Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ismaaciil kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa madaxdhaqameedka Somaliland ku dhaliilay soo af-jarid la’aanta colaadaha beelaha ee soo noq noqonaya, taasi uu tilmaamay in dagaal beeleedyadu caqabad ay ku yihiin nabadgeliyada iyo deganaanshiyaha wadddanka. “Dagaal beeleedyadu caqabad ayay ku yihiin nabadgeliyada iyo deganaanshiyaha waddanka, marka waxaa qurux badan in nabadgeliyada laga wada shaqeeyo, madaxdhaqmeedka markii hore kamay qayb qaadan jirin dagaalada Beelaha balse hada waxa aad moodaa inay fursad ay u tahay ay ku kursi kaga raadinayaan xukuumadda, waana nasiib daro”Ayuu xildhibaan Ismaaciil. Halkan ka Daawo Source
  2. MOGADISHU – Uganda Peoples’Defence Forces (UPDF) serving under African Union Mission in Somalia (AMISOM) have received medical support donated by “give to the world”,a US organization, in a symbolic handover function at the Sector one headquarters in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Nairobi)-Shirkadda Duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa shaaca ka qaaday inay joojisay duulimaadyadii ay ku taggi jirtay magaalooyinka ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho, iyadoona arrintaasi faah faahisay. War Saxaafadeed ay soo saartay ayaa marka hore lagu sheegay in Kenya Airways ay iska joojisay duulimaadyadii ay ku taggi jirtay Magaalooyinka Muqdisho (Somaliya), Djibouti (Jabuuti), Khartoum (Sudan), Luanda (Angol), Mabuta (Mozambique), Blantyre ( Malawi), Bamako (Mali) iyo Barasavile (Congo). Dhammaan magaalooyinka oo caasimado u ah dalalkaasi oo Qaaradda Africa dhaca ayay sababta ay duulimaayada uga joojisay waxaa ay shirkadda ku sheegtay in dalalkaasi aynaan ahayn kuwo dhaqaale ahaan is bixin kara, ka dib saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay xanuunsidaha COVID-19. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in taasi bedelkeeda ay shirkada sii wadi doonto isku xidhka duulimaadyadii kale ee shirkadda wada shaqaynta la lahaa. Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Kenya ay toddobaadkii hore dib u fasaxday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalkeeda imaan jiray iyo kuwii kale ee dibadda u rakaabsanaayay. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha saldhigga AMISOM loogu wareejinayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay mudo dheer gadaal ka riixeysay dowladda Itoobiya. Cabdullahi Nuur oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in saldhigaas uu noqon doono halka laga ilaaliyo danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, isla markaana ay dowladda Itoobiya heli doonto awood dheeraad ah oo ay kula socon karto dhaq-dhaqaaqyada gudaha Soomaaliya ka jira. “Intii ay jirtay dowladdii tan ka horeysay ee uu hoggaaminaayey madaxweyne Xasan Sheekh mar uu tegay dowlad deegaanka, waxaa la hadal hayey in uu soo furi doono saldhigaas, loona wareeji doono mustaqbalka dhaw saldhigga weyn ee AMISOM,” ayuu yiri. Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maadaama ciidanka ugu badan ee dalka jooga ay Itoobiyan yihiin, kuwo sharciyeysan iyo kuwo aan sharci ku jooginba, isla markaana ay leedahay siyaasad ku wajahan gobolka iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo la socodka dhaq-haqaaqooda, maadaama ay jiraan dhibaatooyin hore oo aan la xalin, Itoobiya waxay mudo raadineysay inay sharci u hesho awood ay kula socon karto dhaq-dhaqaaqa gudaha Soomaaliya.” Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan meesha ka marneyn galaangalka wadamada reer Galbeedka oo damac weyn ka leh gobolka Geeska Afrika, iyagoo si gooni ah u doortay inay xoogga saaraan dalka Itoobiya oo ah kan ugu dadka badan gobolka. Cabdullaahi Nuur Xaashi waxa uu sheegay in qorshaha nidaamka federaalka ee lagu kala qeybiyey Soomaaliya ay fuliye ka tahay Itoobiya, isla markaana awoodeeda ciidan aysan ka marneyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo u jooga fulinta dano gooni ah. Saldhigga laga dhisayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxaa sida la sheegay ku baxeysa lacag ka badan seddax iyo toban milyan oo dollar, waxaana la sheegay biany lacagtaas bixineyso dowladda Mareykanka. Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan aragti fog oo looga hor tegi karo khatar uu sheegay in qorshahaas ay ka soo socoto mustaqbalka. Halkan ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/08/Cabdullaahi-Nuur-Xaashi-.mp3
