Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka DGM. Intaa kaddib Wefdiga ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda GM. Halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha; Doorashooyinka, xoojinta amniga & Iskaashiga DF iyo DX. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo dhimasho leh ayaa goordhow ka dhacay degmada Kaxda ee Muqdisho, waxyar un kadib markii halkaasi lagu dilay guddoomiye waaxeed iyo qof la socday. Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda, isaga iyo qof la socday. Daqiiqado kadib ayaa waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax baabuur oo xooggan oo ay ku dhinteen dad shacab ah, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, qaraxan ayaa ka dhashay baabuur ay goobta uu dilka ka dhacay uga tageen dableydii dishay guddoomiye Waaxeedka. Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu dhacay kadib markii ay gaareen mas’uuliyiinta degmada Kaxda oo gurmad u ahaa agaasime waaxeedka la dilay. Mas’uuliyiinta la qarxiyey waxaa ka mida Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda degmada, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheeyaan inuu qaraxu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawcameen. Dadka dhintay ayaa u badan askar ilaalo aheyd. The post Qarax dhimasho badan leh oo ka dhacay MUQDISHO first appeared on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-27102020.mp3 View the full article
  4. Shirka 7-Aad Ee Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Lagu Wado In Lagu Doorto Hoggaanka Golahaas (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu magacaabo Xogahayaha Guud ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ka dib markii wax ka beddel lagu sameeyey Xeerka Xisbigaasi Shirweynihii Afraad lagu go’aamiyey inuu madaxweynuhu soo magacaabo. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo la xidhiidha magacaabista Xoghayaha Guud, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen warar xogogaal ah, waxa toddobaadyadii u dambeysay socday loollan iyo kaambayn hoose oo ay wadeen xubno dhawr ah oo quudaraynaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen Magacaabista Xoghayaha Guud ee Kulmiye, kuwaas oo shir docdeeyo la yeelanayey Beeshooda, si damacooda uga dhaadhiciyaan. Xubno tiradooda lagu sheegay illaa afar xubnood ayaa ah kuwa iyagu loollanka ugu jira in madaxweynuhu u magacaabo Xoghayaha Guud ee Kulmiye, kuwaas oo ay Ibraahim Axmed Raabbi, Xoghayihii hore ee Dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Daahir Dubad oo ah Aqoonyahan Qurba joog ah, kana mid ahaa Xubnihii Ololaha Doorashadii 2017-kii ee Kulmiye, Maxamed Xuseen Mu’adinka, Agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, Cabdilaahi Jibriil Gaax-nuug, Guddoomiyihii hore Gobolka Awdal ee Xukuumaddii Siillaanyo. Xubnahan oo dhammaantood isku deegaan ah, ayaa la sheegay in uu midkood Madaxweynuhu u magacaabi doono Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ee beddeli doona Xasan Siciid Yuusuf, oo isaga la filayo in aanu soo laaban muddo 9 sanno ku dhow oo uu xilkaasi hayey. Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Ibraahim Axmed Raabbi ugu dhow yahay in loo magacaabo Xoghayaha Guud ee Kulmiye, iyada oo xubnaha kale, laftoodu ay wadaan dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabayo. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu Xoghayaha Guud Magacaabo maalmaha soo socda, si loogu ansixiyo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaas yeelanayo. Dhinaca kale, Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa la filayaa inuu Maalinta Berri ee arbacada uu ka furmo Magaalada Hargeysa. Shirkan golaha Dhexe ee Kulmiye, oo noqonaya kii toddobaad ee uu yeesho, ayaa la filayaa in lagu doorto Hoggaanka cusub ee uu yeelan doono. Xubnaha Hoggaanka ee imika jooga Golaha Dhexe, ayaa la filayaa in ay intooda badan soo noqdaan, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan in Guddoomiye cusub loo dooran doono Golaha Dhexe. Wargeyska Saxansaxo Source
