Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guuleystay dadaal uu waday muddooyinkii la soo dhaafay, isaga oo saldhig cusub ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka siiyey gudaha magaalada Jigjiga ee is-maamulka Somalida Itoobiya, sida ay qortay Majaladda Africa Intelligence.com. Intelligence.com ayaa ku warrantay in ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan deegaanada Soomaalida, gaar ahaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Saldhigga AMISOM laga siiyey Jigjiga oo lagu tababari ciidamada ka qeyb-qaadanaya howl-galka ka dhanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale laga ilaalin doonaa amniga Itoobiya. Sidoo kale saldhigan cusub ee la siiyey ciidamada AMISOM ayaa u fududeyn doona howl-galkooda Soomaaliya oo qaatay in ka badan 14 sano oo dagaal ah. Itoobiya ayaa qeyb ka ah howl-galka AMISOM, waxaana ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay ka howl-galaan gobollada Hiiraan, Baay, Bakool, Gedo iyo Galgaduud. Si kastaba ha’ahaatee lama oga inay qorshaha uu wado Abiy Abiy Axmed ay aqbali doonaan wadamada kale ee ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.
  2. Dawladda Qatar oo wax ka saxeexday Bayaan ka dhan ahaa Villa Somalia “Xukumada Farmaajo”+Sababta War-murtiyeedkii beesha caalamka ay soo saartay 28-kii July ee jawaabta u ahaa xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaa dalalkii ku saxiixnaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday dal aan la filayn; Qatar. Qatar waa dalka ugu weyn ee xulufada la ah dowladda Soomaaliya, lana rumeysan yahay in go’aanada Villa Somalia ay hagto, sidaa darteed inay ogolaato bayaan hanjabaad u ekaa oo ka dhan ahaa Villa Somalia iyo baarlamanka u adeega waxay noqotay lama filaan. Qeybta ugu culus ee bayaanka ayaa u dhigneyd sidan: “Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.” Bayaanka waxaa wadajir usoo saaray: Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay Haddaba maxay Qatar u ogolaatay bayaankan? Warbaahinta oo la hadashay xildhibaanno iyo taxliiliyayaal siyaasadeed ayaa qaba laba fikir oo kala duwan, inkasta oo mid ay u badan yihiin. Kooxda koowaad ayaa qabta inuu jiro tuhun ku saabsan in Qatar ay ka xumeyd eryidda Xasan Cali Kheyre, sidaas darteedna ay bayaanka ku ogolaatay. Koxodan ayaa rumeysan in Qatar ay ogtahay in rajada dib u doorasho ee Farmaajo ay tahay 0%, sidaas darteedna ay muddo dhiseysay Xasan Cali Kheyre, taasi oo ceyriintiisa ay hadda dhaawac culus gaarsiisay. Waxay sidoo kale leeyihiin; waxaa suurta-gal ah inaysan jirin taas balse ay ka xumaatay oo kaliya in xilli kala guur ah ay Soomaaliya lugaha la gasho qas siyaasadeed. Kooxda labaad ayaa qabta fikir kaas ka duwan, waana kan inta badan dadka aan la hadalnay ay u badan yihiin; fikirkaas oo ah in bayaanka uu yahay cayaar siyaasadeed ka mid ah dheesha Qatar ee Soomaaliya. Kooxdan ayaa qabta in ku biiritaanka Qatar ee bayaanka uu u adeegayo laba u jeeddo. 1 – In Qatar ku dhex jirto xubnaha beesha caalamka ee Xalane, taasi oo siineysa fursad ay wax badan uga ogaato qorshayaashooda iyo waxa ay damacsan yihiin. Sidoo kale ku dhex jirkooda ay ku abuuri karto saameyn siyaasadeed iyo fursad ay ku sameyso olole ay uga hortagto go’aanada sida xun u dhaawici kara Villa Somalia. “In Qatar ay ogolaato qoraallo siyaasadeed oo dhalleeceyn ah waxay Villa Somalia uga badbaadin kartaa dhaawacyo siyaasadeed oo ka culus, sidaas darteedna wax sidaas u weyn uma aragto bayaankan,” ayuu yidhi xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya 2 – Qorshaha labaad ee Qatar ayaa, sida kooxda labaad ee qabto, ah in beesha caalamka ay u muujiso in waxa laga aaminsan yahay ee ah in dhib ka waddo Soomaaliya, oo ay riixeyso maamul kali-talisnimo lagu eedeey aysan jirin, ayna diyaar u tahay inay wax ka saxdo qaladaadka siyaasadeed ee Soomaaliya. “Haddii Qatar ay wax ka saxiixeyso bayaan ka dhan ah Villa Somalia, oo ay fadhiso miiska wada-tashiga Soomaaliya, way adag tahay in lagu dhalleeceeyo marinada diblomaasiyadeed,” ayuu yidhi Prof. Cabdi Mataan, oo ah aqoonyahan ku sugan Somalia. Wax kasta oo ay ahaataba, ku biirista Qatar ee bayaan u muuqda mid ka dhan ah Villa Somalia waxay horseedeysa in qoraallada kale ee soo socda, waxa ku qornaan doono, iyo cidda saxeexeysa, lagu eego il gaar ah. Qaran News