  5. Studying a Bachelor of Arts at AUT helped Guled Mire understand his place in the world, so that he can make a difference in his community. Video: AUT Source: Hiiraan Online
  6. After Samantha Lewthwaite's husband carried out the 2005 London terror attacks, she disappeared from view. A new Netflix series examines her case Source: Hiiraan Online
  7. Migrants stranded in Yemen in 2nd quarter of this year mostly from Somalia, Ethiopia, according to UN migration agency Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabsi xoog leh ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, taas oo ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan halkaas. Khilaaf u dhaxeeya ciidamadii degaanka hore ugu sugnaa iyo kuwa gadaal laga geeyay ee dowladda Soomaaliya iyo isku haleen weyn oo taagan ayaa sababay in bulshada magaalada ay muujiyaan walaac amni oo xooggan. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo wasiiro la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in wadada ka baxda Dhuusamareeb ee gasha Ceelbuur laga qaaday ciidankii joogay ee baari jiray gaadiidka, islamarkaana ay toos isugu gudbaan labada magaalo oo markii hore aad loo baari jiray gaadiidka isaga gudba. Mas;uuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii Ahlu-Sunna ee ku biiray dowladda ay isku dayayaan in ay baneeyaan ama hoos u dhigaan feejignaantooda amni, iyagoo doonaya in ay dadweynaha tusiyaan dayaca dhanka dowladda iyo in Al-Shabaab oo hugan magac dowladeed ay soo galeen Galmudug. “Wasiirada, Xildhibaanada, Saraakiisha iyo shaqaalaha waxaan isugu nimaanaa laba ilaa hal hotel, malahan taxadar badan, marka waxaan is tusnay inaa muujino feejignaan waxaana muuqata dayacaad iyo dagaal siyaasadeed dowladana kuma baraarugsana,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online. Ciidankii Ahlu-Sunna ee ku biiray dowladda Somalia ayaa la sheegay in ay u shaqeynayaan si gaabis ah halka kuwa dowladda Soomaaliyana aysan u muuqan cabsida iyo walaaca degaanka ka jira. Sidoo kale waxaa halistan sii kordhiyay in furumaha iyo difaacyada hore lagu qoray ciidanka Ahlu-Sunna oo badankooda shaqada daacad ka aheyn halka kuwa dowladana lagu qoray gudaha magaalada taasi oo keentay in dareenka dadka cabsi ku abuurmo.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii udambeeyay waxa magaalada Muqdisho ka socday kulamo gooni-gooni ah oo ay yeelanayeen Xildhibaanada waqooyiga ee labada aqal ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa gobolada galbeedka ee Somaliland, ayaa waxa looga hadlayay xaalada cakiran ee dalka iyo khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka. Xog ay Caasimada Online ka helayso kulamadaasi, ayaa sheegaya in uu qeyb ka ahaa qorshe ka dhan ah Sii-hayaha wasiirka wasaarada maaliyada, Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo lagu rabo in gebi ahaanba liiska looga saaro dhismaha xukuumadda cusub ee lagu wado inuu soo dhiso ra’iisal wasaaraha cusub ee uu magacaabi doono Farmaajo, kadib markii xilka laga tuuray Kheyre iyo xukuumadiisii. Kulamadaasi oo ay ku wehlinayeen xildhibanaadaasi siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelaha dega gobolada galbeedka ayaa waxa diirada lagu saaray sidii ay beesha qof kale u gaysan lahayd xukuumadda cusub, sida ay ogaatay Caasimada Online. Waxay kulamadan dabo socdaan kuwo hore oo looga soo horjeeday xubno wasiiro ah oo xukuumaddii Kheyre ku metelayay beelahaasi, ka hor intii uu kalsoonida kala noqon baarlamaanku, inkastoo ay sii xoogeysteen maalmihii udambeeyay. Qorshahaasi ayaa gebi ahaanba meesha ka saari kara inuu Beyle iyo wasiiro kale oo beelahaasi kasoo jeeda ay uga soo muuqdaan xukuumadda cusub ee lagu wado in uu magacaabo ra’iisal wasaaraha cusub ee Farmaajo uu magacaabi doono ka hor inta usoo idlaan muddo xileedkiisu. Wuxuuna kusoo aadaya xili uu Wasiir Beyle si dhaw ula shaqeeyo Villa Somalia oo dhawaan kulama uu la qaatay ku faray inuusan wax lacag ah ka bixin qasnada wasaaradda, taasi oo looga hortagayo inay dhaq-dhaqaaq maaliyadeed sameeyaan Mas’uuliyiintii xukuumadda Kheyre. Villa Somalia ayaa iyadu toddobaadyadii u dambeeyay waday qorshayaal ay ku wiiqeyso awoodii xukuumaddii ra’iisal wasaare Kheyre oo la fahamsan yahay inay isku mari waayeen damaca madaxweyne Farmaajo ee muddo kororsiga.
