-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolkaasi ay dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geystay deegaanka Yeedow oo hoos yimaada degmada Ceelwaaq. Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in howl-gal ay ka sameeyeen gudaha deegaankaasi, islamarkaana ay ku beegsadeen dad shacab ah. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka ay dileen ciidamada Kenya iyo dhaawaca labada qof ee kale in ay horey u sii qaateen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin wax tuhun ah oo laga qabay dhalinyarada loo geystay dilka iyo dhaawaca, balse gar darro lagu soo weeraray. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Ceelwaaq oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada Kenya ayaa duqeymo uu khasaare ka soo gaaro dadka rayidka ah ka fuliyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada Kenya oo dil iyo dhaawac u geystay shacab first appeared on Caasimada Online.
-
Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Danjire Staffan Tillander oo ay ka wada-hadleen dedaalada socda ee dib loogu habeynayo Ganacsiga Soomaaliya. Kulankaan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Shariikh Sheekhuna Maye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa waxa ay dhinacyadu si gaara iska waraysteen dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga, gaar ahaan sidii dawladda Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd ku biiri-taanka Ururka Ganacsiga Adduunka. Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa safiirka u sheegay in illaa iyo hadda ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka sameyeen ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka, balse dawladda Sweden ay ka taageerto ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururkaasi. Mudane Cabdullaahi Cali Xasan waxa kale oo uu uga waramay shaqooyinka la xiriira dhinaca fududeynta ganacsiga ee ay Wasaaraddu qabatay, gaar ahaan shuruucda, siyaasadaha, dhiiri-gelinta maal-gashiga iyo warshadaha. Isaga oo ugu dambeyna Safiirka iyo dawladda Sweden uga mahadceliyey dedaalkooda ka go’aanshiyaha ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya. Ugu dambeyn, Ambassador Staffan Tillander oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko in Wasaaraddu ay shaqo fiican oo bilow ah ay ka qabatay arrinta ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxaana uu xusay in kulankani uu sii xoojinayo qorshaha dawladda Sweden ay Soomaaliya kaga taageerayso sidii ay ugu biiri lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka. Halkan hoose ka daawo sawirro:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay gudddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey. Ugu horreyn Rooble ayaa guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyey codka kalsoonida ah ee ay shalay siiyeen xildhibaanada golahaasi. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen. “Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.”ayuu yiri war qoraal ah oo ka soo baxaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay shalay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen golaha shacabka ayaa shaqada ugu horreysa ee u taalla waxa ay tahay inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada, si uu u horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Rooble oo heysta muddo kooban ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu muhiimsan-tahay fulinta heshiiskii laga gaaray doorashada soo socota ee 2020/21. The post SAWIRRO: Muxuu Ra'iisul Wasaarah cusub kala hadlay guddoonka BF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn Ra’iisul wasaaruhu guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad uga mahadceliyey ansixintiisii shalay. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen xukuumadda uu soo dhisi doono iyo baaralamaanka Soomaaliya. “Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Cusub. Rooble ayaa looga fadhiyaa inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada oo la horgeyn doono xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullahi. Kulankan oo ka dhacay hoyiga Gudoomiyaha ayaa lagaga hadlay Xaalada dalka, iyo Arimaha Doorashooyinka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan meel marinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Axmed Madoobe ayaa muddooyinkii u dambeeyey kulamo kala duwan ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
