Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sacuudiga oo u leexday Dhanka Ruushka caawimaadna weydiistay Markii uu wajahay guul-darro soo foodsaartay+Magaalo uu doonayo in loo difaaco Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Russia inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib. Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari boo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababtoo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen looga adkaaday. Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November. Trump ayaa sidoo kale horey ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn Qaran News
  2. Minneapolis (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Donald Trump oo ay ugu yeertay “cunsuri” kadib markii uu habeen hore weerar ku qaaday. “Madaxweynaha wuxuu si cad u jecel yahay inuu ka faa’iideysto cabsida dadka. Wuxuu faafinayaa cudur naceyb ah meel kasta oo uu tago, waxaana isu soo baxyada uu qabanayo dhiiri-geliya cabsi,” ayey tiri Ilhaan oo la hadashay CNN. “Waa cunsuri, sababtoo ah kama soo horjeedo soo-galootiga ee wuxuu kasoo horjeeda dadka aniga ii eg,” ayey tiri Ilhaan Cumar. “Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayuu Trump yiri habeenkii Talaadada isaga oo weeraraya Ilhaan. Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada Trump ay noqdeen kuwa qaabeynaya muuqaalka dadka Mareykanka, taasina ay tahay ceeb weyn. Waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee dhaceysa November ay noqon doonto mid dadka fursad u siisa inay jawaabaan. “Tani ma ahan wax aan nahay, tani ma ahan mabaadi’ida dadkii aas-aasay dalkan, tanina ma ahan sida aan dooneyno inuu dalkeena noqdo,” ayey tiri. Ilhaan Cumar oo sidoo kale isla habeenkii Talaadada ka jawaabtay weerarka cusub ee uga yimid Trump, ayaa tiri “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka. “Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.” The post Ilhaan Cumar oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Trump first appeared on Caasimada Online.
  3. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Russia inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib. Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari boo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababtoo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen looga adkaaday. Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November. Trump ayaa sidoo kale horey ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn. The post Sacuudiga oo cawimaad weydiistay Ruushka xilli uu wajahayo guul-darro weyn first appeared on Caasimada Online.
  4. Dawlada Sacuudiga oo ku dhawaaqday go’aan ka farxiyey Muslimiinta caalamka Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masjidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020. Bayaan kasoo baxay Wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay go’aankaas la qaatay ka dib markii la tixgeliyey baahida muslimiintu u qabaan goobaha barakeysan ee islaamka. “Iyadoo la raacayo talada dhaqaatiirta, lana tixgelinayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan Masjidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in Muslimiinta loo ogolaado inay gutaan Cimrada sanadkan” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay sacuudiga. Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta iyo dadka deggan Sacuudiga inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya. Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda cudurka Corona ee caalamka ku baaheysa iyadoo laga fekerayo bad-qabka Muslimiinta. Qaran News
