Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa twitter-ka dhigay qoraal uu ku taageerayo Sacuudiga, isaga oo cambaareeyay Iran, isla markaana yiri, “Jamhuuriyadda Iran waa cadowga dhammaanteen,” taasi oo sii xumeyneysa xiriirka labada dal. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran wuxuu dadka la wadaagay qoraal uu daabacay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-jubeyr, uuna ku sheegay in Iran ay tahay wadankii ugu horreeyay ee taageera argagixisadda aduunka oo dhan. Akoonka luuqadda Carabiga ah ee wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa qoraal uu soo dhigay waxa uu ku yiri, “Iran waa isha argagixisadda, waxayna dhex-gashay afar wadan oo Carbeed, Siiriya, Liibiya, Yemen, iyo Ciraaq iyadoo ka abuurtay musuq-maasuq, haba sheegin baahinta khalalaasaha iyo khatar gelinta dalalka deriska ah.” “Iran waa cadowga dhamaanteen” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil. Iyadoo Sucuudiga iyo Israa’iil aysan wadaagin xiriir rasmi ah oo dublamaasiyadeed, sanadihii u dambeeyay wadamo ku yaalla gacanka ayaa hagaajinayay xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil. Wareysi uu laba sano ka hor siiyay wargeyska fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa dhaxal sugaha awoodda badan ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, waxaa uu aad u booriyay in xiriir wanaagsan lala yeesho Isra’iil. Maxamed Bin Salmaan waxaa la weydiiyay “Hadii ay dadka Yahuudu xaq u leyihiin dal in ay ku yeeshaan ugu yaraan qayb ka mid ah dhulkii awooweyaashood?” Waxuuna ku jawaabay “Waxaan rumeysanahay in dad walba, meesha ay doonaan ha joogeene ay xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan wadankooda oo nabad ah”. Hadalkiisu waxaa uu jabiyay siyaasad rasmi ah oo gobolku uu lahaa, taasi oo ahayd in wadan madax-banaan oo Falastiin ay leedahay la sameeyo, ka hor inta aan maamulka Isra’iil la aqoonsan. Hadalka Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii Sucuudigu uu ku biiray baaqa Mareykanka ee ah in la kordhiyo cuno-qabateynta 13-sano jirsatay ee Qaramadda Midoobay ay saartay dalka Iran, taasi waqtigeedu ku egyahay bisha October ee sanadkan 2020-ka. Mareykanka, Israa’iil iyo Sucuudiga waxay soo jeediyeen in xayiraada oo laga qaado Tehran ay u ogolaan karto in ay xasilooni darro ka abuurto gobolka, iyadoo hubeyneysa xoogagga taageersan ee gobolka ka howlgala. Mareykanka ayaa waxaa uu balan-qaaday in uu joojin doono in waqtigu ka dhamaado cuno-qabateynta Qaramadda Midoobay – laakiin Shiinaha iyo Ruushka oo labaduna codka diidmadda qayaxan ku leh Golaha Amaanka ayaa ka soo horjeeda in la kordhiyo mudada cuno-qabateynta saran Iran. Ugu yaran seddax xubnood oo kale kana tirsan Golaha Amaanka ayaa diiday qorshaha Mareykanka ee cuno-qabateynta Iran.
  2. Inta aanan ka jawaabin su’aashaas, sheeko yar aan idinla wadaago. Ku dhowaad dhamaadkii dagaalkii labaad ee Dunida (1943-45) markii Jarmalka la jabiyay, Ingriiis iyo xulafadiisiina ay guulaysteen ayaa abwaan Soomaaliyeed oo reer Hargaysa ahaa, lana oran jiray Maxamed Nuur Laangare, la yiri boqoraddii Ingriiska u tiri gabay cabbiraya guusha Ingriiska iyo jabka Jarmalka. Dabadeed wuxuu tiriyaya gabay ay ku jireen tixaha hoos ku qoran. Mar hadaan gurigayga gidhligaanka gariiriyo Garnayl loola tagaynin Iglan (England) baa gubanaysa Maxaa iiga gidhiisha Gudaha ceelka hargeysa Weligay gees uma dhaafin Bal maxaa laba gaal oo abtirsiimo gudboon Midkood aan u gumayn Midna guusha u siin Maxaa iiga gidhiisha Gudaha ceelka hargeysa Waligay gees uma dhaafin Inta aan wax gasiintiyo Intaan gaajo ku seexday Hadii aan isu geeyo Mala waa isku gow e Mar haddaan ka gabyay oon go’aygiina ka qaatay Maxaa iiga gidhiisha Abwaan Laangare wuxuu cabbiray in Ingiriis iyo Jarmal kii dagaalka ku guulaystaba aysan waxba isaga ka khusayn, wax saamayn ahna ku lahayn dantiisa iyo nolol maalkeedkiisa iyo tan Soomaalidii waqtigaas noolayd toona. Anagoo ka tusaale qaadanayna gabayga abwaan Maxamed