Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho:Askari 5-Kun Shilin Somali ku dilay Darawal Gaadhi Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah darawalada kaxeeyo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan Homey. Goobjoogaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ee Ex-Control Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay iyo darawalka la dilay uu dhex maray muran kadibna horseeday dilka. Askariga dilka geystay ayaa lacag dhan 5 kun oo Shillin Soomaali ah waydiistay darawalka waday gaariga dadweynaha, balse darawalka ayaa ka biyo diiday inuu lacagtaas bixiyo waxaana xigay rasaas uu askariga ku furay darawalka dhintay. Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday xilli ay goobta ku sugnaayeen askar kale oo ka tirsan kuwa Dowladda ee Ex Control lacagaha uga qaado gawaarida. Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Dilka ay geysanayaan askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo badanayo Magaalada Muqdisho, waxaana taas loo sababeeyaa inaan la ciqaabin askariga dilka geysto. Qaran News
  2. Shirki afarta madaxweyne ee geeska Afrika ay isugu tageen Jabuuti maxaa laga doonay?Waa maxaay sirta qarsoon ee mideysay AFARTA MADAXWEYNE oo mid waliba ay ka muuqato welwel iyo murugo ku saleysan siduu ku adkey lahaa joogitaankiisa . Mid kasta waxaa ku taagan udun ama cirbad cagta uga taagan ee uusan dhulka si toos ah ugu istaagi karin ilaa uu ka helo xal ama wax ay ka wada tashadaan si loo helo tab ama xal lagu dheereysan karo muddada xilka, ay qaarkood xooga xaaraanta ah ku heystaan, Waxaan laga fursan karin ama aan indhaha laga daboolan karin in afartoodaba oo ah Somaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea ay u dhammaatay muddadi ay meesha joogi lahaayeen, waxayna raadinaayaan sidii ay ku dheereysan lahaayen waqtiga ka dhamanaya. Waxaan ku qiyaasay in xaalkoodu yahay niman god ku jira ooy biyo ku soo shubamayaan, waxaana mid kasta la siiyay koob uu biyaha isaga bixiyo…nasiib darro koobka waa mid dabada ka duleela oon biyo qaadi karin..Biyihi waa soo kordhaayaan mana dhera maalinta ay garqi doonaan. Wadamada ay ka taliyaan yaa sheegi kara ama sadaali kara xaladda ay ku sugnaan doonaamn!!! Ma daadkaa wada qaadi doona mase qaar ayaa ka badbaadi doona kaddib marka laga takhaluso afartooda ama qaarkood. Taa waxaa ka daran in Aby Axmad uu ku dhawaaqay inuu rabo gobol furdo leh uu isagu leeyahay kana dhoofsan karo wuxuu doono sida uu doonana ugu takri fali karo..Madaxda talada haysana ee N&N waxba kama qabaan haddi ay booskooda sii joogayaan..Haddaba, Kenya, si loo shibiyo, ha la siiyo badda batroolka ka buuxo si ay dowladdaan u sii joogto. Arrinta ama xaalada Somaliya ay ku socoto waa mid aad looga argagaxo waayoo waxaa soo muuqda ifafaalo ummadaan u horseedi kara burbur ka baaxad weyn kii 1991, waxayna aragtidaani ku saleysan tahay in MW Farmaajo uu ku fikiraayo inuu meesha sii joogo wax kasta oo dhaca. Waana tii Jaalle Siyaad ku burburiyay dalkaan..aryaa u sheega in kuwi ka horeyay isaga oo ahaa MW Sheikh Shariif & MW Xasan Sheikh, iyagoo jecel inay sii joogaan, ayey ka tageen iyagoo muujiyay biseyl siyaasadeed oo ku hogaamiyay inay u turaan dadka iyo dalka…laakin u meleyn maayo inay kooxa N&N ay dareen noocaas ah qabto. Tallaabooyinkii lagula soo taliyay tafaasiil badan lagama haayo, waxase taas garab socda dareenka dowlad goboleedyada iyo mowqifka ay qaarkood ka taagan yihiin N&N…mana muuqdo wanaag meeshaas ka soo socoda. Isku soo wada duub, wixi Jabuuti ka dhacay waxaa lagala soo bixi karaa ficillada gurracan oo kooxdaan u qarsan, ha ahaato doorashada iyo dareenka ay ka qabaan dadka Xamar ku nool ood moodo inay quus ka taagan yihiin sidey Banaadir u heli lahayd MAQAAMKA ay xaqa u leedahay. Haddaba, waxaa iga talo ah inay umadda Somaliyeed ka tashato, Intey goori goor tahay, tallaabooyinki looga hortegi lahaa loona baaji lahaa inuu Farmaajo dalka dumiyo kaddibna iska aado Buffalo (NY) isagoo milioneera. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. DOWLADA FEDERAALKA SOMALIYA INAY ICTIRAAFTO GOONI ISU-TAAGA JAMHUURIYADDA ARDD-SOOMAAL WAXAY HORSEEDI LAHAYD IN GUDIDA FARSAMO KA GAADHAAN HESHIIS MUGDI KU JIRIN Waxaan umalaynayaa in maanta iyo wakhtigan aynu taaganahey in caqliga fayoobi garawsan karo in lasoo gaadhey marxaladii ay is-ictiraafi lahaayeen Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. talaabadan oo si niyadsami ah loo qaado waxay horseedi karta in la oogo Cadaalad( Justice) abuurta Ihsan(Beneficence) keeni karta in la higsado hayat al-tayyebah nolol wanaagsan(high level of good life) oo gaadhsiisa guusha adduunka iyo ta Akhiroba in ay labadan ummadood ee ka soo kala jeeda Federaalka Soomaliya iyo Jamhuuriyadda Ardd-Soomaal ku wada nooladaan iyagoo labo-dowladood oo jaarah. Caalamku maanta maaha caalamkii shaleyto, siyaasadihii addunkuna intaas wuu is-laba rogayaa oo wuxuu la jaanqaadaya duruufaha iyo maslaxadda kolba wakhtigii la marayo. Waxaa xaqiiqa in aynu ka wada dheregsanahey loona baahneyn inaynu dib ugu jaleecno waayihii, taariikhihii iyo sooyalaadii hore ee ay isla soo kaca-kufeen labada qowmiyadood ee Jamhuuriyada Arrd-Soomaal iyo Jamhuuriyadii Soomaliya laga soo bilaabo wakhtigii xornimada la qaatey illaa laga soo gaadho wakhtigii burburka Jamhuuriyaddii la odhan jirey Soomali Democratic Republic. Maanta waxaa bilaabmey dabeyl iyo waayo cusub, oo Ardd-Soomaal(Northern Somalia) la soo noqotey xornimadeedii oo kaamil ah iyo In Jamhuuriyaddii Soomaliyana la soo noqotey Jamhuuriyadda federaalka ee Koonfurta Somaliya (Southern Somalia). Caalamkuna waa ina daawanayaa sidii aynu dowladnimadeena jaarka u xalin lahayn, iskuna-ictiraafi lahayn oo iyaga ay naxdin ku tahey in Somaaliyadii hore isku-ictiraafaan dhalashada laba jamhuuriyadood oo quwad leh sidii ay ahaan jirety Isticmaarka ka hor. 1960 markii calanka la qaatey maysan jirin duwal-caalami ah oo ku qasabtey Somaliland inay raadiso shanti Soomaliya laakiin waxay ahayd iraadada shacbiga Somaliland iyo jacayl iyo raqbad u haysey in Somaali oo dhammi midowdo. Taasi waxay ku tusaysaa oo aysan cidina dafiri Karin in Arrd-Soomaal ay hayd tii dhashey Soomaliya. Nasiib darase wey-suurtageli weydey inay isu-yimaadaan shanti Soomaliya oo rag siyaasadda uga shaadhadh weynaa oo caalamka ku xidhnaa baa is-hortaagey talaabadii ugu horeysayna waa lagu fashilmey taaso ay u raacdo in tusbaxii ugu horeeyey ee soomali-weyn ay kala daadisey Dowladda Jabuuti oo gooni isu taagtey qaadatey madax-bannaani u gaara. Jabuuti talaabo caafimaad qabta ayey waagaas ku dhaqaaqdey iyadoo meel fog ka arkaysey inaysan mustaxiil ahayn in shan Soomaliyeed isu-yimaadaan madaama Arrd-Soomal ay ku guul-darreysatey talabadeedi kowaad ee ku tegtey Muqdisho oo iyagiiba laga soo dulmiyey xaqoodi iyo xornimadii ay usoo dagaalameen. Maantase waxaa muuqata oo dhabowdey in xayndaabkii isku-xidhnaa Soomali-Koonfureed ay ku dambeysey inay noqoto dowlad-goboleedyo maamulo kala gooni ah u taagan. Maantana sidii 1960 oo kale, ma –jirto dowladdo iyo cid kale oo isku-keen qasbaysa inaynu mar-labaad midowno. waxaase mudnaantu tahey in sidii aanu idinku nimid 1960 kii (bidduun-qayd-washard) aynu maantana u kala-baxno oo is-ictiraafno ahna meesha keliya ee danteenu ku jirto kuna soo celino sharaftii Soomali caalamka