  3. Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax. Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus. Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey. Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, uuna heysto Madaxtooyadda Qaranka, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah. Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen. Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdaan nin, waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi. 15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay, balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Mogadishu Clan ka xigsan kara, maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed, aana xiriir la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ku deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado. In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre, shaqadiisa ugu weynna ay tahay in uu dowladdaan muddokororsi kala shaqeeyo. Hussein Sabrie – Waxaad kala xiriiri kartaa facebook.com/HusseinSabrie Qaran News
  4. Baarlamanka dalka Turkiga oo ansixiyey sharci adag oo muran xoog leh dhaliyey Baarlamanka Turkiga ayaa meelmariyay sharci si adag u xakameynayo baraha bulshada. Waana tallaabo ay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ku tilmaameen mid halis ku ah xoriyatul qowlka Sharciga wuxuu dhigayaa in qof kastoo leh bog ay ku xiran yihiin in ka badan hal milyan oo Turki ah, inuu xafiis ka furto dalka uuna u hoggaansamo dalab kasta oo ah in ay farriimaha qaar tiraan. Haddii Shirkadaha ay diidaan waxay wajihi doonaan ganaax iyo in qadka internet-ka laga jaro. Facebook, Twitter iyo YouTube weli kama aysan hadlin go’aankan. Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “middii ugu dambeysay oo weerar toos ah ku ah xuriyadda hadalka ee Turkiga”. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa baraha bulshada ku tilmaamay “anshax xumo” mana uusan qarinin sida uu u jecel yahay in si adag loo xakameeyo. Xeerka waxaa dalbaday xisbiga talada haya ee AKP iyo midka xulafada la ah ee MHP, kuwaasoo haystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga. Sharcigan cusubna wuxuu ogolaanaya in shirkadaha laga jaro internet-ka boqolkiiba 95, taasoo sababeysa inay shaqeyn waayaan. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedkii beesha caalamka ay soo saartay 28-kii July ee jawaabta u ahaa xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaa dalalkii ku saxiixnaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday dal aan la filayn; Qatar. Qatar waa dalka ugu weyn ee xulufada la ah dowladda Soomaaliya, lana rumeysan yahay in go’aanada Villa Somalia ay hagto, sidaa darteed inay ogolaato bayaan hanjabaad u ekaa oo ka dhan ahaa Villa Somalia iyo baarlamanka u adeega waxay noqotay lama filaan. Qeybta ugu culus ee bayaanka ayaa u dhigneyd sidan: “Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.” Bayaanka waxaa wadajir usoo saaray: Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay Haddaba maxay Qatar u ogolaatay bayaankan? Caasimada Online oo la hadashay xildhibaanno iyo taxliiliyayaal siyaasadeed ayaa qaba laba fikir oo kala duwan, inkasta oo mid ay u badan yihiin. Kooxda koowaad ayaa qabta inuu jiro tuhun ku saabsan in Qatar ay ka xumeyd eryidda Xasan Cali Kheyre, sidaas darteedna ay bayaanka ku ogolaatay. Koxodan ayaa rumeysan in Qatar ay ogtahay in rajada dib u doorasho ee Farmaajo ay tahay 0%, sidaas darteedna ay muddo dhiseysay Xasan Cali Kheyre, taasi oo ceyriintiisa ay hadda dhaawac culus gaarsiisay. Waxay sidoo kale leeyihiin; waxaa suurta-gal ah inaysan jirin taas balse ay ka xumaatay oo kaliya in xilli kala guur ah ay Soomaaliya lugaha la gasho qas siyaasadeed. Kooxda labaad ayaa qabta fikir kaas ka duwan, waana kan inta badan dadka aan la hadalnay ay u badan yihiin; fikirkaas oo ah in bayaanka uu yahay cayaar siyaasadeed ka mid ah dheesha Qatar ee Soomaaliya. Kooxdan ayaa qabta in ku biiritaanka Qatar ee bayaanka uu u adeegayo laba u jeeddo. 1 – In Qatar ku dhex jirto xubnaha beesha caalamka ee Xalane, taasi oo siineysa fursad ay wax badan uga ogaato qorshayaashooda iyo waxa ay damacsan yihiin. Sidoo kale ku dhex jirkooda ay ku abuuri karto saameyn siyaasadeed iyo fursad ay ku sameyso olole ay uga hortagto go’aanada sida xun u dhaawici kara Villa Somalia. “In Qatar ay ogolaato qoraallo siyaasadeed oo dhalleeceyn ah waxay Villa Somalia uga badbaadin kartaa dhaawacyo siyaasadeed oo ka culus, sidaas darteedna wax sidaas u weyn uma aragto bayaankan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. 2 – Qorshaha labaad ee Qatar ayaa, sida kooxda labaad ee qabto, ah in beesha caalamka ay u muujiso in waxa laga aaminsan yahay ee ah in dhib ka waddo Soomaaliya, oo ay riixeyso maamul kali-talisnimo lagu eedeey aysan jirin, ayna diyaar u tahay inay wax ka saxdo qaladaadka siyaasadeed ee Soomaaliya. “Haddii Qatar ay wax ka saxiixeyso bayaan ka dhan ah Villa Somalia, oo ay fadhiso miiska wada-tashiga Soomaaliya, way adag tahay in lagu dhalleeceeyo marinada diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Prof. Cabdi Mataan, oo ah aqoonyahan ku sugan Muqdisho. Wax kasta oo ay ahaataba, ku biirista Qatar ee bayaan u muuqda mid ka dhan ah Villa Somalia waxay horseedeysa in qoraallada kale ee soo socda, waxa ku qornaan doono, iyo cidda saxiixeysa, lagu eego il gaar ah.
