Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee Danab oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa la sheegay in ay halkaasi ku dilay horjoogayaal iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab. Hawlgalka oo laga fuliyay tuulada Sahan-yarey oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeellada hoose ayaa lagu dilay laba horjooge iyo lix dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay Saraakiisha Danab. Labada horjooge midkood oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Awoowe waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeellada hoose halka kan kale oo magaciisu yahay Abu-qadaab uu isna qaabilsana qaraxyada gobolka Shabeellada hoose. Saraakiisha Danab waxay sidoo kale sheegeen in hawlgalka lagu burburiyay maxkamad Al-shabaab leeyihiin oo halkaas ku taallay islamarkaana gacanta lagu dhigay liis ay ku qoran yihiin garsoorayaashii maxkamaddaas. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo hawlgal ku laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  2. Franco-Somalian business leader Abshir Aden Ferro has urged Somalia to put off parliamentary elections for at least four years, warning that holding polls in December could drive the country into the hands of the al-Shabaab terror group. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda war-murtiyeed ka soo saaraan shir mudda laba cisho ah uga socday Magaalada Muqdisho. Shirka oo soo bilowday habeen hore, ayaa ku saabsan dhammaystirka Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, gaar ahaanna Jadwalka Doorashada 2020/2021 iyo dhismaha guddiyadii ka shaqayn lahaa Doorashadaas. Wararkii u dambeeyay ee Villa Somalia laga helayo, waxay sheegayaan in isfaham laga gaaray Shirka, islamarkaana la isku afgartay dhismaha saddex gudddi oo ku shuqul leh Arrimaha Doorashada. Saddexda Guddi, waxay kala yihiin Guddiyada Doorashada heer Federaal & heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada kuwaas oo ay kala magacaabi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada. War-murtiyeedka Shirka, ayaa la filayaa in lagu caddeeyo Qodobada ay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Muqdisho. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  4. Assistance must be sustained through December 2020 to prevent Crisis or Emergency outcomes for 2.1M people, says report Source: Hiiraan Online
  5. President Trump's supporters on Wednesday broke into a "lock her up" chant about Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) as the president warned of the dangers of allowing refugees to resettle in Minnesota Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii baahsana ee doorashooyinka ee lagu gaaray Villa Somalia. Xasan ayaa dul istaagay arrimo uu sheegay inay dib udhac keenayaan oo ku jiray heshiiskaasi, kaasi oo ku qotoma xiliga ay qabsoomeyso doorashadu oo si rasmi ah loo cadeyn. Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin hab cad oo lagu sheegay heshiiskaasi oo loo soo xulanayo baarlamaanka iyo qaabka ay u kala gudbayaan xildhibaanada. Xasan ayaa qaba in mad-madow badan uu ku jiro heshiiska lagu gaaray Villa Somalia, oo u baahna in si cad loogu bayaaniyo qoddobada ay sida wada-jirka ah u soo saareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku. “Waxyaabo badan oo tafaasiila ka dhiman heshiiskaasi, oo waxa weli u dhiman waxyaabo badan oo u baahan in la cadeeyo, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda la dhameeyo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuuna soo jeediyay in shirar kale ay isugu imaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si waxyaabaha yar-yar ee mugdigu ku jira loo cadeeyo. Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in laga shaqeeyo qaabkii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi, iyada oo dib u hagaajin lagu sameynayo, xili uu meel-mariyay baarlamaanku. The post XASAN SHEEKH oo ka hor-yimid dhowr qodob oo ka mid ah heshiiskii doorashada first appeared on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale si ba’an u weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska waddanka Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa Ilhaan Cumar ku eedeeyay in ay tahay qof musuq maasuq badan haddana ka sheekaynaysa sida dal loo maamulo. “Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo laba sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo.” Sidoo kale Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti. Wuxuu kale oo sheegay in Mr Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada’ PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta keentay in heshiis 15-qodob ka kooban ay wada gaaran madaxda dowladda federaalka iyo kuw maamulada dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa 17-kii September heshiis ku gaaray Villa Somalia, kaasi oo xal kama dambeysa ah looga gaaray khilaafkii baahsanaa ee ka dhashay qabsoomida doorashada. Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba in sababtii u weyneyd ee heshiiskaasi loo gaaray ay aheyd “in laga baaqsado dib u dhac ku yimaada qabsoomida doorashada.” Gaas ayaa qaba in heshiiskaasi uusan wax badan ka duwaneyn nidaamkii doorasho ee 2016-kii. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi uu meesha ka saarayo muddo kororsi dheer, haddii labada dhinac ee heshiiskaasi gaaray ay si daacad ah uga wada-shaqeeyan fulintiisa. “Sababta hadda loo gaaray heshiis noocan ah oo dib ugu laabanaya midkii 2016-kii, oo wax yar-yar un laga badalay oo aan badneyn, Sida; tirada ergada oo la kordhiyay oo keliya, waxay tahay sababtu anigu sidan fahamsanahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto” ayuu yiri C/weli Gaas. Waxa kale oo uu xusay in suurto-gal tahay in dhowr bilood oo kooban ay dib u dhacdo doorashadu, taasi oo ku sheegay arrimo farsamo oo dib uga ridi kara waqtiga loo asteeyay doorashada. Hadalka Cabdiweli ayaa imanaya xili uu soo baxayo mad-madow ku jira heshiiskaasi dhawaan lagu gaaray Villa Somalia, maadama uusan si dhab ah u cadeyneyn xiliga la soo dooranayo baarlamaanka iyo mudada ay soconeyso doorashadu. The post C/Weli GAAS oo shaaciyay arrin uu meesha ka saaray heshiiskii VILLA SOMALIA first appeared on Caasimada Online.
  9. Taariikh Kooban:Wax ka baro Amiirka cusub ee loo dhaariyay dalka Kuwait Golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa maanta dhaariyay Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir kaas oo xilka amiirka wadankaas sii hayay inta uu xanuunsanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo shalay ku geeriyoday dalka Mareykanka. Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-Jaabir ayaa dadka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida ku timid walaalkiis, wuxuuna sheegay inuu gudan doono waajibaadka saaran. Waxa ugu horreeyo uu qaban doono waa iney xukuumadiisa agaasinto aaska amiirkii geeriyooday oo diyaarad khaas ah lagu keenayo magaalada Kuwait. Waa Kuma amiirka cusub? Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir waa 83-jir ku dhashay magaalada Kuwait 25-kii June 1937, waana walaalka amiirkii dalka Kuwait ee geeriyooday, sidoo kale waa abaanduulaha ciidamada militariga Kuwait. January 2006 ayaa loo magacaabay inuu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada Kuwait sida uu qabo sharciga qoyska reer Sabah, isagoo 25-jir ah ayaa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Hawali sanadkii 1962-dii. Wuxuu soo maray wasaaradda arrimaha gudaha iyo sidoo kale wasaaradda difaac. Qaran News
  10. Bisad mucjiso ku noqotay nin safar ku marayay dunida Markii uu Dean Nicholson, oo horay u ahaa kubadda Rugby-ga u ciyaara Scotland, xirxirtay alaabtii uu ku aadayay safar dunida daafaheeda ah, wuxuu rajeynayay in safarkaas uu ka heli doono khibrad noloshiisa baddasha. Laakiin ninkan 31-ka jirka ah ma uusan ka warqabin in xayawaan yar oo afar lugood leh uu la noqon doono saaxiib noloshiisana baddali doono abid. Dean, oo kasoo jeeda magaalada Dunbar, wuxuu dhibsaday nolosha ku saleysan shaqada la aado 9-ka subaxnimo ee laga soo baxo 5-ta galabnimo, wuxuuna go’aansaday inuu baaskiilkiisa kusoo maro guud ahaan caalamka. Dean Nicholson wuxuu xiriir deg deg ah la yeeshay bisadda lagu magacaabo Nala Wuxuu ka tagay Scotland, isagoo safarkiisa ugu horreeyay ku aaday Amsterdam. Wuxuu sii maray dalalka Belgium, Giriigga, Switzerland iyo Talyaaniga ka hor inta uusan Doon weyn u raacin waddanka Croatia. Kaddib wuxuu usii safray Bosnia, halkaasoo