-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay dedejiso diiwaan-gelinta shirkadaha ka shaqeeya lacagaha la isugu diro mobile-ka ee Soomaaliya, si sharci loogu sameeyo qeybta lacagaha mobile-ka. IMF ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii, kadib wada-hadallo socday toddobaad oo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya, ku sheegtay in loo baahan in la xaqiiyo diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay ka hortagista lacagaha sharci-darrada ah iyo been xalaaleynta lacagaha. “Howlgalka IMF wuxuu mas’uuliyiinta ugu baaqay inay dedejiyaan diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, si taasi ay horey ugu dhaqaajiso sharciyeynta lacagaha mobile-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka IMF. IMF waxay intaas ku dartay inay isku raaceen dowladda Soomaaliya nidaam cusub oo xaqiijin doona daah-furnaan ayada oo la diiwaan-gelinayo shirkadaha. Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray 2018 uga digay in maqnaanshaha qaab sharciyeed lagu xakameynayo adeegga lacagaha mobile-da ay khatar ku tahay dhaqaalaha, sababo la xiriira saameynta ay yeelan karto haddii ay shirkadaha lacagaha mobile-da ay burburaan. Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, 155 milyan oo jeer ayaa bishii gudaha Soomaaliya lacagaha la isku dhaafsadaa mobile-da, taasi oo qiimo ahaan gaareysa 2.7 milyan oo dollar, inkasta oo la rumeysan yahay in lacagta ay intaas aad uga badan tahay. The post Hay'ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha mobile-ka Somalia, amarna siisay DF first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiir Beyle Somaliya oo wajahaya dacwad maxkamadeed+Sababta Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa wajahaya dacwad maxkamadeed, kadib markii uu dhawaan soo saaray sharci cusub. Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in sharci uu Beyle soo saaray 20-kii bishan, uu gebi ahaanba yahay mid sharci darro ah oo uusan awood u laheyn. Sharciga Beyle ayaa dhigaya ‘in lacag laga qaadi doono qareen walba iyo dadka ay u doodayaan ee dacwadaha ka furanaya Maxkamadaha’, isla markaana lagu sheegay inuu yahay Xeerka nidaaminta ajuurada Maxkamaddaha. Afhayeenka ururka qareenada, Abuukaate Cali Xalane oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa xeerka cusub ee ajuuradda maxkamadaha ku tilmaamey mid kusoo baxay qaab aan sax aheyn, maadama ay aheyd in lasoo marsiiyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla markaana ay soo saarto wasaarada Garsoorku. Abukaate Xalane ayaa si adag ganafka ugu dhuftay xeerkaasi uu soo saaray sii-hayaha wasiirka maaliyadu, isagoona sheegay inay dacwad uga gudbinayaan maxkamadda sarre ee dalka. Xalane ayaa qorshaha xeerka Beyle uu soo saaray ku sheegay mid dhabaha u xaaraya musuq-maasuq hor leh inuu ka dhaco waaxda Garsoorka dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xeerka Ajuuradda Maxkamaddaha ee uu dhawaan soo saaray Beyle ayaa waxa uu dhigaya in qareenada ay bixiyaan lacag dhan $500 si ay u sameystaan aqoonsi, midaasi oo sanadkiina laga rabo kala bar midda markii hore laga qaaday. Sidoo kale waxa xusid mudan oo xeerkaasi ku jirra in qofkasta oo dacwad ka furanaya maxkamadaha dalka laga rabo lacag dhan $200, middaasi oo si weyn looga hor-yimid. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay la shaqeyneysaa saaxiibadeeda caalamka, si ay dadkeeda ugu dhisto dal dimoqraadi ah, loo dhan yahay, oo barwaaqo ah, waxaa sidaas yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad u jeediyey shirweynaha Golaha Guud ee QM. “Inkasta oo ay jiraan caqabado ka dhashay cudurka COVID-19, waxaan weli si xooggan uga shaqeyneynaa qabashada doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan uga gaari karaan mustaqbalkooda,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay sare u qaadidda iyo dhaqan-gelinta dhaqan dimoqraadi ah iyo isla xisaabtan dowladeed, oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inay guulo ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. “Waxaan si guul leh uga adkaaneynaa halista argagixisada caalamiga ah annaga oo adeegsaneyna ciidamadeena geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Amisom iyo saaxiibada caalamiga ah, si aan dunida uga dhigno meel nabdoon,” ayuu yiri madaxweynaha. “Waxaan ku kalsoonahay dadaallada dowladdeena iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibadeena caalamiga ah ee muhiimka ah.” Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in hoos u dhac dhaqaale xooggan iyo shaqooyin badan oo lumay ay ka dhasheen cudurka COVID-19. The post Nuxurka khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey shirka guud ee QM first appeared on Caasimada Online.
