-
Content Count
211,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa markii u horeysay cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC. Saraakiishaasi ayaa waxa kamid ah dacwad oogaha guud ee maxkamadaas, Fatou Bensouda, oo loo haysto inay si sharci darro u maxkamadeynayaan muwaadiniin Mareykank ah, sida uu sheegay xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka. Mike Pompeo, Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa maxkamadda ku eedeeyay inay sifo aan sharci aheyn ay iskugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwadiiniin u dhashay dalkooda. Mareykanka ayaa ka biyo diidan baadhitaan ay waddo maxkamadda ICC, kaasi oo la xiriira in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan. Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa waxa Mareykanku uu tan iyo markii la aasaasay la daba taagna dhaliil joogto ah, isagoona ka horyimid heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgeliyay. ICC ayey Qaramada Midoobe abuurtay sanadkii 2002-dii, iyada oo caddaaladda horgeysay dad badan oo mas’uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal. The post Mareykanka oo cunaqabteyn kusoo rogay saraakiil ka tirsan ICC + Sababta first appeared on Caasimada Online.
-
The Somali state faces many existential threats, but one particular threat that is gravely affecting Somalia’s sovereignty is Kenya’s ignominious policy of African Imperialism. Merriam-Webster Dictionary defines imperialism as: “the policy, practice, or advocacy of extending the power and dominion of a nation especially by direct territorial acquisitions or by gaining indirect control over the political or economic life of other areas.” Source: Hiiraan Online
-
Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay Shahaadada ardayda dugsiyada sare ee maamulka goboleedka Puntland, waxaana uu xusay in arrintaas la siyaasadeeyey. Waxaa uu markale wasiir Goodax Barre sheegay in marnaba aysan dhici karin in Shahaado la siiyo Arday aan gelin imtixanka dowladda, isla markaana Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare. ” Waa in lala taliyo oo aysan umadda aysan dhibaatadaas aysan ku sii dheeranin ardaydaas, dhibaatadaas siyaasadeed oo la dul saaray, muddo ayey taagneyd waana soo noqnoqotay. Midda kaliya aan annagu wasaarad ahaan sameyn karno waa inaan dhaqankii hore aan ku socono oo ah arday aanan imtixaan ka qaadin shahaado iska siinin taasna dhowr mar ayaan fasirnay in ay xaq darro ku tahay” ayuu yiri Goodax Barre. Ugu dambeyn wasiir Goodax Barre ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in haddii ay hayaan wax ka wanaagsan casharada lagu qaado imtixaanka ay kusoo bandhigaan madal dowladda iyo maamu goboleedyada u dhan yihiin, waxaana uu usoo jeediyey in ay qaataan manhaka cusub ee dowladda dejisay sedexda heer ee hoose dhexe iyo sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Last Sunday, while the world was marking the International Day of the Victims of Enforced Disappearances, three families in Wajir were still distraught. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay xubnaha maamulkiisa ku matala golayaasha dowladda Soomaaliya. Saciid Deni wuxuu xubnaha uga warbixiyay xaaladda guud ee Puntland, marxaladda guud uu wadanka marayo iyo galaangalka ay ugu jiraan sidii ay doorasho la isla ogol yahay wadanka uga dhici laheyd. Xubnaha uu la kulmay Saciid Deni waxaa ku jiray Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya. Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland ayaa si weyn uga warbixiyay muhiimadda wixii ay ka wadahadleen Saciid Deni iyo xubnaha maamulka Puntland ku matala golayaasha dowladda. Dhawaan ayey aheyd markii Saciid Deni uu la kulmay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha ku saabsan doorashada iyadoo Villa Soomaaliya iyo aqalka sare ee matala dowlad goboleedyada aysan isku dhinac aheyn. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Saciid Deni iyo wasiirada kasoo jeeda Puntland? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bogaadiyay galaangalka siyaasadeed oo ay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho. Danjire Yuusuf wuxuu dareensan yahay in aad loogu baahan yahay wakhtigaan oo kale in masuuliyad weyn la iska saaro wadanka, isla markaana wuxuu ku baaqay in is-aragga, wadahadalka iyo is-qancintu ay tahay natiijo aad u wanaagsan. Yuusuf wuxuu ku baaqay inaan ka shaqeyno horumarinta iyo cadaalad ku noolaansho garashada iyo tabarta Soomaalida la jirta. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA YUUSUF GARAAD: Waan bogaadinayaa galaangalka siyaasadeed ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee socdaalkooda ku wehliyaa ay ka wadaan caasimadda. Waxay toos ula falgaleen Hey’adaha iyo Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeya Dowlad iyo mucaaradba. Waxaan aamminsan ahay marxalad kasta oo dalku uu marayo in is-aragga, wadahadalka iyo is-qancintu ay ka jawi iyo natiijo wanaagsan yihiin kala maqnaashaha iyo is-qaaddacaadda xataa haddii qiil loo heli karo. Dalka waan wada leennahay, laguna kala guuri maayo. Waa in aan aqoonnaa si aan u nabadeyno oo macnaheedu uu yahay si aan isu nabadgelinno. Si aan u horumarinno, uguna noolaanno sida ugu dhow caddaaladda ee ka suurta gal ah garashadeenna iyo taagteenna, annaga oo maanka ku hayna in wakhtigu uu socdo. The post Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri galaangalka siyaasadeed ee wafdiga Deni ay ka wadaan Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
-
Haweeney Maraykan madow iska dhigi jirtay oo qiratay in ay Yahuud tahay Jessica Krug Aqoonyahan Maraykan ah oo ku takhasustay daraasaadka Afrika iyo dadka reer Afrika ee qurbe joogga ah ayaa sheegtay in ay been ka sheegtay isirkeeda oo aanay ahayn qof madow. Jessica Krug oo ah bare wax ka dhigta Jaamacadda George Washington, ayaa qirtay in ay tahay haweenay Yuhuudiyad caddaan ah, kuna dhalatay magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka. “Noloshayda oo dhan waxaan waday been ay colaad ku dheehantahay oo ka dhan ah dadka madow, eray kasta oo aan idhaahdana been buu ahaa.” Arrinteeda waxay aad iskugu mid yihiin Rachel Dolezal, oo ah qof u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka cad oo sheegan jirtay in ay tahay qof madow. Dolezal waxaa arinteeda markii ugu horraysay warbaahinta tebiysay sannadkii 2015-kii, waagaas oo waalidkeedu fashiliyeen oo ay sheegeen in isirkeedu caddaan yahay. Haweenaydan hore ugu ololayn jirtay xuquuqda madaniga ah, sidoo kalena dhigi jirtay daraasaadka Afrika, ayaa sannado badan iska dhigi jirtay in ay tahay qof Maraykanka madow ah, laakiin waxay sheegtay in ay “tahay qof caddaan ah”. Maqaal ay ku qortay website-ka Medium, maalintii Khamiistii, ayay Jessica Krug ku sheegtay in ay isirkeeda been ka sheegtay oo “wax aanay xaq u lahayn sheegatay”. Waxay ku tilmaantay in hab dhaqankeeda uu ahaa “colaad yuururta, tuugonimo iyo is been farriinka ay dadka aan madowga ahayni iskaga dhigaan ee ku sheegtaan in ay madow yihiin oo dhaqamada iyo isirkooda si xun u adeegsadaan.” Waxaanay intaa ku dartay in ay xataa beenteedaas gaadhay in ay nafteeda u sheegto oo ay saamaysay nolosheeda qof ahaaneed iyo teeda qoysnimo ba. Waxa ku kallifay beentaa ayey ku sababaysay arimo cudurrada dhimirka ah iyo dhibaatooyin kale oo ay soo martay bilowgii nolosheeda, in kasta oo ay sheegtay in aanay waxaas marmarsiiyo u noqon karin falkaa ay ku kacday. Maqaalkeedaa, Krug, kuma ay sheegin wax sabab ah oo ay u cuskatay go’aankeeda ah in ay qirato khiyaamadeeda iyo wakhtigan ay ku soo beegtay toona. Haseyeeshee, Hari Ziyad, oo qora qisooyinka filimada ayaa ku sheegay qiraalkeeda “sababtu waa in la ogaaday beenteedii”. “Jessica Krug waa qof aan u haystay in aan saaxiib nahay ilaa subaxnimadan markii ay telefoon ii soo dirtay ee ay ii qiratay wax kasta oo ay maqaalkaa ku qortay. Wanaag dartii umay falin arintaa,” ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka. Sida ay wararka warbaahintu tibaaxeen, Krug waxay sidoo kale adeegsan jirtay magaca ah Jessica La Bombalera markay u dhaqdhaqaaqayso xuquuqda madaniga ah. Muuqaalo sannadkan horraantiisii internet-ka lagu baahiyey midkood ayaa muujinaya iyada oo si cadho leh u dhaliilaysa dadka caddaanka ah ee reer New York oo ay ku duraysay in ay ka gaabiyeen in “ay wakhtigooda wax ugu taraan dadka madow iyo kuwa Aasiyaanka ah ee ku dhaqan New York”. Jaamacadda George Washington oo ay Jessica Krug ka dhigto daraasaadka Afrika iyo Caribbean-ka iyo sidoo kale taariikhda qurba jooga Afrika, ayaa sheegtay in ay “ka war qabto” maqaalka ay Krug ku qortay majalladda Medium, laakiin aanay faalo dheeraad ah ka bixinayn arinta. Qaran News
