Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Liibiya)-Illaa 22 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku guulleystey inay badbaadaan markii doon ay la socdeen oo dooneysay inay gaadho Yurub ay ku qarqoontay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta Libya, sida ay sheegtay Jimciyadda Caalamiga ah ee Socdaalka. Kalluumeysatada Liibiya ayaa arkay doon degtay gelinkii dambe ee maalintii Khamiistii toddobaadkii hore, waxayna ku guulleysteen inay 22 qof ka soo saarto biyaha. Muhaajiriintaan ayaa ka kala yimid Masar, Bangaladesh, Suuriya, Soomaaliya iyo Ghana. Doonida ku degtay xeebta Liibiya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 muhaajiriin ah, waxaana maydkooda la helay saddex qof oo ay ku jirto haweenay Suuriyaan ah. Ugu yaraan 13 kale oo muhaajiriin ah ayaa weli la’yahay iyadoo loo maleynayo in ay ku hafteen biyaha, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Ilaalada Xeebaha Liibiya ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sii kororto maadaama kooxaha baadi goobka ay baarayaan aagga shilku ka dhacay si ay u helaan dhibanayaal badan. Source
  2. Waxaa goordhow xilka ra’isul wasaaraha la wareegay ra’isul wasaare Maxamed Rooble kadib xaflad ay qabteen guddiga qabanqaabada xilwareejinta. Ra’isul wasaare Rooble ayaa xilka kala wareegay ku-simaha ra’isul wasaaraha Mahdi Guuleed iyada oo ay goobta joogaan dhammaan wasiirrada. Xafladda xilwareejinta ayaa dhaceysa iyada oo codsi xilwareejin ah laga diiday ra’isul wasaarihii hor Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey madashii ugu horeysay oo shacab su’aalo ku weydiinayaan tan iyo markii la doortay ayaa qirtay in doorashada dadban ee dhaceysa sanadkan ay tahay dib u dhac. Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri “Xaqiiqatan qaabka aan hadda dib ugu noqnay, waa dib u dhac, laakin waxaad kala dooraneysaa wax dhib badan iyo wax fudud marka aad kala dooraneyso waa sahlan tahay, laakin labo shey oo dhib badan marka aad kala doornaeyso wax sahlan ma aha”. Farmaajo sii hadlaya “Marka inaan kala dooranno dalkii inuu kala tago, mushkilad siyaasadeed iyo khilaaf siyaasadeed bilaabo, oo shisheeye soo dhexgalo iyo noocii jacburka ahaa inaan iska wadano, innaga oo garbaha is heysanno”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya saacado kadib markii uu baarlamaanka ansixiyey heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay dood ku saabsaneyd arrimaha doorashada ee 2020/21. Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeedinayey doodadaasi ayaa sheegay in Somaliland aysan go’in karin, islamarkaana ay midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah. Muuse Biixi Cabdi oo isna u jawaabayey Farmaajo ayaa yiri “Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?.” Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”. ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland. Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. The post Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
  5. RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia plans to resume tourist visas by early 2021 after months of suspension amid strict government measures to prevent the spread of coronavirus, the kingdom’s tourism minister told Reuters. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madax-dhaqameedka Somaliland uga digay inay ku milmaan Siyaasadda, kuna hadlaan hadalo umadda kala fogaynaya, waxaanu si gaar ah ugu jawaabay Boqor Buurmadaw. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In laga dheeraado Qabyaaladda ayaa haboon, Xisbiyada waxaynu u samaysanay inaynu ka gudubno nidaamka qabyaaladda ee Madax-dhaqameedku maaha inay ku hadlaan hadalo caadifad ah oo qabyaaladda salka ku haya, Xisbiyadana reero iyo beelo ma wada leh ee dad is fahmay ayaa wada leh, laba qof oo walaalo ah ayaa kala Xisbi noqon kara, markaas Madax-dhaqameedku ha ka dheeradaan Qabyaaladda”. Mar uu ka hadlaayey go’aanka Xukuumadda ee ah inay Xisbiyada Mucaaradku isticmalaan Warbaahinta Dawladda ayuu yidhi “Siday ku dhacayso garan mayno inay Xukuumaddu ogolaato in Warbaahinta Qaranka Xisbiyada Mucaaradku isticmalaan, haddii ay dhaqan-gashana waa arrin loo baahan yahay oo waan soo dhaweeynaynaa ee waxaanu leenahay ha lagaga dhabeeyo..” Source
