Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Maanta oo Khamiis ah 20 August 2020-ka waxaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kulan deg-deg ah ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad kala guur ah oo la adaayo doorashooyin. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa dhacaya gelinka dambe ee maanta sida uu qorshuhu yahay, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya qrrimaha Somalia. Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka iyo doorashada oo weli lagu muransan yahay, maadaama lagu kala aragti duwan yahay nooceeda. Xubnaha ka qeyb-galaya shirka Golaha Ammaanka ayaaa si gaar ah u falanqeyn doono sida looga gudbi karo caqabadaha haatan hortaagan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. Waxa kale oo ay isha ku heyn doonaan shirka Dhuusmaareeb 3 oo ay ballantu tahay in lagu cadeeyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, laguna heshiiyo. Golaha ammaanka kulanka ay ka yeelanayaan Somaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli xaalad adag oo siyaasadeed lagu jiro, waxaana beesha caalamka ay digniintii ugu cusleyd ka soo saartay wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb oo la doonayo in lagu go’aamiyo doorashada.
  2. (SLT-Liibiya)-Hay’adaha UNHCR iyo IOM ayaa Arbacadii shalay qeylo-dhaan kasoo saaray xaalada Tahriibayaasha ku sugan dalka Liibiya. Isniintii lasoo dhaafay ayey 45 qof oo Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 carruur ah ku dhinteen xeebta wadanka Liibiya, kadib markii ay burburtay doontii ay saarnaayeen. Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya doonidan ku degtay xeebta nawaaxiga magaalada Zwara, ayaa sheegaya in 37 qof nolol ay kusoo badbaadiyeen kaluumeysatada magaaladaasi. Dadkaasi soo badbaaday ayaa la sheegay inay hada xidhan yihiin. Tahriibayaasha doonidan saarnaa ayaa u badnaa dad kasoo jeeda wadamada; Chad, Ghana, Mali iyo Senegal. Hay’adaha baaqa soo saaray shalay ayaa ugu yeeray Dowladaha Midowga Yurub inay sameeyaan gurmadaan Tahriibayaasha ku dhibaataaysan xeebaya Liibiya, waxayna sheegeen in hadaan la helin mashruucan dadka loogu gurmanayo in shilalka noocaan ah soo noq noqon doonaan. Shilka todobaadkan ka dhacay xeebta Liibiya ayaa noqonaya tahriibayaashii ugu dabnaa oo sanadkan 2020 ku dhinta xeebaha wadankaasi dagaalada ka socdaan. Source
  3. (SLT-Moscow)-Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa la sheegay in cisbataalka la dhigay isaga oo koomo ku jira islamarkana waxaa laga shakisan yahay in la sumeeyay, wxaa sidaasi sheegtay haweeneey afhayeen u ah. Alexei oo ah nin si wayn ugu ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa ayaa xanuunsaday xilli uu safar duulimaad ah ku jiray. Diyaaradda ayaa si degdeg ah u caga dhigatay, si loo eego xaaladda hoggaamiyaha waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku sheegtay Omsk, Kira Yarmysh oo afhayeenka Alexei. “Waxaan u malaynaynaa in la sumeeyay islamarkana shaah wax loogu daray,” ayay tidhi. Mr Navalny ayaa ah nin si wayn u dhaliila madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin. “saaka ayuu Mr Navalny waxaa uu ku soo laabanayay magalada Moscow isaga oo ak yimid Tomsk,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay Ms Yarmysh. Ms Yarmysh ayaa markii dambe sidoo kale sheegtay in Mr Navalny la dhigay qeybta xaaladda culus. Ilaa iyo imika ma jirto cid ka madaxbanaan Ms Yarmysh oo xaqiijisay warkan ay ku andacootay. Sannadkii 2011 ayaa xabsiga la dhigay Mr Alexei Navalny islamarkana uu ku jiray muddo 15 maalmood ah, xilli ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo ku aadanaa in doorashada uu Putin ku shubtay. Bishii June waxaa uu isbadalkii dastuurka lagu sameeyay ku tilmaamay “Afgembi” iyo “in lagu tuntay dastuurka”. Isbadalkaas dastuurka lagu sameeyay ayaa Mr Putin u ogolaaday in uu xafiiska sii joogo laba muddo xileed oo dheeraad ah. Source