-
Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka. Siihayaha Wasiirka oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sameynta hal manhaj oo ku baxa luqadda afka Soomaaliga ay tahay in ardayga uu ku barbaaaro dhaqankiisa iyo aqoon guud oo ku qoran Soomaali. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka View the full article
-
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku shigeen rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo xalay weerar ku soo qaaday saldhigyada ciidamada ee ku yaalla duleedka degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/ Hoose. Ragga la qabtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa lagu soo warramayaa in loo gudbiyey saldhigga degmadaasi, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo dheeraad ah. Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa sheegay inay ka war-hayeen qorshaha weerarka lagu soo qaaday, balse ay ka hortageen. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
-
Maxamed Sheekh Cusmaan oo ah xeer ilaaliyaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubnaland ayaa shaaciyey inay baaris ku bilaabeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, kuwaas oo loo heysto inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq iyo wax isdaba-marin. Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa sheegay in aysan jirin cid ka weyn sharciga, isla markaana Xafiiskooda uu bilaabay baaritaannada la xiriira dad galay dambiyo kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa la xiriira musuq maasuq. Sidoo kale wuxuu tilmaamau in ay muhiim tahay in Hay’adaha garsoorka Jubbaland ay bilaabaan dacwad qaadista dadka loo heysto dambiyada kala duwan, sida kuwa madaniga ah iyo kuwo kale si cadaalad loo helo. “Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu dabagal ku wadaa dambiyo badan oo Musuq ah oo ka dhacay Dowlad Goboleedka Jubbaland, meel wanaagsan ayay baarista inoo mareysaa, waxaana rajeyneenaa in aan cadaaladda horgeyno madaxda iyo xubnaha kala duwan ee isdabamarinta sameysay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guyd ee maamulka Jubbaland. Ma shaacin xeer ilaaliyuhu magacyada mas’uuliyiinta ay baarista musuq maasuq ku bilaabeen, hayeeshee wuxuu cadeeyay inay wadaan howlaha baarista ah. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Shabeelow oo hoostaga magaalada Bacaadweyn ee gobolkaasi. Dagaalka oo geystay khasaare xoog leh ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana dagaal kala hortagay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi. Ugu yaraan 15 ruux oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida uu Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyey guddoomiyaha Bacaadweyn, Axmed Daahir. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay haatan xaaladdu dagan tahay, islamarkaana ay dib laabteen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Waa markii saddexaad oo Shabeelow ay ku dagaalamayaan maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka deegaankaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/warka-Duhur-04092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa faah-faahiyay go’aanka ka wasaarad ahaan kaga aadan ardayda wax ka barata Puntland ee aan ka qeyb qaadan imtixaanka shahaadiga ah. Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu mar kale ku celiyay ineysan shahaado la siin doonin ardayda aan galin imtixaanka dowladda, sidoo kalana wuxuu ugu baaqay maamulka Puntland ineysan siyaasadeyn waxbarashada caruurta. Wuxuu aad ugu cel-celiyay inuu aad uga xun yahay in ardayda maamulka Puntland aysan heli doonin shahaadada dugsiga sare, maadaama aysan isku miisaan noqon karin ardayda imtixaanka dowladda laga qaaday ee maamullada kale ka tirsan. Sidoo kale sii hayaha wasiirka waxbarashada wuxuu ugu baaqay Puntland iney qaataan manhajka cusub oo ay wasaaradda waxbarashada bixineyso. Wuxuuna cabsi badan ka qabaa in dhaqanka maamulka Puntland ee siyaasadda galinaya waxbarahsada caruurta iney dhaliso tafaraaruq aan u wanaagsaneyn waxbarashada ardayda reer Puntland. The post Wasiir Goodax oo go'aan ka gaaray waxa laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka first appeared on Caasimada Online.
