oo dagaaalame. Ruushka iyo Dowladda Siiriya waxay ku heshiiyeen in 300 illaa 400 oo mucaaradkii hore ah loo diro Liibiya, iyadoo la siinayo min $1,000 oo mushaar ah bil wabla, sida lagu sheegay warbixinta. Dhinacyada dagaalamaya waxay qaban-qaabo dagaal ka wadaan dhinacyadda magaaladda Sirte oo marin istiraatiiji ah u ah warshadaha shidaalka ee bartamaha iyo bariga Liibiya, halkaas oo inta ugu badan 1.2 million oo barmiil oo saliid ah maalintii laga soo saari jiray, ka hor inta aysan tubooyinkii goyn qabiillo taageersan Jeneraal Hafter bishii January ee sanadkan.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-20072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guri Dabaq ahaa oo ku yaallay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, isla markaana ka koobnaa seddax biyaano ayaa soo dumay goor dhaw. Sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guriga dumay oo ahaa mid qadiimiya waxaa deganaa qoysas badan, waxaana lasoo badbaadiyey inta dadkii deganaa. Weli waxaa dhismaha dumay ku hoos jira oo la la’yahay haweeney da’ah iyo laba caruur ah, waxaana socda dadaallo lagu soo badbaadinayo. Gurigaas ayaa ku yiilay dhabarka dambe ee qeybta dahabka looga iibiyo suuqa Xamarweyne oo u dhaw masaajidka Marwaas. Sidoo kale dad ku sugan goobta ayaa Caasimada Online u sheegay in dab ka dhashay koronto uu ka kacay guriga dumay, isla markaana lagu guuleystay in la demiyo. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Onlie.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 5 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,462. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 11 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 3, iyo Gobolka Banaadir 7, iyo Jubbaland 1, qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,130. Bukaannada cusub 10 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa shaaciyey in xidhiidhka ay yeesheen dalalka Somaliland iyo Taiwan uu noqon doono mid adag oo labada dalba ugu jirto masaalix wadajir ahi. Wasiir Ku-xigeenka Khaarajigu wuxuu sidaas ku faahfaahiyey waraysi dheer oo uu siiyey Wargeyska Taiwan Times oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu kaga hadlay marxaladihii uu soo maray iskaashiga labada dal u bilaabmay iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jira iskaashiga ay la yeelatay Taiwan. Waraysigaasi oo aad u dheeraa waxa uu su’aalihii la weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka ka mid ahaa: Cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan waxaa laga war helay uun saddex toddobaad ka hor ee sidee ayuu ku bilaabmay? Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu bilaabmay muddo hore, waxaanu soo maray marxalado kala duwan. Wuxuu ku bilowday Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada. Mana ay jirin kullamo rasmi ah oo ay yeesheen madaxda labada dal. Waxaan kula kulmay Magaalada Brussels Safiirka Taiwan u fadhiya dalka Belgium sannadkii 2018kii, waxa aanu kulankaas ku falanqeynay meelaha aanu iska kaashan karno mustaqbalka. Waxa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sii xoogaystay dabayaaqadii sannadkii 2019kii xilligaas oo wefti ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan uu booqasho ku yimid Hargeysa, si uu u bilaabo wadahadalka cilaaqaada labada dal. Intaas kadib, 17kii January ee sannadkan 2020ka, wefti aan hoggaaminayey ayaa booqday magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan, si aan wadahadalka u amboqaadno. Waxaan kullamo la yeeshay Masuuliyiinta Taiwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Joseph Wu, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga caalamiga ah iyo sanduuqa Horumarinta Taiwan iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen madaxda dhinaca Beeraha. Markii aanu gabogabeynay heshiiska laba geesoodka ah iyo noocyada xafiisyada labada dal is dhaafsanayaan. Bilaha iyo Sannadaha soo socda halkee ayaad filaysaa in xidhiidhka idinka iyo Taiwan gaadho? Waxaan rumaysan nahay in ay jirto fursad weyn oo labada dalba faa’iido ugu jirto. Taiwan waa dal horumaray oo ka faa’iidaysan kara bogcada muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo, taasi oo kadin ama marin u ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika. Waxa kaloo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo aan ciddi taaban oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo noocyada kala duwan ee macdanta iyo shiidaalka. Waxana maalgashadeyaasha iyo dawladda Taiwan ay fursad u haysataan inay maalgashadaan wixii labada waddanba dan u ah. Dhinaca kalena, waxaa Somaliland ka faa’iidaysan kartaa nooca horumarka ay gaadhay Taiwan. Waxa kaloo Somaliland ay ka dheefi kartaa cilaaqaadka siyaasadeed ee Taiwan, xidhiidhka ay leedahay dalalka reer galbeedka oo uu ka mid yahay Maraykanku. Waxaa labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan arrimaha Nabadda, Dimuqradiyadda iyo xoriyatul-qawlka, waxaannu leenahay mustaqbal cad oo faa’iido u ah labada ummaddood. Akhristeyaasha reer Taiwan waxa ay wax badan ka baranayaan Geeska Afrika, waxaanay ciwaannada warbaahinta ku arkeen weftiga Masar ka socda ee booqday Somaliland, Imaaraadka Carabta oo maalgelinaya Mashruuca Berbera Corridoor, arrimahaasi wax ma u dhimi karaan xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei? Maya, Somaliland waa dal la isku halayn karo oo nabadda jecel oo ku yaalla Geeska Afrika, waanu ilaalinaynaa danaha kala duwan ee dalalka aanu saaxiibka nahay, iyadoo aan la waxyeelaynaynin masaalixda qaran iyo nabadgelyo ee dalalka. Sidee baa loo soo dhaweynayaa Muwaadiniinta iyo Ganacsatada Taiwan ee soo booqanaya Somaliland? Waxaanu ugu diyaar garownay si weyn, inaanu si diirran ugu soo dhaweynayo walaalahayga Taiwan, mar kasta iyo meel kasta oo Somaliland ka mid ah. waxaannu nahay dad niyadsan oo soo dhaweynta ku fiican. Markii aan tagay Taiwan waxaan soo arkay inay yihiin dad anshax leh oo xushmeeya aragtida dadka kale. Somaliland waxa ay caan ku tahay dimuqraadiyadda, Taiwan waxa ay soo martay xaalad adag waxana ay labada dalba soo mareen dulmiyo isku mid ah, markaa Xukuumadda Somaliland ma u bandhigtaa dhallinyarada iyo jiilasha cusub waxyaabihii la soo maray? Haa, waanu barnaa day’artayada marxaladihii qalafsanaa ee la soo maray iyo sidii aanu qarannimadayada ku soo gaadhnay. Sidaas darteed, wax baanu ka baranaa taariikhdayadii hore, si aanaan ugu talaabsan mustaqbalka khaladkaygii hore oo kale. WAXA SOO TURJUMAY CUMAR MAXAMED FAARAX Source
-
Jinniyow ka bax, Malaa’igay ku jir! Wixii Beesha Caalamka loogu yeerayay waa isa suux-suuxinayaan oo dad badan baa rumaysan mar haddii aysan ka soo dhex muuqan wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb inay ka maqanyihiin shirka, laakiin joogitaanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee shirka waxaa la oran karaa waxaa qayb ahaan xubnaha ugu muhiimsan ee lagu tuhmi karo qaska iyo deggenaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya; Itoobiya (Abiy Axmed) Maraykanka (Yuki Yamamoto Donald) Ingiriiska (Ben Fender) Qatar (Xasan Xamza) Qarammada Midoobay (James Swan) iyo AMISOM (Francisco Madeira)waa ay fadhiyaan shirka. Sida muuqata ama ay qabaan inta badan dadka u kuur gala xaaladaha siyaasadeed ee Somaaliya madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaas ku yimid talada waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo ay u horeeyaan wadammada aan kor ku soo xusnay oo iyagu ah kuwa ugu dadaalka badan ee qaba in Madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo waliba waxay rumaysanyihiin nooc kasta oo doorasho kasta oo uu galo madaxweyne Farmaajo inaan mar kale la soo dooranayn waxaana walaacaas si dhib yar looga dheehan karaa dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah siiba kuwooda murashaxiinta ah. Waxaa iyadana in si cad loo fahmo u baahan in xeerarka iyo nidaamka doorasho ee guddoomiyaha aqalka hoose Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan uu maalin kasta ku celcelinayo inay gudbiyeen inaysan qaynuun noqon karayn ilaa aqalka sare la soo mariyo, isla markaasna ilaa iyo hadda nidaamka doorasho ee qaynuun ahaan dastuurka ku qoran ay tahay doorashada nooca dadban oo ah middii lagu soo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Nidaamka doorashada ee ku qoran dastuurka oo ah nooca doorashada dadban wali lagama doodin in la bedelo laakiin madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay si qaylo dheer ah suuqa mariyeen in doorasho qof iyo cod ah waqtigeeda ay dalka ka dhici doonto, waxayna wali ku celcelinayaan arrintaas si loo qaadan karo inay uga dan leeyihiin inay dadweynaha ku marin habaabiyaan. Marka dib loo fiiriyo hannaankii siyaasadeed ee muddada 4-ta sano ee dhow-dhow ay ku soo shaqaysay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo, ra’iisal wasaarahana uu ka yahay Xasan C. Kheyre waxaa si fudud looga fahmi karaa inuusan qorshaha madaxda ku jirin inay xafiiska ku baneeyaan muddo xileedkii loo doortay markuu dhammaado, waxayna u ekaayeen niman kalsooni buuxda ku qaba inaysan waligood xafiiska ka tagayn, waxayna waqtigoodii intiisii badnayd ku bixiyeen dacaayado iyo inay wadaniyad ku faanaan iyadoo aad looga walwalsanyahay heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen dowladda Itoobiya oo iyada ah cadowga taariikhiga ah ee Soomaaliya, waxaana aad loo rumaysanyahay in heshiisyadaas qarsoodiga ah ay ugu weynyihiin waxyaabaha ku dhiiri geliyay inay ku fekeraan inaysan xilka ka degin iyo inay burburiyaan nidaamka federaal-ka ah ee ummaddu ku heshiisay iyo dowlad goboleeddada. Saaxiibo haddana col ah, Col haddana saaxiibo ah! Sideedaba dadku ama saaxiib ha ahaado ama col ha ahaado laakiin haddi ay jirto dan ka dhexeysa oo isku haysa ama awood isku qasbaysa sababo danahooda la xiriira ama baqdin ay ka qabaan awooddaas lama kala garto inay col yihiin iyo inay saaxiib yihiin!…dad badan oo waxaan arkay ku mashquulay inay Farmaajo iyo Kheyre isku siyaasad yihiin iyo in kale! Waxba macna ah taas ma samaynayso jawaabteeduna waxaa weeye waqtiga ka haray xilkooda haddii ay heshiis yihiin iyo haddii ay iska hor yimaadaan macno ay soo kordhinayso ma jiro, siyaasadda ay ku wada shaqayniyeen intii ay talada soo hayeenna waxay ahayd oo ay wada qaateen inay awoodda iyo qoriga Itoobiyana dalka ku haystaan khayraadkiisana ay iyaga keligood yeeshaan laga bilaabo dulaalnimo ilaa heer milkiilinimo! Xubnaha shirka fadhiya iyo dadweynaha waa inay gartaan sida arrintu tahay, ma aha ma col baa ma saaxiib baa?! Waqtiga ka harayna haddii ay coloobaan iyo haddii heshiis ahaadaan waxba kama bedeli karto dhaawacii ay geysteen, waxa keliya oo