-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa dhaliilay qaabkii loo buun-buuniyay dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa. Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyadda mucaaradka, dad qurbe joog ah iyo dad kaloo siyaasiyiin ah ay six un uga hadleen dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa. Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed-toorno), oo maanta warbaahinta la hadlay isagoo ku suagn magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, oo uu hawlo shaqo u joogo. Waxaanu wasiir Toorno, uga digay xisbiyadda mucaaradka in ay ilaaliyaan qaran-nimadda iyo sumcadda xarunta agoomaha. Daawo: Wasiir Toorno Oo Arrimahaas Ka Hadlaya: Source
-
Garowe (Caasimada Online) – Khudbadii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ka jeediyey shirkii wadatashiga Puntland ee 15-kii bishii Maarso ee sanadkan lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho. Xilligaas Madaxweyne Deni waxa uu ku af-gobaadsanayey in hadii ay yihiin reer Puntland ay dhibeyso in maqaamka Muqdisho uu ku jiro dood aan dhamaaneyn. (Hoos ka daawo muuqaalka) Sidoo kale Deni waxa uu shirkaas ka sheegay in Puntland ay diyaar u tahay marti-gelinta shir looga tashanayo qodobada ay doodaha adag hareeyeen, kuwaas oo uu markaas ka xusay maqaamka Muqdisho. “Waxaan jecelahay in maanta aan halkan ka sheego, in Puntland ay diyaar u tahay inay marti-geliso qodobada aadka looga dodo oo mar walba soo noq-noqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho, in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. Waa magaalada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeedu inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aadbey noo dhibeysaa xaqiiqdii,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland seddax bilood ka hor. Waa maalinkii lasoo gabagabeeyay shirkii Garowe ee 17-kii Maarso. Haatan oo Muqdisho loo ansixiyey in markii ugu horeysay metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay arrintaasi dhakafaar ku noqotay xukuumadda iyo metelayaasheeda heer federaal ee Puntland. Inta badan ola-olaha looga soo hor jeedo metelaadda ay xildhibaanada golaha shacabka u ansixiyeen Muqdisho, waxaa wada xildhibaanada iyo wasiirrada ku jira dowladda federaalka ee kasoo jeeda Puntland. Dooda xubnahaan Puntland ku metela heer federaal, waxay u badantahay in hadii la kor dhinayo 54-ta senator ee golaha Aqalka Sare, metelaadna laga siinayo gobolka Banaadir, ay muhiim tahay in wax laga bedelo habraaca ku xusan cudubka 15-aad ee dastuurka dalka, gaar ahaan qodobkiisa 132-aad, 133-aad, iyo qodobada ku jira cutubka 6-aad ee 79-aad, 63-aad iyo 71-aad ee dastuurka. Sida ay ku cadeeyeen war-saxaafadeed xalay ka soo baxay. Wararku waxa ay sheegayaan in ola-olaha xubnahan Puntland ku metelada dowladda federaalka ee ka hor yimid in Muqdisho metelaad hesho, uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, sidoo kale Deni waxay arrintan isku aragti ka yihiin dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana loo tiirinayaa in doodoodu ay ku saleysantahay, sad bursi xaga nidaamka 4.5-ka ah. Axaddii maanta kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa looga dooday ansixintii xildhibaanada golaha shacabka heer federaal ee metelaada Muqdisho, taas oo ogolaaney in 13 xubnood Muqdisho loogu daro golaha Aqalka Sare. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka carooday go’aanka golaha shacabka ee xaqsiinta Muqdisho, oo kulankoodii kadib warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland ka codsaday inay ka ku dhawaaqdo madax-baani ah, inay Puntland ka go’do Soomaaliya inteeda kale. Hoos ka daawo muuqaalka Deni https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Deni.mp4
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-28062020.mp3 View the full article
-
