Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Diyaarad Ciidan oo ay Kenya leedahay oo ku bur burtay Gudaha Somalia+Khasaaro dhimasho & Dhaawaca oo ka dhashay Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhashay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Diyaaradan oo ah nuuca xamuulka qaado ee lahaayeen milatariga Kenya ayaa bur burtay xili garoonka diyaaradaha Dhoobley ay ka degeysay, walina lama oga sababta rasmiga ah ee shilkaasi keentay. Dadka ku dhaqan Dhoobley ayaa sheegay in diyaarada bur burtay uu dab qabsaday markii ay garoonka kusoo dageysay, waxaana shilkaasi bur bur xoogan uu kasoo gaaray diyaaradaha ay lahaayeen Milatariga Kenya. Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi diyaaradeed halka sadex kalana ku dhaawacmeen, waxaana milatariga Kenya bilaabeen baaritaano ku aadan sababta shilkaasi dhalisay. Diyaarado ay leeyihiin milatariga dowlada Kenya ayaa saanado kala duwan u geeya ciidamada Kenya ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo Qaran News
  2. Ninkeeda oo hinaasay ayaa sanka ka gooyay Zarka Muddo dhan 10 asbuuc oo ay argagax ku jirtay, Zarka haatan waxaa u muuqata xoogaa rajo ah. “Waxaan ku fraxanahay in aan dib u helay sankeyga, waana wax wanaagsan,” ayay ku tidhi dhakhaatiirtii u sameysay qallinka dib loogu kabay sankeeda. Tacaddiga ka dhanka ah dumarka ayaa ah mid aad ugu badan dalka Afghanistan, waxaana daraasad dhawaan la sameeyay lagu ogaaday in 87 boqolkiiba haweenka dalkaas ay la kulmaan dhibaato ay kala kulmaa ragga, haddii ay ahaan lahayd mid xadgudub galmo iyo kuwa kaleba. Waxyaabaha ugu daran waa weerarrada loo adeegsado aashitada ama mindiyaha ee dumarka lagula kaco. Waxaana tusaale u ah Zakra oo seygeeda uu mindi sanka kaga jaray. Dhaawaca Zarka hadda waa uu roonyahay “Ninkeyga wuxuu ka shakisanaa qofwalba,” ayay tiri haweeneydan oo xitaa uu garaacay ninka ay wada joogaan, taas oo sheegtay inay caadi noqotay oo maalin walba ay la kulmi jirtay. “Wuxuu ii sheegay in aanan ahayn qof dhowran,anniguna waxaan ku irir waxaas waxba kam jiraan,” ayay sii raacisay hadalkeeda. Zarka oo la guursaday toban sano kahor ayaa hadda waxay heysataa wiil lix sano jir ah. Haweeneydan ayaa la qabsatay garaaca seygeeda balse marnaba kuma aysan fikirin in ay heerkaas gaari doonto. Dib usoo kabashadeeda Zarka ayaa BBC-da u sheegtay in markii muraayadda isku eegtay ay ogaatay in sankeeda uu haatan soo hagaagayo. Dr Zalmai Waxaa xaaladda la tacaalay dhakhaatiir, kuwaas oo ku sameeyay qalliin qaatay saddex saacadood. Waxay sheegtay in kahor inta aanan qalliinka lagu sameynin uu sankeeda ahaa mid aan muuqaal wanaagsaneyn. Dr Zalmai Khan Ahmadzai, oo kamid ah dhakhaatiirta fara kutiriska ee sameeyay qalliinada dib loogu hagaajiyo wajiga ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay dedaalka uu sameeyay iyo dib usoo kabashada sanka Zakra. “Qaliinkii aan ku sameynay waa uu hagaagay, mana jirin wax infekshan ah oo ay boogta qaaday, xoogaa waxaa jiray in ay xanuun balse wax dhib ah ma ayan lahayn,” ayuu yiri dhakhtarka. Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayuu dhakhtarka sheegay in uu la tacaalay kiisas oo kan Zakra lamid ah, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen dumar wajiga ay ka garaafeeyeen walaaladoo ama raggooda. Safarkii dheeraa Zarka waxay kasoo jeedaa qoys danyar ah oo dega deegaanka Khairkot oo qiyaastii 250 kilomitir u jirta caasimadda Kabul. Ma ahan qof wax bartay oo wax akhrin kara ama qori kara. Dr Zalmai Deegaanka ay reerkeedu degan yihiin waxaa gacanta ku haya kooxda Taliban. Wadahadal dhexmaray siyaasiyiin maxali ah iyo kooxda Taliban ayaa keentay in loo soo safriyo magaalada Kabul, maadaama kooxda aysan oggoleyn qallin lagu sameeyo wajiga. Xilliga qalliinka lagu sameynayay, Dr Zalmai waxaa xanuunka corona ugu geeriyootay xaaskisa, markii uu soo aasayna waxaa uu dib ugu soo laabtay shaqada, si uu u sameeyo qalliinka. “Markii ay ii imaneysa xaaladeeda waa ay liidatay, waxyeela ba’an ayaana gaadhay sankeeda,” ayuu dhakhtarka. Markii uu qiimeeyay xaaladeeda, waxaa uu siiyay xilligaas daawooyin ka caawiyay xanuunkii hayay iyo inay meesha qaado infekshan. Muddo shan asbuuc kadibna waxaa ay dib ugu soo laabatay magaalada Kabul, halkaas oo lagu sameeyay qalliinka. Tuhunka iyo gacan ka hadalka Zakra oo oggolnaasho ay in muuqaal laga duubo siisay BBC-da ayaa waxay ka hadashay tacadiga loo geystay. Zakra ayaa qallin dhanka ah lagu sameeyay Seygeeda ayay sheegtay inay isku da’ yihiin. Waa xoolo raac ilaaliya dadka kale xoolahooda. “Waxaa igu daray adeerkey, xilligaasina aa ayaa u yaraa waxbadanna kama ogeyn noolasha ama guur, mana xusuusta xilligaas inta an jiray,”ayay sii raacisay hadalkeeda. Waxaa kale oo ay sheegtay in raali ka tahay iyo inkale aanan la weydiinin. Sanado kadib waxaa ay ogaatay in adeerkeed uu wax ku badeshay oo uu guursaday mid kamid ah gabdho ay walaalo yihiin seygeeda. Zakra “Adeerkey ma uusan awoodin lacagta gabaatiga sidaa darteed aniga ayuu i siiyay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Si