Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah M/Muqdisho. Iska hor imaadka oo u dhexeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga dhacay agagaarka, halka loo yaqaano Xaawa-Casir oo ka tirsan degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay is-raaseynta dhex-martay labada dhinac, iyadoona ay jiraan dhaawacyo soo gaaray labada ciidan ee diriray iyo shacab. Sida ogaatay caasimada Online ciidamo dagaalmay oo ka wada tirsan kuwa milatariga Soomaaliya ayaa isku heysta arrimo la xiriira muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan shaqaaqadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama magaalada Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho & wararkii u dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  2. Maxakamadda ciidamada ee Jubbalanad ayaa xukun ku riday Deeqow Caliyow Kuusow oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Madiina Ex. Cascasay oo Al-shabaab geysteen 12-kii bishii July ee sanadkii 2019. Deeqow oo la sheegay inuu ka dhex-dagaalamay gudaha huteelka, isagoo dhaawac ahna la qabtay, hadana ah naafo ayaa maanta lagu riday xakun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda cidamada qalabka sida ee Jubbaland. Weerarkii sanadkii hore Al-shabaab ku qaadeen Hotel Madiina Ex. Cascasay waxaa ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56 qof oo kale. Dadkii caanka ahaa ee weerarkaas ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid iyo wariye Maxamed Sahal Cumar [Gacma-dheere oo ka tirsanaa warbaahinta madaxa bannaan. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Nin ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Cascasay oo xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda HirShabelle iyo doorashooyinka maamulkaasi. Sanbaloolshe ayaa sheegay in HirShabelle oo ka yar maamullada kale ee dalka ay hadda joogto meel ka hooseyso sidii lagu dhisay 2016-kii, wuxuuna tilmaamay inay isku biirsadeen daruufo adag, sida ammaanka, fatahaadaha iyo horey u socod la’aan intaba. Taliyihii hore ee NISA ayaa soo hadal qaaday dooda ka taagan doorashada HirShabelle, gaar ahaan kursiga madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay in markii horeba aan is-ogol lagu dhisin HirShabelle, balse madaxweynaha la siiyey Hiiraan iyo caasimadana Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar-weliba ay muhiim tahay in la dhowro waxa ay dadku heshiis ku yihiin ama doorasho lagu kala baxo. “Anigu ma aaminsani in kursiga reer hebel u sun-tanyahay, laakiin waxaan aamin-sanahay dadku inuu ku heshiiyo ama doorasho inuu wax ku kala helo,” ayuu yiri. Mar wax laga weydiiyey sababta ay kursiga madaxweynaha isku laheysiineyo beesha ka soo jeedo ee Xawaadle ayaa wuxuu ku jawaabay “Dadka hadda Xawaadle wax ka tabanaayo waxaa la rabaa in iyaga naftooda haddii ay run sheegayaan Raadiyaha inay ka qeyliyaan maahinee ama ay ka doodaan maahinee waa walaalahood inta ay u yeertaan inay u gar dhigtaan, haddii xittaa ay is fahmi waayaan dad u kala gar qaadi kara oo dhex-dhexaadin kara ayaa jira,” Siyaasiga Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dhibaatada ugu daran ay ka socota dhanka dowladda federaalka, isaga oo ku eedeeyey inay iska horkeeneyo dhinacyada hadda isku haya doorashada HirShabelle. “Meeshaan dowladda ayaa dadka isku direyso saaxibkey Mahad Salaad ayaa wuxuu dhihi jiray waxbaa la’isku qataaraa sidii ay ahaan jirtay oo Ahlu Sunna iyo Xaaf la’isku qataaray, Axmed Madoobe iyo Team-kiisa la’isku soo qataaray oo kale waaye,” ayuu sii raaciyey. Dhinaca kale taliyihii hore nabad-sigida ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna tilmaamay inuu rakaato ku jiro, islamarkaana uu dhexda u galay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay. “Waare waa nin sida aad la socoto jiis ah lugtuu ka jiran yahay mo’ogiyee tan kale Cali Guudlwaawe, nin la yiraahdo Sheekh Cismaan iyo fahad yaasiin ayaa geed ku xirtay oo nin argagixiso lagu hayo waaye,” ayuu markale yiri Mr. Sanbaloolshe. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Ninkaas nin la yiraahdo Nabad iyo Nolol ayaa sida sheydaankii biyo la ag-fadhiyo Cali Guudlaawe iyo ninka baarlamaanka joogana Bistoolad ayey madaxa uga haayaan marka nin xoreyn u baahan waaye,” Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in HirShabelle ay u baahan tahay bad-baado, iyo hogaamiye ay kalsooni ku qabaan shacabka labada gobol oo samata bixin kara. “Qof kasta oo imaanaayo meeshaas waxaa muhiim ah kalsoonida shacabka inuu heysto,” ayaa hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf xoogan uu hareeyey doorashada HirShabelle, iyada oo muddo xileedkiina uu ka dhamaaday madaxda sare ee maamulkaasi. The post Sanbalooshe: Waare waa nin jiis ah, lugta kalena ay geed uga xirteen Cali Guudlaawe, Cismaan Barre iyo Fahad Yaasiin first appeared on Caasimada Online.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dad rayid ah oo saaka lagu rasaaseeyey qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe ee maamulka HirShabelle. Weerarka oo fuliyeen kooxo hubeysan ayaa ka dhacay deegaanka Garsaaley oo ku yaalla wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Gaariga la rasaaseeyey oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey ayaa waxaa la socday illaa 14 ruux, wuxuuna ka soo baxay magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa labo qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale intaasi ka badan. Sidoo kale ilo degaanka ah ayaa Caasimada Onlin u sheegay in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban. Inta badan waxaa wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qorsheysan iyo qaraxyo intaba. The post Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay Sh/Dhexe first appeared on Caasimada Online.
  5. Qiso yar oo saakay aan la kulmay, balse xambaarsan laba arrimmood oo mudan in la is kor taago, baan idinla wadaagayaa. Saakay, aniga oo usoo jarmaaday shaqadayda sidii caadada ii ahayd, waxaan soo raacay gaadiidka dadweynaha. Intii uu Covid-19 jiray, dowladda hoose ee magaaladu waxa ay soo rogtay in shacabku bixiyaan $0.20 nooli ahaan halka horey shacabku u bixin jireen $0.12, balse waxaa raacsanayd in gaariga oo horey loogu raaci jiray 10 qof, laga dhigay in lagu raaco 6 qof. Taasi waxay gaadiidleyda u sahlaysaa inay helaan dhaqaalihii ay horey uga heli jireen dadka ay qaadaan. Waxaa jirtay in darawalladu billaabeen inay jebiyaan xeerkii la’isku ogaa ee ahaa in ay qaadaan 6 qof oo keliya, halka ay isla markaana doonayaan in lacagtii aanay waxba ka dhimin. Taas oo keentay in dadku mararka ay deg-degsanyihiin aanayba hadal ka keenin tirada rakaabka. Waxaa dhacda inay saaraan 10 qof, kana qaadaan $0.20, taas oo ah xadgudub lagu sameeyey wixii sharcigu qabay. Sicir-bararka faraha ba’an ku haya Puntland wuxuu dugsadaa habacsanaanta dadka Haddaba saakay markii ay buuxsantay tiradii 6-da qof ee la’isku ogaa, ayuu darawalkii arkay dad jidka, taagan, wuxuuna damcay in uu gaariga soo saaro, balse aniga oo xusuusinaya in uu sharciga jebiyey, ayaan ku iri “Ogoow, haddii aad dad kale soo saartid, waxa aan bixinayaa $0.12”. Darawalkii ayaa si caro leh u celiyey gaarigii, waxa uuna igu yiri “Iiga deg gaarigayga, maqaadanayo $0.12”. Waxa aan ku iri “Adigu laamiga ka deg, ama dowladda hoose ina gee, ama meeshii aad igasoo qaadday igu celi”. Dadkii gaariga ila saarnaa ayaa qaar kamid ahaa waxay ii soo jeediyeen in aanan la murmin oo iska siiyo lacagta uu rabo, balse cidna ima oran “waad ka saxantahay oo waa inuu darawalku sharciga u hoggaansamo”. Arrinta 1aad Darawalku in uu sidaa iila dhaqmo ma aha wax yaab leh, waayo wuxuu arkay in cid walba oo hesha fursad ay wax ku qaaliyeyso aysan cafin, waxkasta oo dhacana aysan qiimihii hoos u soo celin, sidaa awgeed, maadaama ganacsatadu maciishadda qaaliyeyso, dowladdu canshuurta kordhiso, goobaha waxbarashadu lacagta sanad walba kordhiyaan, cid walba oo adeeg bulshada u haysaana sidaa tahay, gar buu u arkay in uu isna fursaddaas ka faa’iideysto oo sharciga jebiyo isagoo ka faa’iidaysanaya sicirka nooliga dowladdu u kordhisay. Arrinta 2aad Markii aan darawalka xusuusiyey sharcigu siduu ahaa, dadku halkii ay runta indhaha darawalka ka saari lahaayeen, ama ugu yaraan iskaba aamusi lahaayeen, waxay darawalkii ku garab-istaageen inuu sharciga jebiyo “War iska daaya oo siduu rabo u yeela”. Sidaa ayeyna cid