Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Jalalqsi town mayor Mohamed Nur has escaped an attack on his residence after unknown assailants hurled granades. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Labada eedeysane oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay degmad Dayniile ayaa waxaa loo heystaa inay yihiin sarkaal iyo darawalkiisa, kana howl-gali jiray duleedka degmada Balcad. Hakan hoose ka aqriso faah faahin iyo xukunka:- Maxkamadda ayaa sheegtay in xilliga la qabanayey oo aheyd November Sanadkii tegay ay dhaawac ahaayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen cirifka ay degmada Deyniile kala wadaagto deegaanka Basro. Intaasi kadib hay’adaha caafimaadka dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen, maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March sanadkan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda. Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii maaliyadda Balcad u qaabilsanaa Al-Shaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka Cumar oo isagu wade Mooto uga ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin xafiiska xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah. Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen islamarkaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda. Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.. The post Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo DARAWALKIISA oo xukun adag lagu riday first appeared on Caasimada Online.
  3. Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad-sugida Soomaaliya ayaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha degmadaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ku bilaabay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka la socda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Taliyaha ciidamada nabad-sugida ee degmada Beledxaawo, Cabduqaadir Xuseen Ibraahim ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi, wuxuuna sheegay in u jeedkooda uu yahay mid looga hortagayo falal amni darro oo suurtagal ay tahay in laga fuliyo halkaasi. Cabduqaadir Xuseen ayaa sidoo kale dalbaday dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oio qatar ku ah nabad-gelyada. Muddooyiinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada NISA oo howl-gallo culus ka bilaabay Beledxaawo first appeared on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Hooyo saddex carruur ah haystay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee xarunta gobolka Awdal, Haweeneydaas walaalkeed ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo tallaabada ay qaadeen. Cabdinaasir Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in meydka walaashii – oo lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi – uu yaallo cisbitaalka weyn ee magaalada Burco. “Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa, ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsiyaha badan leh oo aan xabsiga loogu heynin sida dadka hore ee dilalka u xidhan.” Ayuu yidhi. Isagoo ka warramaya dhibaatadii loo geystay haweeneydaas ayuu yidhi: “Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.” Booliska Somaliland ayaa baadhitaan ku wada dhacdadan oo argagax galisay shacabka. Ninka falkan lagu eedeeyay, oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa lagu soo warramayaa inuu isagu isgeeyay saldhigga dhexe ee booliska magaalada Burco kaddib markii ay musiibadan dhacday. Lama oga sababta keentay kufsiga iyo dilka loo geystay hooyadaas iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay labada qof. Cabdinaasir ayaa beeniyay warar sheegayay in uu socdo dadaal kiiskan loogu dhameynayo qaab xeer hoosaad ah. “Arrin ku saabsan xeer Soomaali waxba kama jiro, cid aan is aragnayna ma jirto oo aan ka ahayn ciidanka nabadgalyada ee kiiskan gacanta ku haya, waxaana mar labaad codsaneynaa in gabadhaas ay caddaalad hesho.” Ayuu sii raaciyay. Muddooyinkii lasoo dhaafayba waxaa soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isla socda ee ka dhacayay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida Source
  5. Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 66 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay. Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xidhan in millatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro. Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah. “Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay go’aan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tidhi Juma. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi: “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xidhan in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay “in mar walba ay qeyb ka yihiin go’aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika. Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Source
