Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dubai, United Arab Emirates (AP) -- Masked pilgrims arrived Thursday at Mount Arafat, a desert hill near Islam’s holiest site, to pray and repent on the most important day of the hajj, the annual pilgrimage in Mecca in Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  2. Tiro koob ay ka sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xanuunka Coronavirus ay u dhinteen dad kor u dhaafaysa 100 qof. Barnaamijka Baaritaanka ee BBC Africa Eye ayaa ogaaday in dadka korona ugu dhintay Soomaaliya ay ka badan tahay midda Dowladdu ay shaacisay. In ka badan 2000 qof ayaa Barnaamijka BBC Africa Eye uu sheegay in fayraska Covid-19 ugu dhinteen Soomaaliya. Weriye Jamaal Muxumed Cusmaan oo diyaariyay Barnaamijka ayaa u sheegay Goobjoog TV in aad loo fududeystay xaalada dhabta ah ee COVID-19 ee Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinaca Skyp-ka Uu Wariye Jamaal Siiyay Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Waxaa suuqyada magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa lagu iibiyo Xoolaha Nool laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo ku aadan munaasabadda Ciidul-Adxaa. Sidoo kale suuqyada lagu iibiyo dharka iyo goobaha mac-macaanka ayaa ah kuwo aad u mashquul ah. Wariyaha Shabelle, Filsan Cabdiraxmaan Duceysane ayaa warbixintan ka diyaarisay diyaar garowga Ciida. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/wa.mp3 View the full article
  4. Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo ku beegan Khamiis 30 July 30, 2020 si rasmiya u soo xirmay. Kulankii Maanta oo Ajandihiisu ahaa Dib u-eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, waxaa Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame. Dib u-eegista Xeerkaas oo uu soo gudbiyay Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada, ayaa loo qaybiyay Mudanayaasha Baarlamanka, si ay u soo akhriyaan, islamarkaana looga doodo Kalfadhiga soo socda ee 47-aad. Xeerka Isgaarsiinta Puntlan,d oo ay Xildhibaannada Golaha Wakiiladu ansixiyeen 11 December 2007-dii, ayaa Guddiga joogta ah ee Golaha Wakiilladu, waxay 1January 2020 ogolaadeen in Dib u-eegis lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo soo xirmay appeared first on Puntland Post.
  5. Ma Ogtahay Muwaadin Ma ogtahay in Gudoomiye Jawaari xilkiisa ku waayay hadalkaan ama aragtidaan toosan : Gudoomiye Jawari waa qofkii ugu horeeyay ee fahmay Madaxweyne [...] The post Daawo.. Ma ogtahay in Gudoomiye Jawaari hadalkan xilka looga tuuray appeared first on . Source
  6. Muqdisho waxa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo loogu xusul duubayo Xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya markii meesha uu ka baxay Ra’iisulwasarihii hore Xasan Cali Khayre. Kulamadan ayaa ah kuwo xiligan meel adag oo xasaasi ah maraya waxana Hotelada iyo guryaha ay degan yihiin siyaasiintu si is-daba jooga ah uga dhacaya shirarka looga hadlayo xilka Ra’iisulwasaarnimo. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maalmo ka hor soo gaaray magaaalada Muqdisho , Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka mid ah madaxda kulamada qaarkood ka socda Muqdisho kaalin wayn ku leh. Xalay Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay kulan Duqa Muqdisho uu la qaatay , beelaha dega gobolka Banaadir si ay isugu raacaan shaqsi ay isku raacsan yihiin , waxa sidoo kale isla Muqdisho ka qabsoomay kulan kale oo Madaxwaynaha Galmudug uu la qaatay siyaasiinta Galmudug kaas oo looga hadlayay xilka Ra’iisulwasaarnimo oo loolanka loogu jiro aad u adag. Si kastaba kulamadan ayaa la ogayn ilaa iyo hadda natiijada ka soo bixi doona kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu doonayo xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (PP News Desk) — The recent visit of an Egyptian delegation to Somaliland raised Ethiopia’s suspicions that Hargeisa might offer Cairo a naval base. Dina Mufti, Spokesman for the Ethiopian Foreign Ministry, cautioned against a possible Egyptian military base in Somaliland with the aim to damage Ethiopian interests. Dina Mufti: “As a sovereign country, Egypt has a legitimate right to create relationships with any county in the region.” “As a sovereign country, Egypt has a legitimate right to create relationships with any county in the region. If Egypt’s intent to have a presence in the region would be a threat to a third country, that won’t