  10. Dhacdo la yaab leh:Nin qaawan oo ceydhsanaya doofaar kala cararay dhar iyo Laptop Magaaladaasi Berlin ee dalka Jarmalka waxaa horraantii usbuucan ka dhacday dhacdo ay aad u hadal hayaan warbaahinta caalamka kadib markii uu soo shaac baxay sawirka nin qaawan oo ceydhsanaya doofaar kala cararay bac ay ku jiraan dharkiisii iyo waliba kombuyuutar Labtop ah. Dhacdadan ayaa ka dhacday beer loo yaqaan Teufelssee ee magaalada Berlin, waxaana ay dhacday xilli uu ninkani dhabarka u jiifay oo uu qorraxeysanayay islamarkaana uu cunayay Pizza. Doofaarkan iyo labadiisa cunug oo baahnaa ayaa soo carafsaday pizzaha ninkan, waxaana uu bedelkii qaatay bac dhar iyo labtop ku jiraan. doofaarka ayaa ugu dambeyn laga soo dhigay bacda . Adele Landauer oo ah gabadh isla beertaasi ku qorraxeysaneysay ayaa sawirrada ka qaaday ninkan, waxaana markii ay tustay isku afgarteen in warbaahinta loo bandhigo maadaama laga maadsan karo. Sida ka muuqata sawirrada dadka goob-joogg u ahaa dhacdadan ayaa la yaaban hab-dhaqanka ninkan waayeelka ah, qaar qosolka ayaa ka dhamaaday, qaarna layaab ayay ku noqotay. Qaran News
  11. Istanbul (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Galmudug iyo dalka Turkiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu kulan qarsoodi ah dalka Turkiga kula qaadan doono madaxda maamulkii Ahlu-Sunna, oo bilooyin ka hor dagaal looga saaray Galmudug. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ahna wiilka hogaamiyaha maamulkii Ahlu-Sunna Cabidsamad Macalim Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ay kulan qarsoodi ah islamarkaana lagu dhax dhaxaadinayo Ahlu-Sunna iyo Qoor Qoor ay ku leeyihiin Turkiga. Madaxweyne Guuleed iyo Cabdisamad Macalim Maxamuud, oo u kala dab qaadayo Ahlu-Sunna, Galmudug iyo dowladda ayaa kulankaan soo qaban qaabiyay waxaana gadaal ka riixaya madaxweyne Qoor. Ahlu-Sunna waxaa shirkaasi uga qeyb gelaya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaana sidoo kale goob joog ah masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug oo raadinaya in uu soo celiyo madaxdii Ahlu-Sunna oo heeshiis ah ayaa kulankaan dalbaday, waxaana sidoo kale la sheegay in ujeedada lagula heshiinayo Ahlu-Sunna ay tahay cabsi uu Qoor Qoor ka qabo in loo adeegsado maamulkiisa iyo xal u helidda ciidankii Ahlu-Sunna oo wali ah awood magac dowladeed hugan oo go’aano ka qaadanaya xaalada gobalka. Madaxda maamulkii Ahlu-Sunna ayaa Dhuusamareeb ka baxay kadib dagaal socday muddo maalmo ah kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Sheekh Shaakir iyo mas’uuliyiin kale ayaa si qorsoodi ah uga baxay Galmudug kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb.
