-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka.mp3 View the full article
-
Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho. 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Illaa 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare , halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood kaliya gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare. Waxaa jiray saakay xildhibaano dhawr ah oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in kulankaan aan loo golaan saxaafadda taasoo uu diiday guddoomiyaha, waxayna xildhibinaadaas ahaayeen kuwa diidan in Gobolka Banaadir uu maqaam ku yeesho aqalka sare. Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.
-
Guddoomiyaha Cusub Cabdiladiif Muuse Nuur Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Sabtiya Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Mudug kadib markii Gudodomiyihii hore ee Gobolka qarax lagu dilay bil ka hor. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loogu magacaabay Ex. Xildhibaan Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare). Mas’uulka cusub ee la magacaabay waxay walaalo yihiin Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo bishii tagtay ee May ku dhintay qarax lagula eegtay Afaafka hore ee Xarunta Gobolka Mudug. Mudane Sanyare waa nin Siyaasadda mudda ku soo jiray sidoo kalena ka tirsanaan jiray Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xilligii Xukuumaddii Sheikh Shariif Sheikh Axmed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
The UN hopes to head off crises even as they are brewing. In April David Beasley, the head of the World Food Programme (WFP), warned of the danger of “multiple famines of biblical proportions” as a result of covid-19. History suggests that Somalia’s 16m people are especially vulnerable. Famines in 1992 and 2011 each claimed more than 200,000 lives. A drought in 2016-17 displaced more than 1m people and caused losses and damage of over $3bn. This year, in addition to the pandemic, crops have been swept away by floods and ravaged by desert locusts (with a new swarm on the way). The triple blow means that 3.5m people, more than a fifth of the population, face hunger between July and September, according to an agency of the un and the Famine Early Warning Systems Network, an American-funded outfit that monitors some 30 countries. Yet this time may be different, if early intervention proves to be as effective as its advocates believe. The un’s Food Security and Nutrition Analysis Unit activated a prepared plan when projections of the share of the population threatened with hunger crossed a preset threshold. Under the plan, the un’s Office for the Co-ordination of Humanitarian Affairs (ocha) released $15m from an emergency fund—the first such “triggered disbursement”. It hopes that the World Bank may chip in as much as $50m to the effort, to ensure that stepping in early really makes a difference. ocha will announce its priorities for action next week, based on its own pre-prepared menu of options. That menu was drawn up on the assumption that Somalia’s next crisis would involve another drought, rather than a pandemic, locusts and flooding. Some of the measures it envisages, such as the distribution of drought-tolerant seeds, are not relevant to current circumstances. But many others are. These range from handing out cash to public-information campaigns and providing food for people and livestock. Humanitarian aid typically comes only once a disaster is in full swing. Distressing images of people in need prompt donors to fund relief efforts, usually tied to specific emergencies. But by then suffering is widespread and relief is not cheap. It costs perhaps 50 times as much to save a child who is already suffering from malnutrition as it does to intervene earlier, says Mark Lowcock, ocha’s head. It is four times cheaper to feed a goat than to replace one. Mr Lowcock has been championing early intervention in situations where data can reliably warn of impending crises and where a speedy response can make a big difference. In such cases, an anticipatory-action plan can be prepared in advance, involving a number of agencies as well as the authorities on the ground. Moves and money are ready to be triggered when conditions deteriorate. Interest in this approach has grown, thanks to a few pilot projects and Mr Lowcock’s lobbying. He has carved out about $140m for anticipatory-action experiments, starting with Somalia, over the next 18 months. A plan for responding pre-emptively to flooding in Bangladesh is ready and likely to be triggered at some point this year (the flooding season starts in July). Another is in the works for Ethiopia, where famine looms because of