ku lahaan jirtey iyadoo weji cusub u yeelna iyo xidhiidh ka xoog badan kii hore sameyna inagoo ah laba-dowladood oo mandaqada geeska Afrika ku soo biirta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Abdi waxaan aad ugu hambalyeynayaa khudbadiiisi an leex-leexad lahayn ee u hordhigey beesha caalamka iyo sooyaalkii ay soo martey Arrd-Somaal laga soo bilaabo 1960 illaa 2020, iyo mowqifka Arrd-Soomaal ay iska taagtey xagga Itijaaha siyaasadeed ee uu shacabkiisa ku hogaaminayo iyo qadiyadaha ay isla soo mareen mandiqadan ku xeeran ee Geeska Afrika. Haddaba, waxaan Dowladda Arrd-Soomaal leeyahay hawsha maanta idin hor yaala ma- badna marka loo eego hawlihii iyo wadooyinkii qodxaha badnaa ay soo mareen kuwii idinka horeeyey -dharaarihii adkaa ee SNM ee Mujaahid Muusena goob-jooga ka ahaa iyo dhisitaankii dowladihii idinka horeyey sida bidaayadii dowladnimadii, Marxuum Abdirahman Ahmed Ali Tuur, iyo Dhameystirkii Haykalka Dowladnimada ee Marxuum Mohamed Haji Ibrahin Egal, Mudane Dahir Riyale Kaahin iyo Mudane Ahmed Mohamed Mohmoud Siilanyo. Maanta waxaa haddaba idin-horyaala oo la idinka fadhiyaa waa Ictiraaf-doonka wadanka Jamhuuriyadda Arrd-Soomaal iyo sidaad uga soo dhiraandhirin lahayd fursadda maanta furantey ee Shirka Jabuuti oo haddii la waayo ay adkaan doonto inay mar-labaad soo noqoto. Haddaba xagee bey ka dhowdahey Ictiraafka ee laga helayaa? Nin baa berri isagoo lugeynayaa wado weyn oo laydhku ka baxayo ayaa meel dariiqa u dhow oo madow ku leexdey, markaas baa muraaydaddi indhaha ee u xidhnaa meeshi kaga dhacdey, markaasu hore u heli waayey mugdiga awgeed. Ninkii baa intuu kusoo noqdey meeshii iftiinka lahayd ee laydhku ka baxayey ayuu dhulka eeg-eegey sidii qof wax baadi goobaya , dabadeeto waxaa meeshii ugu yimid nimankii amaanka ciidamada buliiska. Waxay ku yidhaahdeen, waar maxaad meeshaan iftiimaysa ka raadinaysa? Wuxuu ugu jawaabey in Muraayadii u xidhnaa ay kaga luntey meeshaas madow, markaa waxaan is-lahaa bal meeshan iftiimaysa ka raadi inaad ka hesho. Waxaan dulucda ugala jeeda Ictiraafka Somaliland ma saarna daarahan widh-widhiya ee United Nations iyo dowladaha caalamka laakiinse ay tahey sidii aynu uga wada shaqeyn lahaydeen xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ah la yeelataan dowladda Federaalka iyo wada-shaqeyntii sidii loo kala-bixi lahaa iyadoo la isu ictiraafo laba-dowladood. W/Qorey Mohamed Adaweh adaweh50@gmail.com) -UK Qaran News
  4. Qaanuun iyo xeer ahaan caalami ah, ma jirin midnimo dhex martay JSL iyo Somalia 1960kii. Waxay ahayd is-dhex-yaac iyo niyad wanaag lagu raadinayay xoraynta dhammaan dalalka Somalida. Kuwaas oo ay ahayd marka ay xoroobaan in la wada dhisto dawlad Somaliweyn oo la wada leeyahay, taas oo si cilmiyaysan oo sharci ah loogu wada heshiiyo. Markhaatina ay ka ahaadaan beelsha caalamku QM ( Waana sida ay tahay in lagu dhaqmo marka ay dawladuhu midoobayaan ). Garashada cilmiga dawladnimadu waa aqoon ku dhisan cilmiga loo yaqaan Arrimaha Bulshada ama afka qalaad ( Social Studies ). Kulanka iyo dhex-dhexaadinta JSL iyo Somalia waa mid uun keli ah oo ku dhisan in ay maanta isku raacaan inay maanta midoobiyaan oo qodobada heshiiskeeda leh iyo in ay is aqoonsanayaa oo ay ahaadaan laba dal oo walaalo ah oo kala madax banaan sida walaalaheen J. Jibouti oo kale. Maxay tahay midnimada fasaxday gooni-isu-taagga J. Jibouti iyo tan JSL oo qarqarka loogu dhiggan yahay?! Waxa la yidhi,”Aan ku jiido adna i jiid waa gacmo daalis”! 