-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa afar qof ayaa ku dhaawacantay, kadib markii maanta ciidamada ammaanka Puntland ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo dibad-bax ka dhigayey gudaha magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa ka cabanayey lacago Canshuuro ah oo ay sheegeen inay ku soo dalacday wasaaradda ganacsiga Puntland. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyo ciidamada ay isku dhaceen, taas oo keentay in loo adeegsado rasaas nool-nool. Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee Garoowe, iyadoona markii dambe la kala dareeriyey dibad-baxayaasha. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, balse weli ciidamada ammaanka ayaa ku sugan waddooyinka qaar magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
-
27 July 2020 Mogadishu – Somalia’s international partners* express their concern and their strong hope that recent political developments, including in the Federal Parliament, will not undermine [...] The post SOMALIA’S INTERNATIONAL PARTNERS URGE POLITICAL CONSENSUS TO ENSURE TIMELY ELECTIONS. appeared first on . Source
-
27 July 2020 Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, [...] The post War Saxafadeed : Beesha Caalamka oo ku baaqday in Doroshooyinku wakhtigoodii ku dhacaan. appeared first on . Source
-
Somalia’s international partners* express their concern and their strong hope that recent political developments, including in the Federal Parliament, will not undermine efforts to reach political consensus on timely elections, disrupt Somalia’s reform agenda, or create instability that may reverse the gains made so far on national priorities. The partners have consistently called for inclusive consultations to achieve broad-based agreement on the modalities for the 2020 elections. This is why they welcomed the decisions reached by the Federal and State leaders in Dhusamareb on 22 July as an important step towards that goal. The international partners expect the Federal and State leaders to honour the agreements reached on 22 July in Dhusamareb and the timelines for follow-up meetings bringing together the Federal Government, Federal Member States, the Federal Parliament leadership, political parties and civil society representatives. Any attempt by a single stakeholder to unilaterally impose electoral modalities will lack legitimacy and will not be implementable without the essential support from other stakeholders. The partners will closely follow developments going forward. Commitment to agreed national priorities and to resolving issues through dialogue and compromise is vital for continued international support to Somalia at current levels. The partners urge the immediate nomination of all members of the FGS-FMS Technical Committee and stand ready to facilitate its work, so that it can be completed within the agreed two weeks from the date of the Dhusamareb meeting. View the full article
-
Guddoonka Baarlamaanka Puntland Golaha Wakiilada Puntland ayaa shaaciyay in ay Xukuumadda kala xisaabtami doonaan gobollada Sool iyo Sanaag, oo qeybo kamid ay gacanta ku hayso Somaliland. Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu ansixiyay in qodobka 11-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya Xuduudaha lagu daro la xisaabtanka Xukuumadda oo ku jira ajandaha Kalfadhiga 46-aad ee Golaha. Fadhigii Golaha Wakiilada Puntland waxaa xaadir ku ahaa 36 Mudan, waxaa ogolaaday 35, halka uu ka aamusay 1 Mudane. Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar badan ku dhexmaray dagaalo dhiig badani ku daatay. 8 January, 2018, Tuulada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland. Degaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa hadda isku hor-fadhiya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda kala xisaabtamaya Sool iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen walaac uga muujiyey dhacdadii Sabtidii uu baarlamanka Soomaaliya xilka uga qaaday ra’iisul wasaare xasan Cali Kheyre, waxayna ka digeen doorasho aan la isku raacsaneyn oo dadka lagu qasbo. Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.” Beesha Caalamka ayaa ku baaqday wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka, waxayna sheegeen in ay tahay sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas. “Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: *Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay go’itaankii khadka Internetka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku lug laheyd xiritaanka adeegga Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka inay cadeyn ka bixiyaan cilada ku timid khadka Internet-ka oo maqnaa in ka badan 24 saac. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray in bulshada Soomaaliyeed ay xaq u leedahay inay xog ka hesho arrintaasi. “Waxay ilo Xog-ogaal ah nala wadaageen in dowladdu ku lug lahayd xiritaankii adeegga Internet-ka. Waa in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay caddeyn ka bixiyaan cidda iska leh masuuliyadda hawo ka saarista adeegga Internet-ka. Bulshadu waxay xaq u leedahay in ay xog sax ah hesho.” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri CC Warsame. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo oo ay dowladda Soomaaliya faah faahin ka bixisay go’itaankii khadka Internet-ka, islamarkaana shaacisay in uusan go’in xarigga Internet-ka, balse uu soo gaaray dhaawac, kaas oo haatan loo xalliyay si kumeel gaar ah. Si kastaba ha’ahaatee adeegga go’ay ee Internet-ka ayaa ku soo aaday, maalin kadib markii la riday Khayre, taas oo shaki badan ku dhalisay dadka Soomaaliyeed.