be appropriate,” Ambassador Dina Mufti, told the Nairobi-based Daily Nation. Ambassador Mufti denied that the recent visit to Hargeysa by the Ethiopian Finance Minister related to “concerns over Egypt’s plan.” Somaliland declared itself an independent republic in 1991. The Federal Republic of Somalia, which retains sovereignty over Somaliland, welcomed the Grand Ethiopian Renaissance Dam seen by Egypt as encroaching upon its Nile water rights. The Somaliland foreign policy is navigating uncharted waters. The self-proclaimed republic formed diplomatic ties with Taiwan, prompting a meeting between the Chinese Ambassador in Somalia and President Mohamed Abdullahi Mohamed of Somalia, who assured the Chinese diplomat that Somalia respects the sovereignty of People’s Republic of China. © Puntland Post, 2020 The post ETHIOPIA FAZED BY EGYPTIAN DELEGATION’S VISIT TO SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
  8. Waxgarad kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha guud ee Astaan TV. Odayaasha ayaa sheegay in Cabdimanaan uu yahay ganacsade ,xaqna uu u leeyahay in howlihiisa ku baahiyo meel kasta oo dalka ah. Waxa ay sheegeen in ay helaan war ku saabsan in qaab salka ku haya qabiil lagu xiray agaasimaha Astaan TV isla markaana ay soo abaabuleen ganacsato ka mid ah kuwa Somaliland. “Ma jirto dambi ay tuhmayaan oo uu galay Cabdimanaan Yuusuf waxana rabnaa in la sii daayo muwaadinka mudada ku xiran magaalada Hargeysa ee Somaliland”ayay ku sheegeen kulankooda oo ka dhacay Muqdisho. Halkan Ka Daawo Odayaasha Dhaqanka Oo La Hadlay Warbaahinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay cisbitaalka Banaadir,isla markaana loogu talagalay karaantiilka nuucyada cudurada qatarta ah sida COVID-19 iyo kuwa kale. Sii hayaha Ra’iisul Wasaarah oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ka mahadcelisay dadaalka shirkadda Hormud ay kaga qeybqaadatay dhismaha iyo qalabeynta Cisbitaalka Banaadir Qeybta Karaantiilka cudurada sida COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad. View the full article
  10. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona looga hadlay xaaladda guud ee dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle oo si kooban uga warbixiyey kulanka uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxlada kala guurka ah ee uu xilligan marayo dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isla soo qaadeen arrimaha HirShabelle, gaar ahaan wax ka qabashada fataahadaha ku soo noq-noqday deegaanada maamulkaasi. Dhankiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo qeyb ka ahaa kulankaasi ayaa warbaahinta u ku yiri “Madaxweynaha JF, aniga iyo gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle waxaan ka wada sheekeysanay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is-bedalkii dhowaan dhacay. Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo magacaabida ra’iisul wasaare cusub, kadib kalsooni kala noqoshadii R/wasaare Khayre ayaa haatan wada wada-tashiyadii u dambeeyey ee magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. View the full article
  11. Ethiopia on Monday warned Egypt against establishing any military base that would pose a security threat to the East African region. Source: Hiiraan Online
  12. Waxaa aad u batay hadal haynta cidda Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabi doono in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Arrinkaas waa mid aan aad ula yaabay!! Maxaa yeelay arrinku ma aha mid mudan in aad loo sheeg-sheego oo lagu mashquuliyo ra’yul caamka bulshada. Arrinku ma mudna in la wad-wado dhawr sababood awgood: 1 – Ra’iisul Wasaarihii la riday sifo sharci ah laguma ridin oo Baarlamaanku arrinkaas waa mid uu ku gabood falay, Villa Soomaaliyana waa wax cad in arrinkaas ay ka dambaysay, sidaas darteed midka ay keenaan wax qiimo ah kuma fadhiyo mana xalooloobayo, oo waa halkii Soomaalidu ka oran jirtay: Hal booli ah Nirig xalaal ah ma dhasho. 2 – Qofka la soo magacaabi doono waa la wada ogyahay in uu noqon doono mid maqaar saar ah oo loogu tala galay oo kaliya in lagu carqaladeeyo shirkii Dhuusamareeb ee loo ballan sanyahay. 