  7. Cabdullahi Maxamed Buurane oo ka mid ah macalliniinta kubbadda cagta,sidoo kalane ah qabiir xaga ciyaaraha ayaa warayso dhinacyo badan siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay horomarka iyo gaabisyada ka jira isboortiga Dalka. “Soomaaliya waxa ay lee dahay xirfado sare oo xaga ciyaaraha,balse maamulada isboortiga ma geliyaan waqti iyo qarash, si loo horomariyo tayada ciyaaryahanada kala duwan ee Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Buurane. 2016 dhallinyaro da’yar ayaa dalka Qadar kaga qeyb galay tartan caalami ah,iyagoo soo bandhigay ciyaaro sare oo soo jiitay taageerayaasha kubbadda cagta,balse guushaas ka dib Dowladda iyo Xiriirada ka dhisan dalka way la illobaan tayadii la arkay. “Mudo hada laga joogo shano sano ah waxaan aragnay ciyaaryahano da’yar oo wacdaro ku soo bandhigay Magaalada Doxa,balse guushaas taariikhiga ka dib lagama faa’idayaan macallimiintii iyo dhallinyaradii hamiga sare lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Macallin Cabdullahi Buurane. Inta badan Xiriirada kala duwan ee ka dhisan dalka kama faa’iideestaan aqoonta iyo waaya-aragnimada ciyaartooydii hore oo badankooda iminka ah macallimiina iyo qabiiro xaga isboortiga. “Macallimiin badan oo xirfad wanaagsan oo kala jooga gudaha dalka iyo dibadda ayaa la heli karaa,balse nasiib darro dadka maamulaya ciyaaraha kama faa’iideestaan,iyagoo ka doorbaday kuwa ajaanib ah oo aan aqoon iyo qibrada u la heyn isboortiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qabiir Burane. Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan soo dhawaysan dadka aqnoonta wanaagsan iyo laacibiinta hore Soomaaliya “Xiriirka kubbadda cagta waa albaab u furan shaqsi kasta oo Soomaali ah,balse hada waxaa u malaysaa in ay haystaan qolyo isku soo koobay wax walbo oo aan doonaynin in ay la tashadaan dadkii iyaga kaga horeeyay ka shaqeynta ciyaaraha meel sare ka gaaray” ayuu Goobjoog markale u sheegay Macallin Buurane. Muqdisho waxaa ka jirta garoomo la’aan waxaana inta badan dhallinyarada ay ku ciyaaraan wadooyinka halista magaalada,balse Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaaarada Ciyaaraha wax qorshe uma diyaarin da’yarta ku dheela Wadooyinka halista ee caasimada. “Waxaa ii muuqata in kubbadda cagta aan lala rabin horomar,sababtoo ah narkii aad aragto inta da’yar ay ku dhalayso wadooyinka waxaa kuu soo baxayso in mas’uuliyeenta Wasaarada iyo Xiriirka aysan wax qorshe u ah diyaarin jiilka soo koray” ayuu sheegay qabiir Macallin Cabduulahi Buurane Xiriirada ka dhisan Soomaaliya waxa ay qabtaan tartamo kala duwan hadana ciyaaraha waxaa lagu daawadaa lacaga la’aan,waxayna taasi keentay in ay su’aalo badan is waydiiyeen bahda isboortiga. “Waa wax lala yaabo in Madaxda Xiriirada ay ku socdaan gawaari qurux badan,ciyaartooydii ciyaaraysana taageerayashooda ay ku daawadaan lacag la’aan” ayuu Goobjoog Sports Macalin Buurane. Ugu dambeyntii Macallin Buurane waxa uu mas’uuliyeenta hogaaminaysa ciyaaraha iyo bahda isboortiga ugu baaqay in laga wada shaqeeyo horomarka iyo dhiiri-gelinta dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan. Halkan Ka Daawo Waraysi Macallin Buurane Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Waxa lagu guul-daraystay in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inay ku tartamaan kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay uu ku fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenku. Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan waxa socday dedaallo lagu doonayey in lagu dhexdhexaadiyo labadan Masuul, laakiin dedaalladaasi waxay noqdeen Hal Bacaad lagu lisay. Madaxweyne ku-xigeenka Md. Saylici iyo Wasiir Saajin oo tan iyo markii uu loolankoodu bilaabmay aan yeelan kulan toos ah ayaa si weyn u sii kala fogaaday, waxaana loolankooda laga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Borama. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo xaqiijiyey inaan guul laga gaadhin dedaallo lagu dhexdhexaadinayey oo ay ka qayb-qaateen Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Madax-dhaqameed ka soo kala jeeda Somaliland oo dhan, taasi oo ka dhigan ina Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku tartami doonaan Kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbul-xaakimka Kulmiye. Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa ku beegan 4-ta bisha soo socota ee October, 2020. Source
  9. Waxaa maanta Xilka la wareegaya Raysal wasaaraha cusub Maxamed Xasan Rioble, waxaase muran ka taagan yahay cida Xilka ku wareejinaysa. Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo abaabulay [...] The post Dagaal ka dhex Aloosan Farmaajo iyo Kheyre, Yaa Xilka RW wareejinaya appeared first on . Source
  10. Muhammed Sanneh was an orphan when he left The Gambia aged 16 to try and find a way to support his two younger siblings. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo codka kasloonida ka helay Golaha Shacabka ayaa maanta la wareegaya xilkiisa. Xafladda xil wareejinta ayaa sida uu qorshuhu yahay ka dhaceysa xafiiska Ra’iisul wasaaraha, taas oo lagu war-geliyey xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii haya. Sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah guddiga uu Mahdi Guleed u magacaabay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu xilka kala wareegi doono ku simaha. “27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud.Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayey tiri Khadiijo Diiriye. Waa markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaare cusub xilka kala wareegayo Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyada oo uu joogo Ra’iisul wasaarihii xilka kaga horreeyey. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah xilka ula wareego, kadib markii uu dhowaan codka kalsoonida ah ka helay golaha shacabka. Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhaceysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyada oo lagu war-geliyey dhammaan golaha wasiirada ee xilka sii haya, si ay uga soo qeyb-galaan. Dood adag ayaa ka taagneyd cida xilka ku wareejineyso ra’iisul wasaaraha cusub, maadaama uu xilkaas is KMG u hayey Mahdi Maxamed Guuleed, sidoo kalena uu Muqdisho ku sugan yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, kana mid ah guddiga uu Mahdi Guleed u magacaabay munaasabadda xil wareejinta ayaa shaacisay in ku simaha uu xilka ku wareejin doono Ra’iisul wasaaraha cusub. “27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud.Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye, kadib war qoraal ah oo ka soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Fecebook-ga. Arrintan ayaa meesha ka saareysa warqad uu si toos ah Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ugu diray Ra’iisul wasaaraha cusub, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda Sare, taasi oo u uku sheegay inay tahay in isaga uu xilka ku wareejiyo taasina ay tahay sifada sharciga ah. Dhacdadaan siyaasadeed ayaa noqoneyso tii ugu horreysay oo uu Ra’iisul wasaare xilka kala wareego Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyadoo uu joogo R/wasaarihii xilka kaga horreeyey. The post Yaa xilka ku wareejinayo maanta Ra'iisul wasaaraha cusub? first appeared on Caasimada Online.