  6. Nin Nebinimo sheegtay oo maxkamad dhexdeed lagu toogta Ninka hubeysnaa ee dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Khalid – mana cadda sida ay ugu suurtagashay inuu hub la galo maxkamadda dhexdeeda Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar. Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi. Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil. Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar. Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah. Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan. Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda. Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya “cadowga Islaamka”. Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar. Sida lagu sheegay eedeynta, Mr Naseem ayaa wiilkaas khadka internet-ka kula hadlay isagoo ku nool waddanka Mareykanka. Mr Malik, ayaa BBC-da u sheegay inuu markii dambe Mr Naseem kula kulmay dukaan ku yaalla magaalada Peshawar, si uu ugala sheekeysto waxa uu ka aaminsan yahay diinta, kaddibna uu booliska ku dacweeyay. Ninka la dilay ayaa laga soo duubay muuqaallo Wuxuu intaas ku daray in uusan maanta goob joog ka ahayn maxkamadda, wax war ahna uusan ka heynin toogashada dhacday. Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Khaalid. Wali ma cadda sida ay ugu suurtagashay inuu maxkamadda dhexdeeda la galo hub. Mr Naseem wuxuu ku dhashay dariiqada diimeed ee loo yaqaanno Axmadiya, oo looga dhaqmo meelo ka mid ah Pakistan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ururka bulshada. Laakiin wuxuu intaas ku daray inuu ka baxay dariiqadaas, uuna sheegay inuu nabi yahay. Hoggaamiyaha bulshada ayaa xusay in Mr Naseem uu ahaa qof maskaxda looga jiro. Dadka u dooda xuquuqqda aadanaha ayaa sheegay in gacanta birta ah ee lagu qabto dadka ku xad gudba diinta ay saameyso oo kaliya dadka kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, lana dhiirrigaliyo weerarrada loo geysto dadkaas. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, tobannaan qof oo lagu eedeeyay arrimahaas ayaa lagu dilay kacdoon ay dad shacab ah sameeyeen. Dhinaca kale, hadda waxaa baraha bulshada ee dalka Pakistan si weyn loogu hadal hayaa qof Twitter-ka isticmaala oo lagu eedeeyay inuu nabinnimo sheegtay. Dad badan ayaa u gooddinaya qofkaas. Hase yeeshee, dad u cabsi qaba nabadgalyadiisa ayaa isku dayaya inay ka hor tagaan eedeymaha loo jeedinayo. Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa wakiil cusub u soo magacaabeysa Somaliland, kadib markii muddo ka hor la badalay wakiilkeedii u fadhiyay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka dhigan tallaabo diblumaasiyadeed oo uga jawaabeyso xiriirka Masar iyo Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Itoobiya ayaa dhawaan si dhaqso ah usoo magacaabeysa wakiilkeeda cusub, taasi oo ay kor ugu qaadeyso xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland oo muddooyinkii dambe u muuqday mid uu hoos u dhacay meeqaamkiisu. Magacaabistan ayaa imaneysa xili ay dhawaan safar ku yimaadeen magaalada Hargeysa wafdi ka socday dowladda Itoobiya, oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay dar-dar gelinta xiriirka labada dhinac, una sheegay inay si dhaqso ah ugu soo magacaabayaan wakiilkooda, sida ay xogta ku helayso Caasimada Online. Safarka Wafdigaasi ayaa sidoo kale u daarna inay madaxda Somaliland soo gaarsiiyan walaaca ay ka qabaan xiriirka cusub ee la yeelatay Masar iyo mowqifkooda ku aadan saldhig millater oo xiligan deegaanada Somaliland laga siiyo dowladda Masar. Dib usoo nooleynta xiriirka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xiriir diblumaasiyadeed oo adag. Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku kala dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xiriirka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xeebaha deegaanada maamulkaasi lagu la’yahay illaa 13 doomood oo nooca kalluumeysiga ah, kadib dableyo ku dhufay badda Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in roobab dabeylo wata oo ka da’ay xeebahaas ay ku geeriyoodeen illaa lix ruux. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa digniin culus loogu diray kalluumeysatada iyo dadka degan deegaanada u dhow xeebaha ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasaaradda ayaa shaacisay in iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda ay uga digeyso kalluumeysaatada Soomaaliyeed dabeylaha uu wato roobka xagaaga ee ka da’aya dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay badda, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed. ”Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumeysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku wargelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Koonfur Galbeed. Dhowaan ayey aheyd markii doon siday rakaab oo ka baxday xeebaha magaalada Muqdisho ay ku degtay xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.
