-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkado & Ganacsato lacago badan & Deymo Muddo dhaafa ku leh madaxtooyada Soomaaliya oo cabsiyi soo foodsaartey Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gala Muqdisho ee ka shaqeynayay Madaxtooyada Soomaaliya seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ayaa ka cabanaya shaqooyin badan ay qabteen lacagtooda aan la siin si aan wanaagsaneyna loola dhaqmayo. Shirkadahan iyo Ganacsatada qaar ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xersi (Fuursade), oo is hortaag ku sameeyay in ay helaan lacagaha deynta ah ay ku leeyihiin Madaxtooyada looguna qabtay shaqooyin kala duwan. Agaasime Nuur Fuursade ayey sheegeen ganacsatana in uu diidan yahay bixinta lacago deyman ah oo lagu leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqooyin loogu qabtay inta uusan xilka qaban iyo inta uu xilka hayay . Waxa ay sheegeen shirkadaha iyo ganacsatada lacagaha deynta ku leh Madaxtooyada Soomaaliya in arintooda u gudbiyeen Xildhibaano iyo dad kale oo galaan gal u leh Madaxtooyada balse agaasimaha been u sheegayo kuna qancinayo in la bixin doono. ”Anagana Madaxtooyada waxaa ka shaqeynayay muddo seddax sanno ah waxaa lasoo shaqeynay agaasimayaashii Nuur Fuursade ka horeeyay oo ay ugu danbeysay agaasime Aamina Saciid ,wax dhib ah kuma qabin agaasime Aamina dhankasto ha noqoto mid macaamil wanaag ama mid lacag bixin intaba, laakin laga bilaabo markii lasoo magacaabay agaasime Nuur waxa uu diiday inuu bixiyo lacagaha deynta ah ee ku taagan xafiiska Madaxweynaha muddada sanadka ah xataa inuu fursad na siiyo aan kula kulano waa diiday waxa uu dhahay agaasimihii hore waxii la xariiro la igalama hadli karo. Walahi waxaa walwal xoogan ka qabnaa waqtiaga dowlada oo gabagabo ah iyo xiliga kala guurka ah in ay ku dhumaan xoolahena ama lagaga faaiideysto xiligan adag ee wadanka iyo guud ahaan aduunka ka jirto.” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada lacagta ku leh Villa Somalia Ganacsatada iyo Shirakadaha Deymanka ku leh Madaxtooyada ayaa isugu jiro kuwa laga qaaday baabuur, alaabo furniture-ka, stationary, shidaal iyo shirkada dhismaha iyo kuwa qurxinta xafiisyada iyo waliba hoteelo leh lacago dad la seexiyay oo madaxtooyada marti u ahaa. Shaqooyin badan oo ka socday Madaxtooyada Soomaaliya sida dhismayaal iyo qurxin ayaa istaagtay kadib markii agaasimaha Madaxtooyada ka biyo diiday in uu bixiyo lacagaihii hore ee deymanka lagu lahaa Villa Soomaaliya . Dadkan xoolaha ka maqan yihiin ayaa ka codsaday in arintaan uu soo fara galiyo Madaxeynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi farmaajo, waxa ayna sheegeen in aaminaad wax ugu qabteen Madaxtooyada balse hada ay shaleyto ka joogto. Dowlada fadaraalka ayaa markasto ku faani jirtay in wax lacag deyn ah lagu laheyn oo uu kordhay dhaqaalaha wadanka, taasna waxaa Meesha ka saaray cabashadan hadda taagan oo caqabad ka dhigi karta deyn cafinta Soomaaliya . Qaran News
-
UN-ka & EU oo War cusub ka soo saaray Doorashooyinka Somalia & warbixintii Komishanka Doorashooyinka Qaramada Midoobey ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, UN-ka waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. 1/2)The EU joins UN in congratulating NIEC and its Chairperson for the presentation yesterday. We also insist on the need of political consensus based on agreed principles: opening of political space (from selection to election) and timely elections https://t.co/FGP09an2cS — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) June 28, 2020 Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021. Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo, Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceyso hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Habeenkii 26-ka June ee Muqdisho looga dabaal dagayey xornimadii gobollada waqooyi ee Soomaaliya 60-sano kahor, ayaa rasaastii la adeegsaday dabaa-deggan waxaa ku dhaawacday dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay ilaa 10-qofood ayey dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen rasaastii habeenkaas loogu dabaal dagayay xuska 60-guuradii xornimada gobolada Waqooyi, waxaana jirta warbixin laga soo aruuriyay xarumaha caafimaadka magaalada. Isbitaalada Madiina iyo Darul Shifa ayaa laga soo xigtay in wadar ahaan 8 qofood loo keenay oo ay ku jireen canug yar iyo hooyo da’ ah, sidoo kalana taliska booliska ayaa qirtay in rasaasta la riday ay waxyeelo badan geysatay. Dadka ugu badani waxey qabaan in rasaastaas ay rideen ciidamada dowladda, balse waxaa la ogyahay in hubka cid walba gacanta ugu jiro, islamarkaana aan la xaqiijin karin gacanta rasmiga ah ee dhibaatada geysatay. “Dowladda waxaan ka codsaneynaa in dowladda ay xuska 1-da Luulyo aan la ridin xabado isla markaana la adeegsado bulaleer,” ayaa laga soo xigtay qof ka tirsan ehelka hooyo waayeel ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay rasaastii la riday. Casiisa Shiekh Cali ayaa lagu sheegay magaca hooyada ay dhibaatada soo gaartay waa 85-jir, waxeyna ku jirtaa xaalad culus maadaama ay xabadu kaga dhacday meel halis ah.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Muqdusho ayaa soo dhoweeyey ansixinta kuraasta aqalka sare ee matalaadda Muqdisho, waxaa uuse ku dheeraaday falcelintiisa la xiriira hadaljeedinta guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ay ka sameysay golaha shacabka isaga oo codsigeeda waqti kordhinta ku sheegay in ay u hadashay madaxweyne Farmaajo iyo fulinta, una dalabtay muddo kordhin. Madaxweyne Xasan oo hadalka Xaliimo ka hadlayey ayaa yiri “Muddo 3 sano ka badan badan , guddiga waxaa uu noo sheegay in doorasho ka diyaar tahay, laakin hadaljeedintoodu waxaa ka soo baxday in umadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen, oo waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen ay umadda u soo bandhigeen iney hordheersi u sameynayaan hoggaan muddo 4 sano ah wax ka qaban waayey doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyey burburinta nidaamka federaalka ah ee dalka, s Dhanka kale, waxaa uu sheegay in muddo kordhinta ay sheegtay ay daba socdaan qaar kale “Sidoo kale, hadaljeedinta guddiga waxaa laga dheehan karaa muddo kordhin rimman, muddo kordhimo kale”. Xaliimo Yarey, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa golaha shacabka u sheegtay iney kala doortaan labo qaab oo diiwaangelinta ah “Biometric” ama “manual” middo hore oo la sigayo 13 bil iyo tan dambe oo 8 bil ah, labada waqtiba waxaa ay ka dib marayaan xilliga ay dhacayaan hey’adaha dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
QM oo war ka soo saartay warbixintii guddiga doorashooyinka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ku shaacisay nooca doorasho ee Dalka ka dhaceysa. Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay guddoomiye Xaliimo Yarey oo soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso ee sanadka soo socda 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.” ayaa lagu yiri Qoraalka. View the full article -
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Khubad ka jeediyay Taallada Daljirka Daahsoon oo ah halka uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayey ansixinta matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Cumar Filish oo la hadlaayay boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka matalaadda ku siiyeen gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, ayna muhiim tahay in Aqalka Sare Kuraas laga siiyo, isagoo xusay in tallaaba geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. “Magaalada Muqdisho waa Hooyada Magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa Magaalada Dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana Hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Cumar Filish. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ciidamada wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) ku eedeeyey inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi. Xildhibaan Cumar Maxamed Macalin oo laga soo doorto magaaladaasi ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibinayaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidamada dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, waana hanaan lagu gaarayo doorashada tooska ah ee Soomaaliya ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadka soo aadan. UN-ka waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021. Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo, Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan doorashada 2020/21 iyo sidoo kale matalaadda gobolka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa si aad ah u dhaliilay warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, wuxuuna shaaciyey in laga damacsan yahay muddo kororsi hor leh. Sidoo kale wuxuu dhanka kale soo dhaweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee ku aadanaa ansixinta matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood. Halkan hoose ka aqriso hadal-jeedinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed. Horudhac Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee u dabbaaldageysa usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed. Sida maalinta xorriyadda ee gobollada waqooyi iyo walaalaheen reer Jabuuti iyo munaasabadda soo socota ee 1da Luulyo ee lixdanguuradii ee xorriyadda iyo midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya. Shalay oo ay taariikhda ahayd 27kii June, 2020, golaha shacabka ee baarlammaanka federaalka Soomaaliya (BFS), waxaa ka dhacay laba arrimood oo kala ah: 1. Matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyo, 2. Hadal jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). Matalaadda Gobolka Benaadir Usbuucii la soo dhaafay golaha shacabka waxaa la horkeenay mooshin lagu soo bandhigay Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Dadaal dheer ka dib maanta waxaa la ansaxiyay 13 xubood oo mustaqbalka ku matali doonto Benaadir aqalka sare ee baarlammaanka. Waxaa bogaadin usoo jeedinayaa senetarrada aqalka sare ee ku soo daray arrinta Benaadir sharciga doorashooyinka iyo xildhibaannadii golaha shacabka ee u guntaday meel marinta arrinkaas. Waxaan leeyahay dhammaan mahadi ha idinka gaarto, abaalka dadaalkoodane yaan la isku dayin in qolo kale ay dafto. Hase yeeshe, waxaan rabaa inaan wax yar iftiimiyo waxa dhimman ee inaan u sii wada istaagno ay tahay. Sida ku cad dastuurka KMG ah ee JFS, aqalka sare wuxuu matalaa danaha Dowladgoboleedyad. Sida aan wada ognahayne Benaadir wali uma sammeysna dowladgoboleed ama maamul ay soo dhisteen dadkiisa si waafaqsan nidaamka federaalka. Sidaas daraadeed, baahida dhabta ah ee gobolka Banadir waa inuu helaa maamul ay soo dhisteen dadka tirada badan ee deggan gobolka si matalaadda aqalka sare ay dhab u noqoto, dadka reer benaadirne ay ugu hoos noolaadaan hoggaan ay raalli ahaanshahooda ku soo dhisteen ayna uga mid noqdaan nidaamka iyo saabaanka federaalka ee uu dastuurka KMG xeeriyay. Ugu dambeyn, waxaa kale oo dadka reer Benaadir u rajeynayaa inaan indhahooda laga sii jeedin qadiyadda dowlad dhisidda ee qiimaha badan ee xoog iyo xoolaba leh ay ku bixiyeen muddooyinkii la soo dhaafay. Qaddiyaas oo maanta taagan isgoys qatar ah ka dib markii hoggaanka hadda talada haaya uu si bareer ah u diiday laba arrimood oo waaweyn: 1. Waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda 2. Qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Doorashooyinka qaran Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim. Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga wardhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh. Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen iney doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshe, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday iney ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda usoo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay. Sidoo kale hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood. 1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD amd ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”! 2. Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”! 3. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka. 4. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi. 5. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed. Baaq Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga: 1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin. 2. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto. Gunaanad Walaalayaal, doorashadii ugu dambeysay ee dimoqraadiga ahayd ee dalkaan ka dhacday oo ay ka soo wareegtay in ka badan 50 sano, qaladaad ka dhacay awgeed, waxay dalkaan iyo dadkiisa u keentay ma hadho siyaasadeed oo ilaa hadda taagan. Sidaas daraadeed, Soomaaliya ma xammili karto qalad kale oo taariikhi ah oo dhaca xilli ay ka soo bogsaneyso jahawareer muddo dheer ay la soo tacaaleysay. Sidaas daraadeed, qofka ama kooxda maanta diiddan wadatashi siyaasadeed oo la gaarayo heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah waa QARAN DUMIS IYO DOWLAD DIID, ha ku soo gabbado GMDQ ama ha soo mare jid kale e. Waxaan madaxweynaha JFS ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo ma aha mid ku kooban isaga oo kaliya ee waxay gadaal ku wadataa kororsiimmayaal badan oo kala ah: 1. Kororsiimmo Xilli-xileedka Madaxweynaha. 2. Kororsiimmo Xilli-xileedka Xukuumadda. 3. Kororsiimmo Xilli-xileedka Golaha Shacabka. 4. Kororsiimmo Xilli-xileedka Aqalka Sare. 5. Kororsiimmo Xilli-xileedka GMDQ. 6. Xilli-xileedka guddiyo kale oo dhacaya. 7. IWM Ugu dambeyntii, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-28062020.mp3 View the full article
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa soo dhoweeyay Warbixintii ay Shalay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Yareey. UNSOM waxay ugu mahadcelisay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay UNSOM. “Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post UNSOM oo soo dhowaysay Warbixintii Xaliima Yareey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo boqolaal dibad-baxayaal ah kula hadlayey taalada caanka ah ee Daljirka Daahsoon ayaa u mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu soo dhwaweynayo xaqsiinta gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood. Cumar Filish ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed ku dareemin in laga leeyahay. Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in Muqdisho aysan noqon doonin H ooyo ilmaheeda ku caasisa, sida uu hadalka u dhigay. “Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho. ”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish. Ugu dambeyn go’aankii baarlamaanka ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, kaas oo uu sheegay inuu ka dhashay codsigii madaxweyne ee Farmaajo ee mataaladda G/Banaadir. Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir, kaas oo Aqalka Sare ku yeelanayo 13 kursi.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Maanta oo Axad ah ka hadlay, Go’aankii shalay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ay ku ansixiyeen Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka. Ex Madaxweyne Xasan Sheikh, oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho waxaa uu sheegay in uuu soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa. Mudane Xasan Sheikh, ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ansixiyay Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka. Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ahaa in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah ayna u baahan yihiin 13-bilood oo dheeraad ah. Wuxuu sheegay in hadalka Guddoomiye Xaliimo Yareey laga dheehan karay mid muddda kordin loogu samaynayo dowladda haatan jirta taasina aan la aqbali Karin. PUNTLAND POST The post Xassan Sheikh oo sheegay in Warbixinta Xaliima Yareey laga dheehan karay mudda kordhin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimo la xariira doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday warbixintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee ay shalay dhageysteen xildhibaanada Golaha Shacabka, isaga oo dhaliilay warbixintaasi oo lagu soo aadiyey xilli adag oo lagu jiro kala guur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warbixinta guddiga ay u hoosaasineyso muddo kordhin riman muddo kordhin kale, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga gaabiyey arrimaha doorashooyinka, islamarkaana Farmaajo uusan sameyn dadaalkii looga baahnaa. Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ansixina matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo xusay in tallaabo wanaagsan oo boggaadin mudan ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga rabo in y tilmaado qorshe cad oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali doonin wax muddo kororsi ah.