uu kula kulmay xayawaanka noqon doona saaxiibka sarafka la wadaagi doona. Dean wuxuu BBC-da laanteeda Scotland ku yiri: “Waxay ahayd maalin iska caadi ah. Waxaan isku diyaarinayay inaan u gudbo Montenegro, baaskiilkeyga ayaana ku fuulayay meel buur ah. “Waxaan maqlay bisad iga daba dhawaaqeysa oo i daba ordeysa. Way i bursaneysay ilaa inta aan buurta ka fuulayay. Marka waan istaagay, meel gees ah ayaan dhigtay baaskiilkii, laakiin bisaddii agteyda ayey imaatay mana aysan iga dhaqaaqeynin. Waan soo qabtay waxaan dhex fariisiyay qeybta hore ee baaskiilka, waxaana u kaxeystay magaaladii ugu sokeysay. Waxaan raadiyay inay cid kasoo luntay. Just a cat, a bike and the open road “Laakiin ma jirin cid xannaaneysan jirtay. Islamarkiiba garabkeyga ayey soo fuushay wayna huruday, markaasna waxaan go’aansaday inaan saaxiib ka dhigto. Way ii raacday safarkeyga intii iiga harsaneyd oo dhan.” Qorshihii hore ee uu ku damacsanaa inuu sida ugu dhakhsiyaha badan ku tago Thailand wuxuu ka baxay daaqadda, sababtoo ah Dean waxaa saameyn isbaddal ah ku keentay bisadda uu ku magacaabay Nala. Isagoo ka hadlaya Austria ayuu yiri: “Waxay i bartay inaan safarkeuga ka dhigo mid aan deg deg ku soconin, si fiicanna aan nolosha ugu raaxeysto muddo ka dheer sidii aan markii hore damacsanaa. Inay iyada ila saaran tahay baaskiilka waxay igu soo kordhisay inaan tartiib u socdo, oo mararka qaar intaan meel istaagno isla ciyaarno. Marka aan meelaha xeebta ah soo gaarno waxay jeceshahay inay ku oroddo oo ay ku ciyaarto. Nala waligeed horay uma aysan yeelanin baasaboor Ninkan iyo bisaddiisa waxay ku safreen masaafe dhan 10,000 oo meyl. Dean wuxuu ku khasbanaaday inuu baasaboor u sameeyo bisaddiisa, si ay meel kasta oo dunida ka mid ah ula safarto. Mararka qaar saaxiibaddiis ayaa go’aamisa xilliga la baxayo. Labadooduba waxay aad u jecel yihiin xeebaha Dean wuxuu yiri: “Nooma suuragalin inaan waddanka Iiraan safar ku maro, sababtoo ah hoteelladooda ma oggola in bisad lala galo. qorshaheenna hadda waa inaan u safarno dhinaca Ruushka.” Meel kasta oo ay tagaan, Dean iyo Nala waxaa kusoo xooma dad badan. Dadka deegaannada uu taga jooga waxay aad u xiiseeyaan bisadda yar ee la safreysa ninka baaskiilka wata. Mararka qaar waxay ku jirtaa dambiil ku xiran baaskiilka, mararka qaarna waxay saaran tahay Dean garabkiisa. . Dadka markii ay arkaan Dean iyo bisaddiisa way istaajiyaan, si ay u arkaan xayawaankan cajiibka ah. Waxay labadooduba noqdeen mowduuc si weyn loogu falanqeeyo baraha bulshada. Waxay heleen ilaa 800,000 oo ku taxan, maalin kastana waxaa usoo dhaca in badan 1,000 farriimood. 150,000 oo subscribers ah ayey ku leeyihiin Youtube, taasoo u suuragalisay in ay helaan xayeysiimo lacag badan usoo xareeya. Qaran News
  11. Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa waxa kusoo biiray boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka mucaaridka Suuriya oo laga diray dalka Turkiga, sida uu baahiyey hogaamiye ka tirsan mucaaridka Suuriya. Maleeshiyaadkaasi ayaa lagu soo waramayaa in laga soo diray dalka Turkiga, ayaa waxay gacan weyn siin doona ciidamada Azerbaijan ee dagaalka kula jira Armenia. Ziad Hajj Obeid, oo kamid ah taliyaasha xooga mucaaridka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa arrintaasi sheegay xili uu wareysi gaar siinayey telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq. Arrinta Ciidamada ee uu shaaciyey Zaid ayaa gebi ahaanba ka gows adeygay qirashadeeda dalalka Turkiga iyo Azerbaijan. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa sidoo kale maalintii talaadadii sheegtay in ciidan ka badan saddex boqol lagu daabulay Azerbaijan, oo lagu tiriyo in muddo badan xulafo la aheyd Turkiga. Xiisada dagaal ee ka dhex oogan Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta galay maalintii Afaraad, xili ay wararku sheegayaan inay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof oo ay ku jiraan dad shacab ah. Dagaalka labada waddan ayaa ku qotoma muran ka dhashay gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan, hase-yeeshee dadka degan ay kasoo jeedaan Armenia. The post Maxaa ka run ah ciidanka cusub ee la sheegay inay kusoo biireen DAGAALKA Azerbaijan iyo Armenia? first appeared on Caasimada Online.