  9. Baraaruga Shacbigu waa Rejo iftiintay ! Waa in lagu Qasbo inay Qiimo-dhimis sameeyaan Shirkadaha Korontada, Raashinka, Daawooyinka, Jaamacadaha iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ! Asalaamu Calaykum Marka hore waxaan soo dhawaynayaa oo aan Hambalyaynayaa Dadweynaha reer Somaliland ee ku baraarugay sidii ay iskaga dhicin lahaayeen Ganacsatada dhiigyacabada ah ee aan ka naxaynin Ummadooda la daalaa-dhacaysa duruufaha dhaqaale ee Dalka ka jira, waxaanan ku baraarujinayaa Dadweynaha inay iyaga oo isku duuban ay Culays ku saaraan ganacsatada si ay u dhimaan Ascaarta miciishada kala duwan ee cirka isku shareertay, waxaan sidoo kale Hambaylaynayaa Shirkadaha Taleefanada ee dhagaha u furay Cabashada Ummada. Waxay ahayd bishii January 2016 aniga oo ah Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga, aan kulan isagu yeelanay Shirkadihii Laydhka ee markaas jiray oo kala ahaa KAAH, ALEEL, TELESOM IYO GAAFANE. Xiligaas Wasiirka Wasaarada oo la odhan jiray Muuse Qaasim waxa uu hawl shaqo ugu maqnas Dalka Jabuuti isaga iyo Wasiirkii Macdanta ee waagaas Xuseen Ducaale. Hadaba ganacsatadaas Laydhka waxaan isugu daray Waano,Xadiis akhrin, Baryo iyo Hanjabaad aan dhinac walba wax ka tusay, waxaanan ka dalbanay inay qiimaha laydhka jebiyaan maadaama uu qiimaha Shidaalku aad u jabay wakhtigaas. Xiligaas waxa uu ahaa qiimaha halka unit ahaa hal doolar $1. Kulankaas oo ay ila joogeen Madaxdii Wasaarada qaarkeed sida Agaasimo waaxyeedyo ay ka mid ahaayeen Aadan Dhagax, Maxamed Haybe, Maxamed Saleebaan iyo xubno kale waxay Shirkadihii nala qaateen inay jabiyaan qiimaha laakiin aanu siino laba Cisho oo ay ku soo shiraan. Waxaanay aakhirkii ku shireen hudheelka Hadhwanaag ee Hargeysa iyaga oo go’aamiyay inay 79 Centi ka dhigaan Unitkii inkastoo aanu ka dalbanay inay 0.50 ka dhigaan. Talaabadaasi waxay keentay in Maalmo gudahood ay Shirkadihii Gobolada Dalka joogay oo dhammi ay qiimihii dhibaan, waxa iyana isla maalmihiiba qiimihii dhimay Shirkadaha Korantada ee Puntland. Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada kala duwan ee Korontada, iyo kuwa Raashinka iyo Dawooyinka soo dejiya iyo Laamaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay inay Ummadooda hoos u eegaan oo ay qiimaha jabiyaan. Xukuumadana waxaa looga baahan yahay inay Ganacsatada ku Qasabto inay Ummada u Naxaan oo aanay dhiig-miiran, waxaana muhiim.ah inaanay khalad ka fahmin Nadaamkeena dhiirri geliya suuqa Xorta ah, balse Xukuumadu ay Xaq u leedahay inay farogelin karto Ganacsatada dhiig-miiratada noqota. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta iyo Arrimaha Debada. Qaran News
  10. Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax. Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus. Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey. Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, uuna heysto Madaxtooyadda Qaranka, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah. Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen. Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdaan nin, waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi. 15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay, balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Mogadishu Clan ka xigsan kara, maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed, aana xiriir la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ku deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado. In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre, shaqadiisa ugu weynna ay tahay in uu dowladdaan muddokororsi kala shaqeeyo. Hussein Sabrie Source
  11. Dhusamareb (HOL) - Galmudug Speaker of Parliament Dr Mohamed Ga'al and opposition lawmakers have reached an agreement on the salaries of lawmakers. Source: Hiiraan Online
  12. Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa sheegay inuu Wada-hadallo uu beeshiisa ku matalayo kula jiro Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID. Buur-madow waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka Somaliland la samaysay Dalka Taiwan iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Masar ka waddo Somaliland, xilli ay is hayaan Itoobiya oo Saaxiib dhow la ah Somaliland. Boqor Buur-madow oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa ugu horrayn ka hadlay sida uu u arko Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Taiwan, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa siyaasad indho la’aan ah siyaasadda uu hadda dalku ku socdo ee uu Madaxweyne Biixi uu ku hagayo, taasi oo meel ay u jihaysan tahay aan la garanayn, xidhiidhka Taiwan wuu jiray illaa xilligii Maxamed Ibraahim Cigaal, Maxamed Cabdillaahi Ducaale oo Wasiirka Khaarajiga ahaa wuu