drought and covid-19, though the trigger-points and the likely impact of early intervention in such a big country are still under discussion. A pre-emptive plan for cholera may follow next year: scientists think they can use data to predict outbreaks in specific areas before a single case has occurred. Whether anticipatory action works as well as its advocates hope remains to be seen. A report last month by the wfp suggests that its effects on households are “mainly positive”, but the evidence base is slim and the authors stress the need for more rigorous studies. The intervention in Somalia is to be monitored and lessons will be drawn from it with the help of the Centre for Disaster Protection, a London-based agency set up by the British government. The initial $15m in funding for anticipatory action may not be much. But it could make a big difference to Somalis’ lives, and to the future of ahead-of-the-curve intervention. By proving that the concept works, Mr Lowcock wants to “change the whole mentality and mindset of dealing with predictable emergencies”. Source: The Economist The post Can early intervention prevent humanitarian disasters? appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtiya ansixiyay xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen. Xeerka Matalaada gobolka Banaadir waxaa uu ka mid yahay xeerar maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka yeesheen dood adag. 142 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u codeysay in Gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare matalaad 13 Senator, halka 4 Mudane ay diiday. xeerka Matalaada gobolka Banaadir ayaa dhigaya in Gobolkaas Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood taaso oo xildhibaannada qaarkood diidmo ka muujiyeen. Todobaadkii tegay In ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kaas oo ay goluhu uga hadli lahaayeen arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka. Wararka ayaa sheegaya inuu kulanka baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Senatorada ka soo horjeeda guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Qaar ka mid ah xildhibaanada maanta xaadiray kulanka oo la hadlay wariyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyaga oo sheegay inuu hurinayo khilaafka ka dhex taagan golahaasi. Kulankan ayaa la filayey in Senataradu ay ku ansixiyaan xubin cusub oo ka mid noqonaysa guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, taas oo ay horey u soo meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Waa kulankii labaad ee Golaha Aqalka Sare oo u baaqanayo khilaaf ka dhashay in kulanka golahaasi lagu qabto aalada ZOOM-ka. Is-jiidjiidkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya guddoonka Aqalka Sare, kan Golaha Shacabka, iyo madaxtooyada, kaas oo ka dhashay, sida loo wajahayo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.
-
Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa Wararka ka imaanaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamada booliiska federaalka iyo budhcad hubeysan uu ka dhacay xaafad ka tirsan Adis Ababa. Booliiska ayaa la sheegay in ay ku baxeen xaafad ay dhac ka geesanayeen budhcad hubeysan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8-nin kuwaa oo dhacay ka waday xaafado dad shacab ah degan yihiin. Ciidamada booliiska ayaaa ku amray budh in ay hubka dhigan balse budhcada ayaa dagaal kala hor yimid ciidamada booliiska sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan booliiska Adis Ababa. Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka ka dhacay magaalada Adis Ababa ayaa lagu dilay mid kamid ah kooxdii budhcada ahayd,halka mid kalana lagu dhaawacay, booliiska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay lix nin oo kale oo budhcadaasi katirsaneyd. War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in budhcadan marar badan dhac ka geysteen xaafado kuyaala magaalada Adis Ababa iyaga oo ku qadhaaban jiray direyska ciidanka booliiska, waxa ayna booliiska sheegeen in budhcadan mudo baadi goob loogu jiray. Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka iyo dhac ay geystaan kooxo budhcada ah, waxaana booliiska marar badan ku guul dareysteen wax ka qabashada budhcadaasi hubeysan. Qaran News
-