  5. Geed ay dumarka ku hoos foolin jireen oo la jaray+Dibadbax… Dadka ka barakaysta geedkan ayaa ku doodaya inuu jiray 350 sano Jaritaanka geed ay barakeystaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Australia ayaa caro ka abuuray dalkaas. Dad dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid halka geedka laga jaray oo ku taalla gobolka Victoria ee dalkaas, si ay u difaacaan geedaha dhaqan ahaan muhiimadda leh, waxaa geedahaas ka mid ah kuwa ay haweenka qowmiyadda Djab Wurrung ay aadi jireen marka ay fool qabato, si ay ugu dhalaan. Balse maamulka magaalada ayaa Isniintii jaray geedka Djab Wurrung. Waxay sheegeen in geedkaas uusan ku jirin liiska geedaha aan la taaban. Heshiis ay kala saxiixdeen sanadkii la soo dhaafay, ayaa milkiilayaasha dhulka ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Australia, ayaa waxay dowladda Victoria kala xaajoodeen inaan la jarin ilaa 250 geed oo muhiim u ah dhaqankooda. Booliiska Victoria Police ayaa sheegay inay xireen ilaa 25 dibadbaxayaal ah, kuwaas oo diiday inay goobta ka tagaan, xilli ay socotay jaritaanka geedka. Sawirro ay baraha bulshada soo dhigeen dadka u dooda inaan geedahaas la jarin, ayaa muujinaya booliiska oo si qasab ah dadka uga kaxayna waddada, iyo dibadbaxayaasha qaar oo geedka koray. Maamulka gobolka ayaa sheegay in geedkaas uu ahaa mid dhici rabay oo jiray 100 sano, balse dibadbaxayaasha waxay ku andacoonayaan inuu geedkaas jiray 350 sano. Dad badan oo asal ahaan ka soo jeeda dalkaas ayaa sheegay in dhulku uu ka tarjumayo isirkooda. Dadka u dhaqdhaqaaqa qowmiyadda Djab Wurring ayaa hore u sheegay in muhiimadda ay geeduhu u leeyihiin dhaqankooda ay la mid tahay tan ay goobaha lagu cibaadeysto dadka u leeyihiin. Geedaha la doonayo inaan la taaban waxaa ka mid ah labo geed oo ay haweenku hoostiisa ku dhali jireen. Waa geedo jiray qarniyo, kuwaas oo ay xitaa haweenku ku duugi jireen ibida, marka ay dhalaan, taas oo ah qeyb ka mid ah dhaqankooda. Dadka cambaareeyay jaritaanka geedka ayaa sheegay in jaritaankiisa ay ku soo aadday xilli lagu dhawaaqay in xayiraadda laga qaadayo magaalada Melbourne ee caasimadda u ah gobolka Victoria. Geedka ayaa la sheegay inuu ku yaallay waddo muhiim ah Dowladda Victoria ayaa difaacday go`aankeeda jaritaanka geedka oo ay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay mashruuc ilaa 12km (7.4 meyl) lagu ballaarinayo waddo u dhaxaysa magaalooyinka Melbourne iyo Adelaide – si loo yareeyo shilalka. “Iyadoo in ka badan 100 shil ay ka sanadihii la soo dhaafay ka dhaceen Waddada Galbed, ayna sababeen 11 dhimasho ah, waxaanu la nimid tallaabadan si aan u badbaadinno dad badan,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda gobolka Victoria. Qaran News
  6. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo qarax is-xigay oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Colow Cali, kaas oo ahaa gudoomiyaha waaxda shanaad ee Siinka Dheer ee degmada Kaxda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha lala dilay gabar magaceeda lagu sheegay Faadumo Mataan, xilli ay olole wacyi-gelin caafimaad ka wadeen halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxihii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Dhinaca kale wararka laga helayo Kaxda ayaa sidoo kale ku warramaya in goobta uu dilku ka dhacay laga maqlay qarax xoogan, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada oo la dhigay goobta, xilli ay tageen guddoomiyaha degmada Kaxda iyo saraakiil kale. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga iyo gurmad loo fidanayo dadka waxyeelo soo gaartay. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubeysan ayaa goordhoweyd guddoomiye waaxeed dil toogasho ah ugu geystay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida dad deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dableydii fulisay dilka guddoomiyaha ay iskaga baxsadeen goobtaasi, iyada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya. Guddoomiye Colow ayaa xiliga la tooganayey ku sugnaa waaxda shanaad ee degmadaasi oo uu maamulkeeda gacanta ku hayey, lamana oga sababta ka dambeysay toogashadaasi. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga, oo iyagu baaris ka bilaabay xarunta waaxda iyo degmada Kaxda ee uu dilku ka dhacay. Si-kastaba, Dilalka qorsheysan ee noocan ah ayaa inta badan waxa magaalada Muqdisho iyo gudaha Soomaaliya ka fuliya kooxda Al-Shabaab, ilaa haddana ma cada in falkan ay ka dambeeyan. The post DEG DEG: Guddoomiye lagu dilay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  8. Boqortooyada Sacuudiga oo canbaareysay Gawracii lala beegsaday Macallinkii Nebi Muxamed Aflagadeeyay Sacuudiga ayaa cambaareeyay sawir-gacmeedyada la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad (NNKH), balse wuxuu ka gaabsaday baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee ee lagu mamnuucayo wax soo saarka Faransiiska. Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyadu ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimada, oo uu ula jeedo gowricii lagula kacay macallinkii Faransiiska u dhashay, ee ardayda tusay sawir-gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH. Madaxweynaha Turkiga ayaa ku baaqay in la mamnuuco badeecada ka timaadda Faransiiska, iyadoo baarlamaanka Pakistan uu sidoo kale meel mariyay qaraar ku boorrinaya dowladda inay u yeedho safiirkeeda ka jooga Faransiiska. Gudaha Sacuudiga, baaqyada ah in la mamnuuco wax soo saarka Faransiiska ayaa qabsaday baraha bulshada, balse wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in magaalada Riyadh aanan laga dareemeynin mamnuucidda alaabaha ka timaadda Faransiiska. Qaran News
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa madaxtooyada kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan, kadib markii uu maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb. James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid ahaayeen wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed, ayaa gaaray xarunta maamulka Galmudug, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Kulanka Qoor-Qoor iyo Swan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, iyada oo si gaar ah diirada loogu saaray doorashooyinka, xoojinta amniga iyo iskaashiga dowladda federaalka & dowladaha xubnaha ka ah. Waxay labada dhinac isla qaateen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka oo dhawaan magaalada Muqdisho looga gaaray heshiis loo dhan yahay, kaasi oo meesha ka saaray muddo kororsi laga cabsi qabay. James Swan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la filayaa inuu hirgelin doona xarun ay leedahay QM oo laga hago howlaha horumarineed ee deegaanadaasi. Inta ay joogaan wafdigan uu hogaaminayo Swan waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda sarre ee maamulka Galmudug, iyaga oo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo amniga. The post Sawirro: Maxay looga hadlay kulankii maanta dhex-maray Qoor-Qoor iyo James Swan? first appeared on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (PP News Desk) — Hiiraal, a Mogadishu-based think tank, will argue in a report that Al-shabaab does not invest in real estate. The report is based on a four-month long study conducted by Hiiraal and will challenge findings in a New York Times report on Al-shabaab finances. “The Shabab, the Somalia-based militant group that is Al Qaeda’s most powerful ally in Africa, is not only collecting millions of dollars in tariffs and payoffs but moving the money through local banks and even investing it in real estate and businesses, according to a new United Nations Security Council report” reported New York Times. Hiraal Institute report will challenge findings in a New York Times report on Al-shabaab finances. Hiraal is managed by the former Somalia National Security Advisor Hussein Sheikh Ali. Al-shabaab’s tentacles reach into the Mogadishu Port, where the proscribed group allegedly levies tax on imports. Last year, the former Chairman of the Somali Chamber of Commerce Abdi Abshir Dhorreh ‘corroborated’ a report on Al-shabaab tax regime in a VOA Somali Service interview. “Al-shabaab business model partly benefits from the International Community’s peacekeeping strategy that puts resources into peacekeepers’ coffers at the expense of the creation of effective Somali security forces” says Ali Abdi, a security analyst in Mogadishu. The United Nations Security Council report singled out Salaam Bank for enabling [Al-shabaab] operatives to store and transfer …“ money through accounts operated by Salaam Somali Bank, a leading bank in Somalia.” Salaam Bank denies that sanctioned persons have had accounts with the bank. © Puntland Post, 2020 The post Hiraal Institute: Al-shabaab Does not Invest in Real Estate appeared first on Puntland Post.