  5. Wargeyskii ugu horeeyay ee loogu talogalay dadka aragga la’ oo laga soo saaray Afrika Haweeney Itoobiyaan ah ayaa soo saartay isla markaana suuq geysay wargeyskii ugu horreeyay ee loogu talogalay dadka aragga naafada ah ee dalkaasi laga soo saaro. Qoraalka Braille-ka ayaa oggolaanayaa dadka aragga naafada ka ah inay wax akhristaan iyagoo kaashanaya taabashada farahooda. Gabadha soo saartay wargeyskan oo la yiraahdo Fiyori Tewolde ayaa la shaqeyneysay wargeyska dowladdu ay leedahay ee Addis Zemen, waxay kaddib go`aansatay inay u adeegto akhristayaasha aragga naafada ka ah. “Afar milyan oo Itoobiyaan ah oo aragga naafo ka ah, waxaana ogaaday inaysan heli karin warbixinnada, waxaa dhaafa waxyaabaha sida shaqooyinka lagu soo daabaco Wargeysyada,” ayay tidhi Ms Fiyori. Wargeyskan oo lagu magacaabo (Fetil) oo luuqada amxaariga la micno ah (Dun) ayaa wuxuu soo bixi doonaa maalin walba oo Arbaco ah wuxuuna ka hadli doonaa arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Dowladda dhexe ayaa gaaray heshiis ka kooban 15 qodob oo u baahan in la horgeeyo golayaasha labada aqal ee Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, sidaas darteed waxaa la ogaaday wakhtiga laga yaabo in la horgeeyo labada gole. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka dhawaajiyay in maalinta sabtida ee soo aadan labada gole la horgeyn doono heshiiska ay la galeen dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa maalmahii lasoo dhaafay waday dadaallo ay xildhibaanada deegaankooda kasoo jeeda ee labada aqal ka tirsan uga dhaadhicin lahaayeen ansixinta heshiiska la wada gaaray. Si kastaba waxaa la sugi doonaa sida ay labada gole ee baarlamaanka ka yeelaan ansixinta heshiiska lagu gaaray Muqdisho. Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta sheegay iney durbaanno garaaci doonaan hadii madaxweynaha uu maanta soo hadal qaado arrin ku saabsan doorashada iyadoo maanta uu madaxweynaha horyimid golaha shacabka isagoo kalsooni u raadinaya ra’isul wasaarahiisa cusub. Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaaraha cusub oo hadda looga fadhiyo inuu xukuumad marxaladda kala guurka dalka ka saarto soo dhiso, balse hadalka xildhibaanka kasoo yeeray wuxuu abuuray hadal heyn badan oo ku saabsan sida loo ansixin doono heshiiska. The post Goorma ayaa baarlamaanka la horgeynayaa heshiiska laga gaaray doorashada? first appeared on Caasimada Online.
  7. Ku-simaha Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander. Kulankaan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda. Wasiirka iyo Safiirka ayaa la sheegay in ay si gaar ah isaga wareysteen dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka. Mudane Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi. Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka. PUNTLAND POST The post Sweden oo Soomaaliya ka caawinaysa ku biirista Ururka Ganacsiga Aduunka appeared first on Puntland Post.
  8. Boqorka waddanka Sacuudiga Salmaan bin Cabdicasiis oo khudbad ka jeediyay Kulank 75-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan Barnaamijka wada-hadalsiinta Israa’iil iyo Falastiin oo Maraykanku hoggaaminayo. Boqor Salmaan ayaa sheegay in dowladda Sacuudigu ay si buuxda u garab-taagantahay Barnaamijka Nabadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee ay hormuudka u tahay dowladda Maraykanka kaas oo la doonayo in dib loogu bilaabo wada-hadalsiinta labada dhinac. Sidoo kale wuxu ku baaqay in mowqif midaysan laga qaato ururka Xisbullaahi iyo dowladda Iraan oo sida uu sheegay ah Cadowga ay wadaagaan dhinacyada Israa’iil iyo Falastiin. Boqor Salmaan wuxuu sheegay in uu taageersanyahay Barnaamijka Nabadda Bariga dhexe oo sida uu xusay Maraykanku hormuud u yahay balse wuxu ka digay in dalalka qaarkood xagal-daacinayan Barnaamijkaas. PUNTLAND POST The post Boqorka Sacuudiga oo taageeray Qorshaha Maraykanka ee Bariga dhexe appeared first on Puntland Post.