Dawlad deegaanka Soomaali Itoobiya(DDSI), waxaa ka curtay sanadadii danbe dawlad hanaankeedu u dhawyahay dawlad shacabka taageersan. Waxaa taladii laga tuuray keli-taliskii weynaa ee Cabdi Maxamuud Cumar, Ina-lay. Waxaa awoodoodii daciiftay maamulkii ku dhisnaa ilaa heer qabaley ee ka amar qaadan jiray Ina-Ilay, waxa sida buska kale yaacay ciidankii liyuuga oo amarkiisa uu lahaa kaadiriyiin ka amar qaata Ina-ilay. Waxaa la beddelay dawlad heer gobol ilaa heer qabaley awood dhammaystirana leh. Waxaa meesha ka baxay amaro aan isla xisaabtan lahayn oo goor kasta dadka lagu qabqaban jiray. Waxaa dhulku la ogay boqolaal basaas oo dareenka dadka ka ganacsan jiray. Waxaa ugu danbayn Shacabka DDSI waayeen qaab dhismeed dawladeed oo isku xidhnaa, guud ahaana shacabku mahadin jireen dheef iyo dhibaataba. DDSI, waxay la dagaalami jirtay guud ahaan faafinta, dhigista, gudbinta iyo barashada heerka sarraysa ee diinta islaamka. Waxay go’doomiyeen xeeladkasta oo qofkastaa ku noqon karo macalin ama sheekh diimeed oo dadka aqoontiisa iyo wacdigiisa soo gaadhsiin kara. Waxaa wadanka joogay xoogaa wadaado xeraw ah oo wadanka gudihiisa cilmi ruug ku ahaa. Waxaa iyana wax sii baray wadaado kale isla wadanka wax ku bartay, sii ba xarumaha xerta oo aan cilmigoodu ku dhisnayn baadhis iyo kale shaandhaynta diinta iyo aaraada kolba wadaadka markaas kitaabka marinaya iyo wadaadka kitaabka katibay. Wadanka waxaa ku yaraa adeegsiga internetka iyo kitaabada gelaaya. Sidaa daraadeed, qofkasta oo wadanka soo gala saansaan diimeedna leh sida gadhka, khamiiska, surwaalka gaaban, waxaa loo aqoonsanaa argagixiso ka soo tallaabtay xuduuda. Qofkaasna waxa uu ku amranaa in lagu rido bac ilaa inta laga gaynayo xarumaha baadhista denbiyada. Sidaa darteed, waxaa baxsi galay wadaadadii cilmiga lahaa waxaa la waayey wadaad diin dhammaystiran xambaarsan oo xuduuda ka soo tallaaba. Waxaa isku soo hadhay huubo shaatigoodu diinyahay iyo wadaado qunyar socod ah cidkasta oo xuduuda ka soo tallaabtana u aaminsan bidci Hargeisa iyo Burco wax lagu soo baray, balse, deegaanku waxa uu ka nabad qabay isqabqabsiga iyo xafiiltanka firqooyinka. Markii dalwaddii mayalka adkayd ee Ina-ilay dayaantay waxaa soo ifbaxay boqolaal wadaad oo baxsi ku ahaa wadamada jaarka ah, waxaa tuulo kasta tegay wadaad u dhashay oo meelo badan wax ku soo bartay, waxaa wadanka soo galay wadaado xambaarsan aaraada Shuyuukhdooda oo u haysta cilmi diimeed, waxaa siyaasaddii ku milmay wadaado ganacsato ah oo kuwii hore ka aragti iyo mad-hab duwan. Waxaa taagan muran u dhexeeya wadaadadii kal hore dawladda la safnaa iyo wadaado kal hore cidhib lagu haayey oo deegaankoodii ku muransan. Labada wadaad murankoodu waxa uu ku dhisanyahay sidatan; ‘Wadaadada danbe waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in wadaadadan Xerta ahi yihiin bidcoolayaal, waagii horena ay dawladdu uun taageersanayd, in deegaankooda iyo ubadkii ay wax barayeen aanay cilmi saxa barin oo iyaga laftoodu u baahanyihiin in wax la baro, in wadaadadu yihiin daroogaystayaal shaarica iyo makhaayadaha ku ruuga Qaadka, in wadaadada laftoodu aanay weligood shaqaysan ee ay dheecaanka iyo xoolaha agoonta si xaqdarro ah ku cunaan’. ‘Wadaadada horena waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in dhulkii ay joogeen ku soo duuleen bidcoolayaal lacag sita oo dibada laga masruufo, in lagu soo wariday macalimiin kitaab gaaba oo deegaankii ay joogeen la yidhi wax ka dhiga doolarna dibada looga soo shubo, in ay dagaal iyo dil ka xigaan oo ay naftooda badbaadinayaan’. Ugu danabyn, markii taliskii xooga badnaa ee amarkiisa lagu shaqayn jiray meesha ka baxay waxaa qabalee kasta iyo degmo kasta muran ka dhex taaganyahay wadaado kal hore meesha iska xuurtaystay iyo wadaadado wakhtigu u hiiliyey oo cilmi iyo aqoon ba ka waafisan kuwii hore. Dawlad deegaanku waxa uu ahaa barta kaliya ee ka badqabtay is-qabqabsi diimeed maanta se, Qabaleeyo badan waxaa ka suurtawda in gacan ka hadal diimeed ka dhaco. Sadam Osman Kaabash. Email. Kaabash99@gmail.com Xasuusin: Sideedaba fikradaha iyo maqaalada ku soo baxa ma aha qaar ka socda ama matalaaya shabkadani ee waa mid ku kooban akhristaha kor ku xusan Qaran News
-
Dergaanada Somaliland waxa ay ardaydu u fariisteen Imataxaanka shahaadiga wariyaha Goobjoog ee Somaliland Caydaruus Maxamed ayaa warbixinta ka soo diray magaalada Hargaysa. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ardayda Somaliland Oo U Fariistay Imataxaanka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-cy.mp4 Source: goobjoog.com
-
Dagaal Beeleed koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh oo lagu dilay Wasiir hore Dagaal sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ku dhowaad 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen oo uu ku jiro wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi oo dhaawac ka soo gaaray dagaalka u geeriyooday tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is-horfadhiyaa maleeshiyaadki dagaalamayay labadi maalin ee la soo dhaafay. Galgaduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaallo sokeeye oo u dhexeeya maleeshiyaad beeleed ku wada sugan gobolkaasi Qaran News
-
