Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimada Online) – Sida ay werisay Daily Sabah, Turkigu waxaa uu xiray afar qofood oo loo heysto in ay u basaasayeen Faransiiska. Afarta qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga waxay aruurinayeen warbixin ku saabsan ururrada isbedel diidka iyo urur diimeedyada Turkiga. Sidoo kale waxay isticmaaleen aqoonsiyo been abuur ah, si ay isugu ekeysiiyaan wakiillada hey’adda sirdoonka Turkiga, sida warka lagu sheegay. Hogaamiyaha kooxda basaaska ah waxaa uu booliiska u sheegay in lagu soo tababaray dalka Faransiiska, kadibna uu seddax qof oo kale u qortay si ay uga caawiyaan howlihiisa basaasnimo. Warkaan waxaa uu yimid kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Faransiiska oo ah labo wadan oo ka tirsan xulifadda NATO, markii ay laba meel oo kala duwan ka istaageen xasaradaha dalka Libya. Markii ugu dambeysay, toddobaadkii lasoo dhafay dhacdo ayaa ka dhex-dhacday maraakiibta dagaalka ee Turkiga iyo Faransiiska, kuwaas oo ku wada sugan badda Mediterranean-ka. Faransiisku waxaa ciidamada badda Turkiga ku eedeeyay “in ay ku xad-gudbeen maraakiibta dagaalka Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO.” Wasaaradda difaaca Faransiiska waxay maraakiibta dagaalka Turkiga ku eedeysay in ay aad uga gardaranyihiin maraakiibta dagaalka Faransiiska. Markii markab dagaal oo Faransiisku leeyahay uu isku dayay in uu hubiyo in mid Turkigu leeyahay uu hub u tahriibinayo Libya, lama uusan shaqayn, wuxuuna diiday in uu u sheego meesha uu u socdo, sida ay sheegeen saraakiisha Faransiiska. Faransiisku waxaa uu sheegay in markabka Turkigu uu damiyay qalabkiisa, isla markaana uu qariyay aqoonsigiisa, Turkiguna waa uu beeniyay eedeynta, waxaana uu sheegay in Faransiisku uu ku qaldanaa in uusan xiriir la sameyn markabka Turkiga. Dhacdadaan u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Faransiiska waa qaraxii ugu dambeeyay, laakiin xiisadda u dhaxaysa labada dal ma cusba. Tan iyo markii Faransiisku uu si furan u taageeray kooxda YPG, xiriirka Turkiga iyo Faransiisku waa uu xumaa. Kadib faro gelintii uu Turkigu ku sameeyay Liibiya oo ka dambeysay markii uu Turkigu heshiis military la galay Dowladda Qaramadda Midoobay taageerto ee Liibiya, xiriir-xumadda u dhaxaysa Turkiga iyo Faransiiska ayaa ka ksoo ifbaxday Liibiya. Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii sheegay in Faransiisku uusan u dul qaadan doonin faro-gelinta military ee Turkigu ku sameeyay Liibiya. Inkastoo xukuumadda Paris ay doorweyn ku leedahay sii soco shadda qalalaasaha Liibiya, Macron waxaa uu hadalkiisa ku daray in Ankara ay “cayaar halis ah” ku dheeleyso wadanka dagaaladdu la degeen ee Libya. Ankara deg-deg ayey ugu cambaareysay hadalka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, war qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hami Aksoy. Ayaa lagu yiri “Ereyadda Madaxweynaha Faransiiska keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu sababta ku daboolayo iyadoo taageeradda Turkiga ee Dowladda sharciga ee Liibiya ay waafaqsantahay qaraarka Qaramadda Midoobay.” Turkigu lama uusan yaabin carada Faransiiska, iyadoo Ankara ay bedeshay dhacdooyinkii ka socday Liibiya, iyadoo u maraysa tageeridda Dowladda sharciga ah ee Liibiya. Taageerayaasha Jeneraal Khalifa Hafter, sida Faransiiska, Imaaraadka, Masar iyo Russia ayaa ka niyad jabsan khasarihii Hafter soo gaaray labadii bilood ee lasoo dhaafay. Jeneraal Khalifa Hafter, keliya kuma guul darreysan gulufkiisa sanad jirsaday ee Tripoli, waxaa uu sidoo kale lumiyay meelo muhiim ahaa oo uu qabsaday sanadkii 2014-kii. Faransiiska waxa uu si gaar ah uga xanaaqay in Dowladda uu Turkigu taageerayo ay isu diyarineyso in ay qabsato Jufra iyo Sirte. Jufra iyo Sirte aad ayey muhiim ugu yihiin Faransiiska wuxuuna ka aruursadaa Dahabka iyo Uranium-ka, kaasi oo uu ka boobo dalalka Afrika, sida Mali, Chad, Niger iyo sidoo kale Saliida Liibiya ee garoonka Jufra, iyadoo la marsiiyo Sirte loona sii gudbiyo France. Sida la ogyahay, Faransiisku waa wadanka Liibiya u horseeday qaska. Waxaa intaas dheer xukuumadda Paris waxay Liibiya u direysay kaalmo military oo qarsoodi ah muddo sanado ah – taasna waxaa caddeeyay warbixino badan. Faransiisku waxaa uu matalayaa in uu doonayo nabadda Liibiya, laakiin xaqiiqdii waa mid ka mid ah kuwa caqabadda hor dhigaya nabada. Sida uu sheegay howlgalka taageeradda Qaramadda Midoobay ee Liibiya, waxaa magaalada Tarhuna laga helay xabaal wadareed, kadib markii ciidanka dowladdu ay magaaladaas ka xoreeyeen ciidamada Jeneraal Khalifa Hafter.
