-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Hal Askari ayaa geeriyooday afar qof oo kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii Ciidamada Booliska Iyo dad shacab ah isku dhaceen Duleedka magaalada Boorama. Muranka ayaa ka dhashay dhul ay isku haystaan dawladda iyo dad shacab ah oo ku yaalla Beri ee Boorama. Laba Askari ayaa ku jira dadka dhaawaca sida uu maamulka gobolku sheegay. Afarta qof ee dhaawaca ah ayaa la dhigay Cisbitaalka Boorama Source
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa si cad u diiday in koox ku ciyaareysa magaca dagmada Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka dagmooyinka gobolka Banaadir iyagoo cuskanaya laba sababood. Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal uu bartiisa facebook kusoo qoray si cad ugu beeniyay, wuxuuna sheegay in koox dagmada uu masuulka guud ka yahay aysan tagi doonin Muqdisho. Gudoomiyaha wuxuu sheegay in gobolka Banaadir ay isku khilaafsan yahiin arrimo dhanka soohdimaha ah oo ay wali isha ku hayaan, sidoo kalana wuxuu qiray ineysan jirin wax xiriir ah oo lala soo sameeyay si kooxda dagmada Afgooye loogu daro tartanka loo qabanaayo dagmooyinka gobolka Banaadir. Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir waxey sanad walba qabtaan tartan loo qabto 17-ka dagmo ee gobolka Banaadir, balse waxaa sanadkaan lagu soo daray dagmooyinka Balcad oo ka tirsan Shabeelada Dhexe iyo Afgooye oo ka tirsan Shabeelada Hoose. Isku aadka tartanka waxaa la sameeyay shalay, Afgooye waxey ku jirtaa group A iyadoo kula mideysan Xamar Jajab, Kaxda, Heliwaa iyo Kaaraan. QORAALKA GUDOOMIYAHA HALKAAN HOOSE KA AKHRISO: Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno. Maamulka Gobolka Banaadir ma jiro xiriir uu innaga nala soo sameeyay oo la xiriirta arrintan,waxaan xaqiijinaynaa inaysan jirin koox kubbadda cagta ah oo ka socota Degmada Afgooye kana qeybgaleysa tartankaas. #DaryeeliyoDowladnimo. #NabadiyoNajah. The post Maamulka Shabeelaha Hoose oo laba sabab ku diiday in Dagmada Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka Dagmooyinka G/banaadir first appeared on Caasimada Online.
-
100 Qof oo Somaliya oo Khamiista & Jimcaha laga soo mustaafurinaayo Dalka Maraykanka +Meelaha la geynaayo Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayey dowladda Mareykanka qorshanaysaa in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee foodda inagu soo haya ay ka musaaafuriso dalka Mareykanka oo ay dib ugu celiso waddanka Soomaaliya. Arrintaas waxaa qoysaska dadka la musaafurinayo u xaqiijiyay qareennada u doodaya dadkaas xabsiyada ku jira, kuwaas oo qaarkood dambiyo kala duwan lagu helay halka ay jiraan kuwo dambi aanan gelin, hasayeeshee loo diiday in qaxootinimo loo qaabilo amaba daganaansho dalka laga siiyo. Hooyo magaceeda ku soo koobtay Maryama oo ka mid ah dadka caruurtooda loo musaafurinayo Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay aad uga murugeysan yihiin. Waxay sheegtay in wiilkeeda oo dhowr labaatan jir ah aysan jirin wax dambi ah oo uu galay islamarkana aysan aqoon sababta loo musaafurinayo. “Wiilkeygu dad ma dilin , dad ma dhicin, guri ma xadin,darooga ma cunin, wiilkayga dambiga Mareykanka looga kaxeeyanayo anagu waan garan waaynay,” ayay tiri hooyo Maryan. Hooyo Maryamo ayaa xustay in wiilkeeda qareen badan ay u qabatay, balse mar walba kiiska looga guuleysto. Waxay xustay in ay ka sii murugeysan tahay caruurta ay Ayeeyada u tahay ee aabahood la musaafurinayo. “Anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin”, ayay tir hooyo Maryan. Maryan ayaa farta ku fiiqday in wiilkeeda uusna Somaaliya waxba ka aqoon islamarkana uusan jirin wax ehel ah oo uga horeeya. “Xaggaas wax dad ah uma joogo, qoyskiisa halkan ayuu wada joogaa hooyo haday tahay, aabo haduu yahay, wax dad ah oo ka sii horeeya ma laha,” ayay tiri Hooyo Maryan oo ay murugo ka muuqatay. Madaxa hay’adda Jeylaan Xuseen Cair Soomaalida Mareykanka maxay tarxiilka ku muteystaan? Hay’adda lagu magacaabo Cair waa hay’ad u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka qeybta minnesota waxayna walaac ka muujisay dadkan Soomaalida ah ee laga musaafurinayo dalka Mareykanka. Madaxa hay’adaasi