Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, kuwaasi oo si sharci darro ah u dhoofinayey qaad. Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa ku warameysa in labadaasi nin ay u qabteen saraakiisha garoonkaasi, kadib markii ay shandadahooda ka dhex heleen 25-Kg oo iskugu jira qaad cusub iyo midka nooca loo yaqaano Miirooga. Labadan nin oo magacdooda lagu kala sheegay Barre Aadam iyo Cismaan Maxamed ayaa waxay saraakiisha amnigu ku xireen xili ay ka dhoofi rabeen garoonka Jomo Kenyatta. Barre Aadam ayaa waxa lagu qabtay 20-kg oo ah qaadka nooca loo yaqaano miiroga, kaasi oo uu ku dhex qariyay labo shandadood oo uu watay, sida ay baahisay laanta dambi baarista Kenya. Sidoo kale Cismaan Maxamed ayaa isagana waxay laamaha amnigu ku qabteen 5-kg oo ah qaad markaas un lasoo gooyay, kaasi oo uu si sharci darro ah u qarinayey. “Labo ajnabi ah oo isu diyaarinayay inay dalka ka dhoofaan; Barre Adam & Osman Mohamed waxaa ku xiray JKIA saraakiisha sharci fulinta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasinka laanta dambi baarista. Waxa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Barre ayaa loo qabtay inuu ku dhex qariyey labadiisa shandadood 20 Kgs oo ah Qaad khafiif ah (Miraa) halka Cismaan uu qariyey 5 Kg oo Qaad cuseyb ah”. The post Laba nin oo Soomaali ah oo kiis halis ah loogu xiray garoonka Jomo Kenyatta first appeared on Caasimada Online.
  2. Heesuhu waa qeyb muhiim ka ah dhaqamada dunida oo isku xira fanka iyo siyaasadda marka la doonayo xaalad ka fiican xaaladda lagu jiro. Inta badan waxaa loo isticmaalaa dareen lagu cabbirayo in laga soo horjeesto Siyaasiyiinta-Saldhigtay “Anti-establishment” oo aan laheyn karti ay isbedel ku keenaan, haddana aanan dooneyn in ay shacabka ka hor wareegaan ama waxaa loo isticmaalaa kicin/damin dagaal ama kacaan! Heesaha caalamka caanka ka noqday ee farriimaha siyaasadeed xambaarsanaa waxaa ka mid ahaa “The Beatles” ee Liverpool-UK ama heesta caanka ah ee “We Shall Overcome” ee Ameerika oo lagu cabirayay xaalado-bulsho ee daran, sida shaqo la’aan, xuquuq la’aan, cunsurinimo iyo caafimaad iyo waxbarasho xumo, meesha ay siyaasiyiintu ku raaxeysan jireen iyaga iyo eheladooda caashuurta ay shacabka ka gurtaan. Sidaas oo ay tahay khubarada falanqeeya arrinkan waxay is-weydiiyaan ilaa xadkee ayay dadweynuhu fahmaan farriinta siyaasadeed ee lagu gudbinayo heesaha dhexdooda. Tusaale ahaan waxaad moodaa in Wasiir Goodax Barre uu heesta fanaanka dhalinyarada ah Sharma Boy, u fahmay in ay daba-socoto buuqii imtixaanada, isagoo fanaanka ugu yeeray xafiiskiisa, iskuna dayay inuu fanaanku heesihiisa la aado taageerida shaqada Wasaaradda Waxbarashada ee Wasiirku hayo, sida Wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka 13/09/20. Laakin haddaan si qotto-dheer u eegno farriintu way ka-mug weyn tahay shahaado. Heestu waxay gudbineysaa 3 farriimood iyo mushkiladda asaasiga ah ee dal ku dhismi karo oo la waayay: Waddanku Shaqo Maleh, haduu leeyahay shahaado macne maleh, ileyn nin walba ninkii nooleeestaa! Intaasi tilmaameysaa gadood dhanka cadaalad-bulshadeed “Cadaalal-Ijtimaaciya – Social Justice”. Sedexda fariimood ee heestu u sababeynayso in wadanka kajiraan mushkiladahaas kore waa 1) cadaalad la’aanta qabyaaladdu keentay. 