Xildhibaannada golaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe, ayaa waxaa ay si adag uaga doodeen go’aankii golaha Aqalka sare uu 13 xubnood ugu ogolaaday in ay ku matalaan gobolka Banaadi Baarlamaanka soo socda ee 2021-ka, qoondadaas oo Baarlamaanku shalay uu meel mariyey. Golaha ayaa intii kulanka socday waxaa ay eedeyn u soo jeediyeen dowladda federaalka Soomaaliya , dowalda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbee, iyagoo ku eedeeyey in ay gooni yeeleen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,sida ay goobta ka sheegeen xildhabaannadii golaha ka hor hadlay. Qaar kamid ah xildhibaanno goobta khudbado ka jeediyey ayaa sheegay in Puntland ay KA tashan doonto dowaldda federaalka Soomaaliya, halka qaar kale ay soo jeediyeen in lagu dhawaaqo in ay Puntland ay ka madaxbannaan tahay dalka intiisa kale, waa sida ay hadalka u dhigeen, xildhibaannadii hadalka jeediyey. Hadalka ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili aysan wanaagsaneyn qilaaqaadka kala dhexeeyo dowladda dhexe, eedeynta maanta ayaana salka ku heyso kadib markii golaha shacabka Baarlamaanka uu shalay meel mariyey matalaadda gobolka Banaadir uu yeelanayo Aqalka sare oo ah 13 xobnood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 19 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 887. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 16 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 6, Somaliland 6, iyo Jubbaland 4 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,894. Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 5-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu diidan yahay oo lagu kari la’yahay laba arrin oo waa weyn oo muhiim u ah geedi socodka siyaasadeed ee dalka. Xasan Sheekh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa labadaas arrin isaga oo ka hadlaya wuxuu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda.” “Wuxuu sidoo kale diidan yahay qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.” Xasan Sheekh ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal, hase yeeshee guddiga doorashada ay wadaan muddo kordhin rimma. “Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin?,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga: 1 – Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin. 2 – Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.”
-
MOGADISHU (HOL) - The UN has welcomed the announcement by Somalia’s electoral commission to hold elections by March next year despite failure to meet constitutional timelines. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho Dalka ka dhaceysa 2020/2021. Halkan Ka Aqriso Warka Ka Soo Baxay Xafiiska UNSOM Xafiiska Unsom oo War Ka Soo Saaray Hadalkii Xaliimo Yarey Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Xafiiska UNSOM https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatsss-2.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-habeen-28062020.mp3 View the full article
-
The departure of Garissa Township MP Aden Duale as National Assembly Majority leader is a staggering blow to the Somali community’s influence in national politics. And it hasn’t helped Deputy President William Ruto. Duale has been the community’s highest ranking leader in national government and his purge, analysts say, has left a massive gap. Because of his clout and political persona, Duale is the patron of the Northern Kenya leaders forum and the chairman of the Northeastern Parliamentary Group. With the clamour to amend the Constitution likely to dominate the country’s political agenda in the next few weeks, it will be interesting to watch which direction Duale the heavyweight will take. Though he was sacked for being a powerful ally of DP Ruto, his talents and efficiency in pushing the government’s agenda are well known. Though known for his acerbic tongue, he delivered a gracious departure speech and he’s far from out of the picture. Duale previously maintained he will support a referendum to introduce a parliamentary system of government to end what he described as “post-presidential election chaos”. Observers say it’s likely Duale will cross over and team up with the Building Bridges Initiative crusaders to push for a referendum to amend the Constitution. This means he might emerge as vocal proponent of the BBI but still push for the interests of Northern Kenya and minority communities. Should he assume a higher profile in the push for constitutional review, then Duale would remain a force to reckon with as the 2022 dynamics unfold. Former Mandera Senator Billow Kerrow was the first to describe the political vacuum and dismay in the Somali community after Duale’s purge. “Duale’s removal wasn’t unexpected but it was cowardly,” Kerrow said, calling his sacking inhumane and unappreciative of the Somali community’s support. “He deserved better, not brute ingratitude. The bigger picture is a painful loss for Muslims and the Somalis as he was the highest ranking in government,” Kerrow said. Duale has been DP Ruto’s most ardent foot soldier, with a venomous tongue that kept some of the DP’s adversaries at bay, earning himself the title