-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. Shirka ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada. Mudane Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee Jubbaland ayaa maanta xukun ku riday Deeqow Caliyow Kuusow, oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii Hotel Madiina Ex. Cascasay ee magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Deeqow Kuusow, oo magaciisa afgarashadu ahaa Muhaajir islamarkaana sheegay inuu yahay 19 jir, ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, xili uu ka dhex dagaalamayey gudaha huteelkaasi oo Al-Shabaab weerar ka geysteen 12-kii bishii July ee sanadkii hore ee 2019. Deeqow oo hadda naafo ah ayaa maanta lagu riday xakun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka Maxkamdda cidamada qalabka sida ee Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed. Ka hor inta aysan maxkamaddu xukunka ku ridin Kuusow ayaa iska fogeeyay qeybo kamid ah eedeymaha loo haysto, inkasta oo uu qirtay inuu kamid ahaa dagaalyahanadii Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi. Kuusow ayaa sheegay in saraakiisha Shabaabku ay soo qaldeen, islamarkaana ay siiyeen macluumaad been ah oo la xiriira bartilmaameedkooda weerarka ay ka fuliyeen huteelkaasi. “Waxay idhaheen ninka shabaabka duqeeya ee diyaaradaha kiciya huteelkaas ayuu degan yahay, markaas dad ajnabi ah inay joogaan ayaa la iga dhigay. Haddaan sidaa hadda wax u ogahay u ogaan lahaa maba gali laheyn,” ayuu yiri. Deeqow ayaa waxa uu kamid ahaa afar dagaalame oo weerar ku qaaday huteelkaasi oo xiligaasi ku sugnaayeen siyaasiyiin iyo qurbo-joog badan. Weerarkaasi ayaa waxaa sanadkii hore ku dhintay 26 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56 qof oo kale oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa huteelkaasi. Waxaana kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaasi bahalnimada ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid. Al-Shabaab ayaa inta badan dhalinyarada ay u adeegsaneyso weerarada iyo qaraxyada uga been sheegta bartilmaameedka ay ka leedahay, sida soo ifbaxeysay muddooyinkii dambe. The post 19 jirkii fuliyey weerarkii lagu dilay Hodan Naaleeye oo shaaciyey 'arrin yaab leh oo lagu soo qalday' + Video first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta ay hakad ku jirto qeyb kamid ah shaqada Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin ilaa xal looga helo, lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo daggan gudaha dekadda Muqdisho, lacagtaas oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya sheegtay in aysan waxba ka qaban karin. Ganacsatada aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee ku sugan dekadda Muqdisho ay konteenar kasta ku soo rogeen lacag dhan $150, haddii aan la bixinna uusan ka bixi karin Dekadda. “Konteenar kasta waxaa laga rabaa $150 oo ka dheeraad ah canshuurta dowladda, markii aan weydiinay waxay noo sheegeen in Al-Shabaab-ba lacag naga qaataan, waayahee haddii dowladii lacag, rabto Shabaab na baadayaan, ciidankiina na baadayaan, xagee ka shaqeysanaa?,“ ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Muqdisho oo aan qarinay magaciisa. “Markii ay madaxii ku mashquuleen siyaasadda, ciidankii ayaa la soo baxay weji cusub waana boob mana socon doonto sidaan oo kale,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ganacsadahaan hala-hadalnay. Sidoo kale ciidankan ayaa soo saaray amar ah in ganacsadihii bixin waayo lacagta looga baahan yahay islamarkaana adeegiisa yaalla dekadda ay ku waajibi doonto $30 oo habeen kasta ah, taas oo lagu sheegay kirada ganacsiga u dhaxyaalo dekadda balse haddii ay bixiyaan $150 aysan waajib ku aheyn. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda ay socdaan wada-hadallo arrintaan ku saabsan islamarkaana aysan muuqan rajo weyn. Tobaneeyo ka mid ah ganacsatada Muqdisho ayaa la sheegay in gudaha dekadda ay hadda uga xayiran yihiin Konteenaro badan oo wada agabyo kala duwan. The post Xog: Qeyb ka mid ah shaqada dekedda Muqdisho oo maanta khilaaf u istaagtay first appeared on Caasimada Online.
