Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) -Taliska ciidamada Xoogga ayaa faah faahiyey howlgal qorsheysan oo laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha ciidamada dhulka Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo dhacay duleedka Janaale ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Dirir ayaa xusay in howlgalka uu yimid, kadib markii kooxda Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigyada ciidan ee ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah howlgalkan uu uga dhacay tuulada Dug-wariiri, ayna ku dileen labo sarkaal oo Al-Shabaab ahaa iyo 27 dagaalame, sida uu hadalka u dhihay. Ugu dambeyn taliyaha ciidmada dhulkabee Xoogga Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada ballaaran iyo dhaq dhaqaaqyad ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Janaale oo ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada dowladda, ayaa waxaa inta badan weeraro ku qaada Al-Shabaab.
  2. Mushkiladda barakaca ama in qaxooti la noqdo waa astaan ka mid ah kuwa lagu yaqaannay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay. Maanta, sida ay sheegayaan hey’adaha dowladda federaalka ah ugu yaraan 2.6 million oo Soomaali ah ayaa barakac ku ah gudaha dalka, waxaa intaa dheer in ka badan 30,000 oo ah qaxooti ka yimid dalalka Ethiopia a iyo Yemen. Dhanka kale, weli ugu yaraan 800,000 oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka geeska Afrika, waxaana in muddo ah soo laabtay qaar kale oo lagu qiyaasay 90,000 . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka lagu weeraray xerada 2-aad ee ciidamadda dowladda Federaalka Somaliya ay ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, qarax waxaa ku dhintay inta la hubo labo askari oo ka tirsan ciidamada qaybta 21-aad, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Qaraxa ayaa dhacay abaaro 6: 30 subaxnimo, kadib markii gaariga xawaare sare ku socday lagu dhuftay albaabka hore ee xerada ciidamadda 21-aad, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah. Saraakiisha ciidamada ee aagaas ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira qaabka uu qaraxa u dhacay, waxayna ku eedeeyeen in ay ka dambeysay kooxda Al-shabaab. Al-shabaab ayaa weeraro ismiidaamin ah marar badan la beegsay saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Xero ciidan oo ku taala Galmudug oo la weeraray appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Qorax Madoobaad ayaa saaka oo Axad ah lagu arkay Magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka Somaliland. Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay waxay saadaaliyeen inuu Qorrax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoona saaka la arkay. Dadka ku sugan Gobolada dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen qeyb kamid ah Qorraxda oo Madoobaatay. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Masaajido ku yaalla Hargeysa iyo Gobolada dalka lagu tukaday salaad Alle baryi ah, waxaana buux-dhaafiyay dadweyne badan. Dhacdooyinka Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaara qaataan iyo in la tukado Salaad iyo Taqwada Alla bari ah oo la badiyo xiliyadaas. Source
  5. (SLT-Reading)-Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baarkin ku yaalla magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen. Nin 25 sanmo jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka. Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray. Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan. Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco. Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror. Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay in ayna jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan. Waxa uu intaasi ku daray in ayna haatan dhacdadaan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse booliska ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfurgalbeed. Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo. Balse waxaa dadka loogu baaqay in ayna baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka. Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdada ayna la xidhiidhin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday. Source
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah fàahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ahaa oo kooxda Al-Shabab saaka aroortii hore ay ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhigga ciidmada qeybta 21-aad ay ku leehiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen, islamarkaana ay qarxiyeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaaano Leyla Calaawi oo laga soo buuxiyey wayaabaha qarxa. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay halkaasi ku dhinteen raggii saarnaa gaariga ee weerarka qaaday. Saraakiisha ka hadashay weerarkaasi ayaa dhankooda xaqiijiyey in weerarkan looga dilay illaa laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.