2) Waxqabad la’aanta siyaasiyiinta, midnimo la’aan iyo faragelinta shisheeye iyo 3) Musuqa-siyaasadeed ee cod kala iibsashada. Cidda Masuulka ka ah Waxay heestu si dadbadan u tilmaameysaa in dhammaan siyaasiyiinta dalka soo maray iyo kuwa jooga ay lugooyo ku yihiin Qarankaan inuu dhismo, u fiirso erayadaan: 2005 midkii loo shiday Kii shalay galab kuwii ugu shubay Been sheegsheeg shantii sano u ulaqay Golaha Shacabka shirkeey nagu matalaan Codkii bulshada kuwa shabaqa u dhigtay Mooshin isu imaada shir, hooya shilimaad Haddana waaba shir Shantaan reer hebel, shanta kale reer hebel, shanta xigta reer hebel Waaba shan-shan. Dib u jelleec: Yuu dalku u-shidnaa 2005? Kadib yeey siyaasiyiintu ugu shubeen? Yaa weeye qofka shan sano doonaya? Yaa diiday hal-cod-hal-qof oo codka shacabka shabaq u dhigtay? Heestu Wasir Goodax keliya ma khuseyso ee waxay dhulka la goynaysaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo 2005 oo uusan midna ka marneyn, waxayna kula talineysaa in ay siyaasadda isaga baxaan maadama aysan dadkan iyo dalkan waxba u hayn, waxayna shacabka ku baraarujineysaa in loo baahan yahay cadaalad-bulshadeed iyo dadku in ay u istaagaan xuquuqdooda, iyadoo isweydiineysa in cadaalad imaan doonto, rajjana ka qaba dalku in uu barwaaqo noqon doono. Sidaa awgeed fanaan Sharma Boy uma haboona inuu qaabilo siyaasiyiinta, kana weeciyaan ujeedadiisa baraarug-shacab, una weeciyaan waxyaalo u adeegaya maslaxadooda siyaasadeed. Shacab weynuhuna si wacan ha usii dhuuxaan macnaha heesta, maadama ay mug ballaaran tahay, rajjo weyna ka qabaan dalkooda in ay dhistaan, kana shaqeystaan. Sharma-Boy iyo saxiibkii Saalim Keyskey: Waa sax, waana saxiix, waana suuragal in Soomaaliya nabadii hore iyo mid ka fiican soo noqon doonto, haddii shacabkeedu baraarugaan, culeyska haystana iska dajiyaan. Luqmaan-Xakiim Xuseen – Waxaad kala xiriiri kartaa luqmaanxakiimxuseen@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Goodax iyo siyaasiyiintu: Ma fahmeen fariintii Sharma Boy - Siyaasadda isaga baxa? first appeared on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne Trump, ayaa meesha ka saaray walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada, xilli uu booqday goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California. Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa baabi’iyay dhul badan kaas oo ay ku naf-waayeen ugu yeraan 36 ruux tan iyo horaanta bishii August ee sanadkan. Dadka naqdiya siyaasadda Trump, ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah. Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka, iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi. Waaxda Qaran ee cimilada, ayaa digniin adag ka soo saartay dabka in uu saameyn karo gobolo kale ee Mareykanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo booqday goobaha uu dabka ka kacay ee Gobolka California appeared first on Puntland Post.