-
Ciidan & Gaadiid Puntland ka goostay Oo u soo digarogtay Somaliland Ciidamo ku sugnaa Degmada Boocame kana katirsanaa ciidanka Puntland ayaa Maanta sheegay in ay ka goosteen Puntland una diga rogteen xagga Somaliland. Ciidankan ayaa ka amar-qaadan jiray Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Nuur (Gabiley ), waxaanay tagidooda noqotay talaabo Cajiiba. Somaliland ayaa waxaa ka go’an in ay la wareegto Boocame oo ah degmadii ugu dambeysay ee gobalka Sool ee Somaliland gacanteeda ka maqan. hase yeeshee ma aha markii ugu horeysay oo ciidan ka tirsanaa Puntland u goostaan dhinaca Soomaaliland. Qaran News
-
Natiijo kasoo baxday Baadhitaan labaad oo la marsiiyay maydka marxuum Cali Khaliif Baadhitaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay. Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha Sool clan ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baadhitaan labaad la marsiiyo. Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuumku uu u geeriyooday sabab kale. Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay. Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan ka waday caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay xildhibaano iyo senataro Soomaali ah. Kulankaasi ayaa ahaa mid wada-tashi ah oo uu la qaatay xildhibaanada iyo senatarada Soomaalida ah ee baarlamanka Kenya, sida uu Xasan Cali Kheyre ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Kheyre ku doonayo inuu ku helo kursiga u sarreey ee dalka, xili uu dhawaan shaaciyey inuu yahay musharax madaxweyne. “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay xildhibaanada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kheyre ayaa xubnaha uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala-guurka, wallow uusan si cad u carabaabin. Kheyre ayaa ololahiisa ka xoojinaya caasimada dalka Kenya ee Nairobi, xili ay ku sugan yihiin xubnaha ugu badan ee doonaya iney isa soo sharaxaan xilka madaxtinimo, waana meel sanadahii ugu dambeysay aheyd halka laga jaangooyo siyaasadda dalka. Waxaana la xasuustaa in madaxweyne Farmaajo uu ololahiisa madaxtinimada kasoo bilaabay Nairobi dhamaadkii 2016, waxaase la sugi doonaa hadii Nairobi ay mar kale soo saarto madaxweynaha xiga. The post Sawirro: Xasan Cali Kheyre oo NAIROBI kula kulmay xildhibaano iyo Senatoro first appeared on Caasimada Online.
-
Taliska guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga ayaa maanta ciidamo kala dhex-galay dad beeraley ah oo shalay dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Shiirkaneeco oo 15 KM u jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiraan. Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in haatan wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo dadka xoola dhaqatada ah ee dagaalamay Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay magaalada Baladweyne. Inta badan dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta ayaa ku soo laa-laabta gobolka Hiiraan ee baratamaha Soomaaliya. View the full article
-
Maxkamdda ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Deeqow Caliyow Kuusow oo ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii hotel Madiina Ex Cascasey oo maanta loo fariisatay gal dacwadeed la xiriira weerarkii iyo is-miidaamintii ka dhacday Hotelkaasi 12-kii bishii July ee sanadkii 2019- kaasoo ay gaysteen afar ka tirsan Al-Shabaab. Xeer ilaaliyaha maxkamdda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Maxamed Axmed Yaasiin ayaa ugu horreyn maxkamdda ka hor akhriyay dambiyada loo hesyto Deeqow Caliyow Kuusow iyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay. Intii ay socotay dhageysigga dacwadda ayaa Deeqow Caliyow maxkmadda ka hor qirtay dhammaan eedeyntii iyo cadaymihii lagu helay, isagoona qirtay in uu ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana uu si bareer ah u dilay dad aan waxba galabsan. Sidoo kalde wuxuu maxkamadda ka codsaday in la cafiyo, islamarkaana loo qafiifiyo xukunka adag ee lagu riday. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya, xilli uu jiro walaac la xiriira in doorashada ay waqtigeeda ku qabsoomi weyso. Doorashada oo heshiiska laga gaaray 17-kii September ayaan waxaa illaa hadda muuqan dhaq-dhaqaayo la xiriira, ayada oo sidoo kalena Rooble uusan soo dhisin xukuumaddii fulin laheyd heshiiska doorashada. Kulankan oo qeyb ka ahaa shirarka looga hadlayo habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka. Waxaana ugu horeyntii kulankaasi lagu bogaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka ah fulinta qodobadii lagu heshiiyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Sidoo kale waxa beesha caalamku ay si weyn usoo dhaweeyen in laga dhabeeyo go’aamadii ay sida wada-jir ah u gaareen madaxda dowlada iyo dowladaha xubnaha ka ah, isla markaana ay xiligeeda ku qabsoomto doorashadu. Rooble ayaa intii uu socday shirku kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee u weyneyd in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, ayna si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in laamaha amniga ee dowladda federaalka iyo kuwa maamuladu ay xiligan u diyaarsan-yihiin dar-dar gelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha. Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaruhu damaanad qaaday in ciidamadu ay si buuxda u sugi karaan amnniga musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso. The post Sawirro: Rooble oo la kulmay beesha caalamka xilli ay jirto arrin laga walaacsan yahay first appeared on Caasimada Online.
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowlada, waxaana ay intaasi ku dareen inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro dhul. Xaafad magaceeda lagu sheegay Xaawa Casir oo ka tirsan degmada Karaan ayaa la sheegay in uu dagaalku si gaar ah kaga dhacay. Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, halka dhaawacana lagu sheegay illaa labo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Xaalada ayaa haatan degan, inkastoo xiriiro aan la sameynay maamulka degmada ay ka jawaabi waayeen wicitaanadeena. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-Taladdo-13102020.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa markii u horeysay ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo uu soo kala dhex-galay khilaaf culus. Xildhibaan Calasow ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo joojinta Gacal, isagoona ku eedeyay guddoomiyaha inuu gebi ahaanba ku fashilmay shaqadii baarlamaanka Galmudug. Calasow ayaa ka dhawaajiyay in Gacal uusan awood u laheyn inuu gunada ka jaro amase uu shaqada ka joojiyo xildhibaanada uu guddoomiyaha u yahay ee uu kamidka yahay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug aysan ku qorneyn tallaabada guddoomiye Gacal uu qaaday, ayna tahay mid la yaab ku noqotay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay. Tallaabada ka dhanka ah Calasow ayaa waxa si weyn uga horyimid xildhibaanda baarlamaanka Galmudug oo iyagu u arka ku tagri fal awoodeed iyo ku tumasho sharci, iyagoona cabasho ka dhan u gudbiyey hogaanka sarre ee Galmudug. Xildhibaanadaasi ayaa madaxweyne Qoor-Qoor gaarsiiyay cabashadooda ku aadan tallaabada uu qaaday guddoomiye Gacal, oo ay xiisad culus kala dhaxeyso xildhibaanka uu ku sameeyay shaqo joojinta. Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa shalay soo saaray warqad uu fadhiyada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow oo ka tirsan golaha wakiillada Galmudug oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyay. “Fadhiyada iyo gunada kalfadhiga labaad ayaa laga joojiyey Xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow laga bilaabo 12-ka October 2020-ka, waana in cudurdaar rasmi ah uu usoo gudbiyo fadhiga koowaad ee golaha,” ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixanyahay guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo soo baxay maalintii shalay. Calasow ayaa tartan xoogan kula galay Gacal xilka uu hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, waana sababta la fahamsan yahay inay ka dambeyso shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyuhu. Gacal ayaa xildhibaan Calasow gebi ahaanba ka mamnuucay fadhiyada golaha iyo gunadiiba, xili ay xildhibaano badan oo ka tirsan goluhu ay ku howlanaayen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha, isla markaana uu uga shikiyay olole uga dhan ah. The post Calasow oo si kulul uga jawaabay shaqo joojinta uu ku sameeyey Gacal first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dhaliilay Safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Gobollada Galbeedka dalka. Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxynu u baahan nahay inaynu dalkeena qorsheyaal u samaynayo oo aynaan ku masqhquulin safarrada aynu Malaayiinta ku bixinayno, Calamada iyo Sawirrada Madaxweynaha iyo Roogagga cascas ee aynu dhigayno.” Bashiir waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu dantu ku jirtaa inaynu Hay’adaheena Dawladda dhisano, in Madaxdu ay Gobollada dalka u tagto inay soo qiimayso adeeggii Caafimaadka iyo kii Biyaha iyo kii wasaaradaha ee Meesha ka jiray, in la soo qiimeeyo Saldhigyada Booliska kuwa shaqaynaya iyo kuwa xidhan, in laga gudbo Marxaladda aynu weli ku jirno ee ah inaynu Beelaha iyo Durbaankoodii weli ka shaqaynayno. Safarkaa u dambeeyay sida loo soo dhaweeyay (Madaxweynaha) iyo sidii loo yaacayey waxaad moodaysay Raysal-wasaaraha Shiinaha oo loo ogolaaday Taiwan, laakiin umanaan baahnayn, waxaynu u baahnayn in isku duwayaasha qaar shaqada laga qaado markay xilkooda gudan waayeen, qaarna la soo dalacsiiyo..” ayuu yidhi. Source
-
Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay hawl-gallo ka wadaan Biyaha dalka Nigeria iyo Gacanta Guinea. Sidaana waxa soo weriyey isla-markaana daabacay Wargeyska Punch. “Waxaan xaqiijinay xidhiidh ka dhexeeya dambiyada ka dhaca baddayada iyo dhaqdhaqaaqyada budhcad-badeedda Soomaalida..” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda Badbaadada Maamulka Badaha Nigeria Dr. Bashir Jamoh oo Wargeysku soo xigtay. Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in Budhcad-badeeda Soomaalidu ay isaga gudbaan Xeebaha Soomaaliya illaa kuwa Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo Aakhirkana hawl-galladooda ka fuliya biyaha Nigeria. Masuulkan ayaa ka dayriyey sida Budhcad-badeeda Soomaalidu hawlahoodu xawliga ugu socdaan, isagoo xusay inay xitaa beriga Nigeria u gudbaan isla-markaana ay Doonyo ka kiraystaan “Waxay xitaa soo galaan xuduudaha dhulka, waxayna kireystaan doonyo u fuliya hawlahooda..” ayuu yidhi. Source
-
Maraykanku wuxuu mar kale qorshaynayaa hub kala duwan oo casri kaas oo loo gacan galinayo jasiiradda Shiinaha ka goosatay ee Taiwan. Aqalka Cad ayaa wada heshiis balaayiin dollar ku kacaya oo Taywan lagu siinayo diyaarado, gantaalada ridada dheer iyo hub kale. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa heshay nuqulo codsi ah oo xukuumadda Trump ay u dirtay Koongareeska Maraykanka, si ay u darsaan heshiiska cusub ee ay damacsanyihiin kadibna u ansixiyaan ka hor inta aanay dawladdu saxeexin. Hore xukuumadda Beijing waxay u deedifaysay oo ay si adag ugasoo hor jeedsatay hub hore uu Maraykanku uga iibiyay Taywan. Warqad ay safaaradda Shiinaha ee magaalada Washington u dirtay Aqalka Cad ayaa lagu xusay in Maraykanku uu ka laabto qorshihiisa, hadii kale ay dhaawici doonto tallaabadaasi nabadda gobolka isla markaana xumayn doonto xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanka. Source
-
Ciidamo la sheegay in kawada tirsan yihiin dowladda federaalka ayaa barqanimadii maanta ku dagaalamay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada ciidan oo la sheegay in ay ahaayeen Milatari iyo Booliis ay ku murmeen dhul muddooyinkii dambe la isku heystay ku yaallo cirifka degamada halka loo yaqaano Cade cade. Waxaa inta la xaqiijiyey rasaasta labada dhinac ku geeriyooday labao qof oo shacab ah, kuwaas oo ahaa kuwa dhisa guryaha oo loo keenay in ay dhisaan dhulka,halka uu dhaawac soo gaaray sedex kale. Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa yaro degan sida ay sheegayaan dadka deegaanka, waxaana weli is hor fadhiyo labada ciidan ee dagaalamay, waxaa kale oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray. Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa inta badan ka dhaco dagaallo u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka, taas inta badan ay waxyeello kazoo gaarto shacabka halkaas ku sugan ee lagu dul dagaalamo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