tagay, Maxamed Biixi Yoonis wuu tagay, Wasiir Xaglo-toosiye wuu tagay, waynu qarin jirnay oo arrimaha aynu kala xidhiidhi jirnay waxay ahaayeen Caafimaadka, Sababtoo ah Dawladaha waaweyn Gacan maroojis waxba lagagama helo, Nin kaa xoog weyn haddaad gacanta maroojiso dhib baa kaaga imanaysa aanad filaynin.” Buur-madow wuxuu ka digay Halis Somaliland kaga iman karta Xidhiidhada Taiwan iyo Masar, kuwaasi oo ay xilligan is hayaan Shiinaha iyo Itoobiya oo ah Quwado waaweyn “Muuse Biixi wuxuu siyaasadda ka yaqaanaa Gacan maroojin, Maantana wuxuu mar gacanta wada maroojiyey Itoobiya iyo Shiinaha oo laba Quwadood oo waaweyn ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Itoobiya waa Dawladdii ugu horraysey ee Safaarad inoo furta ee ina soo dhaweysa ee xidhiidh Ganacsi innaga dhexeeyo, xuduud inaga dhaxayso, Masarna waa Dawladdii Somaliland ku ridday godka ay joogto markii uu Qaramada Midoobay Madaxda ka ahaayeen ee uu joogay Nin Butrus Qaali la odhan jiray ee Masaariga ahaa, Jaamacadda Carabtana ay Madaxda ka ahaayeen, xilligaa Masar waxay qabatay Laba Shir oo deg-deg ah, mid wuxuu ahaa kii Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ahaa inaan Soomaaliya kala gu’i karin oo aan Somaliland la ictiraafi karin, Jaamacadda Carabtana way ka ansixisay.” Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) wuxuu sheegay inay khalad siyaasi ah tahay in Somaliland ay tartansiiso Itoobiya iyo Masar, inkasta oo aanay weli Xukuumadda Somalilanc Caddayn mowqifkeeda khilaafka Masar iyo Itoobiya “Masar oo Mar walba siyaasaddeena God ku ridaysey inaynu Maanta soo dhawaysano oo ay Itoobiya is hayaan, waxay ahayd in Mawqif dhexdhexaad ah (Qaadano), laakiin aynu Maanta Masar ku xoqno oo aynu Gacan Maroojin ku samayno Dawladda Itoobiya waa meel ka dhac, arrimihii aynu ka dhursugaynayna inaynu god madow ku ridayno.” Buur-madow waxa kale oo uu sheegay in Beeshiisu ay Masiirkeeda kala noqonayso Kulmiye iyo Madaxweynaha, isaga oo Matalayaana uu Wada-hadallo kula jiro Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID “Waxaad mooddaa in Beeshu Masiirkeeda ay dib ugala noqonayso isaga (Madaxweynaha) iyo Xisbigiisa (Kulmiye) oo aanu Nin la isku hallayn karo ahayn, Cid wax lagu darsan karo ahayn, maaddaama oo aan ahaa Odayga xagga dhaqanka siyaasadda beesha u matali jiray mar walba waxaanu hadda Wada-hadallo kula jirnaa labada Xisbi ee Mucaaradka ah.” Buur-madow oo la waydiiyey in Beeshiisa uu hunguri kaga jiro inay mar kale qabtaan Xisbiga Kulmiye ayaa ku jawaabay “Maya maya..Annaga Beel ahaan way noo kala dhamaatay, Waayo? waxaad arkaysaa xitaa Wasiirradiisii la socday ayuu Wasiirnimadoodii kala dhimayaa oo curyaaminayaa, Xasan-gaafaadhi laba Wasaaradood ayuu hayey oo wuu ka eryey, Wasaaraddii uu hayey Jaamac Xaaji Maxamuud ee Macdanta iyo Tamartii ayuu kala saaray, dagaalku kuma sina Mucaarad iyo Mid Muxaafid ah oo isaga la jooga, waxaan arkaa Xisbina Cid uu wax uga ogol yahay ma jirto, raggii Godobta u galay ayaan xitaa Nin qudhi u soo geli Karin, Cid qudhi talo la lahayn, Doorasho uu qabanayaana maba jirto, hadduu doorasho qaban waayana Ummaddu way ka tashanaysaa, Cidda Xisbigiisa iska sharraxda Baarlamaanka iyo deegaannaduna way ku khasaari doonaan, waxaanuna gacmaha isugu geyn doonaa sidii looga soo horjeedsan lahaa, maaddaama oo uu dalka macno u lahayn.” Boqor Buur-madow wuxuu Madaxweyne Biixi ku eedeeyay Qorshe la’aan siyaasadeed iyo dhaqaale urursi. Qaran News
  13. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia (29th July 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, July 29, 2020/ — Daily Laboratory test: 7760 Severe cases: 66 New recovered: 159 New deaths: 14 New cases: 610 Total Laboratory test: 403,611 Active cases: 8870 Total recovered: 6685 Total deaths: 253 Total cases: 15,810 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  14. Mogadishu (PPM) — One of the most inequitable political outcomes of the historic 2000 Reconciliation Confrence sponsored by Djibouti is the relegation of 20% of Somalis to a minority status, if one takes the 4.5 power-sharing system into account. The rationale for assigning lesser political rights to a group of Somali clans who suffered disproportionately during the civil war for not taking up arms or claiming a part of Somalia as their clan’s fiefdom bizarrely remains out of discussion. The silence over their plight — dispossession, being excluded from genuine political participation in a Federal Member State politics, and fewer life chances in their homeland — makes a mockery of the argument that Somalia has been making a progress towards good governance. Ministerial posts for Fifth Clans do not rectify political marginalisation visited upon Somali ‘Others’ There has never been an