Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda ayaa xirtay waddo ku dhow Madaxtooyada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan waxayna madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbadeyn in wax laga qabato cabashooda. Halkan Ka Daawo Ciidamada Ka Tirsan Militiriga Dowladda Oo Ka Cabanaya Mushaar La’aan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-coiidk.mp4 Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka bedel ku sameeyay qaabkii uu ula kulmi jiray madaxda labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID. Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ula kulmi jiray qaab wada jir ah, laakiin markii uu ka soo laabtay wada hadalkii Djibouti, wuxuu isbedel ku sameeyay qaabkaas, waxaanu xisbiyada mucaaradka ula kulmayaa si gooni gooni ah. Xalay ayuu bilaabay kulankii u horeeyay waxaanu kulan xog waran ah la yeeshay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Habeenada Salaasada ee toddobaadkana wuxuu la kulmi doonaa madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiga Waddani, haddana wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu uga waramay masuuliyiinta xisbiga, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo Djibouti ku qabsoomay. Sida warku sheegay wuxuu Madaxweyne Biixi xisbiyada la wadaagay aragtida ka madaxweyne ahaan uga soo baxday wada hadalkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo ay la fadhiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo ergadii kale. Madaxweyne Biixi, arrimaha uu xisbiga Waddani uga waramay waxa ka mid ahaa qodobada la isku mari waayay wada hadalkii Djibouti oo uu ka mid ahaa qodobka isu socodka siyaasiyiinta. Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu madaxda xisbiga Waddani uga xog waramay dareenka ay bulshada caalamku ka qaadatay wada hadalkaas Djibouti ku qabsoomay, waxaanu ugu dambayn xisbiga Waddani ka dalbaday inay kala shaqeeyaan arrimaha wada hadaladaas. Geesta kale madaxda xisbiga Waddani ayaa la sheegay inay madaxweyne Biixi siiyeen tallooyin kala duwan oo la xidhiidha wada hadalada iyo qaabka loo sii wado karo, loogana digtoonaan karo khataro siyaasadeed. Xisbiga Waddani waxa ka socday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, guddomiyaha ku meelgaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye-xigeenka xisbiga Cabdirisaaq Khaliif, murashixii madaxweyne-xigeen ee xisbiga Maxamed Cali iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi. Source
  3. Dhuusamareeb (Caasimadda Online ) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday inuu ka qeyb noqdo go’aan ay si wadajir ah usoo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada oo la xiriira doorashooyinka dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka ay soo saari lahaayeen maamul Goboleedyada ayaa ahaa in laga soo horjeesto afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka xeerka doorashooyinka qaranka.. Go’aanka ay soo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa si gaar ah looga soo horjeysan rabay xeerka kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay gobollada, taasi oo maamul goboleedyada ay u arkaan awood ay leeyihiin oo ay dowladda la wareegeyso. Madaxda maamul Goboleedyada oo dhawr habeen ku wada hadlay qadka taleefoonka ayaa waxay xogta sheegeysaa in Maamulka Galmudug uu usoo horjeestay inuu ka qeyb noqdo, inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno go’aanada ay qaateen maamulada kalle ee lagu tiriyo inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Dhexe, gaar ahaa Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay in maamulkiisa uu yahay mid cusub, islamarkaana hadda diyaar u aheyn inuu faraha la galo khilaaf iyo xeerar horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Galmudug uu ka gaabsaday inuu ka hadlo baaqii kasoo baxay Guddoomiyaha aqalka sare ee ahaa in Maamul Goboleedyada ay isugu imaadaan kulan deg deg ah si looga tashto waqtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro.