As part of continuous efforts to provide life-saving supplies to the most vulnerable Somalis, at the request of WHO, the European Union (EU) delegation to Somalia commissioned 2 special flights on 17 and 21 September to airlift emergency medical kits and supplies to Hirshabelle State. These supplies will be used to treat populations affected by flash floods in the state. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-24092020.mp3 View the full article
-
Hours after a Kentucky grand jury brought no charges against Louisville, Ky., police for the killing of Breonna Taylor and protesters took to the streets, authorities said two officers had been shot Wednesday night during the demonstrations expressing anger over the deaths of Black people at the hands of police. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan X. Cali Axmed ayaa shalay dhaariyay mudane Jamaal Maxamed Warsame, oo laga bilaabo maanta ka mid noqday Xildhibaanada golaha Wakiilada. Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha Wakiilada JSL, taasi oo uu ka geeriyooday marxuum Axmed Maxamed Nuur isla markaana golaha Wakiiladu 20-kii bishan iclaamiyeen in jagada marxuumkaasi banaan tahay. Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Togdheer, halka kaydka koobaad ee ku xigayna uu noqonayey Xildhibaan Jamaal oo ah xubinta la dhaariyey. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 21-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in la buuxiyo jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada. Source
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa weydiisatay Ruushka inay soo faro-geliyaan oo ay gacan ka gaystaan in laga hortago in magaalada istaraatiijiga ah ee Marib ay u gacan gasho kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Akhbar oo ay warkan ka soo xigatay Somalilandtoday. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal Bin Farhan uu taleefonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, uuna ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo boqortooyada iyo Xuutiyiinta, si looga joojiyo inay qabsadaan magaalada Marib. Xuutiyiinta ayaa laba bilood wada dagaal ay ku qabsanayaan Mari oo ah magaalo muhiim u ah dagaalka Yemen, sababta oo ah waxay saldhig u tahay calooshood u shaqeystayaasha u dagaalamaya xulufada Sacuudiga. Haddii magaalada laga qabsado Sacuudiga waxay la macno noqon doontaa in dagaalka Yemen lagaga adkaaday. Ilo-wareedyada ayaa sharxay in sababta Sacuudiga ula hadlay Ruushka ay tahay in cadaadis la saaro Mareykanka oo iska indho tiryayey codsiga Sacuudiga ee ah inuu ka hortago in Xuutiyiintu qabsadaan magaalada Marib, ayada oo madaxweyne Trump uu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada bisha November. Trump ayaa sidoo kale hore ugu adeegsaday ku lug lahaanshaha Ruushka ee arrimaha Bariga Dhexe inuu qiil ugu sameeyo inii sii wado hubka laga iibinayo Sacuudiga, oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay dambiyo dagaal galeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in haddii Mareykanka uusan hub ka iibin boqortooyada ay u weecan doonto Shiinaha iyo Ruushka si ay hub uga iibiyaan, taasi oo Mareykanka aan faa’iido u ahayn. Source
-
US President Donald Trump has refused to commit to a peaceful transfer of power if he loses November's election. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Donald Trump oo ay ugu yeedhay cunsuri kadib markii uu habeen hore weerar ku qaaday. “Madaxweynaha wuxuu si cad u jecel yahay inuu ka faa’iideysto cabsida dadka. Wuxuu faafinayaa cudur naceyb ah meel kasta oo uu tago, waxaana isu soo baxyada uu qabanayo dhiiri-geliya cabsi,” ayey tidhi Ilhaan oo la hadashay CNN oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay. “Waa cunsuri, sababtoo ah kama soo horjeedo soo-galootiga ee wuxuu kasoo horjeeda dadka aniga ii eeg,” ayey tidhi Ilhaan Cumar. “Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayuu Trump yidhi habeenkii salaasad isaga oo weeraraya Ilhaan. Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada Trump ay noqdeen kuwa qaabeynaya muuqaalka dadka Mareykanka, taasina ay tahay ceeb weyn. Waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee dhaceysa November ay noqon doonto mid dadka fursad u siisa inay jawaabaan. “Tani ma ahan wax aan nahay, tani ma ahan mabaadi’ida dadkii aas-aasay dalkan, tanina ma ahan sida aan dooneyno inuu dalkeena noqdo,” ayey tidhi. Ilhaan Cumar oo sidoo kale isla habeenkii salaasad ka jawaabtay weerarka cusub ee uga yimid Trump, ayaa tidhi “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tidhi Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka. “Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.” Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masaajidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020. Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga oo ay Somalilandtoday heshay ayaa lagu yidhi “ iydoo la raacayo tallada dhakhaatiirta, lana tix gelinaayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masaajidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in muslimiinta loo ogolaado inay gutaan cimrada”. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta iyo dadka deggan Sacuudiga inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya. Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda Karona iyo bad qabka Muslimiinta. Source