Nuur Laangare, aan is waydiino Soomaalida qurbaha ku nool ma ka qayb gali karaan doorashooyinka ka dhaca waddamad ay ku nool yihiin, sharci dhalashna ka haystaan? Dad badan oo qowmiyad walba leh baa aaminsan in hal qof codkiisu uusan waxba baddali karin sidaa awgeed aysan codayn, dadka kalana ka niyad jabiya inay codeeyaan. Aniga aragtidaydu taas way ka duwan tahay waxaana aaminsanahay in cod kasta uu saamayn leeyahay, qofkii aan codayna uusan cidna qiimo u lahayn, wixii dhib ah oo soo gaarana ama danihiisa ka hallaabana uusan cidna ku eedayn karin. Cod bixinta ka dhacda waddan gudihiisa guud ahaan waxaa loo kala qaadi karaa saddex heer: degaan, gobol, iyo heer qaran. Natiijada doorasho walbana siyaabo kala duwan bay u saamayn kartaa qof kasta oo ku nool waddankaas. Dadka la doorto waxay fuliyaan barnaamijyadii iyo ballan qaadyadii sababay inay guulaystaan. Marka qofkii aan codkiisa dhiiban wuxuu ka dhigan yahay qof aan jirin, danihiisana cidna u taagnayn. Wixii ka xumaada noloshiisa iyo danihiisana cid aan isaga ahayn oo uu ku eedayn karo ma jirto. Taana waxaa cabbiraya murtida Soomaaliyeed ee oranaysa “Ceelna Uma Qodna, Ciidana Uma Maqna.” Ama tan kale ee oranaysa “Nimaan hadlin Hooyadiiba Qadisay.” Sidaa awgeed waa muhiim in qof walba codkiisa dhiibto oo uu u codeeya qofka uu is leeyahay wuxuu u taagan yahay waxayaaba isaga ama bulshadiisa ama waddankiisa dantu ugu jirto. Haddii dadka tartamaya oo dhan ay yihiin dad ay aad u kala fikrada ama dan duwan yihiina, uu u codeeyo qofka uu is leeyahay saamaynta ugu yar buu danahaada ku yeelan karaa. Haddii ay dantu kugu khasabto inaad kala dooratid laba wax ama laba qof oo labaduba xun yihiin waxaa la qaataa ama la doortaa hadba kii labada shiddo ama dhib yar. Gabayga abwaan Maxamed Nuur Laangare wuxuu ku cabbirayay fikirkiisa ahaa anigoo Soomaaliya jooga maxaa iga galay dagaal, guul iyo jab ka dhexeeya Ingiriis iyo Jarmal. Laakiin hadda Soomaali badan ba sharci dhalasho ku leh waddamo awal noo ahaa shisheeye. Soomalida noocaan ahna in badan oo ka mid ah meeshayba ku dhasheen waligoodna Soomaaliya ma arag, waxaana laga yaaba inaysan waligoodba dib ugu laaban Soomaaliya. Haddaan u soo laabano doorashada Maraykanka, waxaa muhiim ah in qof walba uu codkiisa dhiibto, doortana qofka uu is leeyahay danaahada buu u istaagayaa. Danahaas ha ahaadeen kuwo degaan, kuwo gobol, kuwo qaran, ama kuwo caalami ah. Mana aha in cudurdaar laga dhigto codkayga keliya waxba ma baddali karo. Cod waliba samayn buu leeyahay ee ha noqon qof nool oo aan la tirsan. Axmed Bashir – Waxaad kala xiriiri kartaa bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweynihii ka horeeyey Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Caawo Casumaad loogu sameeyey Gaalkacyo. Wasiirada Haweenka Puntland [...] The post Wasiirka Haweenka oo Casho Sharaf Gaalkacyo ugu Saneysay Madaxweyne Deni appeared first on . Source
  4. Qaahira (Caasimada Online) – Gugii Carbeed ee 2010- 2011, waxaa uu dunida carbeed ku hogaamiyay tarar siyaasadeed iyo mid dhul ahaaneed, ayada oo hoggaamiyeyaal badan oo caan ah ay ku baxeen. Ugu horreyn, kadib kacdoonadii Masar iyo Tunisia, Juquraafi-siyaasadeed saddee geesood ah ayaa kasoo muuqatay Bariga dhexe. Qayb kacdoonka kasoo horjeeday oo ay hogaaminayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka, qeyb islaamiyiin isbedel doon ah oo ay hogaaminayeen Turkiga iyo Qatar, iyo gees iska caabin ah o ay ka midyihiin Iran, Siiriya iyo Xisbullah. Siyaasadaha iyo xeeladaha dhinaca u janjeera Colaadaha hubeysan ee Liibiya iyo Siiriya ayaa kala soocday mowqifyada dhinacyada. Iyadoo garabka Iska caabintu uu la dhacsanaa kacdoonada, garabyada Riyad-Abu Dhabi iyo Ankara-Doxa waxay u midoobeen inay la dhacsanaayeen in Mucamar al-Qadafi laga tuuro talada Liibiya iyo in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad-ka Siiriya. Ujeedka ugu weyn ee Sucuudi Carabiya waxaa uu ahaa in ay ka hortagto farogelinta Iran ee gobolka. Xaqiiqdii, Sedaxdaas