  4. (SLT-Muqdisho)-Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda Soomaaliya oo ayaa xidhay Waddooyin ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon iyo ilaa agagaarka Guriga wasaaradda amniga. Ciidamada oo ah kuwa badan, isla markaana wada gaadiidka nooca dagaalka ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday muddo sannad iyo bilo ah, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ay u sheegeen inay mushaar la’aan yihiin muddo sannad iyo 9 Bilood ah. Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in ayna siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka. Hadlkan ay kasoo saareen Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay ee hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo. Source
  5. Ciidamadaan oo ka yimid Banaanka Magaalada waxay ka cabanayaan in aysan Mushaar helin mudo Sanad ka badan. The post Daawo Sawirada Ciidamo gadoodsan oo Muqdisho kala xiray appeared first on . Source
  6. Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dib shaqada ugu fasaxay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun. 12-kii bishaan June ayay ahayd markii Taliyaha Booliiska uu shaqada ka joojiyay labadaasi Sarkaal, kadib markii ay ku lug-yeesheen dhacdo la xiriirtay muuqaal Booliiska Qardho ay ka duubeen dhalinyaro xilli habeen ah ku cawaynaysay bannaanka Magaalada Qardho, kuwaas oo la sheegay in si banii’adanimad ka baxsan loola dhaqmay. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in si hoose loo xalliyay cabashadii laga soo gudbiyay labada sarkaal ee ku lug-yeeshay dhacdada muuqaalkii laga duubay dhalinyarada, kaas oo caro iyo hadal-hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada. Taliyaha Booliisku wuxuu horay u sheegay in baaritaan dhab ah lagu samayn doono falkaas ay ku kaceen labada sarkaal, islamarkaana la marin doono ciqaabta ay mutaystaan. PUNTLAND POST The post Qardho: DHalac iyo Kaatun oo shaqada dib loogu fasaxay appeared first on Puntland Post.
  7. Sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa, colaad qarniyo jirsatayna ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya, waxa muddo dheer soo kale hogaaminayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkoodii sabab u ahaa jabhadihii dagaalka hubeysnaa la galey ee ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981. Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan(Ethiopa, Eritrea Djibouti iyo Soomaaliya), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan. Somaliland , waxey muddo rubuc qarni ka badan dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd, tiiyo ah Dal ay Dawladnimadu u dhameystiran tahey, oo muddo ka badan 25 sanno ahaa waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada reer Galbeedku ku faanaan . Hadaaqa iyo oohinta beenta ah een Soomaaliya mar horeynu dhegaha ka fureysaney, Hogaanka Qarankeenuna wuxuu awooda saarey sidii uu Beesha Caalamka uga dhaadhicin lahaa Qadiyada xaqa ah ee Somaliland. Madaxweynuhu, wuxu si cad kor iyo hoosba u sheegey in wax Wadahadal aanu dib u furmeyn ilaa ay Dawlada Soomaaliya garawsato in Somaliland iyo Soomaaliya isu soo hor- fadhiistaan sidii laba Dal oo kala Madax Banaan, israacii 60-kiina burburey. Wax magarata du dooda in Siyaasad Arrimaha Debada Somaliland fashilantey maanta hadal u ma banaana. Guushii hadafkeenu wey soo dhawaatey. Wafdigeeni Jabuuti tegey cadawgii Qarankeena si geesinimo ku dheehan tahey ayuu u weerarey tiiyo waliba marag caalamiya goob joog aheyd. Hagardaamoyinkii qarannimada Somaliland ka dhanka ee laga soo maleegayo Muqdhishu, oo aad uga maseyrsan horumarka dhaqaale ee ifaafaaliisu soo muuqdo maanta ka guuleysaney. Madaxweyne Muuse doodi Garnaqsiga Somaliland wuxuu ka jeediyey Goobteedi iyo goorteedi, maadaama ay Waddamadi ugu tunka weyne duniga goobjoog ahaayeen. Guntii iyo gabagabadii, Goobtaynu naala gardara badan, Guddoon aan gaban baa maanta inoo gadhwadeen ah, shacabkeena Sharafta Leh soo dhaweynta kal gacalka leh ay kala hortegeen markii Wafdigeeni Jabuuti ka soo labtey waa isgarab taag Gadwadeenka iyo Gaadh hayaha Qaranka iyo farriin cad oo ku socota Beesha Caalamka. Dhalintan la maran habaabinaayo ee taariikhda Somaliland la moodo in ay hilmaan sanyihiin, waxaan leeyahey ku diirsada gullaha Qaranku gaadhey idinka dhaxli doonee, riyadii midnimo Somaaliweyn madhan dhimatey waa hore. Mudana Mujaahin Madaxweyne, Qarankaad Dhiiga iyo Dhuuxa u shubtey, Maanta Dheeftiisi gudoon. Wa Bilaahi Tawfiig, Somaliland Guul iyo Gobanimo. Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Cali. mederka@hotmail.com Brussels, Belgium. Qaran News
  8. Qaybo kamida Magaalada Muqdisho waxaa saaka xiray Ciidan mudaharaadaya oo ka eedsheeganaya Mushaar kii oo aan lasiin mudo bilo ah. Nawaaxiga Daljirka Dahsoon ayaa kamida [...] The post Ciidamada oo maanta ka mudaharaaday Mushaar la’aan Magaalada Muqdisho appeared first on . Source