-
3 September 2020: Shirkadda Jubba Express, oo ka mid ah xawaaladdaha sida xawliga ah u koraya iyo WorldRemit, oo ah shirkadda hogaaminaysa bixintalacagaha adduunka ayaa isku xirmaya si ay soomaalidda u siiyaan fursad ay ku helaan lacagaha ay u soo direen qoyskoogga iyo asxaabtoodda ku kala nool in ka badan 40 Wadan oo adduunka ah oo ay kujiraan Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Austraaliya, New Zealand, Kanadda iyo Yurub. Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, qiyaastii $ 1.4 bilyan lacag xawaaladdeed ah ayaa loo soo diraaSoomaaliya sanadkii oo ay u soo direen qiyaastii labadamilyan oo ku nool qurbaha. Xawilaadda lacagaha oo ka ah 24% waxsoosaarka guud ee wadanka waxa ay kaalinmuhiim ah kaga jirtaa horumarka iyo nolasha dad badanoo soomaali ah si ay helaan cunno, hoy, waxbarasho, addeeg caafimaad iyo sii waditaanka ganacsiyadoodayar yar. “Waxaan ku faraxsanahay in aanu awoodno siintafursadan qaaliga ah Soomaalida. Wadashaqayntashirkaddaha Juba Express iyo WorldRemit awgeedwaxa aanu xoojinaynaa in macaamiisha oo dhami ay heli doonaan addeeg xawaaladeed oo aamin ah, degdegsiimo iyo waayo-aragnimo qiimo la tartami karasuuqa.” Sidaa waxa yidhi Cali Rashid, MaamulahaHorumarinta Ganacsiga, Shikadda Juba Express. “Soomaaliddu waxa ay si fudud lacag ugu diri karaanwaddankii iyaga oo og in ay caawinayaan qoyskooggaiyo asxaabtooda si ay ugu abuuran fursado cusub oomuhiim u ahaa xubin kastoo qoyska ka mid ah. Sidaawaxaa yidhi Axmed Tani, Agaasimaha Wadanka eeShirkadda WorldRemit. Intaa waxaa dheer, xidhiidhkani waxa uu dardargelin doonaa kobocadhijitaalka ah ee xawaaladdaha.” Habka lacag bixinta ee WorldRemit wuxuu u oggolaanayaa macaamiisha in ay lacag u diraanSoomaaliya si Dhigital ah 24/7 markay doonaan sidegdeg ah oo amaan ah iyaga isticmaalaya barnaamijkatelephoonka ee WorldRemit ama barta internetka ee ah www.worldremit.com. Qaataha lacagtu uma baahna in uu haysto telefoon-ka casri-ga ah waxaanu si sahlan uga qaadanayaan lacagtaxarumaha iyo laamaha xawaaladda Juba Express eeguud ahaan Soomaaliya. WorldRemit waxay kula talineysaa macaamiisheediihore in ay dib ula soo degaan barnaamij-ka telefoonkanoociisii ugu dambeeyay ee google play ama app store-ka. Marka ay cusbooneysiistaan barnaamij–ka, Macaamiishu waxa ay dooran karaan sidii ay lacag ugudiri lahaayeen Soomaliya iyaga oo ka dhex dooranayawaddamada lacagta loo diro, ka dibna galinaya xadigalacagta ay dirayaan iyo faahfaahinta qaataha si ay u dhamaystiraan dhaqdhaqaaqa Macaamiisha ku sugan Soomaaliya iyada oo loo soomarinayo WorldRemit waxay lacagta ka heli karaanqoyskoogga iyo asxaabtooda ku nool in ka badan 40 ka waddan oo aduunka ah. Booqo mareegta WorldRemit siaad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsansidii lacag loogu diri lahaa soomaaliya ama la soodeg barmaamijka aaladda telefoonka ee IOS amaAndroid. Source: goobjoog.com
-
Laba arrimood oo ku saabsan sida kacbada loo dhaqo Sannad kasta waxaa la qabtaa Munaasabad lagu dhaqayo gudaha kacbada Kacbada barakaysan gudaheeda waxaa la dhaqaa sannadkii seddax goor, waana arrin soo billaabatay xilligii Nabi Maxamed NNKH. Markii ugu horreysay ee la dhaqay waxay ahayd xilligii ay Muslimiinta qabsadeen magaalada Makah iyo kacbada. Waxaana ka dhaxlay dawladihii muslimiinta ee u kala dambeeyay sida khulafadii, Umawiyiintii, Cabaasiyiintii, Cusmaaniyiintii, iyo Boqortooyadan Reer Aala-Sacuud. Bilowgii qarnigii 18-aad waqtigii ay dhalatay boqortooyadan saddexaad ee Reer Aala-Sacuud ee uu hogaaminayay Boqor Cabdicasiis ayaa laga dhigay in Kacbada sannadkii laba jeer la dhaqo, waxaana loo kala qeybiyay 15-ka bisha Muxaram ee tirsiga islaamka iyo 10-ka Shacbaan. laakiin sannadkii 2016-kii ayaa la joojiyay markii labaad, waxaana lagu dhigay oo kaliya 15-ka Muxaram oo kaliya. Haddaba shalay ayaa la nadiifiyay. Qaabkee loo dhaqaa kacbada? Amiir Khalid Al-Faysal oo ka tirsan boqortooyada ayaa nadiifiyay kacbada. Wuxuu ka dhaqay gudaha iyo bannaanka isagoo ku tirtiray maro yar oo la dhexgeliyay biyo la isku daray oo ah Zamzam iyo Maa’ul Wardi. Diyaargarowga sida loo dhaqo wuxuu bilowdaa maalin ka hor xilliga nadiifinta waxaana la sii diyaariyaa biyaha la isku daray oo lagu sii dhexdaray Cuud iyo barfuun. Taawello ama shukumaan ayaana dhaqidda oo dhan loo adeegsadaa. Sannadkan waxaa nadaafinta hoggaaminayay Sheekh Khaalid Al-Faysal oo ah amiir ka tirsan Boqortooyada. Waxaa