  12. Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam Dowladda Mareykanka ayaa shalay oo Jimco aheyd xayiyaad kusoo rogtay hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam iyo taban xubnood oo kale kadib markii ay ku eedeysay in ay awood u adeegsadeen dibedbaxyadii halkaasi ka bilowday sannad ka hor, walina taagan. Waxaa sidoo kale xayiraaddooda loo cuskaday in ay “laaleen xorriyaddii shacabka Hong Kong, waxna ka badaleen sharciyada ismaamulka Hong Kong, toosna loo hoos geeyay taliska Shiinaha ee Beijing fadhiya”. Xayiraaddab la saaray masuuliyiintan ayaa la sheegay in uu dalbaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo bishii July horraanteeda soo jeediyay in arrinkaasi lagu dhaqaaqo. Carrie Lam ayaa si gaar ahaa waxaa dusha looga saaray in leedahay masuuliyadda xorriyadda looga qaaday shacanka Hong Kong. 11 xubnood ayaanan la ogeyn sida uu u saameyn doono xayiraadahan oo ka mid ah in aysan u safri karin Mareykanka iyo dhaqaalahooda oo ciriiri la gelinayo. Qaran News
  13. Dibedbaxayaasha Lubnaan oo gudaha u galay,qabsadayna wasaarado Muhiim ah Tobanaan dibedbaxayaal ah ayaa gudaha u galay wasaaradda arimaha dibedda Lubnaan. Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyrut ayaa galay wasaarado ay dowladda leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibedbaxayaasha, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Fagaaraha Shuhadada. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan. “Kama gudbi karno dhibaatada salka ku haysa haykalka dowladda iyadoo aan la qaban doorasho baarlamaan oo xilligeeda ka soo hormartay,” ayuu yiri. Arintaasi ayaa looga hadli doonaa shirka golaha wasiiradda ee Isniinta. Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate. Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beyrut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas’uulka ka ahaa dayacaaddaasi. Dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa soo bilowday bishii October ee sanadkii tegay, waxaana ay salka ku hayeen dhaqaale xumida ka jirta Lubnaan iyo qiimo dhaca ku yimid lacagta dalkaasi. Maxaa ka socda wasaaradaha? Tobanaan kamid ah dibedbaxayaasha ayaa xoog ku galay wasaarado iyo xarunta dhexe ee ururka ay ku mideysan yihiin bangiyada waddankaasi. Dad kamid ah dibedbaxayaasha oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah dowladda isla markaana gubayay sawirka madaxweyne Misheel Cawn ayaa galay wasaaradda arimaha dibedda, waxaana ay ku baaqeen in la qabsado dhammaan wasaaradaha. “Inaga ayaa haysana. Waa na loo faarujiyay. Boolisku waxa ay ku sugan yihiin albaabka hortiisa. Nama aysan joojin karin,” ayay tiri gabar ka mid ah dibedbaxayaasha oo magaceeda ku sheegtay Rebecca, taasoo la hadashay barnaamijka Newshour ee BBC-da. Dadka galay wasaaradda arimaha dibedda oo gaaraya illaa boqol qof ayaa waxaa kamid ah saraakiil milateriga hawlgab ka noqday. Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya dibedbaxayaasha oo sidoo kale xoog ku galay wasaaradaha tamarta iyo dhaqaalaha ee Lubnaan. Milateriga dalkaasi ayaa lagu arkayay wadooyinka caasimadda iyagoo wata gawaarida ay ku rakiban yihiin qoryaha. Qaran News
  14. Mareykanka oo soo saaray Digniin culus oo khuseysa Soomaaliya Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin hor leh oo muwaadiniinteeda ay uga mamnuuceyso inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya. War kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada abaabulan ee la xiriira argagixisanimada. Sidoo kale waxa ay safaaraddu muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay tegaan gobollada ku yaalla xuduuda dheer ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya. “Sababo la xiriira argagixisanimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood.” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Maraykanka ee Kenya. Safaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay kordheen falalka la xiriira afduubka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah Al-Shabaab ay ka fulisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan. Qaran News