  7. Wareysi ay wasiirka gashaandhigga ee Kenya Dr Monica Juma siisay Daily Nation ayaa sheegtay in ciidamadooda ay Soomaaliya kala soo bixi doonaan haddii shuruudo laga soo baxo. Mar la weydiiyey iney wax ka dhahdo wararka sheegaya iney kasoo baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa ay tiri” Haggaag, caddeyn uma baahna, Kenya waxaa ay ka mid tahay dalal ciidamadooda ay AMISOM ku jiraan, waxaan halkaas u aadnay kadib qaraarka golaha ammaanka, joogisteena waa mid ku xiran AMISOM”. Ma la weydiiyey haddii ay wadaan qorshe ay kasoo baxayaan waxaa ay tiri “ Waxaan qeyb ka nahay dadaal qorsheysan, waxaa na maamulo golaha ammaanka, qorshe bixid waa jiraa,oo ah marka ay xaaladda isbadasho, waxaa jirto sabab aan u aadnay Soomaaliya, waxaana jira shuruudo aan uga soo baxeyno”. Mar shuruudaha la weydiiyey waxaa ay wasiirka gashaandhigga ee Kenya Dr Monica Juma ku jawaabtay “ In Alshabaab laga adkaado iyo in ciidanka Soomaaliya ay awood u yeeshaan hanashada amniga’ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa xukunno ka duwan ku rudiday rag la xiriiriyey in ay ka tirsanaayeen Al-shabab, fadhiga maxkamadda ayaana ka dhacay Garowe, eedeynayaasha la horkeenay maxkamadda ayaana ahaa 6 ruux oo rag ah. Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, waxaana labo qof maxkamaddu ku xunkuntay xabsi daa’in. Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxmed Ibraahim oo la sheegay inuu yahay 16 sano jir uuna la socday raga la xukumay ayaa waxaa ay maxkamaddu ku wareejisay wasaaradda cadaaladda iyo dhaqan celinta, maadaama uusan gaarin da’dii uu ku mudan lahaa xeerka ciqaabta maxkamadda. Dhanka kale maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa eedeysanayaasha kala ah Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Cali, waxaa ay ku riday min 20 sano oo xarig ciidan ah, waxaana lagu eedeeyey in ay ka soo qeyb qaateen dagaallada buuraleyda gobolka Bari. Xeer ilaalinta ayaa raggaan ku soo eedeysay in tababarro ay ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in safarro dheer ay u soo galeen si ay u soo gaaraan buuraleyda gobolka Bari ee Galgala, kaas in badan ay ka dheceen dagaallo u dhaxeeyo ciidamada PSF Puntland iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ugu yaraan illaa 7 hoobiye lagu weeraray saldhigga ciidamada AMISOM ee degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhankooda ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku jawaabeen madaafiic, islamarkaana uu jiro khasaaro kala duwan. Xaaladda ayaa saaka degan, hase’ahaatee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gallo baaritaano ah ka bilaabay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. View the full article
  10. Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay weerar qorsheysan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey duleedka deegaanka Balanballe. Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga ayaa dhaawacmay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii ka dambeysay weerarka ay goobta isaga baxsadeen. Dhacdadaan ayaa ‘salka ku heyso’ dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi, iyaga oo baadi goob ugu jiro kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi. View the full article
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya, Monica Juma ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay wararka sheegaya in dowladeeda ay qorsheyneyo in ciidamada milatariga ay kala baxdo gudaha Soomaaliya. Monica oo wareysi gaar ah siisay wargeyska caanka Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa meesha ka saartay in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari laheyd Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ay ciidamadooda ku jiraan AMISOM, islamarkaana ay ku yimaadeen qaraarka QM. “Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tiri Monica Juma. Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaacisay shuruudaha ay ciidamadooda uga saarayaan gudaha Soomaaliya, iyada oo soo bandhigay saddex shuruud oo kala ah:- 1-In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, 2-in laga adkaado Al-Shabaab iyo 3- in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” ayey markale tiri wasiirka gaashaandhigga kenya. Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in uu jiro qorshe u gaar ah Kenya oo ku aadan sidii ay ciidamadeeda uga saari laheyd Soomaaliya, balse waxay caddeysay inay qeyb ka yihiin go’aanada ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe la hadal hayey warar sheegaya in Kenya ay la baxayso ciidamadeeda, kadib markii ay sii kordheyn tacadiyada iyo dhibaatooyinka ay ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo. The post Kenya oo saddex shuruud ku xirtay in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro. Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah. “Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tidhi Juma. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi: “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay “in mar walba ay qeyb ka yihiin go’aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika. Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. View the full article
  13. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa markii u horraysay war ka soo saaray dil habeen ka hor ka dhacay masaajid ku yaalla xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dilka waxa loo gaystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona), islamarkaana ahaa Taksiile isaga shaqeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Al-shabaab ayaa sheegtay dilka marxuumkaas, oo ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa hay’adda Sirdoonka u qaabilsan Dowladda Puntland. Sidoo kale, Al-shabaab waxay ku andacootay in marxuum Siciid Maradona uu gacan ka gaystay hawlgal Raaf ah oo Ciidanka Puntland ku sameeyeen dad leh astaamo diimeed, kuwaas Gaalkacyo lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay dilka marxuum Siciid Maradona appeared first on Puntland Post.