of Sycophant Number One. The three-time MP, who was first elected as Dujis MP in 2007 on the ODM ticket, commands massive clout among the Somali community. At the same time, the Garissa Township MP also chairs the Pastoralists Parliamentary Group Association, stretching his influence to at least seven counties. He is expected to firm up his grip on the expansive pastoralist region as he positions himself ahead of the 2022 polls. President Uhuru Kenyatta sent the vocal lawmaker to the guillotine on Monday during a Jubilee Parliamentary Group Meeting. The move could reduce but not eliminate his political influence across the Northeastern region. It could complicate Ruto’s bid to consolidate the region. Duale, accused by critics of being being a Jubilee sycophant, enabled the party to turn the tables against former Prime Minister Raila Odinga who until 2007 had a firm grip on the region. Political analyst and USIU professor of History and International Relations Macharia Munene reckoned that Duale’s personality is unmatched among his peers from the Somali community. “Duale is gifted and unique, he is a politician who was destined for greater things,” he said, calling his removal a blow to both the community and to Ruto. “While Kenyans will miss his personality, his exit is a major setback to the political movement that he supports,” Munene said. Observers argue Duale’s controversial politics and his fearless approach in the defence of Somali and Muslim communities’ rights cemented his position as their virtual spokesman. His rise to the political high table had given the Somali people a special place in the national government in the last seven years. Indicative of his role in Somali politics, he rallied the Northeastern region behind the United Republican Party ahead of the 2013 General Election. Following a bitter falling out with Raila, Duale joined forces with Ruto who was then the Eldoret North MP, to form URP. Duale had just been sacked as assistant minister for Livestock in the coalition government. Ruto too was dismissed. URP later went ahead to form the government after the general election following a political pact with President Uhuru’s TNA party. After dumping Raila, Duale became a key URP lieutenant in Northern Kenya and turned the tables on ODM. During the 2013 polls, Ruto’s URP swept most of the parliamentary seats in the entire pastoralist region, gains largely attributed to Duale’s efforts. He was then rewarded with the position of Leader of the Majority in the National Assembly, an influential position that dramatically elevated his national profile. The bullish lawmaker now may find it useful to watch his caustic tongue and reconsider his acerbic attacks on rival politicians as he maps out his own path ahead of 2022. Former lawmaker Abdikadir Aden, told the Star that Duale’s exit was not just a blow to the Somali community but also a set back to the pastoralist nation’s push for a space in national politics. “Duale had earned himself a place in national politics because of his hard work and fearless support for Jubilee. His ouster at a time when there is a push to amend the Constitution gives us some fears,” the lawmaker said. He said, however, that leaders from the region would speak in one voice on what they want in the constitution to address marginalisation and historic injustices. “We are clear as the leadership from this region, we will agree and take a common position on BBI so it is beneficial to our people,” he noted. Some senior political leaders from Northeastern in Parliament include Garissa Senator Yusuf Haji, who is the chairperson of the BBI task force, which is working on national reforms. National Assembly Minority Whip and Suna East MP Junet Mohamed has roots in the region, despite having been elected in Migori county. Others are Eldas MP Aden Keynan and Kamkunji MP Yusuf Hassan. Keynan was named Jubilee coalition joint secretary to appease the Northeastern region. Haji had recently led a team of elders and MPs from the region in appealing to the President to spare Duale, saying his position was given as reward for their support for Jubilee in the last two elections. Former National Assembly Deputy Speaker Farah Maalim, a critic of Duale, termed the years his rival served as Majority leader a “waste.” “The National Assembly will redeem its lost glory. In eight short years Parliament lost its glory. Redeem its glory now,” Maalim said as he mocked Duale’s tenure.