ay maanta ummadda ku sabeen xiri karaan waa iyagoo si nabad ah doorashada waqtigeeda ku qabta, umase malaynayo inay leeyihiin geesinimadaas iyo karti ay go’aankaas ku qaadan karaan. Waxaan iyadana meesha laga saari karayn inay jirto istaraatijiyad gaar ah oo dabeecad ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’isal wasaare Kheyre midaynaysa marka ay timaado siyaasadda nidaamka federalism-ka ee dalku qaatay. Waxaa kale oo aan iyadana meesha laga saari karayn ama u badantahay inay jiraan awoodo labada nin ay wada hoos tagaan oo siyaasaddooda ay ku wada shaqeeyaan si aan waafaqsanayn xeerarka iyo dastuurka dalka oo ay qasab ku tahay inay labadoodaba u adeegaan sababtuna waxay tahay inay markii hore isu dhiibeen oo taladii dalka la hoos galeen dalal duulaan ku ahaa jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya sida Itoobiya, iyo Qatar. Farmaajo iyo Kheyre inay wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb ku soo biiraan macnaheedu ma aha ama looma qaadan karo inay siyaasaddoodii wax ka badeleen laakiin saykoolojigooda ayaa wuxuu ku salaysanyahay inay ballan qaadyo been ah, khayaano, isku dir iyo kala qaybin ay ku gaari karaan dan kasta oo ay leeyihiin iyadoo aan marna meesha laga saari karin quwado shisheeye oo ay dhiiri gelin ka haystaan waana sababta ugu muhiimsan ee ay ku salaysantahay joogitaankooda shirka…waxaana shaki la’aan ah in muhimaddooda ugu dambaysa ay tahay inaan lagu eedeyn inaysan tagin shirka Dhuusomareeb laakiin aysan dan ka lahayn wax kasta oo ay noqoto natiijada shirka!… odeygii reerka haddii uu leeyahay: Marti kooytoo oo in kooynee ani lamo iyo tobonkay galaanjo yaa fadee!( Ama marti ha timaado ama yeysan imaan anigu labo iyo tobankaygii qaado ayaan rabaa!…. ). Ama, Ama! Gow iyo Gish ma leh ama muddadaa la ii kordhinayaa! Marka la eego fikirka iyo qorshaha xubnaha xukuumadda federaal-ka ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay rabaan inay ku wajahaan arrimaha doorashada ee looga hadlayo shirka Dhuusomareeb waxaad moodaa inay adkaan doonto inuu shirkaas ku soo dhammaado natiijo laysku af-gartay oo lagu maarreyn karo cabsida, tuhunka, iyo madmadowga hareeyay xaaladda kala guurka ah ee dalku hadda maraayo. Madaxweyne Farmaajo wuxuu rumaysanyahay in fursadda keli ee u furan si u madaxweyne u sii ahaado ay tahay oo keliya isagoo muddada loo kordhiyo, wuxuuna doonayaa madaxweynuhu qiimo kasta ha ugu kacdee inuu arrintaas meel mariyo, waxaana arrintaas dhinacooda ku taageeraya waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo ay ugu horeeyaan dalalka Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska iyo Qatar oo iyagu rumaysan inuusan jirin mas’uul Soomaaliyeed oo ka helayaan danayowga gurucan ee ay maalin kasta ka fushadaan madaxweyne Farmaajo, waxayna dhammaantood isku raacsanyihiin in nooc kasta oo doorasho oo la qabto aan mar kale la soo dooranayn Farmaajo. Shaxda ah in nidaamka doorashada la galayo ay noqoto nooca qof iyo cod ah, ma aha arrin ka dhab ah dowladahaas iyo madaxweyne Farmaajo, laakiin waa mid looga jeedo in muranka arrintaas ka dhalata muddada loogu kordhiyo madaxweyne Farmaajo maadaama aysan jirin rajo laga qabo noocay doontaba ha ahaatee inuu doorasho ku soo bixi karaayo madaxweyne Farmaajo, sidaas daraadeed ma aha arrin looga fadhiyo inuu isaga ama iyaga ka tanaasulaan ku celcelinta nooca doorashada qof iyo cod. Waxaa dhinaca kalana arrintaas inay sharci ka dhigaan loo soo diyaariyay guddoomiyaha golaha shacabka (aqalka hoose) Maxamed Cabdiraxmaan Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiwali Muuddeey iyadoo layska indho tiriyo oo si cad loo garab marayo dastuurka dalka u yaala iyo kaalinta aqalka sare oo aad moodaba in madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo dowladahaasba ay inkirsanyihiin jiritaankiisa…waxaa kale oo aan iyadana laga tegi karin xaladaha ka soo kordhay dalka Itoobiya iyo kacdoonka qoomiyadda Orommada oo iyagana qasab ka dhigaya in Abiy Axmed uu ka shaqeeyo oo uu ku mintido inuu taageero wax kasta oo uu ku gaari karo inuu Farmaajo xilka sii hayo inta uu ka adkaanaayo kacdoonka gudaha Itoobiya ka bilowday… Talaa la gudboon 5ta madax maamul-goboleed! Arrimaha shirka ma sahlana, waa laba daran mid dooro; joogitaanka xafiiska madaxweynaha ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo aysan ciyaar ahayn waxay khatar ku tahay jiritaanka qaranimmada Soomaaliya iyo cabsida laga qabo inuusan si nabad gelyo ah ku wareejin talada dalka sidii isagaba loogu dhiibay… labadaas arrimoodba waa kuwo u baahan inay ku talo galaan madax maamul-goboleeddada isla markaasna ay ka gaaraan talo wada jir ah oo ay ku midaysanyihiin, waxaa sidoo kale looga baahanyahay madax maamul-goboleeddada inay maanka ku hayaan khataraha iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka soo wajahaya isla markaasna ay la socodsiiyaan dadweynaha….waxaa sidoo kale la gudboon madax maamul-goboleeddada inay talo wada jir ah oo ay ka midaysan yihiin ka gaaraan shir weyne ay dadka Soomaaliyeed isugu yimmaadaan oo lagu dhiso gole sabata bixin ee dalka gaarsiiya nidaam doorasho oo laysku raaco oo waqtigeedii ku qabsooma iyo waliba dhismaha gole joogta ah oo la dagaalama musuqmaasuqa iyo faragelinta had iyo jeer ay ku hayaan dalalka shisheeyaha ah nidaamka doorashooyinka Soomaaliya. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. The post Farmaajo: Dhuusomareeb ama lagu kala dareer ama muddada la ii kordhi! appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dad badan ka afduubteen tuulooyin hoos taga degmada Buur-hakaba. Dadka ay afduubteen Al-Shabaab waxaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 60-qofood, oo u badan odayaal, haween iyo caruur. Dad ku nool deegaanka Lahobare oo hoos taga degmada Buur-hakaba, isla markaana ah halka laga afduubtay dadka ugu badan ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab dadkoodii ay la’aadeen dhanka deegaanka Iidaale oo ay maamulaan. Dadka noo waramay oo codsaday in magacyadooda aan warbaahinta loo isticmaalin ayaa sababta loo afduubtay dadkaas noogu sheegay inay salka ku heyso, dagaal maalmo ka hor ka dhacay goob war-biyood ah oo lagu murmay. Sida dadkan ay noo sheegeen Al-Shabaab ayaa biyihii ku jiray goobtaas waxay isku dayeen inay ka iibiyaan dadka deegaanka, waxaana arrintaas ka dhiidhiyey oo dagaal ku qaaday dhalinyaro is-abaabushay oo ka soo jeeday dadka deegaanka. Dhalinyaradii deegaanka oo looga awood roonaaday dagaalkaas ayaa u kala hayaamay magaalooyinka aysan Al-Shabaab joogin ee gobolka Bay. Intaas kadib Al-Shabaab ayaa maanta tuulooyin isu dhaw-dhaw oo hoostaga Buur-hakaba waxay ka afduubteen dad u badan waayeel iyo caruur oo dhalinyarada baxsatay ay isku heyb-yihiin. Dadka noo waramay waxay noo sheegeen in dadkaas hada lagu hayo deegaanka Iidaale ee gobolka Bay, isla markaana sii deyntooda lagu xiray in la keeno dhalinyaradii is abaabushay ee dagaalka kala hor-tagtay Al-Shabaab. Waxayna dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbaeed ka dalbadeen in laga gacan siiyo sidii dadkaas looga soo deyn lahaa dagaalamayaasha heysta.