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xubno ka socda beesha caalamka, islamarkaana uu hoggaaminayo, ergeyga gaarka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud. Wafdigan oo uu horkacayo James Swan ayaa waxaa ka mid ah wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed. Xubnahan ka socda beesha caalamka ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug & mas’uuliyiin kale. Ujeedka safarka wafdigan ka socda QM, EU, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa waxaa lagu sheegay mid ku qotoma arrimaha doorashooyinka 2020/21, siyaasadda iyo amniga. Sidoo kale qorshaha wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah in Dhusamareeb ay ka hirgeliyaan xarun ay leedahay Qaramada Midoobay, taas oo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ka wadaan Galgaduud iyo Mudug. Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale inta ay joogaan caasimada Galmudug kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda sare ee maamulkaasi. Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo heshiis laga gaaray, kadib shirar ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho. The post Sawirro: Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb + ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  12. Jaaliya Soomaaliyeed Magaalada Goteborg ee dalka Sweden ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudan Xamsa Saciid Xamsa,iyagoo madaxda Dolwadda ugu mahad celiyay doorashada ay Wasiir Xamsa ugu magacaabeen Wasaarada Ciyaaraha. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay ciyaartooydii hore Soomaaliya,bahda ciyaaraha degan Magaalada Goteborg ee dalka Sweden iyo bulshada qeybahada kala duwan,wuxuuna u jeedka ahaa in loo hambalyeeyo Wasiir Xamsa kaalinta uu ka geystay horomarinta iyo is dhaxgalka bulshada Soomaaliyeed ee dagan magaalooyinka kala duwan ee Sweden. “Waad mahadsantihiin reer Sweden waan idinkaga guoomay hambalyadeena,waxaan idin rajanayaa guul iyo horomar Wasaarada Ciyaaraha waxa ay diyaar u tahay soo dhaweynta bahda isboortiga meel walbo ay joogaan,yoolkeena waa in aan u hiilinaa Ciyaaraha Wadankeena” ayuu Wasiir Xamsa Saciid Xamsa u sheegay jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden. Aadan Maxamed Ibaarim (Aadan Oor) oo ka mid ahaa laacibiintii hore Soomaaliya kana mid ahaa mas’uuliyeentii soo qaban qaabiyay kulankan ayaa u mahad celiyay dadkii soo ajiibay,wuxuuna intaa ku daray reer Sweden in ay garab taaganyihiin Wasiir Xamsa iyo Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada. “Waan u hamabalyaynaa Wasiir Xamsa waxaan aheyn saaxiibo waqti wanaagsan soo qaatay,runtii aad baan ugu farxay markii loo magaacay Wasaarada Ciyaaraha dalka,sidoo kale jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden way garab taagantahay Wasiir Xamsa iyo Wasaarada Ciyaarada Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Aadan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah ciyaartooydii dalka. Si kastaba bahda isboortiga Siomaaliyeed ee kala joogta gudaha dalka iyo dibada ayaa kalsooni weyn ka muujiyay magaacibista Wasiir Xamsa ee Wasaarada Ciyaaraha waxayna tani horomar u tahay Soomaaliya,Maadam Wasiir Xamsa Saciid Xamsa oo horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho ( Caasimada Online) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano NISA ayaa eedeyn culus u jeejiyey taliska booliiska dekadda Muqdisho & kastamka wasaaradda maaliyadda Somalia. NISA ayaa sheegtay in dhinacyadaas ay ka hor yimaadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo alaabada kala duwan ee laga soo dajiyo dekadda, si looga hortago in Shabaab ay ka soo degsato maadooyinka qaraxyada, iyada oo adeegsaneyso farsamooyin kale. War qoraal ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aysan shaqo ku laheyn haddii mas’uuliyad amni darro ay ka timaada dekadda weyn, balse wax laga weydiin doono saldhigga Booliiska dekadda, laanta ilaalinta canshuuraha, kastamka wasaaradda maaliyadda Soomaaliua & maamulaha furdada Muqdisho. Sidoo kale qoraalka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in muddo fog dabagal dheer lagu hayey dhaqaalaha kooxda Al-Shabaab ay ka hesho dekadda iyo galaangalka ay ku leedahay inay kala soo dagaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyada. Hay’adda ayaa intaasi raacisay in horey gacanta loogu dhigay illaa 10 kunteenar oo ah maadooyinka qaraxyada, islamarkaana ay dooneysay in Al-Shabaab ka soo dagsato dekadda Muqdisho, iyada oo adeegsaneyso dad ganacsato ah oo loo xiray falkaasi. Si kastaba marar badan ayaa horey looga digay in laga hortago qatarta dagaalyahanada Al-Shabaab ee dekadda Muqdisho, iyada oo dhowaan gacanta lagu dhigay maado laga sameeyo qaraxyada oo loo waday kooxdaasi oo weeraro iyo qaraxyo ka fuliso dalka. The post Maxay tahay halista ka jirta dekadda magaalada Muqdisho ee hay'adda NISA ka digtay? first appeared on Caasimada Online.