-
Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Warta Nabada Saacid Xuseen Cabdi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in maamulka degmadiisa ay aad ugu faraxsanyihiin helitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya kala wareegtay ciidamada Amisom bishii Auguts 2018. Halkan Ka Daawo Guddoomiye Saacid oo la hadlay Goobjoog Sports https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-.mp4 Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani. Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xildhibaanada kasoo jeeda beesha Daarood ee u jira baarlamanka Soomaaliya ay ku fashilmeen isku daygii ay ku hor-istaagi lahaayeen xuquuqda gobolka Banaadir. Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hase yeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan. Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan, waaana ay ku eedeeyeen dowladda federaalka, maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida ay hadalka u dhigeen. Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Mogadishu Clan ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal. Hoos ka dhageyso codadka xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Xildhibaannada.mp3
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Mqudisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin hadal jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo 13-senetar ee loo qoondeeyay Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Hadlay Warbaahinta Source: goobjoog.com
-
Zakariye Yuusuf oo ka tirsan Hay’adda xasaradaha Caalamka ayaa nasiib-daro ku tilmaamay in la jabiyo qodobo ka mid ah Dastuurka Dalka,isagoo sharaxaad dheeri ah ka bixiyay khilaafka labada aqal ee Baarlamaanka. Halkan Ka Daawo Zakariye Yuusuf Oo Waraysi Dhinac Skpy-ka Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The UN mission in Somalia said it thanks to the electoral commission Chairperwoman Halima Yarey for presenting technical options to achieve direct voting for Somalis as early as March 2021. UNSOM has called for a broad consultation among Somali political leaders to reach consensus on way forward – the planned meeting of Federal Govt. and the Federal Member States is a good next step. NIEC chair Halima Yarey appeared before parliament on Saturday where she presented two options for historic Presidential and Parliamentary elections in the country. In her much-awaited report, she called upon the house to select between the manual voter registration and biometric process for successful voting before March 2021. Somali opposition has condemned NIEC’s statement as a plot to seek term extension for current leaders whose mandate expires by the end of the year, calling for timely polls. View the full article
-
Somalia’s special forces have wrested control of four small villages in Lower Juba, southern Somalia, from al-Shabaab on Sunday during large operation. The villages – Jana-Abdalle, Mayonde, Helishid, and Garascebe have been under Al-Shabaab control for years, where the militants engineered raids on Somali and US troops. The military commanders in the region claim that they killed several fighters. The government has vowed its SNA forces backed by AMISOM troops will continue the operations to flush al-Shabaab fighters out of the regions in the south and central Somalia. Al-Shabaab holds large swathes of territory and still manages to conduct car bombs and gun attacks in Mogadishu and elsewhere in the long-chaotic Horn of Africa nation. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha xaq u-dirirka Banaadirigiga ayaa war-saxafaadeed uu soo saaray uga hadlay go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyey in Gobalka Banaadiri uu13 kursi ku yeesho Aqalka Sare. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warsaxaafadeed Golaha xaq udirirka Banaadirigga waxaa uu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aanka geesinimada leh ee ansixinta xubnaha matalaadda Gobalka Banaadiri ee 13-ka ah, arrintaas oo ah mid taariikhi ah oo masiiri ah Shir weyn oo ay isugu yimaadeen dhammaan qeybaha bulshada Banaadiriga, ayna ka mid ahaayeen xubnaha Golaha Xaq udirirka Banaadiriga, uuna shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Md. Cumar Shariif Jeeg ayaa lagaga dooday go’aanka Matalaadda Gobalka Banaadir oo markii ugu horreysay yeelanaya xubno u fadhiista aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka. Shir weynahan degdegga ahaa oo looga arrinsanayey arrinta matalaadda loo ansixiyey Gobalka Banaadir ayey golahan ka soo saareen baaq isugu jira bogaaadin iyo jiheyn iyo tusaaleeyn. Guddoomiye Cumar Shariif Jeej ayaa yiri “Waxaa Ilaahey mahaddiisa ah in maanta ay Baarlamaanka Soomaaliyeed ogolaadeen in Gobalka Banaadir uu helo matalaad uu ku yeesho aqalka sare, tani waxay Meesha ka saareysaa dulmanaantii ay Bulshada Banaadiriga ku dulmanaayeen aqalka sare, waayo wax xubin ah oo matala gobalka Banaadir iyo bulshada Banaadiri intaba ma jirin” Guddoomiye Cumar Shariif Jeeg wuxuu intaas raaciyey “Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga lahaa fikradda ah in laga hadlo matalaad la’aanta Gobalka Banaadir, waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu Xaqiijiyo in matalaaddaas ay yeeshaan dadka xaqa u leh oo ah Banaadiri” Afhayeenka Guud ee Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed Md. Salmaan Shariif Abuukar ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aanka Taariikhiga ah ee matalaadda loogu ogolaaday Gobalka Banaadir. Md. Salmaan waxaa uu yiri “Aniga oo ku hadlaya afka Bulsho weynta Banaadiriga waxaan soo dhoweyneynaa go’aankan taariikhiga ah ee matalaadda loo ogolaaday Banaadir, waxaana filayaa in xaqaas lagu tixgaliyo dadka Banaadiriga ee gobalka iska leh, waayo anaga ayuu naga maqnaa, oo xaqna u leh in aan Banaadir matalno” Sujaaco Mahdi Maxamuud (Filsan Qaali) oo ah Guddoomiyaha Haween weynaha Beelaha Banaadiriga oo shirkaas ugu qeyb gashey Aaladda fogaan aragga (Zoom) ayaa sheegtay in uu muuqdo ifafaale rajo oo ah in ay Soomaaliya ka baxeyso caddaalad darada ay ku jirtay. “Waxaa ina gashay Rajo weyn oo ah in caddaalad daradii dhamaatay mar haddii uu gobalkeena helayo Matalaad, waxaan ku baaqayaan in matalaaddaas aan Dadka Banaadiriga ah ee xaqa u leh aan lagu faragalin doonin, anaga oo ogol in dadka nala dega aan xaquuqdooda ka siin doonno” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Isbedeldoonka Banaadiriga Md. Axmed C/Casiis Maxamed Almakhzuumi oo shirka ka hadlay ayaa ansixinta xubnaha matalaadda Banaadir ku tilmaamay go’aan taariikhi ah. “Waa taariikh xusid iyo bogaadin mudan, waana maalin taariikhi ah mar haddii dulmigii ahaa in dadka Gobalka Banaadir matalaad la’aantoodii la so oaf jaray, waxaana arrintaas uga mahadcelineynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka Baarlamaanka intaba” ayuu yiri Axmed C/Casiis Ugu danbeyntii waxaa shirkaasi laga soo saaray go’aanada soo socda Bulshada Banaadiriga ee leh Gobalka Banaadir waxay soo dhoweyneysaa go’aanka taariikhiga ah ee xaqa matalaadda gobalka Banaadir, kaas oo Meesha ka saaraya caddaalad daradii siyaasadeed ee ay horey ugu kaceen Madashii Hoggaamiyeyaasha Qaranka ee 2016 go’aamisay in la qadiyo gobalka Banaadir In Xubnaha loo ansixiyey Gobalka Banaadiri ay 50% ay xaq u leeyihiin dadka Banaadiriga, 50% soo hartayna ay wadaagi doonaan dadka la dega gobalka Banaadir. In dhammaan Maamul Gobaleedyada xilliga soo socda ee doorashada ah xaquuqda ka maqan siiyaan guud ahaan beesha shanaad, gaar ahaanna beesha Banaadiri oo degta dhammaan maamul gobaleedyada, Gaar ahaanna Koonfurgalbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Puntland, balse aan wax matalaad ah aan lagu siin, waxaanna codsaneynaa in caddaalad darradaas Meesha laga saaro. Wabillaahi Towfiiq Cumar Shariif Jeeg Guddoomiyaha Golaha Xaq Udirirka Banaadiriga
-
Puntland and Galmudug have agreed to cooperate closely on security, reconciliation, and strengthening the economy, following meetings in south and north of Galkayo. The leaders of the two states planted a peace tree with the formation of commissions working on the implementation of the agreement. Puntland has lost two governors in targeted suicide car bomb attacks in Garowe and Galkayo this year by Al-Shabaab as the state is coping with security. Galmudug has assured Puntland of cooperation on counter-terrorism and boost up the peace and stability with both sides establishing joint police operating in Galkayo town. View the full article
-