  2. TANZANIA, Tanzania - Sudan has joined Egypt in asking the U.N. Security Council to intervene in a dispute over Ethiopia’s newly built hydroelectric dam on the Blue Nile, Source: Hiiraan Online
  3. United Nations humanitarian chief Mark Lowcock has agreed to allocate up to $140 million from the UN’s Central Emergency Response Fund (CERF) to support a series of anticipatory-action interventions over the next 18 months, starting with $15 million in Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHIU (Reuters) - Somali security forces have killed a commander of the al Shabaab militant group in a military operation, state radio reported on Thursday. Source: Hiiraan Online
  5. Somaliland ayaa xalay si weyn looga xusay 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, oo ku beegan markii ay Xorriyadda qaateen Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Xuska Sannad-guurada 26-kii, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tisran Golayaasha Somaliland iyo hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, waxana uu ka sheekeeyay waayihii Xorriyadda, midnimadii labada gobol ee koonfur iyo waqooyi, iyo sidoo kale ictiraafka Somaliland hadda raadinayso. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qodob kamid ah arrimihii lagu heshiiyay Shirkii Jabuuti ee dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland isagoo fasiraad cusub ka bixiyay qodobkaas. Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in keliya ay Soomaaliya dib ula midoobi karaan, haddii dhammaan dib loo midaynayo Shantii Soomaaliyeed. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Muuse Biixi oo hal shardi ku xiray midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Marka la eego miisaanka ay lahaayeen wafuudda Soomaalida, ergadii matalayesay beesha caalamka, iyo weliba halka la dhigay gogosha, dadka Somaaliyeed waxay gelisay rajo ah, in Siyaasiyiinta Soomaalidu gaareen bisayl siyaasadeed oo ay kaga gudbi karaan ismarinwaaga u dhaxeeyey. Balse waxay noqotay “La mood noqonse weyday!” Haddaba, waa maxay caqabadaha hortaagan wadahadal miro-dhal ah? Caqabadaas, waxaa lagu soo koobi karaa sadex arrimood: (1) Mowqifyada lagu kala dheggan yahay oo aad u kala fog, iyo isku garawshiyo la’aan; (2) Baqdinta ay siyaasiyiinta ka qabaan shacabka ay matalaan, taasoo adakaysay inay dhinacyada isu tanaasulaan, siiba dhanka Somaliland; iyo (3) faraggelinta taban (dadban) ee shisheeye. Waxaa jira shax ay dhigteen hoggaamiyaasha Somaliland, taasoo u muuqata inay ku heleen ilaa iyo hadda dhibco dheeraad ah. Xilligii ay talinayeen Mudane Sheikh Sharif iyo Xassan Sheikh Maxamuud waxay wadahadal la yeesheen Mudane Axmed Siilaanyo oo ahaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Wadahadallada waxay ka kala dhaceen, Dalka Turkey, Dalka Imaaraadka Carbabta, London, iyo Jabuuti. Maamulka Axmed Siilaanyo waxuu kula heshiiyay dhinacyadii matalayey Dowladda Federalka Soomaaliya laba qodob: ( 1) Inaan la siyaasadeen kaalmada caalamiga, gargaarka, iyo mashaariicda horumarintaba, iyo ( 2) In maamulka hawada si wadajir ah loo maamulo, dheefta laga helana la wadaago. Qodobbadani Maamulka Axmed Siilaanyo, waxuu u arkay kuwo muhiim ugu ah dhismaha dhaqaalaha maamulkiisa, iyo mid dhaawacaysa awooda sharci, iyo maamul ay ku fadhido Konfur Soomaaliya, maadaama caalamka ay ka heysato aqoonsi. Dhanka ergadii matalaysay Muqdisho, waxay guul u arkayeen inay isa soo horfadhiistaan Maamulka Somaliland si ay u dhagaystaan tabashadooda, loona gaaro xal. Balse qodobbada ay kula heshiiyeen Maamulka Axmed Siilaanyo uma aysan baalal rogin Dastuurka, Sharuucda, iyo Xeerarka lagu dhisay Jamhuriyadda Soomaaliya! Indheergarad badan ayaa rumaysan in Mudane Axmed Siilaanyo ay caawisay khibradda maamul iyo siyaasadda uu lahaa, taasoo ka heer saraysay ergadii ka socotay Muqdisho iyo xasillooni darrada siyaasadeed oo ka jirta konfurta Soomaaliya. Dhanka kale, Maamulka Somaliland shaxda ay degsadeen waxaa ka mid ah, (B) in ergada matalaysa dowladda Soomaaliya aysan ka mid noqon shaqsiyaad ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland), (T) inay diiwaangeliyaan tacadiyadii Taliska Siyaad Barre uu u gaystay Shacabka Waqooyi xilliyadii ay SNM-ta dagaalka kula jirtay Xukuumaddaas, si