Sanaag:Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhex qarxay Laba Beelood Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhaawacantay, dagaal beeleed saaka oo Sabtiya ka dhacay Degaanka Cawsane oo ka tirsan Gobolka Sanaag. Dhaawaxcyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Boosaaso, balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay dagaalkaas. Isbitaalka Carmo, waxaa la geeyay afar ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, halka magaalooyinka Badhan iyo Boosaaso midkiiba la geeyay hal qof oo dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Caafimaadka. Dad ku sugan gudaha degaanka Cawsane, ayaa ka soo warramaya in dagaalka labada beelood dhexmaraya uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla degaankaas, oo dhinacyadu isku hayaan. Dagaalka ayaa la soo sheegaya in uu markii dambe istaagay, waxaase weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay, iyadoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos-goos ah, islamarkaana ma jirto cid weli kala dhex gashay labada beelood. Qaran News
-
26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 60 sannadood. Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay. Waxaana sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba. Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Wargeyskii la odhan jiray Daily Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii. Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan: “Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin. Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.” Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda. Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay. Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska. Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 29kii sannadood ee u dambeeyey. Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960. Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.? Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni iyo jarjar sixitaanka khaladkii ay gashay 60 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay. Geeska Qaran News
-
War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay canbaaraynaysaa xayiradda la saaray Star TV Xarunta Xuquuqal Insaaku waxa ay canbaaraynayaa xayiraadda la saaray telefiishanka gaarka loo leeyahay ee Star TV. Booliiska magaaladda Hargeysa wuxuu 25 June 2020 la wareegay xarunta guud ee telefishanka isaga oo ku amray shaqaalaha inay ka dareeraan una diiday inay galaan si ay ugu shaqeeyaan. Ma jirin amar maxkamad ka soo baxay oo la tusay maamulka telefishanka. Sidoo kale ma jiro wax kale oo qoraal ah noocuu doono ha noqdee oo loo gudbiyay maamulka ama si furan loo daabacay oo sababaynaya xayiraadda iyo sharciga ay ku dhisan tahay toona, sida ay ilo badani u xaqiijiyeen Xarunta Xuquuqal Insaanka. Ilaa hada madaxda dawladdu kama hadal sababta iyo sharcinimada xayiraadda. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jirin dacwad maxkamad loo gudbiyay ka hor xayiraadda. Maaha markii u horaysay ee Booliisku la wareego oo u xidho sifo sharci darro ah xarun warbaahineed. Waxa ay noqotay fal joogto ah oo loogu cago-jugleeyo warbaahinta gaarka ah, lagu cadaadiyo xorriyadda warbaahinta islamarkaana lagu majo xaabiyo xorriyaadka iyo xuquuqaha dastuurku damaanad qaaday. Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucay wax kasta oo cabudhin ku ah warbaahinta. Sidoo kale dastuurku wuxuu sheegay in xorriyaadka iy xuquuqaha aasasiga ah ee ku dhigan dastuurka loo tafsiiro oo loo dhaqangeliyo sifo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaan ee dastuurku aqoonsan yahay. Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxa ilaaliyay xorriyadda warbaahinta iyo aragti dhiibashada. Dawladda Somaliland waxa ay jebisay dastuurkeedii iyo xeerarkii caalamiga ahaa ee ku dhignaa dastuurka. Waxa aanu ugu baaqaynaa dawladda inay joojiso cabudhinta joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta iyo dadka wax dhaliila. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland; Inay ka qaado Booliiska xarunta telefiishanka Star oo ay u ogolaato inuu shaqadiisa dib u bilaabo; Inay ixtiraamto xorriyadda warbaahinta oo ay joojiso xayiraadaha sharci darada ah iyo xadhiga suxufiyiinta ee aan xeerarka waafaqsanayn; Inay dib u habayn ku samayso Booliiska oo ay ka dhigto hay’ad madax-banaan oo dhex-dhexaad ah oo ixtiraamta xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah. Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ 27th June 2020 Press release Human Rights Centre condemns the closure of the privately owned Star TV Human Rights Centre condemns the closure of Star Television by the government of Somaliland. On 25th June, the Police in Hargeisa raided the headquarters of the television in Hargeisa, the capital of Somaliland. The Police prevented the staff to enter and ordered all those inside to leave. There was no court warrant issued by a court shown to the management of the television. Furthermore, there is no written document of any kind communicated to the management of the television or made public, according to multiple sources who talked to Human Rights Centre including the management of the television, journalists, Somaliland Journalists Association and government officials who spoke on condition of anonymity. So far no government official spoke public about the reasons and legality of the closure. Reliable sources in the judiciary confirmed to Human Rights Centre that there was no case filed with the courts before the closure. “This is not the first time the Police raided and closed a media house without due process of law. It became a common occurrence that intimidates the private media, suppresses freedom of media and undermines the constitutionally guarantees freedoms and rights,” says Yasmin Omar Haji Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. The Constitution of Somaliland prohibits all acts that subjugate the media, as stipulated in article 32(3). Article 21(2) says: “the articles which relate to fundamental rights and freedoms shall be interpreted in a manner consistent with the international conventions on human rights and also with the international laws referred to in this Constitution.” Article 19 of the Universal Declaration of Human Rights states: “everyone has the right to freedom of opinion and expression; this right includes freedom to hold opinions without interference and to seek, receive and impart information and ideas through any media and regardless of frontiers.’ “The government of Somaliland violated its own constitution and the international human rights laws referred to in the constitution as applicable to Somaliland. We call on the government to stop the continuous repression of media and critical voices,” Yasmin Added. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to: Lift the Police from the office of Star Television and allow the resumption of its operations without interference; Respect freedom of media and stop the illegal closures and detention of journalists; Reform the police and make it an independent and impartial institution that respects fundamental freedoms and human rights. Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa waxaa ugu horreyn dhinacyada diriraya looga dalbaday inay dagaalka ku joojiyaan, si shuruud la’aan ah. Sidoo kale waxaa loogu baaqay waxgaradka, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa dagaalladaasi. Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa sheegtay in xilligan aan loo baahneyn dagaallo sokeeye, islamarkaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda. Dagaallada ka socda Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
-
Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Masjidka Irshaad, iyadoona lagu toogtay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada canshuuraha ee Minishiibiyada. Wararka ayaa sheegaya in labadaasi askari la toogtay, xilli ay ku jireen goob lagu gooyo boonada gaadiidka Carro-gediska loo yaqaano. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa markii dambe gaaray goobta, kuwaas oo meydadka askarta ka soo qaaday halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah askarta dowladda ka fulisa caasimada, inkastoo illaa iyo hadda aysan ka hadlin falkaasi. -
Da’yarta kooxda Midaynta ayaa bilaaway tababarkoodii kowaad waxaana dhallinyaradan gacanta ku haya ciyaartooydii hore Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay ugu tala galeyn in ay ugu faa’ideeyaan waqtikooga si mustaqbalka ay u anfacaan Soomaaliya. Ismaaciil Malaaq Senegal oo horay ugu tirsanaa Xulka Qaranka ayaa sheegay in dhallinyaradan ay lee yihiin hami wanagsan,taasina aya ku qasababtay in ay baraan casharada la xariira kubbadda cagta. Qaar ka mid ah da’yarta Midaynta oo ina la hadlay ayaa iyagana inoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan kooxdan,iyagoo loo balan qaadayn in ay tababar la siindoono todobaadkii labo jeer. Yoolka loo hindisay da’yarta naadiga Midaynta ayaa ah in mustaqbalka ayaa guul u soo hooyaan kooxaha iyo Xulka Qaranka,waxaana macallimiinta gacanta ku haya mashruucan ay qabaan yidiiilo sare oo dhinaca guulah. Howlaha kor u qaadida isboortiga ay bilaaweyn kooxda Midaynta waxaa soo dhaweeyay bahda ciyaaraha Soomalaiya,iyagoo ku dal daarmay in ay barnaamijyadan oo kale ay gaarsiiyaan guud ahaan gobolada. Halkan Ka Aqriso Kooxda Midaynta Oo Isku Keenay Ciyaartooydii Hore Soomaaliya Ciyaartooydii Hore Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Aasay Aasay Koox Akdeemiyad Ah Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Da’yarta Midaynta Oo Bilaaway Tababarkoodii Kowaad W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 60 sannadood. Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay. Waxaana sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba. Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Wargeyskii la odhan jiray Daily Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii. Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan: “Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin. Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.” Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda. Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay. Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska. Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 29kii sannadood ee u dambeeyey. Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960. Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.? Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni iyo jarjar sixitaanka khaladkii ay gashay 60 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) ayaa khudbadii jimcaha ee maanta kaga hadlay kaalinta guurku kaga jiro horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaanu dhalinyarada iyo cidii wax heystaba ugu baaqay in laba iyo intii ka badanba ay guursaddaan. Dhanka kale waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sanadkii boqol wiilaal iyo gabdho isugu jira in ay isu dhisto, taasi oo ku tilmaamay guul Qaranka u soo hoyatay, waxaanu kula dardaarmay in miisaaniyada Qaranka loogu daro dhalinyarada kharashaad ay guurkooda ku kabi karaan. Sheekh Cabdiraxmaan Dheere waxaa uu Hooyooyinka kula taliyay in aanay muxu kharashaad heysta ka eegin wiilka gabadha ka soo doonay ee ay ruxmada uu leeyahay ku siiyaan. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhalinyarada iyo intii wax heysataba in aynu ku dhiirigelino inay guurka badsadaan, oo laba iyo saddexba ay guursaddan, ILLAAHEY laba ayuu ka bilaabay marku guurka ka waramayay, laba guursadda, oo saddex guursadda, oo afar guursadda ayuu yidhi ALLAH, hadii aad xaqooda iyo xuquuqdooda ka soo bixi kareysaan” Dhanka kale waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sanadkii boqol wiilaal iyo gabdho isugu jira in ay isu dhisto, taasi oo ku tilmaamay guul Qaranka u soo hoyatay, waxaanu kula dardaarmay in miisaaniyada Qaranka loogu daro dhalinyarada kharashaad ay guurkooda ku kabi karaan “Madaxdu meelo badan ayay dhaqaale ku bixisa oo aan macno ku fadhiyin, dowladu miisaaniyada Qaranka hawgu darto da’yarta guurkooda wax ay kaga qayb qaadato, oo hadii dawladu sanadkiiba boqol wiil iyo boqol gabdhood isu dhisto guul weyn ayay Qaranka iyo madaxdaba u soo hooyeen madaxdu” Sheekh Cabdiraxmaan Dheere waxaa uu Hooyooyinka kula taliyay in aanay muxu kharashaad heysta ka eegin wiilka gabadha ka soo doonay ee ay ruxmada uu leeyahay ku siiyaan “Hooyooyinkana waxaan leeyahay ILLAAHEY ka baqa oo wiilka gabadhaada ka soo doonay wuu ku sharfay oo wuu ku karaameeyay ee nin wanaagsan inantaada la doono, oo wiilka ka hida raac reerkoodu ma wanaagsan yahay, dhaqankoodu waa side, aabihii waa side, qoyskooda oo dhammani waa side, nin xilqaadi kara ma yahay xaggaasi ka eeg ee xoolo ma heysta haka eegin, xoolaha waala hella laakiin xurmadda lama helo, ruuxa ruxmadiisa ka eega oo fijaanadan malaayiinta ah ee aad dadka daba waddaan ka daaya oo ILLAAHEY ka yaaba” Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweunihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si adag uga hadlay dagaal beeledyada markale dib uga soo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud. Xaaf oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baaqay in deg-deg lagu joojiyo dagaal beeleedyada haatan ka socda deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday odayaasha dhaqanka iyo madaxda Galmudug inay ku baxaan xiisadahaasi, si looga hortago in dagaalladu ay sii socdaan. Warka ka soo baxay Xaaf ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalladaasi ay ku dhinteen dad muhiim ahaa oo lagu dilay si macno darro ah. “Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro dagaallada ka soo cusboonaaday Xananbuure iyo Qalanqale ee Gobolka Galgaduud, Madaxda sare ee Galmudug iyo Odayaasha dhaqan waxgaradka intaba waxaa ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan sidii uusan u daadan laheyn dhiig dambe. Waxaa nooga baxay dad muhiim ah waxa ay u dhimanayaa waa micno daro wax laga aamusi karana ma ahan waa in talaabo degdeg ah la qaado oo arinta la xaliyo.” ayuu qoraalka ku yiri Xaaf. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka dagaal kale uu dib uga qarxay deegaanka Qalanqalle, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.