acknowledgement on the part of the four self-styled ‘major’ Somali clans that their compatriots ( otherwise known as Others) have suffered lower political status and more human rights violations for a long time. Numerically Fifth Clans, a variant name, constitute 20% of the bicameral house and have, like other four clans, 20% chance to give one of their politicians the odds to win the Somali presidency. Yet, no an aspiring politician has put on his/her agenda the programme to secure full political representation for Fifth Clans. The International Community urges consensus among Somali stakeholders. By stakeholders Somalia’s International Partners mean the four major clans and associated Federal Member States. Is it due to a poor knowledge of Somali political realities when the International Community downplays political marginalisation of Somalis who have wrongly been given the label ‘minorities’? To break the deadlock over electoral models it is an opportune moment to include representatives from Fifth Clans in Somali electoral consultations. Their input will sensitise representatives from the Four Clans to the pain of political invisibility visited upon their compatriots. The focus on gender has got to be complemented by a commitment to genuine political representation for Fifth Clans. Discussing political marginalisation of Somalia’s peace-loving clans should no longer remain political taboo. © Puntland Post Monthly, 2020 The post INCLUDE ‘FIFTH CLANS’ IN SOMALI ELECTORAL CONSULTATIONS appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - Puntland Ports Minister Mohamed Abdi Osman (Majino) announced today that DP-world had not done any work since taking over the management of Bossaso port in 2017. Source: Hiiraan Online
  16. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-2972020.mp3 View the full article
  17. Ankara (Caasimada Online) – Wargeys u dhow dowladda Turkiga ayaa dood ka abuuray dalka Turkiga, kadib markii uu boggiisa hore ku daabacay in la joogo waqtigii dib loogu dhawaaqi lahaa Khilaafaddii Islaamka ee dalka, maadaama madxafkii Hagia Sophia loo bedelay masjid. Gercek Hayat, oo uu leeyahay urur warbaahineed Dowladda taageera oo lagu magacaabo Yeni Safak ayaa soo qaatay sawirka calankii gaduudnaa ee Khilaafadii Cusmaaniyiinta, waxaana dowladda Turkiga uu weydiistay “ Khilaafo ku midooba. Hadda haddii aadnan ku midoobin, goorma? Haddii aadan adinku sameyn ayaa sameynaya?” Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Turkigu uu hadda madaxbanaanyahay kadib masjid u bedelistii Hagia Sophia ee horraantii bishaan. Gercek Hayat, waxaa uu leeyahay 10,000 oo akhristeyaal rukun ah. Lakiin waxaa soo jiitay jawaab uu bixiyay afhayeenka xisbiga AKP Omer Celik. “Jamhuuriyadda Turkiga waa dimoquraadi, Calmaani ah, sharcigana lagu maamulo,” ayuu twitter-kiisa ku soo qoray Omer Celik, oo ka falcelinayay maqaalka u horreeya ee wargeyska. “Waa khalad in la abuuro kala qaybin siyaasi ah oo la xiriirta siyaasadda taliska siyaasadeed ee Turkiga. Jamhuuriyadeenu waa ubaxa indhaheena. Dood aan caafimaad qabin iyo kala qaybin baraha bulshada ka socday tan iyo shalay ee siyaasadeena ma ahan ajandaha Turkiga” ayuu yiri. Qareeno jooga Ankara ayaa dacwad dambi ka gudbiyay wargeyska, iyagoo sheegay in wargeysku uu ku xadgudbay sharciga oo mamnuucaya kacdoon hubeysan oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Turkiga iyo dadkeeda. Wargeysyo dhowr ah ayaa cambaareeyey sawirka lagu daabacay bogga hore ee wargeyska. Cinwaanka aad ayaa loogu hadal hayaa Twitter-ka, taageerayaal ayaa difaacaya kuwo kalena waa ay kasoo horjeedaan. Doodaha nuucaas micno weyn ayey ugu fadhiyaan bulshadda Turkiga tan iyo markii ay Dowladdu Hagia Sophia u bedeshay masjid, taasi oo meesha ka saareysa mid ka ah taariikhii uu ka tagay Kamal Ataturki oo aasasay Turkiga Casriga dagaalkii 1-aad ee dunida kadib. Intii lagu guda jiray salaadihii furitaanka masjidka, Ali Erbas oo ah madaxa hoggaanka Arrimaha Islaamka, ayaa Maxamedkii 2-aad oo ka mid ahaa suldaanadii Khilaafaddii Cusmaaniyiinta kasoo xigtay oraah bartilmaameedsaneysa cid walba ee isku dayda in ay Hagia Sophia ka bedesho masjid. Mucaaradka calmaaniga ah waxay hadalkaas u fahmeen in uu yahay weerar ka dhan ah Ataturk, kaasi oo dhismaha madxafka u bedelay sanadkii 1934-kii. Ataturki waxaa uu meesha ka saaray Khilaafadii ku dhawaad 100 sano ka hor taasi oo ay qayb ka ahayd isbedel uu wadanka ka sameeyay. Isbedel diidka diimaha ee Turkiga ayaa u arkayay dhaq-dhaqaaqii Ataturk, tallaabo ka dhan ah midnimada muslimiinta Adduunka. Ataturk, markii uu joojiyay nidaamkii Khilaafada waxay taasi soo afjartay awoodihii iska soo horjeeday ee wadanka dhexdiisa, Laakiin sharci ay Golihii Qaran ee Turkiga sixiixeen ayaa awoodda gacanta u gliyay baarlamaanka. Qaar ka mid ah MuslimiintaTurkiga ayaa la arkayay iyagoo sheegaya in hadda baarlamaanku uu leeyahay awoodda ah in uu Khilaafo ku dhawaaqo. Codbixin la sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ayaa muujisay in inta ugu badan ee dadka Turkigu aysan dooneyn in ay soo noqoto Khilaadii dalkaasi ka talin jirtay.
