Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,733
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. London (Wararka PP) — Shirkadda xaawaladda WorldRemit ayaa iibsatay Sendwave, oo ah shirkad xawisha lacagaha. Sendwave waxaa sanadkii 2014kii asaasay Durbin Drew oo kaashaday saaxiibkii Lincoln Quirk. Ujeeddada shirkaddu waxay ahayd in dadku si fudud lacago iskugu diri karaa iyagoo telefoonka gacanta adeegsanaya. WorldRemit waxay si rasmi ah ula wareegaysaa shirkadda marka hay’adda korjoogteynta tartammadu oggolaato. “WorldRemit iyo Sendwave waxay wadaagaan ujeeddada u fududaynta dadka inay lacag isu diraan” ayuu yiri Breon Corcoran, oo ah madaxa WorldRemit. Ismaaciil Axmed: Asaasaha WorldRemit Intii u dhexeysay Juunyo 2019 iyo Juunyo 2020 WorldRemit waxay dirtay lacag ku dhow 7.5 bilyan oo doollar. WorldRemit iyo Sendwaves shatiyadooda lacag dirista Maraykanka gudahiisa ayaa dhan in ka badan 100 shati. Ismaaciil Axmed, oo ah dhaqaaleyahan Soomaaliyeed, ayaa asaasay WorldRemit 2010kii. Ismaaciil waa halabuure ganacsi oo saamayn-badan leh sida ka muuqata horumarka WorldRemit samayaysay toban sano gudahood. © Puntland Post, 2020 The post WorldRemit oo iibsatay Sendwave appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa goor dhaweyd lagusoo dhaweeyey Aqalka sare Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Gudoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi ayaana soo dhaweeyey. Madaxweynuhu wuxuu goor dhow oo maantoo [...] The post Sayid Axmed Madoobe oo la hadlaya Senetorada Aqalka Sare appeared first on . Source
  3. Agaasimaha Radio Daljir Xarunteeda Garoowe, Khadar Cawl Ismaaciil iyo weriye Cabdiqani Axmed Maxamed (Fantaastik), oo isna ka tirsan Idaacadda Daljir, ayaa Maanta lagu xiray Magaalada Garoowe. Labada suxufi, ayaa xabsiga la dhiga xilli ay doonayeen, in ay Maxkamadda Garoowe su’aalo ka weydiiyaan cabasho ka soo yeertay Qoyska Marxuumad Hodon Shanlayste, oo Shalay dhaliil u jeediyay Hannaanka Caddaaladeed ee Maxkamadda. Qoyska Hodon Axmed Maxamed , waxay cabasho ka muujiyeen Go’aankii Maxkamadda Garoowe ku sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa kiiskii Marxuumadda, kuwaas oo sida Maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay. Hodon Shanlayste, waxay ahayd gabar xaas ah oo Garoowe kufsi iyo dil loogu gaystay 10-kii April 2019, islamarkaana mudda sannad iyo laba bilood ah Kiiskeedu soo jiitamayay. PUNTLAND POST The post Weriyaal lagu xiray Garoowe appeared first on Puntland Post.
  4. Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saacadihii ugu dambeeyay degaannada Puntland laga helay 40 xaaladooda oo Covid-19. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in 72 saac ee la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya laga helay 52 xaaladood oo caabuqa Covid-19, oo 40 kamid ah ay ku sugan yihiin Puntland, halka 12 xaaladood oo kale laga kala helay Jubbaland, Somaliland iyo Muqdisho. Wasaaradda caafimaadka Puntlanad ayaa ilaa hadda wax war ah ka soo saarin 40 qof ee degaanada Puntland ku sugan ee laga helay Covid-19. Inkasta oo ay hoos u dhacday khatartii Covid-19 ee caalamka, hadana weli waa xannuun halis ah oo ka jira dunida. PUNTLAND POST The post Puntland: 40 qof oo laga helay Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay Axmed Xuseen Nuur (Keyse), kaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin-jebiyey Jaamacad. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xalay ay marxuumka ku dileen xaafadda Buulo-Xuubey, kadibna ay goobta isaga baxsadeed. Ragga dilay marxuumka oo gaareyey illaa 3 nin ayaa ahaa burcad, kuwaas oo doonayey inay taleefoonka ka qaataan wiilkaasi dhalinyarada, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay toogashada, waxaana kadib ay ka qaateen Mobile-kii uu watay wiilkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jiro cid ay u soo qabteen falkaasi. Geerida Axmed Keyse ayaa waxaa si weyn uga naxay ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, maadaama ay isku soo xigsadeen maalmaha dabaal dega ee qalin-jebinta iyo geeridiisa. Arrintan ayaa qeyb ka dhan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Muqdisho, waxaana degmooyinka qaar ee xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geystaa dadka rayidka ah. The post Axmed Keyse oo lagu dilay Muqdisho maalmo kadib qalin-jebintiisii Jaamacada first appeared on Caasimada Online.