1960kii may dhicin mana jirin midnimo sax ah oo qaanuuni ah oo dhex martay JSL iyo Walaalahood J. Somalia. Waxa ay ahayd xulufaysi lagu dhisayay xukuumad ku-meel-gaadh ah oo lagula macaamilo beelsha caalamka, si loo dhammaystiro madaxbannaanida shanta Somaliyeed ee walaalaha ah. Qadiyadda JSL iyo Somalia waxa ay rasmi ahaan ku dhammaan kartaa Maxkamadda Caalamiga horteeda iyo garsoorkeeda, haddii aanay iyagu si walaalnimo ah isu aqoonsan . Marka ay is aqoonsadaan waxa u fududaanaya waxa maanta laga wada hadlayo ee walaalnimada iyo wada noolaanshaha ku dhisan In-kasta oo ay dunida maanta ka jirto nidaam lagu wada midaynayo oo loo yaqaan afka qalaad ( Globalization ) – Caalam mid ah. Taas oo loo adeegsado gacmo qarsoon oo aanu Dammiinka iyo Qashiimku fahmi Karin. “Xalaal iftin baa la qashaa”! Waa xikmad Somaaliyeed oo dhaxal-gal ah. Wa-Allaahu Al-Muwafaq. Ducaale Hadalwanaaje II Qaran News
  5. Bandowgii Sababay covid19-ka Dalka Sacuudiga Oo La Qaaday! War Kasoo Baxay Wasaaradda Arrimahaa Gudaha Ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ayaa Caddeeyey In La Qaaday Bandowgii Saarnaa Ka Dib Qaadashada Taladii Saraakiisha Caafimaadka Dalka Sacuudiga Iyo Amarkii Kasoo Baxay Boqorka Boqortooyada Sacuudiga 1. Laga Bilaabo Maalinta Axadda Ah 06:00 AM, 21-ka Juun 2020 Kuna Beegan Shawaal 29-ka 1441 Hijriga Waxaa La Qaaday Bandowgii Guud Iyadoo La Raaciyey In La Tixgeliyo Kala Fogaanshaha Iyo Cid Walibana Ay Xidhato Gaanfuur Xidh Ama (Kammaam Ama Facemask) 2. In Lasoo Celiyo Dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha Iyo In La Furo Goobaha Gannacsiga Dhammaan Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Iyo Qaadashada Talooyinka Caafimaadka Iyadoo Ayan Kulmi Karin Konton Qafood Wax Ka Badan 3. Waxaa Lafasaxy In La Furo Meelaha Jirdhiska(Gym Centers) Iyo Meelaha Rayslayasha(Barber Shops) Iyadoo La Sheegay Inay Raacaan Shuruudaha La Faray 4. Cimrada Iyo Siyaarooyinka Oo Weli Sidoodii U Xiran Taasoo Ku Xiran Qiimeynta Dowriga Ah Ee Wadciga 5. Safarada Cirka, Xuduudaha Dhulka Iyo Badda, Soo Gelida Dibadda Iyo Bixida Oo Weli Xiran 6. Waa In Loo Wada Hoggaansamaa Dhammaan Amarada Kala Fogaanshaha Iyo Qaadashada Ganfuur Xidhka Muwaadin Iyo Muqiimba Ciddii Jebisana La Marsiin Doono Ciqaabta Uu Istaahilo. تسبب حظر التجوال من الكاتدرائية السعودية أعلنت المملكة العربية السعودية أنها رفعت حظر التجول بناء على نصيحة مسؤولي الصحة السعوديين وبتوجيه من المملكة العربية السعودية. 1. ابتداءً من يوم الأحد الساعة 06:00 صباحًا ، 21 يونيو 2020 ، وارتداء الضحلة 2941 1441 في حفل عام مع مراعاة الانفصال وكل شخص يرتدي خزانة أو قناع ) 2. استعادة الأنشطة الاقتصادية وفتح جميع صالات العرض مع مراعاة وقبول النصائح الصحية دون ممارسة أكثر من خمسين شخصًا 3. التمرين لفتح مراكز الصالة الرياضية ومناطق الإشعاع ( حلاقة) ذكرت اتباع شروط الإفراج 5. يتم إغلاق السفر الجوي والحدود البرية والبحرية والهجرة والمخارج 6. يجب الامتثال لجميع أوامر المواطنة والقيود الدائمة وأي شخص يخرق التأديب. Qaran News
  6. Isimada gobolada Sool iyo Ceyn ayaa si kulul uga hadlay wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somalilad ee Jabuuti. Siddeed Isim oo kala ah; Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Ugaas Faarax Dheexe, Garaad Saleebaan Buraale, Boqor Cabdullaahi Dabagooye, Garaad Cabdisalaan Maxamed, Suldaan Siciid Cali iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay degaanka Hadhwanaag (Garac-lagudhal) ee gobolka Sool ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fiirsato cidda ay wadahadalada lagu galayso Jabuuti. Isimadda ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu matalo oo kaliya beelaha dega gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, uusana mataglin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee isimadda. PUNTAND POST The post Isimo si kulul uga hadlay wadahadalada DFS iyo Somalilnad appeared first on Puntland Post.