  12. Go’aan laga soo saaray dacwad loo heystay mas’uuliyiin lagu eedeeyay burburinta masaajid Lal Krishna Advani (Bidix) iyo Uma Bharti (Midig) ayaa sanado badan dacwaddan wajahayay Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa go’aamisay in wax danbi ah aanay gelin mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga haya talada oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhacdo lagu burburiyay masaajid sanadkii 1992-dii. Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Hindiya LK Advani iyo hogaamiyeyaal ka tirsan xisbiga BJP oo kala ah MM Joshi iyo Uma Bharti ayaa beeniyay in ay ku dhiirigeliyeen shacabka Hinduuga inay burburiyaan masaajidka Babra ee ku yaallay magaalada Ayodhya. Qalalaasihii ka dhashay burburinta masaajidka waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 2,000. Waxay tallaabadaas kamid aheyd dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee xisbiga garabka midig ee u jaanjeera Hinduuga. Maxkamadda ayaa maanta wax dambi ah ku waaysay 32 qof oo kamid ahaa dadkii lagu soo eedeeyay dhacdadan, 17 qof oo kamid dadkaas ayaa geeriyooday xilli ay socotay dacwaddooda. Maxkamadda waxay sheegtay in caddeymo buuxo aanan loo heyn arrinta ah in horey loo soo qorsheeyay burburinta masaajidka. Waa sawirka masaajidka oo koox dhalinyaro ah ay burburineyso sanadkii 1992-dii Dadka Hinduuga ayaa rumaysan in goobta uu masaajidkan ka dhisan yahay ay tahay goobtii uu ku dhashay ninka ay caabudaan ee, Lord Ram, waxayna doonayaan in halkaasi ay macbad ka dhistaan. Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maxkamada ugu sareysa dalka Hindiya ay xukuntay in lahanshiyaha goob uu ku yaalay masaajid lagu wareejiyo dadka haysta diinta Hinduuga. Maxkamada ayaa amartay sidoo kale in Muslimiinta la siiyo goob kale oo ay masaajid ka dhistaan. Bishii Agoosto, Ra’iisul wasaare Narendra Modi ayaa dhagax dhigay macbadka Hinduuga ee laga dhisayo dhulka masaajidka, waana tallaabo kamid aheyd ballan qaadyada xisbiga haya talada ee BJP, waxay aaminsan yihiin in macbadkan uu yahay astaan muujineyso qaranimada dadka Hinduuga. Guddiga arrimaha sharciga qaabilsan ee u doodo muslimiinta Hindiya ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare. Dad badan oo indhadheeyo siyaasadda Hindiya waxay sheegayaan in arrintani ay sare u sii qaadi karto gacan bidxeynta iyo tabashada ay qabaan muslimiinta gaaraya 200 malyan ee laga tiro badan yahay ee ku nool Hindiya. Hogaamiyeyaasha mucaaradka iyo siyaasiyiinta qaar ayaa dhaleeceeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda. Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasi oo la xiriiray ictiraaf raadinta Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan dood uu ka qeyb-galay, kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyey Somaliland, isagoona sheegay in Somaliland oo muddo dheer raadineysay Aqoonsi, aysan heli doonin, maadama ay kamid tahay dhulweynaha Soomaaliya. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan ictiraaf uga baahneyn maamulka taagta daran ee Xamar, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna ku tilmaamay hadalka Farmaajo, mid aan loo meel dayin oo macno buuran aan sameynayn oo nasiib darro ah, maadama uu sifo aan sax aheyn uu ku fuulay xilka u sarreeya dalka. “Yarka Farmaajo ee sida qaladka ah ku yimid Muqdisho ayaa yidhi Somaliland la ictiraafi maayo isagoo ku xumaynaya, waa Nasiib-darro Waayo? Somaliland Ictiraaf kama baryayso Farmaajo,” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Markii dagaalku socday adeerkii (Siyaad Barre) ayaa odhan jiray Midnimo midnimo, waanu ka xoog badnaa, haddana waynagaa ka qaadnay dalkeenii, Somaliland Gacanta ayaanu ku dhignay, Dhiig iyo Dhidid ayaanu u hurnay Gacanta ayaanu ku haynaa, adeerkaa wuxuu waxba nagaga qaadi waayay diyaarado, Calooshood u shaqaystayaal uu keensaday, Bambooyin buu nala dhacay, laakiin Banaan cad baanu marinay, Adiguna kalmad aad ka soo tidhaahdo Xamar oo aad qoxooti ku tahay oo