-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciida carafo oo maalinta berri ah ku beegan Insha Allah. Sidoo kalena wuxu Guddoomiyuhu Bulshada ugu baaqay in laga farxiyo dadka danyarta ah iyo Agoomaha si ay dhammaanteen inoola qeybsadaan farxadda Ciida. dhanka kale wuxu guddoomiyuhu dar-daaran lexejeclo weyn leh u diray dhallinyaradda gawaadhida goboladda dalka u kaxaysata maalmaha Ciida isaga oo uga digay xawaaraha dheer ee gawaadhida lagu kaxeeyo si nafahooda u bad-baadan, halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u diray dalka Turkiga. Sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi Wasiir Faratoon oo dhawaan gaadhay Waddanka Turkiga ayaa la filayaa inuu Wada-hadallo la yeesho Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga, waxaana la filayaa inay Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay Jabuuti marti-gelisay, kaasi oo uu Turkigu ka qaatay dareen taban oo sababay in meesha laga saaro Ergaygii Turkiga u qaabilsanaa Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire Oglan Baker. Waxa kale oo la filayaa in Dawladda Turkigu ay Wasiirka kala hadasho Warar muddooyinkii u dambeeyay ay Warbaahintu faafinaysay oo sheegayey in Masar doonayso in Saldhig Millateri laga siiyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in Masar iyo Turkigu ay si weyn isugu maan-dhaafsan yihiin Arrimaha dalka Liibiya. Socdaalkan Wasiir Faratoon ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay muuqato in isbeddellada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Gobolka iyo Nawaaxigiisu ay saamaysay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa wakiil cusub u soo magacaabaysa Somaliland, kadib markii muddo ka hor la badallay wakiilkeedii u fadhiyay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka dhigan tallaabo diblumaasiyadeed oo ay kaga jawaabeyso xidhiidhka Masar iyo Somaliland. Itoobiya ayaa dhawaan si dhakhso ah usoo magacaabeysa wakiilkeeda cusub, taasi oo ay kor ugu qaadeyso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland oo muddooyinkii dambe u muuqday mid uu hoos u dhacay meeqaamkiisu. Magacaabistan ayaa imaneysa xili ay dhawaan safar ku yimaadeen magaalada Hargeysa wafti ka socday dowladda Itoobiya, oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay dar-dar gelinta xidhiidhka labada dhinac, una sheegay inay si dhakhso ah ugu soo magacaabayaan wakiilkooda. Dib usoo nooleynta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xidhiidh diblumaasiyadeed oo adag. Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku ka dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka. Source
-
Xildhibaan Cabdi Cali oo ka hor-hadlayay Golaha shacabka ayaa sheegay in sharciga la dagaalanka Burcadbadeeda la soo qoray xarunta Xalane ee Muqdisho halkaas oo ay degan yihiin Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay Xildhibaanka in sharciga qeexaya in la soo qabto dhallinyarada Soomaaliyeed uu yahay luuqada ay ku hadlaan shisheeyahaha doonaya in ay xaalufiyaan khayraadka dalka uu leeyahay. “Marka la qeexayo Burcadbadeeda waxa lagu qeexayaa Wiilasheena , laakiin Burcadbadeeda waa kuwa xeebaha dalka u jooga in ay dhacaan kaluunka iyo khayraadka kale ee dalka uu leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu intaas warkiisa uu ku daray in aan indhaha laga qarsan Karin dhibaatada Maraakiibta shisheeyaha ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda Itoobiya ayaa ka digtay in dalka Masar ay Somaliland ka samaysto saldhig milatari oo lagu waxyeelaynayo dalka Itoobiya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti oo u waramay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Masar xaq u leedahay inay xidhiidho la samaysato dalalka gobalka, laakiin aan la aqbali karin in xidhiidhadaas loo abuuro in lagu waxyeeleeyo dal kale oo gobalka ah, waxaanu afhayeenku dafiray in weftigii Itoobiya ee dhawaan socdaalka ku yimid Hargeysa ay daba socdeen dareen ay ka qaateen weftigii Masar ee iyaguna isla bishan Hargeysa yimid. “Dal madaxbanaan ahaan, Masar waxay sharciyad sax ah u haysataa inay xidhiidho la samaysto dal kasta oo gobalka ah.” Ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaas raaciyay oo uu ka digay in xidhiidhada Masar ay abuurayso aan loo samaysan in lagu dhaawaco dal kale, “Haddii joogitaanka gobalka ee Masar uu khatar ku yahay dal saddexaad, taasi maaha mid haboon.” Ayuu yidhi Dini. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray “Arrintan, waxaan u baahanahay inaan haysano tusaalayaal cad cad oo ah waxa socda, waxaan rajaynaynaa inaanay noqon doonin in lagu dhaawaco Itoobiya ama dalalalka kale ee jaarka, sababtoo ah, waa sharci darro, waxaanay ka soo horjeedaa bini-aadanimada iyo nabadgelyada iyo ammaanka caalamiga ah.” Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, wuxuu sheegay in socdaalkii uu wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide Hargeysa ku yimid la xidhiidhin socdaalka weftigii ka horeeyay ee Masar ee Hargeysa yimid, “Waa jadwalo caadi ah oo loogu tallo galay in lagaga wada hadlo xidhiidhka labada geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka, lamana xidhiidho socdaalka weftigii Masar ee booqday Somaliland.” Geeska Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Repeni Poll International, oo ah shirkad caan ku ah qiimaynta dadka sumcadda waanagsan ku leh adduunka, ayaa waxay sii deysay liiska boqolka qof ee qaaradda Afrika ugu caansan uguna sumcadda wanaagsan sanadkan 2020. Liiskan waxaa ku jira 47 haween ah iyo 53 rag ah oo ka kala yimid waaxbo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Hogaaminta, Madadaalo, U doodista, Waxbarashada iyo Ganacsiga. Shuruudaha xulashada ayaa ah daacadnimo, Muuqaal iyo saamayn. Shakhsiyaadka aadka loo jecel yahay ee lagu soo bandhigay liiska waxaa ka mid ah: Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, 2 Madaxweynayaal oo Afrikaan ah, hal Madaxweyne ku xigeen iyo siyaasad-sameeyeyaal. Sannadkan waxaa ka soo dhex muuqday laba hablood oo Soomaali ah, oo kala ah Ilwaad Elmaan, u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha iyo Faadumo Dayib, musharrax hore oo madaxweyne Soomaaliya. Source
-
(SLT-Delhi)-Dowlada Hindiya ayaa dalka Faransiiska kasoo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto xiisadda ka dhaxeysa dalalka China iyo Pakistan. Shantii diyaaradood ee ugu horreeyey ee nooca loo yaqaan Rafale ayaa Arbacadii shalay gaadhay dalka Hindiya oo xiligan dadaal ugu jira inuu casriyeeyo hubka millatarigooda. Wasiirka Difaaca Hindiya Rajnath Singh ayaa bartiisa twitter ku shaaciyey imaanshaha diyaaradahan cusub isagoo intaasi raaciyey in cidda ka cabsi qabto awoodooda ay tahay kuwa iyaga cadowga ku ah! Bilihii lasoo dhaafay ayey sare usii kacday xiisadii u dhaxeysay millatariga Hindiya iyo China, labadaasi dal oo isku heysta dhul, waxaana hore u jiray iskahorimaadyo marar badan dhexmaray millatariga Hindiya iyo Pakistaan oo iyaguna isku heysta gobalka Kashmir. Source
-
Madaxweyne ku-xigeebka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay wasaaradda gargaarka, Hey’adaha deeqaha bixiyo iyo shacabka in laga qeyb qaato dadaallada loogu jiro sidii looga hortagi lahaa webiga shabeelle oo bilaabay fatahaad uu ka samaynayo deegaannada maamulka Hirshabeelle. Madaxweyne ku-xigeenka oo muddooyinkii ugu dambaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in webiga Shabeelle uu fatahaad ka bilaabay deegaanno iyo degmooyin hoos yimaado gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaas oo aan weli ka soo kabsan fatahaadii dhowaan webiga uu sameeyey xiligii Go,a. Madaxda dowladda ayuu si gaar ah ugu baaqay in ay il gaar ah ku haayaan xaalada ku aadan korarka uu samayn karo fatahaadda webiga, kaas oo in badan ku soo laab laabtay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, webiga ayaa waxaa inta badan uu fatahaad uu ka wadaa sedexda gobol ee webiga uu maro ee Hirshabeelle iyo KGS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa facebook-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayay xad-gudubka Villa Somaliya ay kula kacday Cabdicasiis Gurbiye ayaa sheegay in xukunkaas uu qayb ka yahay caburinta saxaafadda Soomaaliyeed Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in xukunkaas uu yahay mid hareermarsan yahay Sharciga isla markaana uu yahay xad- gudub loo gaysanayo warbaahinta Soomaaliyeed. “ Waxaan canbaaraynayaa xarigga loo gaystay wariye Gurbiye iyo Xukunka ka dhanka ah ee lagu dhawaaqay. Labaduba waxa ay qayb ka yihiin xadgudubyada lagu la ka cayo saxaafadda guud ahaan gaar ahaan wariye Gurbiye, waana mid hareer marsan sharciga. Gurbiye waa saxaafi, waxay ahayd in lagu dhaqo xeerka saxaafadda oo ah xeer gaar ah, falka lagu eedeeyayna uu yahay mid la xariira gudashada shaqadiisa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggamiyaha Xisbiga Wadajir. “ Eedeeymaha loo soo jeediyay wariye Gurbiye, waxa ay ahaayeen kuwa isbedbedala, oo la jaanqaada hadba sida ay rabto Madaxtooyada. Ugu horreyn waxaa lagu eedeeyay in uu u gafay sharafta iyo karaamada Madaxweynaha, markii ay culays dareentay Madaxtooyadu waxay eeda u rogtay faafinta warar Been-abuur ah oo qalqal galinaya amniga guud’”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Hoggaamiyaha Wadajir. Intaas waxa uu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Habka loola dhaqmay wariye Gurbiye iyo guud ahaan bahda saxaafadda, ay tahay hab baal marsan Dastuurka qodobkiisa 18-aad iyo shuruucda JFS, waana arrin tusaale cad u ah ayuu yiri in Madaxtooyadu ay u aragto saxaafadda faldanbiyeed haddii aanay ka shaqaynayn danaheeda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kiiska Gurbiye Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-11.