-
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah golaha sare ee Ururka Alsuuna ee gobolada dhexe, ayaa baaq ka soo saaray dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday gobolka Galgaduud. Madaxii hore ee xukuumadda Galmudug, ayaa ugu baaqay labada dhinac in dagaalka iyo colaadda deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ay ku soo afjaraan si shuruud la’aan ah, Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale ugu baaqay Culimada, Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan in ay qaataan kaalintooda, ku aadan baajnta dhiig dambe ee ku daata deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle. Dagaalka ka dhacay deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ayaa waxaa ku naf waayey 15 ruux oo labada dhinac halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale. Halkaan Ka Akhriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaamay degaanada Somaliland sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada tacsliilnta sare ee Somaliland. Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in maanta Ardayda Dugsiyadda Sare ay u fadhiisan doonaan dhammaan maadooyinka, sababo la xidhiidha Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas badan laga helay halkaas. Tiro ku dhaw 11,000 kun oo arday ayaa saaka u fadhiistay imtixaanaadka dugsiyada sare ee Somaliland, kuwaasi oo dhameeystay waxbarashada heerka dugsiga sare, iyadoona Imtixaanka maanta lasoo gaba-gabeyn doono. Somaliland ayaa tilmaamtay in Laba boqol oo goobood uu si rasmiya imtixaanku uga furmay Gobolada Somaliland, waxaana qaar kamid ah Macalimiinta ay sheegeen inay wadaan dadaal kasta oo lagu xakameyn karo faafida Cudurka. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa si weyn u sameeyay Cudurka COVID-19 oo dad badan oo kunool uu ku dhacay, isla markaana dadka qaarkood ay Cudurka u geeriyoodeen. Source
-
The UN humanitarian agency said it will release 15 million U.S. dollars to support a series of anticipatory-action interventions over the next 18 months in Somalia. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the funds from the UN’s Central Emergency Response Fund (CERF) will help Somalia make early intervention in situations where data can reliably warn of impending crises. “Somalia is facing a projected increase in humanitarian needs due to food insecurity, which has mainly resulted from the impact of the desert locust infestation, flooding, and the COVID-19 pandemic,” the UN agency said in a statement issued on Friday. It said the initial funding for anticipatory action in Somalia could make a big difference in the lives of Somalis and to the future of anticipatory interventions. According to the UN, it costs perhaps 50 times as much to save a child who is already suffering from malnutrition as it does to intervene earlier. In 2019, OCHA said it supported the country team in Somalia in setting up a drought anticipatory action framework, noting that two other frameworks, for drought in Ethiopia and flooding in Bangladesh, will be finalized soon. The UN agency said even without drought, food insecurity in Somalia is projected to increase to 22 percent of the population in a state of food crisis between July and September, exceeding the threshold for the anticipatory action pilot. It said the framework in Somalia involves work at OCHA headquarters and at the country level in close cooperation with UN agencies, the World Bank, climate research centers, national authorities, and other partners. “To maximize the approach’s impact, OCHA is engaging closely with the World Bank on the analytics, as well as the planning and release of finance. CERF funding would be complementary to Somalia Humanitarian Fund disbursements,” said the UN agency. View the full article
-
(SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saaka halkaas uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed. Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan lagu Magacaabo Cawsane ee Gobolka Sanaag, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii Maleeshiyo beeleedka ay isku qabsadeen dhul-daaqsimaad ku yaalla halkaas. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa hub Culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka socda, in kasta oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Odayaal dhaqmeed iyo dad kale ay ku baxeen dagaalkaas kasoo cusboonaaday deegaanka Cawsane ee Goboolka Sanaag, iyagoona dadkaas doonaya inay joojiyaan Colaada. Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, kuwaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyo beeleed halkaas wada-dega, waxaana dagaalada ay ka dhasheen dhul-daaqsimeedyo iyo dilal aano qabiil. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Sh/Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Gorgor oo is-kaashanaya. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in si gaar ah uga sameeyeen deegaanada Shaam, Yuumbis Nuur-Gare, Buulo-Bashiir, Mubaarak iyo Toora-Tooroow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay burburiyeen goobo kala duwan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanadaasi, kadibna ay ka soo furteen saanad ciidan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xariira dhaq-dhaqaaqyadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.