-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia (28th August 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, August 29, 2020/ — Daily Laboratory test: 18,766 Severe cases: 357 New recovered: 586 New deaths: 13 New cases: 1,733 Total Laboratory test: 850,236 Active cases: 29,965 Total recovered: 17,415 Total deaths: 758 Total cases: 48,140 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaboolshe oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Farmaajo uu meel uga dhacayo Mogadishu Clan, islamarkaana ay haatan beeshu ka maqan tahay miiska siyaasadda iyo talada dalka, maadaama uusan muddo bil ka badan magacaabin Ra’iisul wasaarihii bedali lahaa Mudane Xasan Cali Khayre. “Kursiga Raii’sul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Mogadishu Clan ayaa miiska siyaasadda iyo talada ka maqan.” ayuu yiri taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta uu Madaxweynuhu magacaabis u samey la’yahay ay tahay inuu raadinayo Ra’iisul wasaare gadaal leh Indho ku leh, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa uu madaxweyne Farmaajo raadinayaa Raisul Wasaare gadaal indho ku leh.” ayaau sikaftan leh markale u yiri Sanbaloolshe. Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan bil ka badan Madaxweynaha Soomaaliya ay ku qaadatay magacaabida Ra’iisul wasaaraha, waxaana dalka ka taagan caqabado badan oo isku xiran sida amniga iyo u diyaar garoowga arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. The post Sanbaloolshe: MW Farmaajo wuxuu raadinayaa Ra'iisul wasaare gadaal Indho ku leh first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay wado baaris iyo daba-gal lagu hayo mas’uuliyiin xilil ka haya dowladda federaalka oo musuq-maasuq lagu tumayo. Cabdinuur ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta qaar oo uusan carab baabin in lagu tuhmayo inay lunsadeen hantida shacabka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dabaqyada ka taagan Muqdisho qaarkood ay dhisteen shaqsiyaad shaqo hoose ka hayo dowladda, balse dabagal lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrintaas an daba-gal lagu sameyn karin, haddii aan la helin xeerka saxaafadda ee dooda laga keenay. “Dabaqyada Magaalada ka taagan qaarkood, waxaa maqcuul ah inuu dhistay qof shaqo hoose ka haaya dowladda ama ay wax ku leeyihiin Mas’uuliyiin hore, halka kuwo kalena lagu tuhmayo inay hantida shacbka ka dhisteen dhismooyinka dabaqyada, haddiin aan xeerka saxaafadda la helin dabagal laguma sameeyn karo” ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay laba goor oo kala duwan ay maxkamadda gobolka Banaadir xukunno adag ay ka ridday shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu helay inay sameeyeen musuq-maasuq. The post Villa Soomaaliya oo shaacisay in dabagal & baaris lagu hayo mas'uuliyiin dabaqyo dhistay first appeared on Caasimada Online.
-
Kooxda Geeska Afrika ayaa ku guulaystay horyaalka heerka ee kubbadda cagta Sooamaliya 2019-2020 waxaana guusha u qaaday tababarahooda Daadir Amiin Cali oo sidoo kale ah macallin ku xigeenka kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Daadir ayaa sanadkan sameeyay guulo waaweyn waxaan u suurta gashay in uu qaaday horyaalka heerka 1-aad iyo heerka 2aad ee kubbadda cagta,taas oo muujinaysaa bandhig iyo hibada uu sameeyay macallin Daadir. “Waan ku faraxsanahay guushan tariikhiga waxay ay inoo tahay maalmo xasuuso badan,waxaan u mahad-celiynaa maamulka,ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kooxda kaalinta wanaagsan ay ka qaateen hanashada horyaalka heerka labaad ee dalka ” ayuu Goobjoog Sporrts u sheegay tababaraha naadiga Geeska Afrika Daadir Amiin. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tartanka iyo loolanka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxayna sheegtay in tartanku macaamiisha u fiican yahay, balse aanay raali ka ahayn tartan furan, isla-markaana ay xakamayn doonto, oo ay ka soo saari doonto shuruuc lagu xakamayo. Xukuumaddu waxa kale oo ay sheegtay sheegtay inay waddo qorshihii Shirkaduhu ku wada hadli lahaayeen oo Lambarrada ku wada xidhiidhi lahaayeen. Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inay Xukuumad ahaan wadaan qorshihii ay Somaliland ku yeelan lahayd koodh u gaar ah, kuna horumarin lahayd Tiknooliyaddeeda, waxaanu ugu horeyn “Tartanka Shirkadaha Isgaadhsiintu macaamisha ayuu u fiican yahay, laakiin haddana tartanku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho shuruuc lagu xakameeyo, tartanka furana mar walba wuxuu u baahan yahay in la xakameeyo, imikana shuruucdoodii baanu ka shaqeeynaynaa, si uu tartankaasi u noqon lahaa tartan sax ah oo shuruucdii lagu maamulayey ayaanu hadda gacanta ku haynaa..” Mar uu ka hadlayey qorshe ay wadaan oo ku saabsan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo qaabkii ay ku wada hadli lahaayeen ayaa yidhi “Hadda Shirkadaha Isgaadhsiintu ma wada hadlaan, sidii loo hirgelin lahaa in la wada hadlaana waa daruuri, wada-hadalkiina wuu noo socdaa, waxaana jira Caqabado, kuwaasi oo aanu intii badnayd xalinay”. Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaradda ee dhinaca Internetka iyo Tiknooliyadda ayaa wuxuu yidhi “Hawsha koodhku hadda noomay dhamaystirmin, laakiin gacanta ayaanu ku haynaa oo waxaanu rabnaa inaynu yeelano Koodh inoo gaar ah, dal ahaan, inkasta oo Ictiraafka uu wax badan inagaga xidhan yahay oo dhinaca Tiknooliyad ah, haddana intii karaankeena ah waynu dedalaaynaa oo waxaynu rabnaa inaynu horumar ballaadhan ka gaadhno Tiknooliyadda oo aynu Caalamka tusno inaynu nahay dal wax badan qabsaday” Mar uu ka hadlayey Tiknooliyadda Tawin iyo xidhiidhka Somaliland ayuu yidhi “Taiwan waxay ka mid tyahay waddamada ugu horeeya Adduunka ee samaynta Tignoolajiyadda, Moobilada iyo Kombutarada jibka yar ee laga sameeyo Taiwan baa laga iibsada, oo tusaale ahaan Samsung Taiwan ayey jibka ka iibsataa kadibna intay isku rakibto ayey qalab ka samaysaa, markaas inaynu fikradooda ka faa’iidaysano aad baynu ugu baahan nahay, inaguna waxay inooga baahdaan diyaar ayaynu ula nahay,” Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyadooda, qaranimadooda iyo qadiyadooda ilaashadaan. Qaran News
-
Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa Jimcihii sheegay in ay xireen ku-simaha hogaamiyaha Ikhwaanul Muslimiin, Maxamud Ezzat, mar ay weerareen guri ku yaal Qaahira. Xarigga ayaa ah dhabar jabkii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ugu qadiimsan uguna abaabulan, kaasi oo lagu burburiyey olole xooggan oo ka dhan ah tan iyo markii xukunka laga tuuray toddobo sano kahor. Ezzat ayaa ahaa nin saameyn ku leh hogamiyahii hore Ikhwaanul Muslimiin Mohamed Badie, waxaana gudaha dhaqdhaqaaqa looga arka nin ad-adag. Waxa uu noqday ku-simaha hogaamiyaha ka dib markii Badie la xiray bishii Ogosto ee 2013-kii. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in Ezzat laga qabtay guri loo isticmaali jiray in uu ku dhuunto oo ku yaal degmada shanaad ee caasimadda Qaahira, waxaana lagu eedeeyay in uu ku biiray islamarkaana hoggaamiyay koox argagixiso ah uuna helay lacago sharci darro ah. Mas’uuliyiinta Masar waxay ku eedeeyeen ururka Ikhwaanul-muslimiin in ay kordhisay howlgallada muqaawamada, eedeymahan oo uu ururku si weyn u beeniyay. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed qarsoodi ah intii uu socday qabashadiisa, iyadoo sheegtay in Ezzat lagu tuhunsan yahay in uu kormeerayay dhowr dilal ama isku dayo dilal iyo sidoo kale qaraxyo tan iyo 2013-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa muddo kordhin u sameeyey xafiiska howlgalka Soomaaliya ee UNSON, oo waqtigiisu ku egaa sanadkaan. Golaha oo kulan yeeshay maalintii Jimcaha ayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2540, kaas oo waqtiga loogu kordhiyey safiiska Soomaaliya ee UNSOM. Qaraarka ayaa lagu go’aamiyey in xafiiska loo kordhiyo muddo halsano ah, maadaama waqtiga xafiiska uu ku ekaa 31 bisha August 2020-ka iyadoo la gaarsiiyey ilaa 31- bisha August 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur wuxuu kamid yahay Siyaasiyiinta u tartamaya Nadaxweynanimada Soomaaliya 2021, Wuxuu ka mid yahay Siyaasiyiinta ugu cadcad Doorashada, Waa Siyaasi ruug cadaa ah [...] The post Xasuuso, Beri iyo Garowe, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbayn doona Mac’hadka PDRC appeared first on . Source