aad berri ka tagaysid waxba ka soo qaadi mayno.” Faysal ayaa waxa kale oo ku hanjabay in kursiga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey inay meesha ka saari doonaan oo ay kala wareegi doonaan, wallow uusan faah-faahin badan ka bixin. Wuxuuna sheegay inay Somaliland dadaal badan ku bixineyso sidii ay ula wareegi laheyd Kursigaasi, maadama ay tahay dal madax-banaan, sida uu hadalka u dhigay. “Kursiga aad ku fadhidaan khalad weeye, waayo? waynu wada dalbanay (Kursiga Qaramada Midoobay), laba dal baa dalbaday, dalna wuu jiraa midna ma jiro, dalkii aan jirin baa la siiyey Kursigii, laakiin waanu ka daba tagaynaa,” ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray “Sidii Taiwan looga saaray Qaramada Midoobay, waxaanu ballan ku qaadnay inaanu Qaramada Midoobay idiinka saarno oo aydaan fadhiisan. Waxba Af nagaga qaadi maysid, waxba nagaga qaadi maysid Facebook iyo Ciyaal lacag la siiyo.” The post Faysal Cali Waraabe oo hanjabaad yaab leh oo QM la xiriirta u jeediyey Somalia first appeared on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in shirka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uu meel wanaagsan marayo, kuna dhow yahay in lasoo geba-gebeeyo. Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Labada guddi ee hore ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii madaxtooyada lagu gaaray 17-kii September, hase yeeshee waxaa lasoo kordhiyey guddiga xalinta khilaafaadka, oo shaqadiisu noqon doonto inuu xaliyo wixii ay isku qabtaan labada guddi ee heer federal iyo heer gobol. Labada guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa si wadajir ah u maamuli doona doorashooyinka. Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Labada guddi ee kale ee doorashada ayaa waxaa kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada. Guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa waxaa markii heshiiska doorashada lagu ansixinayey baarlamanka soo jeediyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari. Dhinaca kale, warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo badinayo in loo magacaabo guddoomiyaha guddiga doorashada dad-ban ee heer federaal. The post Saddex guddi oo la dhisayo iyo wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Xoosh oo ah ganacsade ka shaqeeya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada, iyadoo ay jir dilayaan afar askari oo boolis ah ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta loo jir dilay. Xuseen oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in subixii Talaadada ee shalay uu askari ka tirsan booliska ka howlgala gudaha garoonka is hor taag ku sameeyey mid ka mid ah shaqaalihiisa, kadibna uu lasoo xariiray isaga oo ka cabanaya askariga. Waxa uu sheegay in markii uu u tegay askarigii mar kale uu ka diiday inuu u fasaxo wiilkii ka tirsanaa shaqaalihiisa, intaas kadibna uu kula murmay sababta uu ugu diidayo isagoo ganacsade ah wiilkaas ka tirsan shaqaalihiisa inuu soo galo garoonka. “Waxaan ku iri askari sharci nakala hagaa ka jira meeshaan, 10-sano ayaan ka shaqeynayey garoonka ee sharciga ilaali, intaas markaan dhahay waxaan ka war-helay askarigii oo dharbaaxo igu dhuftay iyo isagoo dhahaya hala dilo, kadib waxaan soo baraarugay anigoo dhulka aalla oo afar askari ay i jir dilayaan” ayuu yiri Xuseen Xoosh oo ah wiil dhalinyaro ah oo ganacsi ku dhex leh garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Xuseen ayaa cadaalad dalbaday, waxuuna ka codsaday taliska booliska Soomaaliya in garoonka la geeyo askar anshax leh, maadaama uu yahay muraayadda dalka. Waxa uu sheegay in kiiskiisa uu soo farageliyey taliyaha booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax Bashiir, isla markaana uu lasoo wadaagay in afartii askari ee jir dilka kula kacday ay xiranyihiin. Hoos ka Daawo wareysiga The post Daawo: XUSEEN XAASHI, ganacsadihii lagu jir dilay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo xog bixiyey first appeared on Caasimada Online.