lamid sida ay sameeyan waalidiinta Soomaalida qaar kamid ah,waalidiinta dalka Afghanistan waxaa ay lacag ka qaataan ragga guursanaya gadhahooda. Waa arrin aan waafaqsaneyn sharciga dalkaas balse aad looga dhaqmo guud ahaan Afghanistan. Markii ay Zakra aqal galeen seygeeda, waxaa ay ogaatay in uu yahay nin u gacan qaada gabdhaha walaaladii ee isaga la dhashay. “Ma uusan isticmaali jirin waxyaabaha maanka dooriya, mana uusan qabin dhibaatooyin dhanka maskaxda,” ayay tiri Zakra. ‘Waxaan u baqay nafteyda’ Muddo markii ay is qabeen, odaygeeda wuxuu doonayay in uu guursado gabadh kale, mana ahan wax ku cusub Afghanistan in qofka uu guursado xaasas kale, waxaana ay shegtay in uu ku yiri “kama aanan helin, waxaana guursanayaa xaas kale. Haseyeeshee ma uusan heysanin lacag kale oo uu ku guursado xaas kale, waxaana ay tiri “waa uu i garaaci jiray, waxaana u baqay noolasheyda”. Haweeneydan ayaa markiiay dhibaatooyin badan kala ullantay seygeeda waxaa ay u carartay guriga waalidkeeda, waxaan ay dlbatay in laga furo ninka. Markii ay guriga ka baxeysay ma aysan oggolansho weydiisanin ninkeeda, waxaana uu uga daba tegay guriga waalidkeeda. Zakra oo ku sugan isbitaalka “Markii aan habeen ka maqnaa, waxaa uu iiga daba yimid guriga waalidkeyga isagoo gacanta ku wata mindi, aabahay ayuu ku yiri isagoo gacan geli,balse aabahay iyo ina adeerkey ayaa ku yiri kuam soo gacan gelineyno ilaa uu ku damaanad qaadayo Zakra in aanu wax u dhimeynin” ayay Zarka tiri mar ay la hadleysay BBC-da. Ninkii qabay gabadha ayaa ballan qaaday in usan taaban doonin gabadha balse markii ay gabadha dib ugu laabatay gurigeeda, waxaa dhacay wax an la maleysaneynin. “Markii aan kasoo laabtay guriga waalidkeyga, waa uu i garaacay markale, markale haddana waxaan ku cararay dadka deriska maxaa yeelay wuxuu iigu hanjabay in uu sanka iga jari doonaa,” ayay tiri gabadha oo ka shekeeyneysay wixii qabsady. Arrintii ayaa waxaa soo kala dhexgalay dadka deriska, balse waxaa ay ahayd oo keliya wax kooban, waxaase gabadhu ay sheegtay in uu soo kaxeeyay kuna yiri: “waxaan ku geynayaa guriga waalidkaaga”. Xanuun iyo dhiig bax Waxaas oo dhan waxay u muqdeen shirqool uu watay, waxaana uu sida ay sheegtay geeyay meel barxad ah. Zakra waxaa ay sheegtay in ninkeeda uu sidoo kale watay qori. “Intuu isoo qabtay ayuu i yiri inteed u carareysay? markiiba waxaa uu jeebka kala soo baxay mindi wuxuuna iiga gooyay sanka”, ayay sheegtay. Markii iyadoo dhiigeysa ay weydiisay sababta uu u dhibaateeyay ayuu ku sheegay in sabab la’aan ay aaday guriga waalidkeed, taas oo uusheegay in isaga ay ceeb u horseeday. Markii ay dhibaatadaas gaartay ayay sheegtay in iyadoo dhiigeysa uu ka dhaqaaqay. XIGASHADA SAWIRKA,DR ZALMAI KHAN AHMADZAI Waxaa ay sheegtay in xanuun badan ay dareentay, markeedi horena ay dhib ku qabtay nefta. Markii uu isaga dhaqaaqay ayaa qeylideeda waxaa maqlay dadka dariska, kuwaas oo u yimid, caawiyayna. Waxaa markiiba la geeyay goob caafimmaad balse dhaktarkii halkaas joogaya aya sheegay in uusan dib ugu dhajin karin sanka qeybtii go’day. Caradii ka dhalatay Zarka waxaa uurkutalo ku noqotay arrintan. Aabaheed iyo dadkii qaraabada la ahaa ayaa damcay inay kasoo aargudaan ninkeedi dhibka u geystay, balse uma aysan suurtagelin in ay gacanta ku dhigaan. “Waa ay caroodeen oo waxaa ay la yaaben sida uu dhibka iigu geystay, waxayna ugu hanjaben dil haddii ay gacanta ku dhigaan,” ayay xusuusatay Zarka. Booliska dalka Afghanistan ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninkii kahor inta aanay arkin qoyskeeda. Zarka waxaa lagu daaweeyey gudaha dalkeeda balse wali wax badan ayay u baahnayd, sidaa awgeed, waxay aad ugu baahnayd in ay fursad u hesho qalliin dib loogu sameeyo sankeeda. “Qaab kasta oo ay u sameeyaan marka ay qalliinka sameynayaan… waan ogolaanayaa. Waxaan doonayay oo kaliya san ee wax kale ma ahan, “ayay tiri. Sawirrada Zarka oo wejigeedu uu dhiig ka daadanayo ayaa si weyn loogu baahiyay intarneedka, arrintaa oo soo jiitay Dr Zalmai. Baraha xiriirka bulshada ayuu ku sheegay in si bilaash ah uu u daweynayo. Waxa kale oo uu la xiriiray gobolka ay Zarka deggan tahay, taa oo ka caawisay in gabadhaasi la keeno magaalada Kaabuul. Markii xaaladdeedu ay soo fiicnaatay ayuu khalliin ku sameeyay isaga oo kaashanaya shaqaalihiisa qeybta qalliinka. “Ugu horreyn waxaan ka hawlgalnay qeybta dhexe ee sanka oo markii hore middi lagu gooyauy,” ayuu yiri Dr Zalmai. “Waxaan cad yar oo maqaar ah ka qoynay maqaarka sanka agtiisa ku yaal, kaddibna waxaan u isticmaalnay in aan ku kabno qeybta maqan.” Qalliinka waxaa lagu sameeyey qaab suuxdin ah, waxaana la ogaa waxa qaliinkaasi ka dhalan kara. “Dhakhaatiirta waxay ii sheegeen inaan soo caafimaadaya oo sankeygana sidiisi hore uu ku soo noqonayo,” ayey tiri. Waana waxa ay bilooyin gabadha sugeysay iney maqasho. Dr Zalmai wuxuu la socdaa xaaladdeeda waxa ku soo kordha haddii ay u baahato dabiibka shucaaca ama si uu u siiyo dabiibka aaladda leysarka ama silicon haddii ay u baahato. “Isu socodka dhiigga waa sidi la