Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galnudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka. Kulanka oo ahaa mid u gaar ah labada mas’uul ayaa wuxuu qaatay saacado badan, balse lama shaacin waxyaabihii lagu heshiiyey. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saaray is-bedalka xukuumadda, doorashooyinka iyo dhameystirka shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in lagu soo qaaday kulankan arrimo ku saabsan soo xulida ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya, Xasan Cali Khayre. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin labada dhinac, balse waxaa lagu soo warramayaa in kulamadu ay sii socon doonaan maanta & beri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista xukuumad cusub, kadib markii Sabtidii la riday xukuumaddii hore ee Soomaaliya.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-28072020.mp3 View the full article
  3. When Moh Ahmed ran to a stunning Canadian record recently, his cheering section was his 20 or so Bowerman Track Club teammates spaced out around the 400 metres of infield at Jesuit High School in Portland, Ore Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha deggan Gobolka Mudug. Waxgaradka iyo Odeyaashan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii Nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan Amniga iyo horumarka Gobolka . Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, Nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Kulan la qaatay Odayaasha mid kamid ah Beelaha Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  5. Well-financed candidates and allies step up attacks ahead of the primary. Source: Hiiraan Online
  6. Former Ghana government minister Elizabeth Ohene writes about how the prospect of living abroad has lost its attraction in the time of coronavirus. Source: Hiiraan Online
  7. NORTH MANKATO — Before Nasra “Jamila” Ibrahim emigrated to the United States from Somalia in 1994, she worked at her brother’s restaurant in Mogadishu Source: Hiiraan Online
  8. Shirkada dayuuradaha Emirates oo Bushaaro & Balan-qaad aan abid la maqal ugu baaqday Macaamiisheeda “Rakaabka”. Shirkadda dayuuradaha Emirates, oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa noqotay shirkadii ugu horreysay ee sheegtay iney dabooleyso kharashka caafimaad ee ku baxayo rakaabka ku safra diyaaradaheeda ee uu ku dhaca Covid-19. Emirates kharashka caafimaadka ee ay bixineyso waxay ku sheegtay iney gaareyso ilaa iyo $173,000 oo doolar, iyadoo 14-ka maalmood ee uu qofka karantiilka ku jirana maalintii siineyso €100 Yuuro, inta ay safarka ku jiraan haddii cudurka laga helo. Maareeyaha shirkadda Emirates, Sheekh Axmed bin Saciid Al Maktuum ayaa sheegay, in Emirates ay isku dayday tallaabbo kasta oo ay ku yareyneyso khatarka macaamiisheeda ay cudurka ku qaadi karaan. “Waxaan u gudubnay tallaabbada xigta, inaga oo noqonnay shirkadda diyaaradeed ee ugu horreysay ee macaamiisheeda ka bixineyso kharashka daweynta Covid-19 iyo karantiilka la xiriira, inta ay asafarka ku jiraan.” ayuu yiri Maareeyaha. Uzbekistan oo ah dal ku yaalla bartamaha qaaradda Aasiya, wuxuu ballaanqaday $3,000 oo dollar oo magdhow ah uu siinayo dalxiisayaasha uu ku dhaco cudurka COVID-19 inta ay dalkaasi joogaan. Cudurka COVID-19 ayaa weli faro kulul ku haya dalal ka tirsan caalamka gaar ahaan meelo ka mid ah Yurub, Maraykanka, Brazil iyo dalal kale inkastoo dalal kalena uu hoos uga dhacay Qaran News
  9. Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti). Marxuumka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Isbitaalka Ordogaan ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho balse xanuunkii hayay ayuu ugu dambeyn u geeriyooday Marxuumka. Geerida Xildhibaanka waxaa xaqiiqjiyay qaar kamid ah Eheladiisa waxaana geerida ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isagoo ilaahay uga baryay in uu ka waraabiyo Janna Fardowsa. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xilli wali aad loo hadal hayo xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni waxa uu ka hadlay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweyne Farmaajo intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhusamareeb. Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen. “Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, madaxweynaha wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajenda uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaari karana aysan cayimneyn, u muuqaneysana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yiri Saciid Deni. Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee ra’iisal wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan. Dhankiisa ayuu sheegay inu u isku dayay in madaxweynaha uu ku qanciyo in xilligan ay u adag tahay in laga shaqeey muddo kororsi taasoo ka hor-imaneyso waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb. “Markii aan arrintaas kala hadlay, waxaa uu muuqaneysay in madaxweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli karta ayuu sheegay inay tahay doorasho dadban oo aan gaarsiisaneyn qof iyo cod, kana duwan tii 2016-ka ka dhacday dalka. Guddiga ay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ku heshiiyeen shirka Dhusamareeb ayuu sidoo kale sheegay in shaqadoodu ay tahay inay kasoo tala bixiyaan nooca dorasho ee uu dalka qaadanayo kahor kullanka dambe ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka. Inkastoo BBC-da aysan si rasmi ah u xaqiijin karin hadalka kasoo yeeray madaxweyne Deni ayaa haddana si arrintaas aan wax oga ogaano ayaa waxaanu la xiriirnay dowladda federalka, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno. Qaar kamid ah axsaabta siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka digay muddo kororsi aysan xukuumadda sheegin inay damacsan tahay balse iyagu ay ku tuhmayaan. “Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido”, ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hadal haynta ah in dowladda ay “dooneyso muddo kordhin” waxay soo taagnayd muddo, waxaana aad uga digyaya arrintaasi siyaasiyiinta mucaaradka. Balse, Ra’iisul Wasaaraha “xilka laga qaaday”, Xasan Cali Khayre, ayaa horraantii bishan sheegay in doorashada lagu qaban doono wakhtigeeda, aysanna jiri doonin muddo kordhin. Wuxuu yiri: “Doorashadu waa inay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ah, si aan u xaqiijino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan”. “Wa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, lagana fogaadaa in lagu shaqeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah mudda kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu hadalka ku sii daray. Xigasho: BBC Somali
  11. Turkiga iyo Ruushka ayaa Arbacadii waxay ku heshiiyeen in ay xabad joojin ka sameeyaan dalka dagaaladu la degeen ee Liibiya, laakiin Ankara ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ciidanka degan bariga dalka uu yahay sharci darro, isla markaana loo baahanyahay in laga saaro goobaha muhiimka ah si ay u dhaqan gasho xabad joojin la isku haleyn karo. Moscow iyo Ankara waxay ka mid yihiin awoodaha ugu waaweyn ee kala taageeraya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Liibiya. Ruushku waxaa uu taageeraa ciidanka degan bariga dalka ee uu hoggaamiyo General Khaliifa Hafter, halka Turkiguna uu Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya ka caawiyay in ay iska caabiso gulufkii Jeneraal Hafter uu ku doonayey in uu caasimadda ku qabsado. “Waxaan hadda Ruushka kula heshiinay in aan ka shaqayno xabad joojin joogto ah oo la isku aamini karo gudaha Liibiya,” ayuu Reuters u sheegay Ibrahim Kalin oo ah la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Edogan. Kalin waxaa uu sheegay in heshiis kasta lagu saleyn doono dib soo celinta furimihii Liibiya ee 2015-kii, taasi oo ciidanka Jeneraal Hafter uga baahan in ay dib uga baxaan marinka muhiimka ah ee Sirte. “Si xabad joojintu ay joogto u noqoto waa in ciidanka Jeneraal Hafter laga daad gureeyaa Jufra iyo Sirte,” ayuu yiri la-taliye Kalin. Dagaal loogu talagalay Sirte Ciidanka Turkigu taagero ee la safan Dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya, waxay isku diyaarinayaan dhinacyadda Sirte, waxayna balan qaadeen in ay dib u qabsanayaan magaaladda ku taalla Mediterranean iyo garoonka diyaaradaha ee Jufra. Maraykanka ayaa sheegay in Moscow ay diyaarado dagaal u dirtay Jufra, si ay ugu taageerto calooshood u shaqaysteyaasha Ruushka ee caawinaya Jeneraal Hafter. Ruushka iyo ciidanka Hafter labaduba waa ay beeniyeen warka Maraykanka. Masar oo sidoo kale taageerta ciidanka Jeneraal Hafter ayaa ku goodisay in ay ciidan u direeyso dalka deriska la ah ee Liibiya hadii ciidanka Turkiga iyo kuwa Dowladda Liibiya ay isku dayaan in ay qabsadaan Sirte. Baarlamaanka Masar ayaa awood u siiyay Dowladda in ay sameyn karto farogelin military. Ibrahim Kalin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Edogan ayaa sheegay in hadii Masar ay ciidan geyso Liibiya ay dhaawici doonto dadaaladda la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka, isla markaana ay taasi khatar ku tahay Qaahira. “Waxaan rumeysanahay in ay khatar military ku tahay Masar.