  14. Hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka ayaa Walaaca aad u xoog weyn ka muujiyey Xukunka Maxkamadda Hargaisa Ku ridday 7 Eedaysane Oo Loo haystay Kufsi Wadareed [...] The post Daawo : – Walaac laga muujiyey maxkamadaha Hargeisa kufsigii wadareedkii loo geystay Gabadh yar oo 13 jir oo maskixyan u jiraneyd. appeared first on . Source
  15. Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukuno kala duwan ku ridday saddex nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan Al-Shabaab & Daacish. Maxkamadeynta raggan oo ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa Puntland ay ku eedeysay falal isugu jira dilal iyo wax loogu yeero argagaxisinimo oo lagu soo qabtay. Labo ka mid ah raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay, Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu shaaciyey Ibraahim Bile Maxamed oo ah gududdoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu. Aadan yo Abshir ayaa si gaar ah loogu deeyey inay geysteen dilal kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamuud Shiniyow Cali lagu riday xukun ah 20 sano oo xabsi ah. Puntland ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu eedeeyey inay xubno ka yihiin kooxaha Al-Shabaab & Daacish oo ku xoogan buuraleyda maamulkaasi. The post Puntland oo xukuno adag ku riday rag ka tirsan Shabaab iyo Daacish + magacyada first appeared on Caasimada Online.
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxda saddexda xisbi ee Somaliland WADDANI, UCID iyo Kulmiye iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankan oo dhawr saacdood qaatay ayaa ka qabsoomay Hotel-ka Ambasador ee magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta ka socday xisbiyada Somaliland iyo weftiga balaadhan ee Beesha Caalamka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo sidii loo dardar gelin lahaa tabaabushahooda. Kulankan ayaa sida oo kale lagu darsay sidii haweenka iyo dhallinyarada looga qayb gelin lahaa siyaasadda ugana qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda. Sida oo kale waxa lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda siyaasadeed ee beelaha la hayb sooco. Kulanka waxa xisbiga WADDANI ku metelayay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xoghayaha gaarka ah Mudane Cabdiqaadir Iidle. Dhanka wakiillada Beesha Caalamka waxa ka mid ahaa safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midawga Yurub, Xafiiska Hargeysa ee Ingiriiska iyo xubno kale. Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ka hadlayo kulankii iyo arrimaha lagaga hadlay oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu dhignaa sida tan: “Waxa aanu kulan Saacado badan qaatay kula yeelanay Hotel Ambassador Wafti ballaadhan oo ka socda Beesha Caalamka oo ay metelayeen Wakiilo ka socda Safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midowga Yurub, Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa iyo Xubno kale. Waxa aanu kulankan si qoto dheer ugu lafo-gurnay Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada iyo sidii loo dardargelin lahaa. Waxa kale oo aanu kaga arinsannay sidii Dhalinyarada iyo Haweenka looga qaybgelin lahaa Doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda Siyaasadda ee Beelaha la hayb sooco.” Source
  17. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay ciidamada ammaanka Jubbaland ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo socday tan iyo shalay ayaa waxaa ciidamadu ay ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa baaritaanooda si gaar ah xoogga ugu saaray xaafadda Calanley oo shalay lagu dilay ganacsade Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow oo caan ahaa. Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalladaas uu ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in tiro dad ah oo la tuhmayo la soo qabtay, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article