  4. Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin ayaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Hargaysa kadib markii uu Geeriyooday Aabihii Marxuum Suldaan Cismaan oo ahaa Suldaanka Guud ee beelaha Ciise Muuse oo isla maantana lagu aasay magaalada hargaysa. Caleemo saarka suldaan Cali Suldaan Cismaan Cali kooshin ayaa waxaa goob joog ka ahaa salaadiyiinta beesha subeer awal iyo madaxdhaqameedka kale oo reer somaliland ah kuwaasi oo suldaanka cusub ugu duceeyay in ilaahay ku asturo xilkaa culus ee Tunka loo saaray Sidoo kale waxaa caleemo saarka suldaan cali ka hadlay xildhibaano iyo waxgaradka ka soo jeeda Beelaha Caleemosaarka Beelaha Ciise muuse ee goobta Caleemosaarka ku sugnaa Qaran News
  5. Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa soo saartay digniin adag oo ku socoto Baxreyn iyo Iimaaraadka, kadib markii ay ku dhawaaqeen xiriir toos ah oo ay la yeelanayaan yuhuuda Israa’iil. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirka Baxreyn ay la yeelaneyso Israa’iil, taasi oo lagu tilmaamay sharaf dhac weyn oo diiwaanka u galeysa hogaanka Baxreyn. Iiraan ayaa ku hanjabtay in Imaaraadka iyo Baxreyn ay qaadi doonaan mas’uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata xiriirkaasi iyo weliba saameynta amni ee ka dhalan karta, gaar ahaan mida Khaliijka. Sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ka dhawaajiyey inay gobolka ka socdaan shirqoolo ay iska kaashanayaa maleegistooda Mareykanka iyo Isra’iil, midaasi oo ayna marnaba aqbali doonin xukuumadoodu. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay u taagan tahay ka miro-dhalinta xasiloonida gobolka iyo weliba xaqiijinta amnigiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ruuxaani ayaa hoosta ka xariiqay in cadaadiska Mareykanka ee ku aadan xiriirka Isra’iil uu gobolka u horseedi doono daan-daansi badheedh ah iyo xasilooni darro ay yuhuudu ku abuurto amaanka guud. Hadalkan kulul ayaa imanaya xili ay soo baxeyso in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu safar ugu ambabaxayo Washington si uu uga qeyb galo xaflada saxiixa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn. Netanyahu ayaa hore ugu faanay xiriirada Baxreyn iyo Imaaraadka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay ‘in bil gudaheed Israa’iil ay heshay labo heshiis oo taariikhi ah oo ay la galeen labo dal oo Carab ah’, taasi oo qeyb ka noqoneysa nabada gobolka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xiriirka Imaaradka iyo Baxreyn ay la yeeshen Isra’iil ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo ururo siyaasadeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ahba qaarkood ay sheegen inay gebi ahaanba diidan-yihiin heshiiska lala galay Israa’iil. The post Iran oo digniin culus u dirtay Baxreyn iyo Imaaraadka, kadib xiriirka Israel first appeared on Caasimada Online.
  6. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Markabka sahanka ah ee Oruc Reis dib ugu celisay biyaha u dhow gobolka koonfureed ee Antalya, xili ay taagan tahay xiisadda kala dhaxeysa Giriiga. Tallaabadan ayaa waxay hoos u dhigeysa xiisadda xoogan ee muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeysay labada dhinac ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda. Xiisada labada dhinac ayaaa cirka isku sii shareertay bishii hore ka dib markii Turkigu uu markabka Oruc Reis u diray inuu soo calaamadeeyo heerka ay leegtahay rajada laga qabo qodista saliidda iyo gaaska ee biyaha ay kala sheegtaan Giriiga iyo Turkigu. Turkiga iyo Giriiga oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo xuquuqda lahaanshaha kheyraadka tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian. Dowladda Turkiga ayaa iyadu u muuqata mid rabta in la dejiyo xiisada ka dhalatay kheyraadka baddaasi, taasi oo mar qarka u saarneyd inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Giriiga iyo Turkiga. Mevlut Cavusoglu, Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa hore u sheegay in markabka dib loo celiyay maanta uu sii wadi doono howlaha sahminta muddo dheer, laakiin aan la kordhin doonin muddada la-talinta ay ciidamadu badda soo saareen, taasi oo ku mudeysneyd 12-ka September. Turkiga ayaa sidoo kale hore u sheegay inuu ogolyahay in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, si jawi degan loogu dhameeyo xiisada kala dhaxeysa Giriiga. Waxayna Ankara dhowr jeer ka digtay in wada-hadalka ay ku baaqeyso aan shuruud looga dhigin in la joojiyo howlaha sahminta ee uu wado markabka Oruc Reis, ee maanta dib ugu laabtay biyaha u dhow gobolka koonfureed ee Antalya. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Turkey iyo Greece iyo Ankara oo tallaabo qaaday first appeared on Caasimada Online.