geesood waxay u buurmeen siyaasad iyo goobo istaatiiji ah dartood balse uma aysan sameysmin arrimo diineed. Ma ahan mucaaradad u dhaxaysa Sunniga iyo Shiicada taasi oo go’aamineysa qaybinta juquraafi-siyaasadeedka Bariga Dhexe. Garabka Abu Dhabi iyo Riyadh laguma qeexin in ay doonayaan difaaca Suniyiinta, laakiin waa xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Washington, waxay daneynayaan in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Israel, iyo cadaawad ka dhan Iran. Bishii july 2013-kii, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul weyn ka gaaray Masar kadib afgambigii lagu sameeyay Maxamed Mursi iyo maamulkii Ikhwaanul muslimiinka. Waxaa talada yimid Cabdul Fitaax Al-Sisi, nakhshadeeyihii ka hor-tagga kacdoonka Masar. Hubinta la’aanta Sacuudiga Dalka Siiriya, farogelinta militari ee Ruushka ayaa badbadisay Al-assad, iskudaygii lagu tuuraayayna ka dhigay mid aan guuleysan. Sacuudi Carabiya waxaa ugu dambeyn Siiriya looga adkaaday April, 2018-kii. Taageeradda Sucuudigu siinayo kooxda Salafiga ah waxay sidoo kale muujineysaa madmadowga Riyadh ee la xiriira Islaamka. Ikhwaanul Muslimiinka waxaa lagu nacay isbedelka ay sameynayaan, laakiin qaar ka mid ah kooxaha Salafiga ayaa laga ogolaaday Masar iyo Siiriya. Sideed bilood ka dib markii laga adkaaday kooxihii joogay bariga Ghouta ee Sacuudiga taageerayay, Imaaraadka Carabta ayaa dib u furay safaaradiisii uu ku lahaa Dimishiq islamarkaana si toos ah u soo celiyay shaqadii Safaaradda. Maanta xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi dhibaatooyin ayaa ka heysta Liibiya. Imaraadka, Masar iyo Sacuudiga waxay taageerayaan Khaliifa Haftar, oo dagaal kula jira Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Al-Sarraj. Isbahyasi baylahan Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadka Carabta ayaa u muuqday inuu dib u qeexayo hortabintiisa, taasi oo mararka qaar iska soo horjeeda, si ay u difaacdo xasiloonideeda iyo maamulkeeda dhexe ee ka dhanka ah Dimoqaraadiyadda. Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa uu doonayaa isku xir dhanka badda ah, xitaa hadii ay noqoneyso xoojinta gooni u goosadka Somaliland ee Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen. Dalka Yemen, xulifadda uu Sucudigu hogaaminayay ee ka dhanka ahayd Xuutiyiinta ayaa baaba’day. Militari ahaan iyo Siyaasad ahaan, kadib muddo ka badan shan sano oo dagaal ah, xuutiyiinta oo maamulka Sanca iyo inta badan Yemen ayaa xoogeystay. Sucuudiga maamul xoogan kuma lahan Yemen: Woqooyiga iyo koofurta ayaa waxaa hogaamiya Xuutiyiinta iyo gooni u goosatada Imaaraadka taageero.. Siyaasad arrimo dibadeed fashilantay In Imaaraadka Carabtu uu ka xoroobay xulufadii uu kula jiray Riyadh waxay leedahay cawaaqib la xusi karo oo Juquraafi-siyaasadeed ah. Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la tartameysa dagaalka qabow ee ka dhexeeya Iran iyo Sacuudiga. Ug dambeyntii, natiijadda xulifadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dunida carbeed aad uma ifeyso. Afgambigii Mursi ee Masar ka dhacay keliya ayaa guul u ahaa. Dadweynaha Carbeed kuma qanacsana maamulka Dowliga ah ee xukunka dhexe, taasi oo dadka Algeria iyo Lebanon ay dhowaan muujiyeen. Natiijadda siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga waa musiibo: Sucuudigu waa uu ka tagay Ciraaq, Siiriya waa looga adkaaday, Lubnaan dib ayuu uga gurtay, guul darro ayaa ka heysata Yemen, waxaana uu gebi ahaanba si khaldan u xisaabiyay Istiraatiijiyadda Liibiya. Imaaraadka waa ka yara roon yahay Sacuudiga, oo Yemen wuxuu haystaa taageerada gooni u goosatada koonfureed, laakiin Soomaaliya waxaa kaga adkaaday Qatar, inkasta oo ay ku xiran yihiin Somaliland oo federaalka Xamar uu dunida kala kasoo go’doomiyey. Libya, waxaa kaga adkaanaya Turkey iyo Qatar, shirqoolkoodii Tunisa-na waa laga hortagay. Sacuudi iyo Imaaraad waxay isku haystaan hormuud Carabta iyo Islaamka, balse sanadihii dhowaa waxay guul-darraba u dhiibeysay mid kale.