-
Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa bixisay wajigii labaad ee baalmarintii ay ugu magacdartay (ku guulayso 5,000 oo abaalmarinood) taas oo ay usoo bandhigtay macaamiisheeda. Abaalmarinta ay shirkaddu bixisay isniintii toddobaadkan ayaa dhamayd 250 ka mid ah abaalmarinada ay ugu talogashay macaamiisheeda, Halkan hoose ka DAAWO muuqaal iyo sawirro Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Kulankan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen xubnaha xisbigaasi ayaa waxaa shir guddoomiyey nadaxweyne Xasab Sheekh Maxamuud. Qoraal ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale xisbiga ayaa diray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasilan oo suurogelin kara wadatashi. Halkan hoose ka aqriso: Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’uuliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka. Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaasadeed ama amni. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoonta. Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xasillan oo suurogelin kara wadatashi si loo gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladaan kala guurka ah.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hodon ee gobolka Banaadir garyaqaan Axmed Cabdi Cali (Aabi) oo soosaaray qoraal ka kooban laba bog ayaa iskadiiday go’aan ku soo baxay wareegtada Summaddeedu tahay MS/XG/75/2020, kuna taariikheysa 22-July-2020 taas oo uu soosaaray guddoomiyaha maxakamadda sare garyaqaan Baashe Yuusuf Axme, Wareegtadan oo ujeedadeedu tahay iskubeddel guddoomiyeyaal iy garsoorayaal degmo ayaa heerka guddoomiyaha maxkamadda degmada Hodon garyaqaan Axmed Cabdi Cali-Aabi hoos loogu dhigay iyada oo Wareegtada uu soosaaray guddoomiyaa Maxkamadda sare loogu magacaabay Aabi in uu garsoore ka noqdoo maxkamadda degmada Cabdicasiis, iyada oo xilka guddoomiyah amaxkamadda degmada Hodonna loo magacaabay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbedaalka ku yimid xukuumadda. Gaas ayaa sheegay oo u warramay VOA ayaa sheegay in go’aankii Sabtidii ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ahaa qorshe la soo abaabulay oo shirqool siyaasadeed u eg, sida uu hadalka u dhigay. C/weli Maxamed Cali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankan uusan wax u dhimi doonin Khayre, balse ay baarlamaanka u tahay taariikh xumo. “Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan.”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in guddoonka baarlamaanka uu rabo muddo kororsi iyo dib loo dhigo doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Sweden Ann Linde ayaa walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kadib go’aankii ka soo baxay xildhibaanada Golaha Shacabka. Ann Linde ayaa sheegtay inay wal-wal xoogan ka qabto go’aankii lagu riday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay inuu sii socdo wada-hadalkii magaalada Dhuusamareeb ee ay heshiiska ku gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. “Sweden waxay walaac ka muujisay arrimaha la xiriira isbedelada isbuucaan ka socda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in wadahadalka loo dhan yahay uu sii socdo iyo in heshiiska Dhuusamareeb la ansaxiyo.” ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden. Sweden oo ah deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinacyo kala duwan ka caawiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Horey Mareykanka ayaa uga horyimid talaabadii lagu riday xukuumaddii Khayre, isaga oo ka digay in dalka uu galo qal-qal siyaasadeed ee hor leh. Si kastaba ha’ahaatee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan ah mid kacsan, kadib kalsooni kala noqoshadii Khayre, taas oo uga sii dartay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021 oo uu weli ka taagan yahay mursan xoogan.