  7. Waxaa layaab leh in Faisal C. Waraabe uu mar walba ku celceliyo Fawzia waxay igala tashatay samaynta Jaamacadda Hargeisa oo uu waliba yidhaahdo, bud-dhigaan ahaa. Waxba kama jiraan markii u horaysay uu yimid wuxuu kasoo qayb galay qalin-jabintii koobaad. Kaydkii waa yaallaa. — Fawzia Yusuf H. Adam (@FawziaYusufAdam) September 14, 2020 Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc)oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaankii shahaadiga ahaa ee dusiyada sare ee sanad dugsiyeedkan uu muujinayo habacsanaan baahsan iyo maamul xumo ka jirta wasaaradda waxbarashada dalka. “10,000 oo arday in lagu fasaxo jihada mustaqbal madow waa arin taabanaysa waalid kasta oo Soomaaliyeed, waxaa ka sii daran celceliska baasidda imtixaanta oo ahaa 65% sida ay noo xaqiijiyeen hawlwadeeno Wasaaradda Waxbarashada iyo macalimiinta dugsiyada,” ayuu yiri Senetor Mashruuc. Waxa uu soo jeediyey in baaritaan gaar ah lagu sameeyo arrintan, isla markaan ardayda imtixaanka loogu celiyo ama waxa laga baddelo hannaanka qiimeynta imtixaanka. Senatorka ayaa sidoo kale ka digay in ardayda lagu marin habaabiyo oo mustaqbalka looga cayaaro, iyadoo Manhaj dhawaan la diyaariyey loo marayo, kaas oo uu sheegay in loo daabacayo hab aan sharciga waafaqsaneyn. “Qorista manhaj qaran, waxaa ka horeeya in la ansixiyey sharciga waxbarashada dalka (Education Act).” “Qorista manhaj qaran waxa ka horeeya in la dhiso Golaha Qorista Manhajka heer Qaran” National Curriculum Council” kaasoo lagu hagayo siyaasad heer qaran, kana tarjumeysa bedqabka koboca maskaxda ubadka Soomaaliyeed iyo mastabalka horumarka Soomaaliya ee la jaan qaadi kara qarniga 21aad” ayuu yiri Senator Maxamuud Mashruuc oo ka qeyb galay barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable oo looga hadlayey horumarinta waxbarashada dalka. Hoos ka Daawo The post Senator Mashruuc oo su'aal ka keenay sharciyadda manhajka DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  9. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Bar___Qubanaha-1492020.mp3 View the full article
  10. Qormadan u dambaysa naqdiga, waxa aan ku soo qaadan doonnaa gabay ayb-sooca dhiirrigelinya, ciwaannada soo noqnoqda, hees-hawleedda, astaamaynta iyo naxwaha, waana tan: Buugga Afka Soomaaliga ee fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa ku jira gabay ka hadlaya qiimaha geela. Bogga 39aad ayuu ku qoran yahay. Waxa ku jira in qofka aan geela lahayn loo eryado dadka la hayb-sooco.Magacyo badan ayaa faquuqa loo adeegsadaa sida: midgaan, yixir, boon, sab, inan-gumeed, laangaab iwm. Ereyga “Boon” oo ku jira tixdu waa erey ah lahjadda Koonfur laga adeegsado oo u dhigma midgaan. Haddii la yidhaahdo “Kaasi boon waaye” ama “Hebel habartiis boon waaye” waxa loola jeedaa “Waa midgaan” “hooyadii waa midgaan” Meeriska 13aad oo taas sheegayaa; waa kan: “Bahdaan dhaqannin sida boonta waa, layska buriyaaye” Dulucdiisa haddii aan fasiro waxa ay noqonaysaa qofka aan xoolaha lahayn waxa la isaga eryaa/buriyaa sida midgaanka oo kale. Wuxuu noqonayaa in qofka aan geelaha lahayn uu u qiime-beelayo sida ummadda la takooray. Waa erey faquuq muujinaya iyo inmidgaanku yahay wax la eryado, qofka caydha ahina la mid yahay midgaanka. Ardayda xitaa fasir lagama siinnin ereyga “boon” oo aan inta badan laga adeegsan deegaannada Somaliland. Bal marka ay bareyaashu dhigayaan tuducaas/beydkaas sidee ayay u maldihi karaan ama u dedi karaan? Ma micne kale oo ereyga boontu leeyahay ayaa jira? Bal cidda afka iiga aqoonta badani ha ii micnayso ujeeddada kale ee uu eryaagsi yeelan karo. Haddii manhajkiba sidan yahay, maxaa loola yaabaa in shaqo loo diido macallin ka soo jeeda beelaha Gabooye oo lagu takooray Boorama ama in Madaxweynaha Somaliland yidhaahdo “Barkhadkii yaraa ee midgaanka ahaa ayaa halkan iga soo caaya habeen walba, oo aan xidhi kari la’ ahay”. Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland waa inay dib ugu noqoto gabaygaas, oo ay eegto waxa loo faaf-reebi waayay, lala xisaabtamo qoreyaashii buugga, tifafireyaashii iyo ciddii dib-u-eegista ku samaysay buugaagta 2020ka intaba. Ciwaanno isku mid ah ayaa ku jira curisyada fasallada 3aad iyo 4aad sida saymo ama saymo-gal, miyaanay ahayn in wax kala duwan ardayda la baro? Casharrada Naxwaha gaar ahaan qaybaha hadalku waxa ay ku qoran yihiin inta badan fasallada oo isku mid ah… Haddii marka aan ahay fasalka 5aad ee dugsiga dhexe illaa fasalka 4aad ee dugsiga sare la i baro qeexidda magaca iyo qaybihiisa maxaa ii kordhay ee cusub. Waxa ay ahayd in lagu koobo laba fasal ama fasalkiiba lagu daro laba qaybood oo faahfsan sida 1. Magac………………………… Fasalka 1aad 2. Magac-u-yaal ………………………… Fasalka 1aad 3. Fal ………………………… Fasalka 2aad 4. Sifo ………………………… Fasalka 2aad 5. Xidhiidhiye ………………………… Fasalka 3aad 6. Meeleeye ………………………… Fasalka 3aad Halkaasna laga sii wado…………………. Halkii ay in magaca lagu bilaabo fasalka kowaad ayaa falka lagu bilaabay. Fasalka 4aad nakhtiin guud oo aan lagu dhammayn ayaa muqarrarka ku jira. Waxa sidoo kale fasallada ku soo noqnoqda warqad-qorista iyo astaamaynta, waana cilmi loo baahan yahay… Laakiin waa astaamayn aan lagu adeegsan buugga qudhiisa, markaas kama duwana nin sigaar cabbaya oo meel ku dhejiya “Ha ku cabbina” Hees-hawleedka Fasalka 4aad waxa muqarrarku dhigayaa in lagu daro hees-hawleedyo khuseeya abbaarahan Kalluunka Beeyada iyo fooxa Beeraha Dibida Hadhuudhka Qalabka qodaalka 26 bog oo buugga ka mid ah waxa lagu qoray hees-hawleed… 4 ka mid ah ayaa ku fadhiya tilmaantii muqarrarka, 22ka kale waxa ay soo celinayaan casharradii ku jiray fasalladii 1aad iyo 2aad. Taas micnaheedu waa in 80% ay ugu jiraan xiisaha, rabitaanka iyo dookha qorayaaga. Waxa nagu adag in aanu dhigno 26 bog oo 4 sharcigu oggol yahay. Ninkii fasalka kowaad qorayay ayuun baa kan afraadna copy and paste yidhi hees-hawlkeeda. Guud ahaanna hab-qoraalka, xogta iyo astaamaynta buugga ka muuqataa waa mid aad u tayo liidata. Aniga oo koobayay ayaan hal fasal ka sameeyay naqdi ah lix buug. Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News
  11. Waxaa aad looga wada dheregsanyahay guushii uu ka gaadhey Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD-DIID halgankii uu u galey inuu waddanka ingiriiska ka joojiyo qaadka isagoo olole uu muddo wadey ilaahay ku guuleeyey in ummaddaha Somalida, Afrikada kale iyo dadyowga kale ee qaadka ku cuni jirey UK maanta ku naalloonayaan farxad iyo caafimaad iyo dhaqaale kororba. Haddaba dhibaatadii qaadku waxay ka jirtaa waddamo kale oo Soomaalidu joogto taasoo la odhan karo waa markii uu Abuukar cawaale u gurman lahaa. Tusaale ahaan waddanka Australia dhib weyn ayuu ku hayaa qaadku dadka soomaaliyeed kaasoo ay ka mid tahay Family violence ( Dhibaatooyin qoyseed)sida i furriinkii oo batey, dhaqaalihii qoysaska la siinayey oo uu dhib weyn ku hayo iyo dhibtii uu soomaalida waddankii joogta ku hayey mid la mid ah oo halkaas ka jirta. Sidaas darteed Somalida ku dhaqan Australia waxay u baaqaeysaa oo gurmad ka dooneysaa inuu halgamahaa soomaaliyeed usoo gurmado. Haddii ingiriiska ay muddo ku qaadatey in la joojiyo halkan Already sharciga Australia wuu diiddanyahay 80% sidaas darted halgame Abuukar Cawaale Qaad-diid muddo kooban ayay insha-allaah ku qaadaneysaa inuu guul taariikhi ah ka gaaro. Xasan Ahmed H.Adam Qaran News