  4. Xogahaya Isboortiga Degmada Diinsoor Maxamuud Maxamed ayaa Goobjoog ugu waramay tartan kubbadda cagta ah oo dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Diinsoor,isagoo u mahad celiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay iyo dadkii kaalinta wanaagsan ka geystay qabsoomida tartankii kubbadda cagta ee nabadda iyo is dhaxgalka ee loo qabtay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan degmada Diinsoor. Halkan Ka Daawo Waraysiga Xogahaya Isboortiga Degmada Diinsoor https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp-4.mp4 Sidoo Kale Halkan Aqriso Xogta Ciyaarihii Ku Qabsoomay Diinsoor Maamulka Isboortiga Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Oo Soo Xirey Tartan U Socday Kooxaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ku qancisay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland inay ka qeyb-galaan wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb. Beesha Caalamka ayaa lagu soo warramayaa inay cadaadis ku saartay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni inay ku biiraan shirkaas oo habeen ka hor ka furmay Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi ku daraya in maalmaha soo socda Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ay tegayaan Dhuusamareeb. Caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa horey u joogay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug oo marti loo yahay iyo duqa magaalada Muqdisho. Madaxdaas oo yeeshay kulamo gaar-gaar ah ayaa waxa ay ka wada-hadleen caqabadaha hortagaan shirkaas iyo sida looga gudbi karo. Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. View the full article
  6. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Sh/Hoose, kadib markii uu ku fatahay webiga Shabelle. Dalxa ayaa shaaciyey in weli gurmad ku filan aysan helin shacabka ku dhibaateysan gudaha magaaladaasi iyo kuwa ku soo barakacay duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacagtii ay u ballan qaaday dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda, hay’adaha Samafalka iyo cidkasta oo wax heysata inay ka qeyb-qaadato u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha. View the full article
  7. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howgallo-gal ciidamada ammaanka ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaaladaasi. Maamulka degmada Beledweyne ayaa sheegay in u jeedka baaritaanadaas ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga. Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada inta laga xoojinayo amniga Beledweyne. Maalin ka hore ayey aheyd markii qarax khasaare geystay uu ka dhacay afaafka hore garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla halkaasi. View the full article
  8. The United States has effectively been at war with the Harakat Shabaab al-Mujahidin (known as al-Shabaab) for well over a decade, but the costs and risks are rising and there is no end in sight. My research suggests the United States should stop framing its strategic goal as victory over al-Shabaab and instead focus on achieving political reconciliation between Somalia’s main conflict parties. To achieve this objective, the United States should support a negotiated end to the war and be willing to place greater conditionality on its three main sources of leverage with the Somali authorities: security force assistance, military operations, and potential debt relief. Source: Hiiraan Online
  9. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dabayaaqadii Bishii June, Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya weydiistay in ay ka qeyb-gasho dagaalka Yemen iyadoo ku badalaneysa dhaqaale iyo in dib loo furo Isbitaalka Sheikh Zayed ee ku yaalla magaaladda Muqdisho, taasi oo Soomaaliya ay diiday. Diidmadda Soomaaliya waxaa sabab u ahaa xiriirka u dhexeeya Abu Dhabi iyo Muqdisho oo waayihii dambe xumaa. Hadaba, maxay tahay sababta uu Imaaraadku arrintaas uu Soomaaliya ugu soo bandhigay? Jawaabtu waxay u baahantahay in la eego istiraatiijiyadda mudada dheer ka sokoow geesinimadda dagaalka ee militariga Soomaaliya. Arrin aad wax looga qoray ayaa ah in Ciidanka Qaranka Soomaaliya ay hoos uga dhaceen maqaamkii ahaa ciidanka ugu woodda badnaa Geeska Africa, oo ay sanado ka hor ahaayeen. Waxaa socda dadaallo la doonayo in dib loogu soo celiyo