  9. Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Dowladda Khadiijo Diiriye oo ah wasiirkii ugu waqti dheeraa ee soo mara wasaarada ciyaaraha ayaa ka gaabisay shaqooyinkii loo igmaday,iyadoo waqtigeeda ugu badan uu ka qaatay amaanta iyo buun buunita madaxda ugu saraysa Dalka manajiro shaqaalo ka tirsan Wasaarada oo ka hadli kara dayacda xumada iyo horomar la’aanta ka jirta wasaarada ciyaaraha . Axmed Cumar Islaw oo ah wasiirka ku xigeenka wasaarada ciyaaraha ayaa goor sii horeeyay uu la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in wasaarada aysan ka soconin wax shaqo horomar la’aanta ka jirtana ay masuul ka tahay wasiirka Khadiijo Diiriye. Dad badan oo la socoda soo kabashada ciyaaraha dalka ayaa ku hamaniyay in Wasiirada Khadiij ay soo kordhiso wax badan oo guulaha u ah wasaarada ciyaaraha,balse waxa ay nasiib daro ku tilmaameen in uu waqtigii uu ka lumiyay,maadaama shaqooyinkii laga sugayay ay u weecisay dhinaca siyaasada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dayacaada Ka Jirta Wasaarada Ciyaaraha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsww.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo oo shaqo xoogan ka socoto ayaa maanta heshay Agabkii ugu muhiimsanaa ee Wadada lagu dhameystiri lahaa. waxaa Dekada Bosaso maanta oo Axada [...] The post Wadada Ceeldaahir oo dhowaan dhameystirmi doonta appeared first on . Source
  11. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo ninkii waday, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgalka oo mid qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyey koonfurta magaaladaasi oo ay ka taliso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Gaariga la qabtay ayaa noociisa saraakiisha amniga waxa ay ku sheegeen NOAH., kaas oo ay tilmaameen in lagu fuliyo weerar is-miidaamin ah. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi oo aan la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameedkiisa. Gaalkacyo oo kala qeybisa maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amaan dari, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, Marxuum Axmed Muuse Nuur. Saaka ayey sidoo kale aheyd markii qarax is-miidaamin ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii la soo dhaafay ciidmada ammaankabayaa aad u xoojiyey amniga guud ee Gaalkacyo, kadib shirar ay isaga yimaadeen laamaha amniga ee degmadaasi.
  12. Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayo webiga Blue Nile ayaa bilhii dambe sii xoogeystay. Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo. Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto. Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada. Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanka aanu dhexdhexaad ka ahayn wadaxaajoodka, uuna la safan yahay dalka Masar, sida ay sheegtay jariiradda Foreign Policy. Addis Ababa ayaa dhowr jeer ku gooddisay inay difaacan doonto biyo-xireenka ayna xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyaha webiga. Arrintan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhammeystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo. Haseyeeshee, dowladda Masar ayaa ku doodeysa in haddii Itoobiya ay dhammeystirto biyaxireenkaasi uu saameyn ku yeelan karo biyaha ay masar ka hesho webiga. Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya? Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga. Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida. Awoodda milateri ee Masar Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. Awoodda milateri ee Itoobiya Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux. Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari. Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska. Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya. Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad. Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya. Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya. Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti. Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulan Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ku dhexmaray dalka Jibuuti. Hasayeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri. Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”. Qaran News
  13. 5 Maalin ayaa laga joogaa markii Djibouti lagu soo gabagabeeyey wadahaddallada Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas ay tahay dowladda federaalka ah kama hadlin waxa lagu heshiiyey halka Somaliland ay soo bandhigtay uun qodobbo cabbirayey isfahamka guud tiiyoo keentay kutirikuteen iyo Mala-awaal badan, in la isweydiiyo aawey dokomentiga la kala saxiixday, ma jirtaa cid guuleysatay, aaway qoraalladii saxda ahaa ee fadhiyada guddiga, waa maxay sababta loo qariyey war-muriyeedka wadajirka ah ee shirka guddiga farsamada ee heer wasaaradeed? Warmurtiyeedkan soo socda oo u gaar ah Goobjoog News, uuna mas’uuliyiinta ka helay, soona akhriyey Cabdicaziz Gurbiye waxaa uu soo ka soo baxay kulamada ergada farsamo ee heer wasaaradeed ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo markii ugu horeysay is arkay 16-kii Juun 2020, waxaa taabbageliyeen kullamadan Mareykanka iyo Midowga Yurub, Qodobbada qalinka lagu duugay waxaa ka mid ahaa: 1. In la dhiso guddi ka kooban 14 xubnood, oo mas’uul ka noqon doona wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana kala hoggaaminayaan Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud(Faratoon), ujeedkuna waa in xal waara lgaa gaaro arrimaha la isku heysto. 