rabay. Xididdadana sida oo kale iney shaqeynayaan” ayuu iyada u xaqiijiyey. Dr Zalmai wuxuu sheegay adeegga daweynta uu siinayo iney ku baxeyso ku dhawaad $2,000 oo doolar. Waxaana intaa dheer, dawo ay ku kaceyso $500 oo doolar oo Zarka la siiyey. Waxa keli ah uusan awoodin waxay tahay talainta dhinaca cilmu-nafsiga si looga caawiyo kalsoonideeda si ay u soo ceshato. Wiilkeeda oo la u gaarsanayo Zarka waxay ka welwelsan tahay wiilkeeda, oo weli la nool qoyska seygeeda. “Wiilkeyga Mashooq ma arkin muddo saddex bilood ah, aad aya u jeclahay, waxaana doonayaa in uu wiilkeyga aniga ila joogo” ayay ku doodeysaa Zakra. Waxaa ay sheegtay in wiilkeeda oo la nool yahay reer xididkeed balse aanu cadaawad lamid ah tan aabihi uusan u qaadin. Waalidiinteeda ayay sheegtay inay kula taliyeen in ay faraha ka qaado canuga iyagoona cabsi qaba waxa uu sameyn karo haddii xabsiga kasoo baxa. Haseyeeshee iyadu waxaa ay ku adkeysaneysaa in ay jeceshahay wiilkeeda oo anaay ka ahaan karin. Furriin ayay sheegtay inay ka dalban doonta seygeeda marka uu xabsiga kasoo baxo waxaase ay ka walwalsan tahay in uu siin doona canuga iyo inkale. Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Hargeysa ayaa lagu soo warramayaa in weli uusan la kulmin Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhalisay in weli aysan is arkin Madaxweyne Biixi iyo safiirka, balse waxaa qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, maadaama uu dalka ka maqan yahay wasiir Yaasiin Xiir Faratoon. Illaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi iyo inuu qabsoomi waayo kulanka Bixii iyo Qin Jian oo hoggaaminayo diblumaasiyiin ka tirsan safaaraddiisa. Ujeedka safiirka u tegay magaalada Hargeysa ayaa ah sidii uu xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa xiriirka ay dhowaan la sameysay Jasiiradda Taiwan. Sida ogaatay Caasimada Online Muuse Biixi ayaa ka biyo diidan arrintaasi, waana sababta keentay inuu qaabili waayo safriirka oo horey uga horyimid heshiis ay kala saxiixdeen wasaaradaha arrimaha dibadda Somaliland iyo sidoo kale Taiwan. Si kastaba ha’ahaatee Somaliland iyo Taiwan ayaa dhowaan yeeshay xiriir cusub, iyaga oo is dhaafsaday wakiilo, waxaana taasi si weyn uga hortimid dowladda Shiinaha.
  4. Warar dheeraad ayaa waxaa laga helayaa askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta barqadii lagu dilay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa toogtay askariga oo la sheegay in ay aheyd Haween ka tirsan ciidamada, qolyahaa dilka geystay ayaa lasheegay in askariga ay wada murmeen kadibna ay si kadis ah ay ugu fureen xabado. Qolyihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaankaa dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askariga la toogtay. Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto Ciidamada dowladda federaalka , waxaana inta bada dilalkaas sheegta Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Bartamaha todobaadja soo socda waxaan WEB-ka ka bilaabaynaa Shaqo iyo din u dhid lagu balaarinayo, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa ay sii casriyoobayso Tiknoolajiga Internet-ka. [...] The post Ogsysiis ku socda akhristayaasha, Maalmo aan Hawada ka maqnaan doono appeared first on . Source
  6. Kooxaha kala dhisan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa ayaa la sheegay in ay wada ciyaari karaan labada dhinacba, qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay is dhaxgalka labada dhinaca. Halkan Ka Daawo Aragtida Shacabka Muqdisho Ee Ku Aadan Arinkaa Goobjoog Sports Source: goobjoog.com
  7. Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi. Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, si uu dawladda Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay. Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan. Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan. Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad martigelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiwan oo si weyn isu haya. Geeska Qaran News
  8. Kismaayo( Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hor-yimid ansixintii Golaha Wasiirada ee Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed. Sayid Aadan oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa tilmaamay in hannaanka loo maray ansixintaas ay tahay mid sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la soo xulay dad gaar ah, oo uu tilmaamay in aan lagala tashan dhinacyadii ay quseysay, sida maxkamadda sare iyo bulshada rayidka. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale carabla ku dhuftay in xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah aysan habooneyn in la dhiso labadaasi guddi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Golaha Wasiirada ay haatan shaqadooda tahay kaliya xil-gaarsiin, inta laga soo dhisayo xukuumada cusub. Jubbaland ayaa noqotay maamulkii labaad ee ka horyimaada ansixintii Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, waxaana ka horreeyay Puntland oo sharci darro ku tilmaamay dhismaha guddiyadaasi.