  7. OTTAWA -- Chants of "No Justice No Peace" and "Black Lives They Matter Here" filled the streets of downtown Ottawa on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Hong Kong (CNN Business)China has become one of Africa's largest creditors in recent years, lending hundreds of billions of dollars to governments to build roads, railways and ports. Now it's promising to write off a small part of that debt as countries on the continent battle the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Baqdaad)-Howlgaladda mataanaha ah ee Turkigu ku duqaynayo kooxda argagixisada Kurdiyiinta ee PKK ayaa toddobaadkaan soo jiitay dareenka dadka indha-indheeya xaaladda Ciraaq. Waxay u nuuqataa in tallaabada Ankara ay ku soo aaday kadib markii Imaaraadka Carabtu uu taageero dhaqaale siiyay kooxdan gooni u goosadka ah, taasi oo muujineysa cabsi ah in dagaal qarsoon uu Imaaraadka iyo Turkiga ku dhex maro Ciraaq. Billowgii weerarada Turkiga ee PKK Turkigu waxaa uu laba howlgal toddobaadkaan ka bilaabay woqooyiga Ciraaq, kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, howlgaladdu waxay sababeen in xukuumadda Baqdaad ay si adag u diido ficilka millatari ee Ankara ee ka dhanka ah ururka PKK oo ku dhuumanaya gobolka buuraleyda Ciraaq. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay bur-burisay in ka badan 500 oo bartilmaameedyo PKK ah 36 saacadood ee ugu horreysay howlgalka. Weli ma kala saarin in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay beegsadeen, ama keydka raasta, ama meelo kale oo ay kooxdu heysteen. Taleefishinka dowladda ee TRT ayaa weriyey in ciidamada Turkish-ka ay burburiyeen ugu yaraan 81 gobood oo ay ku dhuumaaleysan jiraan PKK iyo meelo hubka loo soo mariyo. Lacag ka timid Imaaraadka Carabta Go’aanka uu Turkigu ku bilaabay howlgalka waxaa uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu raadinayo in uu taageero ololaha gooni u goosadka PKK ee ka dhanka ah Turkiga, kaasi oo socday ku dhawaad 40 sanno islamarkaana galaaftay nolosha 40,000 oo qof. Laanta Afka Carabiga ee wargeyska Al-Arabi Aljadiid ayaa werisay in ilo-wareed ka tirsan Dowladda Gobolka Kurdiyiinya ee fadhigeedu yahay Erbil u sheegay in ay ogaadeen lacago badan oo Imaaraadka Carabtu siiyay PKK. Ilo-wareedku waxaa uu sheegay in Dowladda Gobolka Kurdiyiinta ay weydiisatay in caddeyn ogolaansho laga keeno masuuliyiinta lacagta kasoo diray Imaaraadka iyo akoonada bangiyadda. Sarlot Cali, oo ka tirsan siyaasiyiinta Kurdishka ayaa sheegay in xiriirka lacagta ee ka dhaxeeya Kurdiyiinta mucaaradka ku ah Turkiga iyo Imaaraadka uu socdo afar sano, kaasi oo soo mara ururadda bulshadda iyo howlgaladda gar-gaarka ee dadka barakacay. Kuwa uu dagaalku saameeyay waxaa la dejiyay goboladda kala duwan ee Ciraaq ee Kurdistan, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Iran, halkaas oo dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiintu ay ka howlgalaan. Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Imaaraadka iyo Turkiga waxay isku haystan kuna muransanyihiin dhinacyo badan oo gobolka ah, waxaa ugu dambeeyay Liibiya oo xukuumadda Ankara ay taageereyso Dowladda Caalamku aqoonsanyahay, halka Abu Dhabi ay malaayiin lacag ah ku taageereyso General Khaliifa Xaftar oo dhawaan looga adkaaday Tripoli. Imaaraadka waxaa uu sidoo kale ka careysanyahay taageeradda Turkigu uu siiyo Qatar oo uu geeyay militari si uu uga difaaco isbahaysigii gacanka carbeed ee ay hogaaminayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Sidaas darteed layaab malahan in Imaaraadku raadiyo xasilooni daradda Turkiga isagoo taageeraya PKK. Si kastaba, talaabadaas waxay khatar ku tahay in Abu Dhabi lagu calaamadiyo maalgelinta