Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dembi-baarayaasha dalka Kenya ee ku howlan ka sal-gaaridda galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto dilka 3 gabdhood oo isku qoys ahaa ayaa soo bandhigey caddaymo hor leh oo muujinaya dilka gabar kale oo lala xariirinayo inuu ninkaasi ku lug lahaa. Baareyaasha ayaa sheegay inay heleen haraaga jir bini’aadam oo si xun loo jar jaray, islamarkaana la dhigey xabaalaha loo yaqaanno lang’ta ee magaalada Nairobi, ayagoo soo bandhigey muuqaalka gabar sii galaysa dhismaha uu deganaa Haashim, iyo asagoo gacmaha boorsooyin mad madow ku wata oo isla dhismahaas ka soo baxaya. Gabadha cusub ee la sheegay in loo malaynayo inuu diley eedeysane Haashim oo lagu magacaabo Deeqo Cabdinuur Qorane ayaa la waayay 24-kii bishii oktoobar, waxayna markii ugu dembaysay sii galaysay dhismaha uu deganaa Haashim. Baareyaasha dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raad joogaan milkiilihii dhismahaas oo la sheegay inuu dhacdadaas ka dib nadiifiyay dabaqa oo dhan, islamarkaana rijinka ka badalay. Galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxamed ayaa hor yaalla maxkamadda ugu weyn dalkaasi Kenya, waxaana ku socda baaritaan xooggan oo ku saabsan faldambiyeedyada loo haysto. Source: goobjoog.com
  2. LONDON (AP) — The verdict of U.S. voters was more decisive than most pollsters and pundits had predicted. Now the world waits to see whether the election of Donald Trump as president for a second time will prove as destabilizing as many American allies fear. Source: Hiiraan Online
  3. FRANKFURT, Germany (HOL) — Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud issued an ambitious call to German business leaders at the German-African Investment Conference. Mohamud presented Somalia as a high-potential investment destination, declaring Somalia as “open for business” and ready to welcome bold partnerships. Source: Hiiraan Online
  4. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Shabakad ka kooban labo xubnood oo Shabaab u qaabilsanaa qeybta sahanka. Sirdoonka dalka oo hayay xogta labadaan nin isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Shabaab ku dhibaateyso shacabka. Sida ay sheegtay NISA Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Shabaab u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa. Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Shabaab ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah. Sida ay sheegtay NISA. Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qaaday tallaabo la xiriirta heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, isagoo ku adkeysatay dhaqan-gelinta heshiiskaasi. Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku jiro ololihiisii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka Somaliland ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in horay loo sii dhaqaajiyo heshiiska, isla markaana la fuliyo, si marin biyood loo siiyo dowladda federaalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in fulinta heshiiskan ay dano badan uga xiran yihiin Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in Itoobiya ay tahay dal muhiim ah oo aad loo daneeyo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi in heshiiskan ay faa’iido wayn ugu jirtay iyaga, isla markaana uu muhiim u yahay ictiraaf ay hesho Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Heshiiskaasi wax badan ayaa inooga xiran, Itoobiya waa dal muhiim ah cid kastana daneynayso in ay xiriir la yeelato – wuxuu sidoo kale muhiim u yahay heshiiskaasi in aan helno Ictiraaf” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii dib loo doorto inuu kasii shaqeyn doono horumarinta Somaliland, gaar ahaan saaxibada ay ku leedahay gobolka iyo caalamka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, oo si weyn looga dareemay gobolka, waxaana fashilay dadaallo la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dowladood. Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carootay heshiiska Abiy uu la galay Muuse Biixi, waxayna ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. The post Muuse Biixi oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta heshiiska BADDA appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — In Saudi Arabia, nearly 50 Somali nationals face execution for drug trafficking, prompting urgent appeals for clemency from their families and the Somali government. Many of these young detainees, originally seeking work, were reportedly coerced or deceived into smuggling illegal substances across the Saudi border. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA) has announced the arrest of two individuals linked to the militant group Al-Shabaab following an extended surveillance operation that tracked their intelligence-gathering efforts aimed at civilian targets. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku tegey dalka Jabuuti oo qeyb ka ah dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Socdaalka waxaa Wasiirka ku weheliyay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka (CXDS). Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka warbixinayay Socdaalkiisi Jabuuti ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta dalkaasi ka wada-hadleen Amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025” ayuu yiri Wasiirka. Socdaalkaasi Jabuuti ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay dowladda Jabuuti ka wada-hadleen Amniga Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  9. NAIROBI (Xinhua) -- Kenya's counter-terrorism police unit said its special forces carried out intelligence-led operations on the border with Somalia, destroying two al-Shabab makeshift camps. Source: Hiiraan Online