ka qeybgalo marti sharaf sare oo ka socota boqortooyada iyo amiirka Makah. Ka dib marka ay baxaan martidaas, waxaa lagu daboolaa marada xariirka ah ee madow oo si fiican loo dhaqay. Hannaanka dhaqidda oo dhan waxaa lagu soo gebagebeeyaa laba saacadood. Gidaarka gudaha ee Kacbada waa laba mitir oo dherir ah, waxaana ku xiran maro xariir oo cagaar ah. Laakiin sannadkan maydhista Kacbadu, waxa ay ku soo beegmatay waqti uu dunida ku faafay cudurka COVID-19, sidaa darteed safiirada dawladaha muslimiinta laguma soo casuumin, waxaana kacbada dhaqaya oo kaliya Amiir Khaalid Al-Faysal oo ah lataliyaha gaarka ah ee boqorka ahna Amiirka Gobalka Makkah. Ninka waxaa soo wakiishay Boqor Salmaan, waxa kale oo ku wahelinaya Sheekh Sudaysi, shaqaalaha xaramka iyo qolada haysa furaha kacbada oo loo yaqaano (saddanada kacbada) ama reer Bani shayba. Sannad walba, waxaa Kacbada dhaqa boqorka dalka ama mas’uulka uu u soo wakiisho in uu munaasabadaa uu ku matalo iyo wakiilada 57-da ee dowladood ee muslimiinta ah waana safiirada dawladaha muslimiinta u fadhiya Sacuudiga. Yaa hayo furaha Kacbada? Furaha kacbada waxaa la soo kala dhexlayay tan iyo wakhtigiii Nebi Ibraahim ee uu kacbada dhisay. Furaha waxa loo dhiibay Nebi Ismaaciil, waana la isku soo kala wareejinayay illaa xilligii Qureesh uu gacantooda galay. Ilaaliyaha furaha Kacbada, Sheekh Salex Al Shayba oo shalay furayay albaabka si loo nadiifiyo. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”. “Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray: “Furahaasi waxaa hayay ninkii beesha u waynaa oo la odhan jiray Cusmaan ibnu abii-Dalxa. Waxa jirtay qiso dhex martay isaga iyo Nebi Muxamed (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wakhtigii ay diinta Islaamka cusbayd. Wuxuu Nebigu ka dalbay inuu Kacbada u furo wuuna u diiday, markaas ayuu nabigu ku yidhi ‘waxa imaan doonta maalin aan kaa qaado’.” Ka dib markii dhaqidda ay dhammaatay, waxaa al-baabka xiray Odeyga haya furaha Dhawr iyo toban sanno ka dib sannadkii Muslimiinta ay qabsadeen Makah, ayuu Nebiga ka qaaday furihii kacbada odeygii hayay, wuuna furay ka dibna waa la nadiifiyay. Furaha kacbada, nabiga kama wareejin reer Banuu Shayba oo illaa iyo hadda haya, waxayna furaan xilliyada la nadiifinayo. Reerkaas ayaa masuul ka ah waxa loo garanayo ‘Sudnah’ taa oo micneheedu yahay daryeelka guud ee kacbada iyo furidda iyo xiriddeeda. Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah. Furaha Kacbada “Furaha Kacbada waa muhiim, taariikh ahaan iyo diin ahaanba. Wuxuu furaha leeyahay kiish u gaar ah oo la geliyo oo ay hayaan reerkaas iyo Golaha Shuurada,” sida uu sheegay Dr Maxamed al-Zulfah oo la hadlay Al-Carabiya. Al-Zulfah oo ku takhasusay taariikhda Islaamka, wuxuu sheegay in qaabka furaha uu is bedledelo. “Madxaf ku yaalla Turkiga waxaa yaallo 48 fure oo la uruurinayay tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halka Sacuudiga uu hayo Laba fure oo koobi ah oo dahab laga sameeyay. Dhaqida kacbada waxaa u daawasho tagi jiray dad badan balse sannadka fayraska Corona dartiis, waxaa la joojiyay munaasabadda daawashada ee nadiifinta kacbada. Qaran News
-
Muqdisho ( Faallo ) – Way adag tahay in la saadaaliyo miraha siyaasadeed oo ay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ka goosan karaan isbahaysiga siyaasadeed waayo isbahaysiyada siyaasadeed ee Soomaalidu waxay badanaa ku salaysan yihiin ka jawaabista xujooyin siyaasadeed. Dhanka doorashada marka la eego Puntland iyo Jubaland wax badan iskuma biirin karaan haddii doorashadu ku salaysnaan doonto habka awoodqaybsiga 4.5. Beel ahaan waxay ka tirsan yihiin afarta beelood oo awoodda siyaasadeed isa siiyay, weliba awoodda beeleed ee Puntland iyo Jubaland waa mid lagu haysto. Nasiib bay leeyihiin haddii ay 50% codadka xildhibaannada soo xulaan. Waa wax ay ugu dambayn ku gorgortami doonaan. Tirada codadkaas may aha mid siyaasi ama xisbi lagula toloobi karo siyaasad ahaan. Isbahaysi shiday siyaasadda Soomaaliya: Axmed M. Islaan (bidix) iyo Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo durbaba ololaynta siyaasadda ka billaabay Muqdisho, wuxuu ku tilmaamay caasimadda meel isbeddel uusan ka dhicin afartii sano oo ugu dambeeyay. Dib u habaynta amniga, la xisaabtanka madaxda, la dagaallanka musuqmaasuqa uma muuqdaan Deni. Muu oga inuu weerar siyaasadeed ku qaaday maamulka Gobolka Banaadir. Gobollada Koonfureed aad ayay ugu