militarigii waddanka iyadoo la raacayo Qorshaha amniga Qaranka. Tababar tayadiisu sarreyso oo ay bixiyaan Maraykanka iyo Midowga Africa iyo dalal kale ayaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya u ogolaaday in ay guulo muhiim ah ka gaaraan Al-Shabaab, guulahaas oo ay ka mid tahay dib u qabsashada magaalooyin iyo tuulooyin. Si kastaba, ciidanka Soomaaliya wax badan ma awoodaan haddii uusan Maraykanku siineyn sirdoonka iyo saanadda marka ay qaadaan howlgaladda gaarka ah. Warbixin uu dhowaan soo saaray Pantgon-ka Maraykanka ayaa lagu sheegay in uu liito horumarka howgalkii badbaado ee militariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ay ku doonayeen in ay Al-Shabaab uga qabsadaan deegaanadda koofureed. Xiriir kala go’ay Badownimo ayey noqon doontaa haddii lasoo qaado in Imaaraadka Carabtu uusan ogeyn xaaladda ay hadda ku sugan yihiin Ciidanka Soomaaliya iyo awoodda yar ee ay wax uga qaban karaan colaadda Yemen. Tani waxay sidoo kale kaalmo bani’aadanimo u fidineysaa muhaajiriinta Soomaalida ah ee laga qabto inta u dhexeysa dhinacyada dagaalamaya ee Yemen islamarkaana ku ay xad gudbaan kuwa gacanta ku haya. Imaaraadku arrintaas si fiican ayuu u ogyahay sababtoo ah ka kor intii aysan bilaaban xasaradda Gacanka bartamihii 2017-kii, waxaa uu taageero weyn siin jiray ciidanka militariga Soomaaliya. Sanadkii 2014-kii, Imaaraadku waxay billaabeen barnaamij ay ku tababarayeen ciidanka Soomaalida. Heshiiskaasi waxaa uu dhamaaday markii ay Muqdisho diiday in ay ka qayb qaadato go’doomintii Qatar. Arrintu waxay cirka isku-shareertay markii ay Soomaaliya qabatay $9.6 million bishii April 2018-kii taasi oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraadka. Ka sokoow sheegashadii Imaaraadka ee ahaa in ay lacagta mushaar u siinayaan ciidanka, Muqdisho waxay tuhuntay in lacagtaas loo adeegsan lahaa dano qarsoodi ah. La kulan mucaaradka Soomaaliya Abu Dhabi way ogtahay awood yarida ciidanka Soomaaliya, waxay sidoo kale ogeyd in codsigeedii ahaa in Muqdisho ay ku lug yeelato coladda Yemen lasoo diidi doono. Kas okoow walaalnimadda Soomaaliya kala dhexeeysa deriskeeda Gacanka Caden, hadana arrintaasi waxaa ay muujineeysa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya kala dhexeeya labo dal oo aad uga soo hor jeeda Imaaraadka. Si kasta, taasi waxay is bedeli kartaa marka wadanku uu joogo meel uu isagu qabsan karo doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa Madaxtooyadda. Farmaajo iyo xisbigiisa, mucaaradkooda ugu weyn waxaa uu u muuqdaa Madasha Xisbiyada Qaran. Waxaa la sameeyay sanadkii 2019, bsihii November, waxaana xulifada ku mideysan lix xisbi siyaasadeed kuwaas oo sheegay in ay kasoo horjeedaan ku xad gudubka dastuurka iyo shuuruucda kale ee ay wado Dowladda hadda talada heysa. Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran waxaa ka mid ah laba Madaxweyne oo kala ah Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Labaduba xiriir fiican lama lahan Qatar. Kadib markii loo doortay Dowladdii ku meel gaarka ahayd, Dooxa waxay Sheekh Shariif ku boorisay in uu wadahadal la furo Al-Shabaab, Sheekh Shariif ayaa isla waqtigaas waxaa uu Qatar ku eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab. Ka sokoow maal-gelintii doorashaddii Xasan Sheekh ee sanadkii 2012-kii, Doxa waxay lumisay dulqaadkii ay u lahd Dowladiisa iyadoo ku eedeysay in uusan u fir-fircooneyn sida kuwii ka horreeyay. Imaaraadka iyo dalalka kale ee ay ku mideysan yihiin go’doominta Qatar waxaa ay xiriir la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa mucaaradka si ay u taageeraan marka doorashadda la garo. Madasha Xisbiyadda Qaran waxay u dagaalami doonaan in ay doorashadda ku guuleystaan si ay u fuliyaan codsiga Imaaraadka. Sida ay sheegeyso Xarunta Siyaasadda Imaaraadka, haddii mucaaradku ay ku guul darreystaan in ay ku midoobaan hal Musharax, taasi waxay awoodda ku siiheyneysaa Madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee, haddii ay hal musharax ku midoobaan una ku guuleystaan doorashada ayada oo Imaaraadka uu taageerayo, waxay Imaaraadka Carabtu heli doonaan maamul ay ku abaal sheegan karaan, waxaana ujeedka codsigooda ku aadan dagaalak Yemen uu yahay mid ku socda maamulka iman doono ee ma ahan mid hadda wax dan ah laga leeyahay. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya inuu is-bedal ku yimid go’aankii diidamada ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ku aadanaa ka qeyb-galka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb. Siciid Deni ayaa la xaqiijiyey inuu maalmaha soo socdo ku biiri doono shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka. Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu cadaadis xoogan kala kulmay xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan wakiilka ee QM ee Soomaaliya iyo safiirka Mareykanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda wafdi horudhac u ah Deni ay gaari doonaan magaalada Dhuusamaareeb, kuwaas oo ka qeyb-galaya shirka. Wejiga saddexaad Dhuusamareeb oo si rasmi ah u furmay habeen ka hor ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho. Inta badan shirar gaar-gaar ah oo ay yeesheen madaxdaas ayaa waxaa lagu gorfeeyey caqabadaha hortaagan shirka iyo sida looga gudbi karo, inkastoo illaa iyo hadda aysan isla gaarin wax go’aan ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka ama doorashooyinka soo socda. Waxaa sidoo kale madasha ka maqan Jubbaland, balse waxaa lagu soo warramayaa in Axmed Madoobe uu isna tegayo Dhuusamareeb, kadib markii ay ku qancisay B/Caalamka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo natiijada ka soo bixi karta shirkan oo muhiim u ah doorashada 2020/2021-ka, si loo cadeeyo nooca ay noqoneyso, looguna heshiiyo. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah oo aad u adag, waxaana xaaladdu ay ka sii dartay markii la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-20082020.mp3 View the full article
  12. Two civil rights groups this week accused Immigration and Customs Enforcement officials at Miami's Krome Service Processing Center of forcing Muslim detainees to choose between eating pork, which is forbidden for traditionally observant Muslims, and religiously approved halal meat that had passed its expiration date and turned rancid. Source: Hiiraan Online
  13. Thirty-one-year-old Mohamed Yare, who serves as WHO’s National Polio Surveillance Data Manager, half-chuckled and tried to explain to his wife that he was only providing support to the Ministry of Health in Somalia in the development of a COVID-19 data collection system. This system would be integrated into the surveillance and information management system, while enhancing information management at the laboratory level. Even though the country has a functioning health management information system, and is now piloting a district health information system (DHIS-2) in some regions, they required technical support to include COVID-19 in their surveillance systems. He explained further that if this worked out, the database would help the Government to key in, track and monitor information about people infected with COVID-19. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu. Somalia has expressed anger over Taiwan's move to open a representative office in the self-declared Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  15. For half a century scientists feared that the Somali elephant shrew had vanished from the face of the Earth. No one had seen so much as a whisker. Source: Hiiraan Online
  16. (ERGO) – Nu’man Jama Hirad, a 29-year-old refugee in Hagardhera camp in Dadaab, supports his family of seven from his business selling mobile phones and electronics. Source: Hiiraan Online
  17. The Masjid Musa in Mombasa is not your ordinary mosque. Source: Hiiraan Online
  18. Two soldiers in the southwestern Somali town of Baidoa were executed by firing squad Tuesday after the men confessed to raping an 11-year-old boy, authorities said. Source: Hiiraan Online