  13. Gudoomiyaha maamulka degmada Dharkenley, Guhaad Sheekh Xasan ayaa faaah faahin ka baxiyey howl-gal ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen gudaha degmadaasi. Guhaad ayaa sheegay in howl-galka uu ahaa mid ka dhan ah waxybaaha maanka-dooriya, gaar ahaan dadka isticmaala iyo kuwa ganacsada intaba. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in baaritaanadaasi lagu baadi goobayey ragga hubka sharci darrada ah ku dhex-wata Dharkenley, islamarkaana dhaca u geysta shacabka. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xoojiyey howl-gallada baaritaanada ah ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-shaqeynta dowladdiisa kala dhexeyso suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-gala Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xiriir iyo wada-shaqeyn toos ah ay dowladdu la leedahay bahda saxaafadda, isaga oo tusaale u soo qaatay ansixinta xeerka saxaafadda. “Waxaan aamin-sanahay in dowladdan ay aad uga shaqeysay wada-shaqeynta tooska ah ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed.’ ayuu yiri Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya. Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday inay jiraan dad u eg suxufiyiin, islamarkaana galaya qaladaad badan oo aan caadi aheyn, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey suxufiyiintaasi inay ku xiran yihiin amaba ay la shaqeeyaan meelo kale, sida Al-Shabaab. “Dhab weeye waxaa jira dad suxufiyiin u eg laakiin aan aheyn suxufi waxaa laga yaabaa in aysan aqoontooda laheyn iyo khibradeedii qaladaada badan oo aan caadi aheyn ayey iska galayaan ama waxaa laga yaabaa in qaarba meelo kale ay ku xiran yihiin ee Shabaab ka mid ah tahay oo shaqo ay ku jiraan oo ay ka shaqeynayaa sidii ay dhibaato iyo qal-qal u abuuri lahaayeen.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka cabanayeen caburin ay sheegeen inay ku heyso dowladda Soomaaliya, waxaana jira suxufiyiin dhowr ah oo xabsiga la dhigay tan iyo intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). The post Madaxweyne Farmaajo oo eedeyn culus u jeediyey suxufiyiinta Soomaaliyeed first appeared on Caasimada Online.
  15. The Federal Minister of Labour and Social Affairs H.E Sadik Warfa and WFP Country Director and Representative Cesar Arroyo today signed an output agreement of implementing the Shock Responsive Safety Net for Locust Response Project. Source: Hiiraan Online
  16. The Federal Minister of Labour and Social Affairs H.E Sadik Warfa and the World Food Programme (WFP) Country Director and Representative Cesar Arroyo today signed an Output Agreement enabling WFP to implement the Shock Responsive Safety Net for Locust Response Project (SNLRP) on behalf of the Somali Government. Source: Hiiraan Online
  17. Senior Pentagon leaders have a lot to worry about these days — Afghanistan, Russia, Iraq, Syria, Iran, China, Somalia, the Korean Peninsula. But chief among those concerns is whether their commander in chief might order American troops into any chaos around the coming elections. Source: Hiiraan Online
  18. Wararka ku saabsan qabanqaabada xafladda xilka loogu wareejinayo ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Rooble ayaa sheegaya in la diiday codsiga uu soo gudbiyey ra’isul wasaarihii la ceyriyey Xasan Kheyre. Xubno ka mid ah guddiga qaban-qaabada ayaa sheegaya in Mahdi Guuleed uu xilka ku wareejin doono ra’isul wasaaraha cusub Maxamed Rooble. Kheyre saacadihii tagay qoraal uu u diray Maxamed Rooble codsaday inuu isaga xilka ku wareejiyo balse sida muuqata waa laga diiday codsigaasi. Waxaan ilaa hadda la ogeyn waxa uu wareejin doonno xilli xukuumadda laga sugayo ilaa 3 xisaab xir oo miisaaniyado ah halka shaqada wasiirrada ay qabanayeen tubo iyo xafiisyo hoos tagi jiray Kheyre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu dilay Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ahaa Booliiska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa waxaa toogasho gaadma ah ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuum Buulle uu ka tirsanaa saraakiisha ciidamada ammaanka u xil saarnaa sugida amniga xarunta golaha shacabka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay daqiiqado kadib