walba oo bulshada mas’uuliyad u haysa ula baxday baar loo firo, cid la xisaabtantaana aysan jirin. Gunaanad Labadan arrimmood waxay dhaawac weyn ku yihiin dheellitirnaanta hannaanka nolosha bulshada, waxayna cadaadis weyn saarayaan dadweynaha oo la kufaa kacayo culayso badan, heer ay gaaraan in noloshu ku sii adkaato bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan danyartuba. Waxaannu u baahannahay in qof walba oo inaga mid ah uu naftiisa ka dhaadhiciyo in dhibta maanta la qarsado, berri ay adkaan doonto in laga hadlo. Aynu la xisaabtanno darawallada, darawalladuna hala xisaabtameen dowladda, dowladduna hala xisaabtanto shacabka, qolo walbana waa inuu garowsado waxa lagu leeyahay sida uu u garowsan yahay xaqa uu leeyahay. W. Q. Cabdullaahi Bootaan The post Puntland wax sii qaaliyooba ma aha e, wax raqiisa la waa appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga maamulka Somaliland. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka xerada Warshadda Kabista magaalada Hargeysa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka sarkaalkaasi loo adeegsaday rasaas, waxaana goobta lagu toogtay meydka marxuumka ka soo qaaday ciidanka ammaanka. Saraakiisha dambi baarista maamulka Somaliland ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. View the full article
  7. Guddoomiyaha golaha wakiillada maamul goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa qoraa uu shalay soo saaray waxaa uu fadhiga golaha uu uga mamnuucay inuu soo xaadiro xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow, waxaana qoraalka lagu sheegay in xildhibaanku uu ku kacay falal liddi ku ah habsami u socodka fadhiyada golaha wakiillada. Dhanka kale, xildhibaannada ka tirsan maamulkaas ayaa si weyne uga soo hor jeestay go’aanka uu qaatay guddoomiye Gacal, waxaana ay kulan xalay Dhuusamareeb kula qaateen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye, iyagoo ka dalbaday inuu soo farageliyo xaaladda ka dhalatay shaqo ka joojinta golaha ee lagu sameeyey Cabdullaahi Axmed Calasoow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGM. Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; 1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud 2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud. 3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug. 4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug. 5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM. 6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yri “Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka”. Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye ayaa tan iyo markii la doortay horraantii sanadkan waxaa uu waday dhismaha garsoorka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa dagaal dad beeraley ah ku dhex maray deleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa sababay khasaare soo kala gaaray maleeshiyaadkii dagaalamay. Dagaalka ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shiirkaceeno oo 20 km woqooyi kaga began magaalada, labada maleeyiyo ayaa isku heysta lahaanshiyaha dhul beereed ku yaallo deegaankaasi Qof shacab ah oo deegaanka ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khasaare ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka uu gaarayo dhimashada labo ruux, halka ay sidoo kale dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan meeshiyaadkii dagaalamay. Waxaa sidoo kale uu hadalkiisa ku daray in ciidamadii dagaalamay ay weli ay is horfadhiyaan aysan jirin cid kala dhex gashay, iyadoo saacad welibana la filan karo in ay markale dagaalmaan labada maleeshiyaad ee is hor fadhiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa ka horyimid go’aankii guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Maxamed Nuur Gacal uu kulamada golaha wakiilada uga joojiyey xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow. Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Gacal ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay ka soo horjeedaan arrintaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay cabasho ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug u gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoo Qoor). Mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha inuu soo fara-geliyo arrintaasi, islamarkaana u wax ka qabto tallaabooyin uu qaadayo Mr. Gacal. Xiisada iyo khilaafka ka taagan baarlamaanka Galmudug ayaa ka sii dartay markii shalay guddoomiyuhu shaqo joojin ku sameeyey, xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo lagu eedeeyey inuu sameeyey falal lidi ku ah habsami u socodka howlaha baarlamaanka. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey buuqa ka dhex-taagan xildhibaanada Galmudug, kaas oo saameeyey howlihii baarlamaanka maamulkaasi. The post Xildhibaanada Galmudug oo cabasho u gudbiyey Qoo Qoor, kadib go'aankii Gacal first appeared on Caasimada Online.
  11. Waxaa inta badan xalay dib loo furay jidadka muhiim ka ah ee magaalada Muqdisho kuwaas oo laga qaaday dhagxaanta ay horey ugu xirtay dowladda Soomaaliya. Isgosyada laga qaaday dhagaxaanta waxaa ka mid ah Sanca, Jardiinka, Siinaay Folorenza, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka & Seybiyaano. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha, sida isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo kale. Muddo ka badan saddex sano shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanayey xirnaashaha wadooyinka oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka View the full article
  12. (SLT-Kampala)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa. Magacaas oo la yirhaado ‘Tibuhaburwa’ waxaana luqadda Runyankore loola jeeda “Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin” Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaadhayay go’aankaas. Waxaa haatan Madaxweynaha loogu yeedhi doonaa Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni. Madaxweynaha weligii ma shaacin magacan tan iyo intii uu xilka qabtay 34 sanno ka hor. Sida uu muujinayo dokumenti dhanka sharciga ah oo lasoo saaray 6-dii bishan Oktoobar, in magacan uu weligiisba ku qornaa shahaadooyinka waxbarasho ee madaxweynaha. Source
  13. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay fuliyeen koox hubeysan oo ka dhacay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda, xilli uu marayey deegaanka Garsaaley ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in gaarigaas uu ka soo amba-baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, islamarkaana ay la socdeen dad shacab ah. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta uu weerarka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ayaa xalay furay jidad hor leh oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha ayaa waxaa ka mid ah, Sanca, Jardiinka, Siinaay Folorenza, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, Tarabuunka, Seybiyaano iyo kuwo kale. Qorshahan ayaa qeyb ka ah ballan-qaad ay horey u sameysay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, walow lala soo daahay fulinta ballan-qaadkan oo ku soo aaday, xilli uu sii dhamaanayo mudo xileedka dowladda. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Meelaha la dhigay waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo oo ka mid ah Warshadaha. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Muqdisho uu ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogan iyo diyaar garow loogu jiro doorashada 2020/21. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada ammaanka ay qaadeen dhagxaantii ku xirneyd qaar ka mid ah waddooyinka dhex-mara degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. The post DF Somalia oo fulisay ballan-qaad ay horey ugu sameysay shacabka magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  15. (SLT-Washington)-Warbixin uu diyaariyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ururka Al-shabaab ay malaayiin dollar ka soo gasho gudaha Soomaaliya ayna lacagtaasi dhex marto qaar ka mid ah bangiyada Soomaaliya. Wargeyska New York Times oo helay akhbaarta warkan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa lagu sheegay in lacago badan ay ururka Alshabaab ka ururiyaan gobolada koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. “Kooxda waxa ay lacago ku soo rogtay gaadiidka xamuulka qaada iyagoo bil walba lacago ka qaada ganacsatada sidoo kalana lacagaha zakada ururiya.”ayaa lagu yidhi warbixinta. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in Alshabaab ay lacago ka qaado dekeda Muqdisho iyadoo lagu soo bandhigey ganacsato laga qaado dhaqaale kuwaasoo u baqa naftooda haddii ay diidaan. Warbixin ay diyaariyeen Kooxda Khubarada Amniga ee ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo December sannadkii hore ilaa bishii August ee sannadkan ay Al-Shabaab uruurisay lacag dhan $13M waxaana ku jira lacagtaasi qiyaasitii $2.4M oo ay ka uruuriyeen baro kontrool oo ku yaalla gobolka Jubada hoose iyo $5.8M oo ay ka qaadeen ganacsiyada Magaalada Kismaayo waxaana Warbixinta ku jira nuqulo waraaqo copy ah oo caddeynaya lacagahaasi la bixiyay. Warbixinta Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamtay koontooyin kala duwan oo Bangiyo ah la marsiiyay lacago Shabaab ay qaadeen, sida lagu daabacay Wargeyska New York Times oo ay Somalilandtoday soo xigatay. Source
  16. (SLT-Hindiya)-Qaar ka mid ah filim soo saareyaasha ugu waaweyn shirkadda Bollywoodka ee dalka Hindiya ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah wax ay ugu yeedheen “Warbaahinta qeyru-mas’uulka ah” ee dalka Hindiya. Tallaabadan ayaa daba socota arrimaha la xidhiidha geeridii jilaagii caanka ahaa ee lagu magacaabo jiray Sushant Singh Rajput, oo dhintay bishii June. Waxaa la aaminsan yahay in atoorahaas oo ka tirsanaa Bollywood-ka uu isagu is-dilay, laakiin kiiskaas waxaa dhowr bilood hurinayay warar la isla dhexmarayay oo ay faafiyeen telefishinnada. Tobannaan shirkadood, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin xiddigaha kala ah Shah Rukh Khan, Aamir Khan iyo Salman Khan ayaa qaaday tallaabo. “Nolosha dadka ka tirsan Bollywood-ka waxaa saameyn weyn ku yeeshay sida khaldan ee ay ololaha u wadaan dadka dacwada laga yahay,” ayaa lagu yidhi kiiska la gudbiyay. Geerida jilaagaas ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u heysatay hadal-heynta guud ahaan warbaahinta dalka Hindiya. Isku darka 34 filim soo saare iyo shan shirkadood ayaa ku biiray kiis ka dhan ah laba telefishin oo laga leeyahay Hindiya iyo afar wariye, kuwaasoo aan wali ka jawaabin eedeymaha loo heysto. “Waxaa faragalin lagu sameeyay xuquuqaha gaarka ah ee xubno ka tirsan Bollywood-ka, sharaftoodana waxaana sharaftooda la gaadhsiiyay dhaawacyo aan kasoo kabasho lahayn, iyadoo guud ahaan Bollywood-ka laga dhigay shirkad dambiile ah, oo daroogada ka ganacsata, shacabkana waxaa laga dhaadhiciyay in Bollywood ay tahay meel lagula dhuunto dambiyada iyo maandooriyeyaasha,” ayaa lagu yidhi dacwadda ka dhanka ah telefishinnada iyo suxufiyiinta. Rajput, oo 34 jir ahaa, ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai, 14-kii bishii June. Booliska ayaa markaas sheegay inuu is-dilay. Laakiin qoyskiisa ayaa markii dambe laamaha amniga u gudbiyay cabasho ka dhan ah gabadhii ay saaxiibka ahaayeen, oo ah atariishada lagu magacaabo Rhea Chakraborty, iyagoo ku eedeeyay inay sabab u ahayd dilkii wiilkooda iyo dambiyo kaleba. Hase yeeshee iyadu dhammaan way beenisay eedeymahaas. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, tiro ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka, oo ay ka mid tahay atariishada caanka ah ee Deepika Padukone, ayaa wajahayay su’aalo qeyb ka ah baadhitaanka dhimashadii Rajput – inkastoo cidna aan toos loogu eedeynin waxyaabo khaldan. Kiiskaas waxaa hadda baadhitaan ku wada saddex hay’adood oo ka tirsan dowladda. Bilihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu hadal hayay warar aan rasmi ahayn oo lagu xamanayay dad la sheegay inay atoorahaas ku kallifeen inuu isdilo Source