  7. Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland ee heshiiska la galay Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo. Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay heshiiskii Nairobi, isu soo dhawaanshaha dowladda Federaalka iyo Jubbaland, dib u heshiisiinta Jubbaland iyo xoraynta dhulka maqan. Seeraar ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskii 23 bishii April ee sanadkan hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ku dhexmaray magaalada Niarobi, wuxuuna ugu baaqay dadka wali ka aragti duwan maamulka Jubbaland in ay ku soo biiraan, si loo dhiso Jubbaland cusub oo looga wada shaqeeyo nabadgalyada, horumarka iyo xoraynta dhulka maqan. Dhanka kale Seeraar ayaa soo dhaweeyey is fahanka dowladda Federaalka iyo Jubbaland, wuxuuna xusay in arrintaasi ay meesha ka saari doonto caqabado badan oo jiray, isagoo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyna Seeraar wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoraynta dhulka ka maqan Jubbaland ee ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Seeraar oo soo dhaweeyey is fahanka DFS iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  8. Wanllaweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in caawa la weeraray guriga sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmadaas. Sarkaalka uu gurigiisa weerarkaas ka dhacay caawa ayaa magaciisa naloogu soo koobay Halac, waxaana la sheegay in gudaha guriga mar qora laga maqlay jugta laba qarax oo waaweyn. Waxaa lasoo sheegayaa in halkaas uu ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray askartii ilaalada u aheyd sarkaalka gurigiisa la weeraray iyo xubno ka tirsan qoyskiisa. Illaa hadda ma cada waxa loo adeegsaday weerarka caawa ka dhacay guriga sarkaalkaas ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmada Wanllaweyn, balse dad ka agdhaw halkaas ayaa noo sheegay in gudaha guriga laga maqlay laba jug oo aad u culus, kuwaas oo loo maleynayo qaraxyo. Dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen weerarkaas waxaa la sheegay in loo qaaday xarumaha caafimaadka ee degmada Wanllaweyn oo sida dadka ku nool magaalada ay noo sheegeen aan tayo badneyn, waxaana xusid mudan in dhaawacyada daran aysan sahlaneyn in loo qaado meelo kale, sida magaalada Muqdisho, maadaama aysan sahlaneyn si loo marsiiyo wadada oo mar hore weerarrada Al-Shabaab looga go’ay. Wararka kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa isi-soo taraya, balse illaa hadda lama xaqiijin karo inta uu khasaaraha rasmiga ah, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa weerarkaas. Degmada Wanllaweyn ayaa waxaa ka jira dagaal beeleed in mudo ah ka taagnaa, oo bilihii lasoo dhaafay gaaray heer meydadka dadka la iska dilo la gobo, taas oo hey’adaha garsoorka dalku ay ku baxeen, in kastoo ay weli jirto colaadii u dhaxeysay beelihii ku dagaalamay halkaas oo aan weli si dhab ah aan xal looga gaarin khilaafkooda. Sidoo kale Wanllaweyn waxay ka midtahay magaalooyinka gobolka Shabeellada Hoose ee kaabiga ay ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay mararka qaar weerarrada ka geystaan, sidoo kale wadooyinka soo gala ayaa u go’doonsan.
  9. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka COVID-19, waxaa ay ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay guud ahaan dalka laga helay 36 kiis oo cusub, taas oo guud ahaan dalka ka dhigaysa dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus 2,755 qof. Wasaaradda ayaa xustay in xaaladaahan laga kala helay gobolka Banaadir oo 4 xaalad ha, Somaliland 29 xaalad ah iyo Jubbaland oo laga soo diiwaan geliyey 3 kiis , kiiska la shaaciyey 30 kamid ah waa Rag, halka 6 ay yihiin Dumar. wasaaraddu maanta ma shaacin wax kiis oo dhimasho ah, guud ahaa waxaa xanuunka ugu geeriyooda dalka 88 ruux. Wasaaradda ayaa xustay in xanuunka ay ka soo bogsadeen 27 muwaadin, kuwaas oo horay uu u soo ritay xanuunka Coronavirus, dadka xanuunka guud ahaa dib uga soo caafimaaday ayaa gaarayo 751 ruux. Wasaaraddu wax kiisa ah kama sheegin maamulada Galmudug, Puntland , Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, xanuunka ayaana sii yaraanayo. Goobjoog News > Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Kulankaas maanta dhex maray James Swan iyo hogaanka Madasha ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, caqabadaha ku hor gudban iyo kaalinta axsaabta dalka ay ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho waqtigeeda ku qabsoonta, taas oo lagu wada qanacsanyahay. Xubnaha Madasha ee kulanka la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa kala ah, guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Xisbiga Ilays Cabdulqaadir Cosoble Cali. Kulanka ay mas’uuliyiinta la yeesheen James Swan ayaa imaanaya xilli uu isi-sii tarayo walaaca laga qabo inay madaxda hoggaamisa dowladda federaalka ay dalka gaarsiin waayaan doorasho lagu wada qanacsanyahay, iyadoo uu gabaawsi yahay mudo xileedkooda. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed maanta ka soo baxay waxa ay uga hadleen arrimaha doorashada dalka, waxay ku sheegeen inay walaac badan ka qabaan sababta ay madaxda dowladdu uga cagajiidayaan qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay. Sidoo kale Madasha ayaa war-saxaafadeedkaas ugu baaqday baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee ku saabsan doorashooyinka, si aysan deegaanada dalka ugu horseedin khalalaase iyo deganaansho la’aan, kuwaas oo xalinteedu adkaan doonto, sida lagu yiri qoralka. Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sidoo kale qoraalkii maanta ku sheegtay in hoggaanka dowladda federaalka uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana loo baahan yahay in laga tashado.