  19. Aug. 10 attack in central prison in Mogadishu killed at least 19 people Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, Somalia —At least 27 people were arrested for smuggling into a Somali prison weapons used to attack guards earlier this month, according to Somali state run-media on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ceyrisay islamarkaana amartay inuu dalka isaga baxo agaasimihii hay’adda CARE USA ee dalka Iman Abdullahi, sida ku cad warqad lasoo saaray 18-kii bishan August. Warqadda oo uu soo saaray wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre ayaa madaxa CARE Somalia ku eedeysay inuu iska indho tiray siyaasadda iyo xeerarka dowladda, sidoo kalena uu faro-geliyey arrimaha siyaasadda dalka. Waxay sidoo kale ku eedeysay inuu “xiisado aan loo baahneyn” ka dhex abuuray dowladda fedearaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. “Waxaa intaas dheer intii aad ahayd agaasimaha CARE waxaad sameysay olole aad ku wiiqeyso horumarka qeybta waxbarashada adiga oo qas ka dhex abuuraya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigaggeeda, oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha iyo saaxibadeeda waxbarashada. Waxaad isku dayday inaad waxyeeleyso xiriirka ay dowladda la leedahay deeq bixiyayaasha iyo saaxiibadeeda,” ayuu yiri Goodax. Goodax Barre ayaa intaas ku daray in agaasimaha CARE Somalia lagu wargeliyey eedeymahan ayada oo loo marinayo qoraal iyo kulan toos ah. Hay’adda CARE USA ayaa sheegtay inay heshay warqadda kasoo baxday dowladda Soomaaliya, ayna ka shaqeyneyso sidii ay xal ula gaari lahayd dowladda Soomaaliya. Iman Abdullahi ayaa noqonayaa mas’uulkii labaad oo ka socda hay’ad caalami oo laga ceyriyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa 2018-kii cayrisay wakiilkii ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Nicholas Haysom.
  22. The government of Somalia has ordered the expulsion of CARE Country Director Iman Abdullahi, according to a letter issued Tuesday. The letter, which was sent from the country’s Minister of Education, Culture and Higher Education Abdullahi Godah Barre, accused the head of CARE Somalia of disregarding the government’s policies and procedures, as well as meddling in politics. It also accused him of creating “unnecessary tensions” among Somalia’s state and federal governments. “Moreover, during your tenure as a Country Director, you have undertaken a campaign to derail progress of the education sector by creating chaos and mistrust among the Federal Government of Somalia and its counterparts, including donors and education partners. You have attempted and continue to work towards damaging the relationship the government has with its donors and partners,” Godah Barre wrote, adding that CARE’s regional director was previously made aware of these accusations in a written letter and during a meeting. In response to questions from Devex, CARE USA said that it received the letter and is “working towards a solution with the Federal Government of Somalia, CARE Somalia and relevant stakeholders.” “We continue to implement our programs in Somalia and remain deeply committed to our partnerships with the Federal Government, the generous donors who support us and, most importantly, with the communities whom we all seek to serve,” an organization spokesperson said in an emailed statement. CARE has operated in Somalia since 1981 and has worked in areas including water and sanitation, teacher training, primary school education, vocational training, and small-scale enterprise development, among other activities. It is currently involved in the country’s COVID-19 pandemic response. In October 2018, CARE USA was named as an agent for a Global Partnership for Education grant in Somalia worth $17.9 million, administered through the country’s Ministry of Education, Culture and Higher Education and focused on improving access to primary school education. Abdullahi is not the first senior-level humanitarian official that the government has expelled. Last year, Somalia’s government ordered Nicholas Haysom, United Nations special representative of the secretary-general for Somalia, to leave the country, declaring him “persona non grata” and accusing him of diplomatic overreach after he questioned the legality surrounding the arrest of a former al-Shabab spokesperson.