-
Marwada Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Maamulka Somaliland Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe ) oo ka soo jeeday Beesha Sool clan ayaa maanta sheegtay in maalintii [...] The post Daawo : – Marwo Caasho Buraale Xaaskii AUN Wasiirkii Dibada Maamulka Hargeisa Marxuum Fagadhe ( Beesha Sool clan ) oo sheegtay in Askar Muse Biixi u soo diray ay Jidh Dil u geysteen. appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay mar kale caawa isugu iman doonaan kulan kale kadib kulankii halkaas ku dhex-maray maanta. Kulankii maanta ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka. Sida aan xogta ku helnay kulanka maanta ayaa doodo adag oo ku saabsan doorashada ay harreeyeen, ayada oo aanay jirin wax isfaham ah oo laga gaaray ajendeyaasha kulanka weyn ee la filayo inuu berri furmo. Kulanka caawa ayaa la sheegay in ujeedkiisa uu yahay in wixii maanta aan la isku fahmin xal laga gaaro, si kadib shirka si rasmi ah loogu furo berri. Ujeedada ugu weyn ee kulamada horudhac ayaa ah in ayada oo wax la isku raacsan yahay la tago shirka weyn, maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin. Dhinaca wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka, taasi oo ah caqabadda taagan. Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo.
-
An Explosion in a livestock market in Burhakaba town of Bay region killed a soldier and wounded two others on Monday morning. The local police sealed off the scene around the market following the blast which occurred during rush-hour, according to the residents who witnessed the incidents. There was no immediate claim of responsibility for the attack, but, security officials pointed out the finger of the blame at Al-Shabaab, which is waging a decade-long insurgency to topple the UN-backed Somali government. View the full article
-
A Somali trader has been killed in South Africa, the latest in string killings against the foreigners, especially the African migrants in the country. A witness said the gangs broke into the shop of Abdullahi Haney in Kiliij neighborhood of Cape Town and then shot him dead on the spot on Sunday evening. The attackers have looted the money and other commodities in the business center before the arrival of the South African police. Last week, unknown gunmen killed a Somali national, Ahmed Hussein Adow in South Africa, the third to be murdered in South Africa this ongoing month. In the past few years, many Somalis have been killed in South Africa while doing business in the country. The government has done nothing to stop such extrajudicial killings. View the full article
-
The president of Somali Federal Government and Federal Member State leaders have held a preliminary meeting in Galmudug capital, Dhusamareb ahead of the upcoming forum. The purpose of the meeting attended by leaders of all Federal States was to agree on the agendas, conference protocols as well as the procedures of the upcoming crucial forum. Also, Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire held similar private talks with the state leaders on Sunday evening in the city for brainstorming regarding the conference. Villa Somalia has confirmed that Farmajo is committed to ending political rift in the country and make possible the vision of the one person, one vote elections. View the full article
-
Profesor Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan hay’adda tubta nabadda Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa ka warbixiyey kulan ururada bulshada rayidka ah ay magalaada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug ay kula yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Profesor ka oo sidoo kale kamid yahay ururada Bulshada rayoidka ah ee ka jira maamullada dalka iyo gobolka Banaadir ka kala socda , ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu kala hadlay bulshada rayidka ah xaaladaha hadda socda iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo la filaayo in ay qabsoomaan sanadka 2021-ka sida qorshu yahay. Halkaan Ka Daawo Wareysiga Profesorka. Goobjoob News Source: goobjoog.com
-
Xogo og’ogaal ah oo Howlwadeenada Puntlandi.com ay ka heleen Ilo Dublamaasiyadeed ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni [...] The post Breaking News Xog Deg deg ah— Mdx. Waare iyo Mdx.Deni oo aad uga xumaaday hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka. Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo. Arrintan ayaa loo fasirtay in madaxweynaha uu raadinayo waqti kordhin hey’adaha dastuuriga ah si ay u suuro-gasho doorasho qof iyo cod ah. Muddo kordhinta ayaa noqon karta inta ay guddiga doorashada dalbadeen ama ka badan oo ah ilaa laba sano. Dhankooda, madaxda dowlad goboleedyada ee la kulmay madaxweynaha iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ah waxaa ay madaxweynaha u sheegeen in laga tashto jidka ugu haboon ee doorasho loo geli karo, loona baahanyahay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda. Caqabaddan oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee hortaagan inuu shirka furmo ayaa laga shaqeynayaa in laga gudbo, oo lagu qanciyo madaxweyne Farmaajo in xilligan aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah, loona baahanyahay in laga tashto badal fiican.