-
Mogadishu – Somalia’s youth need to be change-makers and actively take part in politics, reconciliation, peace-building, elections and ongoing efforts to help develop their country – this was the main message stemming from a recent panel discussion which brought together more than 30 youth representing different parts of Somali society. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha ganacsatada qaadka gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa ogolaaday inay waqti dheeri ah siiyaan dowladda Kenya, si ay u xaliso muranka ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya, kadib markii ay soo baxday “in labada dowladood ay ku dhow yihiin heshiis ay gaaraan.” Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale joojiyey dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ahaa dowladda oo ay qorsheeyeen, kadib markii xayiraadda saaran qaadka miraa ee Kenya ay lix bilood u buuxsantay Sabtidii. Ganacsatada, beeraleyda iyo hogaamiyayaasha laga soo doorto gobolka Meru, oo muddo qorsheynayey dibad-bax ka dhan ah dowladdooda, ayaa hadda sheegay inay kulmi doonaan Jimcaha, si ay mar kale u eegaan xaaladda. Kooxdan ayaa u yeeray shan xildhibaan oo laga soo doorto gobolka iyo deegaanada ku dhow, si ay gacan uga gaystaan inay gaaraan go’aan kama dambeys ah. Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale hakiyey dibad-bax ka dhan ah wasiirka beeraha Kenya Peter Munya, kadib markii uu u sheegay inay dulqaad yeeshaan islamarkaana madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wada-hadallo la leeyahay madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isaga oo la hadlayey weriyayaasha ayaa barasabaaka gobolka Meru, Kiraitu Murungi waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweyne Kenyatta uu u xaqiijiyey inuu ku guda jiro sidii arrintan xal loogu heli lahaa. “Waxaan rumeysanahay in dhowaan aad maqli doontaan war wanaagsan,” ayuu yiri Murungi. Caasimada Online oo Villa Somalia wax ka weydiisay heshiiska la sheegay inay ku dhow yihiin Soomaaliya iyo Kenya inay ka gaaraan arrinta qaadka, waa ay ka gaabsatay inay ka hadasho. The post Soomaaliya iyo Kenya 'oo ku dhow inay heshiis gaaraan' first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Berlin)-Ujeedada ugu weyn ee siyaasadda sharciga cusub ee Midowga Yurub ee soogalootiga lagula dhaqmaayo ayaa ah, in hoos loo dhigo dadka soo gelaya EU-da halka kor loo qaadayo dadka dib loogu celinaayo dalkoodi. Wakiilka arrimaha socdaalka ee Midowga Yurub Ylva Johansson oo ka mid ah dadka sida weyn ugu hawlan soo jeedinta sharciga cusub ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono qaabilaada muhaajiriinta, laakiin dib loo cusbeyneysiinayo sharciga Socdaalka. Waxaan in badan diiradda saari doonaa dib u celinta dadka magangelyo doonka ah ayey tidhi Ylva Johansson iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay taageero xooggan u hayaan qaabilaada dadka magangeliyo doonka ah, laakiin ay welwel ka qabaan sidii loo kala saari lahaa kuwa xaqa u leh in ay helaan magangelyo iyo kuwa aan muteysan in ay sii joogaan Midowga Yurub. Sharciga cusub ayaa dhigaya in kala shaandheynta magangelyo doonku ay goor hore ka dhaci doonto xuduudka ugu horeeya ee ay ka soo galeen, taas oo aan ka badneyn muddo shan maalmood ah, waxaana meesha laga saarayaa xeryihii qaxootiga ee mudada sannada ah la fadhiyi jirey sidey sheegtey Ylva Johhanson. Si aan ugu guuleysano barnaamijka dib u celinta, waxaan diiradda saari doonaa wax badan xidhiidhka aan la leenahay dalalka ay ka yimaadeen qaxootigu waa inaan ka helno heshiisyo wanaagsan oo dhanka dib u celinta Sharciga cusub ayaa dhigaya in qaxootiga ka imaanaya dalalka aan ku jirin kuwa magangelyada la siiyo lagu qaadi doono sharciga xuduudaha oo degdeg dib loogu celinaayo dalkoodi, kiiskoodana aan la fureyn. Ylva Johhanson ayaa sheegtey si aysan u dhicin diidmo aan laga fiirsan in ay dhisayaan hannaan lagu keydiyo xogta kaas oo loogu yeero EURODAC EURODAC ayaa lagu keydinayaa xogta qofkasta oo yimaada xuduudka Midowga Yurub. Sannadkii la soo dhaafay 2019, qiyaastii 140,000 oo loogu yeedho muhaajiriinta aan caadiga ahayn ayaa yimid Midowga