  9. NAIROBI (HOL) - Seven Kenyan soldiers were Monday night injured when their helicopter crashed in Dhobley, Somalia Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Afhayeenada wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan, Joanne Ou ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho warbixin ay Somaliland ku sheegtay in ay u diyaar garoobeyso sidii ay u aqoonsan lahaayeen Jesiiradda Taiwan. Joanne Ou oo la hadleysay warbaahinta ayaa shaacisay in aysan ka hadli karin warbixintaasi oo lagu daabacay shabakad warbaahineed oo laga leeyahay Somaliland. Afhayeenada ayaase xustay in Madaxweyne Muuse Biixi uu talo ku bixiyey in laga shaqeeya sida ugu suurto-galsan ee ay aqoonsi isku dhaafsan karaan Somaliland iyo Taiwan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Somaliland iyo Taiwan uu haatan ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan, islamarkaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu hadda safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian uu joogo magaalada Hargeysa, kaas oo horey si weyn uga horyimid heshiis ay 1-Julay kala saxiixdeen wasaaradaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan.
  11. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay indhaha ka laabatay u gurmashada dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan fatahaadaha ku dhuftay gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye. Qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixin la’dahay lacag nus Milyan Dollar ah oo loogu deeqay dadkaasi. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanadaasi, sidoo kale xubin ka ah Golaha Wasiirada ee xil-ka sii haya ayaa nasiib darro ku tilmaamatay in weli la hayo lacagtaasi. “Nasiib darro ayay nagu tahay in lacagta wali la hayo oo la waayo meel la marsiiyo lahayn, Guddoonka Golaha Shacabka waxaa mas’uuliyad gaar ah ka saaran magacaabista Guddi fuliya in gargaarkaas uu u gacan galo qoysaska dhibaatada nololeed heysata” ayey tiri Xildhibaan Khadiijo. Dhankiisa wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan bixin doonin lacagtaas, haddii aan la helin hanaan looga hortagi karo in la musuq-maasuqo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso guddiyo gaar ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee degmada Afgooye. Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo ay saameysay fatahaada dhowaan ku dhusatay degmadaasi. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyey sababta illaa iyo hadda loo bixin la’ahay lacag nus Milyan Dollar ah oo uu ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre uu amray in la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan degmada Afgooye. Beyle ayaa sheegay in aysan bixin doonin lacagtaas, haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in la musuq-maasuqo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso guddiyo gaar ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee degmada Afgooye. Wasiirka maaliyadda oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in muhiim tahay in laga wada qeyb qaato gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadayay, iyada oo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku eedeeyeen wasaaradda maaliyadda inay ku dhagan tahay lacagaha loogu deeqay shacabka degmada Afgooye, taas oo uu 20 beri ka hor ku dhawaaqay ras’iisul wasaarihii la riday, Xasan Cali Khayre, xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. Si kastaba ha’ahaatee dadka degan magaalada Afgooye ayaanan weli helin gar-gaar ku filan, waxaana qaarkood ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaalada Muqdisho, gaarahaan deegaanka Garasbaaley oo ay maaalmihii u dambeeyey u soo barakaceen.
  13. Dunidan casriga ah oo dadka ku nool haatan ay ku haminayaan in dalxiis ay ku tagaan hawada sare, dhawaanna la filayo in arrintaas la billaabo, sidoo kalena ay sahlan tahay in qofka meesha uu doona uu u dalxiisi tago karo, booqan karana goobaha taariikhiga ayaa haddana waxaa jira gooba dadka ban’iaadamka ka caagan inay booqdaan oo aan war badan laga heynin. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa ilaa iyo toddobo goobood oo aan dadka loo oggoleyn inay booqdaan, ayna ugu wacan tahay khatar amni, arrimo xasaasi, dano guud iyo waxyaaba kale. 1.Jasiiradda masaska ee dalka Brazil Jasiiradda Ilha Da Queimada Grande ee dalka Brazil waxaa ay ka mid tahay goobaha caanka ah ee aan dadka loo oggoleyn inay booqdaan. Waa goob halis ah oo ay adag tahay in qofkii tagaa uu ka soo noqonaya isagoo badqaba. Jasiiraddan ayaa waxaa ku nool masaska ugu badan adduunka inta la ogyahay, waxaana lagu qiyaasay in mitir walba oo dhulka jasiiradaas uu jiifo mas, waxaana la sheegay inay yihiin masas marka uu qofka arko argagax gelin kara, waxyeeleyn karana dadka bani’aadamka. Masaskaas ku nool jasiiradda Ilha waxaa lagu tilmaamay inay yihiin masaska adduunka kuwooda ugu khatarta badan, waxaana kamid ah maska nooca casaanka ah ee candhuufta tuura. Dowladda Brazil ayaa xidhay jasiiradaas, kana mamnuucday in dadka ay booqdaan. Inta la ogyahay dowladda dalkaas ayaa dadka cilmi baadhista sameeya oo keliya u oggolaatay inay booqdaan jasiiraddaas, kuwaas oo iyaguna la dul dhigay shuruudo dhowr ah oo ay ka mid tahay inay la socdaan dhakhaatiir daweyn kara haddii ay wax noqdaan. Khubara arrimaha deegaanka oo ka socday jamaacadaha Sydney, Australia, iyo Selma