faa’iideen mashaariicda horumarineed halka Puntland ay la rafanayso dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso. Puntland madaxdeedu waxay kala garan waayeen xaqa horumarineed ee dadka reer Puntland oo ah mid dowladda Federaalku asyan is hortaagi karin, iyo isqabqabsiga siyaasadeed kala dhexeeya Muqdisho. Tusaale Puntland waxay xoogga saartaa arrimmaha siyaasadda si ay iskugu ekeysiiso maamul la xisaabtami kara Dowladda Federaalka dadka Puntland oo aan la xisaabtami karin dowladda fadhigeedu Garoowe yahay. Madaxweyne Axmed Madoobe hadalladiisu uma kulkulula sida kuwa Deni. Wuxuu og yahay inuu Madaxweyne u yahay maamul beelo kala duwani wada leeyihiin, iyo in aan loo madaxbannaanayn doonin soo xulista xildhibaannada waayo doorashadiisii baa dhalisay muran weli taagan – isagu wuxuu isu arkaa in afar sano la doortay; Dowladda Federaalku waxay u aqoonsatay maamul muddo xileedkiisu dhammaad ku dhow yahay. 2018kii Cabdiweli Gaas baa ku qanciyay Axmed Madoobe inuu gogol dhigo Kismaayo si gole iskaashi oo maamul federaaleedyadu leeyihiin loo unko. Madaxweyne Deni wuu taageeeray Golihii Iskaashiga Maamul Federaaleedyada hase ahaatee wuxuu Golihii raacay Gaas. Isbahaysiga Puntland iyo Jubalad wuu firfircoonaysiiyay siyaasadda Soomaaliya. Weli lama hayo maamullo kale ama siyaasiyiin kale oo dabka ku qabsday Puntland iyo Jubaland. Malaha qaar baa aamminsan in dabayl siyaasadeed ay baqtiin doonto isbahaysiga Puntland iyo Jubaland. Xasan Mire Daahir ( Xasaneey) Faalladni waxay xambaarsan tahay aragtida qoraha oo keliya. May aha aragtida Puntland Post. The post Isbahaysiga Puntland iyo Jubaland oo sii shiday siyaasadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xubno ka socda Beesha Caalamka. Guddoomiye Guuleed Saalax ayaa la kulmay xubno ka kala socday safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund). Labada dhinac ayaa iska xog waraystay dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021. Beesha Caalamku ayaa bogaadisay hormarka ay Puntland ka gaartay dimuqraadiyadda oo ay ugu horrayso jiritaanka ururo siyaasadeed, kuwaas oo tartanka gelidoona sannadka dambe. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ballanqaaday inay wax walba oo suuragal ah la garab istaagi doonaan Puntland si ay uga hirgasho hannaanka dimuqraadiyadda. PUNTLAND POST The post Nairobi: Guuleed Saalax oo la kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo Maanta ka dhacay Degaanka lagu magacaabo Shabeellow oo ka tirsan Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug. Dagaalka ayaa bilowday karb markii dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degaanka Shabeellow waxaana Dagaalkaas ka dhashay Khasaare kala duwan. Goob-joogayaal ku sugan Shabeellow ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab dib looga riixa Degaanka kadib dagaal socday in ka badan shan saacadood oo xiriir ah kaas dhexmaray Al-shabaab iyo Shacabka Degaanka. Khasaaraha kala gaaray labada dhinac ayaan weli xog sugan laga helin waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Turkiga ayaa soo dhoweeyay kulan maalinimadii shalay dhexmaray Madaxweynaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas iyo hoggaanka qeybaha Bulshadaasi ee gudaha iyo dibadda. Kulankaan ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha Israel ee ay dooneyso in ay la wareegto deegaano hor leh waxaa qadka Internetka uga qeybgalay Madaxda ku sugan Ramallah iyo Beirut. War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay ahmiyadda iyo mudnaanta howlaha dib-u-heshiisiinta iyo dhiirigelinta qadiyadda reer Falastiin waxaana intaa la raaciyay inTurkigu uu sii wadi doono inuu dhiiri gelinta dadaalka loogu jiro gaaritaanka midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiiniyiinta. Maamulka Falastiin iyo kooxaha wax iska caabinta ayaa cambaareeyay heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil waxayna sheegeen inuusan u adeegeynin qadiyadda Falastiin ayna iska indha tirayaan xuquuqda Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post Turkiga oo taageeray midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Team Europe: Germany and European Union jointly support African Union’s response to COVID-19 As part of the EU’s global coronavirus response, test kits were delivered by an EU Humanitarian Air Bridge flight in August ADDIS ABABA, Ethiopia, September 3, 2020/ — The Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) received additional 500,000 COVID-19 test kits from the German Government through the Federal Ministry for Economic Cooperation and Development (BMZ). As part of the EU’s global coronavirus response, the test kits were delivered by an EU Humanitarian Air Bridge flight in August. The shipment is part of a 10 million Euro immediate in-kind support to African Union in response to the ongoing COVID-19 pandemic. In total, almost 1.4 million kits for the extraction and detection of SARS-CoV-2 virus will be made available to African Union Member States through this initiative. Mr Gerd Müller, Minister of Development Cooperation of the Federal Republic of Germany, said on the occasion: “We will either beat the coronavirus together worldwide – or not at all. This is why we are supporting the African Union through the German Epidemic Preparedness Team in a cooperation with the EU. Africa CDC coordinates the procurement of life-saving testing equipment for African Union Member States. They also play an important role in training African healthcare workers. With our support to the ‘Partnership to Accelerate COVID-19 Testing (PACT)’, we make sure that testing is made widely available. We stand by our friends in Africa in the fight against coronavirus.” In a Team Europe effort, the EU and Germany are joining hands to help the African Union PACT initiative in delivering its COVID-19 tracing and testing objectives. “Through the EU Humanitarian Air Bridge, the European Commission continues to work hand in hand with Member States to support vulnerable countries amidst the coronavirus pandemic. It is in our common interest to tackle the pandemic worldwide. We are committed to ensuring effective delivery of essential medical equipment to the countries that need it the most. This specific consignment will be able to reach a large number of countries as it will support the African Union continental response,” said Janez Lenarčič, EU Commissioner for Crisis Management. The kits delivery is part of the larger Team Europe support to Africa’s continental response to COVID-19. In June, Team Europe provided EUR 10 million to support implementation of the Africa Joint Continental Strategy for Coronavirus Outbreak. The fund will particularly facilitate the deployment of healthcare workers and rapid responders for surveillance, laboratory testing and case management at country level as well as the strengthening of the Africa Continental Taskforce for Coronavirus. “Partnership is key to winning the battle against COVID-19 locally and globally because no country can manage the pandemic alone. That is why as a continental body, Africa CDC is working with several partners and exploring all markets to unlock the supply chain system for diagnostics and medical supplies for African Union Member States, and we are delighted to see the Government of Germany and the European Union coming out strongly to support our initiatives,” said Dr John Nkengasong, Director of Africa CDC. Background The test kits have been sourced by the German Epidemic Preparedness Team (SEEG). The SEEG was initiated in 2015 by BMZ in cooperation with the Federal Ministry of Health in response to the West African Ebola crisis. The SEEG brings together the Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ) GmbH, the Charité, the Robert Koch Institute and the Bernhard Nocht Institute for Tropical Medicine. In addition to providing testing materials, the Africa Centres for Disease Control and Prevention and the SEEG will team up for External Quality Assessments in the designated African reference laboratories, using the provided test kits for benchmarking and accreditation of quality and effectiveness of testing in Africa. The total Team Europe global response package stands at EUR 36.5 billion, combining resources from the EU, its Member States, the European Investment Bank and the European Bank for Reconstruction and Development. This support focuses on addressing the immediate health crisis and the resulting humanitarian needs; on strengthening partner countries’ health, nutrition, water and sanitation systems and their research, preparedness and response capacities; as well as on supporting them in alleviating the social and economic consequences of the crisis. At least EUR 6.8 billion is supporting countries in Africa. Additionally, a considerable part of the overall Team Europe guarantees of EUR 2.9 billion will also benefit Africa. Distributed by APO Group on behalf of African Union (AU). SOURCE African Union (AU) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay mid ka mid ah waayihii ugu adkaa ee mudooyinkan, waxaana socda loolan xooggan oo salka ku haya doorashada soo socota, sidii loo qaban lahaa iyo cidda ku guuleysan lahayd. Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku soo urureysa dad kooban oo ah kuwa ugu miisaanka culus kuwaas oo ka kooban laba isbaheysi oo mid uu yahay isbaheysiga dowladda, halka kan kalena uu yahay mucaaradka, oo dhinacyo kala duwan leh. Siyaasiinta mucaaradka ayaa xoogeestay, kadib markii qaar badan ay dhowaan soo gaareen Muqdisho, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan soo gaaraan caasimadda. Mucaaradka maa lahan wax hadaf siyaasadeed ah oo mideeya, marka laga reebo inay ka siman yihiin inay kursiga ka tuuraan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Mucaaradka siyaasiinta ah ee hadda Isbaheysiga ah ee halka dhinac kasoo jeeda ayaa waxaa ku jira. 1) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 2) – Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed 3) – Ra”iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo aan wali banaanka isa soo dhigin, balse hadda galay xeendaabka mucaaradka. 4) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan safar ku iman doona Muqdisho. 5) – Afhayeenkii hore ee baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowaan soo gaaray Muqdisho. 6) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. 7) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. 8) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo hadda aad ugu xirmay Madasha Xisbiyada Qaran. 9) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo hoggaamiya xisbiga Ilays. 10) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi 11) – Sen. Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka 12) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah ganacsade talooyin siiya mucaaradka. Xildhibaano, wasiiro hore iyo siyaasiin kale ayaa sidoo kale qeyb ka ah Isbaheysiga mucaaradka ah. Dadka aan soo sheegnay ayaa qaarkood si toos ah banaanka iyo kulamada siyaasadda uga qeyb gala halka qaar kalane ay gadaal ka fadhiyaan waxa socda balse ay qeyb ka yihiin abaabulayaasha. Isbaheysiga labaad ayaa ah kan muxaafadka ah ee dowladda, waxaana gebigiis uu ka kooban yahay xubno dowladda ku jira, oo ay ka go’an tahay inay talada dalka sii hayaan ama dib loo soo doorto. 1) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hoggaaminaya muxaafadka islamarkaana ah qofka hagaya aragtiyadooda siyaasadda. 2) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. 3) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey. 4) – Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 5) – Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. 6) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. 7) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. 8) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho inkastoo miisaankiisa dhanka siyaasadda aad u yar yahay. 9) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, oo lagu tiryo Villa Somalia, inkasta oo maalmihii dhowaa u muuqday inuusan sidii hore ku ahayn. 10 – Cali Cabdullaahi Guudlaawe, oo madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, balse ay dowladda u diyaarineyso madaxweynaha HirShabeelle. Waxaa jiro Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo aan ilaa hadda meelna lagu xisaabin maadaama uu kursiga ka degayo. Labadan isbaheysi ayaa ee iska soo horjeeda ayaa isku haya siyaasadda Soomaaliya, waxaana muuqata in aad loogu loolami doono tartanka doorashada. The post Yey yihiin labada isbaheysi siyaasadeed ee isku haya siyaasadda Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka inuu xabsiga dhigo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tix-geliyo codsigiisa, islamarkaana uu xiro Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho. “Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xidhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku inay dacwad ka taallo, islamarkaana uu dad badan dilay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si xaq-darro ah ku heyso xil-ka, islamarkaana uu cadaallad darro ku hoggaaminayo maamulka Jubbaland. View the full article