-
Maalinnimadii Sabtida, waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, si rasmi ah ayey ugu dhawaaqday iney dalkan doorasho ka dhici Karin waqtigii xukuumadda loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay muddo korosi, waa hadal qof walba oo si caqli ah u fakarayaa uu sugayay la iskana ogaa inaan doorasho dalkan ka qabsoomi Karin. Ma doonayo inaan ka hadlo dhinaca taban ee khudbadda iyo xaglinta ka muuqatay khudbadda guddoomiyaha oo u ekeyd mid dhanka madaxtooyada laga soo xarxariiqay. Waxaan isku dayi doonaa inaan xoogga saaro xaqiiqooyinkii ay miiska soo saartay ee lagama dhaafaanka ahaa una baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Xaqiiqada koowaad: Dalkana Doorasho kama dhici karto Waqtigii loogu talogalay “Waxaan ka hor caddeynaynaa Baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurtogal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov 27, 2020.”, ayay tiri Goddoomiye Xaliimo. Xukuumadda hadda jirta waxyaabihii loo igmaday waxaa ka mid ahaa iney dalkan doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyaan oo muddo xileedka ay haystaan ay howshaa ku qabtaan wey ku fashilantay, doorashadii bilooyin kooban ayaa ka harsan. Sida uu darsuurtu qorayaana waa in dalkan ay doorasho ka dhacdo afartii sannaba mar. Mar haddii 4 sano ay ku guul darreysteen iney dalka doorasho ku gaarsiiyaan, hadana lagama sugayo in sannad iyo bilooyin kooban ay howshaa ku qabtaan. Xaqiiqada labaad: Caqabadaha amni oo aan weli xal loo hayn Xaliimo yarey mar ay ka hadleysa caqabadaha guddiga haysta ee ay Soomaalidu sababta u tahay waxay soo hadal qaadday ammaanka oo aan weli sugneyn: “Daahidda shuruucda doorashada waxaa weheliyay caqabado soo waajahay guddiga oo kala ah kuwa Soomaalidu isku dhex abuurtay iyo kuwa dabiici ah; sida, ismaandhaafka siyaasaddeed, nabad galyo la’aanta, fatahaadaha iyo dhibaatada caafimaad darro eek a dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID 19”, Ayey tiri guddoomiyaha. Hadaba, waqti kasta oo hadda kadib la isla garto iney doorasho ku qabsoonto, waxaa is weydiin leh yaa ammaankii damaanad qaadaya. Magaalada Muqdisho oo ay ka howlgalaan 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Ayaa ammaankeeda laga dayrinayaa. Gobollada dalka imisa ciidan ayay u baahan yihiin si ay doorasho uga dhacdo. Xaqiiqada labaad: Khilaafka siyaasadeed Guddoomiye Xaliimo waxay soo hadal qaadday in khilaafka siyaasadda uu weli jiro oo caqabad uu ku yahay arrimaha doorashooyinka. Juun 9, 2020 ayaa warbixin ay soo saartay safaaradda Mareykanka waxaa Villa Somaliya laga dalbaday iney hor fariistaan maamul goboleedyada, hadalkaa safaaradda kasoo baxay waxaa ka mid ahaa: “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”. Xukuumadda hadda jirta waxaanay is arki karin maamul goboleedyo miisaan leh oo intii ay jirtayba uu khilaafkoodu soo jiitamayay, hadda oo waqtigeedii dhammaaday siday ku suurtagaleysaa iney wada shaqeyn dhex marto. Xaqiiqada Afaraad: Miisaaniyad lixaad leh ayey u baahan tahay doorasho kasta oo dalka ka dhacda. Sida ay guddoomiyuhu khudbaddeeda ku sheegtay miisaaniyad lixaad leh ayaa guddigu u baahan yahay si ay doorasho u qabtaan. Halkan su’aalo badan ayaa u baahan in laga jawaabo, lacagta doorashada halkee laga keenayaa, dowladdu awood ma u leedahay iney bixiso lacagata doorashada iyadoo aan oganahay in miisaaniyadda dowladda ay is dhintay sababo la xiriira COVID 19 heer gaarsiisan 40%, waa sida uu saadaaliyay Wasriir “Bayle” hadal jeedin uu sameeyay 14 April 2020. Xaqiiqada Shanaad: Yaa go’aan ka gaaraya muddo kordhinta doorashada, ma baarlamaanka ay mudadiisu sii dhammaaneysaaa mise heshiis siyaasdeed ayaa loo baahan yahay ay