  18. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa magaalada Muqdisho ayaa la horgeeyey shuruuc dhowr ah, kuwaas uu jiray H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo xiligaan muhiimad gaar ah u leh Beeraleyda dalka. Xildhibaan Cabdulqaadir Siisii oo golaha ka hor hadlay ayaa yiri” Dalagga, kulli ama waxyaabaha waxaan dhihi karnaa waa wax intooda badan sumaysan, suntan dadka yaqaano ayaa yaqaano markiiba dadka waa ay samaynaysaa, kuwana muddo dheer kadib bey qofka jirkiisa kasoo baxdaa. . Xildhibaanka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaad ogtihiin beeraha aan annagu hadda leenahay aad ayey u sumaysan yihiin, hey’ado ayaa waxaa ay u qeybyeen abuur iyagaa kor ka keeno, annaga oo badarkii heysano Galeeydii iyo Masagadii oo aan heli karno ayaa inta la keeno ayaa waxaa la leeyahay abuur waayee ku beerta, micnaheedu maxay tahay waa nala sumeeyey. Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka hor hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay baaritaan” Daawooyinka Cayayaanka ama cudurada iyo Feyruska lagula diriro ma yihiin daawooyin sax ah aan dalaga waxyeeleyn dadka cunayana aan waxyeeleyn iyo ciidda, waxaad ogtihiin banii’aadamku waxaa uusoo maray heerar beeshada ah, kan casriga ah oo hadda jira waxaa waaye daawooyin waxaa jira cimiladana Qatar ku ah dadkana Qatar ku ah. Xildhibaan Cabdinaasir ayaa golaha ka hor yiri” Dowlad weliba waxaa ay xoogga saartaa in ay dalkooda u helaan cuno, cunadaasna waxaa ay ku imaan kartaa maahan wax dibadda laga keenay oo laga soo dhoofiyey, ee dal weliba wixii isagu beertay ayaa ku filnaada, waxaan aamnisan nahy in sharcigaan uu muhiim u yahay Beeraleyda Soomaaliyeed Xildhibaan Axmed Taaw oo golaha isaguna ka hadlay ayaa yiri” Waxyaabahaas oo dhan waxaa keenay qalab lagu baaraayo oo aan jirin iyo hey’ad tayeyntaas qaabilsan, hey’addaan dhismaheeda muhiimadaas ayey ledahay, aad ayaan u soo dhoweynayaa in la dadejiyo dhismaha hey’addaan, balse laga fakaro wixii hadda Lubnaan ka dhacay waad aragteen Kiimiko la xareeyey ayey aheyd. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay sii daayeen ganacsato dhowaan lagu xiray magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedol, kuwaas oo lagu eedeeyey inay u tageen, islamarkaana ay lasoo shireen xubno ka tirsan Shabaab. Ganacsatadan ayaa in muddo ah u xernaa lamaaha ammaanka gobolka Gedo, iyadoo loo heystay inay dhaqaalo ku taageeren Al-Shabaab, ama ay la macaamileen. Nabadoon Idiris Maxamed Axmed oo ka mid ah waxgaradka Beledxaawo ayaa Shabelle u sheegay in haatan la sii daayey ganacsatadaasi oo caan ka ah gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sii deyntooda ay timid, kadib markii ay waxgaradka ay dadaal ku bixiyeen sidii ganacsatadaasi dib loogu soo celin lahaa xorriyadooda. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhiga ganacsadata, odayasha iyo shaqsiyaadka kale ee lagu tuhmo inay Al-Shabaab ugu tageen deegaanadooda. View the full article
  20. Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad sugida ay xabsiga ka sii daayeen rag ganacsato ah oo dhowaan lagu xiray Beledxaawo. Ganacsatada la xir-xiray oo muddo xabsiga ku jiray ayaa waxaa lagu eedeeyey inay tageen deegaanka Ceel-Cadde, islamarkaana ay kula soo shireen Al-Shabaab. Mid ka mid ah waxgaradka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Nabadoon Idiris Maxamed Axmed, islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in la sii daayey ganacsatadaasi oo maalmihii dambe ku xirnaa magaalada Beledxaawo ee gobolkaasi. Nabdoonka ayaa sheegay in dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka, kadib la sii daayey ganacsatadaasi oo caan ka ah gobolka Gedo. Ragga la xiray ayuu tilmaamay inay Al-Shabaab ugu tageen, sidii loogu soo deyn lahaa gawaari ay ka xiyireen, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Beledxaawo oo ku aadan arrintaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in loo cadaalad doonto Al-Shabaab ama lala macaamilo, iyada oo ay jiraan dad horey loogu xiray inay u tageen Al-Shabaab. The post Xaggee ku dambeeyeen ganacsatadii la soo shirtay Al-Shabaab ee la xiray? first appeared on Caasimada Online.
  21. As Minnesota’s COVID-19 numbers continue to move swiftly in the wrong direction, Gov. Tim Walz on Monday again implored Minnesotans to do more to stem the disease’s rampant spread. Source: Hiiraan Online