Jeylaan Xuseen ayaa BBC u sheegay in dadkani loo haysto waxyaabo kala duwan, balse ay u badan yihiin dad aan haysan sharciga Mareykanka. “Dambiyada lagu haysto waa dambiyo kala duwan, inta badan waa sharci la’aan, waa dad sharcigii dalbaday oo sharcigii loo diiday ayaa ku jira dadka hadda la musaafurinayo,” ayuu yiri Mr Jeylaani. Mr Jeylaani Ayaa intaa ku daray in xiriir ay la sameeyeen safaaradda Soomaliya ee Washinton islamarkana ay arrintan kala hadleen. Soomaalida ugu badan ee Mareykanka waxay deggan yihiin Minnesota Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Sooamaliya ay tahay in ay soo faragaliso arrintan oo ay a qeyb ka qaadato sidii looga hortagi lahaa musaafurinta dadka Sooamalida ah. “Runtii waan la wada xiriirnay , safaaradda waan la xiriirnay, dad badana waan la xiriirnay, haddana waxaan rabnaa dowladda Soomaaliya inay go’aan ka gaarto ayaan rajeynaynaa sidii dadkan laga joojiyo in la musaafuriyo,” ayuu yiri Mr Jeylaani. Madaxa hay’adda u dooda xuquuqda Musliminta Mareykanka ayaa dhanka kale ka digay in dadka Mareykanka laga musaafurinayo lana gaynayo Soomaliya ay qarakood qabaan Corona islamarkana ay dalka gaarsiin karaan xanuunka. “Dadkani waxaa jira dad qaba cudurkii Covid-19, waxaa laga yaabaa xitaa dadka ay diyaaradda isla saaran yihiin inay qaadsiiyaan wadankiina gaadhsiiyaan,” ayuu intaa ku daray Mr jeylaani. Tan iyo intii uu xilka madaxwaynanimada Mareykanka la wareegay madaxwayne Donold Trump waxaa Mareykanka laga musaafuriyay dad badan oo ay Soomaali ku jiraan. Arrintan ayaa waxaa horey walaac uga muujiyay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka oo ak digay in meelaha lagu celinayo ddaka qaar ay yihiin goobo aan amnigoodu wanaagsanayn. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Labada Siyaasi ee Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Xaaji Xasan, ayaa maanta kulan uga bilaamay Hargeysa. Labada siyaasi ayaan Warbaahinta u faahfaahin waxyaabaha ay ka wadahadleen marka laga reebo in ay ogolaadeen in Sawiro laga qaado. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi inay kulankoodan kaga arrinsadeen mustaqbalkooda siyaasadeed. Kulanka waxa kale oo goob joog ka ahaa siyaasi Cali Siciid Raygal, oo ka wasiir ka soo noqday xukuumaddii Siilaanyo. Source
-
Hambalyo: Waxa magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ka dhacay meherka Eng Mohamed Ali Ibrahim “ Baqdaadi “ iyo Marwo Bilan M. Jama Jengeli . Ilaahay haka dhigo labadii isku waraa ee kala hela ubad khayr qaba iyo Guri deggan oo dega qabow. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Mahad Salaad ayaa marka hore rajo xumo ka muujiyey shirkan, wuxuuna sheegay in heshiis walba oo la gaaro in uusan ka fulin doonin Madaxweyne Maxamed Farmaajo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya uusan illaa iyo hadda qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo, sida uu hadalka u dhigay. “Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo.” Xildhibaan Mahad Salaad oo si aad ah u mucaarada dowladda. Dhinaca kale wuxuuu soo jeediyey in heshiiska la gaari doono lagu daro labo qodob oo kala ah muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso. “Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan.” ayuu hadalkiis sii raaciyey xildhibaanku. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli qodobada qaar ay isku mari la’yihiin madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee shirsan magaalada Muqdisho. The post Mahad Salaad oo ku taliyey in labo qodob lagu daro heshiiska lagu gaarayo Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Madashada xisbiyada qaran ayaa talaadadii si adag uga hadashay waxa ay ku sheegeen sharci daradda iyo dastuur ku tumashada uu wado madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo sheegay in haddii uu muddadiisa ku tagi waayo ay dhisi doonaan xukuumad kale. Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada oo hadlayey ayaa yiri “Xaalka uu ku socdo waddanka, oo madaxweyne Farmaajo sida madaxweyne Xasan sheegay malaintii uu yimid ilaa youminaa haadaa inuu dastuurka iska xooray, oo dastuur waxba ka rabin, sharcigana waxba ka rabin, wuxuu shaqo ku leeyahana aysan jirin, haddii marka uu sidaa yeelo, umadda kale haddii ay ku deysato, oo sharciga iska xoorto, oo nin walba jidka soo istaago, ha ogaado eedeeda inuu isaga qaadanayo, burbur kasta oo Soomaaliya ku yimaada inuu isaga qaadanayo”. Dhanka kale, waxaa uu Xildhibaan Cosoble sheegay in sharci kasta oo la meelmariyey wixii ka dambeeyey 25-kii July oo sharci darro yahay, …….Madaxweyne Farmaajo waxaan rabna ainuu sharciga ilaasho, haddii sharciga sida ugu tumanaayo usii socotana, ha ogaado Soomaalida maalinta xukunkiisa ugu egyahay wixii ka dambeeya in aan madaxweyne u aheyn, sharcina aheyn, 15 Oktobar ayaa ugu horeysay xildhibaan la soo doorto, xataa haddii aan aragno in waqtigaas diyaarineynin waxaan bilaabeynaa process oo Parallel ah oo Soomaaliya dowlad loogu dhisi doono”. Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo maalinta uu yimid ilaa maanta maalin uu dastuur ku dhaqmay ma jirto, guddoomiye Jawaari ridistiisa ka soo bilow, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku geey, rididdii u dambeysay ee ra’isul wasaaraha geey, judiciary waxa ka dhex jira waxa ka dhex jiro oo garsoorada inta la eryo kuwoo cusub la keenayo ka dhig, dhinac walba madaxweynuhu waa barbar marsan yahay dastuurka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
I am utterly dismayed about the recurring dilemma that the Somali students find themselves in year after year. Every year as Somalia tries to move forward as a nation, its education system spirals into chaos. Source: Hiiraan Online
-
Somali police in Adado town located in the country’s central Galgadud region managed to detain a prime suspect in the cruel rape and murder of a young student in Mogadishu. “Somali Police Force, Galmudug Division, following a national manhunt last night arrested Mohamed Ibrahim Osman, 24 years old, who was wanted suspect for the criminal case against Hamdi Mohamed Farah who was recently killed in Mogadishu,” said Zakia Hussein. The deputy police chief said the suspect was on the run after security forces in the capital arrested his complices in the case, numbering 11. Hamdi has invested time and energy in education to have a better future but lost her life at the hands of cruel rapists who thrown her off from a six-storey hotel building last Friday after raping. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay kulamo siyaasadeed dhankiisa ka bilaabay gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed Somalia. Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiye Mursal ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah oo uu la yeeshay Lafta Gareen iyo Waare oo Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka wada-tashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2020-la, si xal mideysan looga gaaro. Mursal oo aan horey qeyb uga aheyn shirarka Muqdisho ayaa haatan ku soo biiray is-muujinta siyaasadeed ee ay wadaan dhinacyada siyaasadda ee ku sugan caasimada. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana weli jira is jiid-jiid u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar oo isku haya doorashada soo socota. Si kasbataba ha’ahaatee shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho oo isha lagu wada-hayo ayaa la filayaa in go’aan mideysan looga gaaro xaaladaha siyaasadeed iyo doorashooyinka. The post Sawirro: Mursal oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
The UN in Somalia on Tuesday lauded health workers who have worked tirelessly to prevent the spread of COVID-19 as Mogadishu reached a six-month milestone since the first case was confirmed. While the period has seen achievements in containing the pandemic in Somalia, the UN cautioned that the response to COVID-19 was far from over and urged Mogadishu to redouble efforts to contain the virus. “The efforts that Somali health workers have made to contain the pandemic and help those affected by the virus have literally saved lives. This heroic work is a testament to their commitment and dedication, often under extremely challenging conditions,” James Swan, UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia said in a statement. Swan said the health workers achieved these life-saving