  15. Waxa dhici kara haddii Sudan, Masar iyo Itoobiya ku heshiin waayaan biyo-xidheenka . Waxa la hakiyey wareegii u dambeeyey ee wadaxaajoodka u dhexeeyey Masar, Itoobiya iyo Sudan ee ku saabsanayaa hawl galka biyo-xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webig Niil. Arintaasi waxay daba socotay iyadoo badhtamihii bishii Juulaay ay masuuliyiin Itoobiyaan ahi shaaciyeen in la gaadhay yoolkii sannadka koobaad ee buuxinta harada biyoxidheenka iyada oo aan wax heshiis ah weli la gaadhin. Tallaabadaas oo ay Qaahira iyo Khartuum ku tilmaameen mid dhinac keligii ku dhaqaaqay oo aan la aqbali karin. Wadaxaajoodka maxaa laga filayey? Tan iyo bilowgii wadahadallada ku saabsan arintani markii uu bilaabmay dhismaha biyoxidheenku sannadkii 2011, waxay Masar iyo Sudan dalbanayeen in la gaadho heshiis dabar sharci leh oo buuxa, kaas oo ay ku jiraan qodobo qeexaya badbaadada biyoxidheenka iyo sidoo kale xaddiga biyaha ah ee lagu weecinayo haradiisa xilliyada abaaraha iyo sidoo kale qaabka uu u hawlgeli doono. Waxa intaa dheeraa oo ay dalbanayeen in la helo hab lagu xalin karo khilaafaadka soo baxa iyo sidoo kale in loo dhigo si ku haboon qaabka iskaashi ee lagu gaadhi karo himilooyinka shacabka saddexda dal. Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda ku adkaysanaysay in marka hore la saxeexo habka loo buuxinayo harada biyoxidheenka maadaama oo qaabka hawlgalkiisa hadii wax laga tawdo mustaqbalka codsi ka yimaad dalalkaa wax lagaga bedeli karo iyada oo aan marka horeba lagu xidhin shuruuddaha Masar iyo Sudan wataan. Sidoo kale Itoobiya waxay diiday in la xadido xadiga biyaha lagu weecinayo harada biyoxidheenka marka la dhamaystiro buuxinteeda ee uu hawl galo biyoxidheenku. Xagga mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenka, Masar waxay qabtaa in aanay ka yaraan todoba sannadood oo waliba biyaha lagu weeciyo uun harada marka ay daadadka waaweyni soo rogmadaan oo keliya, halka Itoobiya ay iyadu qabto in lagu buuxiyo harada muddo afar sanadood ah oo aan wixii intaa ka dambeeyna biyaha lagaba joojin. Marar badan ayay saddexda dal ku heshiin waayeen in ay xaliyaan murankan taagan, markii ugu dambaysana waa wadaxaajoodkii Midowga Afrika bishii hore ee Juulaay dhexdhexaadinayey. Maxaa dhici doona hadii Itoobiya ku adkaysato in ay 4 sano ku buuxiso harada? Hadii mudada lagu buuxinayo harada biyoxidheenku yaraato waxa badanaysa saamaynta taban ee ay arintaasi ku yeelanayso Masar iyo Sudan. Laakiin sida uu sheegay Dr Ayman Shabaana, oo ah khabiir ku takhasusay arimaha biyaha, in 4 sano lagu buuxiyo harada biyoxidheenku waxay ka dhigantahay in ay qiyaastii 12 milyan oo mitir saddex jibbaaran ay ka go’aan xadiga biyaha ee Masar haatan hesho sannadkii, Sudan na duruuf taas oo kale ah ayaa qabsan doonta. Sidoo kale waxa qalali doona 25% dhul beereedka Masar,waxaanay arintaasi keeni doonta hoos u dhac ku yimaad wax soo saarta cuntada ee dalkaas oo Masar waxay ku qasbanaan doontaa in ay cunto badan oo dheeraad ah soo waaridato. Waxa kordhi doona shaqo la’aan ku habsata beeralayda. Sidoo kale waxa hoos u dhici doonta tayada carrada dhul beereedka Masar. Waxa kale oo ay arintaasi saamayn taban ku yeelan doontaa kalluumaysiga iyo quwadda laydh tiriigga ee laga dhaliyo biyoxidheenka Aswaan oo is dhimi doonta 50%. In kasta oo aan saamaynta ka dhalatay xaddiga durba sannadkii koobaad lagu leexiyey harada aad loo dareemayn, waxa hadana cad in durba Sudan laga dareemay hoos u dhac biyaha iyo korontada ah. Sannadka labaad se saamaynta ay arintaasi ku yeelanayso labada dal intaa way ka sii badan doontaa. Hadii wadahadalladu fashilmaan maxaa dhici doona? Hadii ay guul darraystaan wada xaajoodyadan socdaa, waxa Midowga Afrika la soo gudboonaan doona laba mid kood. Waa ta koobaad e in uu arinta u gudbiyo gudiyada gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimahaas oo kale si ay u sii wadaan dedaalka wadaxaajoodka midho dhal lagaga doonayo. Sida gudida nabadda iyo nabadgelyada ama gudida khubarada, sida uu qabo Dr Ayman Shabaane na waxay arintaasi dhib ku noqon doontaa Masar iyo Suudaan oo ay “wakhtiga ka lumin doontaa”. . Ta labaad na waxa weeyi in arinta loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halkaas oo ay suurto gal tahay in lagu eego arinta iyada oo la raacayo cutubka lixaad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka todobaad ba, taas oo keeni karta in Itoobiya la faro in ay hakiso buuxinta harada biyoxidheenka ilaa inta heshiis laga gaadhayo arinta. Sidoo kale, waxa dhici karta in arinta loo gudbiyo Maxkamadda Caddaaladda