KISMAYO (HOL) - A court in Kismayo has sentenced to death one of the attackers in the July 2019 bombing at a hotel in the coastal city that left 26 people dead and injured 50 others. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-Baadhitaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabay cudurka Covdi 19, taasoo meesha ka saartay shaki hore loo qabay. Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ayaa sheegay inay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay hore u dalbadeen in baadhitaan labaad la marsiiyo. Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale. Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Garowe (PP News Analysis) — Puntland State President Said Abdullahi Deni faces the first test of his economic policies. Exchange rate-driven inflation whose source Puntland Government has yet to identify is contributing to an usually higher cost of living. In 2017 when Puntland State Government printed Somali ShillingS, money released into the market had not caused inflation. Former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali, a trained economist and former economics professor, put his expertise to an expedient use to manage Puntland’s third experiment with an unauthorised money printing initiative. The administration of Abdiweli managed to persuade local businesses to accept Puntland-printed Somali Shillings as a legal tender. Monetary policy was complemented by the coercive power of the government to dissuade traders from using price hikes in dollar terms in response to a possible higher exchange rate for importers. Deni might need to approach his predecessor, Abdiweli M. Ali (right), for a bit of advice on reining in the inflation. President Deni’s government is dealing with run-away inflation in Puntland-controlled territories. 100 dollars is exchanged for 4,000, 000 Shillings compared with South Galka’yo under Galmudug where 2,500, 000 Shillings buys one hundred dollars. In 2008 inflation caused by money printed by Puntland Government resulted in demonstrations. Similar demonstrations might erupt inPuntland. Puntland Finance Minister Hassan Shire last week told the local media that experts would look into the causes of the inflation but made what one analyst described as “a wild speculation that businesses outside Puntland were partly responsible for the inflation”. Nomads sorely feel the impact of low economic activity in Bosaso, the commercial city of Puntland, coupled with inflation. A nomad who sold a goat in Somali Shillings one month ago cannot do the same to exchange his Somali Shillings for enough dollars to buy food and sundries due to the inflation caused by a higher exchange rate. Food prices have risen on a par with the exchange rate in Puntland. Puntland-printed Somali Shilling is worth less than Mogadishu-printed Somali Shilling, as exposed by the exchange-rate driven inflation in Puntland. “President Deni understands that inflation threatens stability in Puntland. Businesses have two options: to increase prices of commodities or hoard their wares if the Puntland Government uses powers to set prices. Puntland importers need assurances that the exchange rate will return to the pre-crisis level” says a Bosaso-based economist. The exchange rate crisis in Puntland is a unique economics case study in a country whose diverse and opposing economic policies hinge on dollarisation and unfettered powers to print money. It is an economic problem whose solution President Deni fervently seeks. © Puntland Post, 2020 The post Puntland President Seeks Advice on Inflation appeared first on Puntland Post.