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho Dalka ka dhaceysa 2020/2021. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka Dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubna. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho Dalka ka dhaceysa 2020/2021. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka Dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubna. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo horay ay u jireen qeyla dhaan iyo codsiyo ka imanayay madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku aadan in baarlamaanku joojiyo xeerarka iyo sharciyada maalmihii lasoo dhaafay deg deg-ta ay ku ansixinayeen, ayaa waxaa xiisad kale sii abuuray xeerkii u danbeeyay ee baarlamaanka ku meel mariyay madalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka sare 13 xubnood. Ansixinta xeerkaan ayaa muuqata inuu sii kala fogeynayo madaxda dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada oo 22-kii bishaan ku kulmay aalada Internet-ka laguna balamay kulan fool ka fool ah, oo looga hadli doono wixii caqabad ah ee jira. Kullankii 22-kii bisha oo madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ay isla garteen in dib loo dhigo ka doodista iyo ansixinta xeerarka baarlamaanka ka socda, loona xil saaray Madaxweyne Farmaajo inuu hakiyo doodaha seddaxda xeer ee baarlamaanka ansixiyay. Sidoo kale, qodobadoo ay dalbadeen madaxda maamul goboleedyada ee la iska gartay ayaa waxaa ka mid ahaa in dib loo dhigo warbixinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo ugu danbeyntii guddoomiye Xaliimo Yareey ku iclaamisay xiliga ugu haboon ee doorashada qabsoomi karto, tallaabadaasi oo sii hurineysa inuusan qabsoomin shirka madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda. Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxda Puntland iyo Jubaland laga yaabo inay maalmaha ama saacadaha soo socda ku dhowaaqeen inay qaadacaan kulanka uu iclaamiyey Farmaajo shanta bisha July. Waxaa hadda soo baxaya baaqyo iyo mucaarado laga horgeeyay go’aanka baarlamaanka, kuwaasi oo ay wadaan xildhibaano kasoo jeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland, taasoo muujineysa in carqalad ama ay adkaanto doonto inuu qabsoomo shirka madaxweynaha ku baaqay oo la filaayo inuu qabsoomi doono 5 ilaa 6 bisha July. Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ayaa marnaba wax u ogoleyn dadka iyo beelaha Muqdisho dega, taasi oo hadda ay banaanka soo dhigteen, hase yeeshee ma cadda waxa ay sameyn karaan. Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Mogadishu Clan ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal.
-
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dalkiisu uu wajahayo sanadkiisii ugu adkaa sababtoo ah cunnaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19. Xaaladda adag ee uu keenay cudurka Coronavirus ayaa sii xumaysay dhibaatadii dhaqaale ee dalkaasi, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii sanadkii 2018-kii ay quwadaha dunidu la galeen Iran, uuna dib ugu soo rogay cunnaqabateyntii saarneyd Iran. Isniintii la soo dhaafay ayaa lacagta Iran waxa ay gaartay heerkeedii ugu hooseeyay abid marka loo eego doollarka Mareykanka. “Waxa uu ahaa sanadkii ugu adkaa, sababtoo ah cadaadiska dhaqaale ee cadawga iyo cudurkan safmarka ah,” ayuu Rouhani ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinnada. “Cadaadiska dhaqaale ee bilowday 2018-kii ayaa kordhay … maantana waa cadaadiska ugu adag ee saaran wadankeenna qaaliga ah,” ayuu hadalkiisa raaciyey. Iran ayaa la kulantay laba kacleynta kiisaska cudurka COVID-19 iyo dadka u geeriyoodaba tan iyo markii ay xukuumaddu bartamihii bishii April khafiifisay xannibaadihii loo soo rogay xakameynta faafitaanka coronavirus. Tirada maalinlaha ah ee dadka u dhimanaya COVID-19 ayaa dhowaan kor u dhaaftay 100 qof, taasi oo ahayd markii ugu horeysay ee labo bilood gudahood ah ee tirada dhimashada maalinluhu ay heerkaasi gaarto. Ilaa 2,489 oo ah xaalado cusub oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaangeliyey dalkaasi 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee kiisaska Iran ka dhigeysa 222,669, sida ay telefeshinka dowladda u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka, Sima Sadat Lari. Waxay sheegtay in 144 qof ay dhinteen, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 10,508. Goobjoog News Source: goobjoog.com