  14. NAIROBI, Kenya — The Shabab, the Somalia-based militant group that is Al Qaeda’s most powerful ally in Africa, is not only collecting millions of dollars in tariffs and payoffs but moving the money through local banks and even investing it in real estate and businesses, according to a new United Nations Security Council report. The report describes how the Shabab, known for suicide attacks and a severe interpretation of Islam that bans music and other pleasures, have diversified their funding streams. Although financial dealings with the Shabab are prohibited under Security Council sanctions, the report said the group had found ways to expand from strictly cash transactions into utilizing bank accounts and electronic mobile services to save, transfer and invest money. A Security Council panel of experts that monitors Somalia produced the report, which has not yet been made public. The New York Times obtained an advance copy. Despite sanctions, Shabab militants have found ways to extort, move and invest money using Somalia’s banking system, a United Nations panel says. The Shabab’s deadly attacks have wreaked havoc in Somalia and across East Africa. The group sustains an estimated 4,000 fighters, and expands its power, by collecting money from around south and central Somalia, including in the capital, Mogadishu, the report said. The group charges vehicles transporting goods, demands that businesses pay a monthly fee and forcibly collects zakat, the annual alms that observant Muslims are expected to pay. The Shabab also have penetrated Mogadishu’s port, blackmailing importers to pay a levy on goods, the report said. In all the cases the report documented, business owners paid up, citing threats and violence if they refused. The report found evidence that Shabab operatives had stored and transferred the money through accounts operated by Salaam Somali Bank, a leading bank in Somalia. In response, the bank said that it had never “opened an account for a sanctioned individual or entity” and that it had taken unspecified actions against suspicious accounts, but it did not rule out the possibility that the Shabab had found surreptitious ways to use the bank. The country’s finance minister also acknowledged the Shabab’s ability to exploit the banking system and called the group’s financiers “very cunning.” The report comes just a few months before crucial elections in Somalia, a strategically located country in the Horn of Africa that has endured cycles of dysfunction and mayhem for decades. It also is contending with the coronavirus pandemic, swarms of locusts that are destroying crops and floods that have displaced hundreds of thousands of people. The Shabab pose a growing threat to Somalia and the region, even though the group has lost territory in the past five years, suffered high-level defections and been degraded by sustained American airstrikes. The report is especially damning for the Somali government, which is backed by the United States and the United Nations. They have insisted that Somalia take steps to modernize its banking so that groups like the Shabab that are under sanction cannot exploit the system’s weaknesses. “Al-Shabab’s use of formal banking systems enables the immediate transfer and distribution of large amounts, including in areas it no longer directly controls, eliminating the risk of physically transporting cash across hostile territory,” the report said. The Security Council’s experts on Somalia, a six-member panel based in Nairobi, are responsible for monitoring compliance with sanctions imposed on Somalia. The panel undertook the same work on Eritrea, another Horn of Africa country, until 2018, when sanctions there were lifted after Eritrea mended relations with neighboring Ethiopia. In past years, the panel’s reports have examined topics such as how food aid in Somalia was redirected by corrupt contractors and how the Shabab’s bomb-making operations became sophisticated. But the focus this year has largely been on the Shabab’s sources and movement of funds. During the reporting period, from last December to this August, the report’s authors found evidence that the Shabab had generated about $13 million in revenue. This included an estimated $2.4 million from checkpoints in the Lower Juba region in southern Somalia and $5.8 million from charging businesses in the southern port city of Kismayo. The report includes redacted copies of receipts for these transactions. Two bank accounts associated with the Shabab — paid into by retailers, shipping agencies and car dealerships — generated more than $3 million. The report linked the transfers to the Salaam Somali Bank. In two separate accounts reviewed by the panel of experts — one receiving port duties, the other alms collection — the panel found large cash deposits and frequent transfers that exceeded the $10,000 limit that would have required the bank to report them. In one of the accounts, $1.7 million was transferred entirely in 87 transactions, with one person receiving $310,000. Over a 48-hour period in May, more than $322,000 was transferred from these two accounts to a third bank account, the report said, showing “an institutional link between the accounts and an organized approach to the distribution of funds.” The panel of experts recorded a total of 128 transactions that would have warranted disclosure to Somalia’s Financial Reporting Center, which investigates suspicious financial activities. A review of the accounts “revealed no obvious legitimate outgoings or expenditures,” the report said. In a statement, a Salaam spokesman said the bank had taken “appropriate actions against numerous accounts” believed linked to “suspicious activity.” The bank also said the United Nations had reached out to it about the panel’s investigation but that since the bank had not “received the details of these accounts” it was “unable to determine whether the appropriate action has been taken against these accounts.” After decades of war, Somalia has achieved a modicum