Maria oo BBC-da, qeybta Brazil la hadlay waxay sheegeen in jasiiraddan ay sameysantay 11 kun oo sano ka hor, taasina ay keentay in duur-joog u badan masas ay ku tarmaan jasiiradda hawdka ah ee dhanka xeebta kaga beegan magaalada Sao Paulo. Keydka qarsoon ee kaniisadda Vatican-ka Keydka qarsoon ee kaniisadda Vatican ee ee dalka Talyaaniga waa mid aan loo oggoleyn in dadku ay booqdaan. Keydkan oo sida la sheegay ku dhexyaalo dhismo weyn ayaa la aaminsan yahay in halkaas ay ku keydsan yihiin dukumentiyo muhiim ah oo taariikhi ah. Waxyaabaha la sheegay in halkaas ay ku keydsan yihiin waxaa ka mid ah waraaqo ay isweydaarsan jireen Vatican-ka iyo dadkii caanka ahaa ee soo maray dunida, kuwaas oo ay ka mid yihiin mualifkii caanka ahaa ee Wolfgang Amadeus Mozart, boqoradii koowaad ee Ingiriika, Adolf Hitler iyo dad kale oo taariikh dheer ku leh dunida. Xogtaas oo ah mid u khaas ah baadariga mad-habta kaatooliga ayaa ah mid ka caagan dadka adduunka oo ayna arki karin marka ay soo booqanayaan goobtaas. Cilmi-baadhayaasha arrimaha seyniska ayaa la sheegay inay yihiin dadka keliya ee dalban kara oggolaansho ay ku galaan goobtaas, haddiise loo oggolaado waxaa ay ku dhaqmayaan shuruuc adag oo ay ka mid tahay in aanay wax waraaqa ah kala soo bixin karin keydka qarsoon. Waxaa kale oo jiraa shuruuc dhigeysa in iyaga xitaa aanan loo oggoleyn inay arkaan waxyaabaha qaar. Keydka qarsoon ee Vatican-ka ayaa sidoo kale ah meel lagu keydiiyay xog badan oo la xidhiidha Catholic-ga, waxaana la sheegay inay ku keydsan tahay taariikh gaadheysa ilaa iyo qarnigii 8-aad. Inta badan macluumaadkan ayaa ku keydsan bakhaaro dhulka hoostiisa ah, waxaana ay ku fadhiyaan dhul gaadhaya 85 kilomitir. 3.Xarunta lagu keydiyo midhaha dalagyada ku beeran Adduunka Waa sanduuq aad u weyn oo u sameysan sida qaboojiyaha, laguna keydiyo midhaha dalagyada adduunka laga beerto. Sanduuqan oo ku yaalla gudaha dalka Norway ayaa waxaa hirgelisay dowladda dalkaas, waana goob lagu ilaaliyo midhaha, si haddii ay masiibo ama aafo kale ka dhacdo dunida loo helo keyd midho oo loo laaban karo. Wargeyska the Guardian ee kasoo baxa dalka Britain ayaa ku soo warramay in sanduuqan oo ku yaalla jasiiradda Spitsbergen ay ku keydsan yihiin milyan baaldi oo midkiiba ay ku jiraan boqol milyan oo ah midho kala duwan ah, kuwaas oo aad muhiim ugu ah dunida, waxaana mashruucan la hirgeliyay sanadkii 2008. Waxaa laga dhisay qalab ay adag tahay inay biyo ama waxyaaba kale ay dibadda uga yimaaddaan, kadibna ay waxyeeleeyaan. Xarunta looma oggolo dadku inay booqdaan, waxaana sababta lagu sheegay sidii looga baaqsan lahaa waxyeelo soo gaadhi karta midhahaas. Sanduuqan waxaa ku dhan dhammaan midhaha dalagyada laga beerto caalamka, haddii ay ahaan lahayd qudaar, cuntada iyo dhamaan waxyabaaha laga isticmaalo adduunka. Sanduuqana ayaa loo nashqadeeyay qaab aanu u dumin, adkeysigiisnaa uu gaadhayo laba boqol oo sano, waxaan uu iska celin karaa waxwalba oo ay ka mid yihiin duufaanta, qaraxyada dhul gariirka iyo wixii la midka ah. Midhaha halkan lagu beeray ayaa ah mid laga soo uruuriyay dhammaan dalalka caalamka, waxaana dalalka halkaas wax ku keydsaday kamid ah Kuuriyada Waqooyi oo aan inta badan wax xidhiidh ah la lahayn caalamka intiisa kale marka laga reebo dalal dhowr ah oo Shiinaha uu ka mid yahay. 4.Jasiiradda xabaasha ee dalka Talyaaniga Poveglia waa jasiirad yar oo ku taala dalka Talyaaniga, una dhaxeysa xeebaha magaalooyinka Venice iyo Lido. Goobtan waxay horay u ahayd goob lagu karantiilo dad qaba cudurka Bubonic ee ka dhashay baktiiriyada, waxaana mar la sheegay in lagu karantiilay 160 kun oo qof oo qabay cudurkaas, kuwaas oo markii dambe qaar badan oo kamid ah ku dhintay jasiiradaas. Wararka qaar waxay sheegayaan in boqolkiiba konton carrada dhulka jasiiradaas ay tahay haraadiga jidhka bani’aadamka, maaddaama sida la sheegay meydka dadkii u dhintay cudurkaas ay ku qudhmeen dhulka. Wargeyska Daily Mail ee Britain kasoo baxa ayaa kusoo warramay in jasiiraddan muddo hadda laga joogo 70 sano ay ahayd goob gumeystihii Talyaaniga u ahayd xarun lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka, waxayna taas keentay in dowladda Talyaaniga ay markii dambe xidho jasiiradda Poveglia, kana mamnuucdo in dadku ay booqdaan. Qolka 39-aad ee Kuuriyada Waqooyi Dalka Kuuriyada Waqooyi oo lagu tilmaamo in uu yahay dal go’doon ah, kana go’an dunida inteeda kale ayaa waxaa adag in wax badan laga ogaado waxa ka dhex socda. Dalkan oo sidiisaba ay adag tahay in wax laga ogaado madaxda dalkaas iyo waxyabaaha ay qabtaan ayaa qol lagu magacaabo “Room 39” waxaa la sheegay in uu yahay qol aanan cidna loo oggoleyn inay gudaha u soo gasho. Wax badan laga ma oga qolkan ku yaala magaalada Pyongyang, haseyeeshee dad aqoon u leh ama lasoo shaqeeyay xukuumadda dalkaas waxay sheegeen in qolkaas uu yahay goob ay si gaar ah ugu kulmaan hoggaamiyaha waddankaas iyo saraakiisha milateriga. Ri Jong oo ah sarkaal horay uga tirsanaa xukuumadda Pyongyang oo u warramay telefishenka CNN ee Mareykanka ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee lagu qabto qolka 39 oo uu muddo kasoo shaqeeyay ay tahay meel lacagta loogu geeyo saraakiisha sarsare ee dalkaas. Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in qolka 39 uu yahay mid lagu qabto hawlo sharci darro ah. Aaga 51-aad ee dalka Mareykanka Aaga 52 ee ciidamada cirka ee dalka Mareykanka waa goob caan ka ah dalkaas oo loo yaqaano “Area 51. Hey’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa markii ugu horeysay qirtay jiritaanka goobtan sanadkii 2013-ka. Inta badan goobtan kama soo muuqato qariiradda goobaha dalka Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in sidaas loo sameeyay sababo amni. Goobtan oo qiyaastii 170 kilomitir u jirta Las Vegas ayaa sanadkii 1958 waxay hey’adda atoomikada Mareykanka ka saartay goobaha dadweynaha ay tagi karaan. Waxaa gidaarka goobtan ku hareereysan ciidamo hubeysan. Sidoo kale waxaa adag in diyaaradaha ay dul maraan goobtan iyagoo aanan wax fasax heysanin. Way adag tahay in la ogaado waxa ka dhex socda xaruntaas, dadkuna marnaba looma oggolo inay gudaha u galaan oo waxaa gidaarada ku dhagan koronto dili karta qofkii isku daya in uu gudaha u galo. Xaruntan waxaa ay u dhaw dahay saldhig milateri ee Nevada oo ah meel lagu tijaabiyay hubka nukliyeerka Mareykanka intii u dhaxeysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1990. Waxay ku fadhidaa dhul dhan saddex milyan oo hektar. Waxay dad badan rumeysan yihiin in dowladda Maraykanka ay xeradan ku hayso macluumaad ku saabsan Suxuunta Duusha oo la rumeysanyahay in ay kaxeeyaan nooleyaal qalaad oo cirka ka yimid. Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dadka aaminsan yihiin in qaar ka mid ah noolayaashaas ay dowladda Maraykanka qabatay, kuna hayso xaruntaasi Area 51 ee Navada. Annie Jacobsen oo wax ka qoray taariikhda saldhiggan ayaa BBC-da u sheegay in goobtaas ay ku rakiban yihiin qalab aad u horumarsan oo dowladda Mareykanka ay u adeegsado hawlaha sirdoonka. Jasiiradda dadka go’doonsan ee Hindiya Jasiiradda Sentinel ee ku taala waqooyiga dalka Hindiya waa hoyga dadka asal ahaan loogu yimid dalkaas, kuwaas oo qarniya ku noolaa halkaas. Dadkan ma ahan dad doonaya inay la macaamilaan dadka kale ee adduunka, marwalbana waxaa la sheegay inay dagaal kala hortagaan qof walba oo isku daya in uu soo gala jasiiradaas. Dowladda Hindiya ayaa joojisay dhammaan isku day walba oo loogu tegi karo dadkaas, kadib markii ay ogaatay khatar dadka kasoo gaadhi karta, waxaana dowladda ay hagaajisay xeyndaab aanan loo dhaafi karin dadkaas. Sanadkii 2006, kalluumeysato isku dayay in uu gudaha u galo jasiiradaas ayaa la dilay. Sidoo kale dalxiise u dhashay Mareykanka oo isku dayay in uu tego jasiiradaas ayay dileen dadkii ku noolaa goobtaas. Dad badan oo isku dayay inay booqdaan goobtaas ayaa waxaa ay iska hor-imaad kala kulmeen dadka Sentinel, lamana oga sida ay u nool yihiin iyo dabeecadooda. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi. Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, si uu dawladda Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay. Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan. Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan. Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad martigelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiwan oo si weyn isu haya. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay dhibaatada Shirkadaha Laydhka qaarkood ku hayaan Bulshada. Xildhibaan Nac-nac oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shirkadaha Laydhka qaarkood aanay ogolayn inaad Laydhkooda iska saarto oo aad Gurigaaga gashato Laydhka Shirkadda aan Lacageeda bixin karto, taasina tahay mushkilad taagan. Xildhibaanku wuxuuu Madaxweynaha u soo jeediyey inay Dawladdu la wareegto Maamulka Laydhka Caasimadda, maaddaama oo Shacabku dhibaato ku qabaan shirkadaha Laydhka ee midna midda kale u ogolayn inay ka shaqayso deegaanka ay Xadhkaheedu maraan. “Waxaan ka hadlayaa Laydhka, waxaanu leenahay Madaxweynaha Shirkadda Dan-guud ha laga dhigo, haddayna ku heshiinayn iyagu (Shirkadaha Laydhku), waa inay Dawladdu la wareegto.” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkadaha Laydhka bixiya aanay midna mid kale u ogolayn deegaanka ay ka shaqayso, sidoo kalena Qofka muwaadinka ahi aanu awood u lahayn inuu shirkadda u doonayo Laydhkeeda gashado “Annaga la nooma ogola inaan Shirkad kale tago aan idhaahdo laydh noo soo geliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu doonaynaa in laydhka Caasimadda ay Dawladdu la wareegto oo waxan oo buuq ah laga daayo..” Xildhibaanku wuxuu sheegay in Shirkadda Laydhka bixisa ee TEC oo ka mid ah Shirkadaha Telesom ay qiimo ahaan Shacabka u qiimo jaban tahay marka la barbar-dhigo Shirkadda Sompower oo uu sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamartu uu Shaqaale ka yahay “Sompower Wasiir baa halkan u fadhiya, waana Wasiir, Shirkadana wuu ka shaqeeyaa, markaa waxaanu leenahay wax isku mid ah ha laga qaado (Shacabka, Qiimaha Laydhka), Shirkaddana Dalkaba Kootada loogu xidhay, waxaanu leenahay dan-guud ha laga dhigo, haddii ayna ku heshiinayna waa in Dawladdu la wareegto oo Dadka wax siman laga qaado.” Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Sida Lagu daabacay wargeyska taiwan times oo ka soo baxa wadanka taiwan madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa faray dad la aaminay oo aad ugu dhow, inay sahmiyaan jidad lagu sii xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Taiwan iyo inay sahmiyaan suurtagalnimada is-aqoonsi laba dhinac ah waa Taiwan iyo Somaliland. Ila-xogogaal ah, oo la hadlay mareegta Online-ka laga akhristo ee Somaliland Chronicle, taasi oo ay soo xigatay ‘’The taiwan times’’, ayaa sheegtay in madaxwayne Biixi amray si dhow u dersidda sharci uu meel-mariyay Congress-ka Maraykanku, sharcigaasi oo layidhaa ‘’TAIPEI Act’’, isla markaana uu madaxwaynuhu amray in si degdeg ah loo siiyo talooyinka iyo falanqaynta khataraha aqoonsiga Taiwan. Iyagoo jawaab uga dhigaya siyaasadda sida cadaawadda ku dhisan ee Shiinuhu adeegsado si uu uga ilaaliyo dalalka kale inay aqoonsadaan, ama xidhiidh diblumaasiyadeed la samaystaan Taiwan, Congress-ka Maraykanku waxay si wadajir ah u meel-mariyeen ‘’ shaciga Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative’’ ama TAIPEI Act, bishii March 26, 2020. Sharcigaasi TAIPEI Act ee uu meel-mariyay Congress-ka Maraykanku, ayaa u ogolaanaya Maraykanka iyo dalalka kale, inay ballaadhiyaan xidhiidhada ganacsi ee kala dhexeeya Taiwan. Bilowgii golaha aminga qaranka ee aqalka cad, wuu ammaanay xidhiidha Taipei iyo Hargeysa bilowgii bishii July sannadkan 2020. Iyadoo Somalilandna ay guulo dublumaasiyadeed ku durugtay sida ay sheegtay mareegta The Taiwan Times., mareegta Taiwan Times waxay sheegtay, in dalalka Itoobiya iyo Masar ay ku tartamayaan xidhiidh dhow oo ay la yeeshaan Somaliland. Mareegta Taiwan Times waxay sheegtay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya uu yimi Hargeysa markii saddexaad sannadkan, balse sida laga soo xigtay bay tidhi ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxwayne Biixi oo diiday la kulanka danjiraha Shiinaha, kaas oo Hargeysa kusii nagaaday. Mareegta Taiwan Times waxay sheegtay, inaanay kala caddayn in socdaalka u dambeeya ee danjiraha Shiinuhu Hargeysa ku yimi la xidhiidho aqoonsiga ay Somaliland rabto inay aqoonsato Taiwan. Hore ayay Somaliland ugu gacan-saydhay dalab uga yimi dawladda Shiinaha, kaas oo ahaa inay xidhiidhka u jarto Taiwan. Wargeyska The Taiwan Times oo kasoo baxa dalkaasi wuxuu sheegay, inaanay kala caddayn cidda u ogolaatay sida uu danjiraha Shiinaha Soomaaliya u fadhiyaa ugu noqday Somaliland, kadib qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, kaas oo uu Shiinuhu ku adkaystay xafidnaanta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Wargeesku wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dhawaan gaadheen heshiis, kaasi oo ay ku roondaynayaan biyaha Somaliland. Gebagabada qoraalka uu daabacay wargeeska ‘’The Taiwan Times’’ ayaa lagu yidhi: ‘’hadda 15 dal oo caalamka oo dhan ku yaalla ayaa aqoonsan Taiwan, kadib Eswatini, Somaliland waxay noqon doontaa dalka labaad ee Afrika ku yaalla ee si rasmi ah u aqoosada Taiwan. Source
  17. (SLT-Buuhoodle)-Ergooyin nabadeed oo ka ambabaxay degmooyinka Buuhoodle iyo Ceegaag ayaa gaadhay degmada Widhwidh ee gobolkaasi buhoodle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madax-dhaqameedka gobollada Sool iyo Buuhoodle oo ku dhex jiray sidii loosoo afjari lahaa shaqaaqo soo noqnoqotay oo u dhexeysa laba beelood oo walaalo ah oo deegaankaas wada dega. Madashan lagu soo dhawaynayey ergada waxa goobjoog ka ahaa Garaaddo, Wax-garad, Maayarka degmada Ceegaag iyo mas’uuliyiin kale waxaana ay dhammaantood sheegeen inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan ergeda, isla markaana gogol nabadeed la dhigay deegaanka Saaxadheer oo ka tirsan gobolka Sool, taas oo ay isla maantaba u sii gudbeen. Ergada nabadeed ayaa iyaguna dhinacooda u mahad-celiyay masuuliyiinta ku soo dhaweeyey deegaanka Widhwidh sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen iyagoo bulshada ugu baaqay inay midoobaan oo nabadda deegaanka taageeraan. Source
  18. (SLT-Dubai)-Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Turkiga looga baahanyahay in uu joojiyo faro-gelinta arrimaha Carabta, isagoo cambaareeyay hadal uu wasiirka difaaca Turkigu ka sheegay Liibiya. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii warbaahinta Turkiga ay werisay in wasiirka difaaca Turkiga uu ka hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku saabsan cuno-qabateynta Imaaraadku saaray Liibiya. Imaaraadka oo kaashanaya Masar, iyo Ruushka ayaa taageera ciidanka jooga bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khaliifa Hafter, kaas oo xoogaggiisu ay dagaal kula jiraan dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Turkigu-na waxa uu tageerayaa dowladda Liibiya. “Xidhiidhadda hanjabaado laguma maareeyo mana jiro gumeysi xilligaan,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Anwar Gargash. Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa toddobaadkii sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega millatari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.” Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria. Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.” Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara. Source
  19. (SLT-Washington)-Madax hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa sheegay inkasta oo ay jirto rajo ku saabsan in talaal loo helo feyriska Corona hadana laga yaabo in aanba la helin. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa ku sheegay in ayna jirin wax damaanad qaadaya waqti xadirka helidda talaal islamarkana xitaa laga yaabo in aan la helin”. Mr Tedros ayaa ku booriyay guud ahaan dadka ku nool caalamka in ay u hogaansamaan kala fogaanshiyaha, dhaqashada gacmaha iyo xidhashada Maaskarada. Guud ahaan caalamka, in ka badan 18 milyan oo qof ayuu ilaa iyo ku dhacay feyriska Covid-19. Tirada dadka u dhintay feyriska ayaa ilaa iyo imika gaadhaysa 689,000, sida ay sheegtay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins. Agaasimaha guud ee hay’adda WHO oo ka hadlayay xarunta hay’adda ee Geneva, ayaa sheegay in shaqooyiinka talaalka ay meel wanaagsan marayaan. “Tiro ah tijaabadda talaalka ayaa waxay marayaan wajigii saddexaad, waxaana rajaynayaa in ay jiri doonaan tiro talaalo ah oo gacan ka gaysan doona ka hortagidda feyriska, ayuu yidhi Mr Tedros. Source