loo hanto maanka dhallintii xukunkii Siyaad Barre dabadii dhalatay oo ka ah 75% tirada guud ee dadka Somaaliyeed, (J) inay cabburiyaan codadka midnimo raadiska oo ka soo yeeraya shacabka ku dhaqan Gobolada Waqooyi (Somaliland), iyo (X) in fagaare ay joogaan diblomaasiyiin reer Galbeedka ay labada dhinac ku wadahadlaan. Waxaa xaqiiqo ah in dhammaan qaabaynta siyaasadda (policy design) ee ay degsadeen Maamulka Somaliland u shaqaysay. Madaxweyne Farmaajo waxuu oggolaaday in (1) in ay labada dhinac isku soo horfadhiistaan gogol aysan fadhin Turkey, oo lagu tiriyo saaxiibka midnimada, (2) ergada matalaysa Dowladda Soomaaliya aysan ka mid noqon shaqsiyaad ka soo jeeda Somaliland. Qodobka dambe waxuu faa’iido u yahay Maamulka Somaliland, maadaama aysan cid ka soo jeedda Waqooyiga oo diidan kala go’a fadhin miiska wadahadalka. Ergada Somaliland ee ka qayb gashay wadahadalka Istanbul, iyo Jabuuti waxay marwalba xusayeen, gaboodfalkii uu Taliska Siyaad Barre u gaystay shacabkii ay SNM-ta matalaysay. Balse waligood ma aysan soo hadal qaadin Jabhadii SNM xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ay u gaysatay Shacabka Waqooyi ee Midnimada aaminsanaa. Sheikh Xassan Daaheye ayaa sheegay in markii Jabhadii SNM-ta soo gashay Magaalada Borama sanadii 1991, inay 16 saacadood gudahooda ku dishay 764 qof oo shacab ah, waxaana ka mid ahaa, walaalkii, walaashii oo xaamilo ah, iyo seeddigii. Maamulka Somaliland waa maamulka keliya ee Soomaaliya ka jira, oo ay jiheeynta siyaasaddiisa gacanta ku hayaan saraakiishii hoggaaminaysay jabhadihii la dagaalamayay nidaamkii kaligii taliska ahaa. Tani waxay adkaynaysaa in si fudud meesha looga saaro hadafkii ay xambaarsanaayeen SNM. Diblomaasiyiin iyo ilo-xog’ogaal ah, ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay u socdeen wadahadallo hoose, ugu danbeenna suurtoggal ka dhigtay in la is-horfadhiisto. Taas waxay ergada Villa Soomaaliya siisay inay sii ogaadaan sharuudaha uu Mudane Biixi wato, taasoo ah in la dhaqangeliyo labo qodob ee horay loogu heshiiyay. Waana sababta keentay in Wasiirka Dastuurka, iyo Garyaqaanka Guud ka mid noqdaan ergada xukuumadda, si qodobbadii horay loogu heshiiyay loola noqdo Dastuurka, xeerarka ilaalinaya midnimada Soomaaliya. Waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadda Soomaaliya ku adag tahay hirgelinta labada qodob, islamarkaasna sharuudda Maamulka Somaliland ugu weyn tahay in ergada Muqdisho ixtiraamaan qodobbadii horay u saxiixeen Mudane Sheikh Sharif iyo Mudane Xassan Sheikh. Indheergarad badan ayaa ku talinaya in wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac, laga qayb geliyo Culamada, Odayaasha dhaqanka, iyo Waxgaradka labada dhinac, si loo helo xal-waara. Haddabba su’aasha wakhtiga ka jawaabi doonno ayaa ah, dib u soo noqoshada Dagaalka Qabow ee Dunida ma badbaadin doonaa Midnimada Soomaaliya? AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay Imaaraadka uu soo hagaagayo islamarkaana ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la gasho Sacuudiga, sidaas waxaa Al-Jazeera u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Iran. TV-ga ayaa wariyay in Yaxya Safavi oo hogaamiyaha sare ee Iran kala taliya arrimaha militariga uu yiri “xiriirka aan la leenahay Imaaraadka waa uu hagaagay, mowqifka ay Abu Dhabi naga qabtana waa uu is bedelay.” Waxaa uu sidoo kale yiri: “Waxaan diyaar u nahay in aan wada hadal la galno Sacuudiga iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin haddii ay ogolaadaan.” Safavi ayaa intas ku daray: “Riyadh waa in ay qirataa in ay ku guul darreysatay dagaalkeeda Yemen ayna qaadataa siyaasad cusub….waxa ka dhacaya Yemen waa qalalaase militari oo aan waxtar lahayn, kaas oo Sacuudigu markii hore ay qaaday.” Tan iyo bishii March ee sanadkii 2015-kii, Sucuudiga ayaa hogaminayay isbahaysi militari oo duqaymo ka fulinayay Yemen ayna doonayeen in ay ku jabiyaan Xuuiyiinta ay taageerto Iran. Natiijaduna waxay noqotay, in Qaramadda Midoobay ay uga dhawaaqdo Yemen “xasarad bani’aadanimo tii ugu xumeyd ee dunida” taas oo ugu yaraan 80 boqolkiiba dadka Yemen ay gar-gaar u baahanyihiin.