-
Boqor Salmaan oo isbitaal loola cararay iyo xanuunka ku dhacay oo la shaaciyay Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz ayaa loola cararay isbitaal gaar ah oo kuyaala magaalada Riyadh, kadib markii boqorka lasoo daristay xaalad caafimaad daro. Wakaalada wararka u faafisa boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku warantay in boqor Salmaan la dhigay isbitaal ,kadib markii markii uu lasoo darsay xanuun dhinaca kaadi heysta . Boqortooyada Sacuudiga ayaan faah faahin badan ka bixin xaalada caafimaad ee Boqorka, waxaana warbaahinta hadal heysaa xanuunkan ku dhacay boqorka ee sababay in loola cararo isbitaal. Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz oo 84-sano jir ah ayaa loo caleemo saaray Boqorka Sacuudiga sanadkii 2015-kii, waxaana Boqorka la sheegaa in hada uusan shaqo badan qaban talada dalkana kala hago wiilkiisa Dhaxal Sugaha ah ee Maxamed Bin Salman. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Qaran News
-
Madaxweyne Al-Sisi oo Barlamaana Dalkiisu siiyey awood dheeraada, xilli ay xiisad adagi Aloosan tahay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta baarlamaanka dalkaasi siiyeen awood dheeriya oo uu ciidamo ku diri karo, kadib markii ay maanta si rasmiya u ansixiyeen xildhibaanada golahaasi. Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu awood u leeyahay inuu ciidamo u diro dalka Liibiya, iyagoo ku lifaaqay ansixintaasina xiliga uu si rasmiya u fulinayo arrinkaasi. Baarlamaanka ayaa sheegay in Masar ay ciidamo u diri karto dalkaasi ay dariska yihiin, haddii ciidamada Turkiga uu taageerayo ay u dhaqaaqan qabsashada Sirte, taasi oo kaga sii dareysa xiisada ka taagan dalka Liibiya. Al-Sisi ayaa ansixinta kadib awood buuxda u yeelanaya inuu ciidamo u diri karo Liibiya, isla markaana uu faro-gelin millateri oo ka dhan ah Turkiga uu ka qaado dalkaasi. Masar ayaa iyadu ku doodeysa inay ka hortagayso duulaan uu Turkigu kusoo qaado galbeedka, maadama dowladoodu gacan saar la leedahay ciidamo fadhigoodu yahay aagaasi, sida uu wariyey Wargeyska Al-Ahram ee dowladda Al-Sisi. Liibiya ayaa iyadu wajaheysa qalaalaso daran tan iyo markii ay gaashan buurta NATO ay 2011-kii riday hogaamiye Qadaafi, oo markii dambena la dilay, taasi oo sababtay in dalkaasi u kala qeybsamo gobolo dhowr ah. Waxaana daanta galbeedka ee dalkaasi gacanta ku haya falaago uu hormuud u yahay Generaal Haftar, halka bariga ay maamulaan dowlad uu caalamku aqoonsan-yahay, iyada oo labada dhinacba ay la safan-yihiin dowladdo kala duwan. Qaran News
-
BERKELEY — Two years ago, UC Berkeley seemed like a dream campus for Ahmad Mahmuod. The San Diego-born son of Somali refugees, the first in his family of nine to attend a four-year university, could hardly believe he’d earned admission to the world-famous campus, known for its top academic rankings and history of progressive activism. Source: Hiiraan Online