  16. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka tanaasulay damaciisii ahaa in uu u tartamo guddoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ka agdhow Mr. Saylici. Wararku waxay intaas ku darayaan in Saylici berri qaban doono shir warbaahineed oo uu ku faahfaahinayo arrintaasi. Saylici ayaa loolan adag kala kulmay wasiirka ganacsiga Somaliland Mr. Saajin. Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-30092020.mp3 View the full article
  18. During one of the more charged moments of the chaotic US presidential debate, former Vice President Joe Biden dropped a phrase from everyday Muslim and Arab vocabulary and lit up the internet. Source: Hiiraan Online
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saakay barqadii dab xoog leh oo ka dhashay bakhaarro lagu keydiyo shidaalka ayaa qabsaday dhowr goobood oo ganacsi, kuwaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Maamulka magaalada Dhuusamareeb ayaa khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaas ku sheegay lacag dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo dollar) iyo hal nin oo lug ka jabay intii lagu howlanaa deminta dabkaas. Dhuusamareeb malahan wax gadiid dab-demis ah, balse wax ka yar 24-saac ayey dadka reer Dhuusamareeb ku go’aansadeen inay ku iibsadaan gaadiid dab-demis ah. Iyagoo iska uruuriyey inta badan lacagtii uga bixi laheyd. Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in khasaarihii maanta ay wax badan ka barteen, sida ugu dhaqsaha badana ay dab-demis u iibsan doonaan. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo goobta tegay intii dabku socday ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay kharashka lagu soo iibinayo gaadiidka dab-demiska ah ku biirinayaan lacag dhan $22,000. Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in hadda ay meel gaba-gabo ah u mareyso uruurinta lacagtaas, isla markaana saacado gudahood ay ku soo iibsan doonaan gaadiid dab-demis ah. Sanadkan gudihiisa waa markii seddaxaad oo magaalada Dhuusamareeb uu dab ka kacay goobo ganacsi, isla markaana loo waayey wax lagu demiyo, sidoo kale waxaa xusid mudan in gabi ahaanba degmooyinka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aysan ka howl-gelin wax gaadiid dab-demis ah. Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/Guddoomiyaha-Magaalada-DHuusamareeb-.mp3The post Kadib khasaarihii maanta gaaray dadka Dhuusamareeb oo qaatay go'aan culus first appeared on Caasimada Online.