  12. Mogadishu (PP News Desk) — The Speaker of Federal Parliament Mohammed Mursal today chaired a session on the Sexual Offences Bill. The Sexual Offences Bill, submitted by the Federal Government of Somalia, caused controversy in July when the SRSG James Swan criticised the Parliamentary Speaker for “attempts to table a deeply-flawed new bill that allows child marriage and contravenes relevant international conventions.” Mursal read out article four of Sexual Offences Bill. “I was too shy to read articles in the Bill but today I have to share the draft with you” said Mursal. “Article 4 reads: “ Any person who intentionally inserts something in the female genitals or the anus either by using a part of the body or an object without consent commits crime “ Mursal said. Mursal: The Sexual Offences Bill contains offensive articles. The Parliamentary Speaker found fault with the phrasing of the article. “Consent is the only requirement” to do what the law otherwise views as rape. “Somalia is war-torn country where patriarchy still reigns. The drafters of the Bill should have let the parliamentarians debate the phrasing of what constitutes a sexual offence because the definition in the Sexual Offences Bill runs counter to the definition of rape in the Somali penal code” Mas’ud Yusuf, a legal analyst in Mogadishu, told Puntland Post. Consent is the justification rapists will use because many rape case are settled out of court before or after the case is submitted to a court for prosecution. “The drafters included a caveat in the Bill: ‘it should not be passed by the Parliament if the Bill contravenes Islam’. When the Federal Government submitted the Bill to the Parliament, the Parliamentary Permanent Committee members met to study the Bill. They decided to refine it through wider consultation with the lawyers and Islamic jurisprudence experts” said Mursal. © Puntland Post, 2020 The post Phrasing in Sexual Offences Bill Sparks Controversy appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka oo haatan uu shir uga socdo Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka qayb-galka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.” Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay rajeyneyso in saamileyda kale ee siyaasadda Soomaaliya ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, “si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.” “Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.” “Qoraalkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyntii lagu yiri, “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.” War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo dalbatay in xubno kale lagu soo daro shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  14. Dalalka iyo Ururada ku midaysan Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka, ayaa lagu boorriyay Madaxda ku shirsan Muqdisho, in ay si buuxda uga qayb-qaataan Wada-hadalka, si heshiis ballaaran looa gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo. “Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo”. Sidoo kale, waxaa Madaxda loogu baaqay in ay Saamileyda kale ee Siyaasadda Dalka ka qayb-geliyaan wada-tashiga Arrimaha Doorashada, si loo ballaariyo Taageerada Beesha Caalamku u hayso Heshiiska ay gaaraan iyo Hirgelintiisa. Qoraalka waxa si wadajir ah u soo saaray Dalalka Belgium-ka, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo bogaadisay Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Ethiopians have a three-month window within which they will be able to exchange old currency notes for new ones from the banks after the government demonetized its currency. Source: Hiiraan Online