-
Ra’isulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu iska casilayo jagadiisa sababo caafimaad xumo awgeed, isaga oo soo afjaray muddo xileedkiisa oo ah ra’iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi kuna dadaalay soo nooleeynta dhaqaalaha dalkaasi uuna riixay xoojinta awoodda ciidan ee Japan. Iscasilaaddiisa lama filaanka ah ayaa horseedaysa dagaalka xubnaha xisbigiisa Liberal Democratic Party (LDP) ay toddobaadyada soo socda u gali doonaan buuxinta jagada ra’isulwasaarenimo. Qofka ku guuleysta jagadaasi ayay u badan tahay in uu sii ambaqaadi doono siyaasadaha Abe ee loo yaqaan “Abenomics” ee keentay natiijooyin isku dhafan ee dib u soo nooleynta dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn dunida. Abe ayaa muddo sanado ah la dagaalamayay cudurka xiidmaha (ulcerative colitis), iyadoo laba booqasho oo uu toddobaad gudihiis ku tagay isbitaalka ay sababtay in su’aal laga keeno in uu xafiiska sii joogi karo ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo muddo xileedkiisa oo ku eg bisha Sebtember ee sanadka danbe. In kasta oo walaac qoto dheer laga qabo caafimaadkiisa, haddana warka iscasilaada Abe ayaa qalqal aad u weyn galiyay suuqyada maaliyadeed ee Tokyo. “Ma sii wadi karo in aan sii ahaado ra’iisulwasaare haddii aanan haysan kalsooni aan ku qaban karo howsha ay muwaadiniintu ii igmaday,” ayuu Abe oo 65 jir ah ka sheegay shirka jaraa’id ee uu kaga dhawaaqayay iscasilaaddiisa. Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado faaruq siyaasadeed, xilli ay Japan la tacaalayso cudurka safmarka ah ee coronavirus. Tani ayaa ah markii labaad ee Abe uu iska casilo jagada ra’isalwasaarenimo sababo caafimaad darteed, iyadoo markii hore ay ahayd muddo toban sano ka hor ah. Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Shigeru Ishiba iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fumio Kishida ayaa si dhakhso ah u muujiyay in ay daneynayaan qabashada jagadan sare, sida ay warbaahintu warisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saacadii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug qoysas u dhashay wadanka Suuriya oo muddo dagaallo ay ka holcayaan. Qoysaskaan oo ka kooban rag habeen iyo caruur ayaa Soomaliya kasoo galay dhanka xeebaha gobolka Bari ee Puntland, waxaana ay ka yimaadeen wadanka Yeman oo isagu xasilooni aysan ka jirin. Dadkaan Qaxootiga ah ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxaa soo dhoweeyey maamulka degmada iyo Culimaaudiinka, waxaana la dejiyey guryo ay ku nagaadaan. Qoysaska oo la wareystay ayaa sheegay in ay doonayaan dhul nabdoon, maamulka degmada Dhuusamareebna waxaa uu xusay dhankiisa haddii ay goostaan in ay joogaan in ay siin doonaan dhul ay deegaamaystaan. Wadanka Suuriya ayaa waxaa muddo ku dhow sanadood ah ka holcaayo dagaallo, wajiyo badan leh shacabka wadankaasi ayaana ukala qaxay jihooyinka Bariga dhexe Yurub iyo Afrika iyaga oo raadinaayo dhul nabdoon. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii Shalay dib u cusboonaysiiyay Wakhtiga Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM oo Sannad kasta mar la cusboonaysiiyo. Qaraar shalay ka soo baxay Golaha, oo Tirsigiisu yahay 2540, ayaa dib loogu cusboonaysiiyay Wakhtiga joogitaanka UNSOM oo ku ekaa 31-da Agoosto 2020, waxaana la cusboonaysiiyay mudda sannad ah oo ku eg 31-da Agoosto 2021. Hawlgalka UNSOM, wuxuu Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada, dhawrista Xuquuqda Insaanka, ka hortaga Tacaddiyada ku salaysan Jinsiga, Xoojinta Hay’adaha Garsoorka iyo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta. UNSOM, waxaa lagu as’aasay Qaraarka Tirsigiisu yahay 2102, kaas oo Golaha Ammaanka ka soo baxay 3-dii June 2013, si loo xooqjiyo Taageerada Qaramada Midoobay u fidiso dhismaha Dowladnimada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wakhtiga joogitaanka UNSOM ee Soomaaliya oo dib u cusboonayn lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa khasaar ay soo saareen waxay laga hadleen Xaalada Soomaaliya mid Ambi iyo Midsoyaasadeedba. Goalaha Amaanka waxay Soo dhaweeyeen Shirkii Dhowaan [...] The post Golaha Amaanka oo soo dhaweeyey Shirkii Garowe iyo Shirka Muqdisho ka dhici doona appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo khudbad ka jeedinayey munaasabaddii furitaanka kalafadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah kuwaas oo Galmudug u qabsoomay intii ay jirtay. Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu guuleystay in la nabadeeyo deegaannada Galmudug lana xakameeyo maleeshiyo beeleedkii ku dagaalami jiray Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu itaas ku daray in ay weli la sugayo goglo nabadeed oo ay isugu imaanayaan beelo dhowaan dagaalamay, waxaana uu yiri mar uu ka hadlaayey. “Dib u heshiisiin siyaasadeed oo horseeday Galmudug mid ah, taas oo dhinacyo badan ay ka qeyb galeen hoggaanno, mas’uuliyiin, siyaasiyiin samaamiley siyaasadeed oo dhinac weliba ay ka qeyb galeen keentay Galmudug oo mid ah iyo dad badan oo maqan oo reer Galmudug ah ay gacan ka geysteen oo ay ka qeyb galeen heshiisyadaas masiiriga ah ee bulshada dhexdeeda ka dhacay oo guulo waa weyn oo dib u heshiisiin laga gaaray, iyadoo gogluhu furan yihiin” “Waxaan ku guuleysanay inaan xareyno ciidamo beeleedyadii kala duwanaa ee ku sugnaa deegaannada qaar iayadoo inta dhimanna la xareyn doono oo gacanta lagu hayo in ay soo xaroodaan oo qeybo waa weyn oo muuhiim ah ay noo dhiman yiohiin. Waxaa mardhow qalin jabin doona ururada tabarka galay Horseed Shabeel iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug oo tababarka ku kala qaadanaya dugsiyada indho-qaris iyo Dhaankaroone” ayuu yiri. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan degaano ka mid ah Galmudug. ” Dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan garab istaagga ciidamada amniga si Argigisada uga xoreyno deegannada iyo dadka ay dhibka ku hayaan ee ay kor fadhiyaan muddada dheer, waxaana halkaan ka bogaadinayaa ciidamada ammaanka oo har iyo habeen u taagan sugidda amniga ilaalinta xasiloonida dadka iyo deegaanka Galmudug” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay 2 bishii Maarso ee sanadkan 2020 magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay iyaga iyo Xoogag daacad u ah maamulka Jubbaland. Dagaalka ayaa la soo afjaray kaddib markii “looga adkaaday” ciidamada Jubbaland, kuwaas oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga ee maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Janan. Tan iyo xilligaas magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxa gacanta ku hayey ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, ahna madaxda siyaasada ee gobolka Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ciidaamada wasiir Janan ay dib ugu soo laaban karaan magaalada, iyaga oon aan wax dagaal ah wadin, lana soo dhaweyn doono. Ciidamada wasiir Janaan ayaa tan iyo waqtigaasi ku dhuumaleysnayay xadka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dagaal looga saaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. View the full article
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ahna madax siyaasada ee gobolkaasi Mudane Cismaan Nuur Xaaji Macalimu oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay ciidamada u hoggaaminayo wasiir amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan inay isku soo dhibaan kuwa dowladda ee ku sugan Beledxaawo. Macalimu ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay dib ugu soo noqon karaan deegaanka, haddii aysan wax dhibaato ah wadin, islamarkaana ay dhigayaan hubka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhoweyn doonaan haddii ay ku soo biiraan ciidamada Xoogga ee dagaalka uga saaray magaaladaasi. ”Askari Qaran haddii aad tahay Xoogga dalka ahaaw, Boolis ahaa.” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji Macalimu Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan wax dan ugu jirin xaaladda ay ku sugan yihiin, ciidamada wasiir Janaan, wuxuuna ugu baaqay inay dhistaan mustaqbalkooda dambe. ”Fadlan yaanan la’idin maran habaabin mustaqbal ayaad leedihiin niman dhaliyaro ah oo Soomaali ah ayaad tihiin walaalaheena tihiin deegaankan aad idinku filan.’’ ayuu sii raaciyey. Ciidamada Xoogga dalka ayaa Beledxaawo la wareegay 2 bishii March ee sanadkan, kaidb dagaal ay la galeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaloya, tan iyo markaasi labada ciidan ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka waday duleedka degmadaasi The post Ciidamada wasiir Janan oo loogu baaqay inay isku dhiibaan DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Codbixinta maanta ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) waxay muujineysaa dadaalka xoogan ee joogtada ah ee Mareykanka iyo bulshada caalamka ee ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. UNSOM ayaa weli ah wadatashi muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubinta ka ah federaalka si ay u keenaan xasillooni siyaasadeed, amni, iyo xasillooni dhaqaale gobolka Geeska Afrika. Golaha Amniga ayaa jimcihii meel mariyey qaraar dib loogu cusbooneysiinayo waqtiga howlgalka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sanad kale, illaa Agoosto 31, 2021. Qaraarka 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya UNSOM inay ilaaliso oo ay xoojiso jiritaankeeda dhammaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee Soomaaliya, iyada oo la raacayo shuruudaha amniga ee UN-ka iyo sida xaaladda nabadgelyadu oggol tahay. UNSOM waxaa abuuray Golaha Amniga ee bishii Juun 2013 iyagoo taageeraya Dowladda Federaalka ah. Waxay la shaqaysaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, howlgalka nabad ilaalinta ee ay ansixiyeen Golaha Amniga. View the full article
-
War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga soo soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaasi. Waare ayaa amray guddigan oo ka kooban illaa 11 xubnood inuu guda-galo wajibaadka loo igmaday, ayna soo bandhigaan qorshahooda ku aadan soo xulista xildhibaanada. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Ciidanka Jubaland Wararka ka imaanaya Degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa ku warramaya in halkaasi uu saaka ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubaland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab ay Subaxnimadii hore ee Saaka weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin Degaanka Baar-sanguuni, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, oo mudda saacado ah halkaasi ka socday, iyadoo Jubaland iyo Al-shabaab aysan midkoodna weli ka hadlin khasaaraha Dagaalkaas. Sidoo kale, waxa adag in warar madax-bannaan laga helo Khasaaraha Dagaalka, maadaama ay adagtahay Isgaarsiinta Degaanka lagu dagaallamay. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo ka dhacay Baar-sanguuni appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Xalay magacaabay Guddiga Farsamada soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle. Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa Guddoomiye u ah Cismaan Maxamed Mukhtaar, halka Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo labaad ay kala yihiin; Siciid Hagar Camalow iyo Maxamed Macallin Xasan Kulmiye. Xoghayaha guud ee Guddiga Farsamada soo xulidda Xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle, ayaa isna loo magacaabay Cabdirisaaq Cumar Bood, halka Af-hayeen looga dhigay Siyaad Maxamed Isaaq. Xubnaha kale ee Guddiga, waxa kamid ah Cabdishakuur Ibraahim Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Mu’min, Cabdirisaaq Ibraahim Axmed, Axmed Maxamed Cabdullaahi, Cabdiqaadir Nuur Cujub iyo Raage Xasan Cusmaan. Hoos ka akhriso Magacaabidda PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga soo xulidda Baarlamanka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-SUBAX-2982020-ok.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay gudduiga farsamo ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, guddiga ayaana ka kooban 11 xubnood. Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in magacaabista uu kala tashtay madaxweyne ku -xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo amar ku bixiyey in si dhaqso ah ay u soo gudibiyaan qorshahooda. Halkaan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com