  5. Over 70,000 people, many of whom are internally displaced, were forcibly evicted from their homes in urban areas across East Africa even during the most prevalent months of the Covid-19 pandemic – a new report reveals. “Evictions expose vulnerable people to greater risk of infection as they are forced into more crowded and unsanitary conditions. Furthermore, evicted people do not have a financial safety net. Many have already lost their jobs due to the pandemic and find themselves homeless, hungry and at risk of ill-health at a time when we should be working together to protect all populations,” said Evelyn Aero, Legal Assistance Regional Adviser for the Norwegian Refugee Council (NRC) in East Africa. In Somalia, evictions are a constant threat for vulnerable communities, including displaced populations living in collective settlements and densely populated urban areas. In 2019, more than 260,000 people were forcibly evicted from their homes, including over 150,000 in Mogadishu alone. And while the numbers have reduced this year, close to 65,000 people have been evicted so far, including 33,000 in Mogadishu. Over half have been evicted since the global pandemic was declared in March. In Ethiopia, municipal authorities in Addis Ababa demolished dozens of homes deemed to be illegally constructed on land with contested ownership, leaving approximately 1,000 people homeless in April alone. The houses belonged to day labourers, many of whom had lost their jobs due to Covid-19 restrictions. In Kenya, authorities defied court orders and forcibly evicted more than 7,000 people from land in Kairobangi and Ruai informal settlements in Nairobi. The official reason given was that homes were demolished because they were built on public land. A new NRC report, An Unnecessary Burden: Forced evictions and Covid-19 looks at how forced evictions are making the lives of vulnerable people in East Africa even more difficult during the pandemic. Currently, there are over 30,000 confirmed Covid-19 cases in the region but the actual number is thought to be much higher. “There needs to be a moratorium on evictions,” said Aero. “Governments and local authorities in the region should put in place regulations to stop evictions or the closures of camps and informal settlements while Covid-19 restrictions are in place. In Somalia, the Baidoa District Administration issued an official directive suspending evictions during Covid-19. This action should be replicated across the region. Evictions are a cruel act which only serve to undermine the positive work of governments and local authorities in trying to curb the spread of Covid-19. More must be done to protect the most marginalised during these challenging times,” she added. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online)-Taiwan ayaa ogolaatay in ay xiriir diblomaasiyadeed la sameysato Somaliland oo aan la qoonsan, laakiin Istiraatiiji ahaan muhiim ah, waana tallaabo macquul ah oo keeni karta xiriir diblomaasiyadeed, taasi oo ka careysiin karta Shiinaha oo aad u maalgeliyay xiriirka uu la leeyahay Afrika. “Tani waa talaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah oo u dhaxaysa labada Dowladood, halkaas ayaanna kasii socon doonaan” waxaa sidaas yiri Liibaan Yusuf Cusmaan oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland. Wasiir Liibaan ayaa intaas ku daray, “Somaliland oo madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii waxay wakiil usoo diri doontaa Taipei waxayna ka furan doontaa xafiis.” Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in labada wadan ay dhisanayaan xiriir laba geesood ah oo ku saleysan qiyamka ay wadaagaan. “Horay ayaan ugu soconeynaa in aan xafiisyo wakiilo ah ka furano labadda wadanka in aan u balaarino iskaashiga labada dhinacba faa’iidada u ah,” ayey ku tiri war ay twitter-ka kusoo qortay. Taiwan waa dal madaxbanaani doon ah, laakiin Shiinaha ayaa sheegta in ay tahay dhul ka tirsan Jamhuuriyadda dadka Shiinaha. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan ay la sameysatay Somaliland waxaa uu qayb ka yahay dib u riixista saameynta adag ee Shiinuhu ku leeyahay dunida. Waxayna kusoo aadeysaa iyadoo amaantii uga timid dalalka Dimoqaraadiyadda taageera ay ku guul dareysatay in xiriir diblomaasiyadeed u turjunto guusha Taiwan ay ka gaartay xakameynta Coronavirus. Markii Midowga Europe ay todobaadkaan xuduudahooda dib ugu fureen dalxiiseyaasha, Taiwan waxay ka maqneyd liiska dalalka, inkastoo wadanka loo tirinayo in uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu badqabka badan aduunka marka loo eego saameynta Coronavirus. Joseph Wu oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa iskaashiga Somaliland ku tilmaamay sii wadista dadaaladda Taiwan ay kula shaqayneyso dalalka ay qiyamka wadaagaan. “Somaliland waa dimoqaraadiyad, waxay qabteen seddax doorasho madaxtooyo oo guuleysatay iyo awood isku wareejin,” ayuu yiri Mr. Wu. Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeyay in Taipei iyo Hargeysa ay isula dhaqmeen sida dalal madax-banaan, isagoo intaas ku daray in macdanta ay qaniga ku tahay Somaliland ay noqon karto danaha Taiwan. Wasiir Liibaan Yuusuf Cusmaan ayaa dhankiisa sheegay in labada wadan ay iska kaashan doonaan meelo dhowr ah, oo ay kamid tahay amniga, beeraha, waxbarashada, kalluunka, tenchnology-yadda iyo dowladnimada. “Somaliland waxay ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku teedrsan badda Cas, waxaana mar walba ka jiro argagax iyo rabshad.Taiwan waa wadan aad u horumaray oo leh ciidan horumarsan ee badda waxaana horay ugu soconeynaa in aan iska kaashano qaybahaas” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland. Keliya 15 wadan ayaa Taiwan aqoonsan, kuwaas oo aqoonsigoodii gaabiyay markii ay xiriir diblomaasi ah la sameysteen Shiinaha. Qaaradda Afrika, Boqortooyadda Eswatini keliya ayaa qoonsan Taiwan, kadib markii Burkina Faso ay xiriirkeedii dib ula yeelatay Beijing sanadkii 2018-kii. “Waxaa jira Juquraafi-siyaasadeed weyn oo meesha yaalla,” ayuu yiri Murithi Mutiga oo Kooxda Xasaradaha taxliiliye uga ah xiriirka isu soo dhowaaday ee Somaliland iyo Taiwan. “Waxay adkeyneysaa tartan weyn oo awoodda ah oo lagu cayaarayo Geeska Afrika.” Mr. Liibaan Yuusuf Cusmaan waxaa uu sheegay in Somaliland ay fahansantahay “arrimaha siyaasadda” ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan, balse kama uusan baqeynin falcelinta Beijing.