2. Waxaa lagu heshiiyey tallaabooyin lagu xoojinayo isku-kalsoonaanta labada dhinac si loo dardargeliyo wada-hadallada, waxaana ay isla garteen in ay ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara wada-hadalka. 3. Waxaa la isla gartey in qodobbada la isku maandhaafsan yahay ee ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland loo daayo hoggaamiyeyaasha si ay iyagu xal kama danbeys ah uga gaaraan. 4. Iyada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. 5. Sida oo kale, iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyadda hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. 6. Labada dhinac waxaa kale oo ay isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgalka bulshada labada dhinac hawlaha la xiriira dhaqanka ee ay ka mid yihiin ciyaaraha, fanka iyo suugaanta. Si yoolkaan loo xaqiijiyo, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta bulshada. 7. Si xal loogu helo danaha ka dhexeeya labada dhinac, waxaa la go’aamiyay in la sameeyo guddiyo dhowr ah oo wax ka qaban doona ajendayaasha ay ka mid yihiin gargaarka aadanenimo, kaalmooyinka horumarineed, iskaashiga amniga, wada-noolaanshaha bulshada, iyo maareynta hawada. Labada dhinac ba waxa ay mar kale caddaynayaan sida ay uga wada go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hirgelinta maamul-wanaagga iyo horumarinta ganacsiga. 8. Sidaas awgeed, labada dhinac waxa ay mabda’ ahaan isku raaceen in aan la siyaasadayn arrimaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaa na ay isla oggolaadeen in degdeg loo hirgeliyo guddi-hoosaadyo farsamo, kuwaas oo labo toddobaad gudahood ku kulma si ay uga shaqeeyaan dardargelinta hawlaha la is la ku raacay. 9. Guddi-farsameedka wadajirka ah ee heerka wasaaradeed waxa ay 45 beri gudahood ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si ay u korjoogteeyaan u na qiimeeyaan shaqada guddi-hoosaadyada, u na sii wadaan wadahallada labada dhinac. 10. Ugu danbeyntii, labada dhinac waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo sii wadista wadahallada iyo in lagu shaqeeyo waqti la is la cayimay oo is-fahan guud lagu gaari karo. W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye, Xogtan waa mid ah u gaar ah bartan, lamana qaadan karo xigasho la’aan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ururka Danab ee qeybta 21aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor dhow ku qabtay magaalada Galkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo ninkii waday. Ma jiraan wali wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka amniga gaar ahaan kuwa ururka danab ee fadhigoodu yahay magaalada Galkacyo. Ciidamada Amniga qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday howlgallo lagu adkaynayo amniga oo ay iska kaashanayeen maamullada Puntland iyo Galmudug. Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21 aad ayaa saaka waxaa sidoo kale lagu weeraray gaari lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, fariisin ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah , soo gaaray ciidanka, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. One man is dead and 11 people suffered non-life-threatening wounds in a shooting in Minneapolis, police there said early Sunday. Source: Hiiraan Online
  16. Nin Liibiyaana oo weerar Dhimasho,dhaawac & khasaaro Culus koobsaday ka fuliyay Dalka Uk Nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ka fuliyay magaalada Reading ee dalka Britain, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinta dalka Britain ayaa ku waramay in ninkan Mindida ku hubeesnaa uu weeraray koox dhalinyaro ah oo khamri ku cabeesay beerta lagu nasto ee Forbury oo kutaala magaalada Reading. My thoughts are with all of those affected by the appalling incident in Reading and my thanks to the emergency services on the scene. — Boris Johnson #StayAlert (@BorisJohnson) June 20, 2020 Inta la xaqiijiyay weerarkan mindida loo adeegsaday waxaa ku dhintay sadex qof halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale, waxaana dadka dhaawaca weerarkan kasoo gaaray qaarkood la sheegay in dhaawac culus kuyaalo. BREAKING: Officers have arrested a man at the scene of a "serious incident" at a park in Reading, and he is now in police custody. More on this story: https://t.co/KtXHsRQ8nh pic.twitter.com/453PXoiUds — SkyNews (@SkyNews) June 20, 2020 Ciidamo katirsan booliiska magaalada Reading ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana booliiska bilaabeen baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka fuliyay ujeedka uu ka lahaa. Weerarkan ka dhacay magaalada Reading ayaana wali loo aqoonsan mid argagaxiso, waxaana Warbaahinta Britain ku waramayaan in weerarkan uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya. Guntii & Gebagebadii Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.Geesta kalena waxaa dadka loogu baaqay ineysan baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka. Qaran News