Aduunka, in kasta oo sida uu sheegayo Dr Shabaane xukunka ka soo baxa maxkamaddaasi aanu yeelan doonin culays sharci laakiin waxa uu yeelan doonaa muhiimad siyaasadeed. Laakiin hadii arintaas dhacayso waa in marka hore Masar iyo Sudan ay helaan tageerada mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee golaha, arintaasi si waxay u muuqataa mid aan dhici karin maadaama oo wararka soo baxayaa tibaaxayaan in Shiinaha iyo Ruushku arintaa diidadan yihiin sababtuna waxa weeyin in aanay doonayn in arintaasi noqoto xeer sharci maadaama ay labadooduba dalal ay deris yihiin isku hayaan webiyo dalalkooda mara oo ku biyo shuba wadamadaas. Waxa intaa dheer in bankiyo Shiinaha laga leeyahay ay ka qayb galeen maalgelinta biyoxidheenka, shirkadaha Shiinaha mid ka mid ahina waxay qandaraas ku qaadatay qaybinta korontada laga dhalin doono biyoxidheenkaas. Laakiin hadii lagu garnaqsado Maxkamadda Caddaaladda Dunida horteeda, Masar iyo Sudan dooddoodu way ka cuslaanaysaa ta Itoobiya marka la eego heshiisyada taariikhiga ah ee arintaa ku saabsan. Hase yeeshee, sida uu qabo Dr Ayman Shabaane, waxa intaa dheer guluf diblomaasiyadeed iyo mid sharci oo ay qaadi karaan Masar iyo Sudan oo ay horgeyn karaan hay’ado kale sida UNESCO maadaama oo ay ku doodi karaan in hadii uu dumo biyoxidheenka Itoobiya goobo taariikhi ah oo ku yaal woqooyiga Sudan iyo koonfurta Masar ay halis gali doonaan. Sidoo kale waxa ay dacwado u gudbikaraan hay’adaha u gaarka ah daryeelka deegaanka maadaama oo hoos u dhaca ku yimaad biyaha Niilku ay saamayn taban ku yeelan karto beeraha iyo xoolaha qaaradda oo dhan. Doorka Golaha Ammaanka . Masar waxay bishii May 2020 u gudbisay Golaha Ammaanka warqad ay war kaga siinayso xaaladda wadahadallada maadaama oo [colaadda arintan ka dhalan kartaa] “halis ku noqon karto nabadda iyo nabadgelyada dunida” markii dambena Sudan ayaa qoraal kaas oo kale ah u dirtay golaha. Laakiin markii ay fashilmeen wadahadallo ay Sudan markaa dalbatay, ayaa Masar waxay dacwad ay ku eedaynayso Itoobiya in ay jabisay heshiiskii mabaa’diida u gudbisay golaha, waxaanay ka digtay cawaaqibka ka dhalan doona hadii Itoobiya iyadoon laga heshiin harada biyoxidheenka buuxiso. Markaas ayaa Golaha Ammaanku arinta u xil saaray ururka Midowga Afrika inuu dhexdhexaadiyo oo arintaa galo, hase yeeshee wadahadalladaas ayaa la sheegay in ay fashilmeen ka hor intaan wareegan labaad ba bilaabin. Qaran News
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Xog ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay fal argagax leh oo ka baxsan la dhaqanka maxaabiista kula kacday Mulkiilaha Astaan Tv, Cabdimanaan oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa Xukuumada Muuse Biixi. Cabdimanan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan ayaa bartamahii bishii hore ee July lagu xiray magaalada Hargeysa, iyada oo aysan weli jirin dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, ciidamada booliska oo ka amar qaadanaya xubno sarre oo ka tirsan xukuumad ayaa Cabdimanaan u geystey jirdil, taasi oo ah xad-gudub ka dhan ah xuquuqda iyo hab la dhaqanka maxaabiista. Xarigga Cabdimanaan ayaa dabo socda cadaadisyo ay xukuumaddu ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami buuran ka siiyo shirkadda Astaan Cable, sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, Axmed Maxamed Jaamac oo sidoo kalena ah Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee shirkadda Astaan Cable. Jir-dilka loo geystay Cabdimanaan ayaa imanaya xili uu weli ku madax adeygayo diidmada inuu aqbalo dalabka mas’uuliyiintaasi, oo u muuqda kuwa doorbiday tallaabadaasi si ay cadaadis xoogan u saaran, sida ay ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Mana aha markii u horeysay ee xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay qaab sharci darro ah ula dhaqanto shaqsiyaad u xiran, taasi oo walaac badan ay ka muujiyeen Hay’addaha u dooda xuquuqul insaanku. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal xadgudubyada iyo xariga ay Somaliland u gaystay Cabdimanaan