argagixisada PKK oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Europe ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso. Xitaa iyadoo ay caawimaad ka helayaan Imaaraadk Carabta, PKK ma awoodaan in ay xasilooni darro ku abuuraan Turkiga. Ku dhawaad 40 sano oo colaad ah ayaa muujisay in ay xadidan tahay awoodda PKK ay u leeyihiin in ay qasaan Turkiga, inkastoo ay weli yihiin khatar maxali ah. Taas bedalkeeda, Turkigu wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa mudda dheer ee uu heshiiska kula jiro Dowlada Gobolka Kurdiyiinta kuwaas oo si hoose u ogolaaday howlgalkii millatari ee Ankara kasokoow kalsooni daradii xukuumada Baghdad. Source
  10. The African Union (AU) has suspended South Sudan from the continental body after Juba failed to pay its annual contributions amounting to over 9 million U.S. dollars. Source: Hiiraan Online
  11. Tensions were rising in a late-night debate in the Minnesota Senate last week when Sen. Patricia Torres Ray turned to each member of the People of Color and Indigenous Caucus (aka "POCI") and asked if they'd been consulted on a pending GOP police reform measure. Source: Hiiraan Online
  12. Qorax madoobaad ayaa laga arkay Saaka oo Axada Bishuna tahay 21-ka Juun 2020 Dalalka Geeska Afrika Qaarkood Sida Somalia & Somaliland. Abaara 7:30 ayaa lagu war helay ama la arkay Cadceedii oo badhkeed madoobadeyd halka qadar yar ka dibna madow isku xeeray Cadceeda oodhan waxaana shiiqay Iftiinkii cadceeda sidii hoosiis jiro. Geesta kalana Culimada Masaajidada ayaa oogay salaad Alla bariya,Ducooyin & Khudbado Diiniya,halkaas oo buslahaduna camirtay Masaajida Qaran News
  13. Hobyo (Caasimada Online) – Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Galmudug ay haatan ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qalab qaato dhismaha dekadda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo, iyadoo munaasabadii lagu daahfurayey ay kasoo qeyb galeen xubno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, siyaasiyiin kale, odayaal dhaqan, iyo bulshada qeybeheeda kala duwan. Guddoomiyaha golaha hoggaaminta beelaha Habargidir Prof. Shirwac ayaa munaasabaddaas ka sheegay in beeshiisu ay bixineyso 50 milyan oo dollar, inta kalena laga rabo inay bixiyaan beelaha kale ee Galmudug, waxaana dhismaha dekedda wajiga koowaad lagu qeymeeyay 90 milyan oo dollar. Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo wareysi siiyey Idaacadda Goobjoog ee maagalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in dekadda lagu dhisayo isku tashi ay sameynayaan bushada reer Galmudug, waxaana uu intaas ku daray in mashruuca lagu dhisayo ay hormuud u yihiin ganacsatada ka soo jeeda Galmudug. ”Waxaan Galmudug iyo wasaarad ahaan ugu bishaareynay umadda Galmudug, hadda in loosoo diyaar garoobay si isku tashi ah dadka reer Galmudug ah oo aan aaminsannahay dhaqaalaha ugu badan ee dadka Soomaaliyeed marka la xisaabiyo Soomaalida, maamul goboleedyada ugu dhaqaalo badan yihiin Galmudug, in si iskutashi ah ay ku dhistaan, waana aaminsannahay in ay sameyn karaan. “Arrintaas ayaana xafladdeenna aan ka sheegnay, iskama aanan sheegin, wadahadal ganacsatada reer Galmudug aan yeelanay iyo wasaarad ahaan ayaan go’aannadaas isla qaadanay, wixii hadda ka dambeeya, waxaan rajeynaynaa inaan ficil u badalno,” ayuu yiri wasiir Saabir. Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Runtii reer Galmudug iyo umadda Soomaaliyeed ee hammineysa in dekaddaan ay dhisanto weligood waa ay jeclaayeen inay maalgaliyaa oo ay helaan jaanis ay ku maalgelin karaan, laakiin ma aysan helin hoggaankii saxda ahaa ee maaligalinta ay sameyn lahaayeen u ballan qaadi lahaa mid ammaan ka helayso in aysan dhibaato uga soo noqon.” “Annaga dowlad ahaan Galmudug waxaan u ballan qaaday si sharciyad ah inaan ganacsata siin doonno Decomenti sharci ah oo dowladda Galmudug ah, oo hanaankeeda sharci lawada marsiiyo, oo waxdhibaato ah aysan uga imaaneynin, oo amnigii aan ka shaqeyno aan ballan qaadnay,” ayuu yiri wasiir Saabir. Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay qorsha mustaqbalka fog ee dekedda ay ka damcsan yihiin ” Dekadda hamigygu maahan, dekedaha dalka Soomaaliya maanta ku yalla, ka wasaarad ahaan waxaan qoryeynay, qorshahaha aan ka hadlaayo waa qorshe qaadanaayo ilaa 10 sano, oo qeyba ay maalin noqoto, qeybta ugu horeyso ay noqoto qeyb kaafin karta dadka reer Galmudug.” “Dadka deegaannada ku hareereysan ee maamul goboleedyada dariska lawada ah, aan dhisno labada sano ee soo socota deked kaafin karta oo ku filan iyo dowladda deriska, sida Itoobiya oo kale oo aan xaduud dheer la leenahay, haddii aan nahay dowlad goboleedka Galmudug nahay” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Saabir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-saabir-nuur.mp3
  14. Istanbul (Caasimada Online) – Howlgaladda mataanaha ah ee Turkigu ku duqaynayo kooxda argagixisada Kurdiyiinta ee PKK ayaa todobaadkaan soo jiitay dareenka dadka indha-indheeya xaaladda Ciraaq. Waxay u nuuqataa in talaabada Ankara ay ku soo aaday kadib markii Imaaraadka Cabtu uu taageero dhaqaale siiyay kooxdan gooni u goosadka ah, taasi oo muujineysa cabsi ah in dagaal qarsoon uu Imaaraadka iyo Turkiga ku dhex maro Ciraaq. Billowgii weerarada Turkiga ee PKK Turkigu waxaa uu labo howlgal todobaadkaan ka bilaabay woqooyiga Ciraaq, kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, howlgaladdu waxay sababeen in xukuumadda Baqdaad ay si adag u diido ficilka militare ee Ankara ee ka dhanka ah ururka PKK oo ku dhuumanaya gobolka buuraleyda Ciraaq. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay bur-burisay in ka badan 500 oo bartilmaameedyo PKK ah 36 saacadood ee ugu horreysay howlgalka. Weli ma kala saarin in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay beegsadeen, ama keydka raasta, ama meelo kale oo ay kooxdu heysteen. Taleefishinka dowladda ee TRT ayaa weriyey in ciidamada Turkish-ka ay burburiyeen ugu yaraan 81 gobood oo ay ku dhuumaaleysan jiraan PKK iyo meelo hubka loo soo mariyo. Lacag ka timid Imaaraadka Carabta Go’aanka uu Turkigu ku bilaabay howlgalka waxaa uu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta uu raadinayo in uu taageero ololaha gooni u goosadka PKK ee ka dhanka ah Turkiga, kaasi oo socday ku dhawaad 40 sano islamarkaana galaaftay nolosha 40,000 oo qof. Laanta Afka Carabiga ee wargeyska Al-Arabi Aljadiid ayaa werisay in ilo-wareed ka tirsan Dowladda Gobolka Kurdiyiinya ee fadhigeedu yahay Erbil u sheegay in ay ogaadeen lacago badan oo Imaaraadka Carabtu siiyay PKK. Ilo-wareedku waxaa uu sheegay in Dowladda Gobolka Kurdiyiinta ay weydiisatay in caddeyn ogolaansho laga keeno masuuliyiinta lacagta kasoo diray Imaaraadka iyo akoonada bangiyadda. Sarlot Cali, oo ka tirsan siyaasiyiinta Kurdishka ayaa sheegay in xiriirka lacagta ee ka dhaxeeya Kurdiyiinta mucaaradka ku ah Turkiga iyo Imaaraadka uu socdo afar sano, kaasi oo soo mara ururadda bulshadda iyo howlgaladda gar-gaarka ee dadka barakacay. Kuwa uu dagaalku saameeyay waxaa la dejiyay goboladda kala duwan ee Ciraaq ee Kurdistan, gaar ahaan xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Iran, halkaas oo dhaq-dhaqaaqa Kurdiyiintu ay ka howlgalaan. Loolanka Turkiga iyo Imaaraadka Imaaraadka iyo Turkiga waxay isku haystan kuna muransanyihiin dhinacyo badan oo gobolka ah, waxaa ugu dambeeyay Liibiya oo xukuumadda Ankara ay taageereyso