Yurub. Sannadkan 2020, tirada ayaa la filayaa inuu ka yadhaado taas oo ay sababtay Korona Fayrsas. Heshiiskii Dublin waxaa lagu badalay qaab cusub Komishanku wuxuu kaloo soo jeedinayaa in lala noqdo waxa loogu yeero heshiiskii Dublin kaas oo dhigaayey in magangelyo doonku uu ku sugnaado dalka ugu horeeya ee Midowga Yurub uu ka soo galay, oo weydiisto oggolaansha. Ylva Johansson ayaa sheegtey in shalay ay jira fursado aad u ballaadhan oo lagu dhex lumi karo nidaamka heshiiska Dublin oo laga soo muuqan karo waddan kale oo magangelyo laga dalbado. Dabkii dhawaan ka kacay xerada qaxootiga ee Moria oo ku taalla jasiirada lesbos ee dalka Giriiga, ayaa sababay in Madaxa Gudiga Yurub Ursula von der Leyen ay meesha ka saarto heshiiskii Dublin 1997, waxaana hadda EU.da u yaala sidii ay u qaybsan lahaayeen 12 kun oo qaxooti ah oo ku sugan Giriiga. Sharciga cusub ee la soo bandhigey ayaa u baahan taageerada 27 dal ee ku jira Midowga Yurub, waxaana jira dalal dhawr ah oo ka soo horjeeda sharcigan. Source
-
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, haatana ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Itoobiya Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa loollan adag ugu jira in uu ka soo dhex muuqdo Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble. Warar hoose oo Puntland Post heshay, ayaa xaqiijinaya in mudane Cabdixakiin Cameey oo aad u taageersan Madaxweyne Farmaajo uu durba xiriir la sameeyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka, oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kuwaas oo uu ka dalbaday in ay la raadiyaan xilka Wasiirnimo. Eng Camey, wuxuu sida la sheegayo raadinaya xilka Wasiirnimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, balse ma jirto wasaarad gaar ah oo uu doonayo in loo dhiibo, taas oo ka dhigan in uusan ka dayrin doonin wasaarad kasta oo loo magacaabo. Dadka falan-qeeya Arrimaha Siyaasadda, ayaa sheegaya in Eng Cabdixakiin Camey uu heli karo fursad uu kaga soo dhex muuqdo Golaha Wasiirada cusub, maadaama aad ugu dhowyahay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana saaxiibo ku leeyahay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Cabdixakiin Camey oo loolan ugu jira in uu ka soo dhex muuqdo Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
X-ray machine donated to Galgaduud State Hospital in central Somalia which serves more than 500,000 people Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ka tegay magaalada Muqdisho, ayada oo ay meesha ka baxday cabsidii ay ka qabeen in baarlamanka uu diido inuu ansixiyo heshiikii ay la galeen Villa Somalia. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay gaaray magaalada Baydhaba, halkaasi oo uu kula sugan yahay dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, halka madaxweynaha Galmudug uu isna sidoo kale shalay ku laabtay magaalada Duusamareeb. Madax goboleedyada ayaa Muqdisho ku sugnaa tan iyo markii ay heshiiska doorashada la galeen Villa Somalia 17-kii September, ayaga oo waday olole ay xildhibaanada taageero uga raadinayaan inay heshiiska saxiixaan. Waxay rumeysnaayeen ama ka cabsi qabeen in Villa Somalia ay heshiiska ku fashiliso baarlamanka, oo halkaas lagu diido, inkasta oo aysan jirin, sida la rumeysan yahay, wax qorshe ah oo madaxtooyada ay arrintaas ka leedahay. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay hadda u muuqatay in heshiiska uu haysto taageero xooggan lana ansixin doono marka la horgeeyo baarlamanka, maalinta Sabtida ah. Waxaa hadda Muqdisho ku haray madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabelle, oo la filayo inay ayagana ay ka tagaan caasimadda maalmaha soo socda. Heshiiska doorashada ayaa la rumeysan yahay in xitaa haddii uu baarlamanka diido uu madaxwenaha ku ansixin doono mara madaxweyne, si dalka uu doorasho ugu dareero. The post Cabsidii ay qabeen madax goboleedyada oo meesha ka baxday (Maxaa isbedelay?) first appeared on Caasimada Online.
-
Boqoradda Ingriiska oo bilad ay guddoonsiisay ka ceshatay nin sumcad usoo jiiday dalkeeda Boqoradda dalka Ingriiska Queen Elizabeth ayaa biladda Commander of the Order of the British Empire (CBE) ka ceshatay film-sameeyaha lagu magacaabo Harvey Weinstein kaas oo dhawaan dalkaasi Mareykanka lagu xukumay dambiyo kufsi. Sannadkii 2004-tii ayaa ninkani la siiyay biladdaasi oo la guddoonsiiyo dadka waxgalka ee sumcadda usoo jiiday Ingriiska. Boqoradda ayaa sidoo kale amartay in magaca ninkaasi laga masaxo buugga biladdaasi. Weinstein ayaa dhawaan maxkamad ku taal Mareykanka waxa ay ku xukuntay 23 sano oo xabsi ah kuwaas oo ciqaab u ah kufsi uu u geystay haween kala shaqeynayay sameynta aflaamta. Qaran News