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunkii wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafatiraha Goobjoog Media Group,Xildhibaanada ayaa sheegay in xukunkaasi yahay awood sheegasho iyo Caburin xorriyadda hadalka ah. Xildhibaan Maxamed Ganey ”Sharciga Dalka ayaa ogolaanaya Xorriyadda hadalka sidaas oo ay tahayna caburinta saxaafadda ayaa ka socota Xafiiska Madaxwaynaha” Xildhibaan Beenebeene ”Wariye Gurbiye qof soo dacweeyay lama yaqaan hadana waa la xukumay waa layaab” Xildhibaan Sacdiya ”Madaxwaynaha wuxuu ka been sheegay balan qaadkiisii ahaa xorriyadda hadalka, gurbiyana sharci darraa lagu haystaa” Xildhibaan Caananuug ”Xukun Sharci darro ah ayaa lagu riday wariye Gurbiye” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona looga hadlay xaaladda guud ee dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle oo si kooban uga warbixiyey kulanka uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxlada kala guurka ah ee uu xilligan marayo dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isla soo qaadeen arrimaha HirShabelle, gaar ahaan wax ka qabashada fataahadaha ku soo noq-noqday deegaanada maamulkaasi. Dhankiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo qeyb ka ahaa kulankaasi ayaa warbaahinta u ku yiri “Madaxweynaha JF, aniga iyo gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle waxaan ka wada sheekeysanay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is-bedalkii dhowaan dhacay. Si kastaba ha’ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo magacaabida ra’iisul wasaare cusub, kadib kalsooni kala noqoshadii R/wasaare Khayre ayaa haatan wada wada-tashiyadii u dambeeyey ee magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
-
Kulankan oo looga hadlayey arrimaha ammaanka Kaaraan ayaa xalay lagu qabtay xarunta degmadaasi oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayeen falal amni darro. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ka qeyb-galay kulanka oo lagu gorfeeyey amniga. Abshir Kaaraan oo ah guddoomiyaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska qeybta bari Khaliif Cabdulle Maalin ayaa si wadajir ah u cadeeyey in amni darada ka jirta Kaaraan ay caqabad ku tahay hormaro ay degmadaasi ku tallaabsan laheyd. Sidoo kale waxgaradka meesha ka hadlay iyo siyaasiyiinta ayaa xusay inay muhiim tahay in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi kala duwan. Ugu dambey guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Kaaraan inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago shaqsiyaad uu sheegay inay dhibaato xoogan ka wadaan gudaha degmadaasi. View the full article
-
Xurunta degmada Kaaraan ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayey amniga degmada, gaar ahaan sidii looga shaqeyn lahaa arrimahaas, maadaama Kaaraan ay ku soo batadeen kooxo hubeysan oo shacabka degan dhac u geysta . Kulanka ayaa waxaa ka soo qeryb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Cumar Filish, xildhiobaanno labada goleah, saraakiil ka trsan ciidamada qalabka sida iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulan amniga looga hadlayey oo lagu qabtay Degmada Kaaraan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shaqsiyaadka danaha gaar ah ka leh ee degmada kuwaas uu ku tilmaamay qaswadayaal. Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Karaan ayaa muddooyinkaan waxaa ay ka cabanayeen amini darro ay sheegeen in ay degmada ka jirto, xiliyada qaar siiba habeenkii, kuwaas oo lid ku ah amniga iyo xasiloonida degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay digniin ku socota Kalluumeysatada ku nool deegaannada Maamulkaas, iyada oo looga digayo waxyeelo kasoo gaarta dabeylaha laga cabsi qabo inay dhacaan. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo gudaneysa Waajibaadkeeda ay uga digeyso Kalluumeysaatada dabeylaha uu wato roobka xagaagada ee ka da’aya dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay Badda gar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed. Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Roobka dabeylaah wata ee ka da’aya dalka ay sababtay in Badda deegaannada koonfur Galbeed ay ku geeriyoodaan 6 Ruux sidoo kalena la la’yahay 13 doomo Kalluumeysi. ”Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumeysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku wargelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga digtay Doomaha yar yar ee Ganacsiga ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo Dhalinyarada aada Xeebaha inay Badda galaan. Amaradan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawan doon ku rogmatay Xeebta Magaalada Marka ay dad ku dhinteen kuwo kalena la la’yaha View the full article
-
