Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. TAIPEI (Taiwan News) — Somaliland's president has reportedly rejected a conditional offer by a delegation of Chinese "wolf warrior" diplomats to cut ties with Taiwan, and added that he is taking steps to strengthen relations with the country. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa ka qeyb galay dood celmiyeed ciwaan looga dhigay Xaaladda Amniga ee Soomaaliya, taas oo uu soo qaban-qaabiyay machadka ACTRI ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Doodaas oo lagu qabtay qadka Internetka ayuu Shariif Sheekh Axmed si faahfaahsan uga hadlay sababaha looga adkaan waayay ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaalamaya qeybo ka tirsan gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sheekh Shariif oo ka talo bixiyay habka Al-Shabaab looga adkaan karo ayaa sheegay in loo baahanyahay ka go’naan iyo rabitaan dhab ah in laga helo hoggaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in sida uu aaminsan yahay laga gaabiyay dagaalka ciribtirka Al-Shabaab. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh ayaa sheegay in wax laga walwalo ay tahay sida ay Al-Shabaab weli ugu xooganyihiin dalka, si gaar ah dhaqaalaha ka soo gala magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay. Waxa uu sheegay inay canshuur ka qaadaan konteennar kasta oo ka soo dega dekedda weyn ee Muqdisho, isagoo taas ku tilmaamay baad sababtay sii jiritaanka Al-Shabaab. “Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay Al-Shabaab canshuur ka qaaddo dekedda Muqdisho, mana jirto cid dhaqaaq maaliyadeed sameyn karta, iyadoo aan meel la saarin lacagta baada ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri Sheekh Shariif. Wuxuu intaa ku sii daray “Waxay na tusineysaa in awooda dhaqaale u saamaxeyso inay geystaan weerarro ‘laayaan ah’ oo galaaftay nolosha dad badan, waxaana ka xusi karaa xasuuqii 14-kii October 2017-kii, oo aan ku weynay 600 oo rayid ah ka badan.” Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaanka dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay masuul ka tahay sii jiritaanka Al-Shabaab iyo inay dalka ku sii xoogeystaan. “Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaa oo ka dhaqaale yareyd tan haatan jirta, ka ciidan yareyd, kana caqabado badneyd ayaa ku guuleysatay inay wiiqdo Al-Shabaab oo ka saarto Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood. In Xilligaan laga adkaan waayo Al-Shabaab waxay na tusineysaa in la dagaallanka kooxdan aan lasiin muhiimaddi uu lahaa” ayuu yiri madaxweynihii hore Sheekh Shariif. Gaba-gabadii dooda Sheekh Shariif waxa uu talo ahaan u soo jeediyey, “Si looga akdaado Al-Shabaab waa inaan diiradda lasaarin oo kaliya in lagu qaado dagaal toos ah oo ciidan, laakiin waa in qorshaha lagu darsado in loola dagaalo qaab fikir ah, oo dadka la qalday ee kooxda kamid ah loo sharraxo fasirka saxda ah ee diinta Islaamka, loona fahamsiiyo hab caqli gal ah.”