outcomes despite a very fragile and weakened health system in Somalia, the result of three decades of conflict, protracted crisis and repeated humanitarian emergencies. “The results show their fortitude as well as the importance of the Somali authorities and national and international partners working together,” he added. The Horn of Africa nation has so far 3,376 cases of COVID-19, 2,791 recoveries and 98 deaths since the pandemic was first declared in the country on March 16, according to the ministry of health. The UN, spearheaded by the UN World Health Organization (WHO), said it began ramping up its support even before the first case of the deadly virus was announced. In February, WHO began working with Somali authorities to prepare for the prevention and early detection of imported cases, and the management of suspected and confirmed cases within communities. “Over the past six months, this unprecedented event has required an unprecedented response, an integrated, coordinated and timely response,” said Adam Abdelmoula, who also serves as UN Resident Coordinator and Humanitarian Coordinator for the country. Mamunur Rahman Malik, WHO Representative for Somalia called for more efforts to contain the pandemic. “However, the job is not done yet; we still need to strengthen the public health system from grassroots levels upwards to build back better in Somalia,” said Malik. “Even though cases in the national count may seem to have dropped, we still have to reach more communities and vulnerable people. I strongly urge Somali communities to do their part and exercise caution to avoid COVID-19 infections,” said Malik. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, oo Warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa ku eedeeyay madaxweyne ku-xigeenka in uu Carqaladaynayo Doorashada jagada guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee Kulmiye. Saajin, ayaa sheegay in aanu tanaasulayn ee uu ogol yahay tartan dhexmara isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Iyadoo shalay magaalada Garowe ay safar ku tageyn maamulka,macallimiinta iyo ciyaartooyda naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xalay waxa ay safar dhulka ah ku gaareyn Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,waxaan halkaas ku soo dhaweeyay maamulka Qardho. Qardho iyo Garowe oo isku jirta 250 killomiter ayay ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda Dowladda hoose aad ugu helyn nabada ka jirta,iyadoo si wadajir ah ugu mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay waxaana afka maamulka kooxda Muqdisho City ku hadlay guddoomiyaha naadiga Dowladda Hoose ee Mqudisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/abukar.mp4 Wafdiga Kooxda Muqdisho City ayaa Qardho waxay ay kala kulmeen soo dhaweyn heer sare waxaana magaalada meel u jirto 25 killomiter ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada Qardho, maamulka gobalka Karkaar, Taliska Booliiska, iyo Dadweyne u badan dhalinyaro oo isugu jiray wiilal iyo gabdho. “Ku soo dhawaada Qardho waa magaaladeena labaad waxaan rajaynaaa in aaad ku soo laabataan idinkoo dhan,tani waxay bilaaw u tahay is dhaxgalka kooxaha iyo dhallinyarada dalka” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdi Siciid Cismaan Duqa Degmada Qardho. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Cabdicasiid.mp4 “Waxaan filiyaa in maamulka iyo dhallinyarada kooxda Muqdisho City Club ay aad ugu helyen socdaalkii ka soo bilaaway Garowe ayna ku yimaadeen xarunta dhaqanka ee Qardho,taasna waxay ka tarjumaysaa horomarka iyo nabada Puntland” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Mustafa Cabdiraxmaan Majacase oo ah Xoghaya Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Majcase.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Dafiirka Maraykanka iyo Daraakiil Ciidan oo Maraykan ah. Kulanka ayaa ku saabsanaa Ladagaalanka Argagixisada iyo [...] The post Maraykanka oo la kulmay Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland appeared first on . Source
-