  20. The US-trained Somali special forces [Danab] have executed an operation in the Lower Shabelle region, south of the country on Wednesday, targeting key Al-Shabab base. According to the military sources, the troops have peacefully wrested control of Leego area, the scene of the deadly Al-Shabaab attack on AMISOM outpost on 26 June 2015. The takeover came after Al-Shabab pull out. The Leego attack, one of the biggest against AU troops in Somalia left more than 70 Burundi soldiers dead while dozens wounded by armed Al-Shabab militants during the raid. Somali army backed by AMISOM and AU stepped up operations in the region as part of the government plan to liberate all areas still under Al-Shabab control. View the full article
  21. Hargeisa (PP Commentary) — The leader of Khatumo Movement Dr Ali Khalif Galaydh seems to have been let down by the President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed, who was unable to answer a question about how MPs and Senators from Disputed Territories could be selected for 2021 elections?. The Federal Government under President Farmaajo promotes a North-South dialogue. That might explain his reticence about a contentious question. Neither the Federal Government nor Somaliland Government recognises the Disputed Territories designation. Only aid agencies use the label to remind aid workers of risks involved when working or visiting territories claimed by Puntland and Somaliland. Most of the territories are under the control of Somaliland Administration. Galaydh (left) failed to cash on the informal recognition from Puntland under President Abdirahman Farole. Dr Galaydh said he had been let down by the former Somali President Hassan Sheikh Mohamud who did not give Khatumo the institutional support its leaders expected of the Federal Government. Khatumo came on the scene in 2012 — twenty years after Somaliland unilaterally seceded from Somalia, and eleven years after Puntland was founded. In 2012 Khatumo negotiated a partial federal representation privileges to select five of the eight MPs Puntland would have nominated. That deal was rescinded in 2016, when former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali and former Federal Government Prime Minister Omar Abdirashid A. Sharmarke had signed an agreement to co-opt Puntland into an electoral model based on 4.5 system that Puntland intially objected to. The deal forced Galaydh to sign an agreement with Somaliland Government from a position of ‘representation’ weakness when Somaliland presidential elections were in full swing in constituencies Khatumo claims to represent. Dr Galaydh missed the chance to cash on the informal recognition he received from Puntland President Abdirahman Farole who believed that the clan-based political institutions of Puntland had a limited shelf life. Puntland under Farole facilitated the termination of the Transitional Federal Government in the hope that the federal system would become irreversibly institutionalised. His plan to introduce political parties in Puntland faced stiff opposition from politicians committed to maintaining centralism in Puntland despite sentimental attachment to a federal system seen by Mogadishu elites as lethal imposition from Garowe. The Chairman of Mustaqbal, a political association, Mohamed Ismail (Siibad) recently argued, “Puntland cannot promote a federal system when it feels alienated from the federal institutions”. In 2016 Puntland signed up to Vision 2016 on the condition that the 4.5 system will not be a basis for future federal elections. Although Dr Galaydh does not share with Puntland leaders the view that it is incumbent on Mogadishu to protect the 1998 Charter that bind disputed territories to Puntland clan wise, he asserted that the Federal Government left Khatumo out in the federal statemaking processes through which Galmudug and Hirshabelle had come into existence. “Galaydh is waiting for a squirrel’s water caravan — [meaning he mistakes mirage for water]” says Mohamud Ali, a political journalist in Buhodle, where Galaydh was once based before making Hargeisa his political foxhole. If the electoral commission defends the legality of 2016 agreement Puntland will once again claim to represent disputed territories federally. That will be a much-needed, but short-term, political capital for the Mother of the Somali federal system. © Puntland Post, 2020 The post Galaydh is Waiting for “a Squirrel’s Water Caravan” appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-30092020.mp3 View the full article