3 – Qofka iman doona waa mid sidoo kale la doonayo oo kaliya in caqabad taagan looga tillaabo, oo Madaxweyne Farmaajo ayaa si khalad ah isu fahamsiiyay in uu dadka ku jah wareeriyo oo khladkii dhacayna dhammaan Khayre dusha u saaro, isaguna muddo laba sano ah xukunka fidsado, Baarlamaankana into kale u yabooho. Marka aan sidaas leeyahay macnaheedu ma aha in aan Kheyre difaacayo ama aaminsanahay in Kheyre uu ahaa siyaasi fiican. Maya…maya…maya Kheyre marna ma ahayn nadiif!! Waxa uu ka mid ahaa qayb weynna ka qaatay oo ka soo shaqeeyay siyaasdihii qar iska xoornimada ahaa ee ku salaysnaa la dagaallanka maamulada maxalliga ah ee Soomaaliya ka jira, taasina waxa ragaadisay guud ahaan horumarkii dalka uu gaari lahaa, waxaana faraha ka baxay aminigii qaranka, waxaana muddadii uu joogay xoogaystay nabad diidkii. Kheyre waxaa gawracay raggiisii oo waxaa dhabarka ka toogtay raggii ay wax wada jilaafeyn jireen. Laakiin aniga iyo inta ila midka ahba cidda ay difaacayaan waa qawaaniinta iyo sarreynta sharciga. Waa dhibaato aad u weyn in dhibkii dhacay oo kaliya laga doodo oo aan in yar mooyee la soo hadal qaadin dhibKa dhacay inta uu le’eg yahay iyo waxa keenay. Waa in laga hadlaa qalaalasaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ka dhacay cidda mas’uulka ka ah, waana in lagula xisaabtamo dadka geystay. Dhibkii meesha ka dhacay ma aha dhib Kheyre kaliya uu dhibbane ka ahaa, ee waa dhib Soomaali oo dhan soo gaaray. Waxaa dharaar cad lagu tuntay oo lagu xad gudbay sharcigii dalka oo tusaale ahaan: 1 – Riddidii dawladda sifo sharci ah looma marin oo dawladda wakhti ay isku difaacdo lama siin. Waa la boobsiiyo oo si (Gangster) nimo ay ka muuqato ayaa loo majo xaabiyay dawladda. Sidoo kale ajandaha shirka ee maalinkaa ee hore loo gudbiyay kuma jirin in Xukuumadda codka kalsoonida loo qaadayo!! (Ciddii doontaa abaabulkiisa ha ka dambeysee khaldkaas waxaa dusha u ridanaya oo ku suntan (Mursal & Muudeey). 2 – Ra’iisul Wasaaruha sida sharciga noo qoran ku xusan markii si sharci ah lagu rido ka dib waxa uu xaq u leeyaahay in dawladdiisu ay sii shaqayso si ku meel gaar ah inta Ra’iisul Wasaare cusub oo xilka kala wareega laga soo magacaabayo. Eeg (Qodobka 103) (Khaladkaas waxaa iska leh ninkii la rabay in uu sharciga ilaaliy oo ah Madaxweynaha). 3 – Isla maalinkii la riday Ra’iisul Wasaaruha ayuu Madaxweynuhu magacaabay Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah, kaaga darene waxaa xog hayn looga dhigay wiil ay Madaxweynaha hayb wadaag yihiin oo xafiiskiisa Agaasime ku xigeen ka ahaa. (Taasi sharci ku tumasho ka sokow, waxay u muuqataa in Madaxweynuhu doonayo in labada xafiisba uu isaga maamulo). Haddaba, dadka intii ay isku mashquulin lahaayeen cidda iman doonta waxaa ka habboon in ay ku mashquulaan sidii looga hadli lahaa Ra’iisul Wasaaraha habkii khaldanaa ee loo tuuray. Yaa fikirkeeda lahaa? Yaa ka dambeeyay in si sahal ah loo rido? Yaa gacan ka geystay?. Si sharfteenna aan loogu tuman waa in aan gacan adag ku qabannaa oo la xisaab tannaa dadka sharciga ku tumanaya oo amniga dalkan khal-khalka galinaya. Waa dhibaato in maalin walba nin aan mus’uul ahayn, laaluush ku yimid, waddaniyad ka qaawan oo laga yaabo in carruurtiisii iyo reerkiisiiba ay Turkiga, Qadar, Malaysia ama Imaaraadka ku nool yihiin in uu dalkan khal-khal siyaasadeed geliyo. Khal-khalka siyaasadeed waxa uu dhalayaa mid amni, dalkeenuna maanta uma baahna in uu dib ugu laabto dagaalladii sokeeye ee Ilaahay na soo dhaafsiiyay. Sidaas darteed waa lama huraan in laga fal celiyo oo la dalbado wixii dhacay in si sahal ah aan looga gudbin ee khladka dhacay waa in meel saaraa. Waa in Maxamed Mursal, Cabdiwali Muudeey & cid walba oo ay lugaha la gasho la maxkamadeeyo goorta ku habboon si kuwa ka dambeeya aanay arrinkaas oo kale ugu dhiirran. Abdirazak Muse Hersi – Waxaad kala xiriiri kartaa hersimuseabdirazak@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Xildhibaannada golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta isugu yimid Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha , uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha wakiillada maamulkaasi Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha . Xildhibaannada golaha wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta maamulkaasi oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007. Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa golaha wakiillada Punland ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta golaha wakiillada go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada. Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3 Mudane. Dhinaca kalena, waxaa si rasmi ah uu Gudoomiyaha Golaha Wakaalada usoo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland kaas oo soo socday illa June 15, 2020. Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Punland ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. THURSDAY JULY 30 2020 By MICHAEL CHAWE Lusaka Zambia President Edgar Lungu has sacked a Cabinet minister for appearing in a leaked nude video that [...] The post Zambia’s education minister sacked over viral sex video appeared first on . Source