  11. Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nin Darawal ah ku dilay Isgooyska EXkoontarool Afgooye. Darawalka la dilay ayaa watay gaari caasi ah. Askariga ayaa darawalka dilay ka dib markii ay ku murmeen dhiibitaanka lacago askariga uu weydiiyey, maadaama goobta ay ku yaallaan dhowr Boosteejo laga raro buubuurta soo aadda magaalada iyo kuwa u baxa Afgooye. Askarigii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ka dib dilka ninka Darawalka ah , ciidamada dowladda oo degan Exkoontrool oo goobta soo gaaray ayaa ku guul dareystay soo qabashada askarigii dilka geystay. Ciidamada dowladda ayaa asbuucaan gudihhiisa dilay sedex qof oo shacab ah oo uu ugu dambeeyey ninkaan darawalka ah, iyadoo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar-jajab, lagu dilay wiil farsamo yaqaan ah iyo oday miis yar ku lahaa degmada Xamarjajab, sedexdaas qof ayaa sababsaday gacmamaha ciidamada dowladda federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagaga buuqay kulankii Golaha Shacabka. Xildhibaanka ayaa ka hadli lahaa qodob aan ku jirin ajandaha Baarlamaanka oo ahaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowladd goboleedyada, balse qaar kamid ah xildhibaanada ayaa buuq iyo sawaxan ku furay, kadibna guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsay in uu kaliya ka hadlo qodobkii ajandaha oo ahaa ka doodista xeer qoondada haweenka. “Sharciga hadda lagu magacaabay guddiga dhameystirka afarta qodob, waxaa ku qoran qorobkiisa saddexaad ee uu saxiixay Guddoomiyaha Gohala shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, in lala soo tashado dowladda goboleedyada iyo saamilayda siyaasadda” ayuu yiri Xildhibaan Xasan ka hor inta aan buuq ku furmin. Xasan Yare ayaa ahaa xildhibaankii firinbiga ku yeeriyay Madaxweyne Farmaajo markii khubada ka jeedinayay furitaankii kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan buuq kala kulmay kulankii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  13. 45 maalin ayaa laga joogaa diyaaddii ku dhacday Bardaale, tan iyo xilligaas ma jirin cid sheegatay masuuliyadda shilkaas inay, lama oga natiijadii baaris ay sameeyeen guddiga saddex geesoodka ahaa. Aqirso Xogta Diyaaraddii Lagu Soo Riday Bardaale Xogta Daahsoon ee Diyaaraddii Lagu Soo Riday Bardaale Halkan Ka Daawo Warbixin Soo Koobaysa Diyaaradii Lagu Soo Diray Bardaale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-berdaale.mp4 Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey, kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka maxaliga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in falkaas uu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, waxaana dilka uu ka dambeeyay kadib markii Askariga iyo Ninka ay wada-murmeen. Sidoo kale dadka la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in askariga Dowladda uu Darawalka weeydiistay lacag dhan 5-kun oo Shilin Soomaali ah, hayeeshee uu ka dhago adeegay, sidaasina uu Askariga fasaas ugu furay Darawalka oo geeriyooday. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga falka geystay uu si Deg deg ah u baxsaday, waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydka ka qaaday Dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa, sidoo kalena falkaas siweyn uga cadhooday. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Bnaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Source
  15. It’s a clash over water usage that Egypt calls an existential threat and Ethiopia calls a lifeline for millions out of poverty. Just weeks remain before the filling of Africa’s most powerful hydroelectric dam might begin, and tense talks between the countries on its operation have yet to reach a deal. In an interview with The Associated Press, Ethiopian Foreign Minister Gedu Andargachew on Friday declared that his country will go ahead and start filling the $4.6 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam next month, even without an agreement. “For us it is not mandatory to reach an agreement before starting filling the dam, hence we will commence the filling process in the coming rainy season,” he said. “We are working hard to reach a deal, but still we will go ahead with our schedule whatever the outcome is. If we have to wait for others’ blessing, then the dam may remain idle for years, which we won’t allow to happen,” he said. He added that “we want to make it clear that Ethiopia will not beg Egypt and Sudan to use its own water resource for its development,” pointing out that Ethiopia is paying for the dam’s construction itself. He spoke after the latest round of talks with Egypt and Sudan on the dam, the first since discussions broke down in February, failed to reach agreement. No date has been set for talks to resume, and the foreign minister said Ethiopia doesn’t believe it’s time to take them to a head of state level. The years-long dispute pits Ethiopia’s desire to become a major power exporter and development engine against Egypt’s concern that the dam will significantly curtail its water supply if filled too quickly. Sudan has long been caught between the competing interests. The arrival of the rainy season is bringing more water to the Blue Nile, the main branch of the Nile, and Ethiopia sees an ideal time to begin filling the dam’s reservoir next month. Both Egypt and Ethiopia have hinted at military steps to protect their interests, and experts fear a breakdown in talks could lead to conflict. Ethiopia’s foreign minister would not say whether his country would use military action to defend the dam and its operations. “This dam should have been a reason for cooperation and regional integration, not a