Dowladda Caalamku aqoonsanyahay, halka Abu Dhabi ay malaayiin lacag ah ku taageereyso General Khaliifa Xaftar oo dhawaan looga adkaaday Tripoli. Imaaraadka waxaa uu sidoo kale ka careysanyahay taageeradda Turkigu uu siiyo Qatar oo uu geeyay militari si uu uga difaaco isbahaysigii gacanka carbeed ee ay hogaaminayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Sidaas darteed layaab malahan in Imaaraadku raadiyo xasilooni daradda Turkiga isagoo taageeraya PKK. Si kastaba, talaabadaas waxay khatar ku tahay in Abu Dhabi lagu calaamadiyo maalgelinta argagixisada PKK oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Europe ay u aqoonsanyihiin urur argagixiso. Xitaa iyadoo ay caawimaad ka helayaan Imaaraadk Carabta, PKK ma awoodaan in ay xasilooni darro ku abuuraan Turkiga. Ku dhawaad 40 sano oo colaad ah ayaa muujisay in ay xadidan tahay awoodda PKK ay u leeyihiin in ay qasaan Turkiga, inkastoo ay weli yihiin khatar maxali ah. Taas bedalkeeda, Turkigu wuxuu sii wadi doonaa barnaamijkiisa mudda dheer ee uu heshiiska kula jiro Dowlada Gobolka Kurdiyiinta kuwaas oo si hoose u ogolaaday howlgalkii militari ee Ankara kasokoow kalsooni daradii xukuumada Baghdad.
  15. Egypt’s president warns that an attempt by Turkey-backed forces in Libya to attack the strategic city of Sirte would prompt a direct Egyptian military intervention in the conflict. Source: Hiiraan Online
  16. President Trump accused Rep. Ilhan Omar, a U.S. citizen who was a childhood Somali refugee, of wanting to make the U.S. government like the country from where she fled. Source: Hiiraan Online
  17. After the killing of George Floyd by a police officer in Minneapolis, the world witnessed the worst riots ever. The protesters cry "Black Lives Matter" and call for unity against injustices Source: Hiiraan Online
  18. Six years ago, then 27-year-old Nimo Ibrahim started her new job deboning chickens at Pilgrim’s Pride in Cold Spring, Minnesota. For the young Somali refugee and single mother of three, the job was a lifeline as she had no other skills. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho ( Caasimada Online ) – Inta badan Soomaaliya ayaa maanta laga arkay Qorax madoobaad, iyadoo qeyb ka mid ah qoraxda ay madoobaatay. Meelaha laga arkay qorax madoobaadka ayaa ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Khubarada falaga ayaa horay us heegay in 21 bisha June ay dhaceyso qorax madoobaad (Partial Eclipse) Qorax madoobaadka noocan ah waxa loo yaqaan Annular Eclipse waa marka uu dayaxu isku gudbo iftiinka qoraxda, balse uusan si buuxda u wada qarin oo ay qorraxdu hareeraheeda ka iftiimayso. Masajidyada ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka bilowday salaatul jaamica.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhawaan la shaaciyey liis ay ku qoranyihiin deegaan doorashooyinka kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo uu soo diyaariyey guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, ayaa waxaa soo baxay cabasho la xariirta in liiskaas lagu soo qoray kuraas loo wareejiyey degmooyin aysan deegaan doorashadoodu aheyn. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in illaa afar kursi oo beeshiisu ay leedahay liiskaas loogu soo qoray in laga soo doorto gobol kale. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka doodayey xeerka qoondada haweenka, waxuuna Xildhibaan Xasan Yare doodaas kusoo bandhigay cabasho ay beeshiisu qabto, taas oo ah in afar kursi oo haween ay ku metelaan beeshiisa deegaan kale loo wareejiyey. “Beesha aan metelo kuraastooda baarlamaanka ee dhowr iyo tobanka ah, waxaa ku jirta afar kursi oo dumar ah, afartaas kursi waa la xawilay, oo waxaa loo wareejiyey gobolka kale oo aan laga soo dooran, sida ku qoran liiska uu soo saaray guddiga wadajirka ah,” ayuu yiri xildhibaan Xasan. Xildhibaanka ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobolka kale laga doortay degmooyinka Badhaadhe, Xagar iyo Afmadow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, balse hadda gobolka kale la geeyey, in kastoo uusan carabaabin gobolkaas loo wareejiyey. “Kuraastiiba hadii la tahriibinayo oo barakacayaal laga dhigayo, guddoomiye waxaan qabaa in la joojiyo xawilaada kuraasta, beelo ayaa iska lehe, guddiga soo saaray liiskaasna sumcad darro ayey ku tahay, anagana metelaadeena sharaf darey ku tahay” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan ayaa guddoonka golaha shacabka ka dalbaday in laga hor tago liiska la wareejinayo baraha bulshada oo ay cabashada ka yihiin. “Guddigii soo sameeyey liiskaas ee ku tuntay sumcada kuraasta beelaha qaarna, waxaan soo jeedinayaa raali gelin inay bixiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare). Halkan ka Daawo
  21. Trump oo ku guul darreystay kiis muhiim u ahaa John Bolton intii uu la taliyaha amniga qaranka ahaa wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka Garsoore Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in la hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton. Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaan bixinin. Garsoore Royce Lamberth, oo xaakin ka ah maxkamadda degmada ee magaalada Washington DC ayaa sheegay in Mr Bolton uu “khamaar ku ciyaaray” amniga qaranka Mareykanka, “uuna waddankiisa halis u galiyay khatar”. Laakiin wuxuu xukunkiisa ku sheegay in dowladdu “ay ku guul darreysatay sidii ay uga hortagi lahayd waxyeello aan kasoo kabasho lahayn”. Buugga uu Trump kasoo hor jeedo in la shaaciyo ayaa suuqyada loo iib geyn doonaa 23-ka bishan June. Waxaa ku jira qoraallo uu Mr Bolton ku sharraxayo in madaxweynaha uu wax kasta u sameynayay sidii uu mar kale xilka ugu guuleysan lahaa. Donald Trump ayaa cadaadis badan wajahaya xilli ay doorashada madaxweynaha Mareykanka dhaceyso bisha November Inta badan eedeymaha ku jira buuggaas waxay ku saabsan yihiin wadahadallo khaas ah oo uu madaxweynaha sameeyay, suurtagalna ma aha in caddeymo loo keeno. Maamulka Trump ayaa dagaal ugu jiray in la mamnuuco buugga, wuxuuna madaxweynaha sheegay in lagu aruuriyay “qoraallo ku dhisan sheekooyin been abuur ah oo la sameystay”. Bolton ayaa warbaahinta la wadaagay qeyb ka mid ah buugga uu dhawaan daabici doono oo ka hadlaya muddadii uu la shaqeynayay Trump iyo wixii uu goobjoogga u ahaa. Eedeymaha buugga ku jira waxaa ka mid ah: Madaxweyne Trump wuxuu caawinaad ka raadsaday madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si uu ugu guuleysto codbixinta doorashada 2020-ka, isagoo taas baddalkeedana mudnaan siinaya “muhiimadda ay leeyihiin beeraleyda iyo kordhinta soo iibsashada dalagyada shiinaha ee digirta iyo qamadiga, taasoo ku xiran natiijada doorashada” Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabada uu shiinaha ku dhisayo xeryaha loogu talagalay maxaabiista siyaasadda, kuwaasoo laga sameynayo gobolka Xinjiang ay tahay “mid sax ah” Madaxweyne Trump wuxuu doonayay inuu faragalin ku sameeyo baaritaannada dambi “si uu taageero shakhsiyeed ugu muujiyo hoggaamiyeyaasha kalitalisyada ah ee uu la dhacsan yahay”. Mr Bolton wuxuu sheegay in Mr Trump uu u heellanaa inuu garab istaago madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, si uu uga caawiyo kiis la xiriira shirkad laga leeyahay Turkiga Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in faragalin milatari oo lagu sameeyo Venezuela ay ahaan lahayd “wax fiican” iyo in waddankaas ku yaalla koonfurta