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho. Qoraalka ayaa waxaa looga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qeyb qaataan wadahadallada, si xal mideysan loo gaaro. Halkan hoose ka aqriso:- Saaxiibada Caalamka waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF). Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho. Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba. Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa siwadajir ah u soo saaray dalalka kala ah: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si caro leh kulanka golaha uga hor akhriyey qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ku jira sharciga Jinsiga. Sharcigan waxaa hor-geysay golaha wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, balse waxaa ku gacan seyray guddoomiye Maxamed Mursal oo ku canaantay in aysan mar dambe hor-keenin golaha sharcigaas inta ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo uu goobta ka akhriyey. Guddoomiye Mursal oo aad u careysan, isla markaana ka yax-yaxaya ayaa akhriyey qodobka afaraad ee sharcigaas, oo baneynaya (sinada) iyo waxyaabo kale oo ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka, oo ay ka mid tahay inay isu tegi karaan qaniisiinta. Waxa uu sheegay in marar badan ay ka xishoodeen in wax ay soo gudbisay wasiir Deeqa ay ka hor akhriyaan golaha, balse maanta ay ka fursan waayeen, maadaama lagu soo cel-celiyey golaha, iyadoo laga doonayo ansixin. Sharcigan waxaa horay u meel mariyey golaha wasiirrada ee xukuumadii Kheyre, balse waxaa la marsiin waayey golaha shacabka oo marar badan lagu cel-celiyey sida uu sheegay guddoomiye Mursal. “Sharcigan xukuumadii hadda dhacday markii ay ansixisay culumada Soomaaliyeed oo dhan ayaa ka hadashay, culumada qaarkood dadka sharcigan soo ansixiyey waxay ku sifeeyeen dad aan islaam aheyn, sidaas darteed waxaa loo xil saaray guddi uu madax ka yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka culumo Soomaaliyeedna ay ka mid ahaayeen, waa laga soo shaqeeyey sharcigii, waxaa loo yeeray wasiir Deeqa, iyaduna waxay ku adkeysatay in sharcigii ay soo qortay oo kaliya xukuumadda laga ansixinayo, sidaas ayuuna xukuumadda uga soo gudbay,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Intaas kadib waxa uu sheegay guddoomiyuhu inay isugu yeereen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, isla markaana uu guddigu isku raacay in ma’suulyada sharcigan uu qaato guddoonka galaha shacabka. Waxa uu sheegay inay diyaariyeen culumo iyo quburo diyaarisa sharcigaas, markii ay soo diyaariyeen ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Kheyre. “Culumada iyo sharci yaqaanada golaha shacabka ayaa wada fariistay, sharcigii waa la saxay dukumiinti ayey soo diyaariyeen, intaas kadib ra’iisul wasaaraha waxaan ku niri sharcigii waakan wixii khatarta ahaa waa laga saaray, ee wasiirada faraha halaga saaro, ee mar labaad xukuumadda haka soo ansixiso, hadana ra’iisul wasaaraha waxuu nagu yiri awood uma lahan wasiiradu inay wax ku soo darto ee adinku saa yeeleysan yeela,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Halkan hoose ka Daawo guddoomiye Mursal oo sharaxaya sharcigaas The post Daawo: Mursal oo aqriyey 'qodob laga yax-yaxo oo ka dhan ah diinta islaamka' oo la horkeenay first appeared on Caasimada Online.