cause for controversies and warmongering,” he said. “Egyptians are exaggerating their propaganda on the dam issue and playing a political gamble. Some of them seem as if they are longing for a war to break out.” Gedu added: “Our reading is that the Egyptian side wants to dictate and control even future developments on our river. We won’t ask for permission to carry out development projects on our own water resources. This is both legally and morally unacceptable.” He said Ethiopia has offered to fill the dam in four to seven years, taking possible low rainfall into account. Sticking points in the talks have been how much water Ethiopia will release downstream from the dam during a multi-year drought and how Ethiopia, Egypt and Sudan will resolve any future disputes. The United States earlier this year tried to broker a deal, but Ethiopia did not attend the signing meeting and accused the Trump administration of siding with Egypt. This week some Ethiopians felt vindicated when the U.S. National Security Council tweeted that “257 million people in east Africa are relying on Ethiopia to show strong leadership, which means striking a fair deal.” In reply to that, Ethiopia’s foreign minister said: “Statements issued from governments and other institutions on the dam should be crafted carefully not to take sides and impair the fragile talks, especially at this delicate time. They should issue fair statements or just issue no statements at all.” He also rejected the idea that the issue should be taken to the United Nations Security Council, as Egypt wants. The latest talks saw officials from the U.S., European Union and South Africa, the current chairman of the African Union, attending as observers. Sudan’s Irrigation Minister Yasser Abbas told reporters after talks ended Wednesday that the three counties’ irrigation leaders have agreed on “90% or 95%” of the technical issues but the dispute over the “legal points” in the deal remains dissolved. The Sudanese minister said his country and Egypt rejected Ethiopia’s attempts to include articles on water sharing and old Nile treaties in the dam deal. Egypt has received the lion’s share of the Nile’s waters under decades-old agreements dating back to the British colonial era. Eighty-five percent of the Nile’s waters originate in Ethiopia from the Blue Nile. “The Egyptians want us to offer a lot, but they are not ready to offer us anything,” Gedu said Friday. “They want to control everything. We are not discussing a water-sharing agreement.” The countries should not get stuck in a debate about historic water rights, William Davison, senior analyst on Ethiopia with the International Crisis Group, told reporters this week. “During a period of filling, yes, there’s reduced water downstream. But that’s a temporary period,” he said. Initial power generation from the dam could be seen late this year or in early 2021, he said. Ethiopia’ foreign minister expressed disappointment in Egypt’s efforts to find backing for its side. “Our African brotherly countries should have supported us, but instead they are tainting our country’s name around the world, and especially in the Arab world,” he said. “Egypt’s monopolistic approach to the dam issue will not be acceptable for us forever.” Source Ahram.org Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa markale ka hadashay shirkii dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti ee wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Itoobiya ayaa shirkaasi ku tilmaamtay mid muhiim u ah gobolka geeska afrika, iyada oo warbixin ay soo saartay ku taageereysa midnimada Soomaaliya. Warbixinta todobaadlaha ah ee Wasaarada arrimaha dibeda Itoobiya, ayaa si toos ah loogu soo xigtay hadalkii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu ka jeediyay kulankii ay isku hor-fadhisteen Farmaajo iyo Muuse Biixi. Abiy Axmed ayaa khudbadiisa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay nabada geeska iyo dib u heshiisintu, xili ay Somaliland ku doodeyso inay ka go’day Soomaaliya. “Intii lagu gudo jiray kulankan wada-tashiga ah ee xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya, Ra’iisal wasaare Abiye Axmed wuxuu hoosta ka xariiqay qiimaha ay nabadda iyo dib u heshiisiintu u leedahay gobalka oo fure u ah is dhex galka gobalka. Waxa xusid mudan in kulankan wada-tashiga ahi dabo socdo kulankii uu bishii February ee sannadkan Addis Ababa ku qabsoomay” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada. Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay rabitaanka beesha caalamka ee midnimada, xili ay u muuqata inay god dheer ku dhacday, maadama uu mowqif adag iska taagay Madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi ayaa si cad uga sheegay shirka Jabuuti in marnaba ay ka tanaasuleyn madax banaanida ay ku doodo ee muddo ka badan 29-ka sanno ay u weyday ictiraafka. Mowqifka Biixi ayaa u muuqda mid sii fogeynaya midow dambe, iyada oo ujeedka rasmiga ah ee Wada-hadaladaasi ay ka leeyihiin beesha caalamku ay tahay midnimo dib u dhalata, sida ay rumeysan-yihiin qaar kamid ah aqoon-yahanka darsa arrimaha siyaasada. Dowladda Itoobiya ee uu hogaaminayo Abiy ayaa iyadu laftigeedu dadaal dheer ka gashay siday u dhalan laheyd midnimadaasi, iyada oo ugu dambeyntii ay fashil ku dambeeyen qorshayaal la aaminsan yahay inuu ugu xaglinayay dhanka Soomaaliya. Somaliland ayaa iyadu aaminsan in beesha caalamku ay dhagaha ka fureysanayso inay ictiraafto, iyada oo dhawaana luuqad adag uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland oo isagu dalbaday in si madax-banaan loogala tacaamulo mucaawinooyinka loo soo marinayo dowladda federaalka.