iskugu yimaaddaan saamileyda siyaasadda. Guddoomiyaha guddiga doorashadu waxay ku dhawaqday iney u waqti dheeri ah u baahan yihiin si ay doorasho dalkan uga qabato. Muddo xileedka guddigu waa kooban yahay, sidaas oo kale muda xileelka baarlaanka iyo sharciyaddiisa bilooyin kooban ayaa ka harsan, si kastaba ma hurayso in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddan oo ay go’aan ka gaaraan. Si kastaba, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Xaliimo yarey waxay ku dhawaaqday xaqiiqada ah inaan dalkan doorasho ka dhaceyn waqtigeedii iyo muda xileedka xukuumadda hadda jirta isla markaana loo bahaan yahay muddo kordhin. Xaqiiqadu waa in xukuumadda hadda jirtaa ay ku fashilantay waajibaadkii Qaran ee loo igmaday doorashadana aan lagu aamini Karin. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Golaha Shacabka la hadlayay 21 Juun, 2020, ayaa yiri; “Waxaan doonayaa inaad awooddiina ogaataan (Baarlamaanka), nimanka keeni waayay sharci dhammeystiran, nimankan dalka aminigiisii keeni waayay, nimanka dastuurka dhammeystiri kari waayay, nimanka dalka maamuli kari waayay, nimanka la heshiin kari waayay maamul goboleedyadii, iyakaa dambiga leh iyagaana la bedelayaan.” W/Q: Khadar Xuseen Maxamed. Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo warbixin qoraal ah soo saaray ayaa si qoto dheer uga hadlay ansixintii xeerka matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka. Geedi ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay mid baal dahab ah ka galay taariikhda gobolka Banaadir iyo guud ahaan Qaranka. Sidoo kale wuxuu boggaadiyey doorkii madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa xaqsiinta gobolka Banaadir. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka looga fadhiyo dhameystirka maqaamka caasimadda Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso: Golaha Shacabka BFS wuxuu u codeeyey, aqlabiyad buuxdana ku meel mariyey sharciga matalaadda siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir. Waa go’aan baal dahab ka galay taariikhda Gobolka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed. Waa tallaab geesinimo leh ee uu qaaday Golaha Shacabka BFS uguna hiilliyey muwaadiniintiisa xaqooda dastuuriga ah laga curyaaminayey muddada dheer.. Shacabka sharafta leh ee Gobolka Banaadir iyo Gobollada kaleba waxaa iyagana laga rabaa in ay taageeraan Golaha Shacabka kana difaacaan ciddii isku dayda inay wiiqdo geeddi socodka sharciga iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee qof iyo cod ee hoggaaminayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, loogana gudbayo doorasho dadban iyo in masiir ama xaq-siyaasadeed muwaadin uu ku sii jiro gacan shakhsi kale, darajada uu rabo ha lahaadee. Allaha awoodda leh kaddib, waxaa mahaddaas iska leh Golaha Shacabka BFS oo shalay ansixiyey 13 xubnood ee shacabka Gobolka Banaadir ku matali doona Aqalka Sare ee BFS. Si ka sarreysa, qaddarin iyo mahadcelin aan la koobi karin waxaa leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (06.06.2020) uga dhawaaqay hindisaha matalaadda shacabka Gobolka Banaadir, si qiiro lehna uga codsaday inuu ku xurmeeyo kana aqbalo, taasoo Golaha Shacabka BFS uu hoosta la xarriiqay fuliyeyna. Madaxweyne Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah, kana jawaabaya rabitaanka dadkiisa, ayaa u bareeray oo dhigay sumad ama rikoodh (record) ay dhigi waayeen Madaxweyneyaashii ka horreeyey. Ugu dambayntii, shacabka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba waxay baarlamaanka uga fadhiyaan dhamaystirka maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah gool kale oo dhalintiisa laga sugayo Goleyaasha Qaranka iyo Madaxweynaha JFS.