  9. Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso) u magacaabay isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika. Waxay shaqadiisu tahay sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa in ay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda. Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xiro bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka. “(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”. Maxaa lagu xushay? Maxamed wuxuu muddo ku soo dhex jiray siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga wuxuuna ka mid noqday ergada xisbiga illaa heer gobol. “Runtii muddo toban sano ah ayaan xisbiga ku jiray, waxaan ka soo bilaabay doorashooyinka hoose, waxaan ka mid noqday ergooyinka degmada, illaa heer gobol ayaan ka noqday”. Wuxuu rumeysan yahay in khibraddiisa ku aadan siyaasadda ay u horseeday in jagadan loo magaacabo iyadoo ay joogaan dad badan oo kale oo ka soo jeedo Bariga Afrika. “Waxaan ka qeyb galay ergooyinkii qaranka oo lagu soo dooranayay madaxweynaha dimuqraadiga matali doono khibraddii aan lahaa darteed aniga oo lasoo shaqeeyay dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib” ayuu yiri Maxamed. Galaangalka bulshada Bariga Afrika Horeyuma dhicin in musharrax madaxweyne oo Mareykan ah uu qof ka soo jeedo Bariga Afrika u magacaabo si uu matalo ololahiisa doorashada, sida uu sheegayo Maxamed. “Tani waxay tusineysaa dadka ka soo jeedo Bariga Afrika oo Soomaalida ugu horreyso in iyagoo isku duuban ay xubin muhiim ah ka yihiin doorashooyinka”, ayuu u sheegay BBC News Somali. “Tan waxay muujineysaa in aan nahay dad awood leh isla markaana wax qabsan kara codkoodana meel lagu gaari karo, waana sababta aan ilaa madaxweynaha ugu socono oo ay dhahaan dadka kuwo lagama maarmi karo ma ahan, waa dad isku duuban”. Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in dad badan oo Soomaali ah oo horey aan u codeyn jirin in ay hadda ku rajo weyn yihiin in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed. The post Joe Biden oo nin Soomaali ah u magacaabay xil sare first appeared on Caasimada Online.
  10. The first general election law in Somalia was enacted on 31 March 1955 (Ordinannza no. 6 Marso, 1955). In the face of the difficulties involved in organizing a credible census of the nomadic population, the Administering Authority (AFIS) Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-23092020.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha maamulka Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyey madaxweynaha iyo wafdiga la socday ee gaaray magaalada. Labada mas’uul ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ku sugnaayeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal Madaxweynaha ayaana ka magaalada Muqdisho waxaa uu kaga qeyb galay shirkii Villa Somalia iyo dowlad goboleedyadu ka gaareen arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo ugu dambeyn xal waara laga gaaray hannaanka uu dalka doorasho ku aadayo 2020-202-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska oo war ka soo saaray ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hambalyo iyo dardaaran u diray Maxamed Xuseen Rooble. Ugu horeyn xafiiska Qaramada Midooobey ee Soomaaliya oo uu hoggaamiyo James Swan ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay guulo u rajeynayaan ra’iisul wasaare Rooble oo xilkaan loo igmaday xilligan oo xaaladda dalku ay mareyso meel xasaasi ah. “Qaramada Midoobey si diirran ayey u hambalyeyneysaan Maxamed Xuseen Rooble, markii la xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxay u rajeynayaan guul, madaama uu la wareegayo doorkan hoggaamineed ee muhiimka ah xilli xasaasi ah taariikhda dalka, wuxuuna u xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay, isku duubnida iyo iskaashiga” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, UNSOM. Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxa uu u rajeeyey inuu dalka gaarsiiyo guulo la taaban karo. “Ergada Midowga Yurub ee Soomaliya waxay hambalyo u diraysaa Maxamed Rooble oo loo ansixiyay in u noqdo Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaliya. Waxaan u rajaynaynaa guul wax ku ool ah u ka gaaro dhabaha degaanashaha, ka wada qeyb qaadasho iyo in Soomaliya gaarto baraaro” ayuu lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga. Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender ayaa isna yiri, “Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Maxamed Rooble oo loo xaqiijiyay inuu noqday ra’iisul wasaare, isagoo taageero ballaaran ka helaya mudaneyaasha baarlamaanka, u fiirso wada shaqeynta ugu dhow ee ahmiyadaha la wadaago, sida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga, wax ka qabashada Al-Shabaab iyo caawinta kuwa ugu nugul. Hambalyo.” Hambalyada xubnahan beesha caalamka ayaa imaaneysa xilli maanta golaha shacabka la hor geeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo 215 xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadirtay ay u wada codeeyeen. Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa halkaas ka balanqaaday sideed qodob oo ay ku jirto dhismaha xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiin karta guulaha lagu taamayo. The post Beesha caalamka oo farriin u dirtay ra'iisul wasaare Rooble first appeared on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wafdiga madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyey madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo mas’uuliyiin maamulkiisa ah iyo bulshada Baydhabo. Madaxweyne Deni ayaa booqashadiisa Baydhabo ku micneeyey, sidii Puntland ay wadashaqeyn dhow ula lahaan laheyd maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu intaas ku daray in uu marar badan imaan doono Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Alle ha u naxariistee 4 Qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu galabta ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala degmada Tog Wajaale. Weriyahayaga Gobolka Gebilay Ayaanle Xaaji oo khadka Telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo ku sugan Magaaladda Wajaale ayaa sheegay in afarta qof ee dhimatay uu ku jiro Mulkiilihii lahaa dhismaha Gurigaasi dumay, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhismahaasi la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gebilay oo haatan lagu dabiibayo Source
  16. War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaana ay hambalyo u dirayso Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. “Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub.” ayaa lagu yiri qoraalka QM. View the full article
  17. Qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu shaaciyey kiisas cusub oo cudurka COVID-19 ah, kadib baaritaano la sameeyay maalmihii la soo dhaafay. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 108 Ruux, 21-kii iyo 22 bishan, isla markaana xanuunka Covid19 laga helay 14 qof oo kamid ah dadkaasi Dadka xanuunka laga helay ayaa la sheegay inay dhamaantood joogaan Garoowe, waxaana 14-ka qof ee xanuunka laga helay ay da’doodu u dhexeysaa 20 sano jir ilaa 73 jir. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaannada Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa gaartay 499 qof waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 230 qof. View the full article
  18. Hoos ka daawo The post Daawo Video soo dhaweyntii Baydhabo ee Madaxweyne Deni appeared first on . Source
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-23092020.mp3 View the full article
  20. Washington (Caasimada Onlne) – Diblomaasiyiin Ameerikaan ah ayaa soo jeediyay in diirada la saaro sidii wada-hadal loogu dayi lahaa kooxda Al-Shabaab, oo muddo badan dagaal adag kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya. Wargeyska Washington Times, oo soo xiganaya diblomaasiyiintaasi ayaa baahiyay in arrinta kaliya ee xal u noqon karta in lasoo afjaro dagaalka Shabaab ay tahay in lala furo wada-hadal. Diblomaasiyiintan ayaa iyagu ku doodaya in awooda Shabaab aan lagu wiiqi karin oo keliya dagaal lala galo, xili uu sarre u qaaday duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya ee ku bartilmaameedsanayo . Waxayna si wada-jir ah u sheegen in ‘ficil militari’ oo kaliya uusan aheyn jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo dhaq-dhaqaaqa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Diblomaasiyiinta Ameerikaanka ah ayaa ku talinaya in diirada la saaro arrinta wada-hadalada, halkii dagaal aan dhamaad lahayn lagu jaangoy lahaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya. Arrintan ayaa dhowr jeer oo hore loo soo jeediyay dowladda federaalka, oo aan weli qorshe dhab ah ka keenin xal ka gaarista halisaha ay maleegayaan Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro is-miidamin ah iyo weeraro ka fulisa gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay waxyeelo kasoo gaarto boqolaal iyo kumanaan shacab ah. Inkasta oo sanadihii u dambeeyay uu hoos u dhacay weerarada Al-Shabaab, haddana waxa meesha ka bixin halistii amni ee hore ugu hayeen Soomaaliya iyo gobolka. The post Diblomaasiyiin Mareykan ah oo soo jeediyey arrin cusub oo lagu soo afjari karo dagaalka Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo. Deni iyo Laftagareen ayaa soo dhaweynta kadib sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ka dhaxeeyo xariir siyaaadeed oo soo jireen ah, haddana la rabo in kor loo qaado. PUNTLAND POST The post Deni oo ka degay Baydhabo appeared first on Puntland Post.