  10. NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenyan authorities have tied Hashim Dagane Muhumed, already in custody for a notorious triple murder in Nairobi’s Eastleigh neighbourhood, to a fourth killing. The new revelation—linking Muhumed to the brutal death and dismemberment of another woman—has intensified community outrage and amplified calls for justice in a city increasingly anxious about violence against women. Source: Hiiraan Online
  11. Muwaadin, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxa uu kuugu bushaaraynayaa in doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ay dhici doonto 13-ka November 2024, oo ay maalmo koobani inaga xigaan.Codkaagu waa muhiim, wuxuuna saameyn ku leeyahay jihada siyaasadda iyo horumarka mustaqbalka dalkaaga JSL. Si aad uga qaybqaadato doorashadan, fadlan samee qodobadan: 1) Hubi in aad haysato Kaadhkaagii Codbixinta. 2) Ogow goobta codbixinta ee aad ka dhiiban doonto codkaaga adiga oo garaacaya *318#. 3) Ku dhiirrigeli qoyskaaga iyo asxaabtaada inay doorashada ka qaybqaataan. 4) Ilaali nabadda iyo anshaxa xilliga doorashada.Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xidhiidh Xarunta Wicitaanka KDQ adiga oo garaacaya 318. Codkaagu Waa Mustaqbalkaaga.Mahadsanid.Fariinta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Qaran News
  12. Waxaa la soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Elmi Mahamoud Nur, uu la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah. Wasiirka ayaa ka qeyb galay Shirka Magaalaynta Adduunka ee ka socda Qahira, Masar. Kulamadaasi oo gaar-gaar ah ayaa wuxuu Wasiir Elmi ku kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), gaar ahaan Qaybta Xalka Waara, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka, iyo Wasiirka Wasaaradda Guriyeynta & Horumarinta Dhulka ee dalka Morocco. Wasiir Elmi ayaa madaxda kala duwan ee uu la kulmay kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda Hawlaha Guud iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo hay’adahaasi si loo dardargeliyo mashruucyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda u diyaar garow ku aadan howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu bilowda sanadka soo socda ee 2024-ka, si loo helo ciidamo bedala kuwa hadda jooga. Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah, waxaana madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqashooyin kusoo kala bixiyay waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlay kaalintooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalkeenna. Sidoo kale waxaa haatan safar kale oo la xiriira qorshaha dowladda ee xiga ATMIS u baxay wasiirka gaashaandhigga oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Xoogg dalka oo gaaray dalka Jabuuti, waxayna kala hadleen qorshaha dowladda ee la xiriira howlgalka cusub oo ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Jabuuti. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Jabuuti ay kala hadleen arrimaha howlgalka iyo sidoo kale xaaladda guud ee Geeska Afrika. “Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri. Intaas kadib wasiirka iyo taliyaha ayaa usii gudbay dalka Uganda oo ay madaxdiisa kala hadli doonaan isbeddalka dhacaya iyo doorkooda ku aadan howlgalka cusub ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daray in sidoo kale ay usii gudbi doonaan Kenya iyo Burundi oo qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si ay ugala hadlaan qorshaha socda. Dhammaan kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka. Si kastaba, howlgalka cusub ayaa waxaa kamid noqon doonin Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda haatan kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda. The post Wararkii ugu dambeeyay howlgalka cusub ee ka bilaabanaya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — The head of the Banadir Regional Court, Salah Ali Mohamud, issued a warning on Monday to district leaders in Mogadishu, ordering them to refrain from intervening in court rulings on land and property disputes. Mohamud said that the authority to enforce legal decisions rests solely with the judiciary, not district officials. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeisa (HOL) — With Somaliland's election days away, incumbent President Muse Bihi Abdi has urged the public to support his Kulmiye party, positioning it as the only political force capable of achieving international recognition and securing Somaliland's future stability. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u jeediyay eedeymo culus oo xasaasi ah. Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay booqasgada uu haatan madaxweynaha ku joogo dalka Jarmalka iyo arrinta la xiriirta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah. “In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad horleh oo soo korortay. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay faham la’aan ka haysato heshiiskan, wuxuuna kula taliyay in marka hore ay la timaado qorshe wax looga qabanayo daruufaha ka jira dalka, isla-markaana ay ka carareen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;- Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna. Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda. In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida. Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa. The post Kheyre oo ka horyimid heshiis uu soo saxiixay Xasan Sheekh oo saameynaya… appeared first on Caasimada Online.