  17. Mogadishu (PP News Desk) — James Swan, the United Nations Special Representative for Somalia, has been criticised for accusing Mohamed Mursal, the Speaker of the Somali Federal Parliament, of tabling a controversial Sexual Offences Bill. “@UN and other partners in #Somalia have expressed concern to Parliament Speaker Mursal about attempts to table a deeply-flawed new bill that allows #child marriage and contravenes relevant intl. conventions. @UN urges Cabinet to re-introduce the original Sexual Offences Bill” tweeted UNSOM. Mohamed Omar Dalha, an MP, said “MPs rejected tabling of the Sexual Offences Bill on grounds that it contravenes our religion and culture.” A Somali MP who read the draft Sexual Offences Bill told Puntland Post that the major disagreement over the bill pertains to the word “consent” that the International Community wants to be inserted in the Sexual Offences Bill”. In his statement Dalha implied that the Bill promotes same-sex marriage in Somalia. “There is a clash of values here but James Swan should not be telling the Somali Parliament what bill to table for discussion” says Hussein Ali, a lawyer in Mogadishu. James Swan (left) has been criticised for making a hasty inference to accuse Mohamed Mursal (right) of replacing the original Sexual Offences Bill with a new one. There is a legislation covering sexual offences such as rape and attempted rape but there is no a law against misuse of position by men to pressure women into physical relationship. UNSOM has not based its intervention on legislative history. Observers believe the original Sexual Offences Bill alluded to in the tweet leads one to conclude that UNSOM originated the Bill it thinks to have been unnecessarily amended and submitted to the Somali Federal Parliament for discussion. “UNSOM overreached itself diplomatically. It comes across as a body advocating tabling of a distinct version of the Sexual Offences Bill. Ambassador James Swan owes Mohamed Mursal, the Parliamentary Speaker, an apology for making a hasty inference about the Bill” said Hussein Ali. © Puntland Post, 2020 The post UNSOM CHIEF UNDER FIRE FOR MAKING “A HASTY INFERENCE” appeared first on Puntland Post.
  18. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanha-Shabelle-08082020-sx.mp3 View the full article
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG (International Crisis Group) ayaa warbixin uu soo saaray uga hadlay wada-hadallada DF iyo maamulka Somaliland iyo ujeedada uu ka leeyahay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo gadaal ka riixaya. Abiy ayaa bishii February waxa uu xafiiskiisa ku kulan siiyey madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, wuxuuna kadib ka shaqeeyey wada-hadalladii bishii June ka dhacay Jabuuti ee labada dhinac, oo ay sidoo kale ku lug lahaayeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. ICG ayaa sheegtay in Abiy Ahmed uu leeyahay laba ujeedo oo mid ay tahay gudaha dalkiisa midna ay ku lgu leedahay danta uu ka leeyahay Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay Itoobiya ay dan dhaqaale ka leedahay Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ama Somaliland, kuwaas oo haddii aanay heshiin Muqdisho iyo Hargeysa ay adkaan doonto. “Itoobiya waxay iminka xiriir xooggan la leedahay dowladda federaalka oo aay taageero ciidan siiso. Waxay sidoo kale dan weyn ka leedahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Somaliland. Dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami 19% ayaa muhiim u ah dalka aan badda lahayn ee Itoobiya iyo isku dayga uu ku doonayo inuu bad ku helo,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Balse way ku adkaan doontaa Itoobiya inay ku guuleysato hadafyadeeda haddii maqaamka siyaasadeed ee Somaliland aan xal loo helin, islamarkaana ay sii socoto cadaawadda ka dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho. Dib u heshiisiin ay dhex dhigto labada dhinac waxay xaqiijin kartaa inay Itoobiya ka caawiso in danaheeda dhaqaale ee Berbera ay la jaan qaaddo xiriir siyaasadeed oo qota dheer.” Warbiixnta ICG ayaa sheegtay in danta labaad ee Abiy ay tahay inuu heshiis dhex-mara DF iyo Somaliland ku damiyo xiisad siyaasadeed oo kaga furan gudaha dalkaas. “Abiy waa nin ay gudaha Itoobiya ku haystaan rabshado iyo kooxo. Guul diblomaasiyadeed oo muuqata waxay wanaajin doontaa sumcaddiia, waxayna sii xoojin doontaa shaqooyinkii nabadeed ee dhowaanahan uu ka qabanayey gobolka – sidii heshiiskii uu la galay Eritea ee uu ku helay abaal-marinta Nobel Peace Prize,” ayey tiri warbixinta ICG.