-
Dacwad ku saabsan Qadaafi oo loo heysto madaxweynihii hore ee Fransiiska Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy (bidix) waxaa lagu heystaa inuu laaluush ka qaatay hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi Maxkamad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid madaxweynihii hore ee waddankaas Nicolas Sarkozy, oo ka dalbaday in la burburiyo baadhitaan ku saabsan eedeymo loogu jeediyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay dalka Liibiya. Sarkozy ayaa wajahaya dacwad la xidhiidha inuu hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al Qadaafi, ka helay garab caawinaad ah oo uu ku maareynayay ololihii doorashada ee uu galayay sanadkii 2007-dii. Xukunka kasoo baxay amxkamadda racfaanka ee magaalada Paris ayaa ka dhigan in Mr Sarkozy iyo dad kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ay la kulmi karaan maxkamadeyn. Hase yeeshee, eedeysaneyaasha ayaa wali heysta fursad ay racfaan uga qaataan maxkamadda ugu sarreysa Faransiiska. Mr Sarkozy waxaa su’aalo weydiiyay booliska Mr Sarkozy ayaa markii ugu horreysay ee eedeynta loo jeediyay sheegay inaysan wax sal iyo raad ah lahayn. “Waxaa la igu eedeeyay arrin aan lahayn caddeyn muuqata,” ayuu yidhi Sarkozy, oo la hadlayay garsooraha maxkamadda, sida uu qoray wargeyska Le Figaro. Muxuu ku saabsan yahay Kiiska Libya? Sanadkii 2013-kii, Faransiiska ayaa furay baadhitaan ka dhan ah ololihii doorashada ee Mr Sarkozy, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka faa’iideystay lacago malaayiin euro ah oo si sharci darro ah looga qaatay Qadaafi. Wuxuu ku hungoobay ujeeddadiisuu ahayd in mar kale xilka madaxweynaha loo doorto sanadkii 2012-kii. Markaas waxaa doorashada uga adkaaday François Hollande. Mr Sarkozy wuxuu ku guul darreystay in dib loo doorto sanadkii 2012 Eedeymahan markii ugu horreysay waxaa shaaciyay ganacsadaha Faransiiska ah, balse asal ahaan kasoo jeeda Lubnaan ee lagu magacaabo Ziad Takieddine, iyadoo ay u markhaati fureen qaar ka mid ah saraakiishii xukuumaddii Qadaafi. Bishii November ee sanadkii 2016-kii, Mr Takieddine ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in muddadii u dhaxeysay 2006 ilaa 2007 uu lacago ku wareejiyay Mr Sarkozy iyo Claude Guéant, oo ahaa madixiisii golaha Wasiirrada. Mr Takieddine wuxuu sheegay in lacagtaas ay ka timid Qadaafi, isku darkeedana uu ahaa €5m (£4.4m; $6.2m). Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa socday baadhitaanka la xidhiidha arrintan Qaran News
-
Inay muwaaddiniinta helaan xaqa codbixinta waa hannaanka ugu wanaagsan, oo ay kaga qayb geli karaan talada dalka. In laga hor-istaago xuquuqda codbixinta waxay abuurtaa nidaam kaligii-talis ah. Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi ayaa yiri “inagaa abuurna keligii-taliska, marka aynu samayno, qalabayno, oo aynu hubayno kaddib, markii uu wax gumaado, ayaynu hadhowto calaacalnaa!” Xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo muwaaddiniinteeda waxay kobcisaa dowlad wanaagga iyo cadaaladda. Ka qaybgalinta muwaaddiniinta dejinta siyaasaddu waxay u oggolaaneysaa dawladaha inay helaan fikrado iyo macluumaad tayo leh, oo wax ku biirin kara marka ay go’aannada gaarayaan. Nasiibdarro, heshiiska ay wadaggaleen hoggaanka fulinta heer federal iyo goboleedba, waxuu meesha ka saarayaa xaqa codbixinta muwaaddiniinta waxuu awood xad-dhaaf ah siinayaa Madaxda Maamul-Goboleedyada! Taasoo si dadban u dhiiroggelinayaa musuq iyo nin-tooxsinimo. Durba, waxaa ballanqaad sameeyey Mudane Saciid Deni, waxuuna goob fagaare ah ku bixiyey kursiga ugu horreeyo, isagoo u ballanqaaday xubin xildhibaan Mudane Mahad Cawad. Deni waxuu yiri “Kursiga uu Mahad la soo cararay waad soo ceshan kartaa ayaan ku dhihi lahaa, waxaan ballanqaadaya, haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaallana waan ka daba tagayaa si aan kaala shaqeeyo, ayaan halkan ka shgeeyaa”! Xornimada kaddib, taariikhda waxay ina baraysaa in shacabka Soomaaliyeed waligiis uu afduubnaa shaqsiyaad danley siyaasadeed ah, kuwaas oo mar walba u jiheeya jiho aysan nolol iyo cadaalad ka jirin. Kaddib, siyaasadda Soomaaliya waxay u jihaysatay bah-wadaagtii hantiwadaag oo ka arradnaa talo-wadaagga iyo nidaam loo siman yahay. Burburka kaddibna jilayaasha siyaasadda waxaa laga hagayey waddamada deriska, iyo khaliijka Carbeed! Kuwaasoo dalka ku soo daabulay hub lagu gumaado shacabka, iyo lacag lagu wiiqo wadajirka iyo midnimada dalka. Inkastoo, xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo hannaan aan caddaalad ahayn, misna waxay horey dalka uga badbaadiyeen heshiisyo halis ku ahaa midnimada dhuleed iyo danaha qaranka, sida heshiiskii badda (Soomaaliya iyo Kenya), iyo kii DP World oo doonaysay inay xaraashato Dekedaha. Maanta shacabka Soomaaliyeed waxay naawilayaan in Barlamaanka uu ganafka ku dhufto heshiiska “Muqdisho accord.” Waxaa suurtoggal ah, in xildhibaannada diiddaan heshiiska, maadaama intooda badan aysan hubin inay soo noqon doonaan, haddii ay oggolaadaan inay aadaan doorasho ay maamulayaan madaxda Maamul Goboleedyada, sidaas waxaa qaba falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya. Xikmad Qadiim ah ayaa tiri: “Ummad waliba waxay heshaa dowladdii ay mudneyd”. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ummad walba waxay heshaa dowladdii ay mudneyd! first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Bar___Qubanaha-2492020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta markii u horeysay shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uusan muddo kordhin rabin, kadib markii uu saaka kulan kula qaatay Villa Somalia. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn u dhaliila dowladda federaalka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa haddana si weyn u bogaadiyey ra’iisal wasaaraha cusub. Siyaasiga ayaa ku sifeeyay Rooble mas’uul ay ka go’antahay sidii xiligeeda ugu qabsoomi laheyd doorashada dalka, oo muddooyinkii dambe abuurtay jahwareer siyaasadeed, hase yeeshe heshiis kama dambeysa ah laga gaaray. Sidoo kale waxa uu xusay in ra’iisal wasaaraha cusub uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu iskugu hayn lahaa mucaaridka iyo muxaafidka, kadib markii uu maanta ku booqday Villa Somalia, oo uusan tagin muddo sanado ah. “Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado” ayuu yiri. Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, oo u baahan in taxadar badan lagu maamulo, iyada oo ay hortaalo fulinta heshiis uusan waxba ka ogeyn oo lagu gaaray magaalada Muqdisho. The post CC Shakuur oo shaaciyay arrin muhiim ah oo uu maanta ballan-qaaday R/W Rooble first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-2492020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha maamulada Jubbalanad, Mudane Axmed Maxamed iyo Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Ra’iisal wasaaraha ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorsheyaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada. Rooble ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud. Axmed Madoobe iyo Waare ayaa xilkan cusub ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ku booriyeen inuu soo dhiso ‘Xukuumad tayo leh’ oo ka tarjumeysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu maanta kulan la qaatay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xog-wareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu furfuran yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed. Mudane Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorsheyaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. The post Rooble oo Axmed Madoobe iyo Waare kala halday in hal mid la ilaaliyo + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Waare oo la kulmay xildhibaannada labada Aqal ee BF+Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda Hirshabelle kulankaasi oo ku saabsan is xogwareysi la xiriira xaaladda dalka iyo shirarkii wadatashiga ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliiya iyo Mas’uuliyiinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimadda shirarkii Sama-Reeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa, waxaana uu Xildhibaannada ka codsaday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga. Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaannada ayaa iska xogwareystay muhiimadda ay leedahay dhisidda Hirshabeelada cusub, loona baahanyahay Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabeelle in ay ka qeyb qaataan dhisidda Hirshabeelle, xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay deegaannada Maamulka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gobolka Gedo. Xildhibaanadan ayaa si gaar ah uga hadlay fal isugu jira dil iyo dhaawac oo ciidamada Kenya ugu geysteen dad shacab ah deegaanka Yadoo oo hoostaga magaalada Ceelwaaq. Xildhibaan Haashim Nuur Aadan oo shirkaan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ka dambeeyaan ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse aan qeyb ka