  17. Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug,Maxamed Nuur Gacal ayaa xayiraad ku soo rogay xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow oo ka tirsan golaha wakiilada maamulkaasi. Gacal oo qoraal soo saaray ayaa ku sheegay in xildhibaan Calasow gabi ahaan laga mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada iyo kulamada uu yeelanayo baarlamaanka. Warqada ka soo baxday guddoomiye Gacal oo la ogeysiiyey ku xigeenadiisa iyo madaxda sare ee Galmudug ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu sameeyey xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow falal lidi ku ah habsami u socodka howlaha baarlamaanka ee maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka qeyb galay Aaskii loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya. “Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.” Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Cali Khaliif Galeydh. MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY EHELADA IYO QARAABADII MARXUUM CALI KHALIIF EE KA SOO QEYB GALAY AASKII QARAN Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka qeyb galay Aaskii loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya. “Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleydh ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.” Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Cali Khaliif Galeydh. Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka. “Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.” Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  20. Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGM. Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; 1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud 2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud. 3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug. 4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug. 5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM. 6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM. Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka. View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-13102020.mp3 View the full article
  22. Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxamed Nuur Gaca,l ayaa Fadhiyada Golaha ka mamnuucay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, ayaa lagu sheegay in Xil. Calasow laga mamnuucay Fadhiyada Golaha, islamarkaana laga joojiyay Lacagtii gunnada ahayd laga bilaabo 12-ka October 2020 oo ku beegnayd Isniintii Shalay. Xildhibaanka ayaa ku eedaysan falal liddi’ ku ah Habsami-u-socodka Fadhiyada Baarlamanka iyo ku jawr-falka wakhtiga Fadhiyada Golaha, sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa laga dalbaday in uu cudur-daar rasmiya ka bixiyo falalka uu sameeyay ee liddi’ga ku ah Habsami-u-socodka Fadhiyada Golaha Baarlamanka Maamulkaas. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo laga mamnuucay Fadhiyada Golaha appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galayr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho. Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka. “Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.” Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galayr. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qoyska iyo Ehelada marxuum Cali Khaliif Galayr appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa ku warramaya in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland. Dabley hubaysan ayaa fiidnimadii Xalay gudaha Hargeysa ku toogtay sarkaalka, oo aan weli magaciisa la shaacin. Marxuumka waxa lagu toogtay aga’gaarka Xerada Warshadda Kabista Hargeysa, waxaana goobta isaga baxsaday dableeydii weerarka gaystay. Booliiska Somaliland oo dilka kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha Hargeysa, ayaan weli ku guulaysan in gacanta lagu dhigo kuwii dilka gaystay. PUNTLAND POST The post Weerar sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  25. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay qaaday dhagaxaantii ku xirnaa bartamaha Muqdisho kuwaas oo ay dhibaato ku qabeen Shacabka Muqdisho. Isgoysyada iyo baraha Kantaroolada ee dhagxaanta laga qaaday waxa kamid ah sanca siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Shiikh Cali suufi iyo gooba kale. Gaadiidka dhagxaanta qaada ayaa xalay la arkayay, iyaga oo ka daabulaya isgoysada qaarkood iyo kantaroollada dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho. Shacabka iyo gaadiidka gaadiidka dadweynah, ayaa dhibaato xooggan ku qabay wadooyinka xiran, kuwaas oo dhagxan loogu jaray sababo Amni awgood. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo dib loo furay appeared first on Puntland Post.