Maanta oo kale 7 sanno ka hor, ayaa la dhagax dhigay mashruuc waddo kii ugu weynaa ee laga hir geliyo Somaliland, kaas oo ahaa jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ahaa mid ay bulshada Gobolka Sanaag dhibaato iyo rafaad badan kala kulmi jirtay. Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa mashruucaasi dhagax dhigay 16 September 2013-kii, iyada oo wakhtigaasi loo arkayey riyo madaama oo jidkaas oo dhererkiisu yahay 275 KM uu Madaxweynuhu ku dhiiraday in xukuumaddiisii iyo shacabka Somaliland gunti giijis ku samaystaan jidkaas, iyaga oo aan helayn taageero shisheeye. Jidkan ayaa intiisii badanayd la dhamaystiray, iyada oo Xukuumaddii hore ee Kulmiye dhistay 94 KM, halka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi hir gelisay 101 KM oo ka mid ah jidkan, taas oo ka dhigaysa cabirka Jidka inta dhisan 195 KM. Marka laga qiyaas qaato dhisan waxa hadhsan 70 KM in ku dhow. Inkasta oo muddo 7 sanno ah uu soo jiitamay dhismaha jidkan, ayaa haddana dadka deegaanku ka faa’ideen isticmaalka inta la dhisay, iyada oo wakhtigii dheeraad, rafaadkii iyo dhibtii lagala kulmi jiray jidkan ay ka raysteen dadka Gobolka Sanaag, waxaanay isticmaali jireen gaadiidku kolba inta shisan amma caro kaawaha la dhigo. Mashruucan Jidka Ceerigaabo, ayaa haddii la dhamaystiro muddada uu xilka hayo Xisbiga Kulmiye, waxa uu noqon doonaa mid lagu xasuusto Xukuumaddihii Xisbiga Kulmiye ka soo baxay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ololaha u dhexeeya Saylici iyo Saajin, tabashada Saami-qaybsiga iyo awood qaybsiga xilalka Dawladda. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo loolanka u dhexeeya Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ayaa yidhi “Shirweynihii Xisbiga Kulmiye waa la muddeeyey oo bisha dambe horaanteeda ayuu qabsoomayaa haddii Rabbi ogolaado, laakiin Shirkan xeelad iyo farsamo cajiib ah oo aan aad ula yaabay ayaa ku jira, maxaa yeelay boosaska Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku-ixgeenka koowaad, Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo Guddoomiye ku xigeenka saddexaad laguma tartamayo, laakiin booska Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga ayaa lagu tartamayaa, Wasiirka Ganacsiga Saajin xaq buu u leeyahay inuu tartamo, laakiin waxaan Saajin leeyahay sida Qabyo-tire iyo Maxamuud Xaashi ilmadeeradood ugu diideen inay la tartamaan weynu aragnaa ee Inaadeerka Saylici u tanaasul, waliba adigoo xaq u leh oo sharcigu ku ogol yahay inaad tartanto ayaan haddana ka codsanaynaa inaad tanaasusho, maxaa yeelay Maanta Madaxweynaha booskiisa laguma tartamayo boosaska kalena laguma tartamayo, ee waxaa layaab leh in laba masuul oo ilmaadeer ah hal boos ku wada tartamaan, ta kale Saylici maanta waa Madaxweyne ku-xigeen, waxaa laga yaaba in aanu mar kale isku soo sharixin booska Madaxweyne ku xigeenka ee wakhtigaas haba la gaadho ee imika waxaan leeyahay Saajin iyo Sayliciba isku tanaasula, oo yaan la isku kiin garaacin”. Mar uu ka hadlayey awood-qaybsiga xilalka dawladda ayuu yidhi “Xukuumaddii Axmed Siillaanayo waxaanu ku lahayn Wasiirro iyo Agaasimayaal ka badan Wasiirrada iyo Agaasimayaasha aanu Xukuumadda Muuse Biixi, hadda Saddex Wasiir iyo Laba Agaasime oo qudha ayaanu ku leenahay, taasina runtii caddaalad maaha namana qabato, ta kale Shaqaalihii Dawladda aad baanu ugu yarnahay, oo Beesha dhexe ayaa ugu badan, waxaana xaqiiqo ah in inta badan Ardayda ka soo baxda Jaamacaha ee reer Awdal in intooda badani aanay shaqayn, isla markaana lama siiyo fursado ay Dawladda kaga shaqeeyaan, dhinaca Mashariicaha horumarinta ee dalka aad baanu ugu yarnahay, markaas cadaaladda ha la ilaaliyo, oo haddii la doonayo in dalka la wada yeesho si caddaalad ah wax ha loo qaybsado”. Mar uu ka hadlayey Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Anaga oo ah Xildhibaanada Gobollada darafyada Somaliland waxaanu ka soo baxnay Shirkii Golaha oo waxaanu si cad u diidan nahay Xeerka Doorashooyinka ee aanu ku jirin saami-qaybsiga, ee Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay Madaxweyne Daahir Rayaale tolkii buu ku jiifsaday ee adiguna tolkaa ku jiifso oo saamiga aanu xaqa u leenahay nasii, caddaaladna maaha in Madaxweyne Beeshadu ay Golaha Wakiilada ku yeelato 16 xubnood, anaguna aanu ku yeelano 13 xubnood, Madaxweyne caddaalad maaha in Beesha dhexe ee aad ka soo jeeda inay Golaha ku yeelato ugu yaraan 52 xubnood, halka Beelaha darafyada ee aanu ka soo jeedno ay ku yeeshaan tiro aad u kooban..” Source