  6. Xafladda Doorashada oo si heersare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galeen masuuliiin ka socotay golasha Shaacabka Heer federal iyo heer dowlad goboleed, wasiiro,Guddiga Olombiakda Soomaaliyeed, Xiriirada Heer qaran, maamulka Gobolka Banaadir, Naadiyada iyo Xiriirada kubadcagyaraha Maamul-Gobleedyada dalka, halyeeyada Isboortiga qeybahooda kale duwan, hobollada Waaberi iyo marti sharaf kale. Xilka Guddoomiyaha oo ay u codoeynayeen 19 Xubnood waxaa u tartamay Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi iyo Saalax Maxamed Naaji, waxaana 17 cod ku guulaystay Xaaji Aadan Cabdule Mahdi halka 2 Cod uu helay Saalax Maxamed Naaji. Guddoomiye ku xigeenada waxaa u tartamay 3 musharax oo kala ahaa Xasan Cabdi Goodax, Abuukar Xasan Yuusuf iyo Cabdi Xakiin Xuseen Islow,Xasan Cabdi Goodax oo helay 17 iyo Abuukar Xasan Yuusf oo helay 13 Cod ayaa ku guulaysatay halka cabdixakiin Xuseen Islow uu helay 2 cod. Xubnaha oo ay u taagnaayeen 5 xunbood oo laga doonayay 4 xubnood waxa tanasulay Cabdulqaadir Maxamed Sugoow, waxaana cod gacan tag ah loogu codeeyay Cabdi Maxamed Xasan, Cabdulqaadir Xaaji Dacar, Saacid Cabdi Xuseen iyo Ikraan Cabdullaahi Maxamed. Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi oo shanti sano ee lasoo dhaafay ahaa xoghayaha Xiriirka ayaa sheegay in qorshe ballaaran oo horumarineed uu xiriirka diyaarsaday isla markaana ay horumarin ka sameyn doonaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo la sheegay inuu dil ka geystay gobolka Minnesota. Saraakiisha Cashuuraha iyo Xuduudaha Mareykanka ee garoonka diyaaradaha ee Dulles ayaa qabtay ninkaan isagoo isku dayayay inuu raaco diyaarad u socota Turkiga isagoo kusii jeeda Soomaaliya. Saciid Sharif Maye ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha shil baabuur oo dhacay 24-kii bishoo hore, shilkaas oo uu ku geeriyooday Idris Ali Yussuf, oo 31 jir ahaa. Sida laga soo xigtay waaxda Kastamka Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha, Maye waxaa xabsiga loo taxaabay 28-kii Ogosto isagoo isku dayayay inuu u raaco diyaarad u socota Turkiga si uu ugasii gudbo Soomaaliya. Casey Durst, Agaasimaha Waaxda Howlgallada ee Baltimore, ayaa sheegay Xadhigani inuu muujinayo sida howlgalka amniga xuduudaha ee Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ay u taageeraan la-hawlgalayaashooda sharci fulinta iyadoo la qabanayo dadka baxsadka ah ee la sheegay in ay ka cararayaan dacwad oogista. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday fulinta shuruudihii uu Madaxeynaha Jubbaland hordhigay furitaanka shirka wada-tashiga ee Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashada 2020/2021. Axmed Madoobe ayaa shuruudihii uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa in dib loo soo celiyo ciidamada dowladda ee la geeyey gobolka Gedo, waxaana iyada oo taas laga duulayo ay keentay in dowladda dhexe ay u yeerto mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolkaasi, gaar ahaan xubnihii la magacaabay, kadib markii ciidamada maamulka Jubbaland laga saaray degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in maanta oo Axad ah ay Muqdisho soo gaari doonaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo degmooyinka gobolkaas, si marka hore looga wada hadlo in la soo daad gureeyo ciidankii la geeyey gobolkaasi bilihii la soo dhaafay. Sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo yeeray, islamarkaana ay maanta imaanayaan gudaha caasimada. Arrintan waxa ay ku timid, kadib markii qorshahaasi uu si weyn Axmed Madoobe ugu taageeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, waxayna sababtay in shirku uu dib u dhoco, sababo la xiriira is mari-waaga u dhexeeyey dhinacyadaasi. Waxa kaloo jirta in dowladda federaalka ay aqbashay in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamullada HirShabelle, Galmudug iyo K/ Galbeed, taas oo iyana ka mid ah shuruudaha ay miiska soo saareen hoggaamiyeyaasha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuuqata mid sii fur-furmeysa, waxaana la filayaa in shirka Muqdisho lagu soo waaro war-murtiyeed mideysan oo ku aadan sida loo wajahayo marxalada kala guurka ah, looguna diyaar garoobayo doorashada soo socota 2020/2021-ka. The post DF oo billowday fulinta shuruudihii A/Madoobe iyo mas'uuliyiin loo yeeray first appeared on Caasimada Online.