  7. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-02072020.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku cambaareyneyso xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday xarumaha telefishinada Universal iyo Star ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa. Sidoo kale qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqaya xukuumadda Somaliland, inay xushmeeyaan, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. “Waxaan cambaareeneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqeyntaa hoggaanka Somaliland inay xushmeeyaan, difaacaan, islamarkaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku celineysa sida ay uga go’an tahay difaaca xoriyadda saxaafadda” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Safaaradda. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Buurta Garba Diir oo ka mid ah Buuraha Sil silada Gollis ee ku teedsan gobolka Saaxil, gaar ahaana degaanka Laasa Dacawo ayaa dab xoog lihi ka kacay. Buurtan oo masaafo ahaan ilaa 10 km u jirta dhul beereedka degaanka Laasa Dacawo, dhinaca galbeedna kaga beegan ayaa dabkani ka kacay, waxaana dabkan la sheegay in ay sababeen dabaylaha xoogan ee Xagaaga oo in dabkani ku faafo degaankas, iyada oo dabkani gaadhey ku dhowaan ilaa 20 km, sida uu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Weriyaha uga soo warama gobolka Saaxil u sheegay Guddoomiyaha degmada Laasdawaco Axmed Aadan Col-ujoog. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in aan ilaa hadda la garanayn waxa uu dabkaasi ka dhashay, marka laga yimaado dabaylaha xagaaga ee ku fidiyey goobaha uu gaadhey dabkaasi. Dabkan oo lala tacaalaayey bakhtiintiisa muddo 12 saacadood ah ayuu Guddoomiyuhu sheegay in ay qayb lixaadleh ka qaateen Ciidamada Booliska Somaliland ee degmadaasi iyo dadka deegaankaasi, waxaanu tilmaamay guddoomiyuhu in xalay saqdii dhexe lagu guulaystay in dabkaas la bakhtiiyo. Waxa uu Cadeeyey Guddoomiyaha Degaanka Laasadacawo in aanay jirin wax khasaare naf iyo maal ah oo uu dabkaasi geystay intii uu socday. Source
  10. Alle qabriga haw nuuree waxaa goordhaweyd Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Abwaan Maxamed Maxamuud Cige (Buse) sida uu ii xaqiijiyay Cumar Maxamed Faarax Agasimaha wakaaladda wararka Somaliland ee ( Solna ). Marxuumka oo fanka kusoo jiray in kabadan 40 sanno ayaa siweyn loogu wada xasuusta ruwaayado iyo heeso badan oo uu sameeyay qaarkoodna uu qeyb ka ahaa , dhanka laxanka iyo muusiga ayuu sidoo kale siweyn caan ugu ahaa , isagoo qeyb ka ahaa fanaaniintii kooxdii Waaberi ee Somalida caanka ka ahayd. Marxuumku waxa uu mudooyinkii ugu danbeeyay ahaa agaasime ku xigeenka waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland . Alle qabriga haw nuuro marxuumka . Source
  11. Hargeysa (Caasimada Online)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku cambaareyneyso xariga ay Somaliland kula kacday xarumaha telefishinada Universal iyo Star ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa. Sidoo kale qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqaya hoggaanka xukuumadda Somaliland, inay xushmeeyaan, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. “Waxaan cambaareeneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqeyntaa hoggaanka Somaliland inay xushmeeyaan, difaacaan, islamarkaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku celineysa sida ay uga go’an tahay difaaca xoriyadda saxaafadda” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Safaaradda. @US2Somalia reiterates its commitment to the defense of #PressFreedom. We condemn threats and violations against journalists and the free press in #Somaliland. We call on Somaliland’s leadership to respect, uphold and protect the right to freedom of expression. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) July 2, 2020 Intii lagu guda jiray u dabaal degga 60-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa ciidamada Booliska Somaliland waxay albaabada isugu dhufteen xarumaha labada telefishin ee Universal iyo Star ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa. Wasiirka warfaafinta Somaliland Suleymaan Yuusuf Koore, ayaa BBC-da u sheegay in TV-ga Universal uu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-kii June uu ka jeediyey magaalada Hargeysa. Mar wax laga weydiiyey waxa ay u tixgelin waayeen farqiga u dhexeeya warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, ayaa wasiir Koore waxa uu ku jawaabay,”Marka ay joogto maalmaha qaranka, cid kasta ama private ha noqoto ama public ha noqoto xafladahaasi qaran ee ka socda deegaannada uu ka hawlagalayo ‘waa in laga qeyb qaati’ hawada uu ku shaqeysto iyo dhulka uu ku shaqeysto iyo meesha uu faa’iidada ka helayo waa Somaliland.” Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ayaa ka gaabsaday in uu cadeeyo waxa lagu xiray telefishinka kale ee Star oo isna u xiray xukuumadda, waxayna Somaliland sheegtay inay labadaas TV kala noqotay ogolaanshihii ay uga shaqeysan jireen deegaanadeeda.