  15. One unavanishing truth is that the devolution of health by the architects of the constitution was supposed to rewrite the story of the entire health sector from a near-gloom to a robust tailored perfect fit to the endemic health pitfalls at the grassroots. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-300720.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ciidal Adxa awgeed hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland iyo Shucuubta Islaamka. Dhan kale madaxweynuhu waxa uu ka hadlay qabsoomida doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun-baalmarsan sharciga ku rida Wariye Cabdi Casiis Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog, isaga oo markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xukun lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah ayay Maxkamadu ku xukuntay Tafaftiraha Goobjoog ,sheegtayna in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan faafinta Warar been abuur ah. Go’aankan Maxkamada waxa durbadiiba ka gil-gishay ururada saxaafadda , kuwo xuquuqda aadana oo sheegay in falkaas uu yahay mid lagu caburinayo warbaahinta madaxbanaan ee markii horeba ku shaqaynaysay marxalad adag. Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab ayaa sheegay in xukunka maxkamadu ay gaartay uu yahay mid siyaasadeysan marka loo eego sida loo bedbedlayay qodobada lagu soo eedeyay Weriyaha. ‘‘Xukunka maxkamada ee Gurbiye oo ah mid sharci aan ahayn waxa daba-ka riixaya xafiiska madaxweynaha ,Garsoorkuna ma ah mid madaxbanaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab. Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in cadaalad darro uu yahay xukunka lagu riday Wariye Gurbiye, isla markaana dhowr jeer la bedalay Eeda loo soo jeediyay Wariye Gurbiye. “Sababaha dalka ay uga cararayaan Weriyayaasha waa iyaga oo ka cabsi qaba waxa maanta ku dhacay Weriye Gurbiye , haddii aan wax laga qaban dhibaatada Garsoorka oo aan la madaxbanaaneyn waxa dhici doonta in Weriyayaal badan dalka ka cararaan” ayuu sheegay Cabdalla Axmed Muumin. Xoghahaya Guud ee ururka isu-taga saxaafadda Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in falka lagula kacay Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu tusaale u yahay dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee lagu hayo saxaafadda Soomaaliyeed waayadii dambe. “Waxa aan ixtiraameynaa go’aanka Maxkmadda Gobolka oo ah hey’ad sharciyadeed ,laakiin waxa aan aad uga xunnahay in weli wariyayaasha Soomaaliyeed loo adeegsanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo 1964tii soo baxay kaas qodobadiisu ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karin waqtiga aan maanta joogno ”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xoghayaha ururka suxifiyeenta FESOJ. Xeer-ilaalinta ayaa saddex jeer bedeshay dacwadda Gurbiye lagu soo oogay, oo markii horey ahayd Sharaf-dil Madaxweyne, iyadoo markii dambe laga dhigay faafinta warar been abuur ah. Tan iyo markii uu Farmaajo xukunka la wareegay February 2017, waxaa sii kordhayay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-banaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Kuu Soo Koobaysa Sheekada Weriye Gurbiye https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-gr.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxa ay maalgelisay Mac-hadka Horumarinta iyo u Adkeysiga aafooyinka ee SADAR iyadoo kataageereysa Mashruuca u Awoodsiinta dadka Hawlgalka xakameynta Ayaxa/Anyaxa ee Soomaaliya. Mashruucaan ayaa la fulinayaa iyadoo gacan laga helayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo Wasaaradaha Beeraha ee dhammaan 5ta Gobol ee Soomaaliya. Hadafka mashruuxan aya ah in la kubciyo cilmiya ladagaalan ka ayaxa/anyaxa. 