  23. Qolka dad badani ku badbaadeen oo aan Rasaastu karin,Al-Shabaabna Geli kari waayeen oo ku yaalla Hotelka Elite-Muqdisho ee la qarxiyey Maamulka Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, oo dhawaan la weeraray, ayaa sheegay inay dayactir ku wadaan hoteelka, dibna loo furi doono. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah milkiilaha hoteelka Elite ayaa sheegay in uu heer gabo gabo ah marayo dadaalka dib u habeynta loogu sameynayo hoteelka uu qaraxa ka dhacay dhowr maalmood ka hor. “Waan sii wadaynaa howlihii aan wadnay namana niyad jabineeyso dhacdadii lagu beegsaday Hotel-ka elite,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdullaahi. 16-kii bishan ayey koox hubeysan qarax iyo weerar ka fuliyeen hoteelka, halkaasoo ugu yaraan 16 ruux ay ku geeriyoodeen tiro kalena dhaawacyo kasoo gaadheen. Qolka aysan rasaasta karin Milkiilaha hoteelka, ayaa BBC-da uga warramay qol la sheegay in uu hoteelka ku yaallo, kaasoo aysan rasaasta karin. Wuxuu xaqiijiyay arrintaas iyo in isaga iyo dad kale ay ku badbaadeen qolkaas intii uu weerarka socday. “Waddanka aan ku nool nahay iyo waaqica in la fahmo aad bay muhiim u tahay. Marka wuu jiray ku talagal loo sameeyay qol aysan rasaasta karin, waana meel loogu talagalay dhinaca badbaadada, dad badan ayuuna Alle sabab uga dhigay inay ku badbaadaan. Dhowr iyo labaatan qof baan ahayn dadkii ku jiray”, ayuu yidhi. Cidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay weerarkaas soo afjaraan. dadka dhintay ayaa la sheegay in 5 ka mid ah ay ahaayeen kooxdii weerarka fulisay. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi M. Gulaid, oo kulan la qaatay laamaha amniga dalka ayaa faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii weerarka hoteelka, waxa uuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo. Qaabkii uu ku baxsaday Mucallimuu Mucallimuu ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxa Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horay uga tirsanaa BBC-da ayaa ka mid ah dadka ka badbaaday qaraxa hoteelka Elite, kaasoo uusan wax dhib ah kasoo gaadhin. Mucallimuu wuxuu ka badbaaday dhowr qarax oo hore, oo uu kamid ahaa mid uu ku dhaawacmay 21-kii January 2016, ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka uu uga baxsaday Elite Hotel. “Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa ,laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay,” “Go’aan ayaan qaatay waxaan u booday dhanka badda, funaanad aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa,” ayuu yiri Macallimuu. Weriyaha ayaa sheegay inuu markii uu badbaaday uu billaabay baadigoobka saaxiibkii Cabdirisaaq, kaasoo loo sheegay in meydkiisa uu yaallo cisbitaalka Umma. Waxa uu tilmaamay in geerida ninkaasi ay si weyn u taabatay oo ay uurkutaalo ku reebtay. Shan saacadood ayey ciidanka amniga la tacaalayeen weerarkaas. Jeneral Cabdiraxmaan Maxamud Tuuryare, taliyihii hore ee NISA ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay markasta weerarradooda xoojiyaan xilliyada kala guurka ah. “Dowlad kasta marka xillegeedu dhamaan rabo, weerarrada iyo hawlaha ay fulinayaan [Al-Shabaab] waa ka badan yihiin mararka kale. Marka lixda bilood ee soo socota aad ayay khatar u yahay,” ayuu yiri Jen. Tuuryare. Qaran News