  3. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-shabelle-06082020.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaashigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu tababaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka military-ga Soomaaliya. Safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yılmaz ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu “markii aan eegno wadarta guud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meelood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.” Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yılmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kaashanayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxbarashadda. Safiirku waxaa uu sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu dib ugu laabanayo sanado badan ka hor, laakiin horumarintiisa uu bilaabay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, xilligaas oo wadanka ay abaaro ka jireen. “booqashada Madaxweyneheenu uu 2011-kii ku yimid Soomaaliya waxay bedeshay wixii wadanka ka jiray, waxayna xiriirka ka dhigtay heer cusub,” ayuu yiri Yilmaz. Waxaa uu sheegay in booqashadii Erdogan ay tooshka ku shiday Soomaaliya. Isagoo hoosta ka xariiqay in “Erdogan uu noqday hoggaamiyaha keliya aan African ahayn ee Soomaaliya yimid muddo 20 sano ah” ayuu sheegay in fariintii Erdogan ay ka farxisay Soomaalida. Safiirku waxaa uu intaas ku daray in Turkigu uu sii wadayo taageeradda uu siiyo Soomaaliya oo ay la socoto kaalmo bani’aadanimo oo loogu eegayo baahida uu wadanku hadda qaboo ee dhanka caafimaadka, waxbrashada iyo amniga. ‘Iskaashiga militery ee Turkiga uu la leeyahay Soomaaliya waa mid aad muhiim u ah’ Isagoo tixgelinaya iskashiga military ee labada dal ayuu Yilmaz sheegay in ku lug-lahaanshaha Turkiga ee Soomaaliya ay “aad muhiim u tahay.” “Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soomaaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadankaan. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yiri. Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee beesha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay tahay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliyadda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan. “Ka bixitaanka ciidanka AMISOM ayaa laga hadlayay maalmahaan. Xaqiiqdii, qorshaha kala guurka Soomaaliya, oo lagu dhaqan geliyay dadaaladda dib u dhiska ee Dowladdu waddo ayaa taas laga arki karaa. Sanadkii lasoo dhaafay iyo sanadkaan tirada ciidanka AMISOM 2.000 ayaa ka yaraatay. Laakiin taas xaqiijinteedu waxay ku xirantahay in la abuuro ciidan Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yilmaz. “Waxaan si cad u dhihi karaa in Turkigu uu yahay dalka Soomaaliya siiya taageeradda ugu tayada badan,” ayuu hadalkiisa ku ii daray. Safiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha laf-dhabarta u noqon doona ciidanka Soomaaliya lagu tababaray saldhigga TURKSOM, isla markaana la siiyay tababar heerkiisu aad u sarreeyo. “Mar ka hore wax barasho aasaasi ah ayaa lagu baraa Soomaaliya. Kadibna waxaa loo diraa gobolka Isparta ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku qaataan tababarka komaandooska. Markii ay dhamaatana waxaa loo soo wareejiyaa military-ga Soomaaliya,” ayuu yiri Ylmaz. Safiirku waxaa uu sidoo kale ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Turkigu argagixisadda u yaqaano ee FETO loo soo gaabiyo, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ahayd wadankii ugu horeeyay ee soo gabangabeeyay dhaq-dhaqaaqii FETO, markii uu fashilmay afgambigii Turkiga sanadkii 2016-kii. Mehmet Yilmaz waxaa uu amaanay dadaaladda mu’asasada Maarif ay ka wado Soomaaliya, si loo kordhiyo waxbarashada dalka. “Maarif shaqo fiican ayey Soomaaliya ka qabteen. Mu’asasadu waxay ku dedaaleysaa in ay dhisto laba iskuul. Iskuuladaas aad ayaa loogu baahanyahay. Waxaa jira iskuul kale oo Maarif ay ka dhistay Somaliland. Macamiliinteenu waa ay guuleysanayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay xil ka qaadistii lama filaanka aheyd ee baarlamaanku ku sameeyen ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa. Odowaa oo hadda ah xoghayaha guud ee Madasha xisbiyada qaran ayaa si weyn usoo dhaweeyay xil ka tuuristii Kheyre, isagoona ku tilmaamay xukuumada aan waxqabad badan kusoo kordhin dalka. Waxa kale oo uu sheegay in ra’iisal wasaare Kheyre uu cadaadis xoogan ku hayey wasiiradaasi, taasi oo keentay in golahiisa oo u badnaa xildhibaano ay ka codeeyan markii baarlamaanku kalsoonida kala noqonayey. Cabdiraxmaan Odowaa ayaa u arka in xiligan ay munaasib aheyd in xilka laga xayuubiyo Kheyre iyo xukuumaddiisa, inkasta oo ay si kumeel gaadh ah xukuumadiisi usii waddo howlaha qaranka. Odowaa ayaa ra’iisal wasaare Kheyre ku sifeeyay shaqsi horumar balaadhan ka sameeyay dhanka warbaahinta, oo aysan jirin wax-qabad muuqda oo dalka kusoo kordhiyay, wallow ay siyaasiyiinta qaarkood la qabin. Baarlamaanka ayaa bishii hore ee July kalsoonida kala laabtay Kheyre iyo xukuumaddii uu hogaaminayay, kadib markii ay ku eedeyeen inay ka gaabiyeen in dalka ay gaadhsiiyaan hanaanka doorasho qof iyo cod ah. Tallaabada uu baarlamaanku xilka uga tuuray ayaa badanaa waxa si adag uga horyimid siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo u arkayay ku tumasho sharci iyo xad-gudub dastuuri ah. Xil ka tuurista Kheyre ayaa timid xili uu khilaaf doorashooyinka ah uu soo kala dhex-galay madaxweynaha, maadama uu si cad uga horyimid ra’iisal wasaaruhu muddo kororsiga uu qorsheynayay Farmaajo.