  12. Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay xasilooni kadib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen rabshado ka dhashay dilka heesaa caan ahaa. Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada. Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu yiri “Iyada oo waddanku u barooranayo khasaaraha Hachalu Hundessa, Guddoomiyuhu wuxuu codsanayaa deganaansho, xakamayn dhinac walba ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan Ethiopian-ka inay ka fogaadaan falalka sii kordhin kara xaaladda hadda jirta. Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqayaa Dowladda Ethiopia “inay keento dambiilayaashan ficillada xun gaystay si ay u wajahaan caddaaladda.” Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo qaab nabadeed, si loo oggolaado dadaallo ku filan oo looga hortago laguna xakameeyo masiibada COVID-19. Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta, waxaana maanta lagu aasay magaalada Ambo. Goobjoob News Source: goobjoog.com
  13. NAIROBI (HOL) - Gambia will not be championing for Somaliland’s international recognition, the country’s Foreign Affairs Minister has said as China rubbishes a diplomatic deal announced by Taiwan and Somaliland. Source: Hiiraan Online
  14. Domestic flights in Somalia are set to resume on 5th July, in line with the partial easing of lockdown restrictions in parts of the country. The Somali cabinet has outlined the measures it has adopted to offer a “healthy and comfortable travel experience” in compliance with directives from the Ministry of Health. The measures include installing markers on the floor of terminal buildings to encourage social distancing, recommending travelers keep 1.5 meters from others. The wearing of a face mask has been made mandatory in all areas of the airports, and hand sanitizing stations are now available throughout terminal buildings. View the full article
  15. Djibouti seeks to bring stability to neighboring Somalia as the situation of the country impacts the security of the Horn of Africa, the country’s envoy to Saudi Arabia said on Wednesday. Establishing stability and security in Somalia and limiting “the flow of refugees” is key for the Horn of Africa as “the region is geographically, culturally, humanly and economically linked to each other,” Ambassador Ziauddin Saeed Bamakhrama said in an opinion piece published by Arab News’ sister-paper Asharq Al-Awsat. Last month, Djibouti held a consultative summit between Mohamed Abdullahi Farmajo, the President of the Federal Republic of Somalia, and Muse Bihi Abdi, the President of Somaliland. The meeting was hosted and chaired by Djibouti President Ismail Omar Guelleh. “The resumption of the talks between Somalia and Somaliland is a perfect illustration of the continued determination of the leaders of the region to resolve differences through dialogue,” Guelleh said via Twitter. Somalia and Somaliland have been at odds since the latter’s 1991 declaration of independence, which the former rejects. The dispute has cooled after heating up in 2018, but lingering tensions could threaten regional stability. The two sides agreed during the meeting to appoint technical committees to continue the talks and also assented not to politicize international development assistance and investment. The ambassador also discussed the success of the historic Arta Conference, which paved the way for the cessation of all armed conflict, in his opinion piece. The Arta process, as it is commonly known, achieved an important political breakthrough, producing a power-sharing agreement in August 2000 with the establishment of a Transitional National Government, which secured a measure of international recognition. This was due, in part, to an innovative peace process that consulted with Somali society beyond the usual faction leaders, including clan elders, civic leaders and business people. “President Ismail Omar Guelleh did not only sponsor Arta Conference 2000, but participated in it actively, interacting with the participants, based on his deep knowledge of the region and its peoples, out of his determination and commitment to bring the conference to a successful closure for the benefit of the Somali people,” the ambassador said. View the full article
  16. A military court in Somalia sentenced a police officer to death on Thursday in the fatal shooting of two civilians while enforcing coronavirus restrictions in April. The shootings sparked protests in the capital, Mogadishu, for more than two days, with crowds of angry young men burning tires and demanding justice. Hassan Aden Hassan was convicted of the “deliberate” fatal shooting of Hassan Ali Adawe and Madino Abdullahi Abdi and was sentenced to death by firing squad, according to Col. Hassan Alinur Shute, the military court’s chief. Somalia’s police chief had immediately fired the commissioner in charge of security in Bondhere district where the shooting occurred. Somalia has one of the world’s weakest health systems. The Horn of Africa nation has more than 2,900 confirmed virus cases. View the full article
  17. Somalia’s historic one-person-one-vote election, scheduled for late 2020, looks set to be postponed. Electoral commission chair Halima Ismail told the country’s federal Parliament on 29 June that the much-anticipated polls could not be carried out in less than 13 months. Somalia faces multiple threats from continued terrorist attacks, increased political polarisation, incomplete electoral laws, the COVID-19 pandemic, the worst desert locust invasion in decades, and floods. The result has been food insecurity for an estimated 1.3 million people and an increase in internally displaced persons. Given this dire situation, the African Union’s (AU) recent engagement in Somalia comes at a critical juncture. The Peace and Security Council (PSC) has discussed Somalia twice since the beginning of 2020. The meetings focused on the elections, the future of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), and the renewal of AMISOM’s mandate for another nine months. The AU also held another high-level meeting with Somali stakeholders and key partners in April. But to overcome the current political and security stalemate in the country, the AU’s role in Somalia must evolve beyond the counter-terrorism