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda, Mudane Yuusuf Xasan Mursal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, islamarkaana ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay. Yuusuf Xasan ayaa go’aankooda u sababeeyey in guddiga uu ku sifoobay dhex-dhexaad la’aan ku aadan howsha qaran ee loo igmaday. Sidoo kale waxa uu shaaciyey inuu ku dhex-milmay laanta fulinta oo ah xukuumadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalaha iyo lacagaha ay siiyaan guddiga doorashooyinka, isaga oo sheegay in guddigaasidhaqaalaha la siiyo lagu bixiyo ku bixiyeen dano gaar ah oo baalmarsan sharciga. Ugu dambeyn dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aan lagu kalsoonaan karin shaqada guddiga doorashooyinka qaranka, islamarkaana aan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay ka qabtaan dalka sanadkan 2020 illaa 2021-ka.
  9. Among other things, leaders of Somaliland base their claim for statehood that Somaliland was once British protectorate and gained its independence on 26th June 1960 within defined borders. It joined the former Italian Somaliland in political union on 1st July of the same year. However, it withdrew from the union and restored its lost sovereignty in May 1991 because the union had failed. Then a majority of people in Somaliland voted for independence in a referendum held in 2001. Source: Hiiraan Online
  10. New York (Caasimada Online) – Somalia’s army remains “incapable” of ousting Al-Shabaab from its strongholds, enabling the insurgents to exercise continued control over large parts of the country, the US State Department said on Wednesday. As another indication of failure to stifle Shabaab militants after 13 years of counterinsurgency warfare, the Al-Qaeda-affiliated group last year carried out more than 1,000 attacks inside Somalia and in northern Kenya, the State Department noted in its Country Reports on Terrorism 2019. The Somalia section of the annual global survey estimates that Al-Shabaab has between 7,000 and 9,000 members. FUNDING The group funds its actions through “illegal charcoal production and exports, taxation of local populations and businesses, and by means of remittances and other money transfers from the Somali diaspora,” the report adds. The State Department does not offer an estimate of the size of Shabaab’s war chest. Targeted operations carried out by Somali military units trained and equipped by the United States are said to stand as exceptions to the national army’s ineffectiveness. But the report makes no mention of the intensified campaign of air attacks launched by the US Africa Command (Africom) against Al-Shabaab targets. Africom carried out 63 such strikes last year, compared to 47 in 2018 and 35 in 2017. SECURITY REFORMS Somali officials “failed to implement vital national security reforms and pass legislation that could help enhance the government’s capacity to secure and govern effectively at all levels,” the report observes. But it finds that the federal government “remained a willing partner to US efforts to improve the quality of policing entities throughout the country.” The Kenyan government is also described as a “willing US partner” in investigating, prosecuting and responding to terrorist attacks. However, the report notes that Kenyan security forces were reported to have engaged in human rights violations in their counter-terrorism operations. Alleged abuses included extra-judicial killings, disappearances and torture. DUSITD2 ATTACK But the Kenyan police and army are lauded for their response to the January 2019 DusitD2 Hotel attack. Their performance on that occasion was “in line with international standards for protection of human rights in response to terrorist threats and attacks,” the report says. Kenya’s prosecution of suspected terrorists exhibits both progress and shortcomings, the US finds. “Terrorism case trials often proceeded slowly and inefficiently,” the report states, noting that the three remaining defendants in the 2013 Westgate Mall attack were still on trial at the end of 2019. “Significant victories” achieved last year included the reinstatement of convictions and 15-year sentences of two Iranians involved in a disrupted bomb plot in 2012. Also last year, a Kenyan court found three of four defendants guilty of the 2015 Garissa University massacre.