360 ka-qaybgalayaal oo laga so xulay Shanta Dowlad-goboleed ayaa lagu tababbaray farsamooyinka xakameynta ayax; Ayax Doogsi ecology iyo bayoolaji, Habka sahaminta iyo Bayoolajiga, kaydinta sunta cayayaanka iyo haanta qashinka, qiimaynta saamaynta deegaanka ee hawlgalka buufinta anyaxa iyo Daaweynta iyo tijaabinta codsadayaasha sunta cayayaanka. Mashruucu wuxuu sidoo kale qabtey ololaha wacyi gelinta bulshada farsamooyinka xakameynta ayaxa/anyaxa. Wacyi galinta aya laga qabtey 164 tuulo oo ku yaal 5ta Gobol ee Somaaliya. 6000 oo qof ayaa ka faa’iiday wacyi galintaan. Iyada oo la tixgalinayo masiibada hadda jirta ee Covid-19 oo saameysay dalka, SADAR waxay si firfircoon uga khafiifiyayn tababarada iyo kulamada bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Horyaalka Somalia Premier League 2019-2020 ayaa maraya heer gabo gabo ah waxaana 10 koox ee ka qeyb galaysa u haray min 18 kulan,iyadoo loolanka ugu badan uu u dhaxeeyo kooxaha Heegan Muqdisho City Dekedda iyo naadiyada kale ee kaalamaha hore ku jira horyaalka Soomaaliya 2020. Saddexdii sano lasoo dhaafay waxaa horyaalka Somalia Premier League hananyay naadiga Dekeddaha ee hogaamiyo macallin Yuuusf Cali Nuur,balse sanadkan 2020 Dekedda waxa ay la kulantay loolan adag. Muqdisho City Club oo sanadkii kowaad ku ciyaaraysa magaca Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa u muuqata mid u soo dhawanaysa hardanka hanashada horyaalka Somalia Premier League,tan iyo kolkii ay qaateen magacan bishii Novermber 2018. Hogaamiya naadiga Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed oo ka soo jeeda Wadanka Tunisiya ayaa hadii uu ku guulaysto horyaalka Somalia Premier League noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Tinisiya ee hanata horyaalka Soomaaliya wuuxuuna iminka Muqdisho City Club maamualay mudo sanad,isagoo jagadan ka badalay Hussein Mvlangu Hassan oo ka soo jeeda Dalka Uganda. Sidoo kale tababre Lamjed sanadkii la soo dhaafay waxa uu MCC soo gaarsiiyay kama dambeysta tartanka Jeneraal Daa’uud,inakstoo guusha iyo koobka ay qaateen xidigaha naadiga ciidanka xoogga. Loolanka dhinaca gool dhalinta horyaalka waxaa ku xifaaltamaya ciyaaryahanada dalka iyo kuwa ka soo jeeda Wadamada Bariga Africa,balse gofeeyaasba ciyaaraha ayaa qaba aragti ah in sanadkan ay u badantahay in uu ku guulaysano karno gool dhaliyaha naadiga Muqdisho City Club Feysal Xaashi. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xogta Horyaalka Somalia Premier League https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/WHATS-UPP-HOR.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid xubnaha mucaaradka, islamarkaana ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku soo taagay xilka ra’iisul wasaarenimo, kadib markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Khayre. Cosoble oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Ilays ayaa haatan bilaabay olole xoogan oo uu ugu jiro, sidii loogu magacaabi lahaa xil-ka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu duubabka dhaqanka Beesha Mudulood u soo bandhigay damaca uga jiro kursigaasi, si ay ula raadiyaan. Go’aanka Cabdqaadir Cosoble oo mucaarad weyn ku ahaa madaxda dowladda ayaa dad badan lama filaan ku noqday, balse lama sida ay ugu dhalatay arrintan, maadaama saaxibadiisa ay si weyn uga soo horjeedaan dowladda federaalka iyo muddo kororsi. Mr. Cosoble oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa horey isugu soo sharraxay xil-ka madaxweynaha Soomaaliya 2017-kii, gaar ahaan doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Tan markii Sabtidii xilka laga tuuray Xasan Cali Khayre, Soomaaliya ayaa gashay is-bedal siyaasadeed, iyada oo ay beesha caalamka dhankeeda soo saartay digniino culus. Si kastaba ha’ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada wada-tashadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo hada saadaalino kala duwan laga bixinayo.
  22. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo loo qalabeeyay si casri ah. Wasaaradda caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir. Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn. Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Labadii xaq darro ku heshiisa, Xaqay ku dagaalaan! Sida uu isaguba sheegay ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre 1247 casho ayuu ahaa ra’iisal wasaaraha dalka, Xasan markii uu ka hadlayay go’aankii sida sharci darrada ahaa looga qaaday xilka kama aysan muuqan innaba ha yaraatee arrintu inay kedis ku ahayd, waxaa sidoo kale aan dhib weyn ku hayn in si qaynuunka aan waafaqsanayn isaga iyo xukuummaddiisiiba xilkii looga tuuray, wuxuuna si aad moodo inuu calool adayg ka raadinayo ku celceliyay “Anigoo og… Anigoo og… Anigoo og…Anigoo og inaanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana, waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay!…. Anigoo dhowraya midnimmada ummadda iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato yaan uga turay shacabka Soomaaliyeed…” Calaacal!… Qaadan-Waa!… Iyo Manno sheegasho aan run ahayn! Xasan Kheyre nin dhallin-yaro ah ayuu ahaa mana ahayn lagamana filayn nin da’diisa ah inuu naftiisa ka lixo jeclaysanayo dadkiisa iyo dalkiisa!…Dhallin-yarradu caado ahaan naf-jeclaysi dhaqan uma laha, ummad kastana waxa ay u baxsato maalinta ay yaabto waa dhallin-yaradeeda, waxa ay ku faanto oo ay ku seexato waa dhallin-yaradeeda! Laakiin ra’iisal wasaarihii hore dabeecaddiisa aad bay uga duwanayd middii lagu barta dhallin yarada da’diisa ah oo iyaga magaca ka raadiya inaan asaaggood dadkooda iyo dalkooda gumeysan, oo iyaga magac ka raadiya inay dadkooda iyo dalkooda wax kasta u huraan kana hormariyaan wax kasta hadday doontaba naftooda ha ku kacdee, hasa yeeshee Khayre iyo kuwo badan oo golihiisa wasiirrada ah ma lahayn dhaqankaas, waxayna iloobeen inay taariikh qormayso, waxayna garan waayeen in waxa lagu aaminay ay tahay ummad dhan aayaheedii, ummad iyaga ka sugaysa samata bixin oo ku faraxsanaan lahaa inay helaan hoggaamiye oo ku abaal sheegta oo qaranimmadoodii u soo cesha… maxaase ku dhacay? Wax kasta oo ku dhacay Kheyre doqonimo ayeey u ahayd inuusan filanayn, run ahaantiina waxaa ku dhacay wixii uu mudnaa, waxaan ceeb ku ahayd khudbaddii uu jeediyay iyo siduu isla markiiba u dareemay in keligiis banaanka ka yahay xayndaabka xulufaysiga ka dhex bilowday siyaasaddii uu hoggaankeeda ka midka ahaa. Xasan ma ahayn inuu isku xiijiyo oo uu jeediyo khudbaddii quruxda badnayd isagoo waliba isku tilmaamaya dhammaan sifayaashii uu sida cad u baal maray ee laga rabay inuu ku shaqeeyo ka mas’uul ahaan, sifayaashii laga rabay inuu tusaale ugu noqdo golaha xukuumadda laakiin uu ka weeciyay… Nin kasta gallad aan lagu arki jirin intuu xilka joogay buu dadka ugu mano sheegtaa marka balo ka xoog-weyn oo uu shirko la ahaa ay ka tuurto xilkii uu huwanaa! Kheyre shaqada uu dalka u qabtay ee uu ku faanayo ma waxay noqotay mushaar baan shaqaalaha iyo askarta siiyay!…ma waxay noqotay inuu ku faano xaqa uu qof muwaadhin ah shaqaystay?!… haddii ay sidaas tahay isagaba mushaar buu qaadanayay ee mushaarkiisa inuu qaadanayay muu ku faano?!… Ninka u xusul duubaya xilka ra’iisal wasaaranimmada dowladda hadda jirta… Bal macnee? Marka la fiiriyo muddadaas 1247-ka casho ah ee uu Kheyre ra’iisal wazaaraha ahaa isaga iyo madaxweyne Farmaajo waxay ka wada shaqayniyeen sidii ay muddo dheer dalka u xukumi lahaayeen, si taas loo suuro geliyana wixii u horeeyay ee ay ku dhaqaaqeen waxay ahayd sidii ay u burburin lahaayeen dowlad goboleeddada, waxayna xoogga saareen sidii ay nidaamka federaal-ka ah ay ugu bedeli lahaayeen nidaam awooddu ku urursantahay gacanta dowladda dhexe oo waliba awooddiisu u dhowdahay ama ay la mid tahay tii Kacaankii Siyaad Bare. DHammaan marka aad fiirisid socdaalladii uu ra’iisal wasaarihii hore ku tagay maamul goboleddada dalka waxay iyagana salka ku hayeen olole iyo isku day uu ku raadinayo sidii riyadaas dhab looga dhigi lahaa, iyadoo laga bilaabayo in marka hore la bedelo madaxweynaha dowlad-goboleedkaas laguna bedelayo mid ay iyaga keensadeen oo si tartiib-tartiib ah looga xayuubiyo awoodaha siyaasadeed iyo is-maamul ee uu dastuurka federaal-ka siiyay dowlad-goboleeddada. Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre maalin keliya kama fekerin barnaamijkiisana kuma jirin inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiin guud iyo sidii dadka Soomaaliyeed loo midayn lahaa!… Kheyre uma uusan dhaqmin sidii mas’uul xilka u qabtay dalkiisii oo burbur ka soo kabanaya, oo dadkiisii la kala dilay, oo colaado iyo cadaawad laga dhex abuuray oo wali ay ka dhex shaqaysanayaan dalal shisheeye oo dantooda ay ku jirto inuu dalku waligiis sidaas ahaado ee wuxuu u dhaqmay si aad uga hooseysa hankii loo qabay…Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsanaa golaha wasiirradiisa waligiis ma dhegeysan talo uu soo jeediyay qof iyaga ka mid ah, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa nin isla weyn oo cannaadi ah oo aan lala shaqayn karayn, isla markaasna aan golaha wasiirrada saaxiibo ku lahayn. Ra’iisal-wasaarihii hore Kheyre ma inuu khayraadka dalka dano shakhsiyadeed aawgood u xaraashayay… Ma inuusan ka hadlin xad-gudubyadii ay Itoobiya ku samaysay dalka xudduud ahaan iyo khariidad ahaanba… Ma inuusan marna ka hadlin xad gudubyada Kenya ee biyaha Soomaaliy iyo xad gudubyada joogtada ah ee ay ka wado xudduudda labada dal… Ma inuu doorashooyinkii maamul-goboleeddadu qabsan lahaayeen af-duubay… Ma inuusan ka hadlin colaadda gobalka Gedo uu madaxweynaha ka abuuray!