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kulul uga hadlay weerarkii loo adeegsaday qaraxyada ee xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shariif aya weerarkaasi oo lala beegsaday guriga sarkaal ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ka dambeysay Al-Shabaab. Sidoo lale wuxuu shaaciyey inuu aad uga xun yahay weerarkaasi, isago tacsi u diray dadkii ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. “Waxaan cambaareynayaa, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee Al Shabaab ka geysteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray in dadka ugu badan ee uu khasaaraha soo gaaray ay yihiin dad shacab ah oo aan ku lug laheyn siyaasad iyo dagaal. “Waxaan xog ku helay in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan oo carruur u badan.” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri. Weerarada ugu badan ee ka dhaca deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.
  18. WASHINGTON (HOL) - US President Donald Trump has described Somalia, where American troops fight the terrorist groups Al-Shabaab and ISIL a nation of anarchy with no government. Source: Hiiraan Online
  19. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo dhwaan deegaan hoos yimaado ay ka dhaceen dilal la xiriiro aanooyin Qabiil. Guddoomiya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay deegaanka kulan kula qaaaan wafdi kale oo ka socday dowlad deegaanka Soomaalida, oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Abaaley, oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer . Deegaanka Abaaley ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal beeleed, kaas oo ay ku geeriyoodeen lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiri dad ah, waxaana la filayaa in labada dhinac ay ka gaaran xal waara ka gaaran dilalka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Washington (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo jeediyey khudbad dheer ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Kongareeska dalkaasi, isagoona sidoo kale u gefay Soomaaliya. Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in Ilhaan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday oo kale ee Soomaaliya Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Soomaaliya aysan laheyn ciidamo dhisan, sida Boolis iyo Nabad Sugid, isaga oo tilmaamay in kaliya uu ka jiro amar la’aan iyo jahwareer. “Ilhaan Cumar waxaa ay dooneysaa inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis ka ma jiro, nabad kama jirto, balse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jahwareer , waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya.” ayuu yiri Madaxweyne Trump. Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey Ilhaan Cumar inay u dagaaalameyso inay galangal xoogan ku yeelato dowladda Joe Biden oo ah Murashax xisbiga dimuqraadiga ee xilka madaxtinimada kula tartami doono Trump. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliys, isagoo ku weerarayo Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.
  21. Qarax Ismiidaamin ah ayay Al-Shabaab la beegsadeen Xero ay Ciidanka Dowladu ku leeyihiin Tuulada Bacaadweyne oo ku taal Koonfurta Gobolka Mudug. Ugu yaraan 4 Askari [...] The post Xero Ciidan oo ku Taal Bacaadweyn Koonfurta Mudug oo Al-Shabaab weerareen appeared first on . Source
  22. Gaalkacyo (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka qarxay deegaanka Deeraley oo ku yaal dhanka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadkaasi ay isku qabteen baraag biyood laga sameynayey halkaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaafkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhamaan ahaa dhinacyadii diriray, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona ay weli is- hor fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Mudug ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobolkaasi, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
  23. Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu ahaa Leylo Calaawi oo lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xero ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin duleedka magaalada, gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore ee xerada, kadib markii ay ciidanku joojiyey. Waxaa inta inta la xaqiijiyey qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan xoogga dalka, halka ay ku dhaacmeen afar kale, waxaa sidoo kale goobta ku geeriyooay ruuxii naftii huraha ahaa ee waday gaagiga nuusana ahaa. Qaraxaanka ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa ah qaraxii ugu horeyey oo nuucaas ah oo ka dhacay deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com