  11. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has flagged more than 100 Iranian ships fishing illegally in the Horn of Africa country, which boasts the longest coastline in the mainland Africa. Fisheries and Marine Resources Minister Abdullahi Warsame said the Iranian fishing vessels entered Somali waters between January 2019 and April 2020. “Approximately 112 Iranian fishing vessels were identified on automatic identification system transponders from within the Somalia exclusive economic zone. “The presence of the Iranian fleets in Somalia waters remains a longstanding concern of the Federal Republic of Somalia,” Warsame added. The ships are said to have originated from the Iranian ports of Tiyab, Ramin, Konarak, and Banda-e Jask. Maritime experts classify Somalia among the countries with the weakest maritime security in the world. This has led to unreported, unregulated and illegal fishing, which is destabilizing local fishers who cannot compete with foreign trawlers. In a local media report, Fernando Ibenez, a security expert, said it was “unacceptable to turn a blind eye to the problem of illegal fishing in Somali waters. The international community has never had a particularly strong interest in this topic.” He attributed the high cases of illegal fishing to lack of maritime security, noting that an estimated $300 million worth of seafood is stolen from Somalia each year.
  12. The 30-year wait is over. Liverpool is champion of England again. Liverpool clinched its first league title since 1990 on Thursday Source: Hiiraan Online
  13. Qoollay Qoor-qabasho kuma Biyo Cabto ! Maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo yidhi MAYA ! Waxay ahayd 17 bishii April 2013, Raisal Wasaaraha Talada UK xiligaas hayay oo ahaa Mr David Cameron waxaa ku mashquulsanaa oo u fidsanayd ana u taallay gogoshii Tacsida ee Raiisal-Wasaare Margaret Thatcher oo go’day 8 dii bisha April laakiin aaskeeda loo ballansanaa in la xabaalo 17kii April 2013. Waxa kale oo David Cameron iyo Xukuumadiisu ay ku dhex jireen qabanqaabada Shir ay Dawlada Soomaaliya iyo Caalamka ugu qabanayeen magaalada London 7tii May 2013 shirkaas oo ay Xukuumadii Siilaanyo ganafka ku dhufatay inay ka qayb gasho. Hadaba iyada oo waxaas oo mashquul ahi uu haysto Raiisal Wasaare David Cameron iyo Wasiirkiisii arrimaha debeda William Hague ayay go’aansadeen inay Madaxweyne Siilaanyo ay ku martiqaadaan kuna qaabilaan Xafiiska Raiisalwasaaraha ee Number 10 Downing Street si ay ugu qanciyaan in Somaliland ay ka soo qayb gasho shirkaas Somalida loo qabanayay ee Caalamka oo dhamina uu ka soo qayb galayay. Intii uu kulanka labada dhinac socday waxaa ka mid ahaa erayadii uu isticmaalay David Cameron in ay Somaliland iyo UK uu ka dhexeeyo Cilaaqaad aad u dheer, hadii ay Somaliland shirka ka maqnaatana ay waji gabax ku noqonayso UK, sidaas darteed ay Somaliland Shirka ka soo qayb gasho. Madaxda Dalka UK waxa ay isku qanciyeen oo ay filayeen in aan marnaba Siilaanyo MAYA odhan doonin codsigooda kol hadii ay Raiisal Wasaaraha iyo Wasiirkiisii Arrimaha Debadu ay Sharfeen oo ay Number 10 Downing Street ay ku qaabileen Kulankaas heerkiisu uu sarreeyay waxa ay Jamhuuriyada Somaliland u ahayd guul aad u weyn oo Diblomaasiyadeed in markii u horreysay Taariikhdeeda uu Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu la kulmo Raiisal Wasaaraha ingiriiska oo waliba uu lagu qaabilo Xafiiska Raiisal-Wasaaraha ee Number 10 Downing Street taasina waxay sharaf weyn u ahayd Somaliland. Hadaba Madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Xambaarsanaa Danaha Dalkiisa iyo Mustaqbalka Dadkiisa isla markaasna aan ka dhex arkaynin wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay inay ka qayb gasho shirkaas 7da May, waxa uu David Cameron si kalsooni leh ugu sheegay oo uu ku yidhi naga raali ahaada anagu shirkaas ka qayb geli mayno, guulbaanu se idiin rajaynaynaa inuu si fiican idiinku qabsoomo. Maalintii uu Shirku furmayay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Maqaal