  9. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynayaasha maamulllada Puntland iyo Jubbaland ayaa Madaxweyne Farmaajo kaga guulleystay laba qodob oo halis ku ah siyaasadisa, kadib tanaasullo uu sameeyay 24-kii saacadood ee ugu danbeeyay, iyadoo aan si rasmi a loo furin shirkii la filayey inuu dhex maray saddexda dhinac. Qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahaa in Madaxweyne Farmaajo kulan saddex geesood ah la yeesho Saciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, isagoo kala doodaya waxa ay ka qabaan Heshiiska Doorashada ee Dhuusamareeb 3. Kadib markii ay tallooyinkooda soo jeediyaan, shir kale Madaxweyne Farmaajo isugu yeedho madaxda saddex Maamul Gobolleed ee saxeexay Heshiiskii Dhuusamareeb 3, taasoo keeni lahayd inay iska hor yimaadaan maamul Goboleedyada. Xaaladii ayaa is bedeshay, waxaana Saciid Deni iyo Axmed Madoobe la yimaadeen Qorshe sababay inay burburaan kaadhadhkii siyaasadeed ee uu ciyaarayey Madaxweyne Farmaajo. Waxaa marka hore ay diideen inuu furmo kulankii ay rabtay Madaxtooyada, waxayna la yimaadeen shuruudo ay ka mid yihiin: arrinta Gobolka Gedo iyo in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamul Goboleedyada kale. Madaxweyne Farmaajo oo waqti ku socdo, lagana sugayo inu soo magacaabo Ra’iisul wasaare wuxuu aqbalay inuu wada-xaajood ka galo arrinta Gobolka Gedo iyo inuu casuumo madaxda Maamul Goboleedyada kale. Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-madhnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3 Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kala ah dib doorashadiisa oo mugdi ku jiro iyo dadaalkii uu ku bixiyey Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ah. Heshiiskii DHuusamareeb 3 ee madaxda ka maqan la sugi waayey, waxay natiijadiisii noqotay in toddobaadyo kaddib in la soo bilaabo, iyadoo markan aanu waxba yeedhin karin ee lagu dhegan yahay. Madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Madoobe waxay si weyn u barteen, una daraaseeyeen Qorsheyaasha Madaxweyne Farmaajo waxaa muujinaya sida ay Beesha Caalamka uga faa’iideysteen iyo siduu u shaqeeyay qorshihii ay wateen oo hadda u nqoday guul siyaasadeed. Source
  10. (SLT-Berlin)-Dowladda Germany oo xilligan heysa Guddoonka Midowga Yurub ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu doonayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dhawaan sumeeyey mid kamid ah hoggaamiyayasha mucaaridka Putin oo hada jiifa cisbitaal ku yaalla magaalada Berlin, Germany. Hoggaamiyaha Mucaaridka Ruushka, Mr.Navalny ayaa bishii lasoo dhaafay xanuunsaday xili uu saarnaa diyaarad uu kasoo raacay Siberia kuna sii jeeday Moscow, ninkan ayaa maalmo kadib loo ogolaaday in loo qaado cisbitaal ku yaalla Berlin, Germany. Dhakhaatiirta Jarmalka ee baadhitaanka ku sameeyey ninkan ayaa xaqiijiyey in la sumeeyey, arrintan oo dib usoo nooleysay cambaareynta Midowga Yurub ee ku aadan xukuumada Ruushka ee Vladimir Putin oo horey sidan oo kale loogu eedeeyey in ay khaarijinta mucaaridkooda u adeegsadaan sunta halista ah ee loo yaqaan [Novichok]. Suntan Novichok ayaa ah mid ay soo saareen oo ay khaarajinta u adeegsan jireen Sirdoonkii Sofiyeetka. Dowlada Ruushka ayaa iyadu iska fogeysay eedeynta ah inay sumeysay hogaamiyahaasi mucaaridka, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Lavrov ayaa sheegay in Germany ayna weli la wadaagin dowladiisa xogta baadhitaanka ay sameeyeen. Source
  11. Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijiyada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkan ay ka qaybgaleen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir. Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho. Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis. View the full article
  12. Mogadishu (HOL) - The regional governments of Puntland, Jubbaland, Hirshabelle and Southwest have opposed the election of the Somali Mini Football Association, which was held on Saturday in Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib muddouu ku sugnaa Muqdisho. Madaxweynaha ayaa golaha u jeedin doona khudbad, waxaana uu siin doona warbixin ku aadan xaalada guud ee maamulka Jubbaland, maadaama goluhu matalaadiisu tahay danaha maamul goboleedyada dhanka federaalka. Golaha ayaa horay kulan ula qaatay warbixinna uga dhageystay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo isaguna ku sugnaa Muqdisho, waxaana weli aan furmin shirkii Muqdisho ee looga hadli lahaa