  6. (SLT-Hargeysa)-Mareegta Taiwan News, ayaa daabacday in madaxwaynaha Somaliland uu diiday dalab-shardi ku xidhanaa kaasi oo ay u soo jeediyeen dubluumaasiyiin Shiinays ah, dalab Shiinuhu ay usoo jeediyeen madaxwayne Biixi, ayaa lagu sheegay inuu ahaa inuu xidhiidhka u jaro Taiwan waxaanu intaasi ku daray inuu qaadayo tallaabooyin uu ku xoojinayo xidhiidhka waddanka. Maalintii Isniintii oo ay bisha Augst ahayd 3, waxaa soo baxay wararka sheegay in madaxwayne Muuse Biixi Cadbi, uu faray ‘’dad la aaminay’’ inay soo qiimeeyaan jidad habab loo adkayn karo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, taasi oo ay xitaa kamid tahay suurtagalnimada ‘’is-aqoonsi labada dhinac waa Somaliland iyo Taiwan e’’ Wararka ayaa sheegay in weftiga Shiinuhu ay booqan doonaan Somaliland 5-tii bishii August, iyadoo uu ku sugnaa Somaliland danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Taiwan Times waxay sheegtay inuu safiirku isku dayay inuu la kulmo madaxwayne Biixi. Warar maxalli ah ayaa tilmaamay in madaxwayne Biixi uu diiday inuu la kulmo danjiraha Shiinaha sida ay qortay mareegta Taiwan News. Source
  7. Kooxda kubbadda cagta Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2019-2020 waxayna u noqonaysaa kookii kowaad ay hantaan horyaalka dalka tan iyo markii ay qaateen magaca caasimada bishii November 2018. “Allah ayaa ku mahadsan mudo ka dib in aan ku guulaysano horyaalka Soomaaliya,waxaan u soo marnay mudo dhowr oo dhibaatooyin badan,waxaan u mahad celinaynaa kooxihii aan la tartamayay iyo dhamaan ciyaaryahanadii ka qeyb galay horyaalka Soomaaliya 2019-2020” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh. Dhinaca kale tababaraha kooxda Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed oo ka soo jeeda Wadanka Tunisiya ayaa ku guulaystay horyaalka Soomaaliya,isagoo kooxda maamulaya mudo sanad ah wuxuuna noqonayaan macallinkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda Tuniisiya oo qaada horyaalka. “Guushan waa mid taariikh ah waxaan u mahad celinaynaa qof kasta oo ka qeyb qaatay waxa ii aheyd sanadkii kowaad ee aan ka qeyb galo horyaalka Soomaaliya waxaan ku bartay waxyaabo badan,balse ma iloowidoono taageerayaasha Muqdisho City Club kaalinta ay ka qaateenka howshan” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay macallinka naadiga Muqdisho City Club Maxamed Mestiri Lamjed. Si kastaba waxaa kooxda Muqdisho City hanashada horyaalka ugu hambaleeyay kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta Soomaaliya iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Mamul Goboleedyada. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa weli si rasmi ah u saxiixin sharciga madaxa-banaanida hanti-dhowrka qaran, kadib markii uu gadaal dhigtay qeybo sharciyo badan oo aheyd inuu qalinka ku duugo. Madaxweynaha ayaa saxiixay 11-kamid sharciga, halka oo uusan weli saxiixin midka hanti-dhowrka qaranka oo kamid ah 21-sharci oo uu meel mariyay baarlamaanka dalku. Farmaajo ayaa sharcigaasi ugu dhagan danno shaqsiyeed, xili uu rabo inuu go’aanka kama dambeyska ah ee magacaabista hantidhowrka uu noqdo mid kasoo baxa xafiiskiisa, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Odowaa. Cabdiraxmaan Odowaa oo ah xoghayaha Madasha xisbiyada qaran ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in ‘dano gaar ah’ uu ila hadda u saxiixi waayey sharcigaasi muhiimka