dheer oo Garnaqsi ah uu ku qoray Wargeyska Afka-dheer ee caanka The Guardian Newspaper oo uu si qoto dheer ugu sharraxay Sababta ay Somaliland ku diiday ka qayb-galka shirkaas. Hadaba waxaa halkaas ka cad oo Hubaal ah in aan waligeed Somaliland waxba loo yeedhin, lana qasbin, go’aanka Madaxbanaanideeduna uu yahay go’aan shacab oo Afti Qaran lagu ansixiyay, cid wax ka bedeli kartaana aanay jirin Madaxweyne iyo Xukuumad midna. Hadaba Dadweynaha reer Somaliland waxaan usoo jeedinayaa inaanay dhegaysan Tashuushka iyo Shakiga lagu soo dhex tuuray, ee ay ku kalsoonaadaan Xukuumadooda iyo Madaxweynahooda, Cadawga Somaliland iyo Dawladaha Shisheeye ee ku fikiray in ay culays saaraan Shacbiga iyo Xukuumadooduna waa inay ogaadaan in ay reer Somaliland yihiin dad XOR ah oo Sharaf leh oo aan waxba loo yeedhin, waxna lagu sandullayn, Madaxbanaanidoona ay tahay go’aan Shacbi oo aan cidina waxba ka bedeli karin. Hashaan Gaadde-weynow Libaax uga Gabboon waayay, inaan Goroyo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay (Abwaan Timacade) Allah yarxam, Somaliland looma dardaar weriyo. Halkan hoose ka akhri Maqaalkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku qoray Jariidada the Guardian oo uu ku beegay maalintii uu Shirku Furmayay. https://www.google.co.uk/amp/s/amp.theguardian.com/commentisfree/2013/may/07/london-somalia-conference-somaliland Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
  14. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-25062020.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u warramay BBC ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Golihiisa iyo kan Golaha Shacabka. Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu u yeeray Mursal, si ay uga wada-hadlaan xiisada u dhexeysa labada gole iyo afarta xeer ee lagu murunsan yahay ee dhammeystirka doorashada, balse wuxuu tilmaamay inuu ka diiday, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaase sheegay in wax eed ah uusan laheyn guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse wuxuu eeda u jeediyey cid kale oo uusan shaacin. “Waxaan u yeeray guddoomiye Maxamed Mursal, iima uusan iman, balse isaga eedda ma lahan cid kale ayaa wada.” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday afarta xeer ee muranka badan dhaliyey ee haatan horyaalla Golaha Shacabka, isagoo markale ku celiyey in la bedalay nuquladii ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xeerarkaasi, haddii aan wax laga bedalin aysan wax shaqo ah ku laheyn Golaha Aqalka Sare, islamarkaana aan loo soo gudbi doonin, wuxuuna xusay inay u gaar tahay Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka talinayo in la’isugu yimaado shirweyne ballaaran oo ay dhan yihiin dhinacyada ay quseyso doorashada, sida dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed, si looga hadlo arrimaha doorashada.
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxay galabta gacmahooda Midigta ah uga jareen laba wiil oo dhalinyaro ah. Labada wiil ee xukunka gacan gooyada ah ay ku fuliyeen Al-Shabaab ayaa lagu kala magacaabaa Cali Xuseen Jimcaale oo 24-sano jir ah iyo Cabdi Cabdulle Axmed oo 26-sano jir ah. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ay xukun kula fuliyeen dhalinyaradaas ka hor sheegay in loo heysto, fal xatooyo ah oo ay ku kaceen, kadib markii ay jabsadeen dukaan ku yaalla deegaanka hoos taga Ceelbuur oo lagu magacaabo Galcad. Al-Shabaab ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay dukaanka kala baxeen 9,730 kun shilin Soomaali ah (Sagaal malyan todoba boqol iyo sodon kun), taas oo u dhiganta 389 dollar. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaas inay dukaanka kala baxeen laba macawiisood, kuwaas oo lagu qiimeeyay mid 20 dollar, kuwaas oo markii la isku daro noqonaya 40 dollar. Toddobaadkii tegay ayaa Al-Shabaab waxa ay deegaanka Galhareeri oo hoos taga degmada Ceelbuur waxay fagaare ku yaalla ka fuliyeen laba xukun maalin gudaheed, kuwaas oo isugu jiray dil iyo jeedal.