  17. Garowe (HOL) — Puntland's Minister of Information, Eng. Mohamud Aydid Dirir, on Wednesday, accused Somali President Hassan Sheikh Mohamud of endorsing the deportation of Somali asylum seekers from Germany. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ee baaraya meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata 31-kii bishii Oktoobar ee sandkan ayaa helay arrin hor leh oo la xiriirta kiisaska loo haysto Hashim Dagane oo ah ninka sida weyn loogu huhunsan yahay dilka hooyo, gabadheeda iyo labo gabdhood. Baarayaasha ayaa aqoonsaday haweeneyda loo maleynayo in la dilay oo ka adeeganeysay dukaamada Quickmart Oktoobar 29-keedi. Muuqaallada kaamerada dukaanka ayaa laga helay caddeyn muhiim ah oo la xiriira kiiska, sida lagu sheegay qoraalka bogga Facebook ee waaxda. Intaa waxaa dheer oo warku intaa ku darayaa in la ogaaday in marka ay dukaanka ka adeegatay qofka dumarka ee muuqaallada kaamerada laga arkay ay aaddey guri ku yaal xaafadda Lavington ee magaalada Naiorbi, halkaas oo markale laga arkay kaamirada iyadoo sii galeysa. Baarayaasha waxay kaloo heleen in la arkay dhibbanaha oo Haashim la joogta gurigiisa. Muuqaallada kaamerada ee 31-kii Oktoobar waxay muujinayaan Haashim oo labo bac gacamaha ku wata oo ka baxaya dhismaha. Waxaa la rumeysan yahay in bacahaasi ay ku jireen wixii ka haray dhibbanaha. Haraaga meydka ayaa markii dambe laga helay qabuuraha lagu magacaabo Langata, sida ay waaxdu sheegtay. Waxaa sidoo kale la caddeeyay markii Haashim uu ka baxay guriga in milkiilaha uu ogaaday waxa ka dhacay dhismahiisa. Milkiilaha ayaa kaddib nadiifiyay oo dib riinji u mariyay guriga sidaasina ku dhuuntay. Mas’uuliyiinta ayaa hadda raadinaya, waxayna aaminsan yihiin in muddo kooban lagu soo heli doono markaasna caddaaladda la horkeeni doono. Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in gabadha ay tahay Deeqa Cabdinuur Gorone oo la waayay, laguna wargeliyay booliiska 24kii Oktoobar. Kooxaha baaraya ayaa ka shaqeynaya sidii ay u caddeyn lahaayeen qofka uu yahay meydka la helay. Waaxda dambi-baarista DCI waxay sheegtay in ay ka go’an ahay in ay caddaalad helaan dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sidoo kale isku keenaya qeybo kala duwan si ay u ogaadaan lugta uu Hashim ku leeyahay dambiyada kale ee dalka ka dhacay. Sidee boolisku ku soo qabteen Haashim? Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheegtay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaadeena “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay saddexda hablood ee isku qoyska ahaa. “Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas, Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca Haashim oo ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay. “Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri. Markaa kaddib Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo loo haysto dilka saddex dumar ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi. Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabtay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi. Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda. “Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena” Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda. Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda. Isha: BBC The post Haashim: Ninka ku eedeysan inuu 3 hablood ku dilay Nairobi oo loo heysto dilka gabar afaraad appeared first on Caasimada Online.
  19. The National Counter Terrorism Centre has said the government is investing in advanced border surveillance, biometrics, and cyber intelligence capabilities to fight terrorism. Source: Hiiraan Online
  20. The verdict of U.S. voters was more decisive than most pollsters and pundits had predicted. Now the world waits to see whether the election of Donald Trump as president for a second time will prove as destabilizing as many American allies fear. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, KENYA — Human Rights Watch on Tuesday accused Kenyan security forces of abducting, torturing and killing people believed to be leaders of anti-government protests that took place between June and August. Source: Hiiraan Online
  22. A Hakan Calhanoglu penalty gave Inter Milan a 1-0 victory over Arsenal in the Champions League on Wednesday, while a 93rd-minute winner ensured Atletico Madrid left Paris with all three points. Source: Hiiraan Online
  23. Somalia’s Education Minister Farah Sheikh Abdulkadir has committed to ensure the country offers quality education to all learners. Source: Hiiraan Online
  24. Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, ayaa noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka. “Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. Source: goobjoog.com
  25. Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan, ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il Arbacadi shalay ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa cee dalka Lubnan. Weeraro kale oo dhanka cirka ah ayay wasaaraddu sheegtay in Isra’il ay shalay ku garaacday nawaaxiga koofureed ee magaalada caasimadda ah ee Beuyruut. Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Isra’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale. Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka la la’yahay ay wali socdaan. Dhanka kale, hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qasim ayaa ka digay in dagaalyahannadiisu ay la dagaallami doonaan Isra’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay qudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishannada. Wuxuu sheegay in ay jiri karaan wadahadallo aan toos aheyn, haddii Isra’il ay joojiso weerarka. Tan iyo marki uu billowday dagaalka muddada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah, Lubnan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September. The post ISRAEL oo 40 qof ku dishay duqeyn ay ka fulisay Lubnan appeared first on Caasimada Online.