aheyn, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Kenya looga baahan yahay inay si deg-deg ah ah uga jawaabto falkaasi arxan darrada ah. Dhankiisa Xildhibaan Daahir Jeesow oo madasha ka hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in Kenya ay weligeed dhibaato ka geysan jirtay deegaanada Jubbaland, isaga oo tilmaamay in tacadiyadaas aan looga hari doonin, waxna laga weydiin doono. Si kastaba ha’ahaatee qeylo dhaanta ka soo yeertay xuildhibaanadan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan cabsi xoogan oo ay qabaan dadka deegaanka ay ka taagan tahay duleedka degmada Ceelwaaq oo ay duqeymo joogto ah ka fuliyaan diyaaradaha Kenya. The post Xidlhibaanada BF oo jawaab kulul ka bixiyey falkii ay ku kaceen ciidamada Kenya first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaadooska Danab ay gudaha u galeen deegaanka Mubaarak oo ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaal ayaa gudaha ugalay Mubaarak, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan gudaha deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgalka lagu qabtay deegaankaas ay ku dileen guddoomihii deegaanka Mubaarak ugu magacaawnaa Al-Shabaab oo magaciisa ay ku sheegeen Sheekh Cabdulle Gaare iyo dagalamayaal kale. Sidoo kale waxay sheegeen in Al-shabaab ay sumeeyeen Ceelasha Biyaha ee degaanka Mubaarak. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howl-gal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Mubaarak ay ku qabteen gaari Hoomey ah oo sida walxaha qarxa. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo hoggaaminay howl-galkaasi ayaa warbaahinta u sheegeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaanka iyo gaari Hoomey ah oo ay ku rareen waxyaabaha qarxa. Xaaladda deegaanka ayaa hadda laga dareemayaa saansaan colaadeed, waxaana la soo sheegayaa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaanka Mubaarak. Mubaarak oo tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah deegaan aad muhiim ugu ahaa Al-Shabaab, waxaana ugu yaallay xarumo ay Canshuuro ku qaadaan iyo Maxkamado. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey how-gallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. The post Ciidamada Danab oo galay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho, Sebteembar 24, 2020; Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad iyo Hirshabeelle ayaa kala hadlay [...] The post Warsaxaafadeed:- Ra’iisul Wasaare Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle appeared first on . Source
-
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamida Siyaasiyiinta ugu miisaanka weyn Soomaaliyada maanta, Nambarka kowaadna ka ah Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo (Villa Siomaaliyada maanta) ayaa maanta wuxuu Casumaad ka [...] The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur maxuu ka yiri kulankiisii maanta ee Raysal wasaaraha appeared first on . Source
-
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Raysal wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble wuxuu kula taliyay inuu heysto Xukuumada hada joogta. Gaas wuxuu [...] The post Gaas oo Raysal wasaaraha talo usoo jeediyay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwadda rag loo heysto dilkii iyo kufsigii degmada Waabari loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 sano jir aheyd. Ragga ay dacwadooda ka bilaabatay maxkamadda ayaa waxaa ay gaarayaan 7 qof oo uu ku jiro eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo laga soo qabtay gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo qirtay in marxuumadda uu geeyey hotelka. Sidoo kale waxaa ragga maxkamadda ka soo muuqday ka mid ah milkiilaha hotelka dhacdadu ka dhacday iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa. Fadhiga ayaa waxaa sidoo kale ku sugan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka,sida Xildhibaan Xasan Macalin iyo Naciimo Maxamed, dadweyne iyo ehellada marxuumadda. Dhanka kale waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ballaaran oo cadaalad loogu dalbayey marxuumad Xamdi Maxamed Faarax. Banaan-baxa ayaa waxaa dhigay qaar ka mid ah ehellada marxuumadda iyo dadweyne fara badan, kuwaas oo saluug ka muujinayey habka loo maamulayo kiiskaas, kadib markii la sheegay in is-bedal lagu sameeyey qaar ka mid baarayaasha dhacdadaas. Sheekada Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb gashay imtixaanka dowladda ayaa dad badan taabatay, kadib markii la’isugu daray kufsi & dil. The post Sawiro: Rag loo haysto kiiska Xamdi oo maanta maxkamad lagu soo taagay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa wajahaya dacwad maxkamadeed, kadib markii uu dhawaan soo saaray sharci cusub. Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in sharci uu Beyle soo saaray 20-kii bishan, uu gebi ahaanba yahay mid sharci darro ah oo uusan awood u laheyn. Sharciga Beyle ayaa dhigaya ‘in lacag laga qaadi doono qareen walba iyo dadka ay u doodayaan ee dacwadaha ka furanaya Maxkamadaha’, isla markaana lagu sheegay inuu yahay Xeerka nidaaminta ajuurada Maxkamaddaha. Afhayeenka ururka qareenada, Abuukaate Cali Xalane oo arrintaasi ka hadlayey, ayaa xeerka cusub ee ajuuradda maxkamadaha ku tilmaamey mid kusoo baxay qaab aan sax aheyn, maadama ay aheyd in lasoo marsiiyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla markaana ay soo saarto wasaarada Garsoorku. Abukaate Xalane ayaa si adag ganafka ugu dhuftay xeerkaasi uu soo saaray sii-hayaha wasiirka maaliyadu, isagoona sheegay inay dacwad uga gudbinayaan maxkamadda sarre ee dalka. Xalane ayaa qorshaha xeerka Beyle uu soo saaray ku sheegay mid dhabaha u xaaraya musuq-maasuq hor leh inuu ka dhaco waaxda Garsoorka dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xeerka Ajuuradda Maxkamaddaha ee uu dhawaan soo saaray Beyle ayaa waxa uu dhigaya in qareenada ay bixiyaan lacag dhan $500 si ay u sameystaan aqoonsi, midaasi oo sanadkiina laga rabo kala bar midda markii hore laga qaaday. Sidoo kale waxa xusid mudan oo xeerkaasi ku jirra in qofkasta oo dacwad ka furanaya maxkamadaha dalka laga rabo lacag dhan $200, middaasi oo si weyn looga hor-yimid. The post Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad maxkamadeed kadib tallaabo uu qaaday dhowaan first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdishu laga daahfuray Dalladda Sanaabil oo ah dallad ka shaqayndoonta horumarinta, midaynta iyo tayaynta Dugsiyada Quraanka iyo Macaahidda Diiniga ah. Dalladda waxaa aasaaasay dhallinyaro Soomaaliyeed oo dareemay baahida loo qabo midaynta codka iyo cududda Dugsiyada Quraanka iyo Macaahidda Diiniga ah, dhallinyaradaas oo aqoon u leh ka shaqaynta arrimahaan. Gudoomiya ku xigeenka dalladda Saadaam Bishaar maxamed oo munaasabadda furay ayaa sheegay in ay wax ka qabandoonaan dugsiyada Quraanka ee ku yaalla dariiqyada iyo meelaha aan haboonayn, sidoo kale wuxuu sheegay in waxbadan laga bedeli doono qaabka macalimiintu ay u la dhaqmaan ardayda ay waxbarayaan. Marti ka kala timid dunida daafeheeda ayaa waxay dadka la wadaageen waayo aragnimadooda waxbarashada iyo waxyaabaha ka jira dugsiyada quraanka ee dalka Soomaaliya, waxayna tusaaleeyeen waxyaabo fara badan oo ay tahay in wax laga qabto Adeegyada ay Dalladdu bixinayso waxaa ka mid ah; Horumarinta Macalimiinta Dugisyada Qur’aanka Kariimka . Isku xirka dugsiyada qur’aanka iyo macaahida sharciga ah. Tayaynta goobaha lagu barto qur’aanka kariimka iyo Tababarista macalimiinta dugsiyada Quraanka iyo macaahidda diiniga ah. Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka kala socda; Jaamacadaha dalka, Macaahidda diiniga ah ee dalka, Madaarista Quraanka Kariimka ah ee dalka, Maraakista diiniga ah, Dalladaha waxbarashada ee dalka iyo Khubaro ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ee Soomaaliya. Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay si nabad ah waxaana soo xiray Cali Xassan Axmed oo ah gudoomiyaha Dalladda Sanaabil. The post Dugsiyada Quraanka iyo macaahidda diiniga ah ee Xamar oo dallad sameystay first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo maanta looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo mobile Furashada. Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo oo meel wanaagsan maraya iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada oo ka mid ah guulaha la mahdiyey ee Dowladdu gaartay, Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa. Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha degaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada dowliga ah ee socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander. Labada Mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee doorashooyinka iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen geedi socodka dimuqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka. Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada soo socota maadaama heshiiskii la gaaray uu dhigayo in la magacaabo guddi doorasho oo ka kala socda heer federaal & heer dowlad goboleed. View the full article