  17. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa amray in lasoo xidho qoyska sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka si cadaadis loogu saaro in uu soo gacan geliyo dokumentiyo xasaasi ah oo uu la baxsaday, Reuters ayaa sidaas werisay. Afar ilo-wareed oo xaalada ka warqaba lana hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in dhaxal suguhu uu amray in la xidho qaraabadda Saad Al-Jabri iyadoo ujeedadu ay tahay in sarkaalka sirdoonka horay uga tirsanaa lagu qasbo in uu Sucuudiga uu kusoo laabto kana yimaado Canada oo uu hadda deganyahay. Xadhigga ilmaha waa-weyn ee Al-Jabri, waxaa la sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ku doonayo in uu ku helo qoraalo sir ah oo la qoray xilligii uu xafiiska joogay saraalka baxsadka ah, xilligaas oo uu muddo fog la taliye u ahaa Maxamed bin Nayef. Bin Nayef oo ah Maxamed bin Salmaan ina adeerkiis waxaa uu ahaa dhaxal sugihii hore ee taajka sucuudiga, waxaana jagadaas laga tuuray 2017-kii. Ka skoow in uu doorkii dhaxal-sugenimo wareejiyay, bin Nayef waxaa mar kale la xidhay bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay taasi oo qayb ka ahayd xarigga saraakiil boqortooyada ka tirsan kuwaas oo Maxamed bin Salmaan uu u arkayay in ay khatar ku yihiin awooddiisa. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in maalmo kadib markii dib loo xidhay amiirka, wiil 21 jir ah iyo gabadh 20 jir oo uu dhalay Al-Jabri in iyagana la xidhay kadib markii la weeraray gurigii ay ka degenaayeen Riyadh, waxaana ku xigay Al-Jabri walaalkiis oo la xidhay May. Mid ka mid ah ilo-wareedka ayaa Reuters u sheegay “Muddo ayey doonayeen in Al-Jabri maadaama uu ahaa gacanta midig u ahaa Maxamed bin Nayef.” Qoraaladaas xasaasiga ah ee uu hayo sarkaalka hore ee sirdoonka, sida ay Reuters sheegtay, waxay ka kooban yihiin akhbaar loo isticmaali karo kuwa siyaasadda uga soo horjeeda Maxamed bin Salmaan iyo sidoo kale akhbaar si dhab ah u dhaawici karta dhaxal sugaha iyo aabbihii boqor Salmaan. Sidoo kale qoraaladdu waxay ka koobanyihiin akhbaar ku saabsan hanitida uu dibadda ku leeyahay Maxamed bin Nayef, taasi Maxamed bin Salmaan uu u adeegsan karo amiirka xidhan. Mid ka mid ah ilo wareedka ayaa, oo ahaa sarkaal hore oo amni gobol, ayaa sheegay in Al-Jabri uu sidoo kale heysto feylal ay ku jiraan faah-faahin lacageed iyo macaamilka saraakiil sare ee boqortooyadda ka tirsan. Qoyska Al-Jabri waxay raadinayaan taageeradda Maraykanka oo ah xulufo u dhow Sacuudiga, iyagoo rajeynaya in cadaadis uu boqortooyadda ku saaro sii deynta xubnaha qoyska ee xidhan. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu si wayn uga soo horjeeda talaabadda xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta Telefishanka Star TV ee Hargeysa. Ururka waxa uu u arkaa gef sharci in iyadoonay Maxkamad awood u lihi Amrin xidhiga hay’ad warbaahineed ama Wariye in digreeto/amar wasiir ama badhasaab lagu xidho. Talaabadda lagu xidhay Star TV, waxay muujinaysaa inay xukuumaddu gacmaheeda ku fushanayso awaamiirteeda iyadoon laga garnaqin waxa lagu eedaynayo. Sidoo kale, Ururka Solja waxa uu maalmahan isha ku hayey talaabooyin la doonayey lagu hadidayey telefishanada qaarkood iyadoo loo food samaynayo warar ay ka baahiyeen gobolka iyo dalka gudihiisaba, iyadoo la isku daayey in hawada laga saaro, iyadoo loo adeegsanayo dad ka faa’iidaysta fursadaha noocan oo kale ah. Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baryayaa inay ciidanka ka dul qaado xarunta Telefishanka Star. sidoo kale, ururku waxa uu ugu baaqayaa inay xorriyaddiisa usoo celiso Wariye Jaabir Siciid Ducaale kaasoo ay maxkamadda gobolka Sanaag maanta toddoba cisho oo rumaan ah u jartay. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Source