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shukry ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee Liibiya uu u baahanyahay in jawaab laga bixiyo argagixisadda iyo farogelinta shisheeyaha, taasi oo aan keliya khatar ku ahayn danaha Masar, balse khatar weyn ku ah dalalka Mediterranean-ka. Waxaa uu xusay in hindise nabadeed oo Qaahira looga dhawaaqay bishii lasoo dhaafay looga gollahaa in lagu xasiliyo Liibiya, isla markaana meesha laga saaro ciidanka hubeysan iyo maleeshiyaadka jooga dalkaan saliidda qaniga ku ah. Share this: Qaran News
  12. Tel Aviv (Caasimada Online) – Unug ka tirsan sirdoonka ciidanka Israa’iil oo lagu magacaabo 8200 ayaa la dagaalamaya maskax guur kadib markii shaqaalahooda badankood ay u wareegeen shirkado gaar loo leeyahay, sidaas waxaa wariyey warbaahinta Safa News. Dadaallo uu unuga 8200 u sameeyay in uu bedelo jahada ay wax u socdaan, ayaa ku billowday in ciidanka keydka ah la weydiiyo in ay saxiixaan warqado ku saabsan daneysiga. Socdaalka ay shaqaalahaan xirfadoodu sarreyso ku aadayaan shirkadaha technology-yadda ee rayidka ayaa keeni karta in la dusiyo akhbaar iyo technology-yad xasaasi ah. Unuggaasi waxaa uu sidoo kale doonayaa in uu joojiyo iskuday ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ku doonayaan in ay ku yeeshaan amniga ugu wanaagsan ee Internetka, markaasna uu hoos u dhaco sumcadda amniga internetka ee unugga sirdoonka ah. Sida uu wariyay wargeys laga leeyahay Israa’iil oo lagu magacaabo Hayom, shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa begsanaya kuwa ugunuga 8200 dhexdiisa looga yaqaano saraakiisha iyo ciidanka “dheemanka ah” kuwaas oo loo tix geliyo in ay leeyihiin xirfad iyo aqoon gaar ah. Unuggu waxaa uu sheegay in tallaabooyinkoodu aysan begsaneynin shirkadaha waaweyn ee Technologyadda, laakiin ay ka xanaaqsanyihiin waxa shirkadaha qaar ay ka sameynayaan suuqyada Israa’iil si ay saraakiishooda ugu dhiiri geliyaan in ay shaqadda kasoo tagaan.
  13. Mogadishu (HOL) - Internet connectivity has been restored in parts of southern Somalia after close to 31 hours of being in the dark. Source: Hiiraan Online
  14. MINNEAPOLIS (FOX 9) - As candidates for the Minneapolis City Council Ward 6 gear up for the final two weeks of the campaign, there are questions about whether some actually live in the ward or moved into it just to run for the office. Source: Hiiraan Online
  15. Ankara (Caasimada Online) – Turkiga iyo Ruushka ayaa Arbacadii waxay ku heshiiyeen in ay xabad joojin ka sameeyaan dalka dagaaladu la degeen ee Liibiya, laakiin Ankara ayaa sheegtay in hoggaamiyaha ciidanka degan bariga dalka uu yahay sharci darro, isla markaana loo baahanyahay in laga saaro goobaha muhiimka ah si ay u dhaqan gasho xabad joojin la isku haleyn karo. Moscow iyo Ankara waxay ka midyihiin awoodaha ugu waaweyn ee kala taageeraya dhinacyadda iska soo horjeeda ee Liibiya. Ruushku waxaa uu taageeraa ciidanka degan bariga dalka ee uu hoggaamiyo General Khaliifa Hafter, halka Turkiguna uu Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya ka caawiyay in ay iska caabiso gulufkii Jeneraal Hafter uu ku doonayey in uu caasimadda ku qabsado. “Waxaan hadda Ruushka kula heshiinay in aan ka shaqayno xabad joojin joogto ah oo la isku aamini karo gudaha Liibiya,” ayuu Reuters u sheegay Ibrahim Kalin oo ah la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Edogan. Kalin waxaa uu sheegay in heshiis kasta lagu saleyn doono dib soo celinta furimihii Liibiya ee 2015-kii, taasi oo ciidanka Jeneraal Hafter uga baahan in ay dib uga baxaan marinka muhiimka ah ee Sirte. “Si xabad joojintu ay joogto u noqoto waa in ciidanka Jeneraal Hafter laga daad gureeyaa Jufra iyo Sirte,” ayuu yiri la-taliye Kalin. Dagaal loogu talagalay Sirte Ciidanka Turkigu taagero ee la safan Dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya, waxay isku diyaarinayaan dhinacyadda Sirte, waxayna balan qaadeen in ay dib u qabsanayaan magaaladda ku taalla Mediterranean iyo garoonka diyaaradaha ee Jufra. Maraykanka ayaa sheegay in Moscow ay diyaarado dagaal u dirtay Jufra, si ay ugu taageerto calooshood u shaqaysteyaasha