Maalayiin xujey ah ayaa maanta oo arbaca ah taagan Buurta-Carafa si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee acmaasha Xajka. Marka ay qoraxdu dhacdo ayaa xujeydu ay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda. In kastoo wali uu jiro in sanadkan saamey uu ku yeeshay COVID-19 hadana waxa jira muslimiin badan oo gudanaya maanta acmaasha xajka. Xujeyda Sanadkan 2020 ayaa lagu soo koobay 10 Kun oo Ruux, kuwaas oo ka imaanaya Gudaha dalka Sacuudiga sababo la xiriira Coronavirus. Waxa sidoo kale maanta soomaan muslimiin badan oo caalamka ku nool , iyadoo maalinta beri oo Jimca ah ay ku began tahay maalinta Ciidul -Adxa. Magaalooyin badan oo Soomaaliya ah waxa ka soconaya diyaargarowga dadka ay ugu jiraan maalinta Ciidul-Adxa , waxana suuqyada dalka ku sugan dadwayne doonaya in maalintaas ay u dabaal-degaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
DF Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jilib
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay ku fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala eegtay xero ciidan oo ku taalla meel u dhow degmada Jilib ee gobolkaasi. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale lagu dhaawacay mid kale. “Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda federalka Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska qeybta bari, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin oo xalay ka hadlayey kulan lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ayaa ka warbixiyey dhibaatooyin amni darro oo ka jira gudaha degmadaasi. Khaliif ayaa sheegay in amniga Kaaraan uu faraha ka baxay, islamarkaana ay dhibaatooyin ka geystaan maleeshiyaad hubeysan oo wata dareeska ciidanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Kaaraan ay ka dhacaan dhacdooyin xanuun badan, islamarkaana amni xumada ka jirta ay gaartay heer Bac la’isku dhalaaliyo. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay in wax laga qabto amniga degmadaasi, si looga hortago dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka. “Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo,waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada.” ayuu yiri taliye Khaliif. Hadalkan ayaa taliyaha Booliska qeybta bari, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin wuxuu ka sheegay kulan amniga Kaaraan looga hadlayey oo xalay ka dhacay xarunta degmadaasi, kaas oo uu ka qeyb-galay guddoomiyaha gobola Banaadir, Cumar Filish. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa ay qeylo dhaan ka soo yeereysay dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmadaasi, kuwaas oo ka cabanayo amni darri soo wajahday.
-
Dowladda Maraykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn diyaaradeed oo Ciidamada Maraykanku ay Shalay ka fuliyeen nawaaxiga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in Duqeyntaas ka dhacday Jilib lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. Qoraalka waxa lagu xusay in hal xubin oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Duqeynta halka mid kalena lagu dhaawacay islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray cid rayid ah. Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay in Duqeynta lagu dilay dagaallame ka tirsan Al-shabaab halka mid kalena lagu dhaawacay balse waxay xustay in ay qiimayn ku samayn doonaan haddii dad rayid ah wax ku noqdeen. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyn uu ka fuliyay Degmada Jilib appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-30072020.mp3 View the full article
-
Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib u dhis ku sameysay Shirkada Hormuud ayaa lagu qabtay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho Sii hayaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray, iyadoo ay wehlinayiin qaar kamid ah golaha wasiirada Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah mas’uul katirsan Shirkada Hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uu soo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid-19. Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliay Drs Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay Shirkada Hormuud kaalinta ay kaqaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka Raiisul wasaaraha dalka oo xariga ka jaray Isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayo Covid-19 islamarkaana ay dib u dhis ku sameesay shirkada Hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso, wuxuuna tilmaamay dhismahaan Isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay Shirkada Hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid-19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah. Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoo loo dhisay qaab casri ah, waxaana dhistay Shirkadda dhismaha ee Buruuj. Sawirro: View the full article