Ameerika “uu yahay qeyb ka mid ah Mareykanka” Madaxweyne Trump kama uusan warqabin in UK ay leedahay awoodda nuclear-ka, marna wuxuu sarkaal ka tirsan kooxdiisa maamulka weydiiyay in Finland ay ka tirsan tahay Ruushka. Bishii January, Aqalka Cad ayaa sheegay in buugga lagu faafinayo “sir culus” taasoo ay tahay in meesha laga saaro, balse Bolton ayaa diidday arinkaasi. Bolton ayaa beeniyay in buuggiisa uu faafinayo sir qaran Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loollan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahna madaxweyne kuxigeenkii hore ee maamulkii Barack Obama. Buugaag badan ayaa ilaa iyo hadda laga qoray madaxtinnimada Trump, laakiin buugga u dambeeyay ee uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka John Bolton ayaa soo jiitay indhaha dad badan marka la eego eedeymaha uu ku qoray buugiisa cusub iyo xilka uu u hayay Trump. Qaran News
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Galhareeri ee gobolka Galguduud waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Xasan Daahir Mire oo ahaa wiil 23-sano jir ah. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa fagaarihii ay toogashadu ka dhacday, dadkii la isugu keenay, waxa uu ka hor sheegay in Xasan ay u heystaan fal basaasnimo ah, isla markaana uu sirdoonka dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud. Waa xukunkii labaad oo Al-Shabaab ay fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud ka fuliyaan shalay, waxayna shalay gelinkii hore xukun jeedal ah ku fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid ah dadka deegaanka. Dhalinyaradaas ayaa lagu fuliyey xukun ahaa min 100 jeedal, sidoo kale mid kasta oo kamid ah waxaa lagu xukumay 14 neef oo Ari ah oo ah meherkii gabadha iyo in laga musaafirinayo deegaanka sida uu sheegay qaadigii Al-Shabaab ka tirsanaa ee xukunka riday . Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxay ka fuliyaan xukunno dil u badan, waxayna badanaa dadka ay dilaan ku eedeeyaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda.
  23. Fadeexad soo Wajahaday UAE+Mareykanka oo ugu hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Haddii aaney joojin…. Maraykanka ayaa Imaaraadka ugu goodiyay in uu kusoo rogayo cunaqabateyn isagoo cuskanaya xeerka Caesar, kaasi oo bartilmaameedsanaya rajiimka Siiriya iyo xulifadiisa. Washington waxay carrabka ku adkeysay in ay kasoo horjeedo talaabooyin ay Abu Dhabi u qaaday si ay ugu soo dhawaato rajiimka Siiriya, waxayna tilmaantay in cuneqabateynteeda ka dhanka ah Bashaar al-Assad ay bartilmameedsan karto qaybo Imaaraadka ka mid ah. Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Siiriya James Franklin Jeffrey oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay dhaqan-gelinta xeerka ilaalinta rayidka Siiriya ee Caesar ayaa ku dhawaaqay “Imaaradku waa ogyihiin in aan gebi ahaanba diidanay in ay sii wadaan talaabooyinkaas….si cad ayaan ugu sheegtay in aan fikrad qaldan u aragn dib u furista safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Dimishiq, iyo booqashadii ay dhawaan halkaas ku tageen wafdi ka socday Imaaraadka.” Jeffrey ayaa sheegay in talaabooyinkaasi “aysan ka qayb qaadan doonin fulinta qaraarkii Qaramadda Midoobay [No. 2254] iyo dhameynta colaadda Siiriya, taasi oo si adag wal-wal ugu abuurtay dhammaan gobolka”. “Cid walba oo sameysa dhaq-dhaqaaq dhaqaale, Imaaraadka ha ahaado ama wadan kale, dhaq-dhaqaaqyadaasna ay wafaqayaan heerka cunaqabateynta, waxaa bartilmaameedsan doona cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Jeffrey. Arbacadii, Maraykanka ayaa cuneqabateyn kusoo rogay 39 dad iyo shirkado isugu jira, oo ay ka midyihiin al-Assad iyo marwadiisa Asma, si uu u hor