ah. Sharcigaasi ayaa waxa hore u meelmeriyay xildhibaanada baarlamaanka, iyada oo uuna qeyb ka ahaa sharciyo ay meel-mariyeen, isla markaana ay u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo. “Sharcigii ugu muhiimsanaa ee hanti-dhowrka iyo madax-banaanida hantidhowr-ka, weli muu saxiixin madaxweynuhu, wax kale maaha wuxuu rabaa in uu madaxweynuhu magacaabo” ayuu yiri Odowaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan lagu dhaliila inuusan xiliyada loo baahna meel-marin sharciyada muhiimka ah ay soo ansixiyeen baarlamaanku ee ay u gudbiyaan.S
  9. Muqdisho (SMN) – Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-06082020.mp3 View the full article
  10. Ku dhawaad 3,000 oo tan oo ah kiimikada ammonium nitrate – oo lix sano ka hor laga soo qaaday markab taagnaa meel ka baxsan xeebta Beyruut, kaddibna lagu keydiyay bakhaar – ayaa la sheegay inay sabab u tahay qarixii Talaadadii burburiyay dekedda caasimadda Beyruut iyo agagaarkeedaba. Laakiin maxay tahay kiimikada ammonium nitrate, maxaysa khatar weyn u leedahay? Waa maxay ammonium nitrate? Ammonium nitrate waa kiimiko ka sameysay wax geeso leh oo adag, waxaana loo adeegsadaa warshadaha. Arrinta ugu weyn ee loo isticmaalo waa maaddada ku jirta ee nitrogen-ta, taasoo wax lagu bacrimiyo, laakiin waxaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa ee loogu talagalay godadka macdanta laga qodo. “Meel iska caadi ah oo dhul ah kama heli kartid ammonium nitrate,” ayuu yidhi Andrea Sella, oo ah barfasoor maaddada chemistry-ga ka dhiga Jaamacadda London. “Sababta aadan dhulka ugu arkeynin waa inay leedahay aashito awood badan”, ayuu yidhi. Ammonium nitrate waxaa lagu sameeyaa meel kasta oo ka mid ah caalamka, qiimaheeduna wuu iska jaban yahay. Laakiin waxaa dhib keeni kara in meel lagu keydiyo, waxaana lala xiriiriyay inay sabab u ahayd shilal aad halis u ahaa oo horay uga dhacay warshado. Sidee ayay khatar u tahay ammonium nitrate? Marka ay kaligeed tahay, ammonium nitrate way sahlan tahay in la xakameeyo, sida uu sheegay Barfasoor Sella. Hase yeeshee, haddii ay waxyaabo kale oo badan ag yaallaan muddo dheer, waxay billaabeysaa inay mirirto. “Dhibka ugu waaweyn waa in marka ay muddo dheer meel taallo ay soo jiidaneyso qoyaan, ugu dambeyntiina waxay isku baddaleysaa dhagax adag oo weyn,” ayuu yidhi. “Arrintaas waxay ka dhigeysaa mid khatar weyn leh, sababtoo ah taasi waxay ka dhigan tahay in haddii ay qaraxdo ay sababeyso khasaare weyn oo durbadiiba faafa.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mudadda dheer ee ay meel taallo ayey hadba ku xidhan tahay walxaha ay qabsaneyso, oo ay ka mid yihiin qoyaannada shidaalka, sida uu maanta Barnaamijka BBC 4 u sheegay Philip Ingram, oo horay usoo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga. Marka ay taasi dhacdo, waxay labanlaabi kartaa kiimikada ay sii deyneyso. “Waxay sameysaneysaa kuleyl iyada u gaar ah, marka ay billowdana, way sii xoojineysaa kuleylkaas oo ku badan doona in muddo ah,” ayuu yidhi Mr Ingram. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu intaas raaciyay: “Markaas kaddib waxaa ka dhalan kara qarax aad u weyn, sida aan haddaba ku aragnay muuqaallada argagaxa leh ee laga soo duubay magaalada Beyruut.” Maxaa sababay daruurta cas? Muuqaallada laga soo duubay Beruut waxay soo bandhigeen qiiq ka baxaya holaha oo midabkiisu casaan yahay, kaasoo ka dambeeyay markii uu qaraxa dhacay. “Waxaa jira shucaac safraya oo sii raacaya hawada, kaasoo aad ka dhex arki kartid daruuraha dusha sare ka maraya goobta uu qaraxa ka dhacay,” ayuu yidhi Barfasoor Sella. Shucaaha waxyeellada wata waxa uu ka sameysan yahay hawo isku xiran, sida uu barfasoorka sharraxayo. “Hawadu waxay u fideysaa si dhakhso ah wayna qaboobeysaa, biyahanada waxay noqonayaan uumi, taasoo sameyneysa daruuro,” ayuu yidhi. Khatar intee la eg ayuu leeyahay gaaska abuurmay? Marka ay qaraxdo kiimikada ammonium nitrate, waxay sii deysaa gaas sun ah oo ay ku jiraan maaddooyinka “nitrogen oxides” iyo “ammonia gas” Qiiqa jaallaha ah waxaa sababay maaddada “nitrogen dioxide”, taasoo lala xiriiriyo hawada wasakhowda. “Haddii aysan jirin dabeyl badan, waxay khatar weyn ku noqon kartaa dadka u dhow,” ayuu yidhi Barfasoor Sella. Wax sidan oo kale ah horay ma u dhaceen? Sanadkii 1921-kii, qiyaastii 4,500 oo tan oo ah kiimikada mmonium nitrate ayaa ku qaraxday warshad ku taalla magaalada Oppau ee dalka Jarmalka, waxaana ku dhintay dad ka badan 500 oo ruux Qaraxii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda soo maray wuxuu sanadkii 1947-kii ka dhacay magaalada Galveston Bay, ee gobolka Texas, ee dalka Mareykanka. Ugu yaraan 581 qof ayaa ku dhintay kaddib markii in ka badan 2,000 oo tan oo kiimiko ah ay ku qaraxday markab ay saarneyd oo ku xirnaa dekedda Mar dhowna, qarax ay sababeen kiimikada ammonium nitrate iyo kuwo kale ayaa 173 ruux ku dilay dekedda Tianjin ee waqooyiga Shiinaha
  11. The Algerian army on Thursday warned that if Libyan tribes are armed during the country’s current crisis, this could turn Libya into a “new Somalia.” “The new situation today on the ground [in Libya] is more dangerous than anyone could imagine, and the repercussions of a proxy war planned by some parties to be implemented in Libya would have disastrous consequences on countries of the region,” Algeria’s Army Magazine said in its August issue. The magazine reiterated a warning by Algerian President Abdelmajid Tebboune that Libya could become a “new Somalia,” referring to the 1991 civil war in the Horn of Africa country. The magazine stressed the importance of reaching a political solution via dialogue between Libya’s warring parties. In mid-July, Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi met with a group of Libyan tribesmen who reportedly said they mandated the Egyptian military to intervene in Libya to “protect Libya’s sovereignty.” Sisi told the tribesmen that Egypt would “not stand aside” in the face of increasing military mobilization near the city of Sirte in northern Libya. Al-Sisi’s call to arm the Libyan tribes in favor of warlord Khalifa Haftar against Libya’s UN-recognized government drew widespread criticism inside Libya. Since April 2019, Haftar’s illegitimate forces have launched attacks on the Libyan capital of Tripoli and other parts of northwestern Libya, resulting in more than 1,000 deaths, including civilian women and children. But the Libyan government has recently achieved significant victories, pushing Haftar’s forces out of Tripoli and the strategic city of Tarhuna. View the full article