… Ma inuusan xaqiiqda ka sheegin khataraha maalin kasta dalka soo wajahaya ee uga immanaaya dalaka shisheeyaha ah ama sidaas ay saaxiib kula yihiin… Abaalka uu sheeganayo ma sidaas baa?! Abaal buu sheeganayaa laakiin isaga iyo kooxda uu ka tirsanaaba maxkammad in la hor keeno baa waajibku ahaa!…Xijaaj bin Yuusuf baa sidii looga eed sheeganayay markii wiilkiisa la arkay (wiil ma lahaynee laakiin maahmaahdaa ku baxdayee) baa la yiri “Alloow u naxariis Xijaaj Bin Yuusuf, sow wiilkiisii kan ma aha!…hadda waxayba maraysaa Allow u naxariiso Xasan Shiikh Maxamuud, Maxamed Cismaan Jawaari iyo Cumar Cabdirashiid iyo…Yaa?! …oo kuwaana waa jireen miyaa?! Haddaan Qatar iyo Farmaajo ku wadan doorasho qof iyo cod ah ma geli kartid, waayo ammaankaaga ma sugnaan doono! Sida laga war qabo dalalka Itoobiya, Maraykanka, Qatar, Turkiga, iyo Norway oo iyagu ah dalalka aadka ugu dhow-dhow xukuummadda maanta haysa talada dalka ayaa rumaysan in doorasho kasta oo la qabto iyadoo ay codeynayaan xildhibaano cusub oo aan ahayn kuwa hadda jooga ay ku waayiyaan madaxweyne Farmaajo, taasina ay meesha ka saarayso heshiisyo qarsoodi ah oo aan wali la dhamaystirin, iyo dano qabyo ah oo ay leeyihiin shirkado xagga shidaalka ah oo dalalka reer galbeedka ah ay leeyihiin oo iyaga sida la xaqiijinayo heshiisyo si shakhsi ah ula galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaarihii hore Kheyre. Waxaa intaas dheer oo khatar weyn ah damaca ay ku doonayso dowladda Qatar inta aysan dhammaan muddo xileedka Farmaajo in loogu sharciyeeyo suuq geynta shidaalka Soomaaliya iyo maamulka dekedaha dalka oo dhan, iyadoo ay ka dhaadhacsantahay oo keliya inay maanta haysato madax ay ka iibsan karto Soomaaliya oo dhan iyo xildhibaannadii u ansixin lahaa. Sidaas daraadeedna waxay dowladda gacan ku siinaysaa in la meel mariyo doorasho qof iyo cod ah oo ay iyada (waa dowladda Qataree) dammaanad qaadayso ammaanka deegaannada ay ka dhacayso iyagoo taas ballan qaad uga haysta kooxda Al-Shabaab isla markaasna lacago ku siinaysa Al-Shabaab in dadka u sharaxan ama dhinaca madaxweyne Farmaajo ka tirsan ay ammaankooda sugaan. Arrintan marka laga soo tago inay muddo kororsi tahay hadana waxay damaanad qaad buuxo siinaysaa in madaxweyne Farmaajo uu xilka ku noqdo isla markaasna waxay khatar ku tahay nin kasta oo u tartami lahaa xildhibaanimo oo aysan wadan Farmaajo iyo Qatar waana sababta qarsoon ee Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudeey ay ugu dheggenyihiin in nooca doorashadu ay noqoto Qof iyo Cod. Waxaana jira warar aan si rasmi ah u soo bixin oo siyaasiyiinta qaarkood ay sheegayaan in ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu isu soo rashaxayo xilka madaxweynenimmada Soomaaliya hasa yeeshee middaasi xal uma noqonayso waxna kama bedelayso dareenkiisa ah inuu ku fashilmay xilkii uu hayay. Midda kale ee muhiimka ah waxay tahay ra’iisal wasaarihii hore siyaasad ahaan wali wuxuu xagga fikirka kala mid yahay kooxdii xilka ka erisay, waayo wuxuu kula soo shaqeeyay isagoo waliba rumaysan fikirkii horseeday dhibaatooyinka maanta hor yaal dadka Soomaaliyeed, wuxuuna qayb muhiim ah ka ahaa wax kasta oo hagardaamo ah oo ay kooxdaas geysatay, waxaa keliya oo xilka looga qaaday kooxda oo dareentay in erintiisa ay sabab u noqon karayso in la dhantaalo xoogga mucaaradka ka soo horjeeda iyo waliba in mucaaradka qaarkii ay dowladdu kasbato…Kheyre marka uu leeyahay waxaan u turayaa ummadda, Marka uu leeyahay ma doonayo inaan qayb ka noqdo burbur soo gaara ummadda Soomaaliyeed, waa goorteed?! Mase wuu hilmaansanyahay intii uu ra’iisal wasaaraha ahaa dalka heerka uu gaaray?!…Balse waxba wax kalaa ka daranee kuwa hadda ku harddamaya ama safka ugu jira inay ra’iisal wasaare ka noqdaan dowladdaas fashilantay maxaad ku macnayn lahayd?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef:- Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dad kale. The post Ra’iisal wasaarihii hore wuxuusan galabsan kuma dhicin! – FAALLO appeared first on Puntland Post.