arrimaha doorashada. Madaxweyne Madoobe ayaa maalmihii tagay kulamo gaar gaar ah la lahaa Villa Somalia , kaas oo lagu xalinayey tabashada maamulka Jubbaland ee ku aadan faragelin ay sheegeen federaalka uu ku sameeyey gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxa Xalay ka laga dhoofiyay 25,000 kun oo neef oo geel ah kuwaas oo loo iib-geeyay Khaliijka. Markabka sida xoolahan ayaa dhammaantood geyn doona dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo loo iib-geeyay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda dekedaha Puntland. Sidoo kale gudaha dekedda waxa haatan ku xiran doonyo kale oo u diyaarsan in ay maalmaha soo socda xoolaha u daabulaan dalalka Khaliijka gaar ahaanna Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dekedda Boosaaso ayaa laga soo sheegaya mashquul saa’id ah xilli maalmaha soo socda laga dhoofin doono kumanaan neef oo xoolaha kala duwan ah. PUNTLAND POST The post 25,000 neef oo geela oo xalay laga dhoofiyay dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta hortegaya guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa warbixin ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaaladda dalka iyo safarkiisa magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale farriin u diray Senatorada, isaga oo ku war-geliyey in kulanka maanta uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland. Maalin ka hor ayey aheyd markii Aqalka Sare uu tegay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, kaas oo khudbad xasaasi ah u jeediyey xildhibaanada Golahaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli uusan si rasmi ah furmin wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, bals waxaa haatan la filayaa inay ku soo biiraan Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. View the full article
  16. Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey toogasho iyo israsaaseen xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada , kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo rag hubaysanaa sida aan ku helayno wararka. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Cabdullaahi Shiilow ayaa sheegay in ay israsaaseentu imaatay kadib markii ciidamadu ka war heleen sedex nin oo miino ku aasayey wado kamid xaafadda Suuq-bacaad. “Sedex nin oo ku hubeysan Bastoolado isla markaana xambaarsan miinooyinka war lagu qarxiyo, ayaa waxaa xogtooda helay xiidamada Nabad-sugidda ee degmada Yaaqshiid. Markii ay xogta heleen ciidamadu waxaa ay u dhaqaaqeen howlagal, waxaana israsaaseen ay dhex martay ciidamada iyo raggii miinooyinka xambaarsanaa waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah ragii, waxaana la helay miinooyinkii” ayuu yiri Shiidoow. Miinooyinka lagu aaso intaba wadooyinka magaalada caasimadda ah Muqdisho ayaa waxaa badan la la eegtaa gawaarida ay wataan mas’uuliin ka tirsan dowladda, wolow mararka qaar ay dhaqdo in ay dad shacab ah wax ka soo gaaraan, xalay fiidkii hore miino la geliyey agagaarka Sayidka ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray labo ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Maanta oo Axad ah la kulmaya Gudoonka iyo Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshaysan Khudbad dhinacyo badan u jeedin doona Golaha waxaana la filayaa in Khudbaddiisa uu ku soo qaado Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay Madaxweynaha Jubaland su’aalo ka weydiiyaan Arrimaha kala duwan ee uu kaga hadli doono Khudbadiisa. Aqalka Sare waxaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo khudbad uu u jeediyay kaga hadlay Xaaladda Puntland iyo sidoo kale Arrimaha Doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Maanta Khudbad u jeedinaya Golaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda Sanaag-bari, ayaa sheegay in aanay xaq iyo caddaalaad ahayn in kuraasta Golaha Wakiilada Beelaha Somaliland ay aad ugu kala bataan oo farqi aad u badani u dhexeeyo. Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Gobolka Sanaag, waxaanu soo jeediyey in Gobolkaasi u baahan yahay in wax badan oo ka dhiman loo qabto, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doodayadii aan Golaha hortiisa ka soo jeediyey waan ka badheedhay oo si qoto dheer ayaan uga hadlay Xeerka Doorashooyinka ee hadda Golaha hor yaalla, waxaan ku sheegay in Beelaha Somaliland wada degaa aanay isku xaq iyo isku xuquuq ku ahayn kuraasta Golaha Wakiilada, maxaa yeelay xaq maaha in Beeli ay kuraasta ku yeelato dhawr iyo konton kursi, beelaha kalena ay ku wada yeeshaan afar iyo labaatan kursi oo qudha, markaa haddii Somalilandnimadu dhab inaga tahay waa in Dastuurka dib loo furaa, oo Beelaha wax tabanaya tabashadooda wax laga qabtaa, saamigoodana la siiyaa.” Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaynu ka war qabno Somaliland isku tanaasul ayay heerkan ku soo gaadhay, markaas Somaliland oo mid ah haddii la rabo waxaa la inooga baahan yahay in la saxo wax walba oo khaldan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gobolka Sanaag, waa Gobolka Somaliland ugu balaadhan, waa Gobolka Somaliland ugu baaxadda weyn, haddana waa wax badan tabanaya oo duruufo adagi ka jiraan, waa Gobol u baahan in sare loo soo soo qaado xaalado baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo wixii la midka ahba, maxaa yeelay hadda dhibaatooyinkii ka taagnaa kama tagna ee Gobolku wuxuu u baahan yahay in sare loo soo kiciyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira oo laga fuliyo maashiirico horumarineed..” Source
  19. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo-Xuubey ee degmadaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xuseen ayaa waxaa la sheegay inay toogteen kooxo hubeysan oo doonayey inay dhac u geystaan marxuumka. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo gaarayey illaa saddex nin ay ku amreen Axmed inuu taleefoonka dhiibo, balse uu ka diiday, taas oo keentay dilkiisa. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Idaacadda Shabelle u sheegay inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa caasimadda ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo uu ugu dambeeyey midkii xalay ka dhacay agagaarka isgoys sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-0692020.mp3 View the full article
  21. Donald Trump's former lawyer, Michael Cohen, believes the president will "do anything and everything" to remain in office, even if it meant he had to " start a war." Source: Hiiraan Online
  22. Sii hayaha xilka xilka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Laba mas’uul ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qaadan lahayd Horumarinta Galmudug. Sido kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Wasaaradaha heer Federaal iyo kuwa heer Dowlad Goboleedka Galmudug. Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ayaa isna Madaxda Galmudug ku amaanay shaqadii ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay in ay garab u noqon doonaan hormarrada ka socda Galmudug. PUNTLAND POST The post Sii haya Xilka Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay isk hor imaad xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay is-rasaaseeyeen koox la sheegay in miino ku aasayeen wado dhex-marta Suuq Bacaad iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in la toogtay mid ka mid ah raggii aasayey miinada, halka ay baxsadeen labo kale, sida uu xaqiijiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Yaaqshiid Cabdullaahi Yuusuf Maxamed Shiilow oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal. Shiilow ayaa sheegay in ciidamadu ay heleen xogta raggaasi, kadibna ay qaadeen howl-gal qorsheysan oo ay uga hortageen falkaasi. “Ciidamada ammaanka waxa ay heleen xog sirdoon oo ah in Miino la gelinayo wado suuq bacaad katirsan oo ay si gaar ah u isticmaalaan madaxda Degmada, durba waa ay ka jawaabeen, markii ay meesha tageen waxa ay israsaaseyn kala kulmeen kooxda miina dhigeysay oo qof laga dilay, halka ay baxsadeen labo kale oo lagu daba-joogo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Yaaqshiid. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inar wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu suganayo amniga guud ee degmadaasi. Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayey muddooyinkii la soo dhafaay weerarada qaraxyada ah, waxaana kii ugu dambeeyey uu xalay ka dhacay agagaarka isgoyska sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. The post Is-rasaaseyn khasaare geysatay oo ka dhacday magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  24. The fight against the novel coronavirus in Africa may have reached another gear but claims of shadowy activities around funds earmarked for the crusade have persisted. Source: Hiiraan Online
  25. The IGAD Climate Prediction and Applications Centre (ICPAC) has warned that new swarms of the desert locust are forming in the Eastern Africa region. Source: Hiiraan Online