-
Somalia malaha waxay maraysaa halkii ay Somaliland ay maraysay 1997dii markii lagu jiray qabanqaabadii Shirwaynihii 2aad ee Beelaha Somaliland. Madaxwaynihii wakhtigaa M.I Cigaal AHN eh wuxu watay qorshe in Shirwaynaha 2aad uu noqdo kii ugu dambeeyay marxaladda kala guurka oo aanu ku dambe dhicin ee loo gudbo nidaamka xisbiyada badan iyo habka doorashooyinka tooska ah (hal qof iyo hal cod), halka mucaaridka ka soo horjeedayna ay ka go’nayd in kursiga ay ka tuuraan taasina ahayd danta ugu muhiimsanayd ee shirwaynaha ay ka lahaayeen. Qorshaha Cigaal watay iyo kii mucaaridka ka soo horjeeday labaduba waxay ku xidhnayd Shirwaynaha 2aad iyo sida loo soo xulayo ergada shirwaynaha. Mucaaridku waxay qabeen in talada dib loogu celiyo beelaha oo sidii Shirwaynihii Boorame ay iyago soo xushaan. Laakiin Madaxwayne Cigaal taa gaashaanka ayuu ku dhuftay oo wuu diiday in arinka uu mar kale ku dhex tuuro beelaha waayo muu hubin ergada ay soo xuli doonaan waxa ay noqon doonaan, ta kale in haba yaraato mucaaridka uu wax fursad ah siiyana muu doonayn. Isagoo isku hubay Labada gole ee Guurtida iyo Baarlamanka wuxu soo dhigay in ergadii Shirkii Borame tiradooduna ay dhamayd 150 lagu kordhiyo 150 kale. Hadaba 150ka hore oo iyagu Guurtida iyo Baarlamanka ahaa waa la garanayay ee waxay noqotay 150ka kale sidee loo soo xulayaa. Isagoo ka ilaalinayay raggii ay is-hayeen in ay Madasha Shirka u soo dhex fadhiistaan wuxu keenay in ergay kasta oo kuwii hore ee Boorama ahiba uu isagu keeno hal ergay oo cusub sidaa ayuu ku dhamaystirtay 300 oo ergadii Shirwaynaha 2aad noqday. Iyagoo mucaaridka indhahoodu shan yihiin oo qaylinaya ayuu walee sadexdii boqol ee ergayba hool ku xaraystay uu murraadkiisii ka fushaday wax walbana sidii uu doonayay ay noqdeen. Somalia way caddahay in Madaxwayne Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu wato qorshihiisa gaarka ah oo noqonaya in doorashada Golaha Shacbka aan sidii hore hogaamiye shaqameedku u soo xulin ee laga gudbo marxaladaasi oo xildhibaanada cusub doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ku yimaadaan. Taasi in aanay ku dhacayn mudada yar ee ka hadhsan xiliga doorashada wuu garanayaa cid kastaana way garanaysaa. Shirkii dawlad goboleedyadu markaa wuxu ka horimanayay qorshahiisa Raiisul Wasaare Khayre halka laga raacayna dabcan wuxuu taageeray go’aamadii shirka waxana ka mid ahaa laba qodob oo si toos ah uga hor imanayay qorshaha Madaxwaynaha, oo kala ah in qaabka doorashadu noqoto Doorasho Dadban iyo in doorashadu ay xiligeedii ku qabsoonto. Ilaa hadda wuxu qaaday qodobkii koowaad ee marinka u furi lahaa qorshahiisa oo ah in laga takhaluso Raisul Wasaarihii hore Mudane Khayre. Tii labaadna wuu wadaa oo waa dhismihii xukuumad cusub oo la filayo in uu Magacaabi doono Raisul Wasaare cusub maalmaha soo socda. Ilaa halkaa lagama yaabo in wax dhibaato ah uu kala kulmo. Laakiin dalcadii ugu adkayd way u hadhsan tahay oo waa muddo kordhinta uu u baahan yahay si ay dalka uga qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod ahi. Dad badan ayaa ka dayrinaya doorasho hal qof iyo hal cod ah oo leh waxa Somalia ka suurogeli kara maaha xataa laba sadexda sanadood ee soo socda. Weligoodba marka hore haya’dihii dawladda Fulin, Sharcidejin, iyo xataa haya’ddii Garsoorka oo ogol wuu haystaa. Waxa u hadhsan dhinacyadii kale ee ay khusaysay sida Dawlad Goboleedyadii, xisbiyadii siyaasadda, Ururadii Bulshada Rayidka iyo dad badan oo bugaanbug ah oo la soo abaabulo iyo dabcan rayul caamkii dadwaynaha shaaraca oo la og yahay in ay reero kala yihiin aragti qabali ahna kala