Ruushka ee caawinaya Jeneraal Hafter. Ruushka iyo ciidanka Hafter labaduba waa ay beeniyeen warka Maraykanka. Masar oo sidoo kale taageerta ciidanka Jeneraal Hafter ayaa ku goodisay in ay ciidan u direeyso dalka deriska la ah ee Liibiya hadii ciidanka Turkiga iyo kuwa Dowladda Liibiya ay isku dayaan in ay qabsadaan Sirte. Baarlamaanka Masar ayaa awood u siiyay Dowladda in ay sameyn karto farogelin military. Ibrahim Kalin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Edogan ayaa sheegay in hadii Masar ay ciidan geyso Liibiya ay dhaawici doonto dadaaladda la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka, isla markaana ay taasi khatar ku tahay Qaahira. “Waxaan rumeysanahay in ay khatar military ku tahay Masar.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shukry ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee Liibiya uu u baahanyahay in jawaab laga bixiyo argagixisadda iyo farogelinta shisheeyaha, taasi oo aan keliya khatar ku ahayn danaha Masar, balse khatar weyn ku ah dalalka Mediterranean-ka. Waxaa uu xusay in hindise nabadeed oo Qaahira looga dhawaaqay bishii lasoo dhaafay looga gollahaa in lagu xasiliyo Liibiya, isla markaana meesha laga saaro ciidanka hubeysan iyo maleeshiyaadka jooga dalkaan saliidda qaniga ku ah.
  16. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Qubanaha-27072020.mp3 View the full article
  17. Dr.Xasan Sheekh Cali Nuur oo Barre ka ah Jaamacada Muqdisho ayaa sheegay in Dalku marayo meel xasaasi ah khatarna uu u yahay inuu dib ugu [...] The post Daawo Dr.Xasan Sheekh Cali : – ” M/weyne Farnaajo waa inuu ka baxaa Riyada iyo Riwaayada mudo kordhsiga “ appeared first on . Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qadka Internet-ka haatan loo xaliyey si ku meel gaar ah, balse ay weli jirto cilladii ku timid. “Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, iyadoo ay Wasaaraddu fartay shirkadaha adeegga internetka bixiya inay sida ugu dhaqsaha badan u xalliyaan cilladda, isla markaana Wasaaradda la soo wadaagaan hadba meesha ay wax marayaan” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah.” “Ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, balse haatan loo xalliyay si KMG ah (Ka eeg sawirka oo muujinaya meesha khadku ka cilladoobay).” Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka. Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo sababtoo ah waa wax dhici kara inay cillado ku yimaadaan xargaha badda hoosteeda mara, balse dalalka kale aan la tabin maadaama ay haystaan kuwo kale. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka. “Shirkadaha kale ee xargaha soo wada waxaan fareynaa inay dadajiyaan hawshooda, waayo dhowr mar ayaanu aragnay inay khatar weyn tahay in lagu tiirsanaado hal xarig oo kaliya, dhinaca kalena waa u fursad ganacsi oo muujineysa in adeeggooda baahi loo qabo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiir Canshuur. Halkan hoose ka Daawo
  19. NAIROBI, Kenya (AP) — An internet blackout across large parts of southern and central Somalia ended Monday after what critics called an attempt by the government to control information amid fears of political fallout after the prime minister was ousted over the weekend. Source: Hiiraan Online
  20. By Michael RubinJuly 27, 2020 – 12:09 PM Consider first the sheer scale of the United States’s investment in Somalia: The U.S. has spent tens of [...] The post Washington: The State Department spent $1.5 billion on Somali democracy and built a dictatorship appeared first on . Source
  21. Click here to read more Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu dilay isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Feyte. Sida ay warnaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah sarkaalkaas waxaa dilay nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah, kaas oo markii uu dilka geystay kadib goobta ka baxsaday. Marxuumka ayaa markii la dilayey waxa uu watey gaari nooca raaxada ah, waxuuna Feyte horay uga tirsanaa saraakiishii Nabad Sugidda Soomaaliya ee markii dambe lagu biiriyey booliska. Sida lagu baahiyey warbaahinta taageerta Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaas, waxayna sheegtay inuu ahaa taliyaha degmada Hodan. Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in sarkaalka ay dileen uu ahaa taliyihii booliska Soomaaliya ee degmada Hodan, weli taliska booliska Soomaaliya kama hadlin dilka loo geystay sarkaalkaas ka tirsanaa.