operations currently led by AMISOM. The AU should focus on conflict resolution to find a political solution to the crisis. This could include supporting outreach by the government, and community-level reconciliation, which would help counteract inter-clan conflicts as well as terrorist activities. The AU could also support efforts by Somali stakeholders to consider negotiations with al-Shabaab. As it repositions its role in Somalia, the AU can directly contribute to bringing together the federal government and regional states for political dialogue. The contentious relationship between the federal government and regional states is complicated by clan rivalries, and divisions have deepened as Somalia prepares for elections. Relations between the federal government and the Puntland and Jubaland states especially have soured of late. At the centre of the dispute lies the federal system, which states claim has not led to a full devolution of power, including the administration of security forces, or the equitable sharing of resources. Disagreements on key governance issues could further destabilise the country. These are the inclusiveness and transparency of the constitutional review process, the legislative process that led to the adoption of the new electoral law, and the universal suffrage voting system meant to replace the clan-based quota approach. The electoral process specifically could benefit from the AU’s support. Somalia’s National Independent Electoral Commission needs help to deliver inclusive, independent and credible polls. Unless properly managed, the election could foment divisions and lead to post-election violence. The announcement this week that the polls might only take place in a year’s time makes AU support even more necessary. According to Somalia’s electoral commission chair, the delay was due to ‘significant technical and security challenges.’ The current political and security context, as well as the COVID-19 pandemic, do indeed make for poor electoral conditions. But the delay ought to be discussed among the country’s political stakeholders so that it does not worsen existing tensions in the country. The AU had been pushing for timely elections and called on international partners to mobilise resources to this end. It has provided training and technical support to the electoral commission and other stakeholders, but COVID-19 disrupted these activities. The AU has also called for dialogue between the federal government and regional states, but this has yet to take place. Another area of support for the AU is the completion of Somalia’s constitutional review. The continental body can help ensure that a consultative national dialogue process takes place ahead of a referendum to adopt the constitution. In collaboration with the United Nations (UN) and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the AU can also help improve regional security. Rivalries and great power politics in the Horn could further destabilise Somalia. Ethiopia and Kenya, both troop-contributors to AMISOM, differ on Somali politics. They have accused one another of interfering in the internal politics of the country and of trying to influence elections in regional states such as Jubaland, which borders both states. There have also been allegations of troop movements from both countries outside the AMISOM umbrella into Doolow town, heightening tensions along the border. Relations between Kenya and Somalia are also tense as a result of their maritime border dispute. This worsened when heavy fighting between Somali government troops and forces loyal to Ahmed Madobe, the Governor of Jubaland, spilled across the Kenyan border. In addition to support on conflict resolution, the electoral process and regional security, AU responses to terrorism in Somalia should continue. Al-Shabaab remains a significant threat to peace and stability. There have been repeated attacks on AMISOM troops, and al-Shabaab has killed three governors from Mudug and Nugal, both in Puntland state, and the governor and mayor of Mogadishu since the beginning of 2020. The impact of terrorism is worsened by Somalia’s protracted inter-clan conflict, which involves internal, regional and extra-regional dynamics. Links between clan affiliated militias established in response to growing insecurity, and the way al-Shabaab recruits and operates, require scrutiny of the nexus between inter-clan conflict and terrorism. Continued instability undermines what AMISOM has achieved since 2007. It also shows that military intervention alone cannot solve the security impasse. Successive Somali governments and the AU have mostly resisted the idea of political dialogue with al-Shabaab. But many civil society groups have been calling for talks as a non-military solution to the conflict. Ultimately, the AU’s security and stability strategy for Somalia beyond 2021 should focus on finding a political solution to the crisis. A holistic conflict resolution strategy is needed that responds to the complex and interlinked conflict drivers, both nationally and in the region. View the full article
  18. On a visit to the major tertiary hospital in Mogadishu, which plays a critical role in the management of COVID-19 patients’ care, on 21 June, the United Nations Secretary General’s Special Representative to Somalia Mr James Swan called for continuing international support to the Government’s response to COVID-19 and praised the efforts of frontline health care workers. “Since the start of the pandemic, the United Nations family has supported the Somali Government’s response to the COVID-19 pandemic in a range of integrated ways. The De Martino Hospital has been central to testing, case detection and critical care support in Somalia,” said the United Nations Secretary General’s Special Representative. “I am glad to have had the chance to see firsthand the work being carried out by Somali health workers in responding to the need for patient care and critical care support. It has been a welcome opportunity to express the UN’s solidarity with these courageous individuals who are on the frontline of Somalia’s efforts in combating the outbreak,” he added. “I commend health workers and the Government on their tireless efforts.” Located in the capital city of Mogadishu, the hospital is the major and only tertiary hospital in the public sector with an intensive care facility for critical care. The hospital has been recently upgraded with 71 dedicated isolation beds for the treatment of COVID-19 patients. 