  19. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa amray in lasoo xiro qoyska sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka si cadaadis loogu saaro in uu soo gacan geliyo dokumentiyo xasaasi ah oo uu la baxsaday, Reuters ayaa sidaas werisay. Afar ilo-wareed oo xaalada ka warqaba lana hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in dhaxal suguhu uu amray in la xiro qaraabadda Saad Al-Jabri iyadoo ujeedadu ay tahay in sarkaalka sirdoonka horay uga tirsanaa lagu qasbo in uu Sucuudiga uu kusoo laabto kana yimaado Canada oo uu hadda deganyahay. Xarigga ilmaha waa-weyn ee Al-Jabri, waxaa la sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ku doonayo in uu ku helo qoraalo sir ah oo la qoray xilligii uu xafiiska joogay saraalka baxsadka ah, xilligaas oo uu muddo fog la taliye u ahaa Maxamed bin Nayef. Bin Nayef oo ah Maxamed bin Salmaan ina adeerkiis waxaa uu ahaa dhaxal sugihii hore ee taajka sucuudiga, waxaana jagadaas laga tuuray 2017-kii. Ka skoow in uu doorkii dhaxal-sugenimo wareejiyay, bin Nayef waxaa mar kale la xiray bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay taasi oo qayb ka ahayd xarigga saraakiil boqortooyada ka tirsan kuwaas oo Maxamed bin Salmaan uu u arkayay in ay khatar ku yihiin awooddiisa. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in maalmo kadib markii dib loo xiray amiirka, wiil 21 jir ah iyo gabar 20 jir oo uu dhalay Al-Jabri in iyagana la xiray kadib markii la weeraray gurigii ay ka degenaayeen Riyadh, waxaana ku xigay Al-Jabri walaalkiis oo la xiray May. Mid ka mid ah ilo-wareedka ayaa Reuters u sheegay “Muddo ayey doonayeen in Al-Jabri maadaama uu ahaa gacanta midig u ahaa Maxamed bin Nayef.” Qoraaladaas xasaasiga ah ee uu hayo sarkaalka hore ee sirdoonka, sida ay Reuters sheegtay, waxay ka kooban yihiin akhbaar loo isticmaali karo kuwa siyaasadda uga soo horjeeda Maxamed bin Salmaan iyo sidoo kale akhbaar si dhab ah u dhaawici karta dhaxal sugaha iyo aabihiis boqor Salmaan. Sidoo kale qoraaladdu waxay ka koobanyihiin akhbaar ku saabsan hanitida uu dibadda ku leeyahay Maxamed bin Nayef, taasi Maxamed bin Salmaan uu u adeegsan karo amiirka xiran. Mid ka mid ah ilo wareedka ayaa, oo ahaa sarkaal hore oo amni gobol, ayaa sheegay in Al-Jabri uu sidoo kale heysto feylal ay ku jiraan faah-faahin lacageed iyo macaamilka saraakiil sare ee boqortooyadda ka tirsan. Qoyska Al-Jabri waxay raadinayaan taageeradda Maraykanka oo ah xulufo u dhow Sacuudiga, iyagoo rajeynaya in cadaadis uu boqortooyadda ku saaro sii deynta xubnaha qoyska ee xiran.
  20. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 868. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 18 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 11, Somaliland 6, iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,878. Bukaannada cusub 16 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Madaxtooyada Beledweyne kula kulmay Odayaasha dhaqanka labo beelood oo dhowaan shaqaaqooyinka ku dhex maray Xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Feer Feer. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kala hadlay odayaasha labada dhinac inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo xasilooni ka hana qaada deeganada ay degaan beelaha walaalaha ah ee dagaalamay, waxaana dhinaca kale Mudane Waare xusay in shacabka dan ugu jirto wada noolaanshiyaha iyo daris wanaaga. Odayaashaan ayaa ah dhaqanka labo beelood oo dhowaan ku dagaalamay deegaanka Abaaley oo hoos taga degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay lix ruux halka tiro kale lagu dhaawacay, labada dhinac ayaa heshiis dhowaan ku gaaray magaalda Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com