-
Waxa aan ku bogaadinayaa golaha wakiilada ee JSL ansixinta labada xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI & UCID u soo xuleen in ay ka mid noqdaan Komishinka Doorashooyinka Qaranka KDQ si loo bilaabo howlihii geedi-socodka doorashada golaha wakiilada & golayaasha deegaanka. pic.twitter.com/xytJ3RFUZU — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 28, 2020 Qaran News
-
Calan Huudhaydha iyo Ciddaha Reer Xamar. Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho Ka dul babanaayey oo calan u ahaa calanka talyaaniga, maxaa yeelay May ahayd dal xor ah oo calan ay iyagu leeyihiin hoos hadhsanaayey, Dhanka kale Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Jamhuuriyada Somaliland iyo Caasimada Hargeysa Ka dul babanaayey calan ay iyagu samaysteen oo Xor ah , oo hees iyo muusig u samaysteen, oo Suugaan lama ilaawaan ahna ku calan saarteen ama ku calan sudheen , Sareeyow Manusqaanow Sidduu yahay bal aan eegnee Kana Siib kana Saar!. Sidda Ku cad tixdaa abwaan Timocade illaahay naxariistii janatul Fardowsa haka waraabiyee, Sidduu yahay waa la arkay markii Reer Somaliland qadiyadii ay u hindiseen ee ahayd Soomaali-weyn Ku hungoobeen kalana kulmeen hagardaamo, dhib iyo halaag, oo waatii 18-05-1991 isna la siibay ee lasaaray mid aan weligii dhacahayn oo weligii labadalahayn oo Tawxiid kuyaalo iyo Tiirka koowaad ee Islaamku. Hadaba jibadii Soomaali-weyn ee Reer Somaliland lixdankii qaaday ee ay kusoo hungoobeen haddii Reer Soomaaliya Maanta damceen inay jilaan qadiyad aan ku duxin oo Dareen aanay u hayn waa u ayaandaro, maxaa yeelay shantii Soomaaliyeed ee Xiddigta Shanta-gees leh loo hindisay in laysku keenaa cirkaa loo eekeysiiyey Calankaa Huudhaydhka ah intuu jiro ayey jiraan isku keenka Shantii Soomaaliyeed ama Soomaali-weyn ee af goobaabsiga iskadaaya oo warka xamarna iska dhaafa Somaliland waa dal jira iyo Dawlad Calan leh, waxna iskuguma kiin jirin, waana dal jiray Soomaaliya oo jirin, wuuna Jiridoonaa intuu illaahay jirsiiyo ee jaw nabad gelyo, ordoo Soomaalida itoobiya dhankooda u jeesta ama ta kiiniya u jihaysta bal jees inaad noqotaan, jabuuti horay udiidee. Hadal iyo dhamaan Callal laga Baxay Ciddi kuma noqoto, idinka illaahay haydinku asturee, iska sii sita Calankaa HUUDHAYDHKA ah Ciddaha reer Xamarow. Isbaranaye Iskeen baalmari. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada uu wato wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi. Cumar Maxamed Macalin oo ah xildhibaan laga soo doorto bariga Mandera ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibiyaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi, isaga oo arrintaasi nasiib darro ku tilmaamay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidanka dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa soo aadeysa, iyadoo dhowaan ciidamada wasiir Janan ee ku sugan Mandera lagu eedeeyey inay dhac iyo kufsi ka geysteen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codka-Mandheera.mp3
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howl-gallada oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa laga sameeyey deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen saacadihii la soo dhaafay, deegaanada, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, kuna wajahan yihiin deegaanada kale ee ka maqan dowladda. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi. Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.