wataan. Shirka Farsamo ee loogu Balansan yahay Dhuusomareeb 15ka bisha soo socota wuu ka balaadhiyay intii markii hore la moodayay oo ku koobnaa Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada. Wuxu ku soo daray inta kale ee aynu soo sheegnay. Hadaba shirkaasi in uu dhici iyo in kale iyo hadiiba uu dhacayo sida uu u dhici doono lama hubo laakiin waa muhiim. Markaa in kasta oo ay wax badan ku kala duwan yihiin Somaliland iyo Somalia hadana bal in Madaxwayne Farmaajo uu tiisa marsan karo sidii Cigaal iyo in kale waaba loo wada joogi, halista ugu wayn laga cabsi qabi karaa waxay tahay hadii Madaxwayne Farmaajo uu qorshihiisa ku adkaysto xal badiil ah oo kalena jirin khilaafku ma u kori karaa in uu sababo dagaal sokeeyo oo aan laftiisu xal noqon karin ee keeni kara uun burbur iyo in mar kale Somalia ay kow ka soo bilawdo taas oo aan dhinacna dan u ahayn marka ay noqoto dhan kasta ha lagu qado ee dheglay ku shub iyo ninkii rooni reerka ha u hadho reer loo hadhi doonaana jiri maayo Caligurey Hargeysa, Somaliland Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyey geetida allah u naxariistee Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ku geeriyooday Muqdisho. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri: Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaah Ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti). -Waxaan Tasci Tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Moqdisho, Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Xildhibanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug. Waxaan Allaah uga baryeynaa in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo Samir iyo iimana Allaah Hanaga wada siiyo Dhamaan Ehelada, Asxaabta, shacabka Iyo Xildhibanada iyo Dowlada Galmudug. Allah u naxariisto xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa uu ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib muddo uu xanuunsanaa xildhibaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaarihii Hore Malaysia Oo Lagu Helay Dembiyo Culus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Malaysia)-Raysal wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xidhiidha musuqmaasuq. Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in aanu gelin wax dembi ah oo la xidhiidha musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro. Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba u ah dhaqan-galka sharciga dalkaas iyo dedaalada lagaga hortagayo musuqmaasuqa. Fadeexadda la xidhiidha kiiskan ayaa la aaminsan yahay inay bannaanka soo dhigtay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq baahsan oo la sheegay in sannadihii dambe ay ka jirtay gudaha dalkaas. Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xidhiidha arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka. “Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xidhiidha arrintan, waxaan noo caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yidhi garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan. Najib waa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna intaa ku daray inay si khaldan ula taliyeen lataliyeyaashiisa arrimaha dhaqaalaha. Dembiga lagu helay ayaa sharciga dalkaas waxaa uu dhigayaa in uu ku muteysan karo 15 ilaa 20 sano oo xadhig ah. Kahor inta aanan lagu dhawaaqin, Najib waxaa uu sheegay in haddii dembi lagu helo uu racfaan ka qaadan doona. Lacagta la lunsaday ayaa ahayd mid loogu talagalay in lagu horumariyo dhaqaalaha wadankaas, waxaana laga soo uruuriyay shacabka wadanka Malaysia. Sanadkii 2015-ka, dowladaha Malaysia iyo Mareykanka