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Muqdisho kula kulmay ku xigeenka safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo. Madaxweyne Waare Ambassador Tabio ayaa ka wadahadlay sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha xilli roobaad kasta uu wabiga Shabeelle ka geysto magaalada Beledweyne. Dowladda Talyaaniga ayaa maadxweyne Waare ka ogolaatay inay dib u bilaawdo mashruucii ay horay u balanqaaday ee ka hor tagga fatahaadda Beledweyne. Mashruucaas waxaa ku baxaysa lacag dhan lix Milyan oo dollar ($6,000,000). Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ku-xigeeknka safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo ayaa madaxweyne Waare u sheegay in lacagtaas dowladiisu ogolaatay. Dhankiisa madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tallaabadaas uga mahad celiyey safiirka iyo si guud dowladda Talyaaniga. Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha fatahaadaha Beledweyne ayaa waxaa lasoo marsiinayaa oo fulinaysa mashruucaas hey’adda cunada iyo beeraha ee FAO. Qorshahan la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee looga hor tegayo fatahaadaha Beledweyne ayaa dadaal badan lagu bixinayey waayihii dambe, kadib markii ay dowladda Talyaaniga kor hore ku dhawaaqday inay hakisay hir gelinta mashruucaas.
  21. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Tabio Massimo kaasi oo ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruucii in dhowaanba la sugayay ee ka hortagga Fatahaada oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$). Danjire Tabio Massimo ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay oo ay doonayso dadka reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto arrimaha Fatahaadaha ee ku soo noq noqotay Beledweyne. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahadceliyay caawimaada Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira ka hortagga fatahaada. Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-08082020.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay isku day ay sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayo hindise sharciyeed “qaladaad badan leh” oo ku saabsan dambiyada galmada. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaha hindise sharciyeedkaas, oo baarlamanka uu maanta diiday inuu ka doodo, kaasi oo ay ku sheegen inuu ogolanaayo guurka caruurta, kana hor imanaya heshiisyada caalamiga ah. Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay inay u gudbiyeen Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal walaaca ay arirntan ka qabaan. “Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal u muujiyey walaaca ay ka qabaan isku deyga miiska lagu soo saaray sharci cusub qaladaad badan leh, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintaasi la xiriira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska QM oo ay ku baahisay barteeda Twitter-ka. Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaasi “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorinaya golaha wasiirrada dalka in ay dib usoo celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee Asalka ah”. Walaaca Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xili ay maanta diideen Xildhibaanada Golaha Shacabku ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo lagu sheegay inuu ahaa Mashruuc sharci oo ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada. Waxaana kulankii maanta ee golaha ka dhashay buuq badan oo looga soo horjeedo hindise sharciyeedkasi, oo ay xildhibaanada qaarkood ay meel adag iska taageen arrintaasi oo ay sheegen inuu ka hor imanayo Diinta Islaamka.
  24. Golaha shacab ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah si cad u diiday ka doodista hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada, kaas oo ahaa ajandihii golaha saaka loo qeybiyeyey sida lagu ballamay. Markii kulanka uu furmay ayaa xildhibaannada qaar oo hadlay waxaa ay sheegeen inaan loo baahneyn in golaha sharcigaan la soo gaarsiiyo, halka xildhibaannada qaar sheegeen inuu diinta suuban iyo dhaqanka ka hor imaanayo. Golaha ayaana gabi ahaan diiday inuu meel mariyo sharcigaan dambiyada ka dhanka ah galmada, kaas oo golaha wasiirrada ay horay u soo gaarsiiyeen golaha, maanta waxaa balanku ahaa in akhrinta la mariyo codna la geliyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com