  17. Madasha Xibsiyada Qaran Oo Kahortimid Habraacyadii Guddigii Wadajirka Ee Baarlamaanka Federaalka. Halkan Ka Daawo Baaqii Kasoo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Qoran-Xisbiyadda.mp4 Source: goobjoog.com
  18. Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa Imaaraadka ugu goodiyay in uu kusoo rogayo cunaqabateyn isagoo cuskanaya xeerka Caesar, kaasi oo bartilmaameedsanaya rajiimka Siiriya iyo xulifadiisa. Washington waxay carrabka ku adkeysay in ay kasoo horjeedo talaabooyin ay Abu Dhabi u qaaday si ay ugu soo dhawaato rajiimka Siiriya, waxayna tilmaantay in cuneqabateynteeda ka dhanka ah Bashaar al-Assad ay bartilmameedsan karto qaybo Imaaraadka ka mid ah. Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Siiriya James Franklin Jeffrey oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay dhaqan-gelinta xeerka ilaalinta rayidka Siiriya ee Caesar ayaa ku dhawaaqay “Imaaradku waa ogyihiin in aan gebi ahaanba diidanay in ay sii wadaan talaabooyinkaas….si cad ayaan ugu sheegtay in aan fikrad qaldan u aragn dib u furista safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Dimishiq, iyo booqashadii ay dhawaan halkaas ku tageen wafdi ka socday Imaaraadka.” Jeffrey ayaa sheegay in talaabooyinkaasi “aysan ka qayb qaadan doonin fulinta qaraarkii Qaramadda Midoobay [No. 2254] iyo dhameynta colaadda Siiriya, taasi oo si adag wal-wal ugu abuurtay dhammaan gobolka”. “Cid walba oo sameysa dhaq-dhaqaaq dhaqaale, Imaaraadka ha ahaado ama wadan kale, dhaq-dhaqaaqyadaasna ay wafaqayaan heerka cunaqabateynta, waxaa bartilmaameedsan doona cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Jeffrey. Arbacadii, Maraykanka ayaa cuneqabateyn kusoo rogay 39 dad iyo shirkado isugu jira, oo ay ka midyihiin al-Assad iyo marwadiisa Asma, si uu u hor istaago ilaha dhaqaale ee Dowladda Siiriya, waana isku day ladoonayo in dib loogu celiyo wadaxaajoodka ay Qaramadda Midoobay garwadeenka ka tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa warkii cunaqabateynta ku xaqiijiyay in cuneqabateyn dheeri ah la fili karo in lagu soo rogo al-Assad todobaadyadda iyo bilaha soo socda. Dhamaadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta aya furay safaaradii uu ku lahaa magaaladda Dimishiq, kadib lix sano oo ay xirneyd, inkastoo Imaaraadka Carabta ka mid yahay dalalka sida daran fagaareyaasha caalamiga ah uga dhaleeceeya Dowladda Assad. Muddo sanado ah Imaaraadka Carabta waxaa uu soo dhaweynayay, ganacsato xiriir la leh Bashar al-Assad, kuwaas oo laga yaabo in cuneqabateynta Maraykanku bar-tilmaameedsato .
  19. Mandera political leaders have thrown their weight behind President Uhuru Kenyatta and his Handshake with ODM leader Raila Odinga as a new wave of realignments sweeps across the country. Source: Hiiraan Online
  20. Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiye Mursal u gudbiyay Mooshin. Mooshinka oo ay ku saxiixnaayeen 132 Xildhibaan ayaa ku saabsan haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka. “Mudane Guddoomiye anaga oo ah xildhibaanada halkan ku saxiixan waxaan soo jeedinaynaa mooshin ah, in haweenka labada aqal ee taradoodu tahay 24% in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ugu yaraan 30%, si waafagsan qodobka 23 ee sharciga doorashooyinka qaranka Federaalka” ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo mooshinka ka hor akhrisay Baarlamaanka. Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa fadhiyay 156 mudane, waxaana ajandayaasha kamid ahaa ka doodista xeerka qoontada haweenka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo gudbiyay mooshin appeared first on Puntland Post.
  21. Magid Magid, who left the European Parliament after Brexit, was speaking to Euronews after EU chief Ursula von der Leyen said she would hold a debate on racism with her team of commissioners next week. Source: Hiiraan Online
  22. ADEN/SANAA (Reuters) - Despite six years of war and hardship in Yemen, Somali refugee Bader Hassan had stuck it out hoping for a better life than in his homeland. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah darawalada kaxeeyo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan Homey. Goobjoogaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ee Ex-Control Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay iyo darawalka la dilay uu dhex maray muran kadibna horseeday dilka. Askariga dilka geystay ayaa lacag dhan 5 kun oo Shillin Soomaali ah waydiistay darawalka waday gaariga dadweynaha, balse darawalka ayaa ka biyo diiday inuu lacagtaas bixiyo waxaana xigay rasaas uu askariga ku furay darawalka dhintay. Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday xilli ay goobta ku sugnaayeen askar kale oo ka tirsan kuwa Dowladda ee Ex Control lacagaha uga qaado gawaarida. Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah. Dilka ay geysanayaan askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo badanayo Magaalada Muqdisho, waxaana taas loo sababeeyaa inaan la ciqaabin askariga dilka geysto.