istaago ilaha dhaqaale ee Dowladda Siiriya, waana isku day ladoonayo in dib loogu celiyo wadaxaajoodka ay Qaramadda Midoobay garwadeenka ka tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa warkii cunaqabateynta ku xaqiijiyay in cuneqabateyn dheeri ah la fili karo in lagu soo rogo al-Assad todobaadyadda iyo bilaha soo socda. Dhamaadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta aya furay safaaradii uu ku lahaa magaaladda Dimishiq, kadib lix sano oo ay xirneyd, inkastoo Imaaraadka Carabta ka mid yahay dalalka sida daran fagaareyaasha caalamiga ah uga dhaleeceeya Dowladda Assad. Muddo sanado ah Imaaraadka Carabta waxaa uu soo dhaweynayay, ganacsato xiriir la leh Bashar al-Assad, kuwaas oo laga yaabo in cuneqabateynta Maraykanku bar-tilmaameedsato . Qaran News
  24. Shirki afarta madaxweyne ee geeska Afrika ay isugu tageen Jabuuti maxaa laga doonay?Waa maxaay sirta qarsoon ee mideysay AFARTA MADAXWEYNE oo mid waliba ay ka muuqato welwel iyo murugo ku saleysan siduu ku adkey lahaa joogitaankiisa . Mid kasta waxaa ku taagan udun ama cirbad cagta uga taagan ee uusan dhulka si toos ah ugu istaagi karin ilaa uu ka helo xal ama wax ay ka wada tashadaan si loo helo tab ama xal lagu dheereysan karo muddada xilka, ay qaarkood xooga xaaraanta ah ku heystaan, Waxaan laga fursan karin ama aan indhaha laga daboolan karin in afartoodaba oo ah Somaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea ay u dhammaatay muddadi ay meesha joogi lahaayeen, waxayna raadinaayaan sidii ay ku dheereysan lahaayen waqtiga ka dhamanaya. Waxaan ku qiyaasay in xaalkoodu yahay niman god ku jira ooy biyo ku soo shubamayaan, waxaana mid kasta la siiyay koob uu biyaha isaga bixiyo…nasiib darro koobka waa mid dabada ka duleela oon biyo qaadi karin..Biyihi waa soo kordhaayaan mana dhera maalinta ay garqi doonaan. Wadamada ay ka taliyaan yaa sheegi kara ama sadaali kara xaladda ay ku sugnaan doonaamn!!! Ma daadkaa wada qaadi doona mase qaar ayaa ka badbaadi doona kaddib marka laga takhaluso afartooda ama qaarkood. Taa waxaa ka daran in Aby Axmad uu ku dhawaaqay inuu rabo gobol furdo leh uu isagu leeyahay kana dhoofsan karo wuxuu doono sida uu doonana ugu takri fali karo..Madaxda talada haysana ee N&N waxba kama qabaan haddi ay booskooda sii joogayaan..Haddaba, Kenya, si loo shibiyo, ha la siiyo badda batroolka ka buuxo si ay dowladdaan u sii joogto. Arrinta ama xaalada Somaliya ay ku socoto waa mid aad looga argagaxo waayoo waxaa soo muuqda ifafaalo ummadaan u horseedi kara burbur ka baaxad weyn kii 1991, waxayna aragtidaani ku saleysan tahay in MW Farmaajo uu ku fikiraayo inuu meesha sii joogo wax kasta oo dhaca. Waana tii Jaalle Siyaad ku burburiyay dalkaan..aryaa u sheega in kuwi ka horeyay isaga oo ahaa MW Sheikh Shariif & MW Xasan Sheikh, iyagoo jecel inay sii joogaan, ayey ka tageen iyagoo muujiyay biseyl siyaasadeed oo ku hogaamiyay inay u turaan dadka iyo dalka…laakin u meleyn maayo inay kooxa N&N ay dareen noocaas ah qabto. Tallaabooyinkii lagula soo taliyay tafaasiil badan lagama haayo, waxase taas garab socda dareenka dowlad goboleedyada iyo mowqifka ay qaarkood ka taagan yihiin N&N…mana muuqdo wanaag meeshaas ka soo socoda. Isku soo wada duub, wixi Jabuuti ka dhacay waxaa lagala soo bixi karaa ficillada gurracan oo kooxdaan u qarsan, ha ahaato doorashada iyo dareenka ay ka qabaan dadka Xamar ku nool ood moodo inay quus ka taagan yihiin sidey Banaadir u heli lahayd MAQAAMKA ay xaqa u leedahay. Haddaba, waxaa iga talo ah inay umadda Somaliyeed ka tashato, Intey goori goor tahay, tallaabooyinki looga hortegi lahaa loona baaji lahaa inuu Farmaajo dalka dumiyo kaddibna iska aado Buffalo (NY) isagoo milioneera. Qaran News