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Punland iyo Galmudug ay iska kaashanayaan sugida amaanka Galkacyo si bulshada ku dhaqan ay kuwada noolaadaan xasinooli, walaalnimo iyo in laga wadasheeyo isdhaxgalka bulshada. Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in hishiiskii isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu ka mid ahaa iskaashiga wasaaraddaha amniga ee labada maamul gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay labaduba ka arrimiyaan. “Sugida amaanka Galkacyo iyo in labada wasaaraddooda waa amniga iyo arrimaha gudaha ay kawada shaqeeyaan waxaan ku hishiinay madaxweynaha Qoor Qoor waxaana dhammaan hay’addaasi fareynaa inay sidii loogu talagalay ay u shaqeeyaan amniga magaalada uu u noqdo mid si buuxda layskugu haleyn karo ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale bulshada labada dhinac ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka oo muhiim u ah hormarka ka socdo hada magaalada Galkacyo. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Punlad Saciid Cabdullaahin Deni ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu xariga ka jarayay mashruuc dhismaha wadooyin ka ka socda magaalada galkacyo ee uu daah-furay wajigii labaad ee wado laga dhisayo magaalada ay iska kaashanayaan labada maamul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad nooca milatarig ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Diyaaradda oo saha u siday ciidamada Kenay ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay inay shil gashay xilli ay dooneysay inay caga dhigato garoonka Dhoobley. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawaceem illaa saddex kale oo dhammaan ahaa howl-wadeenadii la socday diyaaradda burburtay. Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu yareeyey dadka la socday diyaaradda oo aad u koobnaa. Sidoo kale waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday diyaaradda oo la soo wariyey inay dhacday xilli habeen ah. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya. View the full article
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad nooca milatarig ah ee ay leeyihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Diyaaradda oo saha u siday ciidamada Kenay ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay inay shil gashay xilli ay dooneysay inay caga dhigato garoonka Dhoobley. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawaceem illaa saddex kale oo dhammaan ahaa howl-wadeenadii la socday diyaaradda burburtay. Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu yareeyey dadka la socday diyaaradda oo aad u koobnaa. Sidoo kale waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday diyaaradda oo la soo wariyey inay dhacday xilli habeen ah. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya. Shilalka diyaaradeed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayey gudaha Soomaaliya, waxaana ay aheyd dhowaan markii diyaarad u socotay ciidamada Jabuuti ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.
  23. Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Punland iyo Galmudug ay iska kaashanayaan sugida amaanka Galkacyo si bulshada ku dhaqan ay kuwada noolaadaan xasinooli, walaalnimo iyo in laga wadasheeyo isdhaxgalka bulshada. Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in hishiiskii isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu ka mid ahaa iskaashiga wasaaraddaha amniga ee labada maamul gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay labaduba ka arrimiyaan. “Sugida amaanka Galkacyo iyo in labada wasaaraddooda waa amniga iyo arrimaha gudaha ay kawada shaqeeyaan waxaan ku hishiinay madaxweynaha Qoor Qoor waxaana dhammaan hay’addaasi fareynaa inay sidii loogu talagalay ay u shaqeeyaan amniga magaalada uu u noqdo mid si buuxda layskugu haleyn karo ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale bulshada labada dhinac ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka oo muhiim u ah hormarka ka socdo hada magaalada Galkacyo. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Punlad Saciid Cabdullaahin Deni ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu xariga ka jarayay mashruuc dhismaha wadooyin ka ka socda magaalada galkacyo ee uu daah-furay wajigii labaad ee wado laga dhisayo magaalada ay iska kaashanayaan labada maamul. View the full article
  24. Wararka laga helaayo degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegayo in diyaarad ay leeyihiin ciidamada dowladda Kenya ay ku burburtay gudaha garoonka degmadaasi. Diyaaradda ayaa waxaa ay sahay u siday ciidamada Kenya ee degan degmada, diyaarada ayaa cilad ku timid, kadib markii ay soo caga dhigatay garoonka. Waxaa jiro khasaare ka dhashay burburka diyaarada, waxaana ku geeriyooday duuliyihii diyaaradda, maadaama diyaaradu ay siday sahay ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-0408220.mp3 View the full article