of peace, as it looks to build functioning public institutions. This includes oversight of financial outlets like banks and the passage of laws against money laundering and terrorism financing. But enforcement by the weak Somali government remains inadequate, hindered by many obstacles, including the lack of widespread proof of legal identity. The U.N. report noted how identity documents used to open the Shabab’s bank accounts had been acquired just days before. A recent study also showed how the country’s informal hawala system of money transfer underpinned the sale and trade of illicit arms. In an interview, Somalia’s finance minister, Abdirahman Beileh, acknowledged the Shabab’s pervasive use of domestic financial systems. “We are meeting with the banks and informing them of the danger they are in,” he said in an interview from Mogadishu. Calling the Shabab a “mafia,” he said that whenever the authorities closed one loophole, the group figured out another way to move money. “These are people who are very smart and very cunning,” he said. The report also described the Shabab’s well-organized financial system, with regular audits to prevent losses. Besides spending on intelligence and military expenditures, the group has invested tens of thousands of dollars in property and business enterprises in Mogadishu’s bustling Bakara Market, which sells a wide range of goods and is the country’s biggest open-air bazaar. The findings prove how the Shabab are embedded deep into Somali society, said Rashid Abdi, an analyst and researcher who specializes in the Horn of Africa. “It’s no longer an insurgency but an economic power,” Mr. Abdi said in a telephone interview. “It’s a shadow state that’s out-taxing the government even in areas it doesn’t control.” The Shabab, he said, are becoming a “much more entrenched, resilient and deep-rotted organization that doesn’t have to rely on might or military force to stay relevant.” Source: New York Times The post Feared Shabab Exploit Somali Banking and Invest in Real Estate, U.N. Says appeared first on Puntland Post.
  15. Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr.James swan. Labada masuul ayaa kawada hadlay iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka. Amb Axmed Ciise Cawad Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ahaa ayaana warbixin ka siiyay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka “Ergayga Qaramada Midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd in uu maata la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Qaramada Midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-subax-12102020.mp3 View the full article
  17. Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah eeXukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad ayaa lagu sheegay in Labada mas’uul ay ka wada hadleen Iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Gobolka ka jirta. Axmed Ciise Cawad ayaa warbixin ka siiyay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay Arrimaha Amaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka. “ Waxaan isla falanqeynay Arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Qaramada Midoobay, Arrimaha Qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira” ayaa lagu yiri Qoraal ka soon baxay Xafiiska Wasiir Cawad. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Salsabii – a multi-functional space in Mogadishu by the locally-based architect – offers an architectural nod to the rich cultural identity and heritage of Somalia Source: Hiiraan Online
  19. The strangest, longest, most disjointed season in NBA history is now over. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Cali Cilmi waa guddoomiyaha xisbi la magac-baxay Taageerayaasha Mahdiga, waxuuna sheegay inuu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan 2020/2021-ka. Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, waxuuna sheegay in hadafka ugu weyn ee xisbigiisu uu yahay sidii loo heshiisiin lahaa Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay bilaabeen sidii loo dhex-dhexaadin lahaa ururka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana uu fariimo u kala diray hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo madaxweyne Farmaajo. Warqado uu soo bandhigay guddoomiye Xuseen waxaa ku qoran xabad joojin uu ku dhawaaqay xisbigiisa oo ka bilaabaneysa 1-dii bishii hore ee Sebtember 2020, kuna eg 31-ka December 2024-ka, taas oo la dhex dhigo dowladda federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in dowladda iyo Al-Shabaab ay kala gaarsiiyeen warqadahaas, isla markaana uu u kala dhiibay Salaad Cali Jeelle oo la taliye u ah madaxweynaha Soomaaliya iyo nin ka tirsan Al-Shabaab oo teleefan uu kala hadlay. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Taageerayaasha Mahdiga Xuseen Cali ayaa sheegay in illaa seddax jeer uu wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, basle uu ku demiyey taleefanka. “Madaxweynaha waxaan helay watsapp-kiisa gaarka ah, waxaan wacay seddax jeer isaga oo online ah, balse waa uu igu deminayey oo igama qaban” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u diray warqad uu uga codsanayo inuu dhigo gogosha lagu dhex-dhexaadinayo Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya. “Waxaan madaxweynaha Turkiga u diray qoraal aan uga codsanayo inuu gogosha dhigo, qorshuhu waxa uu ahaa in shan qof oo DF ka socota iyo shan kale oo Al-Shabaab ka socota ay Turkiga isugu tagaan, si loo amba qaado heshiis dhex mara labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Waxa uu sheegay in sanadkii 2004-tii uu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale xisbigan ayuu sheegay in la aas-aasay sanad kadib 2005-tii. Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay in xisbigan uusan ka diiwaan gashaneyn guddiga doorashooyink oo shahaado aqoonsi ah uusan ka heysan dowladda Soomaaliya, taas bedelkeedna aysanba u baahneyn. Hoos ka Daawo The post Xisbi shaaciyey inuu dhex dhexaadinayo DF iyo Shabaab + Warqad loo diray Erdogan first appeared on Caasimada Online.