  24. Mareykanka oo 12 kun oo askari kala baxaya dal ku yaala Yurub Diyaaradaha ciidanka Mareykanka Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 12 kun oo askari ay kala baxeyso dalka Jarmalka, taas oo xukuumadda Washington ay ku sheegtay “istaraatijiyad dib loogu habeynayo ciidamadeeda ku sugan Yurub”. Ciidamo gaaraya 6,400 askari ayaa dib loogu celin doonaa Mareykanka, halka kuwa kalena la geyn doona dallaka kamid ka ah gaashaanbuurta NATO sida Talyaaniga iyo Belgium-ka. Madaxweyne Trump oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in sababtu ay tahay Jarmalka oo ku guuldarestay hadafkii NATO ee dhanka difaaca. “Mardambe ma dooneyno in aan aragno kuwa jiqaya dhiiggeena,” ayuu Mr Trump waxyar kadib markii lagu dhawaaqay go’aanka. “Waxaanu yareneynaa ciidamadeena jooga Jarmalka sababtoo ah ma bixiyaan kharashaadka ku baxa.” Haseyeeshee arrintan ayaa cambaareyn xoogan kala kullantay mucaaradka Mareykanka ee aqalka Kongreska, kuwaas oo sheegay inay fursad u abuureyso Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa in muddo ka cabanayay xubnaha NATO ee Yurub oo uu sheegay in looga baahan yahay inay bixiyaan kharashka iyaga lagu difaaco. Trump Waxaa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah NATO aanay aad ugu tiirsanaanin Mareykanka. Dooda u dhaxeysa xulafada ayaa ah midku qottonta hadafkii ay ku heshiiyeen ee ahaa in dal walba uu ku bixiyo kharashaadka dhanka difaaca 2 boqolkiiba kobaca dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah NATO marka la gaaro sanadka 2024. Dalal uu Jarmaka kamid yahay ayaanan soo buuxin shuruudahaas. Wasiirka difaaca ee Mareykanka Mark Esper ayaase sheegay qorshe ka duwna sida Trump uu u hadlay. Wuxuu sheegay in sababtu ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo ciidamada Mareykanka ee gobolka. Waxaa uu yiri “waa istaraatijiyad ballaaran oo looga guul gaari doona mabad’iida Mareykanka iyo NATO ee ku aadan Ruushka”. Qorshahan ayaa la filayaa in ballaayiin dollar ay ugu kici doonta Mareykanka, ayna yareyn doonta joogitaankii ciidamada Mareykanka ee Jarmalka boqolkiiba 25. Mr Esper, wasiirka difaaca ayaa shegay in diyaaradaha dagaalka loo wareejin doona Talyaaniga, halka ciidamadana la geyn doona dalka Poland. Saraakiil sarsare oo katirsan Jarmalka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada Mareykanka. Sidoo kale go’aanka dowladda Mareykanka ayaa waxaa cambaareeyay saraakiil jarmal ah oo uu kamid yahay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Jarmalka oo sheegay in taas ay wiiqi doonta isbaheysiga. Sidoo kale waxaa ka hadlay barasabka Bavaria, Markus Soeder oo sheegay inay ka shaleynayaan go’aanka, wuxuuna yiri “tani waxay culeys ku tahay xiriirkii Mareykanka iyo Jarmalka. ,NATO Senetar katirsan xisbiga Jamhuuriga, Mitt Romney ayaa go’aanka ku tilmamaay “khalad weyn”, ayna dharbaaxi ku tahay saaxiibada iyo xulafada. Qorshahan ayaa waxaa bishii hore ku dhawaaqay madaxweyne Trump, xilligaas oo xukuumadda Berlin uu ku eedeeyay inay “ka cagajiideyso” bixinta kharashaadka NATO. Waxaa kale oo uu sheegay in Jarmalka uu si aan wanaagsaneyn ula dhaqmayo dalkiisa marka ay timaado ganacsiga. Jarmalka ayuu sidoo kale Trump sheegay inay ka faideysaneyso joogitaanka ciidamada US, wuxuuna sababta ku sheegay askarta Mareykanka oo dib dalkaas ugu celiyo kharashaadka ay isticmaalaan. Joogitaanka ciidamada US ee Jarmalka ayaa la hirgeliyay wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka, waana dalka ugu badan ee martigeliyo ciidamada Mareykanka ee jooga Yurub. Waxay Mareykanka sidoo kale ciidamo ka joogaan dalalka Talyaaniga, Britain iyo Spain. Ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa sidoo kale gacan ka geysta hawla mararka qaar aanan la xiriirn NATO. Qaran News