tegay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaalueed oo goor dambe halkaasi ka qaaday meydka marxuumka. Ciidamada ayaa sidoo kale bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi-goobayo kooxdii ka dambeysay falkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo hay’adaha amniga ay ka bixiyeen toogashada loo geystay sarkaalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayey falal ammaanka darri oo u badan dilal qorsheysan. The post Xidigle Buulle Xuseen oo lagu dilay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, una qaabilsan argagixiso la dirirka ay dad hor leh ka wateen gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ruux ay ciidamadu ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga magaalada Ceelwaaq. Afarta ruux ee ay afduubteen ciidamada Kenya ayaa watay mootooyin ay kala dageen, xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Daaru-Salaam iyo Kuntun. “Ragga ay kaxxeysteen Ciidamada Kenya Afar qof oo mootooyin watay ayay ahaayeen,waxaa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa daaru-salaam iyo Kuntun, mootooyinkii waa ay ka qaateen waana ay wateen.: ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Lama oga halka ay la’aadeen ciidamadu raggaasi oo magacyadoodu ay kala yihiin Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdullaahi Cali Dhicis, Cabdifitaax Diiriye Qorane iyo Maxamed Ibraahim Afeey. Sidoo kale ehellada afartaasi qof ayaa haatan baadi goob wada, si ay u helaan raggaasi oo ahaa dhammaan shacab. Si kastabaha ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dalka Kenya ay saddex ruux ka wateen duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay toogasho ku dileen, waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay magaalooyinka gobolka Gedo. The post Ciidamada Kenya oo dad hor leh ka kaxeystay Ceelwaaq + magacyada first appeared on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka. Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed. “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta. “Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.” Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  22. Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay markale dad shacab ah ka kaxeysteen duleedka degmada Ceelwaaq. Inta la xaqiijiyey illaa afar ruux ayey ciidamadu ka kaxeysteen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga magaaladaasi, lamana oga halka ay la aadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada watay dadkaasi shacabka ah ay yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano argagixiso la dirirka. Ehellada afarta qof ee la watay ayaa haatan wada baad-goob, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifitaax Xasan Nuur, Cabdifitaax Diiriye Qorane, Cabdullaahi Cali Dhicis iyo Maxamed Ibraahim Afey. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dalka Kenya ay saddex ruux ka wateen duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaas oo ay markii dambe toogasho ku dileen, waxaana falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay gobolka Gedo. View the full article
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-subax-27092020.mp3 View the full article
  24. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta iyo axsaabta mucaaridka ee bidixda fog ee Dalka Austria ayaa qaada dhigaya ka dib markii Raysalwasaaraha dalkaasi Sebastian Kurz khudbad uu barlamaanka u jeedinayey ku sheegay inuu tagey Somaliland. Raysalwasaare Sebastian ayaa rabey inuu tusaale u soo qaato Dalka Itoobiya iyo deeganka Soomalida ee dalkaas oo uu booqdey sanadkii hore balse ku hilmaamey magaca Somaliland, Raysalwasaaraha ayaa yidhi isaga oo ka jawabaya hadalada mucaaridka isagoo ku sugan aqalka barlamaanka dalkaasi” kaalaya isoo raaca aan idin geeyo Somaliland oo ah dal yar oo ku yaala afrika oo sanadkii hore aan ku tagey booqasho oo malaayin qaxoonti ah ay ku sugan yihiin” Raysalwasaaraha ayaa mucaaridka iyo warbaahinta Austria ay ku dhaliilen inuu garan kari waayo magaca dalkii uu booqdey ee Itoobiya, islamarkaana aan la rumeysan karin xogta uu soo gudbiyey. Austria ayaa la isku maandhaf san yahey sidii magan galyo u siin laheyd 100 ciyaal ah oo ka mid ah qaxoontiga ku sugan Austria. Wariye Nagiib dalmar. Source