waxay sheegeen in lacag dhan 4.5 bilyan oo doollar laga soo bixiyay qasnadaas, lacagtaasina ay gashay jeebka shakhsiyaad. Lacagahan la lunsaday ayaa la sheegay in lagu iibsaday guryo, diyaarado gaar ah iyo waxyaaba kale. Intii uu xilka hayay, Najib waxaa laga nadiifiyay dhammaan dembiyada haatan lagu helay. Haseyeeshee eedeymaha xilligaas loo jeedinayay waxay qeyb weyn ka qaateen arrimaha doorashooyinka, waxana markii ay timid dowlad cusub lagu bilaabay baadhitaan la xidhiidha arrintaas. Sidoo kale xaaska Najib Razak, Rosmah Mansor ayaa iyaduna wajaheysa wax isdaba marin iyo in ay la dhuumatay canshuur la rabay inay bixiso, eedeymahaas oo ay sheegtay in aysan gelin. Source -
(SLT-Tel Aviva)-Unug ka tirsan sirdoonka ciidanka Israa’iil oo lagu magacaabo 8200 ayaa la dagaalamaya maskax guur kadib markii shaqaalahooda badankood ay u wareegeen shirkado gaar loo leeyahay, sidaas waxaa wariyey warbaahinta Safa News. Dadaallo uu unuga 8200 u sameeyay in uu bedelo jahada ay wax u socdaan, ayaa ku bilaamay in ciidanka keydka ah la weydiiyo in ay saxeexaan warqado ku saabsan daneysiga. Socdaalka ay shaqaalahaan xirfadoodu sarreyso ku aadayaan shirkadaha technology-yadda ee rayidka ayaa keeni karta in la dusiyo akhbaar iyo technology-yad xasaasi ah. Unuggaasi waxaa uu sidoo kale doonayaa in uu joojiyo iskuday ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ku doonayaan in ay ku yeeshaan amniga ugu wanaagsan ee Internetka, markaasna uu hoos u dhaco sumcadda amniga internetka ee unugga sirdoonka ah. Sida uu wariyay wargeys laga leeyahay Israa’iil oo lagu magacaabo Hayom, shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa begsanaya kuwa unuga 8200 dhexdiisa looga yaqaano saraakiisha iyo ciidanka “dheemanka ah” kuwaas oo loo tix geliyo in ay leeyihiin xirfad iyo aqoon gaar ah. Unuggu waxaa uu sheegay in tallaabooyinkoodu ku begsaneynin shirkadaha waaweyn ee Technologyadda, laakiin ay ka xanaaqsanyihiin waxa shirkadaha qaar ay ka sameynayaan suuqyada Israa’iil si ay saraakiishooda ugu dhiiri geliyaan in ay shaqadda kasoo tagaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiim Maxamed (Dhooba-Daareed) ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland ee kaga soo horjeestay kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre. Dhooba-daareed oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu Madaxweyne Deni uu ku eedeeyay in uu ku tuntay Dastuurka lagu doortay, haatana aanu ka hadli karin xil laga qaaday Ra’iisul Wasaare Qaran. Dhooba-daareed ayaa sheegay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay gacan ku dhiigle weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland, uuna halkaas Ciidamo uu diray ay ku laayeen Ciidamo ilaalo ka haayay Xarunta xiligii isaga uu Guddoomiye ahaa. Sidoo kale Dhooba-daareed ayaa waxaa uu tilmaamay in Deni aanu ka hadli karin xilka qaadis Ra’iisul Wasaare, aanu eedeeyn u jeedin karin Xildhibaano qaran, maadaama uu sheegay in Deni uu ku tuntay Dastuurka Puntland. “Deni ma kala hadli karo Dastuur la jebiyay, waxaayo waxaa uu xil ka qaadis Guddoomiye Baarlamaan uu u adeegsaday hati badan, isaga ayaa ku tuntay sharciga, uuna jediyay Dastuurka Puntland, haatana kama hadli karo Dastuur la jebiyay iyo xil ka qaadis Ra’iisul Wasaare” ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland. Si kastaba hadalka Dooba-daareed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu sharci darro uu ku tilmaamay xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre, sidoo kalena Madaxweyne Maxamed Cabdullahai Farmaajo ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka Soomaaliya, uuna ka dambeeyay xilka qaadistii Kheyre. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaaahi Deni ayaa magaalada Galkacyo waxaa uu ka waadaa kulamo looga hadlayo arrimaha aamniga magaalada iyo guud ahaan gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa xalaay la kulamay qaar kamida Waxgaraadka iyo Odayaasha bulshada degta gbolka, isaaga oo kalaa hadlay, sidii looga wada qeyb qaadan lahaa in lawada ilaaliyo amniga iyo nabad kuwada noolaashada gobolka. Waxgaradka iyo Odeyaashan ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee gobolka, Shirkii nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob, kaas oo laagu soo idleeyey colaad muddo dheer kaa soo taagneyd gobolka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan soo xulista ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya, Xasan Cali Khayre. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in labada mas’uul ay isku soo hadal qaadeen dhameystirka shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan wada dadaalladii ugu dambeeyey ee magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. View the full article
-
Allah u naxariistee waxaa magaala Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, kaas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa lagu bmagacaabi jiray Axmed Sheekh Yuusuf (Galti). waxaana uu u geeriyooday xanuun maalmihii tagay uu la jiifay marxuumka, sida ay xaqiijiyeen qaar kamida Elelada xildhibaanka geeriyooday. Baarlamaanka maamulkaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacseiyeeyey geerida ku timid allah u naxariiste Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti). oo Muqdisho ku geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ka hadlay Arrintaas, ayaa u mahadceliyay Shirdadaha bixiyay adeegga Internet-ka, oo sida uu sheegay ku guulaystay in ay si ku meel gaar ah u xalliyaan cilladaas. Wasiir Canshuur, ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka in ay taxadar dheeri ah muujiyaan maalmaha soo socda, inta cilladdan laga wada xallinayo, si uusan mar kale u go’in Khadka Internet-ka. Mudane Canshuur, wuxuu intaasi ku daray in dalku uusan ka kaban Karin go’naanshaha khadka internetka, maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada iyo warbaahinta. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Go’itaankii Internet-ka Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o shalay 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay ay Wasaaraddu fartay shirkadaha adeegga internetka bixiya inay sida ugu dhaqsaha badan u xalliyaan cilladda, isla markaana Wasaaradda la soo wadaagaan hadba meesha ay wax marayaan. Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakiil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, balse haatan loo xalliyay si KMG ah (Ka eeg sawirka oo muujinaya meesha khadku ka cilladoobay). Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka. Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo sababtoo ah waa wax dhici kara inay cillado ku yimaadaan xargaha badda hoosteeda mara, balse dalalka kale aan la tabin maadaama ay haystaan kuwo kale. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka. “Shirkadaha kale ee xargaha soo wada waxaan fareynaa inay dadajiyaan hawshooda, waayo dhowr mar ayaanu aragnay inay khatar weyn tahay in lagu tiirsanaado hal xarig oo kaliya, dhinaca kalena waa u fursad ganacsi oo muujineysa in adeeggooda baahi loo qabo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagi doontaa wixii arrintan ka soo kordha. View the full article