16 of these beds are fitted with ventilators donated by WHO and the United Nations International Organization for Migration. Along with other partners of the UN system in Somalia, WHO continues to provide technical, logistical and operational support to this hospital for patient management and care. Recently, WHO has donated ventilators, oxygen concentrators and other essential medical and hospital supplies for patient care. WHO is also supporting budget support to the Ministry of Health to cover salaries of additional health care workers who have been hired to respond to the surge in patient numbers and provide patient care at this hospital. Recently, WHO has also helped in managing patient data with an electronic information management system for the hospital. While commenting on the visit, the WHO Representative stated, “We have come here to thank the health care workers of this hospital where the majority of patients with COVID-19 have been treated since the first case was officially confirmed on 16 March 2020. Since that period, health care workers have been providing dedicated services by sacrificing their own comfort. Many lives have been saved in this hospital owing to the early intervention of the health care workers. This hospital has treated over 200 patients in the last few months which is testimony to its paramount role in responding to this epidemic. We express our solidarity with them and assure them of our continued support in the days ahead”. The United Nations family’s support for Somalia’s COVID-19 response has included planning, coordinating and supporting policy development; building the capacity of health professionals working in hospitals; establishing and supporting operation of intensive care beds, making available medical oxygen, supplying personal protective equipment, ventilators and other equipment for the hospital and providing operational support to run and manage the intensive care unit in the hospital. According to the Federal Ministry of Health and WHO, as of 2 July, 2020, there have been more than 2900 confirmed cases of COVID-19 in Somalia, including another 90 associated deaths. These cases include 93 health care professionals, with one reported death among them. View the full article
  19. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 20 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 952. Marwo Fowziya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka xumuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 14 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 10, Banaadir 3, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 938. Bukaannada cusub 12 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. aalinnimadii Sabtida, 27-June 2020 waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Khudbadii Guddoomiye Xaliimo Yarey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-yarey.mp4 Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa galabta hadal ka jeediyay munaasabad ay soo qaban qaabisay Madashu oo lagu xusayey maalmaha xorriyadda Soomaaliya. Sheekh Shariif oo inta badan hadal jeedintiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in haatan aysan muuqan hab doorasho heshiis lagu yahay, taas oo sida uu sheegay su’aal gelineysa halka loo socdo. Waxa uu sidoo kale shisheeye in dowladda ay dooneyso in dowlado iyo ciidamo shisheeye ay dadka u qabtaan. “Hadii dowladdu ay ku fekereyso dowlado shisheeye ayaa dadka idiin qabanaaya cid na qaban karta ma jirto, hadii ay ku fekeraayaan ciidamo ayaa idiin tababaran, kuwo kale ayaa idiin imaanaya, AMISOM ayaa joogta, taasi wax dhici kara ma’ahan, anaga sharciga unbaa na qaban kara, sharcigaas qabyada ah aan wada ilaashano, qabiil, qori, iyo dagaal, midna ma rabno, dastuurka unban rabnaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale sheikh Shariif ayaa sheegay in hey’adaha dowladda qaarkood aysan hada wada shaqeyn oo ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, isaga oo ku baaqay in miiska la isugu yimaado dib u heshiisiin guud. “Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado,” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen.” Sidoo kale guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrimaha guddiga doorashooyinka isagoo sheegay in eed gooni ah uusan saareyn oo inta badan wixii loo diray ay qabteen. “Arrinta guddiga doorashooyinka waa dadaaleen, wixii ay qaban kareen ayey qabteen, anigu ma rabo aad in aan u eedeeyo, laakiin waxaan rabaa in aan dhaho mas’uuliyad aysan laheyney qaateen, tusaale doorashadu waxay u baahantahay, amni, heshiis iyo dhaqaale, guddiga doorashooyinkuna intaas mas’uuliyadi kama saarna, bilaha ay soo bandhigeena macada waxa lagu beys gareeyay, macnaheedu taas waa doorasho goor ay dhaceyso lama yaqaano,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Hoos ka Daawo
  22. Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ka dhacday Mqudisho ayaa sheegay in Dowladda ay cadayso mowfiga doorashooyinka 20201. Halkan Ka Daawo Khudbad Uu Madaxweynihii Hore Soomaaliya Ka Jeediyay Muqdisho Source: goobjoog.com
  23. Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo oo kadhacday ayaa sheegay in Dowladda laga rabo in cadayso mowfiga saxda ee doorashada. Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Guddoomiye Sheekh Shariif Ka Jeediyay Munaasabada Source: goobjoog.com
  24. Maalinnimadii Sabtida, 27-June 2020 waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, si rasmi ah ayey ugu dhawaaqday iney dalkan doorasho ka dhici Karin waqtigii xukuumadda loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay muddo korosi, waa hadal qof walba oo si caqli ah u fakarayaa uu sugayay la iskana ogaa inaan doorasho dalkan ka qabsoomi Karin. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hadal Jeedintii Xaliimo Yarey Ee Baarlamaanka Halkan Ka Aqriso Warbixin Ay Goobjoog Ka Qortay Hal Jeedintii Guddoomiye Xaliimo Yarey Hadal Jeedintii “Xaliimo Yarey” Marmarsiiyo Ma Looga Dhigan Karaa Muddo Kordhin Dadban… 5 Xaqiiqo Oo Muhiim Ah oo Ay Ka Dhawaajisay Source: goobjoog.com