  21. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has told his Ethiopian counterpart that his country has the intention to “immediately” bring over some 2,000 Ethiopian Jews. Source: Hiiraan Online
  22. Fafi MP Abdikarim Osman has accused some National Police Reservists of incompetency, thus aiding terrorists. Source: Hiiraan Online
  23. On World Mental Health Day this year, the World Health Organization (WHO) in Somalia urged policy-makers, international and national agencies, and other civil society groups to scale up mental health services in Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Waxa Shalay la soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kaasi oo ka kooban 241 Xubnood. Liiskaas waxa Lambarka 7-aad ku jira Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, waxaase Gebi ahaanba ka maqan Xubnaha Qoyska Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid tahay Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo hore ugu jirtay Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Wiilka uu Sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar. Lama garanayo in Xubinnimada Siilaanyo tahay ‘Xubin Sharafeed’ ay qorsheeyeen Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo inuu yahay Xubin rasmiya. Hase-yeeshee Warar uu Wargeyska Geeska Afrika ayaa tilmaamaya in la filayo in Axmed-siilaanyo uu ka cudur-daarto Xubinnimadaas KULMIYE, waxayna Wararku sheegyaaan inuu Cudur-daarkiisa ku salayn doono in Golaha dhexe ee cusub laga reebay Dad badan oo ka mid ahaa kuwii la aasaasay Xisbiga oo isagu jira Haween iyo Rag. Geesta kale, Liiska Shalay waxa bannaanaa Laba Lambar oo kala ah 50 iyo 49, kuwaasi oo aan la garanayn sababta loo banneeyay, Laakiin Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Labada Lambar ee bannaanaa yihiin Labada Xubnood ee Beesha Madaxeyne Axmed-Siilaanyo ee Aadan Madoobe Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Sideed ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto gobalka Hiiraan, islamarkaana ka soo jeeda Beesha Xawaadle ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la sheegayaa in kulankaas uu ku dhamaaday natiijo la’aan. Xildhibaanadaan oo Madaxweynaha kulanka ka dalbaday ayaa sidoo kale waxaa la socday ugaas-ka beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo mas’uuliyiin kale. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xildhibaanadan ay Madaxweynaha ka dalbadeen in kursiga Madaxweynaha HirShabeelle uusan tartan geli karin, oo uu u gaar yahay beesha ay matalaan ee Xawaadle. Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay Xildhibaanada in kursiga doorashada Madaxweynaha uu yahay tartan u furan guud ahaan shacabka iyo beelaha HirShabeelle oo aysan jirin beel gaar u leh ama saami u leh. “Madaxweynaha waxa uu yiri waa tartan furan kursiga Madaxweynaha, waana diiday is fahamkii hore loo gaaray mana ahan wax socon kara,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii shirka ka qeyb galay. “Sidoo kale Madaxweynaha waxaan u sheegnay in doorashada ay boob ku socoto waana ka meer meeray balse waxaa yeelan doonnaa kulan kale beel ahaan waxaana go’aano ka gaari doonaa wixii nala gudboon,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii kulankaas ka qeyb-galay oo la hadlay Caasimada Online. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda doodo ku saabsan sidii laga yeeli lahaa doorashada HirShabeelle iyo tabashooyin ay qabaan beelaha qaar. Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad HirShabeelle ayaa dhinaca kale wata shaqooyinkooda caadiga ah inkastoo ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo dhanka beelaha ah. The post Xog: Xildhibaano Farmaajo ka codsaday in beel gaar ah loo daayo madaxweynaha HirShabeelle iyo jawaabtiisa first appeared on Caasimada Online.