  12. Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga Beesha Muddullood, oo Muqdisho ka socday afartii maalin ee la soo dhaafay ,waxaana mudaas ka qeyb galay Siyaasiyiin,Dhallinyaro,Haween iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay intii uu socday. Halkan Ka Daawo Warmurtiyeedka Laga Soo Saaray Shirka Beesha Mudulood Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta. Shirka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  14. “Hadii talada Dalka ay gacanta ugu jiri lahayd Beesha Mudulood, warkoodu wuu cad yahay oo hal maalin uguma dareen Xili wakhtiyeedka Madaxweyne Farmaajo, Ciidamada Itoobiyana [...] The post Akhriso Warmurteeyadka Mudulood “ Dalka Masoo gali karaan Ciidan aan Amisom ahayn, Doorashaduna wakhtigeeda waa inay ku dhacdaa” appeared first on . Source
  15. Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta. Shirka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Maanta oo Khamiis ah 6-da bisha August waxaa Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey shirka wada-tashida beesha Mudulood, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah. Shirka oo qaatay muddo afar cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiin, Siyaasiyiin, Haween iyo marti sharaf kale. Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa shirka Madaxweynayaashi hore ee dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxameed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Intii uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horreyso xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  17. Madaxweyneha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Beyruut kaddib qaraxii ka dhacay halkaasi. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay jawaab deg deg ah oo ku aadan xal u helidda qalalaasaha siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee saameeyay Lubnaan. Macron wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii aan wax isbaddal ah looga dhawaaqin Lubnaan in dalkaas uu dhibaatada kusii jiri doono. Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan wuxuu sheegay in guddiga baarayaa qaraxii ka dhacay Beyruut la siiyay muddo afar maalmood ah si loo ogaado cidda ka dambeysa masiibada. Lubnaan waxaa looga dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah lagu xusayo dadkii ku dhintay qaraxa. Madaxweyne Macroon ayaa sidoo kale kormeeray qeybo ka mid ah goobaha uu qaraxu saameyay uu bur bur xooggan ay ka muuqdaan waxaana uu caalamka ugu baaqay in loosoo gurmado dadka wax yeeladu ay kasoo gaartay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimaa Online) – Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wada-tashi ee u socday Beesha Mudulood, kaasi oo maalmihii u dambeeyay socday, iyada oo ay qeyb ka ahaayen dad miisan culus ku leh dalka. Shirkaasi ayaa waxa kasoo qeyb-galay duubabka dhaqanka, siyaasiyiin, culimo, haween iyo marti sharaf kale oo badan. Waxaana arrimaha shirkaasi diirada lagu saarayay kamid ah arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad hor leh ka abuuray dalka, xili ay madaxdii ugu sareysa dowladda federaalku ku kala dhaqaaqeen kala aragti duwanaanta arrinkaasi. Shirkaasi oo maanta lasoo af-meeray ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya, iyada oo beeshuna ka digtay ciidamo shisheeye oo xiligan dalka soo galiyo. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn beeshu in ciidamo aan ka tirsaneyn kuwo AMISOM lagu daad gureeyo gudaha dalka waqtigan kala guurka ah. Sidoo kale waxay meel adag iska taagtay muddo kordhin xiligan ka dhacda dalka, xili uu socdo qorshe ay Villa Somalia ku rabto inay muddo kororsi ugu sameyso madaxweyne Farmaajo. Beesha ayaa sii adkeysay go’aanka saamileyda ee ka dhanka ah muddo kororsiga, kaasi oo dalka u horseedi kara qalaalase siyaasadeed iyo mid amni. Ugu dambeyntiina waxa war-murtiyeedkaasi loogu baaqay madaxda dalka, kuwa maamulada iyo siyaasiyiinta mucaaridkaba inay dhawraan dastuurka dalka, isla markaana ka baaqsadaan jabinta shuruucda dalka iyaga oo u tudhaya bulshadooda. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:
  19. Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo, been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud. Daawo Qoraalka Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Halka Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Aqalka Sare oo Dalbaday In La Baaro Been-abuur uu Sameeyey Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. 96-jir rumeeyay riyadiisii 96-jir u dhashay dalkaasi Talyaaniga ayaa rumeeyay riyadiisii waxbarasho kadib markii uu dhawaan ka qalinyabiyay jaamacadda Palermo, isagoona ka qalinjabiyay maadada loo yaqaan filosofi-ga. Ninkan oo lagu magacaabo Giuseppe Paternò ayaa waxaa yaraantiisii waxbarashada ka hor-istaagay dagaallo, fakhri iyo qoyskiisa. Macallimiintiisa ayaa ku sifeeyay arday dadaal badan, waxaana ay sheegeen in uu ka mid ahaa ardayda jaamacadda ugu fir-fircoon. ” – Maanta waxaa ay ka mid tahay maalmaha nolosheyda ugu fiican tahay, waxaan jeclaan lahaa in ay halkaan xaaskeyga maanta joogto oo farxadda ila qeybsato. Waxaa ay dhimatay 14 sano ka hor”, ayuu yiri mr. Giuseppe Paternò. Yaraantiisii ayaa waxaa uu aabihii kala shaqeyn jiray warshad khamriga sameyso, waxaana uu sudii kale usoo shaqeeyay ciidamada xoogga Talyaaniga. Sannadkii 2017 ayuu jaamacadda ku biiray, isagoona 31 jir uga baxay iskoolka sare. Iminka waxaa uu hawadiisa doonayaa in uu waxbarashada sii wato islamarkaana uu qaato mastergrad. ” – Hooyaday waxa ay ku geeriyootay 100 sano. Haddii uu nasiibku isaacido islamarkaana dhaxalku wax jira yahay, waxaa nolosha iiga hartay 4 sano”, ayuu yiri Giuseppe. Qaran News
  21. Waxaa maalintii saddexaad galay shirka wada-tashiga ee beel-weynta Mudulood oo ay ka qeyb-galayaan siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, dhalinyaro iyo haween. Shirka oo ah mid wada-tashi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa aayaha beesha iyo sidii si isku mid ah loogu wajihi lahaa arrimaha siyaasadda dalka. Madax kala duwan ayaa ka qeyb galaysa shirkan, yadoo intii uu socday mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ay ku baaqeen xoojinta midnimada beesha Mudulood. Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed, lana soo gab-gabeeyo shirkaasi. View the full article
  22. Wasiirkii hore ee Daakhiliga Somalia oo ku eedeeyay M/weyne Farmaajo inuu qorsheynayo inuu Dhisto Boqortooyo Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog FM ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Odowaa ayaa marka hore sheegay inay lama huraan tahay in doorashada Soomaaliya lagu qabto waqtigii loo asteeyey, si looga gaashaanto inuu yimaado muddo kororsi. C/raxmaan Odowaa ayaa sidoo kale shaaciyey in xilligan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in laga wada-tashado. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu rabo in Madaxweyne uu sii ahaado afar sano kadib, isaga oo sharciga ku tumanayo, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo wuxa uu u qaatay in isaga uu leeyahay kursiga oo loo shaqeeyo.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxa kale oouu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu doonayo inuu dhisto Boqortooyo aan xilligan ka dhismi karin. “Madaxweyne Farmaajo Boqortooyo ayuu rabaa inuu dhisto, meeshaanna Boqortooya ka dhismi meyso lamana ogola, 30 beri asoo Xamar jooga oo Ameerika ka yimid ayaa la doortay, rabitaanka dadka ayaa lagu doortay, dadkii rabay mid uu been ku cabay kuwa uu dhagax u dhigay, kuwa uu albaabada ka xirtay iyo kuwa uu warkooda maqli waayey ayuu ka dhigay, laakiin ha ogaado.” ayuu markale yiri Odowaa. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday riditaankii xukuumadda Xasan Cali Khayre, wuxuuna tilmaamay inuu wax ka ogaa Madaxweyne Farmaajo. Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay isku soo qabteen shirkii wada-tashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. “Labada kaaba laadar waxa ay isku arkeen Dhuusamareeb Xasan Cali Khayre horta waa lagala hormaray Bistoolada intaas ayey aheyd.” ayuuu yiri Odowaa. Ugu dambeyn wuxuu aad u dhaliilay wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka gaabisay dhammaan qodobadii laga sugayey inay wax ka qabato. “Wax aan Ma-Sawir aheyn oo laga dhaxlay majiro, sharci darro ayaa laga dhaxlay.” ayuu yiri, isaga oo ka hadlayey wax-qabadka dowladda. Hadalka wasiir hore Cabdraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu jiro marxalad kala guur ah iyo xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xil-ka qaadistii lagu sameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka Mudulood ee ka socda magaalada Muqdisho. Lafta Gareen ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay ka qeyb-galka shirka wada-tashida ee beelweynta Mudulood, isaga oo mahadceliyey dhammaan xubnaha ka shaqeeyey iyo madaxweynayaashii hore oo qeyb ka ah shirkan oo la filayo in galabta la soo xiro. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha Mudulood ay tahay beel nabadda iyo dowladnimada jecel, kana shaqeysa horumarka dalka. “Damiirka waa isiin waayey anigoo joogo Xamar inaan ka maqnaado dadka aan walaalaha nahay gogoshooda, Beesha Mudulood waa beel weyn waa beel nabadeed waana beel dowladeed.” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen. “Beesha Mudulood waa beel weyn oo beel nabadeed ah oo beel dowladeed ah oo dowladnimada jecel oo la yaqaano oo Soomaali hormuudkeeda ah.” Madaxweynaha dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa dar-daaran culus u jeediyey beesha, isaga oo shaaciyey in gogosha Mudulood looga baahan inay noqoto gogol Soomaaliyeed oo ay ka soo baxaan wax wanaagsan. Shirka beesha Mudulood oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa waxaa horey uga qeyb-galay Madaxweynaha HirShabelle iyo midka Galmudug. Gabagabada shirkan oo la soo xiri doono saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka.
  24. Alle naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Xaaji Max’ed Xaaji Jaamac (Qareey) ayaa xalay 1:00 habeenimo ku geeriyooday magaallada Nairobi ee dalka Kenya, Marxuumka wuxuu ku [...] The post TACSI :- Allaah ha u naxariistee Halgamaa Xaaji Maxamed X.Jamac Qareey oo shalay ku geeriyooday Nairobi appeared first on . Source