  18. The Somali National Army and local forces killed five al-Shabab militants, including a senior leader, on Monday, a local official confirmed. The operation against the militants in Bardale, a town in the southern region of Bay, followed a tip-off from the public, said Mohamed Isak Ali, governor of Bardale town. “There was a stiff confrontation between the army and the militants, but we overpowered them, killing five of them, including Ibrahim Moalim Abdi, a senior leader who was in charge of operations in Qansah dherer, Bardale and Awdinle towns,” Ali said. He said the army will intensify operations against other senior al-Shabab leaders hiding in the town. The southern regions of Somalia have seen clashes between government forces and al-Shabab extremists since the militants were chased out of the capital, Mogadishu, in August 2011 by the Somali army and African Union forces. View the full article
  19. MOGADISHU (Xinhua) -- The Somali National Army and local forces killed five al-Shabab militants, including a senior leader, on Monday, a local official confirmed. Source: Hiiraan Online
  20. After a tight special election win in August, newest council member Jamal Osman is ready to serve Ward 6. Source: Hiiraan Online
  21. The president has long denigrated refugees and spread Islamophobia, including by attacking Rep. Ilhan Omar. Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Hargeysa)-Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, ayaa VOA u sheegay in burco, Boorama iyo Berbera ay ku xidheen saraakiil Dawladeed oo ku eedayaan arrimo Musuq-maasuq. Sidoo kale waxa uu sheegay in la xidhay dad shacab ah oo lagu qabtay in ay sameeyeen ducument Been abuur ah. Khadar Cakulle, wariyaha VOA ee Hargeysa ayaa waydiiyay Hanti-dhawraha sababta inta badan looga leexdo mas’uuliyiinta sare sare ee musuqa lagu tuhmo. Hanti-dhawraha ayaa sheegay intii uu xilka hayay uu soo eedeeyay Wasiirro iyo Agaasimayaal guud kuwaas oo xilka laga qaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horey u hayey xilkaas Mudane Cabdirisaaq Xuseen Aadan. Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray. “Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.” Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo. Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan u dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa hadda ka socda xarunta xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh. Kulankan waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, kuwaas oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. “Kulanka ayey mas’uuliyiintan uga arinsanayaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, ayagoo diiradda ku saaraya xal u helida arimaha doorashooyinka ee 2020-2021” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee xisbiga UPD. Muqdisho hadda waxaa ka socda shir u dhaxeeya dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweyne Farmaajo, kaas oo looga arrinsanayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho aan waqtigeeda dhaafin laguna wada qanacsanyahay. Shirka madaxda uga socda Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, waxaana la sheegay in qodobadii maanta miiska saarnaa ay u badnaayeen kuwii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3 oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. The post Sawirro: Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Xasan Sheekh iyo guddoomiye Cabdi Xaashi first appeared on Caasimada Online.