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Haben-29072020.mp3 View the full article
  19. Reputation Poll International, a leading global reputation-management firm, has released the 2020 list of 100 Most Reputable Africans. The list features 47 women and 53 men from diverse sectors including; Leadership Source: Hiiraan Online
  20. By mid-2016, Somalia was actively organizing the country’s second national parliamentary and presidential elections to beheld inside the country for the first time since the 1991 civil war. By December 2020, the four-year term for Somalia’s fledging federal institutions are due to expire. Still, prospects of national ‘democratic’ elections later this year seem distant. ‘Democratic’ elections in Somalia is different from conventional elections; rather, Somali elections is based on a hybridelectoral model, combining a clan-based political arrangement with a voting mechanism via ‘clan representatives’ in Federal Parliament. The controversial ‘4.5 formula’ – essentially allocating national parliamentary seats among four “major” clan-families (4) and “minority” clans (.5) – has been the basis for political representation in the fragile nation since 2000. The formula’s flawed structure has the been the epicenter of intense debate for years; however, the 4.5 system, as a model of political representation, has allocated Somali ‘clans’ seats in parliament, and has paved the way for successive elections and transfer of power after national elections in 2004, 2009, 2012 and most recently, in 2016/2017. Despite these limitations, political representation and electoral model in Somalia aims to ensure wide representation and participation, to garner broad-based domestic support and ensure legitimacy in election outcomes. More read hereDownload The post Despite Challenges, Somalia Must Hold National Elections in 2021 appeared first on Puntland Post.
  21. Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax. Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus. Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey. Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, uuna heysto Madaxtooyadda Qaranka, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah. Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen. Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdaan nin, waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi. 15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay, balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Mogadishu Clan ka xigsan kara, maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed, aana xiriir la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ku deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado. In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre, shaqadiisa ugu weynna ay tahay in uu dowladdaan muddokororsi kala shaqeeyo. Hussein Sabrie – Waxaad kala xiriiri kartaa facebook.com/HusseinSabrie AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. The Federation of Somali Journalists (FESOJ) condemns the conviction and prison sentence handed down today against the deputy director of Goobjoog Media Group charged under articles 328 and 269 “Publication or circulation of false, exaggerated or tendentious information capable of disturbing public order” and “Condition of reciprocity” of Somalia’s harsh and outdated Penal Codes which had come into force in 1964. With the presence of FESOJ and journalist members today, July 29, 2020 in Banadir Regional Court, the presiding judge Mohamud Yasin said he found guilty of journalist Abdiaziz Ahmed Gurbiye by breaching articles 328 ,269 of penal code and sentenced six-month jail term which can be bought o converted into fine and five million of Somali Shilling, equivalent to 200 $. The sentencing of the journalist is referred to provisions of the Somali Penal Code, comes at a time when the President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” had publicly committed to reforming outdated provisions in the country’s criminal code. He also said his administration supported ending the use of criminal law against journalists. According to defending lawyers Dahir Mohamud, Barre Osman and Ahmed Abdirahman Dirie, the conviction of the journalist is illegal and is directly violating of the Provisional Constitution of Somalia that