  23. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  24. London (Caasimada Online) – Ganacsade Abshir Aden Ferro, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, ayaa soo jeediyey in doorashada baarlamanka Soomaaliya dib loo dhigo afar sano, isaga oo ka digay in doorasho xilligan la qabto ay dalka u gacan gelin karto Al-Shabaab. “Habka doorashada ee xilligan la go’aamiyey waa halis amni. Haddii xilligan la doorto xildhibaano, waxaad arki doontaa aqalka dhan oo ay ka buuxaan Al-Shabaab,” ayuu Abshir u sheegay radio-ga Faransiiska ee RFI. Doorashada xilligan dhaceysa ayaa ah mid xildhibaanada ay soo dooranayaan ergo, taasi oo aan ahayn doorashadii qof iyo cod ee madaxweyne Farmaajo uu doonayey. “Madaxweyne waxaa waajib ku ahaa inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, mana ku guuleysan muddo afar sano ah,” ayuu yiri. Balse waxa uu sheegay in dhibaatada ay meel kale ka jirto. “Sida habka Soomaaliya u shaqeeyo ayaa ah in xildhibaanka uu codka ka iibsado hogaamiyaha qabaa’ilka, mana ahan bilaash, waxaan maqalnay in meelaha qaar halkii xildhibaan uu kursigiisa ku gato hal milyan oo dollar, taasina waa musuq-maasuq,” ayuu yiri. “Marka xildhibaanka uu iibsado kursiga, waa inuu dib u helaa lacagtiisa, wuxuu u codeeyaa madaxweynaha, kaasi oo xildhibaanada lacag siiya. Su’aasha hadda waxay tahay xaguu ka keenaa lacagtaas?” Musharax Abshir Aden ayaa soo jeediyey in xildhibaanada hadda jooga ay sii joogaan afar sano oo kale, si looga hortago in qabaa’ilka iyo musuq-maasuqa ay saameyn ku yeeshaan. “Sidaas darteed, doorashada xigta dadka ayaa codeyn doona, intii ay ka codeyn lahaayeen odayaasha qabaa’ilka,” ayuu yiri. Abshir ayaa ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono halista Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku milmeen nidaamka siyaasadda Soomaaliya. “Sanadkii tegay, Al-Shabaab waxay u yeereen odayaasha dhaqanka, ayaga oo siiyey amaro adag oo la xiriira xildhibaanada ay soo dooranayaan,” ayuu yiri. “Sidaas darteed, xildhibaanka wuxuu noqon doonaa mid ay doorteen Al-Shabaab, kuwaasi oo maamuli doona baarlamanka, soona dooran doona madaxweynaha xiga ee mustaqbalka. Taasi waxay noqon doontaa musiibo aan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse saameysa caalamka oo dhan,” ayuu ka digay. Sidaas darteed, ayuu Abshir doonayaa in xildhibaanada hadda jira ay sii joogaan afar sano, oo ay madaxweyne cusub doortaan bisha Febraayo. The post Musharax madaxweyne oo soo jeediyey in afar sano dib loo dhigo doorashada BF first appeared on Caasimada Online.
  25. Trump ( bidix) iyo Joe Biden Dood adag ayaa dhexmartay madaxweynwha Mareykanka Donald Trump iyo ninka ay ku tartami doonaan doorashada soo socota ee Joe Biden. Doodan oo ahayd tii ugu horreysay, doodo saddex ah oo ay yeelan doonaan Trump iyo Joe Biden, ka hor doorashada 3-da bisha November ee sanadkan ayaa ka dhacday magaalada Cleveland ee gobalka Ohio. Dooda waxaa dhexdhexaadiye ka ahaa Chris Wallace oo ka tirsan telefishanka Fox News, waxaana daawanayay qiyaastii boqol malyan oo dadka Mareykanka ah, halka ay si toos ah uga qeybgaleen boqol qof oo kaliya, xannuun Coronavirus dartiis. Weriye, Chris Wallace Su’aalaha dooda ayaa ku saabsanaa lix mowduuc oo kala ah, waxa diiwaanka taariikhda ugu jira labada musharax, xanuunka Covid-19 ee dhibka weyn u geystay Mareykanka, dhaqaalaha Mareynkanka ee uu saameeyay Covid-19, soo magacaabista Trump ee haweynayda ku biiraysa gaadiyada maxkamadda sare, mabaadiida doorashada Mareykanka iyo rabshadaha midab takoorka. Dooda ayaa ku bilaamatay xasrad iyo is dhaleeceyn, iyadoo labada musharax ay isku mar hadlayeen, wuxuuna weriyuhu u muuqday inuu lumiyey xakamaynta dooda. Joe Biden wuxuu ku tilmaamay Trump madaxweynihii ugu xumaa ee abid soo maray Mareykanka, wuxuu ku dhaleeceeyay qaabka uu maareeyay cudurka faafa ee Coronavirus, ku guuldaraysiga inuu soo saaro qorshe daryeel caafimaad iyo jawaabta uu ka bixiyay mudaharaadyadii ka dhashay caddaalad darrada midab takoorka. PUNTLAND POST The post Doodii ugu horreysay oo dhexmartay labada musharax ee doorashada Mareykanka appeared first on Puntland Post.