-
(SLT-Hargeysa)- Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shalay ansixiyey xeerka la’dagaalanka Maandooriyaha, kaas oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiiladu. Ka hor intii aan la ansixin waxa golaha ka soo jeediyey wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerkan la dagaalanka Maandooriyaha, Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi. “Farqada afraad oo u dhignayd marka hore gaadiidka lagu qabto maandooriye, ee ay Maxkamadd horteed kaga cadaatay, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa, ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan (20%) qiimaha gaadiidka. Marka labaad waxa la ganaaxayaa boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka. Marka Saddexaadna waa lala wareegayaa.” Sidaasi ayuu u dhignaa qodobku balse waxa loo kala qaaday markii dambe; farqadaasi afraad laba farqadood oo u dhigan (b) gaadiidka dalka soo galiya maandooriye nooc kasta oo uu yahayba mid dhul, cir ama bad, ee ay maxkamadd horteed kaga cadaato, waxa marka koowaad lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba konton (50%) qiimaha gaadiidka, marka labaad waa lala wareegayaa gaadiidkaa. Farqada labaad (t) waxay noqotay gaadiidka dalka gudihiisa lagu qabto ee ay maxkamad horteed kaga cadaatay waxa lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo dhan boqolkiiba labatan, marka labaad boqolkiiba konton marka saddexaadna waa lala wareegayaa.” Xeerka la dagaalanka Maandooriyaha ayaa waxa kale oo uu dhigayaa in Guryaha lagu iibiyo Maandooriye lala wareegayo hadday Maxkamad horteed ka Cadaato. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka socday dowladda Mareykanka ayaa kulamo gaar-gaar ah saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula qaatay hoggaamoyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulamada oo ka dhacay xarunta Xalane, gaar ahaan dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo taliye ku xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young. Intooda badan waxaa kulamada uu Mareykanka la qaatay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen diirada lagu saaray ammaanka iyo dagaalka A-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday iskaashi xoog leh oo dhex mara taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed, si meel looga soo wada-jeesto dagaalka adag ee lagula jiro dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kae lagu sheegay in muhiimadda kulamadaasi ay ahaayeen adkeynta xiriirkaa dhinacyadaasi, si loo laba jibaaro howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka, wuxuuna howlgallo dhanka ah cirka ah ka fuliyaa gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka oo kulan gaar ah la yeeshay saddex Madaxweyne goboleed + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qabteen ruux ku eedeysay kiiska kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Marxuumad Xamdi. General Zakiya Xuseen taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa tiri sidan: “Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib” 11-kii bishan ayey aheyd markii Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd lagu kufsaday kadibna dabaq laga soo tuuray xaafadda Maajo oo ka tirsan degmada Waaberi, ee caasimadda Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa horay u sheegay in hayaan ilaa 11 qof oo isla kiisakan ku eedeysan, waxaana lagu wadaa in la sii balaariyo baaritaanka kadib markii uu kiiska gaaray golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (A/Madoobe). Kulan gaar ah oo labada hoggaamiye dhex-maray ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada-tashiyada socda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale si gaar ah u falan-qeeyey doorka ay ka qaadan karaan in xal mideysan laga gaaro doorashada soo socota ee 2020/2021. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku soo qaaday arrimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyad. Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha caasimada ka dhacayey kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey madaxda goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed, waxaana dhammaantood looga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe? first appeared on Caasimada Online. -
Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa Xalay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxay ku soo qabteen eedaysane lala xiriirinayo, Kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, oo todobadkii kufsi iyo dil loogu gaystay Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen, oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa shaacisay in Laamaha Amniga Galmudug ay xalay Cadaado ku qabteen eedaysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24-sano jir ah, kaas oo lala xiriirinayo Kiiskii Xamdi. “Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib” ayay tiri Gen. Sakiya. Sidoo kale, waxay u mahadceliysay Laamaha Amniga Galmudug iyo Shacabkii gacanta ka gaystay soo qabashada eedaysanaha “Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa”ayay sii raacisay. PUNTLAND POST The post Booliiska Galmudug oo qabtay nin ku eedaysan Kiiskii marxuumad Xamdi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay wada-tashiyada ka socda Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray doorka ay ka qaadan karaan xal u helista arrimaha doorashooyinka 2020/2021. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo gooni-gooni ah, kuwaas oo u dhexeeyay madax goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. View the full article
-
Waxaa shalay hakad galay shirkii ka socday Villa Somalia ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan oo ay joogaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hisrshabelle Maxamed Waare, Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen iyo Jubbaland Axmed Madoobe oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa la sheegayaa inuu ku jiro nasiino, iyada oo la isku mari la’yahay dhowr qodob. Qodobbadaas Waxaa Ka Mid Ah: Guddiga Doorashada: Qodobada ugu muhiimsan ee doodda ka taagantahay waxaa ka mid ah cidda qabaneysa doorashada 2020/2021. Villa Somalia, oo garab ka heleysa beesha caalamka ayaa ku adkeysaney in ay doorashada maamulaan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka halka dowlad goboleedyada qaar ay soo jiidiyeen in la dhiso guddi gaar ah sida midkii 2016-kii. Tirada Ergada: Qodobada kale ee la isku heysto waxaa ka mid ah tirada ay noqonayaan ergada doorashada. Dowladda federaalka oo ka duuleysa Dhuusamareeb 3 waxaa ay dooneysaa 301 ergo halka dowlad goboleedyada qaar ay soo jeediyeen 100-150 ergo. Kaalinta Xisbiyada: Dowlad goboleedyada dhammaan waxaa ay qabaan in Soomaaliya aaney diyaar u aheyn doorasho lagu galo qaab xisbiyo ah, isla markaana qof walba uu iskiisa u tartamo. Maamulka Lacagta: Dowlad goboleedyada qaar ayaa dood ka keenay cidda maamuleysa, iyaga oo doonaya in lacagtaas doorashada ay iyagu maamulaan. Deegaan Doorashada: Waxaa kale oo jira inuu muran galay deegaan doorashooyinka, oo dowlad goboleedyada ay dood ka keeneen 4-ta deegaan doorasho oo ay dowladda federaalka ah rabto, iyaga oo doonaya in caasimadaha lagu koobo. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u sheegay madaxda dowlad goboleedka in haddii sida ay rabaan loo yeelo ay ka dhigan tahay in lagu noqday 2016-kii, taasi oo la mid ah in dhammaantood ay fashilmeen, si taasi looga badbaado ay tahay in wax ka tagaan, waxna qaataan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay sheegay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax. Qoraalkan oo ay Zakiyo soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Eedeysanaha la qabtay ayey magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan, kaas oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho. “Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed. Sidoo kale waxay sii raacisay “Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.” Waa eedeysanihii 12-aad ee loo xiro dilkii iyo kufsigii loo geystay marxuumad Xamdi oo Jimcihii lagu dhaafay laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari ee G/Banaadir. View the full article