fully guarantees freedom of speech and of the media and individual level every person has a right free to express his opinions independently. The accusations stemmed from Facebook posts Abdiaziz made personal page that he manages, in which he alleged the government had mismanaged its COVID-19 response, and criticized President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo. FESOJ calls for the sentence to be overturned and for journalist Abdiaziz Ahmed Gurbiye to be released immediately pending appeal. Condemning the sentence meted out to Abdiaziz Ahmed Gurbiye, the Secretary General of FESOJ, Mohamed Ibrahim Moalimuu described the six-month jail sentence as “a brutal and outrageous decision, and a flagrant violation of free expression”. “We condemn this harsh and unacceptable sentence which takes media repression in Somalila to record levels. We will continue to support our colleague until he gets his freedom back and the verdict to be overturned,” Moalimuu said. “This ruling appears to be being pushed back by the senior official from Federal Government of Somalia. The main purpose is to intimidate journalists who are accountable to government. Somalia has constitutional guarantees of freedom of speech, but journalists here say they are increasingly facing intimidation aimed at stopping them from running stories critical of President Mohamed Abdulllahi (Farmaajo) and his administration” FESOJ President Abadir Abdulkadir Elmi said. End- View the full article
  23. In the recent past, 25-year-old Zahra Mohamud* had visited the Hawadle maternal and child health centre in Hargeisa regularly to have her older son Ibrahim* vaccinated against the most common childhood diseases. Source: Hiiraan Online
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradaha laguma dacweyn karo in ay wakiil ka yihiin dowladahooda, ayey xukuntay Maxkamadda Sare ee Kenya oo soo saartay go’aan aan la fileyn oo ay ku dhawaaqday garsoore Mary Kasango, oo qaaday kiis dacwadeed lagu soo oogay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Howlgallada diblomaasiyadeed ayaa lagu ilaaliyaa qodobka 22-aad ee heshiiskii Vienna, sida ay xukuntay garsooraha. Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi. “Dhismooyinka howlgalka diblomaasiyadeed laguma xad gudbi karo waana in uusan gelin wadanka martida looyahay haddii uusan u fasixin madaxa howlgalka,” ayey tiri Garsooruhu. “Wadanka martida looyahay waa in uu howlgalka ka ilaaliyaa in loo gudbo ama waxyeelo loo geysto waana in aan la baarin dhismaha ama aan lala wareegin qoraallo iyo hanti.” “Guud ahaan, dalalka shisheeye xasaanad ayey ka leeyihiin in la dacweeyo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay. Shaqaalaha shaqada Garsoore Kasango ayaa indho-indheyn sameysay markii ay kiiska ka xukuntay shirkad Kenyan ah oo dalbaneysay in la siiyo 23.4 million oo shilling, taasi oo ah heshiis laga baxay afar sano ka hor. Inkasta oo safaaraddu aysan jawaab geyn maxkamadda, garsoore Kasango waxay tuurtay eedeydii safaaradda loo heystay, iyadoo sheegtay in shirkadda looga baahanyahay in ay dacwad ku oogto dowladda Soomaaliya, balse aysan ku oogin safaaradda. “Aragtideyda, safaaradu kuma haboona in la dacaweeyo. Taas bedalkeeda Kingsley waxaa ku furan in ay dacwad ku oogto dowladda Soomaaliya, laakiin maya safaaradeeda Kenya,” ayey tiri garsooruhu. Shirkada dhismaha Kingsley ayaa safaaradda Soomaaliya geysay maxkamadda kadib markii ay dib u dhis ku sameysay safaaradda Nairobi. Shirkadda dhismaha ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay safaaradda Soomaaliya sanadkii 2016-kii, si ay dib u dhis ugu sameyso dhismaha, heshiiskaas waxa uu ku kacay 53.5 million oo shilling. Kingsley waxay sheegtay in heshiiska ay qayb ahaan qorneyd qaybna aysan qorneyn. Shirkaddu waxay sheegtay in safaaraddu ay jabisay heshiiskii, isla markaana ku guul dareysatay in shaqaaluhu ay galaan gudaha safaaradda, sidoo kale aysan bixin 23.4 million oo shilling ee lagu leeyahay. Bishii September sanadkii lasoo dhaafay, Kingsley waxaa ay safaaradda ku eedeysay in ay xirtay islamarkaana jir-dil ku sameysay mid ka mid ah shaqaalaheeda oo isku dayay in uu u geeyo qoraalo maxkamadeed. Xuquuqda qalbiga Warqad cabasho ah oo Amos Mutambu uu u diray wasaaradda arrimaha dibada Kenya ayuu ku sheegay in loo diiday in uu ka baxo safaaradda Soomaaliya ee Kenya bishii September sanadkii 2019-kii. Arrinta markii dambe waa la xaliyay, shirkaduna waxay dacwad ka gudbisay safaaradda. Kadib markii ay safaaraddu diiday in ay isku difaacdo maxkamadda, Kingsley waxay maxkamadda ka codsatay in ay kiiska u xukunto. Shirkaddu waxay sheegtay in safaaraddu ay diiday in ay iska difaacdo dacwadda ay ka geysay maxkamadda rayidka ah ee Kenya.